HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 11-KA ABRIIL 2023-KA

0
Tuesday April 11, 2023 - 08:15:25 in Wararka by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 11-KA ABRIIL 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha

R/Wasaaraha XFS.d. Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao. R/Wasaara ha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriir ka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiina ha ee dhinacyada siyaasadda,iskaashiga,amniga,ho rumarinta dhaqaalaha & arrimaha bini’aadanami da.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

Sidee looga fal-celiyey go’aankii uu ku dhowaa qay madaxweyne Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sh.Maxa muud ayaa Jimcihii ku dhawaaqay go’aanno ay dow ladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasima dda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciid amada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo oo khudbad ka jeediyay Masji dka Madaxtooyada ayaa waxa uu masuuliyiinta dowladda ka mam nuucay inay gaadiid dagaal ku dhex wataan magaalada Muqdisho, sidoo kale hubka culus in lagu dhex qaato Muqdisho ayuu mamcuunay madaxweynuhu.

"Xukuumaddu qaraar waxay ku gaartay magaalad aan hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni da rrada aragtida dadka ayaa ka mid ah, magaalo uu dhex cararaayo gaari Cabdibile ah oo Dhashiike ku xi ran yahay cid lagu qanci karo waxaa ka jira amni ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa digniintaan si isku mid ah u gu diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta, isagoo sheeg ay in awaamiir qoran ay dowladu kasoo saari doonto arrimahaan, wuxuuna ku tilmaamay masuulkii diida in gaarigiisa la baaro Shabaab kalkaal.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay go’aanka mada xweynaha?

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyo kala duwan oo ay bulshada Soomaaliyeed ka dhiibat ay go’aanadan cusub ee madaxweynaha dul dhigay masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Muqdisho.

Nuur Axmed Dahir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka madaxweynaha ayaa waxa uu yiri "Wallaa hi Dr Xasan hadalo cad cad oo aan horay loog baran ayuu la yimid runta waa biyo kama dhibcaan, waxaa d-ba modaa inuu dareenka shacabka uu ku hadlaa yo.Guuleyso Md.madaxweyne quluubta kala jirna.”

"Waxaan idinka fadhinaa inaad fulisaan, amarada an aad soo rogteen amar dawlo-mudeec waa inuu no qdaa. Waxaan rajeynayaa in tallaabadani wax wayn u tarto amniga caasimada & guud ahaan dalka Soom aaliya,” ayuu yiri Ilyaas Cumar Ducaysane.

Geelle Gabbane oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka uu ku dhawaaqay madaxweyne Xa san ayaa waxa uu yiri "Al-Shabaab baa Dekada Muq disho canshuur ka qaado oo hub iyo qaraxyada kala soo dago, ayagoo ganacsato iska dhigayo ama si ba reer ah oo xoog ah uga soo dagsado. Waaa ceeb in aa sidaan u hadashid, waxa socda wax ka qabo oo Al-Shabaab ka jooji canshuurta ay ka qaado dadka dowlada u shaqeya iyo waxay dekada kala soo dag ayaan.”

Cabdiraxmaan Boore Cadow ayaa sidoo kale wa xa uu dalbaday in go’aanadda uu ku dhawaaqay ma daxweynaha aysan noqon afka baarkiisa ee si rasmi ah loo dhaqan-geliyo, wuxuuna yiri "Waa go’aan cad oo muhiim ah Md.madaxweyne, waana in la helo dha qan-galkiisi arinkaa aad ayaan usoo dhaweeynayaa, guul iyo gobanimo.”

Aslam Cali Aden "Magaalada Wadada maka alm ukarama le miyaa mise muqidisho dhan.” – "Askariga wadada markuu maraayo xabada kufuranaayo eed adka qaar dhaawac iyo dhimasho ugeysata maana ga qabtaan waxaan rabnaa amni buuxa Allaha inasii yo.” ayey tiri Raxmo Ibraahim Nuur.

"Hala joojiyo markaad ledahay madaxwayne waxa ku jirta in aad ogtahay kuwo sameyay arinkaa waa in aad dul dhigta amar ah inuu marayo ciqaab adag ha dalkan jilicsan kadaa,” ayuu yiri Maxamed Zimba oo ku taliyay in si adag loola dhaqmo dadka hareer mar aha go’aannada uu ku dhawaaqay madaxweynaha.

"Md.madaxweyne adiguna markaad rabtid inaad meel Muqdisho kamid ah booqatid ha xiran wadooyin ka ku teedsan nawaxigaas oo buruuftaada ku mar ka liya,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Maxamed.

Ayaan Cumar ayaa iyadna waxay tiri "Madaxwey ne Xasan Sheekh waan kugu taageersanahay waa na wax wanaagsan go’aankaan aad soo jeedisey ee hirgali. Tan kale waxaan kaa codsaneynaa in ciida mada Soomaliyeed qeybahooda kala duwan aad la cagta u badisid oo mushaarka ugu badan aad siiso si ay daacad ugu noqdaan wadankooda ileyn madax weyne nin baahan gob ma ahan!.”

"War kaliya wax mataree halagu dhaqmo hadal kaaga madaxweyne,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo ka mid ah dadka ka fal-celiyay go’aanada uu Jimcihii ku ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Xigasho:-caasimadda.net

Duqa Muqdisho oo sameeyay Kormeerka ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jim caale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xig eenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka

Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Ya booh) ayaa kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Mu qdisho.

Kormeerkan oo ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan iyo u kuurgalida xaalada Caasimadda, gaar ahaan Amni ga, Nadaafada, u diyaar garowga xili Roobaadka iyo in si deg deg ah loo dhameestiro diyaarinta Waraha biya qabadka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasiirka amniga dowladda FS oo lankulmay khuburo amni oo Serbian ah

Wasiirka amniga gudaha dowladda FS oo kulan la qaatay khuburo ka socday waaxda hubka iyo ka hort agga dambiyadda Abaabulan ee dalka Serbia.

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowladda FS mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay khuburada Amniga & Dambiyada Abaabulan ee Wasaaradda amniga Serbia iyo shirkadda Yugo Import oo ay leedahay dowladda Serbia, taas oo ku shaqo leh dhoofinta iyo soo dajinta hubka.

