
"Haweenkan marka ay caadadu ku dhacdo waxaa loo diraa keymaha mana helaan cunto iyo biyo"

XIGASHADA SAWIRKA,BBC/THULASI PRASAD REDDY
Xitaa maanta la joogo waxaan maqalnaa arrimahan. Balse xaafadaha qaar oo ku yaalla xadka gobollada Andhra Pradesh iyo Telangana ee dalka Hindiya, haweenka waxaaba loola dhaqmaa si ka xun sidaas. Halkan haweenka waxaa la geeyaa keymaha marka ay caadadu ku dhacdo.
Sanadkii 2018, BBC ayaa sheekooyin taxane ah ka sameysay arrimaha bulshada. Sheekooyinkan waxaa ka mid ah mid aan ka sameysay xaafadda Ganta Golhatti ee degmada Anantapuram ee gobolka Andhra Pradesh, halkaasoo ilaa iyo maanta ay ka jiraan caadooyinkan.
Xilligaas, BBC ayaa arrintan ka wareysatay maamullada miyiga ka dhisan iyadoo weydiisay waxa laga qaban karo si dadka looga wacyigeliyo arrintan.
Maamullada ayaa xilligaas sheegay in haatan ay bulshooyinku iska beddelayaan dhaqankan. Balse xaqiiqda ayaa ah in ilaa iyo maanta aysan wax badan iska beddelin xaafadahan.

XIGASHADA SAWIRKA,BBC/THULASI PRASAD REDDY
Balse dhaqankan keliya kuma koobna hal xaafad. Taas beddelkeed, caadadan waxaa maanta laga arki karaa xaafadaha Urinayanpally, Urinayani Koththuru iyo Palayam of Sallarapalli iyo Guddipalli oo ka tirsan gobolka Andhra Pradesh iyo Eklantham oo ka tirsan gobolka Tamil Nadu.
Bulshada xaafadahan waxaa lagu qiyaasaa 2500. Xaafadahan, waxaa jira dhaqan ah in haweenka meel fog loo diro marka ay caadadu ku dhacdo. BBC ayaa booqatay xaafadahan. Waxaan la hadalnay keliya haweenka marka ay xaaladdan ku jireen ku noolaa keymaha.

XIGASHADA SAWIRKA,BBC/THULASI PRASAD REDDY
Dhibaatada ay kala kulmaan ku noolaanshaha keymaha
Ma jiro horumar laga arki karo xaafaddan. Dadku waxay isticmaalaan biyaha ceel-biyoodyada. Inkastoo ay haweenku guryo ku leeyihiin xaafadda, haddana keliya habeenkii ayay ku hoyan karaan.
Subixii waa inay aadaan buuraha ka fog xaafadda. Halkaas ayay ku noolaadaan meel ay biyo ka heli karaan. Waxay halkaas ku karsadaan cunto ay cunaan.
Haweeney walba oo caado qabta oo xaafaddan ku nool waa inay bil walba afar maalmood ku noolaato keymaha. Ama kuleyl ha jiro ama roob ha da’ee, waa inay maalmahaas ka maqnaadaan xaafadda.
Mallika oo ka mid ah dadka xaafadda deggan ayaa BBC u sheegtay in dhaqankan uu jiray qarniyo. Iyadu waxay ka soo jeeddaa xaafadda Ekalatham ee gobolka Tamil Nadu waxayna u dhaxdaa qoys ka soo jeeda xaafadda Urinayanpally ee gobolka Andhra Pradesh. Taasina waa sababta ay dhaqankan u wadaagaan qoyskeeda iyo xididkeedaba.
Mallika ayaa tiri, "Haweenku xaafadda ma soo geli karaan marka ay caado ku dhacdo. Dhaqankan waxaa laga soo xigtay awow ilaa ka awow. Nalooma oggola inaan guriga joogno. Waa inaan afar maalmood joognaa buuraha. Marka aan laaban karo unbaan laabannaa."

XIGASHADA SAWIRKA,BBC/THULASI PRASAD REDDY
Haween buuraha wax ku karsanaya habeenkii
"Buurtan waxaan ku nool nahay geedaha hoostoosa. Marka roob xooggan da’o, waxaan dugaashannaa caleemaha waaweyn. Waxaan seexannaa dhagaxaanta waaweyn hoostooda. Sababtoo ah haddii aan dhanka kale aadno waxaa jooga masas. Maalmahaas, waan ka tagnaa mas’uuliyadaha uu Alle na saaray. Maxaa kale oo aan sameyn karnaa? Afartaas maalmood, waxaan wajahnaa caqabado iyo khatar."
Balse keliya maaha haweenka caadada qaba kuwa ka taga xaafadaha balse carruurtooda yaryarna halkaas ayay kula noolaadaan. Mallika ayaa sidoo kale tiri, "Waxaan leeyahay labo carruur ah, wiil iyo gabar. Waxaa loo oggol yahay inay guryaha xaafadaha aadaan keliya marka loo qubeeyo. Haddii kale ma aadi karaan xaafadda waana inay annaga nala joogaan."

XIGASHADA SAWIRKA,BBC/THULASI PRASAD REDDY
'Dadka bannaanka jooga ma dreemi karaan xanuunkeenna'
Waxaan xaafadda Eklantham kula kulannay haweenka qaar oo ku noolaa keymaha. Waxaan aragnay qaar wax karinaya. Waxaanu weydiinnay sababta ay halkan u joogaan?
Kasima oo hablahaas ka mid ahayd ayaa tiri, "Wax walba way fiican yihiin marka laga reebo dhaqanka xaafaddan ka jira. Dadka bannaanka jooga waxba kama oga dabcan. Xitaa carruurta waxba kama oga. Xaafadda aan ka soo jeedo ee Tanjore haweenka caadada qaba ma tagaan xafladaha, balse guryaha way joogi karaan. Marka xaafaddan la igu soo guursaday ayaan ka war helay dhaqankan. Labo sano ayaa la i qabaa. Kahor wax fakrad ah kama heysan."
"Cid qoyskeyga ka tirsan uma sheegin. Sababtoo ah waxaan filayaa inay khalad fahmi doonaan. Hadda halkan ayana ku noolahay waana inaan la qabsadaa. Marka aan xaafaddeenna aado cidna uma sheego. Ma jecli dhaqankan marka maxaan sameyn karaa. Waa wax aad u xun. Hore ayay u dhici jirtay. Balse hadda xitaa way jirtaa? Xitaa gabdhahayga sidan miyay u dhibtoon doonaan? Waa in isbeddel dhacaa.” Ayay tiri.

XIGASHADA SAWIRKA,BBC/THULASI PRASAD REDDY
Dadaallada maamulka
Saraakiisha deegaanka ayaa sidoo kale rumeysan in dhaqankan dartiis, ay haweenka xaafadahan u galaan xaalad khatar ah. Sidaas darteed waxay isku dayayaan inay dadka ka wacyigeliyaan.
Shivaiah, oo ka tirsan maamulka deegaanka Kuppam, ayaa BBC u sheegay in ilaa ay dadku is beddelaan maahee, ay adag tahay in dhaqamada noocan oo kale la beddelo.
Wuxuu yiri, "Dadka qaar haweenka way ka saraaan guryaha iyagoo raacaya dhaqanka awowyaashood. Waxaa taas ka dhalaneysa in haweenkan ay wajahaan xaalad khatar ah. Waa halis sababtoo ah waxay ku dhex nool yihiin masas, dib-qallooc iyo cayayaanno kale. Marka waxaan xaafadaha ay quseyso meel walba ka wadnaa barnamaijyo wacyigelin ah."
Shivaiah ayaa sidoo kale yiri, "Waxaan isku dayeynaa inaan dadka fahansiinno in haweenka ay tahay in guryaha ay ku jiraan ee aan aqalka bannaankiisa loo bixin. Hadda isbeddelku wuxuu ka muuqdaa da’yarta."
Sida uu qabo Shivaiya, haweenka ayaa u baahan daryeel iyo cunto nafaqeysan oo gaar ah marka ay caadadu ku dhacdo. Wuxuu intaas ku daray inay wadaan dadaallo ay bulshada ugu qancinayaan in wax dhib ah aysan lahayn in haweenkaasi ay guryaha joogaan.
"Haweenkan marka ay caadadu ku dhacdo waxaa loo diraa keymaha mana helaan cunto iyo biyo"
..