Taliyaha booliiska gobolka Banaadir: Weli masuuliyiintii Dowladda uma hoggaansamin awaamiirtii xakamaynta hubka

0
Friday April 14, 2023 - 11:34:55 in Wararka by
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha booliiska gobolka Banaadir: Weli masuuliyiintii Dowladda uma hoggaansamin awaamiirtii xakamaynta hubka

    Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Mahadi Cumar Muumin ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta hubaysan ee dowladda in aysan fulin amarkii kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya ee lagu xakamaynayay hubka nuucyadiisa. Taliyaha ayaa sheegay inay ciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Mahadi Cumar Muumin ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta hubaysan ee dowladda in aysan fulin amarkii kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya ee lagu xakamaynayay hubka nuucyadiisa. Taliyaha ayaa sheegay inay ciidamada dowladdu bilaabeen howlgal lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho, sidaas darteedna aan la aqbali karin in magaalada Muqdisho hub lagu dhex sito. "Weli masuuliyiintii Dowladda uma hoggaansamin awaamiirtii Dowladda. Weli qoryaha dhashiikaha la wataa, BKM-yadaa la wataa. Cid kaste oo qori shashiike ah ama BKM wadata waa laga hortagayaa, waana la qabanayaa," ayuu yiri taliyuhu. Taliyuhu wuxuu ku goodiyay cid kaste oo jebisa amarka xakamaynta hubka in maxkamad lasoo taagidoono . Dhawaan ayay ahayd marii ay dowladdu diyaarisay ciidamo farabadan oo ku hubaysan gaadiid dagaal, kuwaas oo loo diyaariyay sugidda amniga Muqdisho. Ciidamadan ayaa ah kuwii lagusoo tababaray dalka Uganda, waxaana loo diyaariyay inay xajiiqiyaan amniga magaalada Muqdisho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip