
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 13 ABRIIL 2023-KA
Xasan Sheekh Oo Codsi Cusub U Diray Qof Kasta Oo Soomaali Ah 63-guurada Ciidmada XDS Awgeed
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidanka Xoogga Dalka So omaaliyeed ugu hambaleeyay sanad-guurada 63-aad ee ka soo wareegatay maalintii la aas-aasay cii danka xoogga dalka.
Villa Somalia oo faafisay muuqaalka hambalyada ma daxweynaha ayaa waxa uu codsi la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxd Al-Shabaab u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ogaadan, kana warhayaan Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Cii danka Xoogga Dalka ee naftooda u huray Qaranka.
"Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan sanad-guu radii la xusay ayada oo halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal-dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada, sidaas dara adeed waxaa leeyahay hambalyo.”
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Dadka Soomaali yeed meel kasta oo ay joogaan waxaa leeyahay aan garab istaagno Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Ciid anka Xoogga Dalka oo naftooda u huray Qaranka. 70 meelood oo dadka Soomaaliyeed ay dagan yihiin oo Degmo leh oo Beer, Tuulo, Ceel, Waddo iyo Dee gaan leh oo dullinimo loogu noolaan jiray, Shalay xo rnimo loogu nool yahay ayey lug ku mareen, mark aas ayey joogaan cirifka meeshii ay gaba-gabeen lah aayeen.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaq ay bulshada Soomaaliyeed inay u diyaar garoowan dhameystirka howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoreynayo guud ahaan dalka.
"Dadka Soomaaliyeed ha diyaar garoowaan inta dhiman xoogga aan isugu geyno, yaan la caajisin oo dib loo dhicin aan la’is dhigan, Cadawga weli wuu no ol yahay, dhulkeyn dhul ka mid ah weli wuu heystaa, waan taagannahay, waan soconnaa, xurnimo iyo sh araf ayaan doorannay, waana gaareynaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sanad waliba Shalay oo kale 12-ka April 2023-ka ayaa la xusaa sanad-guurada kasoo wareegtay mar kii la aas-aasay Ciidanka XD Soomaaliyeed, iyada oo dhidibada loo taagay 12-ka April 1960-kii.
Xilligaasi ayaa waxaa ciidanka lagu aas-aasay ciidan ka kooban siddeed horrimood, oo lagu magca abi jiray waqtigaa Cali Boobaaye, kuwaasi oo tiradi isu ahayd laba kun oo Askari, oo laga kala qoray lix gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee gume ystihii Talyaaniga.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hambal yo u diray Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ham balyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka oo u dabbaal dagaya sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay 12-ka April 1960-kii. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa farx ada munaasabadan qiimaha badan ee aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed la qeybsaday saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dable yda, xaasaskooda iyo caruurtooda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Cii danka Xoogga Dalka ku tilmaamay in ay yihiin as taan Ka turjumeysa jiritaanka Dowladnimo ee dalka, isagoona xusay inay u taagan yihiin difaaca dalka iyo guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka, wax aana uu sheegay in ay ku suntanyihiin ilaalinta wadaj irka iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed, iyagoo naf tooda u hibeeyay si ay dalkooda uga xoreeyaan cadawga Khawaarijta.
Guddoomiyaha oo gunaanadka dhambaalka ha mbalyada CXD ku boggaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo sida ay u wiiqeen ca doowga argagixisada ah ee baneystay dhiiga sha cabka Soomaaliyeed, ayaa u rajeeyey guulo joogto ah, isagoona ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan da daalka difaaca qaranka iyo la dagaallanka argag ixisada.
Ra iisal wasarahii hore Somaliya Xasan Cali Khe yre oo hambalyo u diray Ciidanka qalabka sida ee Soomaliya
Waxaan dhammaan qaybaha kala duwan ee ciid anka xoogga dalka Soomaaliyeed ugu hambalye ynayaa sannad-guurada 63aad ee kasoo wareegtay maalintii la aas-aasay ciidanka Xoogga Dalka.
Waxaa sharaf ii ah in aan la soo shaqeeyay ciidanka xoog ga dalka Soomaaliyeed kana qayb qaatay dib u dhiska, tay eynta, tirakoobka, tacliin iyo xuquuq-siinta ciidanka xoogga Soomaaliyeed si dib loogu soo celiyo hey badii ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Xuska aasaaska ciidanka xoogga dalku waxuu sa nadkaan kusoo beegmay xilli guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dadaallada argagaxisada looga xorey nayo deegaanno iyo degmooyin ay xilli dheer ku dhib aateynayeen shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan saraakiisha, aliflayda, dablayda iyo qoy saska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uga ma had celinayaa sida ay dhiiggooda ugu huraan dif aaca, badbaadinta iyo ilaalinta shacabka Soomaa liyeed.
Uga dambayntii waxaan mahad gaar ah u celinay aa qoysaska ciidanka xoogga Dalka oo ah lafdh abarka ciidanka.
Masuuliyiin kala duwan oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Max amed Nuur (Jaamac) ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u diray hamba lyo ku aadan munaas abadda sanad guurada 63-aad ee 12-ka Abriil oo Shalay ku beegan.
"Waxaan hambalyo u diray aa dhammaan Ciidanka XDS, sarreeyaasha, saraakiisha,saraakiil xigeenna da, ali fleyda, dableyda iyo jadiidka Ciida nka XDS aya ga iyo qoysaskooda Munaas abadda 12 Abriil awge ed oo ku began maalinkii la unkay Ciidankeenna XDS,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo qoraalkaan soo sa aray.
"Shalay oo ku beegan 63-guuradii aas-aaska CXD Soomaaliyeed, waxay har iyo habeen u taagan yihiin difaaca sharafka Ummadda Soomaaliyeed iyo qiya mkooda, waxaan Alle (SW) uga baryayaa inuu u nax ariisto intii ku shahiidday difaaca qarannimada, sidoo kalena caafimaad deg-deg ah in uu siiyo intii ku dhaa wacantay.” Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ugu ha mbalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflay da, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda munaasaba da 12-ka April.
"Shalay oo ku aadan sanad guurada 63-aad ee cii damada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaan hamba liyo u dirayaa guud ahaan ciidamada xoogga dalka, sanadba sanadka ka danbeeya waa soo xoogaysan ayaa ciidanku, wuxuuna gaarayaa guulo is daba joog ah, Hambaliyo ayaanu leenahay sanadkaan midka xi ga waxaan rajaynayna in ciidda Soomaaliya oo Khaw aarijta aad ka sifeeyseen aad ku dabaal dagtaan,” ay uu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.
Horay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaali yed ugu hambalyeeyey sanad-guurada 63-aad eek a soo waregtay markii la aas-aasay sanadkii 1960-kii.
SOOMAALIYA iyo Mareykanka oo wada-hadallo cusub ku yeeshay Xalane
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre kula kulmay Shalay xarunta Safaaradda ee Xalane ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Wada-hadalkan ayaa sidoo kale waxaa looga had lay horumarinta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo xooji nta taageerada dhinacyada badan ee dowladda Mareykanku ay siiso dowladda Soomaaliya.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn u gu garab istaagay dowladad federaalka dagaalka ko oxda Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada.
Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegay in taageeradiisa dhinaca saanada hubka ee uu la garab taagan yahay dowlad da Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho, islamarkaana ay sare u qa adi doonto iskaashiga iyo la-dagaalanka argagix isada.
Tan iyo markii ay bilowdeen howl-galada ka dhan ka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaa lka ee Mareykanka kordhiyeen weerarada ay ka fuli yaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo badi lagu beeg sado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shab aab.
Mareykanka ayaa sidoo kale tababara islamarka ana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shaba ab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaliya ay hadda leedah ay.
Senator Afcadey & Saraakiil Ciidan oo booqday furimaha dagaalka
Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey ayaa Sha lay furinta ku booqday ciidanka xoogga dalka, Sen atorka oo goob fagaare ah ugu khudbeeyey ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay adkeeyaan cibaadada Alle, inta ay gudanayaan waajibaadka qaran ee duur kaan ay u joogaan.
Senator Afcadey ayaa ciidanka ku baraarujiyey in ay niyeystaan in dagaalka ay ku jiraan uu yahay jihaa d xaq ah oo shacabka Soo maaliyeed ay uga dul qaad ayaan Al-Shabaab oo heys tay in ka badan 15 sano.
Dhanka kale dadka tuulada Ce el-Cali Axmed ayaa 4 neef oo Geel ah ku wareejiyay ciidanka xooga dalka iyo kuwa dib u xoreynta dee gaanka ee furinta ku jira, si ay ugala qeyb qaataan farxadda sanad guurada 63-aad ee ka soo ware egtay aas-aaskii ciidanka xoogga dalka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay Cunaqabate ynta hubka ee saaran Soomaaliya
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres oo wax laga weydiiyay arinta cunaqabat eynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa sheegay in ey tahay arintaasi mid quseeysa xubnaha Golaha Amniga.
António Guterres ayaa si cad u sheegay in arinta cunaqabate ynta hubka ee saaran Soomaal iya aysan aheyn mid ka Xoghaye ahaan uu faragalin karo, haye eshee uu cadeyn karo inuu soo arkay Soomaaliya ku filan dhismaha ciidankeeda.
"Arinta hubka waa mid quseysa xubnaha Golaha amaanka ee maahan mid ay soo faragalin karaan Xo ghayaha guud, ama Xogheynta, Waxaan marqaati ka ahay oo an cadeyn kara inaan soo arkay dowladda Soomaaliya ney ku filan dhismaha ciidankeeda Milita riga oo guulo muhiim ah ay ka gaartay howlgalada dalka ay kaga xureynayaan Al-shabaab ayna u baah an yihiin dardargalinta iyo taageerada Beesha Caal amka" ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Mido obay António Guterres.
Dorraad ayay aheyd markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo wafdi u hoggaaminaayo ay soo gaareen magaalada Muqd isho Caasimadda Soomaaliya halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Korneyl Saney Cabdulle "Waxaan ku jirnaa labo cibaado”
Korneyl Saney Cabdulle Gaab oo hoggaaminaya guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dal ka ayaa Shalay warb aahinta kula hadlay fur imaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.
Ciidanka uu hogga aminayo Saney Cab dulle ayaa Xalay ku su gan duleedka degaanka istaraatiijiga ah ee Budbud oo ka tirsan gobolka Galgaduud, deegaankaas ayaa weli ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab.
Saney Cabdulle ayaa balan-qaaday in maalmo kooban gudahood ay ku xoreynayaan gobolka Galg aduud deegaanada ay ka joogaan Al-Shabaab, isa goo sheegay inay ku jiraan laba cibaado.
"Roob ayaa nagu socda, askariguna roobka iyo qabowga dhacaya waa u diyaarsan yahay, waxaan ku jirnaa bishii Ramadaan, dagaalna waxaan kula jir naa oo shaqo fiican ka heynaa Khawaarijta, marka waa laba cibaado, Ilaah ayaa na faray inaan la diri rno Khawaarijta, sidoo kale bishaan Ramadaana waa bil cibaado,” ayuu yiri Saney Cabdulle.
