
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA ABRIIL 2023-KA
Muxuu gudoomiye Cabdi Xaashi kala hadlay madaxa IOM ee Soomaaliya?
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi, ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduun ka (IOM Somalia) Farantz Celestin.
Guddoomiyaha iyo mada xa IOM Soomaaliya aya a ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saab san hawlaha hay’addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka So omaaliyeed.
Waxay si gaar ah uga wada hadleen wada-sha qaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan ma sha ariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soom aaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh ha y’adaha dowladda.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xoghaya Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Gu uleed.
Xukuumadda oo soo saartay ‘qaraar’ xasaasi ah oo 15 qodob ka kooban
Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay xe er ka kooban 15 qodob oo lagu xakameynayo hub ka culus ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyo ka ganacsiga agabka ciidamada.
Wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Maxa med Cali Xagaa oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa saxaafadda u akh riyey xeerka cusub ee ‘xakameynta hubka caa simadda.’
"Ujeedada laga leeyahay xeerkaan waa in la is wa afajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasim adda ay u leedahay inay helaan xasilooni iyo nab ad,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay wasiir Xagaa.
Qodobka koowaad ee xeerkaan waxaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu wato ga adiid uu saaran yahay hubka culus, sida qoryaha RBG, BKM, Dhashiike iyo wixii lamid ah.
Sidoo kale waxaa la mamnuucay in cid aan do wladda aheyni ay dalka keento hub ama gaadiid ciidan, sida Cabdibilaha iyo dharka ciidanka.
"Gaadiidka iyo hubka la mamnuucay waxaa magaalada Muqdisho ku dhex adeegsan kara ciid an howlgal idman ku jira,” ayuu dhigayaa qodobka 3-aad ee xeerkaan.
Dowladda Soomaaliya waxay cadeysay in cidii jebisa xeerkaan ee u hoggaansami weysay lagala wareegayo gaadiidka ama hubka, isla markaana ay noqonayaan hanti dowladeed.
Qodobka 5-aad ee xeerkaan ayaa dhigaya in diiwaan gelinta iyo bixinta qursadda hubka lagu dhex qaadanayo caasimadda ay bixineyso wasaa radda amniga.
"Waxaa reeban in cid aan ka tirsaneyn ciidama da amniga ay Muqdisho ku dhex wadato hub aan ruqsad laheyn, ciidamada ilaalada ee ruqsadda he ysta waa inay wataan labiska ciidanka ay ka tirsan yihiin, markii ay shaqada ku jiraan,” ayaa lagu yiri qodobka 7-aad.
Masuuliyiinta dowladda iyo qeybaha kale ee bul shada ayuu xeerkaan farayaa inay u hoggaans amaan awaamiirta ciidamada sugaya amniga ca asimadda Muqdisho.
Qodobka 9-aad ee xeerkaan ayaa dhigaya in la diiwaan geliyo dhamaan hubka lagu dhex heysto caasimadda Muqdisho, sida qoryaha fudud ee AK47 iyo bistooladaha. "Cid kasta oo jebisa qod obada xeerkaan waxaan lala tiigsanayaa xeerka ciwaabta ciidamada” ayaa lagu yiri qodobka 14-aad ee xeerkaan oo dhaqan galay 6-dii bishaan, markaas oo ay ansixiyeen golaha wasiirrada, sida uu wasiir Xagaa ku shaaciyey shirkaan jaraa’id.
Cali Guudlaawe oo xil culus u magacaabay mas’uul iska soo casilay GALMUDUG
Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Md. Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo ware egto soo saaray ayaa Habeen hore magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamu lkaasi.
Xilkan culus ayaa waxaa loo magacaabay, Ca bdullaahi Maxamuud Gacal, kadib so jeedin ka ti mid Wasiirka Wasaarada Cad daalada iyo Arrimaha Garsoor ka ee maamulka Hirshabelle.
"Waxaa Md.Cabdullaahi Max amuud Gacal loo magacaabay xilka guddoomiy aha maxkam adda sare ee dowlad goboleedka Hir Shabelle. Xe erkan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha, wuuna saxiixay” ayaa lagi yiri digreetada soo baxday.
Gacal ayaa sidoo kale horay ula soo sha qeeyay Galmudug, wuxuuna ahaa guddoomiy aha maxkamadda sare ee maamulkaaas, isaga oo xilkaas uun iska soo casilay laba maalin kahor.
Sidoo kale wuxuu horay u soo noqday Xeer Ila aliyaha guud ee Hirshabelle ayada oo haatan mar kale loo magacaabay guddoomiyaha maxkamad da sare.
Dad badan ayaa is weydiinaya sababta iyo sida ay ku suuragshay in ninkan uu isku dabo maro Ga lmudug iyo HirShabelle, waxaana Caasimada Onl ine ay sheegtay inayogaagay inuu u dhashay lab ada maamul oo haddane daris sii ah.
Dhanka kale madaxweynaha HirShabelle oo wareegto kale soo saaray ayaa Habeen hore kala diray garsoorka gobolka Shabeelaha Dhexe oo bili hii lasoo dhaafay loo jeedinayay dhaliilo xoogan.
"Laga bilaabo Shalay oo ay taarikhdu ku beegan tahay 08/04/2023, waxaa la kala diray
Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe. Xeerk an wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Mad axweynaha, waana uu saxiixay.” ayaa lagu yiri wa reegtada kala dirida golahaas.
Go’aanka lagu kala diray Garsoorka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa sidoo kale soo jee diyay Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Garsoor ka ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti
Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland u qaabilsan Madaxweynaha Mudane Abdikarim Hus sein Guled ayaa Shalay kullan muhiim ah kula qaa tay Aqalka Madaxtooyada Djibouti Madaxweyne Is mail Omar Gelle, waxaana ugu horeeyn uu gaarsi iyay Madaxweynaha salaan sharafeed uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Moh amud.
Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankan dhexmaray isaga iyo Ergeyga wax aa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaar ista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doona. Ergeyga ayaa Madaxweynaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, waxaana uu Madaxweynaha uu u muujiay sida dowladda DJI BOUTI ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taag an tahay nabadda iyo xasiloonida Soo maaliyeed.
Kullankan ayaa qeyb ka ah kullamo badan oo uu Ergeyga ku mari doono dalalka geeska Afrika, ku waas oo uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhal linta wadahadallada Somaliland.
