
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHSABTI 15 ABRIIL 2023-KA
Madaxweyne Xasan oo Addis Ababa u tegay sameynta isbaheysi cusueb
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamu ud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray ma gaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaas uga qayb gel aya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hogga amiyeyaasha dalalka Soom aaliya, Itoobiya iyo Talyaa niga. Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaam iyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsan ayaan dib u ha baynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mi deynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.
Madaxda seddaxda dalka ayaa shirkaas ku gorfeyn do ona xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahay aan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo ba ndhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.
Sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaa ray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay lee dahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol ayey dowlad da Soomaaliya ku soo bandhigi doontaa shirkaas.
Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanay aan ayaa hadda bilow ah, waxaana laga war sugayaa si da ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameys taan.
Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eri trea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, mar kii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxw eynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
RW Xamse oo guddoomiyay shir looga hadlayay qor sho loo sameeynayo degaann ada laga saaray Al-Shabaab
R/ Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga had layey dardargelinta iyo hagidda xa sillinta deegaannada laga saaray Al-Shabaab.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda ee xasill inta deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab iyo kuwa la xoreyn doono oo ay ugu horreeyaan gaarsiinta adee gyadii guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay u geysteen Al-Shabaab.
R/Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay ka go’an ta hay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soo maaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada Shaba ab laga saaray la gaarsiinayo hay’adihii dowliga ahaa.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo waiii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Al-Shabaab.
Duqa Muqdisho oo soo saaray amar saamey naya mas’uuliyiin badan
Guddoomiyaha mamulka gobolka Banaadir, ahna du qa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jim caale (Madaale) oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday degmada Hodan ayaa ka hadlay amniga guud ee caasimada.
Guddoomiye Madaale ayaa soo saa ray amar culus oo la xiriiro sugidda amn iga Muqdisho, kaas oo saameynaya mas ’uuliyiinta iyo saraakiisha hubka ku dhex qaata gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay mamnuuceen hubka culus, isaga oo sheegay in ciddii lagu arko laga qaadi doono tallaabo ad ag. Sidoo kale waxa uu si gaar ah u faray guddoomiyey aasha maamullada degmooyinka inay u hoggaansama aan amarkaan, isla-arkaana ay digtoonaadaan waxyaab ahaasi.
”Hub culus magaaladan laguma dhex qaadan karo amar waa qaadasho guddoomiyeyaasha degmooyinka haka digtoonaadaano” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka gob olka Banaadir, isaga oo ka codsaday inay la shaqeey aan ciidamada ammaanka ee howlgallada ka wada xaa fadaha Muqdisho, si looga hortago weerarada Al-Shabaab, loona soo qabto burcadda hubeysan iyo ciya al weerada. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay qaaday tal laabooyin cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Mu qdisho oo haatan qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo Boolis Militaar ah oo dhowaan lagu soo tababaray wa ddanka Uganda.
Si kastaba, maalmo kahor ayay ahayd markii amar guud oo kan ka sarreeya uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada faray inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan gaari kasta oo xoog ku mara baraha ko ontarool, sidoo kalena ay xakameeyaan hubka waa weyn.
Madax Ka Qeyb Gashay Xarig Jarka Suuqii Sadde xaad Oo Xayaat Mall Ka Furatay Muqdisho
R/Wasaare Kuxigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ay aa si wadajir ah xarigga ugu jaray xarunta 3-aad ee Su uqa Xayaat Mall, oo laga hergeliyay Degmada Boondhe ere. Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay ganacsatada Suuqa Xayaat Mall sida ay ugu dhiiradeen balaarinta Ga nacsigooda, asigoona ugu baaqay ganacsatada Soom aaliyeed in ay ku kalsoonaadaan Maalgashiga dalkoo da, si loo helo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur loo sa meeyo dhalinyaradda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in isbedelka amni iyo horumarka ka jira Muqdisho ay suu ragelisay in Ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiiradaan maalgelinta suuqyo waaweyn oo ay bulshada baahi u qabeen, taasi oo caasimadda Muqdisho u horseedeysa in ay la tartanto caasimadaha kale ee aduunka.
Munaasabadan xarig jarka faraca 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska So omaaliyeed, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Siyaasiy iin, Haweenka, Ganacsato, Qey baha kala gedisan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.
Xayaat Mall ayaa horey magaa lada Muqdisho uga hirgalisay labo xarumo waa weyn oo ganacsi, waxa ayna xarunta saddexaad laga hirgaliyay degmooyinka dhaca dhinaca waqooyi oo aad ugu baa hnaa Suuqa Xayaat Mall.
Gen. Biixi: Ma dhicidoonto in Shabaab dam be uu weerar kusoo qaado goobaha la xoreeyay
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaal iya, Gen, Biixi, ayaa sheegay inay qaa teen qorshe ay kaga hortagayaan in Shabaab mar kale soo weeraro xa rumaha ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka.
Taliyaha ayaa sheegay inay qibrad iyo waayo aragnimo ka qaateen weeraradii ugu dambeeyay ee Alshabaab ka geysteen degaan ada laga xoreeyay, kuwaas oo ay dow laddu ku weyday ciidamo badan iyo saraakiil laf dhabar u ahaa howlgallada dalka looga xoreynayo Alshabaab.
Gen. Biixi wuxuu sheegay in aad loo xoojiyay farriisi maha ciidamada, wuxuuna sheegay saldhig kaste inay dajiyeen ciidan aad u tiro badan oo iska caabin kara we erar kasta oo kaga yimaada kooxda Shabaab.