Korneylka ayaa sheegay in si buuxda ay ugu diy aar-garoobeen dagaalka Al-Shabaab oo hadda ay ku wajahan yihiin deegaano ay weli gobolka Galgaduud kaga ku sugan tahay kooxdu.
"Dhul badan ayaan soo xoreynay 10 bilood ay aan dagaalkaan ku soo jirnay, ummad ay Khawaari jtu qaribtay ayaan kurbadii ka feydnay, inta halganke ena ka dhimmana waan adkeysaneynaa,” ayuu hada lkiisa ku sii daray Saney Cabdulle.
Wuxuu sheegay in shacabka gobolka Galgaduud ku nool ay gumeysi adag ugu jiraan Al-Shabaab, bal se uu ku rajo weyn yahay inay ciidanka la shaqey do onaan, markii laga dul qaado kooxda Al-Shabaab.
"Bulshada Soomaaliyeed qof kasta wixii uu awo odo ha kula dagaalamo kooxda Al-Shabaab, qof kas ta oo ku baxa gacanta Al-Shabaab waa ahlu janno, culimadu waa noo sheegtay horayna waan u aamin sanaa,” ayuu yiri Korneyl Saney Cabdulle oo ka tir san ciidanka xoogga dalka.
DF oo wareejisay dhaxaltooyo 33 sano si sharci daro ah loogu haystay Xamar
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa Shalay ku wareejiyay dadkii lahaa guri dhaxaltooyo ah, kaasi oo 33 sano si sharci darro ah loo haystay, iyada oo si qa sab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo mud do soo jiitamayay.
"Shalay waxaa u taaganahay fulinta xukunkii max kamadda ayna Faadumo wakiilka uga aheyd dhaxal tooyada reer Xuseen Faarax Warsame, warqadda ful inta ah ee soo saartay maxkamadda waxay soo saar tay lix maalmood kahor, Shalayna wuu fulaya,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in hadda kadib ay si qasab ah u fulin doonaan fulimaha kasoo baxay maxkamadda, taasi oo aysan marnaba gor-gortan ka geli karin ma amulka, isaga oo ugu baaqay in dadka loo xukumay ee guryaha lala fadhiyo ay la imaadan maxkamadda si loogu fuliyo.
"Faadumo Cali Nuur oo wakiil ka ah dhaxaltooy ada reer Xuseen Faarax Warsame waxay sheegtay in 33 sano gurigaan uusan gacanteeda ku jirin oo dad kale ku tasarufayeen, waxayna sheegtay in 13 sano ay maxkamaddaha joogtay, laakiin Ilaahay Sha lay waa noo suurta-galiyay in Faadumo dhulkeeda la wareegto dhulkii wakiilka u aheyd ee dhaxaltooyada.”
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa daba-yaa qaddii bishii hore soo saartay digniin culus oo la xir iirta dadka weli xoogga ku haysta dhulalka aysan lah eyn, iyada oo ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee haysta xukunada maxkamadda in si qasab ah loo meel-marinayo fulintooda.
"Dadka Soomaaliyeed ee cabashadooda taallo media-ha, waxba idin fulin maayo media oo idin xuk umi maayo ee maxkamadaha imaada, horena waa u ballan-qaadnay haddana waa ballan-qaadeyna in qof xaq leh inuu maxkamaddaha hortooda ka ooyi doo nin oo xaqooda siin doono meel kasta oo ay nala gasho,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas sii raaciyay "Waxaa farriin u diraya dadka xukunada haysta ee dhahaya dhulkii nalooma fulin waa in maxkamaddaha imaadan. Maxkamadaha waxay u tafa-xaydatay in fulinadaas ay si camali ah ugu wareejiso dhulkooda.”
Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka go’an tahay meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeeg sanaya awooda ciidanka Booliska.
Guddi baariseed oo loo saaray waxa ka jira in la iibsado raashinka maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar
Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya, Gen, Ma had Cabdiraxmaan Aadan ayaa guddi baariseed ah u saaray eedeymo loosoo jeediyay ciidamada xabsiga dhexe ee Xamar.
Taliyaha ayaa sheegay in guddigan uu baarayo waxa ka jira eedeymaha ku saabsan in la iibsado raashinka loogu talo galay maxaabiista xabsiga dhexe iyo in la ga iibiyo waqtiga ay xaqa u leeyihiin inay qorraxda usoo baxaan.
"Waxyaabo badan oo dhib ah in lagu samaynaayo maxaabiista ayaa taala, taasoo oo sheegaysa in raashinkooda la cuno. Biririfta Qoraxda ay leeyihiin laga gado oo lacag looga iibiyo. wax ala ale wixii ay xaq u lahaayeen in lagu tagri falo. Arrin nuucaas ah ayaa wareegaysa baraha bulshada," ayuu yiri taliyaha ciidanka asluubta.
Taliyaha asluubta Soomaaliya ayaa sheegay in ay san oggolaanayn in lagu tagri falo xuquuqda maxaab iista, wuxuuna sheegay inuu guddigaan u saaray sidii ay uga sal gaari lahaayeen waxa ka jira eedeymaha loo jeediyay ciidanka xabsiga.
Guddigan la magacaabay oo ka kooban 7 xubno od ayaa waxay ka kala socdaan guddiga cadda aladda ee barlamaanka, wasaaradda caddaaladda, maxkamadda ciidamada iyo xubno ka socda ciidanka asluubta Soomaaliya. Taliyaha ayaa faray guddigaan inay soo hubiyaan nolasha maxaabiista ku jira xabs iga dhexe ee Xamar, isagoo sheegay in looga baah an yahay in si dhaqso ah warbixin loogu celiyo xafi iskiisa.
DF oo shaacisay war lama filaan ah oo la xiriira wada-hadallada Somaliland
La-taliyaha dhanka Sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Sharci-yaqaan Ibraahim Iidle Suleym aan ayaa shaaciyay in aysan jirin siyaasad qaran oo DFS ay ka dajisay hanaanka loo wajahayo wada-had allada Soomaaliya iyo Somaliland.
La-taliye Ibraahim oo war eysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa waxa uu sheegay in ar rintaan ay sii fogeynayso wa da-hadal mira-dhala ah oo madaxda iskaga kala dambeeyaan sii amba-qaadk iisa, maadaama ay markasta ku xirnaaneyso madax da markaasi joogta aragtidooda iyo sida ay rabaan in ay u wajahaan wada-hadalladaasi.
"Inta aan ogahay majirto siyaasad rasmi ah oo in ta ay qaadatay dowladda federaalka ah oo Golaha Wasiirada ay keentay oo la leeyahay arrinta Somali and sidaas ayaa ku wajahayna, oo madaxweyne loo geeyay, oo ah siyaasadda Soomaaliya ee ku waj ahan qadiyadda Somaliland majiro,” ayuu yiri La-tali yaha dhanka Sharciga ee madaxweynaha Soom aaliya.
La-taliyaha ayaa waxa uu soo jeediyay in dowlad da federaalka ay siyaasad rasmi ah ka yeelato wada-hadallada Somaliland, taasi oo saldhig u noqota wa da-hadallada, islamarkaaana meesha ka saarta in ha kad uu ku yimaado wada-hadalladaasi marka uu hog gaanka baxo ee hoggaan cusub uu yimaado jagada u sareysa dalka.
"Majirto siyaasad rasmi ah oo wada-hadallada So maliland oo dowladba dowlad kale ka dhaxleyso oo isma badasha ah majirto, marwalba waa madaxda markaas joogto waxay u arkayaan in laga wada-ha dlo ay ka wada-hadlaan. Markaa waxaa fiicnaan lah eyd in marka hore aas-aas loo sameeyo.”
Hadalka La-taliyaha dhanka Sharciga ee Madax weynaha Soomaaliya ayaa imanaya xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabay erge yga arrimaha Somaliland, lana rajeynayo inay dib u furmaan wada-hadallada dowladda federaalka Soo maaliya iyo Somaliland.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaali ya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xus een Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo Axadii Aqalka Dowlada Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil CUmar Geelle.
Guuleed ayaa xilligaan waxa uu qorsheynayaa in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadalla da.Xigasho:-Caasimadda.Net
Ergayga Gaarka Ee Arrimaha Somaliland Oo Qadka Taleefanka Kula Hadlay Danjiraha Maraykanka
Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland Abdi karim Hussein Guled ayaa Shalay qadka taleefanka waxaa ay kuwada xariireyn Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre, kaas oo ay Isla gorfeeyeen ahmiyadda iyo xoojinta Wadahad allada Somaliland
Ergeyga ayaa Danjiraha uga warxiyay shaqooyinka culus ee horyaala &qorshayaasha Xafiiskiisa, wx aana uu Danjiraha u mujiyay taagero & garab istaag, asagoona tilmaamay in USA ay ka go’’an tahay ka mi rra-dhallinta wadahadallada Somaliya &Somaliland.
Ciidanka DF ee ka dagaalamaya Galgaduud oo gacanta ku dhigay 12 nin oo…
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ho wlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada aag ga deegaanka Cali Afrax oo 12 KM u jira magaalada Gal cad ee gobolka Galgaduud. Ciidanka oo ku sii siqaya de egaano hor leh ayaa gacan ta ku dhigay tiro maleyshi ya ad ah, kuwaas oo isku da yey inay iska dhigaan dad shacab ah, waxaana xubnihii la qabtay ku socda baa ritaan.
12 nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yih iin Al-Shabaab ayaa gacanta lagu dhigay, kuwaas oo dadka deegaanku ay ciidanka u far-muuqeen ama ku war-geliyeen inay ka tirsanaayeen kooxda.
Bulshada deegaanka Cali Afrax ayaa ciidanka ku soo dhaweeyay deegaanka oo Shabaab-kii joogay ay isaga carareen, sida ay Caasimada Online u shee geen qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ho wlgalka. Al-Shabaab waxay maalin ka hor deegaan ada hoos taga Galcad uga carareen gaadiidkoodii, ka dib markii ay soo wajahday shidaal la’aan baahs an, maadaama ay go’doomisay dowladda Soomaa liya.
Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidan ka Gor Gor, Maxamed Abuukar Xasan (Shaarib) ay aa warbaahinta dowladda u sheegay in hadda ay 43 KM u jiraan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgadu ud oo ah halka degmo ee gobollada dhexe ay Al-Shabaab ka joogaan.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidanka Gor Gor ee Galg aduud ka dagaalamaya ayaa sheegay in deegaana da ay kooxdu joogto uu ka jiro khilaaf adag, kadib ma rkii qaar ka mid ah ay go’aanadeen inay isku soo dhii baan dowladda, qaarna diideen.
Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada qaar ay dadkii shacabka ahaa ka daba carareen kooxda, isla markaana ay u suurta-gashay inay dib deegaanadoo da uga soo celiyaan qoysaska qaar. Iyadoo dhulkaan ay colaadi ka jirto oo ciidanka qaranka ay si joogto ah u baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, waxaa la soo weriyaa inuu ka da’ayo roob lixaad leh oo aad u saameeyey dadka shacabka ah ee ka qaxaya deegaanadooda.
Kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay in shacab ka ay ku kalifeyso inay ka qaxaan deegaanooda, mar kii ay gudaha u soo galaan ciidamada dowladda, si ay gabaad uga dhigtaan oo aan loo duqeyn markii ay duurka u baxaan.
Faah-faahin laga helayo doomo lagu qabtay bad da Soomaaliya iyo dalka ay kasoo jeedaan
Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal ay sameeyeen ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo lagu soo qabtay 2 doon.
Doomahan ayaa waxay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka, sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse.
"In ka badan 30 sano ayay doomahaan laga leeya hay Iiraan si sharci darro ah ay uga kalluumeysanay een badda Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Mubaarak Cabdiqani Muuse.
Labada doon ee ay qabteen ciidanka badda ayaa waxay dowladda federaalka sheegtay in laga leeyah ay dalka Iiraan, kadib markii xogo ku filan ciidamada badda ay soo diyaariyeen, si loo horgeeyo Maxk amadda awoodda u leh kiiskooda.
Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhi yay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saa rtay dowladda federaalka Soomaaliya. Horranta bi shii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay digniin kasoo saartay maraakiib laga leeyahay waddamada shisheeye ee sida sharci dar adda ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluug ga ah ee XFS ayaa xilligaasi ku wargelisay dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan badaha dalka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa hore waxay maraa kiibta dalalka shisheeye uga dalbatay inay soo cel iyaan hantida ay sida sharci darada ugu qaateen dal keena, "Haddii kale waxaan la’la tiigsan doonaa shar ciga.”
Dabageed oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan khilaafka HIRSHABELLE
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hir Shabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo haa tan ku sugan magaalada Nairbi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qa rxay guddoomiyaha gobolka Hiira an, Cali Jayte Cismaan iyo wasaa radda maaliya dda ee HirShabel le, kaas oo ku aadan mideynta ca nsh uuraha ma amulkaasi.
Yuusuf Dabageed ayaa taage ero u muujiyay guddoomiye Cali Jayte oo ka biyo diiday in can shuurta Hiiraan si toos ah loogu shubo qasnadda wa saaradda maaliyadda HirShabelle.
Madaxweyne ku xigeenka oo qoraal soo saaray ayaa sidoo kale ku baaqay in laga fogaado wax ka sta oo keeni kara khilaaf horleh, isla-markaana dib u dhigi kara howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.
Sidoo kale wuxuu ku taliyay in lagu socdo hann aankii hore ee canshuuraha inta laga xalinayo khilaaf ka haatan soo shaac baxay.
Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale ku kala qaybsa may mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo gar abna taageeray go’aanka wasaaradda maaliyadda HirShabelle, halka uu si cad uu diiday Mudane Cali Jayte Cismaan.
Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in qor shahaan uu keeni karo habacsanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.
"Madaama aay muhiim tahay in amaanada Shacab ka la xafido oo aan lagu takri falin laguna Degdegin waxa danta guud ah ayadoo loo eegayo si xilkasn imo ah daruufaha aay ku jiraan shacabka Reer Hii raan aawadeed. ma jirto sabab aan waqti kaga Dhu mino shacabka oo dagaal kula jiro khawaarijta Dha qaalahooda, hooseeyo waxii aan ku kabeeynay Misaaniyada dagaalka iyo kabka adeegyada Maamu lka in lagu bixiyo Shalay , in loo weeciyo wax qorsh aheeda waqtiyeed aanan la hubin kuna dhisan must aqbal fog oo aan laheyn qorsho Degsan oo dhab ah midaas oo shacabka ku rideeyso dhiig bax dhaqaale oo aan soo kabasho laheeyn iyo dib u dhac maamul oo sababi karo Dayac amni oo baahsan iyo dib u noq osho cadawga hiil u ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba ay san ogolaan doonin in hantida shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku baxdo meel aan hubanti lah eyn, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo isna Dorraad shir jaraa’id ku qabtay maga alada Baledweyne, isaga oo ay hareera fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, ayaa sheegay in la mideynayo canshuurta maamulka Hirshabelle, isla -markaana ka maamul ahaan ay ogolaadeen in ca nshuurta Hiiraan lagu shubo qasnadda wasaaradda maaliyada maamulka Hirshabelle. Si kastaba, xisa ddan cusub ee ka taagan HirShab elle ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan maamulkaasi uu wajahayo daru ufo isbiirsaday,sida dhaqaale yari,atahaad iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaan oo weli ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
Shirkadda Hormuud oo $20,000 ugu deeqday cayaaryahannada xulka qaranka 17 jirada Soomaaliya
Shirkadda Hormuud ayaa $20,000 ugu deeqday ciyaaryahannada Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee U17, kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka qaramada qaaradda Afrika. Taageeradan ayaa kusoo aaday, iyadoo maalinta berrito ah uu Xulka Qaranka Soo maaliyeed ee U17 uu ambixidoono dalka Aljeeriya, halkaas oo uu tart anku si rasmi ah uga furmidoono.
"Waxaan ku faraxsannahay in aan $20,000 ugu deeqnay ciyaaryahannada Xulka Qaranka U17, oo berri u ambabaxaya in ka qeybgalaan tartanka qar amada qaaradda Afrika, oo 29-ka April ka furmaya dalka Algeria. Waxaana rajaynaynaa in ay mar kale guul nooga soo hooyaan tartanka 17-jirrada qaram ada qaaradda Afrika,” sidaasi waxaa yiri shirkadda Hormuud.Xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF ayaa horey usoo saaray jadwalka tartanka 17 jirada qaara dda Af rika, kaas oo la ciyaari doono inta u dhaxaysa 29ka Abriil iyo 19ka May 2023.