Dhimasho & dhaawac ka dhashay hoobi yeyaal ku dhacay Guriga Wasiirka Batroolka
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay aa ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo Xalay kusoo dhacay Xaafado katirsan degmada Wartanabadda iyo Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya. Hoobiyey aasha oo jugtooda laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa qaar kamid ah waxaa ay ku dhaceen Guriga uu gudaha Mada xtooyada ka degan yahay Wasiirka Batroolka Xuk uumadda Soomaaliya Ca bdirisaaq Cumar Maxa med, waxaana ku dhintay laba Ruux oo uu kamid yahay Madaxa ilaalada Gu riga Wasiirka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Cab dullaahi Muumin, halka ay ku dhaawacmeen Mah ad Aadan Boorow & Muuse Cadde oo kamid ahaa ilaalada Guriga.
Guriga Wasiirka Batroolka ee Hoobiya uu ku dhacay ayaa u dhow Hotelka Villa Reys ee uu ha dda ka hor weerarka ka dhacay, waxaana xilligaas weerarka kasoo gaaray khasaaro kala duwan.
Sidoo kale ilaa Saddex Ruux ayaa ku dhaawacm ay hoobiye ku dhacay Guri kuyaalla agagaarka Is kuulka 15 May ee degmada Wartanabadda.
Laamaha Amniga Soomaaliya ayaan weli ka ha dlin weerarka Hoobiyeyaasha ah ee Xalay ka dha cay meelo kamid ah Magaalada Muqdisho, kuwa as oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawan.
Habeeno ka hor ayay aheyd sidaan oo kale in hoobiyeyaal ay kusoo dhaceen Magaalada Muqd isho, balse dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay ahaayeen dheemish ay Al-Shabaab doonayeen inay amniga Magaalada ku khalqal geliyaan.
Qoorqoor oo qaabilay xubno ka mida Culim ada Soomaaliyeed
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmud ug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Xaru nta Madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah Cul imada Soomaaliyeed.
Culimadan ayaa Magaalada Dhuusamareeb u tegay arrimo la xiriira dacwadda diinta, gaar ahaan acmaasha bisha barakeysan ee Ramadan.
"Ujeedka imaanshaha culimada ee deegaan ada Dowladda Galmudug ayaa ah faafinta diinta, fadliga bisha Ramadan iyo weyneynta Quraanka kariimka.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ma daxtooyada Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Diinta & Awqaafta Galmud ug, Xasan Cabdulqaadir Xuseen.
Bisha Ramadan waa bisha ugu fadliga badan billaha Islaamka, waana bisha ay soomaan umma dda Muslimiinta, sidoo kale waa mid ka mida 5-ta tiir ee Islaamka.
Wasiirka Caddaaladda XFS oo xilka u kala wareejiyay kusimihii taliyaha ciidanka Asluub ta iyo taliyaha cusub
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa xilal u kala wareejiyay kusimihii ciidanka Asluubta So omaaliyeed General Abdikarim Ali Afrah iyo ta liyaha cusub ee dhowaan la soo magacabaay c General Mahad Abdirahman Adan.
Munaasabadd0a xil ware ejinta ah waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano iyo saraaki isha ciidanka Asluubta Soom aaliyeed.
Wasiirka Xasan Macalin ayaa bogaadiyay kus imihii taliyaha ciidanka Asluubta Gen Abdikarim Ali Afrah sida howsha uu u waday intuu uu joogay taliska, sidoo kale wuxuu sheegay in taliyaha cus ub General Mahad uu yahay nin shaqadaan yaq aan horena usoo qabtay wax badana ay ka fil ya an dhammaan ciidanka Asluubta Soomaal iyeed.
6 April seddax maalin ka hor ayay golaha Wasi irada XFS waxay u magacaabeen Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Adan oo kamid ahaa xildhiba nada BFS in uu markale noqdotaliyaha ciidanka Asluubta
Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Erdogan ay usoo dirtay Soomaaliya
Saraakiil sare oo ka socota dowladda Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caas imada dalka, kuwaasi oo Shalay la kulmay Tali yaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guu to Sulub Axmed Firin.
Taliye Sulub ayaa saraakiisha ka socotay do wladda Turkiga ku qaabilay xafiiskiisa, iyaga oo ka wada-hadlay sidii loo dardar-gelinta tababar ada iyo tayeyna ciidan ka Booliska Somaliya.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loo sii wadi la haa tababarada uu Turkiga siiyo ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad.
Saraakiishaan ka socday Turkiga ayaa Taliye Sulub u sheegay inay ka go’an tahay dardar-gelin ta tababarida iyo tayeynta ciidanka, xilli ay dowl adda federaalka Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhank ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Saree ye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kaga mahad-celiyay saraashiisahan iyo dolwadadooda sida ay dowladda Soomaaliya u garab taagan yihiin, gaar ahaan tayeynta iyo tababarada ciidamada Soo maaliya.
Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow saaxi ibka ula ah dowladda federaalka Soomaaliya, kaa si oo ka taageera dhinaca dhaqaalaha iyo Ciida mada, iyaga oo xulafeysi gaar ahna leh.
Sidoo kale waxa uu Turkiga door muuqda kula haa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, isaga oo si dhaw ula shaqeyna yay taliska ciidanka, si loo wiiqo awoodda kooxda, wuxuuna fuliyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka duqeymo dhowr ah oo lagu beeg saday dagaal-yahaanada kooxda.
Shukri Cali Mahad Alle oo Habeen hore lagu dilay Muqdisho
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay Habeen hore kooxo hub eysan haweeney u gu gey steen qaybo kamid ah deg mada Dayniile ee gobolka Ba naadir. Dilka oo ahaa mid qor sheys an ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ciise Cabdi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jir ay Shukri Cali Mahad Alle, taas oo kamid aheyd dadka deegaanka ee deggan Dayniile.
Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogteen Shukri, xilli ay ku sugneyd afa afka hore ee gurigeeda, ayada oo kadib ay baxsadeen ragga dilka geystay oo ku hubey snaa Bistoolado.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tir san kuwa Booliska ee degmada Dayniile, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda uu dilku ka dhacay, balse weli kama hadlin dhacda daas iyo howlgallada xigay.
Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee loo beegsaday, loona dilay marxuumad Shukri Ca li Mahad Alle oo si weyn looga yaqaanay degm ada Dayniile ee gobolka Banaadir
Haweeneydan ayaa sidoo kale kamid ahayd ho wlwadeennada Tallaalka ee xaafadaha ugu taga caruurta u baahan Talaalka Dabeysha.
Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan da rri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.
Si kastaba, dhibaatooyinkan amni darro ayaa dhacaya, xilli ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho.
Booliska Soomaaliya oo Soo bandhigay Eed eeysane la sheegay inuu dad shacab ah dhac u gaystay
Abaare 14:14 duhurnimo Dorraad ayaa Degma da Hodan gaar ahaan Waaxda Octobar lagu dhac ay dukaan lagu magacaabo Gaashaan 2, sida Bar aha Bulshada ku baahay waxaa dhaca geystay edeysaneyaal ku la bisan dhar Ciidan.
Muqaalka falka dhaca ahaa oo ku baahay bara ha Bulshada, ayaa u suu rta gashay Saldhiga Boliiska Degmada Hodon in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha 1-aad oo hubka lagalay dukaanka dhacayna muwaadini inta Soomaaliyeed. Wallow, Kuwii kale lagu raadj oogo sida say sheegeen Booliska Soomaaliya.
Cadadka teleefoonada ah ee lagu eedeyay ay aa ahaa ilaa 3 mobail oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33."Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiiji naynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo” ayaa lagu yiiri Qoraal ka Booliska.
Ciidanka Booliiska oo toogtay dhagar qabe miino ku aasayay deegaanka Garasbaaley
Ciidanka Boliiska Soom aaliyeed ayaa toogtay dhagar qabe Miino ku aasayay wad dada dhinac eeda.
War ka soo baxay Boliiska ayaa lagu yiri” Ciidanka oo ho wgal ku jira ayaaa la kulmay dharqabe rabay in uu waddada dhinace eda ku aaso miino deegaanka Garasbaaley, dha gar qabaha ayaa sameeyay iska caabin waana la toogtay”.
Wasiirada xukuumada Somaliland oo musha arkii laga jarayo dagaalka Laascaanood awgii
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in mu shaarka laga jarayo golaha wasiirada si dagaalka Laascaanood loogu galo dhaqaale yaraan awg eed.Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Ca bdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in ay mushaarkoodi ugu deeqeen in lagu galo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.
"Waxa weeyaan bajedkii waa la jarayaa, xataa mushaarkii waxa la jaraya wasiirada, oo aanu ku deeqayna in aynu dagaalka kaga qaybgalo" ayuu yidhi Wasiir Iimaan, oo sheegay in dhaqaale yara ani jirto.
Waxa kale oo uu intaa ku daray in xata la joo jiyay mashaariicdii horumarinta"Mashaariicdii oo dhan waa la joojiyay, lakiin wasaarada beeraha oo kale iyo wasaarada xannaanada xoolaha oo wakht igeedii taaganyahay waxyar ayaa naloo ogola aday".
Wasiir Iimaan waxa uu sheegay in ilo dhaqaale oo badan oo Somaliland lahayd ay waxyeelo soo gaadhay, sida dekedda Berbera oo suuq xumo soo wajahday, suuqii Wajaale oo isna xumaaday iyo gubashadii suuqa Waaheen oo dhibaato dha qaale dhalisay.
Kadib saamayntii dhaqaale ee ay sababeen xanuunka Covid19 iyo gubashadii suuqa waheen, markale waxa dhaqaalaha Somaliland hoos u dhi gay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, oo sabababay in ay istaagaan ilo dhaqaale oo muhiim ahaa.
SSC- Khaatuma oo si rasmi u joojisay ganacs igii ka dhaxeeyay degaannada Somaliland iyo SSC
Warsaxaafadeed ay qabteen xubno kamid ah guddiga SSSC- Khaatuma ayaa waxay ku sheege en in laga billaabo 15-ka bishaan uusan jiridoonin ganacsi isaga gooshi doona degaannada SSC iyo Somaliland.
Tallaabooyinkan waxaa kamid ah, iyadoo la ma mnuucay gaadiidka rakaabka ee isaga kala go osha labada dhinac. Arrintaas oo keenaysa inuu istaagto isku socodka dadweynaha labada dhinac.
Sidoo kale, SSC-Khaatuma ayaa degaannadooda ka mamnuucay hay’adaha fadhigoodu yahay Som aliland, kuwaas oo ay uga digeen inay yimaadeen degaannada SSC.
Go’aankaan kasoo baxay SSC- Khaatuma ayaa sabab looga dhigay waxay ugu yeereen duullaan ka iyo xasuuqa Somaliland ay ka waddo Laascaa nood. Awaamiirtan ayaa qeyb ka ah natiijada ka dha latay colaadda ka aloosan gobolka Sool, taa soo u muuqata mid sii kala fogeysay bulshada lab ada dhinac. Ganacsatada Puntland iyo Somaliland ayuu si toos ah u saamayndoonaa go’aannada SS C-Khaatuma kasoo baxay, maadaama labada dhi nac uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo weyn.
Cabsi la xiriirta fatahaada Wabiga Shabeelle oo ka taagan Beledweyne
Qoysaska barakacayaasha ah ee ku jira Ka amamka ku yaala Magaalada Baladweyne ee xa runta gobolka Hiiraan ayaa waaxaa la soo dar astay cabsi la xiriirta Fatahaada webiga shabeelle uu ka geysanayo xaafadaha mag aaladaas.
Webiga shabeelle ee dhex ma ra Magaalada Baladweyne ee x arunta gobolka Hiiraan ayaa soo buux dhaafiyay karkaarada waxana uu bilaabay in uu ku fataho qaybo kamid ah xaafadaha degmada Balad weyne.
Magaalo Muxumed Xuseen Magaalo (Tuure ey) oo ka mid ah horjoogayaasha Kaamamka Dad ka barakacayaasha ah ee ku yaala Magaalada Baladweyne ayaa ka war bixisay Xaalada ay ku nool yihiin Qoysaska Barakacayaasha ah iyo saa meynta uu ku yeelan karo fatahaada webiga sha beelle uu ka geysanayo Magaalada Baladweyne.
Sidoo kale’ Magaalo Muxumed Xuseen Maga alo (Tuurey) ayaa ku Eedeysay Hay’adaha Samo falka ee ka hawlgala Magaalada Baladweyne in ay ka gaabiyeen wax u qabashada Qoyasaska bara kacayaasha eek u nool Xeryaha ku yaala Maga alada Baladweyne.
Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay maal galin la’aanta ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa waxaa soo food saartay cabsi hor leh oo laga qabo in ay dib ugu dhacaan halbeegy ada ay beesha caalamku dib u cusboonaysiisay joogitaankooda Soomaaliya.
Todobaadkan, Golaha Nabadda iyo Ammaan ka ee Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu kaalin weyn ka qaatay weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab, haddana ay jiraan tillaa booyin laga yaabo inay dib uga dhacaan qorshaha ATMIS.
15-ka xubnood ee AU-da, oo wax ka qabta dhibaatooyinka nabadda iyo amniga ee qaar adda, ayaa sheegay in dhaqa ale yari ay u badan tahay in ay cunaan qorshaha Howlgalka ATMIS, oo ah arrin khatar ku ah ciid amada amniga Soomaaliya.
