
Waa Maxay danta ku jirta Heshiiska Dawlada Soomaaliya ay la gashay Kuuba ?
Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa faah faahin ka warbixiyay muhiimadda xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya ay la yeelaneyso dalka
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay in Soomaaliyaa iyo Kuuba ay xiriir diblomaasi lahaayeen intii u dhaxaysay 1972 – 1977, haatan ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan.
" 1977,dii waa waqti hore, hadda waxaynu joognaa 2023,intii u dhaxeysay caalamka wax fara badan ayaa iska bedelay, inagoo kale, dowlad qubad leh oo xoog leh la ciseeyo ayaynu ahayn, Dowladdeynii waa duntay, haddana cidla ayaynu wax ka soo abuurnay, dowlad ayaan maanta haysanaa, caalamka waa isu guur guuray, waad ogtahay Yurub waa qeybsaneyd, waa midoowday, waxay noqotay hadda Midowga Yurub bey sameysay, 27-wadan baa is doontay oo sameystay urur, xilligaas waxaa jiray Jarmalka oo qeybsanaa wuu midoowbay," ayuu yiri Wasiir Haruuse.
Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in hadda ay ku shaqeeyaan siyaasad ah inaan Soomaaliya wax cadow ah yeelan, saaxibo badana yeelato, taas oo kor u qaadeysa horumarka iyo diblomaasiyadda dalka.
Si kastaba ha'ahaatee Xiriirkaa Dawladaaha Soomaaliyaa kala dhexeya kuuba ayaa hakad gaalay ka dib markii Dawlada kuubba ay la safatay dawlada itoobiya sanadkii 1977 xilligaas oo Soomaliya dagaal ay kula jirtay dawlada Itoobiya
Waa Maxay danta ku jirta Heshiiska Dawlada Soomaaliya ay la gashay Kuuba ?
Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa faah faahin ka warbixiyay muhiimadda xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya ay la yeelaneyso dalka Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay in Sooma