Ciyaarta furitaanka ayaa waxaa marti galin doona Algeria waxa ay sabtida 29ka April kula ciyaari doo naan garoonka Nelson Mandela Stadium ee Algiers xulka qaranka Soomaaliya.
Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa horey ugusoo guulaystay isreeb-reebka tartankan, kadib markii ay ciyaartii ugu dmabeysay 3-1 uga qaadeen dalka Ko onfurta Suudaan Waxay ahayd guul taariikhi ah oo ay Soomaaliya ka gaartay tartan heer caalami ah.
Rushi Sunak oo Belfast ku soo dhaweeyey mada xweynaha Mareykanka Joe Biden
Ra’isal wasaaraha Britain Rushi Sunak ayaa Belf ast ku soo dhaweeyey madaxweyna ha Mareykanka Joe Biden, iyada oo hoggaamiyaha Mareykanka uu booqa sho gaaban ku tagay Waqooyiga Ire land.
Labada hoggaamiye waxay xusayaan sannad-guur adii 25-aad ee ka soo wareegtay heshiiskii Good Fri day, kaas oo gacan ka gaystay soo afjaridda cola addii tobannaanka sano socotay.
Mr Biden wuxuu ka hadlayay xarunta cusub ee Jaamacadda Ulster ee Belfast, oo ah ka-qaybgalkiisa kaliya ee rasmiga ah ee Waqooyiga Ireland.
Waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta in ay dib ugu soo laabtaan awood qeybsiga Stormont, isaga oo intaa ku daray in Waqooyiga Ireland "aysan dib ugu laaban doonin" maalmihii rabshadaha. Fursadaha dhaqaale ee Waqooyiga Ireland wa xay ahaayeen "bilow" dhalinyaradana waxay ku jireen "geeska goynta" mustaqbalka, madaxweynuhu wuxuu ku daray
Dowladda Soomaaliya oo digniin kasoo saartay fatahaad ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba
Hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya, ayaa diginin ka bixisay fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo la shee gayo inuu heerkooda biy aha uu kordhay.
Warsaxaaafadeed hay’addu ay soo saartay ayay ku she egtay in roobab lixaad leh oo ka da’ay buuralayda dalka Itoobiya ay sababeen in biyuhu sare u kaceen.
Hay’addu waxay sheegtay in saacad kaste la filan karo in ay webiyadu fahataad ka sameeyaan degmo oyinka ku xeeran ee Soomaaliya.
Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ayaa ka mid ah meelaha digniinta lagasoo saaray, iyadoo he erka kor u kaca biyaha webiga Shabeelle uu gaaray 2.5cm, taasoo keeni karta in fatahaad uu sameeyo xilli walba.
Hay’addu waxay dadka deggen toggaga iyo qar arka webiyada uga digtay inay ka feejignaadaan khat arta ka dhalan karta fatahaada webiga, waxayna soo jeedisay in kor loo qaado diyaar garowga bulshada, si loo yareeyo saamaynta ay fatahaadu ku yeelan karto.
Madaafiic lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waq ooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in Shalay maada afiic xoogan laga maqlay furimaha dagaalka xoogan ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarun ta gobolkaasi
Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ay ciidama da Somaliland madaafiic ku garaaceen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay
ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhan kooda ciidamada SSC ay ku jawaabeen madaafiic, taas oo keentay in dhinacyadu ay is weydaarsadeen hub cul culus. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dhashay madaafiicdadaasi, waxaana haatan xaala ddu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay soo shee gayaan qaar kamid ah dadka deegaanka.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ca bsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-mar kaana ay suurtagal tahay inuu dib uu qarxo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.
Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabad da ee loo dirayo.
Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doona an iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.
Si kastab, waxaa magaalada Laascaanood bishii saddexaad oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan wax ba Shalaysan.
Madaxweyne Cagjar oo Ciidamada Liyuu Boolis ka degaan ka Soomalida kala hadlay qorsha dib loogu habaynayo
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa Shalay waxa uu kulan la qaatay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Liyuu Booliska ee dowlad degaanka Soomaalida, isagoo Madaxwey nuhu uu ciidankan siiyay faahfaahin buuxda qaabka ay noqonayso waxa uu ku tilmaamay dib u habaynta lagu samaynayo Ciidamada Liyuu Booliska.
Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ugu horreyn ka war bixiyay halkii laga soo billaabay Ciidamada Liyuu Booliska iyo baahidii keentay in la sameeyo Liyuu Boolis, " Ciidamada Liyuu Booliska waxaa lagu aasaasay duruufo gaar u ahayd degaanka Soomaal ida oo ay kamid ahayd la dagaallankii jabhadihii ka ji ray degaanka Soomaalida, wixii intaa ka dambeeyay waxay Ciidamada Liyuu boolisku hayeen shaqooyin kii loogu talogalay Ciidamada Millitariga", ayuu yiri Madaxweynuhu.
Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xaaladaha kala duwan ee hadda kaddib ay maraya an Ciidamada Liyuu boolisku, isagoo beeniyay in la kala dirayo ama la tirtirayo Ciidamo Liyuu booliska, waxa kale oo uu sheegay in Ciidamada Liyuu Boolis ku aysan wax wayn iska badalaynin, oo Mushahar kooda, Darajooyinkooda, amnigii ay sugayeen intuba ay sidoodii ahaanayaan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.