Goluhu "wuxuu muujinayaa welwelka qoto dhe er ee ku saabsan maalgelin la’aanta ATMIS, taas oo sii socota,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka shir kii 1143aad ee Addis Ababa.
Guddiga amniga Midowga Afrika waxay shee geen inay weydiisanayaan mar kale, Golaha Amm aanka ee Qaramada Midoobay inuu qabto kulan gaar ah oo ku saabsan maalgelinta loogu talaga lay ATMIS, kaas oo aan weli la fududayn.
Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Mido obay inay tixgaliyaan codsigan sannadkii hore bi shii May.
Midowga Yurub oo ah maalgeliyaha muhiimka ah ee howlgalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay uga baahan tahay beesha caalamka wax badan oo dhanka dhaqaalaha ah, tababaridda ciidamada ammaanka iyo taageerada dib u habeynta awood qeybsiga gudaha, si marxaladda kala guurka ah ay u dhacdo, iyadoo kaliya 20 bilo ka harsan ka hor inta uusan ATMIS dalka ka bixin.
Canada oo ballan qaaday in ay gargaar u fidin doonto Soomaalida ku dhibaateysan dalkeeda
Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qor she ay ku caawineyso dadka danta yar ee ay ku adagtahay in ay maareey aan noloshooda iyo guryahooda kadib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha kirada iyo xaaladaha kale ee adag. Dhiba atooyinka ay la kulmaan dadkan jilicsan ee ka kala yimid wadamo kala duwan laakiin haysta sharciga Ca nada ayaa bilaabay ka dib markii uu saameyn xun ku yeeshay cudurka Covid -19 kaas oo xad diday dhaqdhaqaaqa dadka iyo hoos u dhigista shaqooyinka adduunka oo dhan.
Wasiirka Qoyska, Carruurta iyo Horumarinta Bu lshada ee Canada, Karina Gould ayaa sheegtay in dowladdu ay si dhow ula socoto qoysaska jilicsan ee aan awoodin inay helaan nolol maalmeedka, maadaama uu socdo qorshaha lagu taageerayo.
Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Canada oo uu saameeyay cudurkan, isla markaana dowla dda ka sugayo gargaar ayaa sheegay in qiimaha kirada guryaha ay sare u kacday sanadihii u da mbeeyay, welina ay jirto shaqo la’aan.
Waxay intaa ku dareen in ka hor inta aan la hel in faafitaanka Covid-19 ee sababay in dad badan ay shaqo la’aan noqdaan, kiradu waxay ahayd $ 1,000 ilaa $ 1,500 laakiin hadda kan ugu hoosee ya waa ugu yaraan $ 2,000.
Dad badan oo Canada ku nool ayaan awoodin inay iska bixiyaan kirada guriga waxayna la kulme en xaalad kale oo adag maadaama ay markii ho reba la ildarnaa shaqo la’aan ayna awoodin inay daboolaan kharashaadka qoyskooda.
Canada ayaa ballan qaaday in ay gargaar bini’ aad antinimo u fidin doonto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee ku nool dalka Canada oo ay la kulmaan xaalado adag oo kala duwan.
Madaxweynaha Somaliland iyo urur siyaasa deedyada oo yeeshay kulan ku saabsan xaal ada Laascaanood
Madaxweynaha Somaliland ayaa 10-ka urur siy aasadeed la yeeshay kulan u muuqday in uu taa geero ugu raadinayo qorshaha xukuumada uga ya al xal u helista colaada Laascaanood.
War-saxaafadeed kasoo baxday Kulanka dhe xmaray madaxweyne Biixi iyo madaxda ururada siyaa sada, ayaa lagu sheegay in ururadu ay xukuumada ku garabtaaganyihiin talaabo kasta oo xal loo arko.
"Waxa ay xuseen inay difaaca dalka ku barbar taagan yihiin dawladda, isla markaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood ay kala qayb-qaada nayaan xukuumadda" ayaa lagu yidhi war-saxaafa deeda.
Dagaal dhexmaray Ciidamada Itoobiya & Al-Shabaab
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dag aal Ciidamada Dowladda Itoob iya iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ku dhexmaray deg mada Diinsoor ee Gobolka Baay, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la shee gay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Sal dhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooganaa oo muddo saacad ku dhow socday.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u shee geen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena Ciid amada Itoobiya ay adeegsanayeen madaafiic cul culus oo siweyn looga dareemay degmada Diins oor iyo degaannada hoostaga.
Weli majirto cid heshay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana Ciidamada Itoo biya dagaalka kadib ay sameeyeen howlgallo baa ritaano ah wallow aan la sheegin dad ay kusoo qabteen.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheeg aya in xaaladu ay tahay mid degan, waxana halka asi gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya, kuwa do wladda Soomaaliya iyo Ciidamada Maamulka Koo nfur Galbeed.
QM iyo dowladda Finland oo ka wada hadlay waxka qabashada Abaarta kajirta Soomaaliya
Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho ayaa Magaalada Mu qdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ay ku la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto
Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada had leen howlaha hortabinta u leh Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay taageerada go bolka iyo tan caalamiga ah in taba.
Sidoo kale waxa ay ka wada adleen wax ka qaba shada baahiyaha bini’aadantinimo iyo horumarinta dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya wallow meelo badan oo kamid ah uu roobka ka da’ay.
Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaram ada Midoobay, Anita Kiki Gbeho & Wasiirka Arr imaha Dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa ku balamay in la kordhiyo taageerada ay siiyaan So omaaliya si dhinac walba ay ugu guuleysato.
Qaramada Midoobay iyo Dowladda Finland ay aa waxaa ay kamid yihiin dowladaha iyo Hay’ad aha taageera Soomaaliya, waxaana ka jooga Wa kiilo xiriir la leh madaxda sare ee dowladda Fede raalka Soomaaliya.
Iiraan oo meel walba kaamiro dhigtay si loo soo qabto haweenka aan xijaabka xiran
Dowladda Iiraan ayaa billowday inay kaamiro dhigto meelaha ay bulshadu isugu timaaddo si loo ogaado haweenka aan xijaabneyn, sida u uku dhawaaqay booliiska.
Haweenka lagu arko inaysan xiran xijaabka ay aa loo diri doonaa "farriimo digniin ah”, ayuu yiri booliiska. Tan ayaa gacan ka geysan doonta inay ka hortagto "diidmada ka dhanka ah sharciga xija abka”,ayuu boliskasheeg ay
Dibadbaxyo ayaa sanadkii hore hareeyay Iiraan kaddib markii ay gacanta booliiska ku dhimatay Mahsa Amini, oo ahayd gabar yar oo qowmiyadda Kurdiyiinta ka soo jeedday taasoo la gu eedeeyay inay meel uga dhacday sharciga xija abka.