Kulankan waxaa wasiir Doodishe ku wehlinayey danjiraha Jamhuuriyadda FS u qaabilsan dalka Ser bia Md. Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Wasiirka ayaa khuburada kala hadlay sidii loo xo ojin lahaa tababarana loo siin lahaa howlwadeenad da ka shaqeeya amniga Soomaaliya iyo in khubur adu ay soo booqdaan Soomaaliya.

Weriye warbaahinta qaranka ka tirsanaa oo Habeen hore ku geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa Salaadii Maqrib ka dib Muqdisho ku geeriyooday Weriye Miikaahiil Cabdir ashiid Barre oo ka tirsanaa weriyaasha warbaahinta qaranka.

Miikaahiil ayaa maalmihii lasoo dha afay ku xanuuns anayey isbitaalka Er dogan Ex Digfeer oo ugu dambeyntii uu Habeen hore ku geeriyooday. Masuuliyiinta wasaaradda wa rfaafinta Soomaaliya oo marxuumku uu muddo dheer ka soo shaqeynayey ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Weriye Miika ahiil Barre.

"Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Wasaarad da,Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxya ha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya waxa ay ka tacsiyadeynayaan geerida ku timid Wariye Makaahiil Rashiid Barre oo ka mid ahaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka oo goor dhow ku geeriyooday M/Muqdisho,”ayaa lagu yiri qo raal ay baahisay wasaaraddu.

Miikaahiil oo ahaa Weriye ruugcadaa ah ayaa war baahinta qaranka uga soo warami jiray waddanka Ja buuti oo muddo uu deganaa, balse waayihii dambe wuxuu u soo wareegay Muqdisho oo hadda uu ku ge eriyooday. Maskaxda ayaa la sheegay in xanuunku uu ka haayey Weriye Miikaahiil, wuxuuna dhawaan noqday bareelis oo oo qaar ka mid ah xubnihiisa jirka ayaa dhaq-dhaqaaqa joojiyey.

Dhakhaatiirtii la tacaaleysay xaaladiisa ayaa dhaw aan dalbaday in dalka dibadiisa loo qaado, maadaa ma xaaladda weriyaha ay aheyd mid culus, balse wu xuu Habeen hore geeriyooday intii lagu jiray qaban-qaaba dii loogu qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.

Dowladda iyo dhammaan bahda warbaahinta ayaa u kacay Miikaahiil oo waxaa gabagabo maraayey qor she loogu qaadayo caafimaad dibadda ah, balse Alla ah ayaa oofsaday Habeen hore, iyadoo aan dal kale loo qa adin.

TACSI TIIRAANYOLEH

Bahada Wargeyskan Mogadihsu Timis Daily NewsPeparoo maamul iyo howladeenabaa leh ka tacsiyadeynayaan Geerida ku timid Wariiye Makaa’iil Rashiid Barr waxayna alle ugu Barayayaan Inuu Naxariistii Janno Ugu Bishaareyo Marxuumka Ehelka iyo Qaraabadauu ka tagayna Samir Iyo Iim aan Saadaq ah Ka Siiyo Aamiin Aamiin Aamiin

INNAALILAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN

DFS sheegtay inay ka go’an tahay in la dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka uga go’an tahay in xal laga gaaro khilaafka si yaasadeed ee kala dhaxeeya ee Dowlad Goboleed ka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Md.Axm ed Macalin Fiqi, oo wareysi siiyay wargeyska The East African ee ka soo baxa dalka Kenya waxa uu ku muujiyay kalsooni uu ku qabo xal nabadeed oo lagu gaaro wada xaajood iyo hab iskaashi.

"Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dawlad- goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soom aaliya,” ayuu yiri Fiqi oo ku nuux-nuuxsa day muhiimadda ay leedahay doorka Puntland ee Soomaaliya.

Qodobada ugu waaweyn ee khilaafka u dhaxeeya DFS iyo Puntland waxaa ka mid ah dastuurka iyo dhamaystirka hannaanka federaalaynta Soomaaliya. Fiqi ayaa ku adkeystay mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee wax looga qaban karo arrimaha as arrimuhu inuu yahay wada-hadal iyadoo sidoo ka le in la ilaaliyo mudnaanta dowladda oo ay tahay dha meystirka Dastuurka iyo qaabka federaalka.

Shir dhawaan ka dhacay M/Baydhabo ayaa wax aa loo xil saaray madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed xalinta khilaafka DFS & Puntland. Inkas too aysan wali si rasmi ah u bilaaban dadaalada, had dana waxaana la filayaa inay bilaabmaan bisha Ram adaan ka dib.

"In kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, hadda na DFS waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada -shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tah a si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu yiri Fiqi.

Axmed Madobe oo Shalay isku maray 5 degaan oo laga xoreeyay Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Shalay booqasho ku tagay deegaanadii u dan be eyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee ka tir san gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada kala duwan ee do wlad-goboleedka Jubbal and ayaa kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad,Canjeel,Harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxa ha argagixisada ah ay ku dhibaat ayn jireen dadka shacabka ah.

Axmed Madoobe oo halkaasi khudbad uga jeediyay cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in dad ka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in sida ugu dhaqsa ha badan loo baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan laga xoreeyo, islamar kaana ay tahay in la gaarsiiyo horumarka dowladnim ada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaas waxa uu ku sii daray in markii la xoreeyay deegaanka Jannaa-Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deeg aanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen ciid amada qalabka sida.

"Waxaa dib u howl-galinay markii la xoreeyay cee lasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan (cii damada) dadka deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee dowladda,” ayuu yiri madax weynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe ayaa dadka reer Jubbaland u ballan-qaaday inay wadayaan howl-galada ka dhanka kooxda Al-Shabaab, illaa inta la xoreeynayo deegaanada maamulka Jubbaland, oo qeybo kamid ah gacanta ku hayso kooxda.

"Wey sii socon doonaan howl-galada dib u xoreynta, waxaana la dardar-gelin doona maa lmaha soo socda, si neecoowda Dowlad nimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubbal and,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axme d Madoobe.

Waa markii u horeysay ee Axmed Madoobe uu tago shantan deegaan tan iyo markii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo muddo ka talineysay, waxayna kusoo aadeysa xilli uu dardar ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda, ayna bilaabanayaan wejiga labaad ee howl-galada oo ay qeyb ka yihiin dalalka deriska.

Ciyaal weerada oo ka balan qaaday Gudoo miyaha Degmada Kaaraan inay dhibaatada joojin doonaan.

Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan) oo ah Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa Dorraad ku lan la yeeshay Dhalinyrada Ciyaal weerada loo yaq aan, iyadoo gudoomiyaha marka hore u soo jeediyay in joojiyaan colaada dagaalada ay isaga soo horje edaan oo ay koox koox isku dilayaan.

"Waa inaad ogaatiin in lagu jiro Bil Ramadaan, wa xaa loo baahan yahay inaad joojisaan dhibaatada” ayuu yiri Gudoomiyaha Kaaraan.

Kulankaan oo ka dha cay garo onka Qoob Dooro ee degmada Kaaraan, ayuu u balan aaday gudoomiyaha deg mada inuu diy aar ula yahay dhalinyarada ru uxii doonaya inuu iskuul rabo in la geynayo, kii Jaamacad gaara yna la siin doono minxo Jaamacadeed oo lacag la’ aan ah, qofkii donayo ciidan diyaar loola yahay, kii Isborti rabana loo qabanayo Tartan Sborti lana siina yo qalab isboorti.

Ugu dambayntii ciyaal Weeradii ayaa ogolaatay inay joojinaayaan Fowdada iyo colaada dhexdooda ah, waxayna intooda badan soo jeediyeen in Koob loo dhigo koox kooxna isku saari doonaan, taasi oo ka balan qaaday Gudoomiyaha Isbortiga Degmda Kaa raan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa qaaday talaabo aan horay loo qaadin si loo yar eeyo dhibaatada iyo is dilka mar walba ka dhici jiray xaafdaha ay degmda Kaaraan ka kooban tahay, wu xuun ugu dambayn uu sheegay in hada kadib lala xis aabtami doono ruux kasta oo dembi gaysta

Ciidan cusub oo la wareegay amniga qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Xog Ciidamo cusub oo dhawaan kusoo qaatay taba bar dalka dibadiisa ayaa la geeyay guud ahaan qey b ta Galbeed ee magaala da Muqdisho, sida ay shee gtay inay ogaat ay Caasimada Online. Ciidankan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxay dhawaan ta babar kusoo qaateen dalka Uganda, waxaana laga howl-galiyya hadda saldhigyada Wadajir, Dharkenl ey, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley.

Wararka aan helayno ayaa intaasi kusii daraya in ciid ankan cusub loogu tala-galay xasilinta amaanka ma gaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo du rba bilaabay roondo iyo howl-galo kala duwan xilliya da habeenkii.

Ciidamadan cusub ayaa hoostagaya talisyada Booliska degmooyinka ay ka howl-galayaan, waana ciidan loogu tala-galay xasilinta magaaladan, waxay na tababar dhowr billood ah kusoo qaateen dalka Uganda.

Ciidankan oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad afar kun ayaa waxaa mushaaraadkooda bixisay dowl adda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kaalin muhiim ka qaadatay tababarkoodii ay kusoo qaateen dalka Uganda.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay inuu qaa tay go’aanka ah in amaanka caasimadda lagu fiiriyo ciidamo Milateri ah, waana sababta keentay in ciidan kan oo markii hore loo waday furimaha dagaalka la ga howl-galiyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, oo ayadu dhibane u ah falalka amni daro ee kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shaba ab. Dabayaaqadda bishii hore ayay aheyd markii ay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amu ud oo uu wehlinayo dhiggiisa dalka Uganda Md.Yoweri Museveni ay tababbar u soo xireen cutu byo kamid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soom aaliya.

Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, isaga oo halkaasi ka she egay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka.

"Tayeynta ciidanka qaranka waxay aas-aas u tah ay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagix isada,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.kastaba, Soomaaliya ayaa haa tan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaa ban doono wejiga labaad ee dagaalka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo daah-furay Tartan ka Kubadda Koleyga Bisha Ramadaan ee Degma da Shibbis. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mad aale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Am niga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arr imaha Bulshada iyo Wacyigelinta ayaa Habeen hore daah-furay Tartanka Kubadda Koleyga Bisha Ramadaan

ee Degmada Shibis. Tartankaan oo ay ka qeyb-qaadanayaan kooxo dhalinyaro ah oo ka dhisan Degmada Shibis ayaa waxaa furitaanka goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Degmada Shibis, Guddoomiya ha Xariirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga, Ba hda Cayaaraha iyo Taageerayaal fara badan, iyado ona tartankaan oo qeyb ka ah isdhexgalka dhalinya rada iyo Bulshada Degmada Shibis ayaa waxa uu socon doonnaa inta ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo booqday safaarada dowlada Sacuudiga ee Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gu uto. Sulub Axmed Firin, ay aa booqday Safaarada Do wlada Sacuudiga ee Mu disho, waxaa taliyaha xa ru nta Safarada ku soo dha weeyay Safiirka Dowlada Sacuudiga u fadhiya Muqd isho, Mudane. Danjire. Ax med Bin Maxamed Almo wallad.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa Sidii Safarada Sacuu diga ay uga qeybqaadan la heyd garab istaagga dhi smaha Ciidanka Boliiska Soo maaliyeed iyada oo Ta liy uhu uga mahadceliyay saf iirka soo dhaweynta diir an.

Faysal Cali Waraabe oo fariin u diray ergay ga Soomaaliya u magacowday arrimaha wadahadalada Somaliland

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraa be ayaa sheegay in loo bahanyahay in wahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay ku bilowdaan soo ce linta heshiisyadii labada dhinac hore u wadagaleen.

Waraabe oo fariin u diray ergayga dhawaan dowlada Soomaaliya u magacowday wadahadalada, ayaa sheegay in loo bahanyahay in laga wada hadlo sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa.

Soomaaliya iyo Somaliland haday wadahlayaan mid uun baanu ka wadah adlaynaa, wa xaanu ka wad ahadlayna sidii aanu wax u qaybsan lahayn, laba dal oo walaalo ah" ayuu yidhi Wara abe.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in wadah adala du ku bilaabmaan waji wanaa gsan, oo walaaln imo ka muuqato, oo isla markaa na lasoo celiyo he shiisyadii labada dhinac hore u galeen, nabadana laga wada shaqeeyo.