Dhinaca kale, taliyaha ciidanka dhulka ayaa sheegay inay Alshabaab inuu dhexdooda khilaaf weyn ka taagan yahay, kadib markii sida uu sheegayay isku qabteen in ay is-dhiibaan ama ay dagaalamaan.
Taliyuhu wuxuu sheegay khilaafkas in uu sababay inuu dagaal dhexdooda inuu ka qarxo, kaddib markii sida uu sheegay ay isku qabteen in aysan sii dagaalami ka rin.
Hadalka taliyaha ciidanka dhulka ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay bilaabe en wajigii labaad ee howlgalka dib u xoraynta dalka.
Ergeyga Madaxweynaha oo Mareykanka uga qeyb-galay kulan muhiim u ah Somalia
Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb-galay dood la xariirtay sidii xal loogu heli lahaa sugnaanta cuntada du nida, kaas oo barbar socday shir ka dhacay magaalada Washington. Shirkan oo ay soo qaban-qaabi yeen Bangiga Addu unka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah mid sanadle ah, islamarkaana loogu magac daray Ku lamada Gu’ga (Spring meetings).
Sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay madaxa Hey’a dda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Ba nkiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale.
Hirkaan ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata col aadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaada ha, abaarta iyo arrimo kale.
Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa kulanka la wad aagay fursadaha iyo caqabadaha is-hareer yaal ee Soo maaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye.
Waxa uu xusay in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabi ici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiy ad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.
Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiim adda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhis aysa adkaysiga bulshada, ka soo kabasha da iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu ga cansiiyo maalgashiga dha nka bee raha, xoolaha, kalluumaysiga, ma cda nta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida cunto yarida, loogana kaafto omo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.
"Dooddayda waxaa sal u ahaa in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi oo keli ah ahayn ee ay haysato khayraad dabiici ah, macdan qaali ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, kuna taalo meel ahmiyad juqraafi istaraatiiji ah leh, dadkeeduna u badanyahay dhallinyaro firfirco oni, hal abuur iyo hami sarreeya leh,” ayuu yiri Xildhib aan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka kadib soo saaray qoraal kooban.
Waxa uu intaas sii raaciyay "Haddaba cid kasta oo Dorraad culayska iyo caqabadaha naga horqaada, must aqbalkana nala maalgashata waxaa hubaal ah inay ku faa’iidi doonto.”
Si kastaba, Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo sa nadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, cirib-tirka faqriga, ho rumarinta dhaqaalaha, gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya horu marka caalamiga ah iyo han aanka maaliyadeed ee dunida.
Taliska Booliska G/Banaadir oo ku dhawaa qay inay xiri doonaan siyaasigii hub waaweyn ku dhex qaata Muqdisho
Taliska Boosliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhaqan-gelinayaan amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in weli siyaasiyiinta iyo mas’uuliyinta dowladda aysan u hoggaansamin ammarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan hub lagu dhex qaadan Magalada Muqdisho.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in weli si caadi ah Magaalada Muqdisho loogu dhex wato Qorriyihii waaweynaa ee Gawaarida ku xirnaa iyo kuwo kale, balse, iyaga ay fulin doonaan ammarkii Madaxweynaha.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir in cid kasta oo hub waaweyn ku dhex qaadatada Magaalada Muqdisho saraakiisha iyo siyaasiyiinta wata ay tallaabi ka qaadi doonaan soona xiri doonaan lana maxkamadeyn doono.
Hadalkan kasoo yeeray taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa kusoo aadaya xilli weli uusan dhaqan gelin ammarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada
Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.
C/kariiin Guuleed oo Bulshada Rayidka kala hadlay dhaqaajinta wada-hadallada Dowlad da Federaalka & Somaliland
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Gu led ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Ho ggaamiyeyaasha ururada Bulshada Rayidka Soomaaliy eed, kullankan oo ahaa mid wadatashi ah ayaa diirada lagu saaray sida loo xoojin karo wadahadallada Somal iland, iyo doorka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ka qa adan karaan ka miro-dhallinta dedaalada xooggan ee ku wajahan wadahadallada Soomaaliya iyo Somalilan.
Qaar ka mid ah Masuulliyiinta Uru rada Bulshada Rayidka ee ka qeyb galay kullanka ayaa soo jeediyay tal looyin aad muhiim u ah, waxaana ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin la sha qeynya Xafiiska Ergeyga, ayna ku biirinayaa waxkasta oo xoojinana Ka gun-gaarista wadahadallada Somal iland.
Ergayga ayaa uga Mahadcelinayay tallooyinka wana agsan oo ay la wadaageeyn Ka qeyb galayaasha, waxa ana uu tilmaamay in kaallinta Bulshada Rayidka ee wa dahadallada Somaliland ay tahay mid aad muhiim u ah, ayna qorsheynayaan in ay qaataan door hoggaamineed oo horseedaya isdhexgalka Shacabka walaalaha ah.
DF oo wafdi culus u dirtay degmada Balcad Maxay ku soo arkeen?
Wafdi xildhibaano iyo wasiirro ah oo ka socda dowl adda federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay safar ku tegay degmada Balcad oo 30 KM u jirta caasimadda Mu qdisho.
Wafdigaas ayaa kormeerayey dhismaha wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Balcad iyo sidoo kale goobaha danta guud ee degmada Balcad.
Wafdigaan ayaa booqday meelaha cabsida badan laga qabo inuu ka fataho wabiga Shabeelle oo mara degm adaas iyo xarumo taariikhi ah, sida warshadii Dharka Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Balcad.
Wasiirrada arrimaha gudaha, howlaha guud, tamarta iyo biyaha iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa isku ra acay Balcad, waxaana safarkaas ka warbixiyey wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.
Fiqi oo carruur dharka ciidda u soo doonatay magaal ada la saaran Mooto Bajaaj ayaa sheegay in reer Balc ad ay hiigsanayaan hormar aan caadi aheyn."Waxaan rajeynayaa in xarumaha muhiimka ah ee degmadaas sida warshadii dharka dib loo howlgeliyo, waxaa naloo sheegay in 70% ay shaqeyneyso warshadu,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wuxuu ka warbixiyey muhiimadda ay wadadu leeda hay shacabka ku nool degmada Balcad "Dadku waxay noo sheegeen in isbitaalka Soos ee Muqdisho ay 15 da qiiqo u socdaan, halka markii hore ay burburka wada ku dhibanaayeen oo haweenka foolanaya ay dhex ku umuli jireen,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dowladdu aysan Xamar ku ekeyn oo meel kasta ay tegayaan, "Dorraad waa u jeedaan wax aan saaranahay Bajaaj ku sugan Balcad, halkaan wax aa ka da’ay roob badan oo meelaha qaar waxaa fataha ad geystay wabiga,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.
Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha gudaha XFS wuxuu sheegay in reer Balcad ay mustaqbal fiican leeyihiin oo dalaga ka soo go’a beeraha si nadiif ah loogu iib geeyo magaalada Muqdisho
Hoos ka daawo
DFS oo soo bandhigtay shuruudaha laga ra bo Shir kadaha ka qeyb qaadanaya daa bulida xujeyda Soo maaliyeed
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xuku umadda Soomaaliya ayaa fartaydhammaan Shirkada ha Diyaaradaha ee danaynaya inay ka qaybgalaan tar tanka Daabulista Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkan 1444/2023 inay soo gudbistaan codsiyadooda, soona bu uxiyaan shuruudaha loo dejiyay tartanka Daabulista xu jeyda ka hor 18. 04. 2023.
Wasaaradda ayaa sheegtay in shur uudaha oo gaara ya ilaa 13 qodobShir kadihii soo buuxin waaya aysan qeyb ka noqon doonin tartanka daabulada xujey da Soomaaliyeed ee sanadkan 2023. Hoos Ka Akhriso Shuruudaha laga doonayo Shirka daha Diyaaradaha ee danaynayainay ka qaybgal aan tartanka Daabulista Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanad kan.
Ciidamada xoogga dalka oo Al-Shabaab kala war eegay degaano horleh & howlgallo ka socda
Ciidanka xooga dalka oo kaashanya dadka degaanka ayaa howlgallo ay saacadihii la soo dhaa fay fuliyeen ayay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shab aab. Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciida nka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa ugu baaqay shacabka tuu looyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dow ladnimada soo gaartay
Dhankale Taliye Saneey Cabdulle oo fariin u diray Al-Shabaab ayaa yiri. "Hadii aad ka run sheegaysaan war kiina ah jano ayaan doonaynaa hanaga cararina ee kaa laya goobta dagaalka”
Wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilowday waxaana ilaa iyo hada lag ala wareegay dhul farabadan oo kuyaalla Gobolka Gal gaduud, sida Sabansableey iyo Ceelafwayn oo u dhow degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.
Tababar loo soo xiray Ciidamada ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaa lada Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxt ooyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo Muddo Afar bilood ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia. Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Serbia Bratislav Gasić, Danjiraha Jamhuuriyadda Fad eraalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Du gsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.
Askarta Tababarka loo soo xiray ay aa tiro ahaan gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil,Saraakiil xige eno, Dabley iyo Alifley, kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku sa absan Amniga iyo ilaaladda Madaxda Qaranka oo uu ug u horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS Md. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga ma had celiyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isla markaana Ciidankan ay ka qeyb qaad anayaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.
Md.Bratislav Gasić Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Tababarada Ciidanka Dowladda Faderaalka ee Soomaa liya kuwaas si loo dhiso tayadda ilaalada gaarka ah ee madaxda Qaranka Soomaaliya.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo Dorraad ka la saxiixday heshiis muhiim ah
Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa Dorraad magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhaq aale oo gaaraya 19 Milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talo galay dib usoo kabsashada ilaha dhaq aalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.
Heshiiskaan oo la sheegay inuu soo socday ku dhawaad laba sano ayay Dorraad kala saxiixdeen hay’adda Ga rgaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerta ganacsiga, Bankigyada iyo Bankiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).
Maal gelintaan ayaa la tilmaamay in xoogga lagu sa ari doonta ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, si da Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxii ska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhall inyarada.
Waxaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda heshiiska lagu kala sexiixday qaar ka mid ah Agaasimyaasha gu ud ee Wasaaradda ee ay khuseyso, Madaxda sare ee hay'adda Gargaara, Madaxda Bankiyada Somaaliyeed iyo Madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara Suleymaan Ca bdi Ducaale ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo dow ladda Jarmalka taagerada ay la garab taagan yahiin sha cabka Soomaaliyeed.
Allena Kern oo ah Madaxa horumarinta iyo Iskaash iga Safaaradda wadanka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney ku kalsoon tahay taageerada Gargaara ay siiso ganacsiyada gaarka, iyadoona sidoo kale u bal an qaaday taageera buuxda.
Dalka Jarmalka ayaa ka mid yahay dalalka sida wayn u taageera dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarka ana ka caawiya dhinacyada, gargaarka, horumarinta, far samada ganacta, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga
Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay rag ku eedeysan inay gabar yar kufsadeen
Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba Rag ah oo ku eedeysan inay kufsi ugu geysteen magaalada Muqdisho Gabar Soomaaliyeed.