Tan iyo geeridii Mahsa haween badan ayaa iska dhigayay xijaabka, gaar ahaanna kuwa ku nool magaalooyinka waaweyn, inkastoo ay wajahayeen khatarta ah in la xiro.BBC SOMALI
Milateriga Shiinaha oo doonaya inuu "hareereeyo” Taiwan
Milaterga Shiinaha ayaa billaabay dhoolatus uu ku muujinayo inuu dhinac kasta ka hareereyn karo Taiwan, kaasoo socon doona saddex maalmood.
Xukuumadda Beijing oo u aragta Taiwan gobol ka goostay Shiinaha, ayaa ku tilShalayy dhoolatus ka mid "digniin adag” u ah maamulka jasiirad daas.
Dhoolatuska ayaa bilowday saacado kadib ma rkii Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ay ka soo noqotay booqasho ay ku tagtay Maraykanka.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in 42 diyaaradaha dagaalka iyo 8 mar kab oo uu Shiinaha leeyahay ay ka gudbeen soo hdinta jasiiraddaas.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheeg tay in dhoolatuska milateri ay "qeyb ka yihiin roon do ay ciidamada ku sameyn doonaan guud ahaan biyaha ku xeeran Taiwan, si loo qaabeeyo go’d oomin buuxda”.
Waxa ay sheegtay in dhoolatuska ay qeyb ka yihiin madaafiicda goobta ee ridada dheer, mara akiibta wax burburisa, doomaha xambaara gantaa lada, diyaaradaha dagaalka, kuwa jara isgaarsiin ta iyo kuwa shidaalka siiya diyaaradaha kale.
Taiwan ayaa isu aragta dal maxad bannaan o oleh dastuur iyo hoggaan u gaar ah.
Hase yeeshee xukuumadda Beijing ayaa u ara gta gobol gooni-u-goosad ah oo maalin uun lagu soo celin doono Shiinaha, xitaa haddii ay noqoto in loo isticmaalo awood milateri.
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay in "dib u soo celinta” Taiwan ay tahay arr in muhiim ah oo ay "qasab tahay in laga dha beeyo”.
Dhoolatuskan ayaa kuwii hore uga duwan in milateriga Shiinaha uu isu diyaarinayo "hareereyn” Tawian, taasoo jawaab u ah kulan Arbacadii Mara ykanka ku dhexmaray Madaxweyne Tsai iyo afhayeenka Golaha Wakiil lada, Kevin McCarthy.
Tsai ayaa Shalay sheegt ay in dowladeeda ay sii xoojin doonto wada shaq eynta kala dhexaysa Maraykanka iyo waddamada kale ee Dimuqraadiga ah, xilli Taiwan ay wajahay so "is ballaarin joogta ah oo uu wado Shiina”.
Waxa ay hadalkan sheegtay kadib markii ay ca asimadda Taipei kulan kula yeelatay wefdi ka so cda Congress-ka Maraykanka oo uu hoggaamina yo guddoomiyaha Aqalkaas u qaabilsan arrimaha dibedda, Michael McCaul.
McCaul ayaa sheegay in xukuumadda Washin gton ay ka shaqeynayso sidii ay hub u siin lahayd Taiwan "si loo xoojiyo nabadda”.
Dhoolatuska milateri ee Shiinaha uu ka billaa bay hareeraha Taiwan oo loogu magacdaray "seef ta afka badan” ayaa socon doonaa ilaa Isniinta, si da uu sheegay taliska qeybta bari ee ciidamada dalkaas.
Wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay in dhoolatuska Shiinaha ay uga falcelin doonta "qaab degan, oo caqliyeysan” si waafaq san mabda’eeda ah "in aan la hurin colaad ama khilaaf ku aaddan difaaceeda qaran iyo amni”.
Bishii August ee sanadkii tegay, Beijing ayaa sam aysay dhoolatus milateri oo ay todobaad ka waday soohdinta Taiwan, kadib markii ay caasimadda Ta ipei booqatay Nancy Pelosi oo markaa ahayd afha yeenka Golaha Wakiillada ee Maraykanka.
Dhoolatuskaas oo lagu tilmaamay kii ugu wey naa ee uu Shiinaha sameeyo muddo sanado ah, ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaal ka iyo maraakiibta noocyadooda kala duwan, wax aana ay ciidamadu rideen gantaallada ballistic-ga.
Xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka ayaa hooseey ay sanadihii la soo dhaafay, waxaana ay siyaasiyi inta Washington ee labada xisbi ay u baratam ayaan taagerida Taiwan, arrintaas oo ka caraysi isay xukuumadda Beijing . XIGASHO:BBC
Dad tiro badan oo lagu laayey dalka Burkina Faso.
Ilaa 44 qof ayaa la dilay, ka dib labo weerar oo lagu qaaday waqooyiga dalka Burkina Faso Kham iistii, sida ay saraakiishu sheegeen. Labada wee rar ayaa ka dhacay tuulooyinka Kourakou iyo Ton dobi ee gobolka Saaxil, una dhow xadka dalka Nig er. Ma jirto koox qiratay inay fulisay weerarradan, balse waxaa inta badan ka dhaca aaggaas dagaal lada jihaad-doonka ah, waxayna mas’uuliyiintu ku eedeeyeen "kooxaha argagixisada hubeysan”.
Kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-Qaac ida iyo Daacish (IS), ayaa la og yahay inay ka how lgalaan gobolka. Barasaabka gobolka Saaxil, Ro dolphe Sorgho, ayaa sheegay in dhagar-qabayaa shii ka dambeeyay "Weerarkii waxashnimada ah aa” "laga saaray goobta”. Dad kale oo tuulada ku noolaa, ayaa lagu soo war amayaa inay ku dhaawacmeen weerarrada as, balse ma cadda inta ay la egtahay.Mr Sorgho, ay aa sheegay in "tallaabooyin lagu xasilinayo aagga ay socdaan”.
Mid ka mid ah dadka deegaanka, ay aa wakaa ladda wararka ee AFP u sheegay in "ar gagixiso aad u tiro badan ay tuulada soo galeen” wuxuuna sheegay in Habeen hore oo dhan uu maqlayay ras aas la isweydaarsanayay.
"Subaxni madii Jimcaha ayay ahayd markii aan aragnasme ydad gaaraya dhawr iyo toban,” ayuu yiri. Wakaal ada wararka ee AFP, ayaa sidoo kale sheegtay in dilkan uu ahaa mid aargudasho ah, oo lagu dilay labo mujaahid oo maalmo ka hor isku dayay inay dhacaan xoolo. Dilka ayaa ka dhacay habeenimadii Khamiista meel u dhow tuulada Se ytenga, halkaasoo tobanaan qof lagu dilay bishii June ee la soo dhaafay. Burkina Faso iyo kuwa deriska la ah, ayaa wajahaya kacdoonno jihaad do on ah oo daba-dheeraaday, tan iyo sannadkii 2013-kii. Kumanaan.kun oo qof ayaa lagu dilay mashaqadaas, in ka badan laba milyanna waa ay ku barakaceen.