Waraabe waxa uu tilmaamay in Somaliland qadiy adee u tahay lama taabtaan "Somaliland gorgortan gali mayso hada kiinii gorgortan galiseen oo 5 u qay biseen, anagu talada dalkayaga mardanbe cid la yeel an mayno".

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya looga fadhiyo in ay qirto in Somaliland iyo Soomaaliya aha ayeen laba dal oo walaalo ah, oo kala madaxban naa naa oo midoobay 1960, isla markaana ay dib u kala baxeen.

Waxa la tilmaamaa in burburka wadahadala dii hore ay sal u ahayd labada dhinac oo kala wata laba qadiyadood oo kala fog, oo midna aanu dhankiisa wax dabac ah ka samayn.


Eedeysane lagu xiray Magaalada Muqdisho

Ninka la soo bandhigay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa koox dhallinyaro ah oo mindiyo ku hube ysnaa, isla-markaana Waaxda 1aad General Daa’ uud ee Degmada Wadajir ku jirdilay darawal mooto bajaaj.

"Waxayna isku dayeen inay dhac u gaystaan, iyagoo kala ba xay haadka iyo taarikada dambe ee mooto bajaajta.” Ayaa lagu yiri qoraal kale oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobo lka Banaadir.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in eedeysane Xasan Faysal Shaacir loo hayo kooxdii jirdilka iyo dhacaba u gaysatay dhibane Cabdullaahi Cismaan.

"Hadda wuxuu ku jiraa gacanta ciidanka si baar ista loo dhameystiro, waxaana la horgeyn doonnaa maxkamadda awoodda u leh, si uu caddaaladda u wajaho.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxaha burcadda iyo ciyaal weerada ee xilliy ada habeenkii dadka ku baarta xaafadaha magaala da ayaa qayb ka ah caqabadda amni ee ka jirta Caasimadda Muqdisho.

Wiil uu Fu’aad Shongole ‘dhalay oo lagu qabtay dalka Costa Rica (Faah-faahin)

Ciidamada ammaanka ee dowladda Costa Rica aya qabtay, kadibna masaafuriyay wiil uu dhalay Fu ’aad Maxamed Qalaf (Shongole) oo ka mid ah hog aamiyeyaasha sare sare ee Al-Shabaab ee ka dag aalama Soomaaliya.

Wiilka la qabtay ayaa ku safrayay magaca Lutrn an Warsame Farax, waxaana la sheegay inuu yahay curadka Fu’aad Shongole.

Sidoo kale ninka la xiray ayaa watay aqoonsi iyo baasaboorka dalka Sweden, kaas oo uu leeyahay qof kale, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Costa Rica.

Ninkan oo ku jiray liiska dadka ay raadinayso FBI -da ayaa galay Costa Rica January 4, 2023, isaga oo isticmaalaya baasaboor uu leeyahay nin lagu maga caabo Luqman Abdiaziz.

Lutrnan Warsame Faarax ayaa loo musaafur iyay dalka Guatemala ee Latin Amerika, isla-markaanaoo xad laleh Mexico. Balse wararka ayaa sheegaya in lagu soo celiyay Costa Rica.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in eedeysanaha uu muddo bil ku sugnaa Costa Rica, isla-markaana uu kusii jeeday dalka Mareykanka oo ku geli rabay tahriib ahaan.

FBI-da Mareykanka ayaa bishii Febraayo ee san nadkan uu sheegtay in xubin ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan tahay gudaha waddanka Costa Rica, waxa ana kadib billowday howlgal ballaaran oo ay samee yeen ciidamada, laguna soo qabtay eedeysanahan.

Hay’adda Sirdoonka Costa Rica oo ka hadashay arintan ayaa sheegtay in wiilkan ay ku celin doonaan dalka uu markii hore sida sharciga ah ku joogay, ha ddii la waayana Soomaaliya.

Si kastaba, Fu’aad Shongole oo kamid ah golaha shuurada ee Al-Shabaab, isla-markaana ‘dhalay wiilk an’ ayaa loo haystaa inuu fududeeyay weerar 2011 ka dhacay dalka Sweden.

Faah faahin kasoo baxeysa Muwaadin Soomaa liyeed oo lagu dilay dalka Ingiriiska

Ciidamada booliiska ee magaalada Sheffield oo ku taalla woqooyiga Ingiriiska ayaa bilaabay baarit aan, kaddib markii wiil Soomaali ah oo labaataneeyo jir ah toogasho lagu diley xaafadda Gleadless oo ku taala magaaladaasi.

Booliska ayaa markii uu falkan toogashada ah dhacay ay tageen goobta, iyaga oo arkay dilka wiilka 20 jirka ah, kadibna ay ku wargeliyeen qoyskiisa maa daama uu ka fogaa.

Sarkaal katirsan Booliska ayaa sheegay in dilka noo caan oo kale ah uu welwel ku yahay Bulshada,isla mar kaana Ciidamo dheeraad ah la geeyay goobta wax ka dahceen si baaritaan weyn loo sameeyo.

Ciidamada booliiska ee magaalada Sheffield ayaa ka codsaday bulshada Magaalada inay ka qeyb qaataan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Xaaska wariye lagu dilay Kenya oo dalbatay in kiiskiisa ay la wareegto Qaramada Midoobay

Xaaska wariye caan ah oo u dhalatay dalka Paki stan, ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in la sameeyo baaritaan madax ban aan, oo ku saabsan toogash ada ninkeeda looggu geystay dalka Kenya

Javeria

Siddique ayaa sheegtay in booliiska Kenya iyo Pakistan ay ka xumaadeen baaritaanada la gu hayo toogashada Arshad Sharif.

Wariyaha ayaa bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay wa xaa toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan booliiska oo isbaaro u taalay duleedka magaalada caasimadda ah ee magaalada Nairobi.

Javeria Siddique, ayaa codsatay in loo magaca abo ergeyga gaarka ah ee madax ka ah baaritaanka madax banaan ee lagu dilay ninkeeda Arshad Sharif sanadkii hore.