Waxa kaliya ee is baddalaya ayuu Madaxweynuhu ku sheegay inay tahay magacoodii oo noqonaya B ooliska rasmiga ah iyo howshii Millitariga ee xuduud aha ay ka hayeen oo laga joojiyay, iyo waliba diray ska oo laga badalayo waxayna noqonayaan Ciidamo Boolis ah oo sharciyaysan, waa siduu hadalka u dhig ay Madaxweyne Mustafe Cagjar.
Geestooda qaar kamid ah Ciidamada Liyuu boolis ka ee kulankan kasoo qaybgalay oo Warbaahinta lah adlay ayaa soo dhaweeyay qorshahan dib loogu ha baynayo Liyuu booliska, iyagoo xusay in howlo bad an oo shaadooda aan ahayn oy hayeen ay ka baaq anayso isla markaana ay hadda kaddib ka shaqay nayaan howlihii amniga ee gudaha degaanka Soom aalida.
Ciidamada Liyuu booliska degaanka Soomaalida ayaa la aasaasay sannadkii 2006dii iyadoo xilligaa ay dagaallo wada galeen Jabhadda ONLF oo wakht igaa duurka ku jirtay isla markaana dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya, wixii intaa ka dambeeyay waxay howgallo adag ka wadeen dhinaca xuduudaha uu degaanku la wadaago degaannada dalka Itoobiya iyo dhinaca Soomaaliya.
Mareykanka iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay colaadda Yemen
Aqalka Cad ayaa sheegay in la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan uu la hadlay dha xal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kadin xiriir uu la sameeyay Talaadadii.
Labada mas’uul ayaa waxaa ka wadahadleen Iran iyo tallaabooyinka lagu soo afjarayo dagaalka Yemen.
Baaqan ayaa yimid ka dib markii dhaw aan Beijing ay he shiis kusoo celisay xiriirka Sacuudiga iyo Iran oo ah quw adda gobolka ugu weyn ee Bariga Dhexe, iyada oo heshiiskaas uu ah aa mid aan laga qeybgelin Mareykanka.
Wasiirrada arrimaha dibadda Iran iyo Sacuudiga ayaa toddobaadkii hore ku kulmay magaalada Bei jing kadib markii ay ku heshiiyeen inay soo afjaraan khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay kadib sa nado badan oo cadaawad ah oo sii hurisay colaa daha ka taagan bariga dhexe.
"Mr Sullivan iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Ma xamed bin Salmaan waxay sidoo kale ka wadahad leen isbeddello ballaaran oo ku wajahan hoos u dha ca gobolka, iyagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in laga hortago hanjabaadaha Iran iyo meelo ka le,” ayuu Aqalka Cad bayaan uu soo saaray goor da mbe oo Talaadadii ku sheegay.
Sacuudi Carabiya iyo Iran, oo ah quwadaha ugu awoodda badan Muslimiinta Suniyiinta iyo Shiicada, waxay sheegeen inay billaabayaan qabanqaabada dib loogu furayo safaaradaha iyo qunsuliyadaha mud dada labada bilood ah ee ku qeexan heshiiskooda Shiinaha.
Trump oo sheegay dacwadda lagu soo oogay iney tahay mid siyaasadeysan
Donald Trump ayaa bixiyay wareysigiisii ugu horr eeyay tan iyo markii uu noqday madaxweynihii hore ee Mareykanka ama xilka haya ee ka soo hor muu qda maxkamad isagoo dambiyo lagu soo eedeeyay.
Trump Fox News wuxuu u sheegay in saraakiishii u saxeexday maxkamadda usbuucii hore ay ku adkeysanayaan nida mka loo maray heshiisyada la saxiixay. Trump wuxuu sheegay dacwadda lagu soo oogay iney tahay mid siyaasadeysan, balse uu ka hari doonin mushar raxnimada doorashada soo socota.
Dagaal dhexmaray ciidamada dowladda dhexe iyo maleeshiyaadka Amxaarada
Shacabka ku nool magaalada Dabre-birhaan ee deegaanka Amxaarada ayaa BBC-da u sheegay iney gudaha magaalada ku dagaallameen ciidamada dow ladda dhexe iyo maleeshiy aadka Amxaara da oo magaaladaasi ku sugan.
Ciidamada Federaalka wax aa dagaal kala hor yimid cii damada isugu jira booliska gaarka ah ee deegaanka Amxaarada iyo maleeshiyada Faano.
Shaqsiyaadka BBC u warramay oo arrima amni awgeed magacooda u qariyey waxay sheegeen dag aal xooggan inuu labada dhinac magaalada ku dhex maray ugu yaraan laba qofna ay dagaalkaasi ku dhin teen.
Maleeshiyaadka ciidamada qalabka sida ee dowl adda dhexe la dagaallamay ayaa ka soo horjeeda qo rshaha dowladda dowladda dhexe ay shaacisay oo lagu kala dirayo booliska gaarka iyo maleeshiyaadka Fano uu deegaanka Amxaarada leeyahay
DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA} TOBANKA HABEYN EE DAMBE IYO LEYLATUL QADDARKA
Bismillaahirraxmaanirraxiim,Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi muxamed korkiisa ha ahaato. Ilaah wuxuu diinta Is laamka ka dhigay diin sah lan; in Ilaahay arrimaha ku wooda sahlan nala rabo waxaa lagu xusay aayadaha ka ha dlaya Soomka iyo aayado kale. Waxaan filayaa in qof kasta oo muslim ahi ka dhe regsanyahay raxmad da, dhambi-dhaafka iyo cadaab-ka-xoreynta lagu shee gay Ramaadaanka guud ahaan iyo fadliga ay leedahay habaynka Leylatul Qadar ka gaar ahaan.