Rabshadahaasi ayaa waxay hors eedeen qala laase siyaasadeed oo dalka ka jira. Milateriga – oo uu hoggaaminayo Lt Col Paul-He nri Damiba – ay aa la wareegay awoodda dalkaas bishii Janaayo ee sannadkii hore, iyagoo ballan-qaaday inay soo afjari doonaan rabshadaha. Laakiin wuu ku guul daraystay inuu joojiyo weerarada, waxaana xilka looga qaaday afgambi labaad, oo uu sameeyay CaptIbrahim Traoré bishii Sebtembar ee xigtay. Capt Traoré ayaa waxa uu ballan qaaday inuu dib uga guulaysan doono duulka ama qolyahay jihaad doonka ah, iyo in uu qabto doorashooyin dimuqra adi ah bisha July sanadka 2024-ka. Madaxiisa cu sub ee militariga, Col Celestin Simpore, ayaa hor aantii isbuucaan wacad ku maray inuu kordhin doono "weerarada xoogan” oo loogga hortagayo mujaahidiinta.
Balse Capt Traoré, ayaa sidoo kale codsaday in ciidamada Faransiiska ay isaga baxaan dalka asi, waxaana si weyn loo hadal hayaa in laga yaa bo inuu xiriir wanaagsan la yeesho calooshood u shaqeystayaasha Ruushka.
Dooni waday Tahriibayaal oo ku degtay dalka Tunisia.27 qof ayaa dhintay ama la la’yahay, ka dib mar kii laba doonyood oo muhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha bari ee dalka Tunisia. Doontii ugu horr eysay, ayaa Jimcihii ka amba baxday dalka Tuni sia, waxayna ku sii jeedday dalka Talyaaniga, iya doo 37 ay la socdeen. 20 qof ayaa la la’yahay hal ka 17 la badbaadiyay, afhayeen u hadlay maxka madda magaalada Sfax, ayaa sidaasi sheegtay. Sabtidii, afar meyd ah, ayaa laga soo saaray xee bta, kadib markii doon labaad ay degtay.
36 qof oo la socday doonta labaad ayaa la soo badbaadiyay, saddexna waa la la’yahay, sida uu sheegay afhayeenku. Af-hayeenka, Faouzi Masmo udi, ayaa sheegay in doony aha ay ka samaysan yihiin baco adag. Tan iyo bilowgii bishii Maarso, ayaa waxaa jiray ugu yaraan 7 mar kab oo kuwan la mid ah oo ku degay Tunisia, iy adoo ku dhawaad 100 qof ay dhinteen ama la la’yahay. Qaybo ka mid ah xeebaha Tunisia, ayaa kaliya 150 kiiloomitir u jira Lampedusa, oo ah jasi irad Talyaani ah, oo inta badan loo isticmaalo me el loogga gudbo dhul-weynaha .
Talyaaniga. U dhaw aanshaha ay u dhowdahay Talyaaniga, ayaa ka dhigtay in dalka Tunisia inay ka dul marto dhanka tahriibka dalka Liibiya. Dalk ani, ayaa ahaa meesha ugu weyn ee ay ka baxa an dadka ka soo cararaya colaadaha iyo faqriga ba’an ee Bariga Dhexe iyo Afrika, kuwaasoo nolol dhaanta dalalkooda ka baadi gooba Yurub.
Faransiiska oo u soo jeediyey Yurub inay yareeyaan ku tiirsanaanta Maraykanka.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay Axaddii in Midawga Yurub aanu xiisaynayn inuu dab ku sii shido xiisadda Tai wan, ayna tahay inay qaataan Istaraatejiyad cu sub oo ka madaxbanaan Washington iyo Beijing labadaba.
Macron ayaa ka soo laabtay safar sad dex maalmood qaatay oo uu ku tegey dalka Shi inaha, halkaas oo uu si diiran ugu soo dho weeyey madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Shii naha ayaa Sabtidii ka bilaabay Taiwan, dhoolatus milateri, isaga oo ka cadhaysan safarkii ay madax weynaha Taiwan Tsai Ing-wen ku tagtay dalka Ma raykanka, isla markaana ay kula kulantay afhayee nka aqalka wakiillada Kevin McCarthy. Shiinaha ayaa Taiwan u arka inay tahay dhul isaga ka mid ah.
isaga oo aan weligiis ka tanaasulin in doorasho oyinka uu dib ugu soo celinayo inay ku jirto inuu awood u isticmaalo.Hase ahaatee Taiwan ayaa ar rintaas si weyn uga soo horjeeda. Macron ayaa is agu sheegay in Yurub aanay soo dedejin cola adda halkaas ka jirta, balse ay wakhti ku bixiso sid ii ay u diyaarin lahayd mawqifkeeda oo ka madax banaan aragtiyaha Shiinaha iyo Maraykanka ee ku aaddan Taiwan.
Warkan ayaa lagu daabacay wargeyska Faran siiska ee Les Echos iyo Politico. Macron ayaa sa xaafaddu ka soo xigatay inuu sheegay in Yurub ay u baahan tahay inay lacago badan geliso hannaan keeda difaaca, horumariso hubkeeda Nukliyeerka iyo weliba tamarta la cusboonaysiiyo, sidoo kalena hoos loo dhigo ku tiirsanaanta dollarka Maraykan ka, si loo yareeyo isku hallayntooda Maraykanka. Macron waxaa safarkiisa Shiinaha ku wehelinayey illaa 50 shirkadood oo ganacsi oo ay ku jiraan shir kadda diyaaradaha samaysa ee Airbus iyo shirkadda soo saarta tamarta Nukliyeerka ee EDF, kuwaas oo heshiisyo soo saxeexay intii safarka lagu gudajiray. Reuters.
DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}
AxkaamtaSoonka‐35‐
( 60. Sadaqada (zakada) waxaa uun mutta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqe eya, kuwa la soo dhaw ayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku da yno obay, jidka eebe iyo socdaalka, waana wax eebe faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan ).