Khasaaro ka dhashay Israsaasayn iyo muda hara ad ka dhacay Gobolka Amxaarada

Israsaasayn ayaa laga maqlay magaalooyin ka tir san gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, iyada oo kumanaan qof ay dhigeen mudaharaad ay kaga soo horjeedaan amarka xukuumadda dhexe ee Itoobiya ay doonayso inay ciidamada sida gaarka ah u tabab aran ee gobollada ay ugu kala darto ciidamada Boo liska iyo kuwa milateriga.

Xubno ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tab abaran ee gobolka Amxaarada iyo weliba maleeshi yaad xulafo la ah, ayaa wacad ku maray inay ka soo horjeesanayaan amarka Khamiistii ka soo baxay xukuumadda dhexe, iyaga oo ka horyimid qorshaha xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy ahmed, kaasoo sheegay in tallaabadan looga dan leeyahay "midni mada qaranka Itoobiya”.

Amarkan ayaa khuseeya dhammaan 11-ka gobol ee Itoobiya, kuwaas oo leh ciidamo gobol oo iyaga u gaar ah, xaqna u leh inay adeegsadaan luuqadooda.

Qof ku nool deegaanka Gondar, halkaas oo ay ka dhaceen debedbaxyo ballaarani, ayaa sheegay, in xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah gobolka Amxa aradu inay rasaas cirka u rideen habeenkii oo dhan, si ay u muujiyaan, sida ay uga soo horjeedaan amar kan.

Laba ka mida dadka deegaanka Kobo ayaa sheeg ay inay maqleen jugta madaafiic kala duwan oo laga maqlayo duleedka magaalada. Illaa hadda ma cadda cidda ka dambaysa madaafiicdaas. Mudaharaado ayaa sidoo kale ka dhacay ugu yaraan lix magaalo oo kale sida ay sheegeen dadka deegaanka oo mag acyadooda qariyey, arrimo dhinaca ammaanka ah.

Suuro gal may noqon in la helo afhayeenada xuk uumadda dhexe iyo kan ciidamada milateriga iyo kan dawlad deegaanka Axmaadarada. Warbaahin ay ma amusho dawladda gobolka Amxaaradu ayaa ka soo xigatay madaxweynaha xukuumadda amxaarada, Yi lkal Kefale inuu sheegay in la khalad fahmay amarka xukuumadda dhexe, oo loo fahmay in hubka laga dhigayo ciidamada deegaanka. Taas bedelkeeda waxay ahayd in dib loo qaabeeyo ciidamo goboleedyada isla markaana loo hoosgeeyo hay’ad amni oo federaali ah.

Iran oo Sucuudiga u diraysa wefdi dib u fura safaaradda ay ku leeyihiin Riyadh

Wefdi farsamo oo ka socda dalka Iran ayaa tod dobaadkan booqan doona dalka Sucuudiga si ay ugu diyaargaroobaan furitaanka safaaradda Iran ee Riyadh, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ISNA.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay maalmo uun ka dib markii wasiirada arrimaha debedda ee Iran iyo Sucuudigu ay Khamiistii ku kulmeen Beijing, kaas oo ahaa shirkii ugu horreeyey ee rasmi ah ee dhex mara labada wasiir arrima debedeed ee labada dal, muddo toddoba sano ah.

Shiinaha ayaa ka odayeeyey heshiiska labada dal dhex maray ee dib loogu soo celiyey xiriirkooda dibl omaasiyadeed."Wefdiga farsamo ee dalka Iran ayaa booqan doona safaaradda Iran ee ku taalla Riyadh, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan diyaargarowga dib u furista safaaraddooda” ayaa lagu yidhi qoraal ay daabacday wakaaladda wararka ee ISNA.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Sucuudiga ay aa sheegtay Sabtidii in wefdi ka socda dalkoodu inuu booqday Iran si ay dalkaas ugala xaajoodaan, dib u furista safaaradda ay ku leeyihiin Tehran.

Weftiga ayaa Shalay oo Axad ahayd booqday safaa radda Sucuudiga ee Tehran.

Nin Hubaysan Oo Afar Ruux Ku Dilay Bangi Ku Yaal Magaalada Louisville Ee Dalka Maraykanka

Afar qof ayaa lagu dilay, lix kalena isbitalka ayaa la dhigay, toogasho ka dhacday bangi oo ku yaalla magaalada Louisville, gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen booliska.

Ninka hubaysan ayaa waxaa toogtay oo dilay askar booliis ah oo goobta si dhaqso ah ku tegey sida uu sheegay Jacquelyn Gwinn-Villaroel, oo ah madaxa ku-meel-gaarka ah ee Waaxda Booliska Me tro ee Louisville.

Connor Sturgeon, oo 23 jir ah oo ay boolisku ku sheegeen inuu ahaa ninkii hubaysnaa ee toogash ada wadareed ka geystay magaalada Louisville, wa xaana uu muddo sannad ka badan ka shaqaynayey uu toogashada ka fuliyay.

Dhacdadan ka dhacday Louisville, oo ah mag aalo ay ku nool yihiin 630,00 oo qof oo ku taal waqoo yiga Kentucky, ayaa ah toogasho wadareedkii ugu dambeeyay ee ka dhacda dalka Maraykanka.

Dabayaaqadii bishii hore, nin toogasho ka fuliyay xarun waxbarasho oo ku taal magaalada Nashville, Tennessee ayaa ku dilay saddex carruur ah iyo sad dex qof oo waaweyn.

Shabakad diiwaangelisa toogashada Mareykan ka, ayaa soo warisay 145 toogasho wadareed oo dad badan ay ku dhinteen ay ka dhacday dalka Mar aykanka sanadkan 2023ka.



MAXAA KU QORAN WARAAQAHA SIRTA AH EE LAGA SOO DUSIYEY MAREYKANKA? BAASUUKE LA RIDAYOXIGASHADA


SAWIRKA,REUTERS

Waxay sheegayaan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray labada dhin acba,tabar darrada milatari ee labada dhinacba

Maxay ku saabsan yihiin daraasiinta waraaqaha sirta ah ee waaxda difaaca Maraykanka – ee leh khariiradaha, Shaxda iyo sawirrada – kuwa as oo hadda internet-ka dhex wareegaya?

Jadwalka dhameys tiran iyo tobanaanka dhokumenti ee ay ku xusan yihiin erayada Milatariga ee aan la qarin Karin, kuwaas oo qaar lagu su ntay "sir xasaasi ah” ayaa si fiican u muujinaya xogta dhameys tiran ee sawirka guud ee dagaalka Ukraine ka socda.