War kasoo baxay taliska ayaa wa xaa lagu sheegay in Ciidanka Boo liiska Saldhigga Degmada Hiliwaa ay gacanta ku soo dhigeen laba rag ah oo ku eedeysan inay kufsi ugeesteen gabar Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu kala magacaabo.
1 Axmed Macalin Cabdi 22 Jir ah
2 Cali Axmed Nuur 33 jir .
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shee gay in raggaas la horgeyn doono Cadaalada, isla markaana Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu u taaganyahay Ilaalinta Nabadgalayada Guud.
MORGAN oo kasoo muuqday Martisoor kadib warkii kasoo baxay Somaliland
Jeneral Maxamed Saciid Xirsi oo caan ku ah (Mor gan) ayaa Habeen hore kasoo dhex muuqday hoteelka Martis oor ee magaalada Garoowe, xilli ay Somaliland u jeed isay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka magaalada Laa scaanood.
Muuqaalka laga soo duubay Jener aal Morgan oo ahaa xilli habeenimo fiidkii oo la sheegay in Salaadda Ta raawiixda uu kusoo dukaday masjid ku dhex yaalla ho teelka Martisoor, ayaa waxa uu meesha ka saaraya she egashadii Somalilad.
"Wasiirka Gaashaandhiga SNM Jananka ha ka been sheegin waa maalin Ramadaan, dagaal kuma jiro Jan anku oo anaga ayuu nala tukadaa, waxaa leeyahay dad kaaga runta u sheeg oo been ha u sheegin. Jeneraal Morgan garabkayga ayuu taagan yahay.”
Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Ma xamuud Caateeye oo Dorraad qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Jeneraal Morgan uu ka dagaalamayo gudaha magaalada Laascaanood, halk aas oo ay isku hayaan Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC.
Wasiir Caateeye ayaa sheegay in Morgan uu ka bar bar dagaalamayo ciidamada SSC ee haatan militariga Somaliland kula dagaalamaya duleedka magaaladaasi, isaga oo ku eedeeyay inuu horkacayo ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaasi.
"Jeneral Morgan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Hiliblihii Hargaysa’, wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farma ajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wu xuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaan ood iyo ciidanka Puntland” ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye.
Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer hore wa xay dagaalka Laascaanood ku eedeysay inay qeyb ka yihiin jihooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka, maamul gobolleedka Pun tland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, kuwaasi oo iyagu beeniyay eedeymahaasi.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay aa waxaa bishii 3-aad oo xiriir ah ku dagaalamaya cii damada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, kuwaasi oo si adag uga soo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland.
Waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhe x-dhexaadin ay isku xilqaameen dhinacyo kala duwan, ka dib markii labada dhinac ee isku haya halkaasi ay ku xireen shuruudo adag, si la iskugu imaado miiska wada-hadalka.
Si kastab, Dagaalka Laascaanood ayaa sababay kha saare badan oo isugu jira dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo weliba burbur horleh oo gaaray magaalada.
Puntland oo shaacisay cidda ka dambeysay wee ra rkii lagu qaaday shirkadda Almacruuf ee magaalada Boosaaso
Puntland ayaa sheegtay weerarkii shantii bishaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee lagu qaaday shirkadda Almacruuf, inay ka dambeeyeen kooxo argigxiso oo far riisin ku leh buuraleyda gobolka Bari.
Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, gaashaanle sa re Muumin Cabdi Shire ayaa caddeeyay ujeeddada weerarkan inuu ahaa cabsi galinta ganacsatada maga alada Boosaaso, si ay lacago baad u siiyaan wuxuu ugu yeeray argigixisada ku sugan Puntland.
Taliyaha ayaa sheegay in la hayo xogo ku saabsan dadkii ka dambeeyay weerarkii shirkadda Almacruuf, weerar kaas oo lagu dilay labo katirsanaa sha qaalaha shirkadda, halka sidoo kalena la gubay dhammaan hantidii shirkadda taalay, kaddib markii Bombo gacme edyo lagu qarxiyay xarunta.
Taliyuhu wuxuu sheegay inay qaadayaan tallaabooy in is xigxiga oo looga jawaabayo hanjabaadda lagu hayo ganacstada gobolka Bari, kuwaas oo qaarkood ku dhow inay albaabada u laabaan xarumahooda ganacsi kaddib weerarkii lagu qaaday shirkadda Almacruuf ee mag aalada Boosaaso.Taliyuhu wuxuu digniin u diray shir kadaha xawaalada ha, bangiyada iyo kuwa isgaarsiinta, isagoo uga digay in ay akoono u sameeyaan kooxaha doonaya inay lacago baad ah ka qaataan ganacsatada Puntland. Si kastaba ha ahaatee magaalada Boosaaso waxaaa si qarsoodi ah ugu sugan kooxaha Shabaab iyo Daa cish, kuwaas oo la ogyahay inay lacago kusoo rogeen ganacsatada.
Qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga ayaa diiday inay u dhego nuglaadaan awaamiir uga timid kooxahan, sida uu HOL u sheegay sarkaal katirsan laamaha amniga, kaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.
Madaxdii Al-Shabaab ee degaanka Moqokori oo meydadkooda lasoo bandhigay
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaysa ciidanka dib u xoreynta deegaanka ayaa Dorraad weerar qorsheey san ka fuliyay gudaha deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo xubno Shabaab ah ay ku sugn aa yeen. Seddax nin oo labo saraakiil sare tahay ayaa Al-Sha baab Dorraad looga dilay Moqokori, waxaana howlg alka as looga furtay seddax qori iyo gaari NOAH ah oo cii danku ay saxaafadda u soo bandhigeen.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana bartilmaameedkoodu uu ahaa xubnaha la dilay. Deeroow oo ahaa guddoomiyihii Al-Shabaab u magacownaa Moqokori iyo Siraad Cumar Gacal oo koo xda u qaabilsanaa can shuurta gaadiidka ee gobolka Hii raan iyo hal askari oo ilaalo u ahaa, ayaa lagu dilay howl galka Moqokori, kuw aas oo meydkooda lasoo ban dhigay.