18. Ciidul Fidriga ( Ciidda Soonka) Ø Ciidul fidriga waa maalin farxadeed oo dadka ku faraxsan yihiin sida qii ma ha badan ee Alle ugu dhamaystiray soonkii ay bisha bara kaysan so omayeen,una xalaaleeyay cuntadii iyo cabbiddii marka hore xaaraamta ka ahayd, waa maalin mudan in labadiyo takbiirta (ALLAAHU AKBARTA) sadaqa da, salaanta iyo booqashada, sidookale waa in la is nadiifiyo, lab is wanaagsanna lagusoo labisto, waana in banaanka (garoonka ciidda) loo soo bixiyo ciyaalka, du marka daahirka ah,kuwa aan daahirka ahayn & gabdhaha maqabiyadaha ah dha mmantood , si looga faa’iideysto ducada iyo barakada maalinkan uu leeyahay.
عن أنس (رضي الله عنه) قال: ( كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) لا يغدو يوم الفطر حتى يأكل تمرات ) (قال الحافظ: أخرجه البخاري معلقا)
( Anas (r.c.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaanjirey:
mid aan kallihin maalinta fidriga (ciidul fidriga) ilaa uu cuno timiryaalo ).
عن ابن عمر قال: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم: يخرج إلى العيد ماشيا، ويرجع ماشيا) (حسن، أخرجة: ابن ماجة) ( Ibnu cumar (r.c.) wuxuu yiri:
Wuxuu ahaan jirey rasuulkii Alle (s.c.w) mid xagga ciidda usoo baxa isagoo lugaynayo, wuxuuna noqon jirey isagoo lugaynaya ).
AxkaamtaSoonka‐36‐
Ibnu cabaas ( r.c) waxaa laga warinayaa, inuu nabiga (s.c.w) tukaday maalinta ciidda: laba rakcadood oo hortood iyo dabadood uuna Salaad tu kanin.
(waxaa wariyay bukhaari iyo muslim) عن أم عطية نسيبة الأنصارية (رضي الله عنها) قالت: أمرنا رسول الله صلى الله عليه وسلم: أن نحرج في العيدين العواتق وذوات الخدور، وأمر الحيض أن يعتزلن مصلى المسلمين (متفق عليه، واللفظ لمسلم)
(Ummu cadiyah nusaybah oo reer ansaareed ahayd (r.c) waxay tiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu na amray inaan labada ciidood dhexdooda soo saarno gabdh aha bikaarada ah ee qaangaadhka ku dhaw iyo kuwa maqabiyada ah, kuwii xayd ka qabayna wuxuu amray inay ka dheera ada an muslimiinta goobtay ku tukana yaan).
Salaadda ciidda way ka duwan tahay salaadaha kale, waxyaabaha ay kaga duwantahayna waxaa ka mid ah inay tahay salaad aan aadaan iyo iqaamo midna lahayn. عن ابن عباس (رضي الله عنه) أن النبي (صلى الله عليه وسلم) صلى يوم العيد بلا أذآن ولا إقامة. (أخرجاه مطولا) (Ibnu cabaas (r.c) waxaa laga war inayaa inuu nabiga (s.c.w) tukaday maalinta ciidda ah, aadaan iyo iqa amo la’aan ).
Camar binu shucayb wuxuu aabihii kawarina yaa oo awawgii ka soo warinayaa inuu yidhi: nabigii Alle (s.c.w) wuxuu yidhi: (التكبير في الفطر سبع في الأولى وخمس في الأخرى، والقراءة بعدهما كلتيهما ) (أخرجه: أبوداود) (Ta kbiirta (salaada ciida) fidriga dhexdeeda ah waa: todobo ku jirta (rakcadda) iyo shan midda kale ku jirta, akhrintana dabadood bay ahaatay labad oodaba ).
Nucmaan binu bashiir (r.c) waxaa laga warinayaa in rasuulkii ALLE (s.c .w) ahaanjirey mid labada ciidoodba ku dhex akhriya:
(سبح السم ربك الأعلى) iyo).هل أتك حديث الغشية)
AxkaamtaSoonka‐37‐
عن عبيد الله بن عبدالله : أن عمر بن الخطاب رضي الله عنه سأل أبا واقد الليثي: ما كان يقرأ به رسول الله صلى الله عليه وسلم في الأضحى والفطر؟ فقال: كان يقرأ فيهما بـ (ق والقرآن المجيد) و (اقتربت الساعة وانشق القمر). (صحيح، أخرجه: مسلم، والترمذي، والنسائي، وغيرهم) (Cubaydillaah binu cabdillaah waxaa laga warinayaa: In cumar binu khadaab uu waydiiyay abaa waaqid al-laythi: muxuu rasuulka (s.c.w) ku akh rin jiray (ciidul) adxada iyo (ciidul) fid riga ? wuxuu yiri: wuxuu ku dhex ق ) iyo) اقتربت الساعة وانشق القمر) labadooda jiray akhrin. ( (والقرآن المجيد ØLabada rakc adood ee ciidda waxaa kadanbe eya laba khud badood, ruuxa wuxuu khiyaar ul eeyahay inuu dhagaysto khudbadda ama inuu is ka tago waxaana inoo caddayn aya:
Cabdullaahi binu saaib (s.c.w) wuxuu yiri: (Ciid ayaan la xaadiray ras uulka cii ddii ayuu natukiyey, kadib wuxuu yiri: (قد قضينا الصلاة فمن أحب أن يجلس للخطبة فليفعل ومن أحب أن يذهب فليذهب) (صحيح، أخرجه:ابن ماجة، وأبوداود، والترمذي) (Dhab ahaan salaaddii waan gudanay, ruuxii jeclaada inuu khudbada ufadhiisto, ha sa meeyo, ruuxii jec laada inuu tagana ha tago ). عن جابر بن عبد الله (رضي الله عنهما) قال: ( كان النبي (صلى الله عليه وسلم) إذا كان يوم عيد خالف الطريق) (صحيح، أخرجه: البخاري)
Jaabir binu cabdillaah (r.c) wuxuu yiri: ( Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaan jir ay markay maalin ciid ah tahay wadada ayuu is waydaarin jiray ). "macnaha: jidkii uu ka yimid mid aan ahayn ayuu ka noqon jirey” .37 .….La soco Berri
WAR-GELIN:-
ku socota dhammaan Macaamiisha wargeys ka iyo Akhri satayaashi isa Sharafta leh, wux uu Maamulka wargeyskan ku wargekin ayaa inay ilaaliyaan Nuqullada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa’isha Bisha Barakeysan ee Ra madaan Daruus la xiriirta ay ku qoran yihiin iyo Aayado khumur’aanka Kariim ah Sidaas daraadeed waxaa uu maamulka leeyahay walaalayaal xafida Alle ha idin xafidee kana ilaali meelaha aan ku habooneyn ee wasaqeysan in aad dhigtaan ama aad ku tuurtaan Wargeyskaan. Qaasatan Inta Lagu Jiro Maalmaha Bisha Ramadaan waxaana mar labaad kaa codsaney naa inaad ka dhowrtaan kana ilaaliso meelaha wargelinta lagu muujiyey Mahadsanidiin
"FAALLO”HABLAHA TATAARISTAAN IYO TAARIIKHDA
DALKAAS.