Waxay sheegayaan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray labada dhinacba,tabar darrada milatari ee labada dhinacba, iyo, gaar ahaan, sida ay awooddu noqon doonto marka Ukraine ay go'aansato in ay qaad do duullaankeeda guga ee la filayo.

Hadaba sidey run u yihiin waraaqahan la daabacay ee aan laabnayn ee la sawiray, oo xataa suurta gal ah in ay qof miiska qadada u saaran yihiin?

Maxayna inooga sheegayaan Ruushka oo aynaan horeyba u ogeyn?

Ugu horeyntii: Tani waa sirtii ugu weynieyd eel aga faafiyey dagaalka Ukraine tan iyo intii uu Ruusha dagaal buuxa kusoo qaaday Ukraine 14 bilood ka hor. Qaar ka mid ah dhokumentiyadu waxaabay jiraan wax ka yar lix isbuuc balse saamenytooda ayaa aad u baaxad weyn.

Waaxda gaashaandhigga Maraykanka ayaa laga soo xigtay in ay war aaquhu yihiin kuwo sax ah.

Xogta ugu yaraan mid ka mid ah waraaqaha ayaa u muuqatay mid is abddel lagu sameeyay, balse waraaqahan oo gaaraya ilaa 100 marka loo eego ayey taasi u tahay xog aad u yar.

BBC-da ayaa aragtay in ka badan 20 ka mid ah dhokumentiyadan. Wax aana ku jira xogo dhameys tiran oo ku saabsan tirooyin tababarra ah iyo qalab la siiyey Ukraine iyada oo xuseysa in ka badan toban guuto oo cus ub oo loo diyaariyey weerar dhici doona toddobaadyo gudahood.

Waxaa ku xusan goorta guutooyinku ay diyaar noqonayaan waxayna taxayaan waraaquhu dhamaan tirade taangiyada dagaalka, gawaarida ga ashaaman iyo madaafiicda dagaalka ee xulafada galbeedku ku taageere en Ukraine.

Balse waxaa ku qoran in " xlliga gaadhsiinta ee qalabku uu saameyn doono tababarka iyo diyaar garowga”.

Madfac la ridayo XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,

Ciidamada Ukraine oo ridaya madaafiicda Jarmalka

Mid ka mid ah waraaquhu waxay muujinaysaa "sawirka dhulka dhoobo barafowday”, si loo qiimeeyo xaaladda dhulka ee bariga Ukraine inta uu gugu socdo.Ka dib jiilaalkii tijaabiyey awoodda kama dambeysta ah ee dicaafa circa Ukraine, waxaa sidoo kale jira falanqeyn hoos u dhaca awo odda difaaca hawada ee Ukraine, iyada oo dooneysa inay isu dheelitirto ilaheeda difaac si ay u ilaaliso dadka rayidka ah, dhismayaasha xasaa siga ah iyo ciidamadeeda furinta hore ku jira.

Wax intee dhan oo xogtan ah ayaa cusub?

Qaar badan oo ka mid ah xogtani waa mid aynu hore u ogeyn. Balse tiro badan oo kale ayaa jirta, hal meel ayeyna ku qoranyihiin.

Ka soo qaad tirada dhanka khasaaraha nafeed. Waxaa xoogaa kedis ah qiyaasta Maraykanka ee ah in Ruusha ay soo gaareen dhimasho ama dhaawac gaaraya inta u dhaxeysa 189,500 ilaa 223,000 oo ciidamada Ruushka ah.

Halka dhanka Ukraine ee isla xogtan ay muujinayso khasaare nafeed oo gaaraya 124,500 ilaa 131,000 askari oo sidoo kale la eg qiyas loosoo koobay warbaahinta todobaadyo ka hor. Labada dhanba wuxuu Penta gon-ku sheegay inuu ku qabo "kalsooni hoose” dhanka tirade, daldaloo lada xogta, halwgalka amniga iyo marrin habaabin si ula kac ah ay lab ada dhinacba u sameyn karaan.Sida muuqata halkan ayey ahayd Mee sha laga sameeyaya isku dayga ah in wax laga badalo waraaqaha si loo gu ekeysiiyo in Ukraine ay khasaaraha ugu xun wajaheyso.Mid kasoo mu uqday mareeg taageerta Ruushka ayaa tirada "askarta Ukraine loogaa dilay dagaalka” oo ahayd ("16 kun ilaa 17.5 kun”) u badehsay ("61 kun ilaa 71.5 kun”) halka tirade dhanka Ruushka la dhimay.Isku soo duudu uboo, waxay isgu biyo shubaneysaa su’aasha ah, yaa dusiyey waraaq ahan, Maxayna tahay sababtu?

"Eeg, Waraaqahan sirta ah”

Sheekada ah sida ay waraaqahani kusoo gaareen halka fariimaha la isugu diro ee Discord ka dibna ugasoo gudbay 4Chan iyo Telegram ayaa waxaa sheegay baaraha khaaska ah ee ururka baaritaannada siraha ee Bellingcart Aric Toler.

Toler wuxuu sheegay in aanay weli u suurta gelin inuu helo ishii asa lka ahayd ee dusisay waraaqaha, balse balse wuxuu kusoo gunaanaday in markii u horeysay ay kasoo muuqdeen barta fariimaha ee caanka ku ah dadka ciyaara ciyaaraha internet-ka.

Afartii Maarso,ka dib dood ku saabsan dagaalka Ukraine oo ku dhex martay kuwa adeegsada barta Discord oo ay badanaa ku kulmaan ciya aryahannada cirtaa Minecraft, ayuu mid ka mid ah adeegsadayaashu soo qoray "eeg, waraaqahan sirta ah”, wax yar uun ka hor inta aanu soo harqi nin ilaa 10 ka mid ah waraaqaha.

Wax aacdi ah ma aha sidan oo kale, balse sidoo kale ma aha mid aan waligeed la arkin dusintan oo kale.

2019 kii ka hor doorashadii UK, waraaqo ku saabsan xiriirka ganacsi ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa kasoo muuqday baraha bulshada sida, Reddit, 4Chan iyo kuwa kale.