Sidoo kale sarkaalka u hadlay ciid amada dowladda wuxuu sheegay in xubnaha ay dileen ay gaarayaa ilaa shan, balse ay u suurta gashay in sedd axdaan ay me ydkooda Maxaas keenaan. Meydadka xu bnahaas Dorraad Shabaab laga dilay, hubkoodii iyo gaa rigii ay wa teen ayaa warbaahinta loo soo bandhigay, waxaana gaa rigii galabta la geeyey degmada Maxaas.
Howlgalkaan Dorraad lagu soo dilay xubnaha Shaba ab-ka ah ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu guddoom iyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu balan qaaday in qof kii soo dila dagaalame ama sarkaal Shabaab ah uu siina yo lacag u dhaxeysa $5 kun ilaa $25 kun oo dollar.
Xil. Axmed Khaliif: Xukuumadeena waxad moodaa in ay xalkaba ay rasaas ka taqaano
Xildhibaan Axmed Khaliif oo kamid ah Golaha Wakii lada Somaliland, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay le edahay qaladka sababay in dagaal ka dhaco magaalada Laascaanood.
Khaliif oo laga soo doorto gobolka Sool, oo marti ku ahaa barnaamijka Fagaaraha Su'aalaha, ee muuqbaah iyaha MMTV, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay ras aas la dhacday shacabkii reer Laascaanood ee ka gad ooday dilalka soo noqnoqday.
"Xukuumadeena waxad moodaa in ay xalkaba ay ras aas ka taqaano, waad arkaysay wiilal yar yar oo 18, 19 iyo 20 jir ah wixii lala dhacayay, maaha rasaas yar iyo qori yar iyo bastoolad, waa dhishiike weeyi, halkii ahayd in loo tago oo la yidha waxan yaa sababay" ayuu yidhi Khaliif.
Waxa uu sheegay in qaladka labad ee ay xukuuma du samaysay uu aha in ay soo dayso garaadada dee gaanka oo badankoodu aan gobolka iman mudo, muc aaradna ahaa "Qala dkii ugu waynayd ee la galay ayay ahayd in lasoo daayo garaadada oo nin waliba 300 oo as kari wato" ayuu yidhi Khaliif.
Waxa kale, oo uu sheegay in xuku umadu ay ku guuld araysatay in ay fahanto in shirka garaadadu uu ahaa mid Somaliland lagu hagardaamayn ayo, iyo in intii uu shirku socday magaalada hub lasoo galiyay oo ay xak amayn kari wayday.
Waxa uu tilmaamay in ay xaalada uga sii dartay ka dib markii ciidamo beeleedkii ay xukuumadu soo fasax day, ay ku tilDorraady in ay yihiin argagixiso, waxaanu sheegay in qaladka dagaalka ay xukuumadu leedahay.
Waxa uu sheegay in qalad laga galay dadka reer Laas caanood, oo xukuumadu anay fulin heshiisyadii saami qaybsiga, isla markaana waxa uu ku andacooday in aan lasiin adeegyadii asaasiga ahaa.
Geerida Haweeney Soomaaliyeed oo ku dhi matay Hinidiya oo dhalisay su'aalo
Haweeney Soomaali ah oo da'deeda lagu sheegay 35 jir, ayaa meydkeeda laga helay suu liga gurigeeda oo ku yaal waqooyiga magaal ada Hyderabad, ee dalka India.Ninkeeda oo lagu magacaabo Liibaan Cabdi Cali, ayaa walaac ka muujiyay markii ay ka jawa abi weyday garaa ca albaabka u soo garaacay. Aakhirkii waxa uu xoog ku furay albaabkii oo laga soo xidhay gud aha.
Waxana uu la kulmay iyada oo dha awac ah oo dhi ig-bax aysa. Isla markiiba waxaa loo qaa day isbitaal ga ar loo leeyahay, waxaana la sheegay in ay geeriyootay. Lamaanahan ayaa 21 kii bishii March waxay Hyderabad u yimaadeen xaalad caafimaad iyagoo wata fiisaha caaf imaadka, islamarkaana raadina ya bacriminta uurka.
Haweeneyda geeriyooday waxay daryeel ku qaadanay say cisbitaal ga ar loo leeyahay oo ku yaal Secunderab ad oo ah xudunta u gu weyn ee caa fimaadka ee Hind iya.
Booliska Banjara Hills ayaa kiis ka u diiwaan galiyay inuu yahay geeri laga shakisan yahay sida uu dhigayo qeybta 174 ee xeerka ciqaabta Hindiya.Maydka haw eeneydan ayaa loo gudbiyay isbita alka gu ud ee Osm ania si baaritaan loogu sam eeyo waxa sab abay geeri deeda.
Hooyo Xaamilo Ahayd Oo Ku Geeriyootay Musqul La Duntay Magaalada Hargeysa
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Har geysa ee degaannada Somaliland ayaa wax aa ay sheegayaan in Hooyo xaamilo ahayd ay ku Geeriyootay Musqul la dun tay xaafada Killa lka ee magaalada Hargeysa.