Habeynkaas Bisha Ramaddaan waa Intee?
Runtii waa dheertahay doodda ka taagan cayimidda hab aynkaas. Ibnu Xajar iyo culumo kalaba waxay soo tiriy e en aqwaal ka badan 45. Qaar waxay dhaheen waa habe enka ugu horreeya Ramadaan; qaar kale habeenka ugu dambeeya; ha dallo caan ka ah culumada waxaa ka mid ah inuu yahay 21-ka ama 23-ka ama 27-ka Ramadaan iyo hadallo kale. Waxaa aad la iskugu raacay in 10-ka ama 7-da habeyn ee Bisha ugu dambeeya laga raadsho khaasatan habeyna da is-dher.
Maxaa Tobanka ugu Dambeeya laga Wadaa?
Sida sharruuxda iyo hadallada culumada laga fahmayo waxaad mooddaa in Ra madaanka loo qaybiyey seddex tobnaad. Mid hore, mid dhexe iyo kan ugu damb eeya. Waxaa jira xaddiis saxiix ah oo oranaya inuu nabigu (SCW) Leylatul Qadar ka ka raadshay 10-ka hore haddana 10-ka dhexe markii dambana uu ka dhigtay 10-ka ugu dambeeya.
Waxaad mooddaa in aan toban tobankaas laga wadin 10 habayn maaddaama ay bishu ku dhammaan karto 29 cisho. Marka hadday culumadu si cad u dhahaan 10-ka ugu dambeeya waxaa laga wadaa, laga bilaabo habaynka 21-naad ilaa dha mmaadka bisha iyadoon loo eegayn inay ku dhammaato 29 ama 30 cisho waa wax la fahmi karo.
Yaa Amray in Nabigu (SCW) Habeynkaas ka raadsho 10-ka Hore iyo kan Dhexe?
Ilaah baa xaqiiqda og laakiin sida la fahmi karo waxaad mooddaa inuu nabigu (SCW) isagu ijtihaaday sidii arrintii dadkii lagu qabtay dagaalkii Badar oo kale laa kiin markii dambe loo sheegay inuu ka raadsho tobanka dambe sida uu nabigu (SCW) noo sheegayba.
Markuu nabigu (SCW) sheegayey inay bishu ku dhammaan karto 29 ama 30 ci sho wuxuu isticmaalay gacmihiisa isagoo seddexdii jeer isa saaray si markiiba ay u noqdaan10 ilaa markii uu ka hadlayey tan 29-ka ku dhammaata uu suul qariyey.
Marka arrintani daliil ma u noqon kartaa in toban tobanka laga wado in bisha se ddex qeybood oo mid toban ah tahay ee aysan khasab ahayn in tobanka ugu da mbeeya uu toban noqdo?
Waqtigan Xaadirkaa mala Ogaankaraa Tirada maalmaha Bisha Dhalataa ku dhammaankarto Iyadoon Dhammaan?
Ilaah baa mahad lehe waxaa iska cad in waqtigaan xaadirka ah la yaqaan magaalo kasta goorta ay qorraxdu ka dhacdo ama u soo baxdo sanadka oo dhan.
Waxaa iska cad in la sii saadaaliyo goorta bishu bilanayso. Arrinta bisha ma hubo in la isugu halayn karo sida qorraxda oo kale laakiin waxaa cad in la sii saad aaliyo dayax-madoobaadka.
Marka waxaan aamminsanahay haddii dunida muslimku xoog iska saaraan in arrintaas laga meel gaari karo.
Tobanka ugu Dambeeya ee Ramadaan ma 21-ka Ramadaan baa laga Bilaa baa Iyadoon loo Eegin Cadadka ay Bishu ku Dhammaanayso?
Sida muuqata, dadka badankoodu waxay tobanka habeyn ee ugu dambeeye ee Ramadaan tirsigeeda bilaabaan habaynka 21-naad.
Marar badanna, haddaysanba inta badan ahayn waxaan 9 beri ahayn ma hel no ilayn bishaa 29 ku dhammaan kartee.
Sida axaadiis saxiixa oo labada sheekhba warsheen ku sugun, nabigu (SCW) wuxuu leeyahay ka fiiriya habaynada 9-aad, 7-aad, iyo 5-naad. Tirsigaan hadda an ka dhigno iyadoo tobanka habayn dhammaadka laga soo bilaabay ama lagu sameeyey waxa loo yaqaan "count down” waxaa dhici karta in khilaaf ku yimaado marka bishu ku dhammaanayso 29 iyo 30-ka; waa haddii tobanka ugu dambeeya tirintooda laga bilaabo habaynka 21-naad ee Soon-qaad. Bal aan tusaale u soo qaadanno "calendar” ka Soon-qaadka sanadkan iyo is-barbardhig aan ku samay nayo tobanka habayn oo hoos laga soo tirshay.
Sidaan la soconno sanadkaan waxaa dad badani soomka bilaabeen maalin Ta laado ah iyadoo Bisha Ramadaan noqotay 1 oo ku aaddan 4/10/05.
JAANTUSKA 1-AAD. BISHA OO 30 KU DHAMMAATA.
|
Axad |
Isniin |
Talaado |
Arbaco |
Khamiis |
Jimce |
Sabti |
||||||||||
|
|
|
1 |
2 |
3 |
4 |
5 |
||||||||||
|
6 |
7 |
8 |
9 |
10 |
11 |
12 |
||||||||||
|
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
||||||||||
|
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
||||||||||
|
27 |
||||||||||||||||


0 



HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 13 ABRIIL 2023-KA
..