Xilligaas waxay shirkadda Reddit sheegtay in asalkii waraaqahan uu ka yimid Ruushka.

Si la mid ah sannadkii tagey, ciyaar yahannada ciyaarta online-ka ee War Thunder ayaa se is daba jog ah usoo daabacay dhokumentiyo xasaasi ah oo milatari, si ay dood u dhaxeysay ugu kala guuleystaan. Tan hadda ugu dambeysay way ka xasaasi santahay kana halis badan tahay kuwii hore.

Ukraine ayaa si wnaagsan u ilaalisa "xogteeda amniga” mana ku fara xsanaan karto in xogo sidan u xasaasi ah laga faafiyo xilligan aadka u adag.

Qaar ka mid ah dadka wax ka qora arrimaha millatariga ee internet-ka ayaa soo jeedinaya in tani ay tahay marrin habaabin reer galbeedku ay sameynayaan si ay ugu raad gadaan taliyeyaasha ciidamada Ruush ka.

XIGASHO:-BBC

HOOYO IYO GABDHEHEEDA OO LAGU DILAY ISKU DHACYADA ISRAA'IILIYIINTA IYO FALASTIINIYIINTA

Haweeney heysata dhalashooyinka Israa’iil iyo Britain ayaa u geeri yootay dhaawacii soo gaaray saddex maalmood kaddib weerar ka dha cay Daanta Galbeed ee la haysto, kaasi oo lagu dilay labadeeda gab dhood.

Lucy Dee ayaa suu xsaneed tan iyo markii uu dhaawacu soo gaa ray Jimcihii iyadoo ugu dambeyn u geeriyotay.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari ay saaryeen iyada iyo labadeeda gabdhood ee kala ah Rina iyo Maia oo iyagana halkaasi ay ku geeriyoodeen.

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada baadi goobka gacan ku dhiiglaya ashii dilka geystay.

Saraakiisha caafimaadka falastiiniyiinta ayaa sheegay in ciidamada Israel ay toogteen wiil shan iyo toban jir ah oo Falastiini ah intii lagu guda jiray duullaan ay ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Mohammed Fayez Balhan. XIGASHO:-BBC


DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}


WAA KU CELIS QEYBTAAN

AxkaamtaSoonka ‐35

( 60. Sadaqada (zakada) waxaa uun mutta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqe eya, kuwa la soo dhaw ayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku da yno obay, jidka eebe iyo socdaalka, waana wax eebe faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan ).

18. Ciidul Fidriga ( Ciidda Soonka) Ø Ciidul fidriga waa maalin farx ade ed oo dadka ku faraxsan yihiin sida qii ma ha badan ee Alle ugu dha ma ystiray soonkii ay bisha bara kaysan so omayeen,una xalaaleeyay cunt adii iyo cabbiddii marka hore xaaraamta ka ahayd, waa maalin mudan in labadiyo takbiirta (ALLAAHU AKBARTA) sadaqa da, salaanta iyo booq ashada, sidookale waa in la is nadiifiyo, lab is wanaagsanna lagusoo labi sto, waana in banaanka (garoonka ciidda) loo soo bixiyo ciya alka, du ma rka daahirka ah,kuwa aan daahirka ahayn & gabdhaha maq abiyadaha ah dha mmantood , si looga faa’iideysto ducada iyo barakada maalinkan uu leeyahay.

عن أنس (رضي الله عنه) قال: ( كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) لا يغدو يوم الفطر حتى يأكل تمرات ) (قال الحافظ: أخرجه البخاري معلقا)

( Anas (r.c.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaanjirey:

mid aan kallihin maalinta fidriga (ciidul fidriga) ilaa uu cuno timiryaalo ).

عن ابن عمر قال: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم: يخرج إلى العيد ماشيا، ويرجع ماشيا) (حسن، أخرجة: ابن ماجة) ( Ibnu cumar (r.c.) wuxuu yiri:

Wuxuu ahaan jirey rasuulkii Alle (s.c.w) mid xagga ciidda usoo baxa isagoo lugaynayo, wuxuuna noqon jirey isagoo lugaynaya ).

AxkaamtaSoonka36

Ibnu cabaas ( r.c) waxaa laga warinayaa, inuu nabiga (s.c.w) tukaday maalinta ciidda: laba rakcadood oo hortood iyo dabadood uuna Salaad tu kanin.

(waxaa wariyay bukhaari iyo muslim)عن أم عطية نسيبة الأنصارية (رضي الله عنها) قالت: أمرنا رسول الله صلى الله عليه وسلم: أن نحرج في العيدين العواتق وذوات الخدور، وأمر الحيض أن يعتزلن مصلى المسلمين (متفق عليه، واللفظ لمسلم)

(Ummu cadiyah nusaybah oo reer ansaareed ahayd (r.c) waxay tiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu na amray inaan labada ciidood dhexdooda soo saarno gabdh aha bikaarada ah ee qaangaadhka ku dhaw iyo kuwa maqabiyada ah, kuwii xayd ka qabayna wuxuu amray inay ka dheera ada an muslimiinta goobtay ku tukana yaan).

Salaadda ciidda way ka duwan tahay salaadaha kale, waxyaabaha ay kaga duwantahayna waxaa ka mid ah inay tahay salaad aan aadaan iyo iqaamo midna lahayn. عن ابن عباس (رضي الله عنه) أن النبي (صلى الله عليه وسلم) صلى يوم العيد بلا أذآن ولا إقامة. (أخرجاه مطولا) (Ibnu cabaas (r.c) waxaa laga war inayaa inuu nabiga (s.c.w) tukaday maalinta ciidda ah, aadaan iyo iqa amo la’aan ).

Camar binu shucayb wuxuu aabihii kawarina yaa oo awawgii ka soo warinayaa inuu yidhi: nabigii Alle (s.c.w) wuxuu yidhi: (التكبير في الفطر سبع في الأولى وخمس في الأخرى، والقراءة بعدهما كلتيهما ) (أخرجه: أبوداود) (Ta kbiirta (salaada ciida) fidriga dhexdeeda ah waa: todobo ku jirta (rakca dda) iyo shan midda kale ku jirta, akhrintana dabadood bay ahaatay labad oodaba ).