Hooyada oo lagu Magacaabi jiray Samiira Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ifka kaga tagtay 7 Carruur ah oo ay dhashay , waxaana la sheegay in musqusha ay ku dun tay xilli ay xaajo u tagtay, isla markaana markii ay weys ay cid u soo gurmata ay sidaasi ku geeriyootay
Ciidamada dab demiska Somaliland oo goor dambe tagay Guriga ayaa ka soo saaray Godka musqusha Hooya da oo geeriyootay kadib markii dad deris la ah ay Ciidamada gaarsii yeen qeylo-dhaan ku aadan in la soo badbaadiyo balse, iyada oo meyd ah laga soo saaray.
Ciidamada dab demiska Somaliland ayaa ugu baaqay Bulshada kunool degaannada kala duwan ee Somalil and inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duug oobay
Shiinaha oo jawaab cajiib ah ka bixiyey qoraal Somaliland ay soo dhigtay twitter-ka
Maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay Hargeysa iyo dowladda Shiinaha ayaa markale isku qabtay arrin la xiriirta Taiwan, taas oo haatan xiisad cusub ka dhex abuurtay labada dhinac oo markii horeba isku hayay dibluma asiyadda.
Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo si aan gambasho lahayn uga had ashay dhoolatus milatari oo uu Shiinaha ka sameeyay aagga Taiwan, ayada oo si weyn ugu dhaleeceysay xukuumadda Beinjing.
"Xuduudaha qaran ee waddan la yeehay waa in la ixtir aamo, lagana ilaaliyo argagixisada kusoo duusho, ama khatar dibadeed, laakiin dhoolatuska Shiinaha run aha antii wuxuu jabinayaa maqaamkii marinka Taiwan,” ayay tiri wasaaradda arrimahadda dibadda Somaliland oo qoraal soo dhigtay twitter-ka.
Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale taageero u muujisay Taiwan, waxayna shaaca ka qaaday inay ku garab taagan tahay ilaalinta iyo difaaca dhulkeeda.
"Sidaas daraadeed Somaliland waxay garab taagan tah ay Taiwan oo ay ka mideysan yihiin dimuquraadiyadda” ayay hadalkeeda raacisay wasaaradda arrimaha dibad da Somaliland.Dhinaca kale safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, FEI Shengchao ayaa isla twitter-ka jawaab kulul u dhigay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.
Danjire FEI Shengchao ayaa hadalka kasoo yeeray Somaliland ku tilmaamay wax lagu qoslo, wuxuuna si doo kale ku sheegay inay tahay qoys gurigooda ka sam eystay sohdin. "Waa in la ixtiraamaa xuduudaha uu qa ran leeyahay, laakiin haka dhigin xuduud qaran leey ah ay waxyaaba lagu qoslo iyo meel aanay jirin. Qoysas ca qliga saliimka leh sohdin kuma dhex sameystaan gury ahooda,” ayuu isna ugu jawaabay Danjire FEI Shen gch ao. Shiinaha iyo Somaliland ayaa marar badan sidan oo kale hawada isku mariyay hadallo kul-kulul, waxayna xii saddooda kasii dartay markii ay Xukuumadda Hargey sa ee u hoggaamiyo Muuse Biixi xiriir la yeetay Taiwan oo Shiinaha u aqoonsanyahay qayb kamid ah dhulkeeda.
Odinga oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo ka dhan ah dowladda dalka Kenya
Mucaraadka Kenya ayaa ku dhowaaqay in dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda ay dib u billaabmi doo naan markii ay dhamaato bisha barakeysan Ramadan, inkasta oo uu jiro heshiis wadahadal oo ay kula jiraan xisbiga talada haya.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odi nga, oo ka ka qeyb-galay kulan ka dha cay caasimadda, ayaa sheegay in waqtiga dib u billaabashada dibad-bax yada lagu dhowaaqi doono kadib Ramadaanka oo la fi layo inuu dhammaado Jimcaha soo aadan.
Waxaa la qorsheeyey dibadbax ka dhacaya barxadda taariikhiga ah ee Kamukunji ee caasimadda, halkaasi oo nidaamka xisbiyada badan looga dhowaaqay sagaash amaadkii.
Mucaaradka ayaa horey dibadbaxyada u agaasimay laba jeer toddobaadkii, kuwaasi oo ay ku dhinteen afar qof, islamarkaana horseeday in la xiro ganacsiyada far as magaalaha. Intii ay socdeen dibad-baxyada, macba dyo ku yaalla deegaanka uu ku xooggan yahay Odinga ee Kibera iyo hanti ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa dab la qabadsiiyey.
Dibadbaxyada ayaa looga dan lahaa in dowla dda lagu cadaadiyo inay hoos u dhigto sare u kaca qiimaha nolosha iyo in guddiga doorash ada ay dib u furaan kom buyuuterada doorashada 2022, oo mucaaradka ay dii deen inay aqbalaan natiijadeeda.
Madaxweyne William Rut, oo la shaaciyey inuu ku gu uleystay doorashooyinkaas, ayaa khudbad uu jeediyey 2-dii April wuxuu ku booriyey mucaaradka inay joojiyaan dibadbaxy ada, ayna ogolaadaan wadahadallada.
Odinga ayaa kadib hakiyey dibadbaxyada, waxaana labada dhinac ay magacaabeen koox siyaasiyiin ah, ku waasi oo eegaya arrimaha ay soo jeediyeen mucaa radka.
Hase yeeshee mucaaradka ayaa maalmihii dhowaa ku eedeeyey dowladda inaysan ka go’neyn islamarkaa na dhab ka aheyn wadaha dallada, ayaga oo su’aalo ka keenay shaqsiy aadka ay soo magacaabeen xisbiga tal ada haya oo ay ku jiraan xubno horey uga soo goo stay mucaaradka.
dinga ayaa hadda sheegaya in dibadbaxyada ay gar ab socon doonaan wadahadallada. Mucaaradka ayaa ku baaqaya in wadahad allada ay ka qeyb galaan saami leyda kale sida bulshada rayidka, hase yeeshee xisbiga talada haya ayaa ku adkeysanaya in hanaankan uu no qdo mid baarlaamaani ah.
Safiirada reer galbeedka iyo kooxaha bulshada rayid ka ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo wada hadallo intii ay socdeen dibadbaxyada. AP + VOA
MAREYKANKA oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo ka dhan ah TURKEY
Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii cunaqabatayn ku soo rogtay ugu yaraan afar shirkad oo fadhiggoodu yahay Turkey, kuwaas oo ay sheegtay inay jebiyeen xay iraadaha Mareykanka ee saaran Ruushka, islamarkaa na ka caawiyeen dagaalka Ukraine.
Waa tallaabadii ugu cusleyd ee Mareykanka uu qa ado ee ka dhanka ah Turkey, tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukra ine. Shirkadaha xayir aadaha la saaray ayaa waxaa ku jira mid ka shaqeysa elektoroonik iyo kuwa ganacsiga taknoolajiyadda, wa xaana lagu eedeeyey inay gacan ka gaysteen gudbinta badeecado la xanibay.
Afarta shirkad ayaa ka mid ahaa 120 shirkadood oo Wa axda Maaliyadda Mareykanka ay xayiraado kusoo rogtay.
Washington iyo xulufadeeda ayaa xayiraado culus ku soo rogay Ruushka kadib duulaankii Ukraine, hase ye eshee xarumo ganacsi oo ay ka mid yihiin Turkey, Hong Kong iyo Imaaraadka Carabta ayaa u furnaa.
Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in xayiraadaha lagu beegsaday shirka do iyo shaqsiyaad ka tirsan qeybaha ganacsiga badda oo "xiriir la leh Ruushka ama ay leeyihiin Ruushka.”
"Waxaa loola jeedaa digniin ku aadan dhaqan-gelinta xakameynta dhoofinta,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey weli kama jawa abin xayiraadaha Mareykanka, kuwaasi oo yimid kahor bil doorashada taariikihiga ah ee Turkey ka dhaceysa bisha May. Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayd ay inay xiriir wanaagsan la lahaato Moscow iyo Kyiv lab adaba intii uu socday dagaalka.
Waxay mabda’ ahaan kasoo horjeesatay xayiraada ha Reer Galbeedka, hase yeeshee waxay sheegtay in aan lagu jebin doonin Turkey, islamarkaana agabka mil itariga Ruushka aan dalkeeda la marin karin.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay xayiraadda saartay shirkadda Azu International ee Turkiga, oo jibka computer-ka ee dibedda laga keeno u dhoofisa Ruushka. Waxay sidoo kale xayiraad saartay Dexias oo ah shirkad ganacsi oo sheegtay inay wakiil dhex-dhexaadiye ka tahay shirkadaha Ruushka ee xayiraadda la saaray. VOA + REUTERS
Cudur laga qaado shimbiraha oo laga helay Shiinaha
Haweeneey u dhalatay Shiinaha ayaa noqotay aada nihi ugu horreeyay oo u dhinta nuuc cusub oo ka mid ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8.
Laanta Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheeg tay in cudurkaan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shii naha, hase yee shee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn dadka. Haweeneyda u dhimatay xanuunkan ayaa aheyd 56-jir kasoo jeedda gobolka Guangdong ee koofurta Shii naha. Waxay aheyd qofki saddexaad ee la ga helay cu dur-sidaha H3N8. Sidaasi waxaa lagu shee gay bayaan kasoo baxay WHO.
Kiisaska ayaa dhammaantood ku kooban Shiinaha, iyadoo horayna loo soo gudbiyay kiisaska labada ah. Xarunta dhexe ee Xakameynta iyo Ka hortagga Cudur rada ee Guangdong ma bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan daruufaha ku xeeran dhimashada hawe eneyda.
Shiinaha waxa uu caan ku yahay cudurrada laga qaa do shimbiraha. Sida ay wararku sheegayaan, haweene yda u dhimatay xanuunkaan ayaa booqatay suuq lagu iibiyo shimbiraha oo ah suuq qoyan.
Feyraska H3N8 ayaa ah mid ku badan shimbiraha, ma ahan cudur bixiyo calaamado muujinaya xanuunka. Sidoo kale waxa ay shimbiruhu qaadsiin karaan xaya waanka kale.
Madaxweynayaasha Masar & Imaaraadka oo wada-hadallo yeelanaya
Wakaalada wararka ee dalka Imaaraatka Carabta ee WAM ayaa sheegtay in Madaxweynaha Imaaraatka Car abta Sheikh Mohammed bin Zayed uu Arbacadii gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay booqa shadiisa.
Imaaraadka Carabta oo ay weheliy aan dalalka Khaliijka ee ay deriska yih iin ee Sacuudiga iyo Kuwait, ayaa bala ayiin doollar oo deeq ah, lacag caddaan ah iyo shixnado shidaal ah u soo diray Masar kadib markii Madaxweyne Cabdifataax Al-sisi oo xilligaas ahaa taliyaha ciidamada uu hoggaaminayay afgambigii lagu riday hoggaamiyihii ka horreeyay ee Maxamed Mursi sanadkii 2013-kii.
Lacagtaas ayaa kor u qaadday dhaqaalaha Masar. La akiin toban sano kadib, dhaqaalaha dalkaas ayaa mar kale waxaa soo food saartay cadaadis ba’an, iyada oo boqortooyooyinka Khaliijka ee qaniga ku ah saliida ka dhawaajiyay inay dhamaatay wakhtigii lagu xiri jiray shu ruudaha gargaarka ay bixiyaan.Sheikh Maxamed, oo loo yaqaan MBZ, ayaa waxaa garoonka kula kulmay Sisi, sida laga soo xigtay muuqaal uu baahiyay TV-ga dowlad da Masar. Labadan isbahaysi waxa ay lahaayeen xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Qaahira ayaa 3 bilyan oo dollartaageero maaliyad eed ah ka heshay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) bishii Diseembar, halka ay qiimo dhimis ku sameysay lacagteeda kala bar tan iyo bishii Maarso 2022 kadib duulaanka Ruushka ee Ukraine oo kashifay daciifn imadeeda dhaqaale.
CUNTOOYINKA KAA CAAWIN KARA KORRIINKA TIMAHA
Timaha banii'aadanka waxay ka kooban yihiin borootiin la yira ahdo Keratin kasoo sidoo kale qaabilsan korriinka cidiyaha iyo maqaarka jirka. Timaha waxaa sidoo kamid ah qeybta u xilsaaran kalarka ,qeybta difaaca iyo sidoo kale qeybta hoose ee qaabilsan tamarta ay u baahan yihiin timaha.
Dhammaanteen waxaan naga go 'aa timaha si dabiici ah maalin kasta marka aan shanleyno ama dhaqe yno iyo ilaa inta cusub ay nooga soo baxayaan isla inta naga go'day, si kastaba haddii timaha naga go'ayo ay ka badan yihiin kuwa inoo soo baxaya markaa waxaa dhici kartaa in qo fka uu timo la'aan noqdo ama timaha ay jilcaan.
Arrimo dhowr ah ayaa saameeya korriinka timaha kuwa as oo horseeda in timaha ay si kumeel gaar ah u daat aan ama horseeda in qofka ay gasho bidaar, waxaana kamid ah isticmaalka dawooyinka qaar sida kuwa ki mikada ah iyo sunta Nicotine.
Sidoo kale timaha oo daata waxaa sababaa xanuuna da ka dhasha hormoonada, cudurka tayroodka ama qumanka, welwelka iyo nafaqo la'aan.
Cuntooyinka qaabilsan korriinka timaha
Maadaama ay timuhu ka samaysan yihiin borotiin, qofka waa in uu qaataa cuntooyinka leh borotiin-ka, waxayna kaalin weyn ka qaataan korriinka timaha gaar ahaan timo xooggan oo caafimaad leh.
Haddii aadan cunin borotiin kugu filan, timahaagu waxay u badan tahay inay jilcaan oo ay daataan, Cunto oyinka uu ku yar yahay borotiinka waxay keeni karaan korriinka timaha oo xaddidan iyo xitaa waxay qarka u saaran yihiin inay timaha daataan.
Cuntooyinka leh borotiin-ka waxaa kamid ah kalluun ka, hilibka digaagta, lawska iyo digirta qaar.
Cuntooyinka leh maadada Iron
Iron waa macdan muhiim u ah korriinka timaha, qofka ay ka maqan tahay maadadan waxaa ka daataa timaha.
Cuntooyinka laga helo maadada Iron waxaa ka mid ah: hilibka caadiga ah, digaagta, kalluunka, khudaarta cag aaran gaar ahaan noocyada kala ah, ansalaatada iyo isbinaajka.
Fiitaamin C
Waxaa wanaagsan in Fiitaamiin C lala qaato cunto oyinka kale ee leh macdanta Iron, Fiitaamiin C waxay naga caawisaa in jirkeena uu soo saaro maadada coll agen ee xoojisa xiddida qaabilsan korrinka timaha.
Cuntooyinka ay ku badan yihiin Fiitaamiin C waxaa ka mid ah, miraha sida blackcurrants, canabka, liin macaan ta, baraadhada, seytuunta, babaayga iyo miraha loo yaq aanno Kiwi.
Fiitaamiin A
Fiitamiin A waxa u baahan jirkeena si uu u sameeyo maadada Sebum oo qaabilsan jilicsanaanta iyo ka hortagga agoolka.
Waxaana kamid ah cuntooyinka Fiitaamiin A leh, karooto, bocorka, baraadhada iyo khudaarta kale.
Maadada Zinc
Maadada Zinc waxay ka hortagtaa agoolka iyo timaha oo daata.
Cuntooyinka leh Zinc waxaa kamid ah, hilibka lo'da, Ukunta iyo galleyda.
Fiitaamiin E
Qorraxdu waxay dhaawici kartaa timaheena sida ay u dhaawici karto maqaarkeena markaa hubi inaad cu ntid cuntooyinka ay ku badan yihiin fitamiin E si aad u ila aliso timahaaga, waxaa kamid ah cuntooyinka leh Fiitaamiin C, lowska.
Biotin
Biotin waa fiitamiin B-ga ku milma biyaha, qofka ay ku yar tahay maadada Biotin waxaa dhacdaa in qofka tim ahiisu ay daataan ama jilcaan, cuntooyinka hodanka ku ah Biotin waxaa kamid ah, haruurka, beer, ukunta, iyo nooc kamid ah burka.
DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}
TOBANKA HABEYN EE DAMBE IYO LEYLATUL QADDARKA
Axad |
Isniin |
Talaado |
Arbaco |
Khamiis |
Jimce |
Sabti |
||||||||||
|
|
1 |
2 |
3 |
4 |
5 |
||||||||||
6 |
7 |
8 |
9 |
10 |
11 |
12 |
||||||||||
13 |
14 |
15 |
16 |
|
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHSABTI 15 ABRIIL 2023-KA
.