Beryahaan waxaan Baraha Bulshada ku arkayay, "Vedio Clip” ka hadl ayo Hablaha Taraaristaan oo guur doon ah.
Labo Dhalinyaro ah ayaa i soo weeydiiyay maxaa ka jiro? Clip-kan ma cadeeyn karo saxnimadiisa waxaase is lee yahay waa suuragal.
Wixii aan ku soo arkay Taraari staan. Horta Taraaristaan waxa ey ka tirsaneyd Midawgii Sufyeeti ee Burburay, in kasta oo ay tahay Do wlad Madaxbanaan ilaa heer Hadd ana Ruushku waa diiday in ay ka go’do.Sababta oo ah waxa ay og aanteey lehayd 36 Ceel oo shidaal ah, wabiga Yurub ugu ballaaran ayaa dhax maro, waana Dal yar oo taajir ah Dadkiisuna ay Aqoon fiican leeyihiin. Waa Musl imiin Suufiya ah, oo leh Taariikh islaam oo fac weeyna.Shuuciyadii ayaa kala da gaashay Islaamka, Dadku Wixii laga celiyo ayeey jecelyihiin.
Waxaa laga mamn uucay Kitaabka Qur’aanka.Mar ayuu ahaa waxa ugu qaalis an, halkii kitaab qiimihiisu waxa uu ahaa 70 Dollar si qarsoodi ah ayaan wadanka lagu soo gali jiray, waxaana looga keeni jiray Turkiga Ganacsi ahaan.Haddii laguu gu arko waxa uu ahaa Dil, waana u bareeri jireen.
Waxa ay ahaayeen Dad Diinta Islaamka ku dhagan. Intii aan joogay waxaan arkay Guri la leeyahay Police-ka ayaa Laba Sano kor ka ilaalinayay markii la ark ay in Guriga Rag kaliya oo Wadaado ah ay ka soo baxayaan.
Markii Dambe waa la galay waxaa loogu tagay Haween iyo Caruur.Markii la yi ri: maxaad halkaan u gu xayirteen.Waxa ay yiraahdeen Aduunkii waa fasahaad ay waxaan ka baqnay in Caruurta iyo Haweenka nalaga Fidneeyo, Halkooda ay aan ku barnaa Aqoonta Islaamka. Runtii waxaa lagu sheegayo Haweenka Tataar ka wey ka muuqataa in ay yihiin kuwa ugu Haweenka Qurxan qaaradda Yurub.
Weliba waxaa la baraa sidii ay u noqon lahaayeen Haween dhisa Qoys wan aagsan.Mana ahan Dad Hanti jaceeyl ka muuqdo.
Markii la igu casuumay Shir isl aam oo halkaa ka dhacayay, waxa Hore ii sii raacay oo aan rabay in ay wax soo arkaan Labo ka mid ah Ardayeydii Mogadishu aan Jaamacadda ugu dhigayay Kuwii ugu wanaagsanaa oo aan is lahaa baxsan maayaan ee waa soo noqonayaan. Laba sheey ayaan uga baqayaa dhalin yar ada Taraaristaan:
1.Qulqulka Reer Galbeedka oo dhalin yarada u sheegayo in ay ku daysadaan ilbaxnimada Reer Galbeedka.
2.Dowladda Sucuudiga oo u direysay Culimo aan uga baqayo in ay Wahaabiya baraan, bacdamaa ay yihiin Reer Tataar Dad Diinta Hamuun u qabo oo muddo la ga hortaagnaa, Haddana loo fasaxay, in kasta oo kuli ay Suufiyo yihiin.
Waxaan ku bartay Dad badan oo aad kuu soo dhaweynaa haddiiba aad Mus lim tahay, Dhalinyarada Muslimka ahna jeceel.
laakin ay ku yar tahay Aqoonta Islaamku. Haweenka haddii aad tiraa waxaan ahay Muslim Salaan iyo inay Hab ku siiso ayey Rabtaa.
Ma ogo in Dadka Muslimka ah ee kala jinsiga ah aynan Hab isa sii karin, Adiga oo aan ogeyn ayey Farxad kugula soo boodayaan qaarkood.
Haddii aad tiraa iga fuq waxa ay ka shakinayaan walaaltinimadaada Muslimka ah. Tataristaan,
Waa ka muuqataa in haweenku ay ragga ka badan yihiin ( F.S: 1& 2aad) Intii aan joogay,
Waxaan isbaranay Ardayad dhigato Jaamacd, bartana "International Law” .
Taa oo inta badan Magaalada i kala bari jirtay.
Dhowr jeer ayeey igu tiri aan ku baro Aabahey oo shiikh ah iyo Hooyo,
laakin taasi iima suura galin.
Xiriirkeenu waxa uu ku ekaa walaalnimo, waxaan ka naxay habeen kii aan ka soo baxayay Tataaristaan ayey Airporka igu soo booday iyada oo ooynee, oo leh wa ad tahay Muslimkii ugu horeyay oo Madow oo aan barto, waxaana ka baqayaa in aanan nolosha Mar dambe kugu arag, waan ka xumaaday kalmadaa. waxaan ku i iri: Dunidu hadda waa sida Tuulo yar, waxaa dhici karto inaan meel kale isku ara gno haddii Alla idmo, laakin ilaa hadda dib uma arag.
( F.S: 3,4& 5aad) Waxaan uga mahad celinayaa Ardayadaas in aan Darteed ku bartay Rag iyo Dumar badan oo Reer Tataar ah, oo aan kula kulmay Miyiga iyo Magaalooyinka Dalka, weliba jaamacado iyo Masaajid badan ayay i geeysay.
( F.S: 6-23aad) Runtii waa Dad Qalbi wanaagsan, Aqoon iyo Akhlaaq leh marka loo fiiriyo wadamada kale, waa Dad aan ku khiyaameeyn, jaceeyl Hanti kama mu uqan, waa Dad Diinta jecel, laakin Aqoonta Diintu ay ku yartahay oo 70 Sano Shu uciyadu u diiday.
Hablaha Reer Tataar waa tira badan yihiin, waana Qurxan yihiin oo Aduunkaa isku raacay.
Waana jecelyihiin Islaamka in kasta oo lagu hayo olole loogala dagaalamayo dhaqanka Islaamka.
Su’
aashii ay i weeydiiyeen Labada Dhalinyarada ah ee Somalida
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA ABRIIL 2023-KA
..