Nucmaan binu bashiir (r.c) waxaa laga warinayaa in rasuulkii ALLE (s.c .w) ahaanjirey mid labada ciidoodba ku dhex akhriya:

(سبح السم ربك الأعلى) iyo).هل أتك حديث الغشية)

AxkaamtaSoonka‐37‐

عن عبيد الله بن عبدالله : أن عمر بن الخطاب رضي الله عنه سأل أبا واقد الليثي: ما كان يقرأ به رسول الله صلى الله عليه وسلم في الأضحى والفطر؟ فقال: كان يقرأ فيهما بـ (ق والقرآن المجيد) و (اقتربت الساعة وانشق القمر). (صحيح، أخرجه: مسلم، والترمذي، والنسائي، وغيرهم) (Cubaydillaah binu cabdillaah waxaa laga warinayaa: In cumar binu khadaab uu waydiiyay abaa waaqid al-laythi: muxuu rasuulka (s.c.w) ku akh rin jiray (ciidul) adxada iyo (ciidul) fid riga ? wuxuu yiri: wuxuu ku dhex ق ) iyo) اقتربت الساعة وانشق القمر) labadooda jiray akhrin. ( (والقرآن المجيد ØLabada rakc adood ee ciidda waxaa kadanbe eya laba khud badood, ruuxa wuxuu khiyaar ul eeyahay inuu dhagaysto khudbadda ama inuu is ka tago waxaana inoo caddayn aya:

Cabdullaahi binu saaib (s.c.w) wuxuu yiri: (Ciid ayaan la xaadiray ras uulka cii ddii ayuu natukiyey, kadib wuxuu yiri: (قد قضينا الصلاة فمن أحب أن يجلس للخطبة فليفعل ومن أحب أن يذهب فليذهب) (صحيح، أخرجه:ابن ماجة، وأبوداود، والترمذي) (Dhab ahaan salaaddii waan gudanay, ruuxii jeclaada inuu khudbada ufadhiisto, ha sa meeyo, ruuxii jec laada inuu tagana ha tago ). عن جابر بن عبد الله (رضي الله عنهما) قال: ( كان النبي (صلى الله عليه وسلم) إذا كان يوم عيد خالف الطريق) (صحيح، أخرجه: البخاري)

Jaabir binu cabdillaah (r.c) wuxuu yiri: ( Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaan jir ay markay maalin ciid ah tahay wadada ayuu is waydaarin jiray ). "macnaha: jidkii uu ka yimid mid aan ahayn ayuu ka noqon jirey” .37 .….La soco Berri

WAR-GELIN:-

ku socota dhammaan Macaamiisha wargeys ka iyo Akhri satayaashi isa Sharafta leh, wux uu Maamulka wargeyskan ku wargekin ayaa inay ilaaliyaan Nuqullada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa’isha Bisha Barakeysan ee Ra madaan Daruus la xiriirta ay ku qoran yihiin iyo Aayado khumur’aanka Kariim ah Sidaas daraadeed waxaa uu maamulka leeyahay walaalayaal xafida Alle ha idin xafidee kana ilaali meelaha aan ku habooneyn ee wasaqeysan in aad dhigtaan ama aad ku tuurtaan War geyskaan. Qaasatan Inta Lagu Jiro Maalmaha Bisha Ramadaan wax aana mar labaad kaa codsaney naa inaad ka dhowrtaan kana ilaaliso meelaha wargelinta lagu muujiyey Mahadsanidiin

FADHI KU DIRIRKII ODAYAASHA. (ALBERGO BANANA DI ORO)=FAALLO= )

Odayaal kala ah: Reer Marko, Gaalkacyo, Hargesa iyo Mogadishu ay aa ku shaahayay Fladhi ku dirir. Odaygii Marko ayaa odaygii Reer Gaal kacyo ku yiri: weligaa Ma seexatay Hotelka Mooskii Dahabka ahaa (Albe rgo Banana di Oro) Ogaygii Gaalkacyo: Adderow ma Moos dahab ah ayaa jiro? Odaygii Reer Marko: Ma seexatay maxaan u leeyahay Meel ay ku tiilba ma yaqaane.( F.S: 1 & 2aad).

War waa ka hor intaan Somaliya Nin Qori wato uuna wax xakumin.Laga soo Bilaabo 1969 illaa 2023, Qof Qoray wato lee na hor taagnaa. Odaygii Reer Gaalkacyo: war maad i tiraahdid waa baragii Anaga iyo Dowladuba aan shacab wada aheyn.Isbitaalka Gaalkacyo ayaa Adan Cade igu soo booqday, oo inan yar ayaa Ubax ku soo dhaweeysay. Odaygii Reer marko: war ma Gaalkacyaa Ubax ka baxaa?

Odaygii Reer Gaalkacyo war bal fiiri war moogahaan, Arag cadeeynta ( F.S: 3 & 4aad) Odaygii Hargeesa: Dee wakhtigaa i dheh, waa Berigii aan Jidbeeysneeyn.Garoonka Hargeeysa ilaa Bartama Magaalada ayaanu safneeyn, Deetana Xarunta Magaalada ayuu nagula hadalay Md.Adan Cade. ( F.S: 5 & 6aad) Odaygii Reer Mogadishu: waa barigii Dhowlada hoose ee Xamar aan ka qaatay warqadda Aqoosiga oo aan lahaa ( oolyo Familyada No. 110).

Odaygii Reer Hargeesa: oo taasina maxey aheyd?

Odaygii Reer Mogdishu: waa berigii Somalida laga Diiwaan galinayay Xaruntii Hore ee Dowladda Hoose, ee la burburiyay. kadibna Hotel Curubo laga dhisay.Qofba halkii uu ku dhashay ayaa loogu qori jiray, Somaliduna kalama soocneyn Runta ayeeyna shegi jireen.Hadda Somali oo dhan waxaa u qoran Xamar in ay ku dhalatay weliba 1da January ay dhalatay, si eyna u hilmaamin wakhtigii ay dhalatay. ( F.S: 7 & 8aad) Islaantii Shaaha iibineysay ayaa tiri: waa Markii Somali oo dhami ay is wada jecleyd ee Faataxada noo mara in aan walaaloowno oo aan is wada Jeclaano. Faatxa, waa la wada duceeystay iyada oo isku uur la wada yahay.Adiguna Aamin dheh in Alla u wada Aqbalo.

Qore: -Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip