HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 8-DA ABRIIL 2023-KA

0
Saturday April 08, 2023 - 08:00:15 in Wararka by
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 8-DA ABRIIL 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray xerada Hiil-weyne oo lagu diyaariyay ciidamo ka qayb qaadanay sugidda Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya Md. Xasan Sh.Maxamuud ayaa galinkii dambe ee Shalay kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa M/Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirs an Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

Ciidaman oo ah Millatariga sida Booliska u tababa ran (Military-police) ayaa loogu tal a-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga maga al ada Muqdisho, kana hortagaan falalka gurracan ee Kha waarijtu ku dhibaateeyaan shacabka soomaali yeed. Madaxwey naha ayaa kula dardaarmay ciidama da in ay si fee jignaan, hubin, ka la-dambayn iyo turid shac ab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amn iga mu waadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u no qdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso sha qada ilaali nta nabad-galyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sh.ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masu uliyaddooda 1aadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqab ka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Somali y ed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khaw aarijta ah.ormeerkan waxaa ku wehlinayay Madax weynaha JFS W/Gaashaandhigga, G/G/Benaadir & Taliyaha cii mada Booliska soomaaliyeed.

Soomaaliya oo loo doortay qabashadda gudoon ka Ururka Midowga Afrika u qaabilsan yareeynta Khataraha

Shirka 13-aad ee sanadlaha ah oo ay ku kulmeen 35-ta dal ee xubnaha ka ah ururka African Risk Ca pacity (ARC) oo ay Hay’adda Maareynta musiibooyi nka Qa ranka ee SoDMA Soom aaliya ku meteleysay ayaa wax aa sa nadkan Gudoonka wadd amadda xu bnaha ka ah hay’a dda African Risk Cap acity (AR C) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrima ha Yar eeynta Khataraha Musiibooyinka u doorteen So omaaliya in ay noqoto.

Shirkan oo lugu qabtay xarunta Midowga Afrika ee M/ Addis Abeba ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Ha y’adda maareynta musiibooyinka uga qeyb-galay Gu doomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axme Cabdi Aad an iyo Agaasimaha Waaxda ka digista iyo Yareynta Khataraha Md Khatar Sheekh Maxamed Nuur

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doo rto xilka qabashada guddoonka laga soo bilaabo ma rkii ay Soomaaliya sixiixday heshiiska uu ku dhisany ahay ururka ARC bishii Abriil Sanadkii 2021, iyada ay markaas Soomaaliya noqotay wadankii 35aad ee ku soo biira ururkan.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo xarigga ka jaray Juba Hypermarket

Raysal Wasaar aha XFS Md. Xam se Cabdi Barre ayaa Xalay xarigga ka jar ay xarun cusub oo gana csi, oo ganacsato Soomaaliye ed ay ka hirgel iyeen M/ Muqdisho.

R/Wasaaraha ayaa ganac satada ku amm aanay hir gelinta Juba Hyper ma rket, oo sida uu sheegay ka alin muhiim ah ka qaa danaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

R/wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u gu baaqay in ay xoojiyaan maalgashiga ay ku samey nayaan dalka ayaa wuxuu ugu yeeray in gaancsata da ugu yeeray in ay ku kalsoonaadaan maalgashiga dalkooda, si dal ka uga soo kab to dib-u-dhicii xilliga burbur ka, caalamkuna ula tartam Juba Hypermarket ayaa noqonaya mid ka mida dhismooyinka casriga ah ee ganacsi ee lagu soo kor dhiya y Caasimadda Muqdi sho.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta

Shirka 7adlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey R/Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansi xiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxm aan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaarad da Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ci idanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aq oon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaad ka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Tali yaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Ba arla maanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugs iga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Golaha ayaa kulankoodii Shalay ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasad da Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-af garad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumar inta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwa as oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirf adaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen (Soomaaliya & Qatar).

Madaxweyne Xasan Sheekh” Waan la diriri doo naa Mas’uuliyiinta Gaadiidka dagaalka ku dhex wata Magaalada”

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamu ud oo ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in Gaadiid ka dagaalka oo hub saaran yahay oo ay wasiiro iyo madax kala duwan wataan in lagu arko Magaalada Muqdisho.

Wuxuu shegay in Ciidamada iyo Gaadiidka dagaalka ee diida in lagu is taajiyo baraha koontor ool ee kuy aa lla Magaalada Muqdisho sida Al-Shabaab loola dagaalami doono.

Mas’uuliyiinta Magaalada Muqdisho ku dhex wata hubka waaweyn iyo Gaadiidka dagaalka ayuu sheeg ay inay faan iyo xarako ka tahay balse aan laga aqb ali doonin.

Madaxweynaha Somalia Xasan ayaa intii uu muc aaradka ahaa M/Muqdisho ku dhex watay Gaadiidka dagaalka aad u farabadan iyo Ciidamo, waxana mar Gaadiidkiisa lagu rasaaseeyay afafaaka hore ee Xab siga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay daga alka ka dhanka ah AL-Shabaab

R/Wasaaraha XFS Md.Xamse ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Md.M axamed Ibraahim Yuu suf. R/wasa araha oo Danjira ha cusub ugu ha mbaly eey ey ma suuliyadda loo ig ma day,ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dalwalaal ah oo xilliyo ad ag soo garab taagnaa Soomaaliy a, kana taageero dhinacyo bad an oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah da ga alamayaasha AL-Shabaab.

Md.Xamse oo sheegay inay mahad u hayaan dow ladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xuk uu maddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee walaalaha ah

Madaale oo she gay qorshe cusub oo Al-Shabaab ay ka billaabeen Muqdisho

Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir, ahna quqa M/Muqdisho, Md.Yuusuf Xuseen Jimcaa le (Mad aale) oo la hadlay warbaahinta ay aa ka warbi xiyay dhacdooyinkii u gu dambeeyay ee Habeen hore ka dha cay gudaha M/Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ka dib markii jugta qar axyo xoogan laga maqlay caa sim adda, kuwaas oo ay booliska ku tilmaameen inay ah aayeen kuwo dheemish ah.

Jugta ayaa laga maqlay degmooy inka qaar ee gobolka Banaadir, si da Wadajir, Hodan. Waaberi Xam arweyne iyo Warta Nabadda.

Guddoomiye Madaale ayaa sha aca ka qaaday in Al-Shabaab markii ay ku fashilm een weeraradii toos ka ahaa ay bilaabeen qarxinta baco dheemish ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka laga lahaa qaraxyadan ay tahay in lagu qalqal-geliyo shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdsho.

"Hadda inta aan fadhinay halkan dhowr meel ayay wax ka dhac dhaceen marka bacyaal inta ay wax ka soo buuxiyaan ayay dadka ku argagixinayaan,” ayuu yiri gudduumiyuhu.Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, si meel looga soo wada jeesto, loogana hortago weera rada ay ka fuliyaan gudaha caasimada.

"Waa inaan xoogeynaa isugu geyno sidii aan mag aaladaani kuwa kusoo dhex dhuuntay ee mushkilada ku dhex wado aan isaga qaban laheyn,” ayuu hadalk iisa sii raaciyay.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ay aa si adag uga hadlay dhibaatada ay ciyaal weerada ku hayaan shacabka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in lasoo abaabulay.

"Ciyaal weerada inta aysan nagu ag korin oo sidii Shabaab dhowr iyo 10 sanno kadib aanu ku baraar ugin inaan hadda iska qabano, maxaa yeelay waa ab aabulan yihiin gadaal ayaana laga taagan yahay, marka waa inaan ka daba tegnaa,” ayuu markale yiru Yuusuf Madaale.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Ban aadir ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida qara xyo, dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay gey sanayaan kooxo burcad ah

Jaamacadda Qaahira oo bilaabaysa barashada Af-Soomaaliga

Xarunta barashada luqadaha Afrika ee hoos tagta Jaamacadda Qaahira ayaa sheegtay inay billaabey so koorso lagu baranaayo luqadaha ugu waaweyn u guna faafintaanka badan Africa,Luqadaha lagu baran doono koorsadaaan ayaa kala ah Soomaaliga, Sawa axiliga,Hausa, Amxaari iyo Fulani.

Jaamacadda ayaa intaas ku dartay in ujeedada la ga leeyahay koorsadaan ay tahay in lo xoojiyo xiriirka iyo is fahanka Masar kala dhaxeeya dalalka Afrika ee ku hadla luqadahaan Guddoomiyaha Jaamacadda Qaahira Dr Maxamed Cismaan , ayaa sheegay in Ja amacaddu ku bixiso dadadaal badan arrimaha qaar adda Afrika si loo xoojiyo isku tiirsanaanta iyo isku soo dhawaanshaha Masar iyo dalalka Afrika.

La-taliayaha madaxweynaha Dr. Baadiyow oo farriin u diray ‘Sacad iyo Wagardhac’

taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimah a dib u heshiisiinta Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka hadlay gogol ay iskugu yimaadeen beelaha Sacad iyo Wagardhac oo isku haysta degaanka Galinsoor ayaa halkaas ka jeediyay baaq ku aadan in la qa boojiyo xaalada iyo in laga hor ta go colaada soo laab-laabatay ee ka jirta Galinsoor.

Gogoshaas nabadeynta ah wa xaa dhigtay wasaaradda arrima ha gudaha DFS waxaana loo qab tay beelaha Sacad iyo Wagardhac oo sanado badan ku dagaalamayey aagga degaanka Galinsoor ee go bolka Mudug.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in ay tahay wax la ga naxo in aano qabiil xiligaan ay ka jirto deegaan ada Soomaalida oo qofkii qof dila aan loo dilin ee la dilo qof kale oo aan wax ogayn, taasi oo uu ku shee gay mid aan waafaqsanayn diinta islaamka iyo dhan ka suuban ee Soomaalida.

"Hadii heshiis la galaayo shuruuda uu ku najaxo heshiiska maxay tahay? halkaan maka muuqataa he shiiska shuruudihii uu ku najixi lahaa? waxaan oran karaa haa, hadii waqti la galiyo oo daacad laga yah ay heshiiskaan waa uu najixi karaa, wasaaradaha ari maha gudaha ee DF iyo Galmudug waa in ay arint aan garab siiyaan, arintaan waxay ku jirtaa shuruuda ha uu shirkaan ku najaxayo,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxm aan Baadiyow.

Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in he shi iskaan haduu hir galo uusan ahayn mid u dhaxee ya Sacad iyo Wagardhac, balse uu yahay heshiis So om aaliyeed, taasi oo uu ku macneeyay in beelahan wal aalaha ah uu dagaal kooda soo socday in ka ba dan ‘nus qarni.’

"Shuruuddii dib u heshiisiinta ayaa ka muuqata hal kan, oo ah in labada dhinac ay ka muuqato diyaa garow, dowladdana waa la socotaa, marka shirkan waa heshiis guuleynaya iyo nabad Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri

Dr. Baadiyow ayaa intaas ku sii daray, "Xalay shi rkan jidka nabadda waa in ay heshiis naga tahay, wax kasta waa la xallin karaa, insha allaah waana la xalinaa.” Sidoo kale waxa uu sheegay in ay tahay Ga lmudug dhulka ugu barwaaqo badan Soomaaliya, si da ay sheegeen quburo caalamka, wuxuuna tilmaa may in 33 sano kadib ay tahay wax laga xumaado in qabiil la isku dilayo weli, "Dad walaalo ah oo isla nool inaad noqotaan ayaa idiin muhiim ah,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow.

Raysal wasaare Xamse oo dhigiisa dalka Serb ia kala hadlay deyn Cafinta Soomaaliya

R/w Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay khadka tele foonka kula hadlay dhiggiisa dalka Serbia Marwo An a brnabić, oo ay ka wada hadleen arimo muhiim oo quseeya labada dowladood.

Raysal Wasaare Xamse ayaa dhigiisa dalka Serbia la yeesh ay wadahadal wax ku ool ah oo la xariira xoojinta iyo adkeynta xiriirka diblomaasi yadeed ee labadda dowladood mudada dheer ka dhaxeeyay.

"Waxaan kala hadlay in Dowladda Seerbiya naga cafiso deynta kadib markii aan sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda Danqaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda mu hiimka u ah deyn cafinta. Dowladda Seerbiya waxa an uga mahadceliyay kaalmada bina’aadanimo ee ay dadkeenna soo gaarsiiyeen xilligii ay abaartu jirtay, waxaana sido kale ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiya an" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Labada masuul waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in madaxda labada dal boo qashooyin ku kala bixiyaan Soomaaliya iyo Seerbiya si loo xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac ka dhaxeeyo Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen lab ada Raysal wasaare ee dalalka Soomaaliya iyo Ser bia horumarinta arimaha ganacsiga iyo maalgashiga, deyn cafinta, taageeridda golayaasha Caalamiga ah, xoojinta saaxiibtinimada mudadda dheer, Caafimaad ka, Waxbarashada iyo iskaashiga tignoolajiyada dhin aca amniga ee casriga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Oo Soo Gaar ay Magaalada Muqdisho

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Finland Pekka Haavisto ayaa soo gaaray ma gaalada Muqdishu, iyadoo uu Garoonka Aadan Cad de ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya.

Kulan kooban oo ay labada Wasiir ku yeesheen Garoon ka ayaa waxay isku weydaar sadeen arrimaha cilaaqaadka iyo danaha taagan ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Ha ruuse ayaa Wasiirka Finland uga warbixiyay halka ay marayaan dadaaladda xasilinta iyo howlgalada ka dhanka ah Atgagaxisada, Xaaladaha dhinaca Beni ’aadannimada, Abaaraha taagan7 dadaalada dhinac a horumarka ee DFS ay ka wado guud ahaan dal ka.

wasiirka arrimaha dibadda finland oo soo gaaray magaalada muqdisho

Wasiir Muqtaar Roobow oo hal arrin darteed Shalay ugu safray Sacuudiga

Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Md.Mukhtaar Roo bow Cali ayaa Shalay ka ambabaxey garoonka diy aaradaha Aadan Cade ee M/Muq disho asagoo ku wajahan Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah agaasimaha guud ee Wasaarad da, agaasimaha wa axda xajka iyo cumrada, xildhiba an ka tirsan guddi ga Awqaafta iyo Cadaalada ee Baarlamaanka JFS,

Xubin ka socota Xafiiska R/Wasaraha, xubno & wa kiilo ka socda shirkadihii ku guuleystey iney fuliyaan adeega xajka ee sanadkan 1444/2023. Ujeedada saf arka wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la xirirta qiimeynta iyo jaangoynta cadadka lacageed ee sanadkan ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed iyo sidii ay u heli lahaayeen khidmo ama adeeg wanaagsan gaar ahaan marka ay timaado dhinacyada deegaanka, ga adiidka iyo cuntada inta ay ku guda jiraan gudashada acmaasha xajka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim oo ka mid ah wafdiga Wasiirka ayaa inta aysan ka dhoof in magaalada Muqdisho faahfaajiyey ujeedada safar kooda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaad tay madaxda hay’adaha DRC iyo IMC

Madaxweynaha dowladda gobolkeedka Hirshabeel le Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kula la qaatay

Wafi ka socday Hay’adaha Caalamiga ee DRC iyo IMC oo soo gaaray Jowhar.

Wafdigaan oo ay hoggaami naayeen mada xda ugu sar eyso hay’adaha DRC iyo IMC ayaa kulan kooda loo ga hadlay dardargalinta mashaariicda aay ka wada an deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan ma shruuca Somali Crises and Recovery Project (SCRP) kaasoo aay kala shaqeeyaan Wasaarada Qorshe ynta. Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Golaha Wasiir ada ayaa la wadaagay meesha uu marayo msharuu ca SCRP iyo Hay’adda IMC oo kala shaqeysaa arri maha caafimaadka Wasaarada Caafimaadka Hirsha beelle, iyagoo balanqaaday hay’adahaan Caalamiga ah in Dowladda goboleedka Hirshabeelle ay kala sha qeynayaan sidii loogu gurman lahaa dadka liita iyo aaladaha fatahaadaha ee ka jira qeybo kamid ah deegaanada Hirshabeelle.

Macluumaad la xiriira: Shirka Somaliya iyo dowla daha deriska ee lagu soo geba-gabeeyay Muqd isho

Waxaa gelinkii dambe ee Shalay M/Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay shirka DF iyo dalalka safka, ee ujeedk iisu ahaa in lagu dard argeliyo wejiga 2aad ee dagaal ka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab. Shirka oo Talaada dii ka furmayTeendha da Afisyo oni ayaa waxaa ka qaybgelay dhammaan ba dhinacyada ay khuseyso, sida Wasaar adaha He er Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Sa raakiisha Ci idamada Dowladda iyo Saraakiil ka soc day dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, waxaana shirka dib kaga biiray Wakiilada Beesha Caalamka, oo ay qayb ka yihiin Safiirada dalalka deriska.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Ge neral Cabdullaahi Cali Caanood oo Xalay shir jaraa’ id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhinacyada ay dejiyeen istiraatiijiyaddii lagu wajihi lahaa wejiga labaad, ee gulufka xididada loogu siib ayo kooxaha argagixisada.

"Waxaa shirkan loo qabtay isku dubaridka wejiga labaad, hawlgalka ciidamada ee lagu burburinayo, la gu lana dagaalamayo cadowga ummadda Soomaal iyeed ee Khawaarijta Al Shabaab.” Ayuu yiri Afhaye enku. Waxa kaloo uu yiri "Saraakiisha ka socda dal alka deriska, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Talis ka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed maalmaha an waxay isla gorfeynayeen diyaarinta qorshaha ha wlgalka lagu burburinayo cadowga ee lagu galayo wejiga labaad hawlgalka ciidamada, oo ah kii lagu dhameystiri lahaa cadowga ummadda Soomaaliye ed, ee ragaadiyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Afhayeenka ayaa tilmaamay in la soo gudbin doono warmurtiyeed dhameystiran oo laga soo saaray shirkaasi, kaas oo ka turjumaya sida gobolku diyaar ka ugu yahay in kooxaha argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Beesha Caalamka ayuu doorkeedu noqon doonn aa in ay ciidamada ka taageerto dhanka saadka iyo sahayda, muddada uu hawlgalkan socdo. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dalalka deriska ayaa la fila yaa in ay si wadajir ah uga hawlgalaan deegaanada Jubbaland, K/ Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha JSF,Xasan Sh.Maxamuud ayaa ge ed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdi isu ay kaga takhalusi laheyd Al Shabaab, ka dib dho wriyo toban sano oo ay dalka ka dagaal amayeen.

Cabsi xoogan oo laga qabo inuu Fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle ee dhexmara Baledweyne

Webiga Shabeelle ee dhaxmara gudaha M/ Bale dweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wada biyo aad u farabadan oo cabsi badan ku beeray dadka ku nool xaafadaha magaalada Baledweyne.

Biyahaan aadka u badan ee uu keenay wabiga Shabe elle ayaa yimid, ka dib markii daadad badan oo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da'ay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ay kusoo rog madeen Wabiga.

Heerka lagu cabiro biyaha Wabiga ee dhexmara Baledweyne ayaa hadda gaaray meeshii ugu sarey say, waxaana laga cabsi qaba inuu fatahaad samee yo Wabiga Shabeelle.

Hay’adda cunada iyo beeraha ee FAO iyo maam ulka gobolka Hiiraan ayaa si wada jir ah ugu baaqay shacabka ku nool xaafadaha Baledweyne iney ka fee jignadaan fatahaad uu sameyn karo webiga Shabee lle ee dhaxmara Baledweyne.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in da daalada biyo xireenada ee horay looga hirgeliyay Bal edweyne iney wax badan ka tareen fatahaadii uu gey san jiray webiga Shabeelle marka uu gaaro heerka uu haatan marayo oo sababi jirtay in laga barakaco Baledweyne

Madaxweyne Geelle oo Jabuuti isugu keenaya Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa diyaarinaya qabashada kulan dhexmara mada xweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan ayaa waxa uu kusoo bee gamaya xilli uu dhawaan mada xweyne Xasan Sheekh Maxamu ud uu magacaabay ergayga u qa abilsan arrimaha Somaliland, kaasi oo ah shaqsi aysan xasaasiyad ka qabin Som aliland.

Cabdikariin Guuleed oo ah shaqsiga uu madax weyne Xasan u magacaabay arrimaha wada-hadal ada Somaliland, ayaa waxaa soo dhaweeyay maamu lka Muuse Biixi, taasi oo wadada u xaareysa in laba da dhinac ay markale iskugu imaadan miiska wada-hadalka, si loo sii ambaqaado wada-hadallada oo sanado hakad ku jiray.

Muddo laba sano ku dhaw isaga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed daad ihinayay wada-hadalada Somaliland iyo DFS.

Xogaha laga helayo kulanka ayaa intaas kusii dar aya in madaxweyne Muuse Biixi uu aqbalay kulanka uu Geelle iskugu keenayo Jabuuti hoggaamiyeyaa sha Soomaaliya iyo Somaliland, si dib loogu billaabo wada-hadallada labada dhinac.

DFS ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan aya a waxaa xilligaan ka go’an in dib loo bilaabo wada-hadaladii Somaliland, ayada oo xusid mudan tahay in dowladdii hore ee Xasan ay meel fiican soo gaarsii say wada-xaajoodyadii labada dhinac.

Dadaaladda dib loogu bilaabayo wada-hadalada DFS iyo Somaliland ayaa la aaminsan yahay inay ka soo bilaabatay madal dhaqan oo Jabuuti ka dhacday, taas oo isku arkeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi, Ism aaciil Cumar Geelle iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhinaca kale, Ergeyga gaarka ah ee arrimaha So maliland oo ah siyaasi dhaqan ah, dhinaca kalena loo yaqaano farsamo yaqaan ku fiican wada-hadal ada oo markale hormuud looga dhigay wada-hadala da midnimo doonka ah, ayaa kulamo ka billaabay magaalada Muqdisho.

Md.Guuleed ayaa la kulmay madaxda iyo siyaas iyiinta kasoo jeeda Somaliland, si ay ugu biiriyaan ar agtidooda ku aaddan wada-hadallada looga dhigay madaxa, isaga oo ka dhawaajiyay in wada-hadalada loo wakiishay ay noqon doonaan kuwa hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jira, islamarkaana laga gungaaro waxa dhabta ah ee tabashadu ku saabsan tahay iyo xalkeeda.

Md.Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa was iirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hak aday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Si kastaba, Dowlada FS ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, "si taas loo gaarana ay u baahan ta hay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland,” sida uu sheegay madaxwey naha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo si buuxda ula wareeg ay gacan ku heynta deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo Gorgor ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Galcad oo ka tirsan G/GalgaduudCiidamada dowladda ee la wareegay deegaanka Galcad ayaa aroornimadii hore ee Shalay xaafadaha deegaankaasi ka sameeyay ba aritaano ay ku xaqiijinayaan amaanka guud ee deeg aanka oo ay si nabad ah kula wareegeen, ka dib mar kii ay halkaasi isaga baxeen ciidankii Al-shabaab ee ku sugna mudooyinkii dambe.

Al-shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka talineysay deegaanka Galcad ee gobolka Galga duud, kadib markii ay horay deegaankaasi u faaru jiyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dib ula wareegista ciid anka dowladda ee deega anka Galcad ayaa imaa neysa, iyadoo inta badan dadkii deganaa Galcad ay isaga barakaceen magaalada kadib markii ay ku am reen kooxda Al-Shabaab.

Deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka u ah isku xirka gob olka Galgaduud, waxaana ayaa dhowr bilood ka hor markii ciidamada dowladda la wareegeen deegaank an ka dhacay weerar qaraxyo ku billaawday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaasoo uu ku geeriyooday All ah u naxariiste taliyahii ciidanka Kumaandooska DA NAB Xasan Tuure, taaso aheyd sababta keentay in ay ciidamada dowladda isaga baxaan deegaankaan.

Faahfaahin ku saabsan dabley hubaysan oo xal ay weeraray goob ganacsi oo kutaalla Bosaso

Dabley ku hubaysnaa qoryaha fudud iyo bomba an ooyin, kuwaas oo aan la garanayn haybtooda, ay aa Habeen hore weeraray goob ganacsi oo ku taallay mag aalada Boosaaso.

Kooxda dableyda ayaa toogasho ku dilay ilaaliyihii shirkaddan ganacsi oo lagu magacaabo Almacruuf ka hor inta aysan bombo gacmeed ku weerarin dad kii ku jiray gudaha iyo dadkii ka du kaamaysa nayay.

Lama oga sababta ka dambe ysa weerarka xaruntan ganacsi oo kamid ah xarumaha waawayn ee laga dukaamaysto, taasoo xafiisyo dhowr ah ku leh gudaha magaalooyin ka Puntland.

Weerarka kadib dab xooggan ayaa ka dhashay ba mbooyinkii lagu tuuray goobta, kaas oo khasaare hantiyeed oo xooggan u geystay shirkadda, sidoo ka le dadkii gudaha ku jiray ayaa ku neef qabatimoobay.

Laamaha ammaanka iyo ciidamada dab-damiska ay aa u soo gurmaday shirkadda, si ay u xakameeyaan dabka, si aanu ugu faafin dhismayaasha kale ee ku hareeraysan.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Mar sii horraysay xaruntan ganacsi ayaa bombo gam ceed lagu tuuray, laakiin wax khasaare ah kama dhal an, balse weerarkii Habeen hore ayaa ahaa mid si toos ah loo bartilmaameesaday shirkaddan.

Shan Ruux oo isku Qoys ah oo lagu dilay degaan katirsan Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ari Qaruuf oo u dhow degaanka Milixle oo hoostaga degmada Ballanballe oo katirsan Gobolka Galgaduud ayaa she egaya in halkaasi Shalay lagu dilay Ruux oo isku qo ys ahaa, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay go obta ka baxsadeen.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay u tageen Qoys ku noolaa degaanka Ari Qaruuf, isla markaana kamid ah qoys kaas oo Xoolo dhaqato ahaa ay dileen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilk aan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qab iil iyo dilal soo laab laabtay oo ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta iyo laamaha Amniga D.G/Galmud ug ayaan weli ka hadlin dilka Shalay loo geytay ru ux ee isku qoyska ah, hayeeshee saraakiil katirsan Ciidamada Booliska Galmudug ay sheegeen inay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo.

Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug ayaa Bi shii Maarso ee 12-keedii ee sanadkan deegaanka Xi rsi lugeey ee duleedka Degmada Balanbal ku qaba tay shir dibu heshiisiin ah, kaas oo lagu sheegay in la soo qaban dooni Cidii wax disha meel kasta oo ay tagtana loogu tagi doono. Degaannada Maamulka Galmudug ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay wa xaa aad ugu batay dagaal beeleedyada, iyada oo Ma daxda Maamulka Galmudug ay u muuqdaan kuwo ku fashilmay inay wax ka qabtaan.

Dagaal markale dhexmaray Soomaalida & Canfar ta & khasaaro ka dhashay

Dagaal aad u xooganaa, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wa xaa uu markale Galbeedka gobolka Siti ee dowlad de gaanka Soomaalida uu ku dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambe eyay kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay wee rar ku qaa deen degaano ay ku sugnaayeen Soomaa lida, wax aana dagaalka oo maalmahaan dhacayay kii ugu dambeeyay ku dhintan in ka ba dan 5 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacm een.

Maleeshiyaadka Soomaalida oo intooda badan ah Xoolo dha qato ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta, iya ga oo sheegay inay degaannadoo da ka difaacdeen, isla markaana khasaaro ay gaars iyeen.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaan weli ka hadlin dagaalka Galbeedka Gobolka Sit ku dhex maray Maleeshiyaadka Canfarta iyo kuwa Soomaa lida, kaas oo ah mid soo laab laabtay.

Wajiga 2aad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shaba ab oo ka billaawday gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha G/Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo aay wehliyaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyaha qeybta 27-aad Gen.Tawane Ahmed Gureey iyo Taliyaha guutada 5-aad Col Bakaay iyo Taliyaha ururka 8-aad comaandooska Kor-kor ee ciidanka xo oga dalka soomaaliyeed iyo hoggaanada ciidamada Dib u xoreeynta Deegaanada Gobalka Hiiraan oo qe yb weyn ka Qaadanayo wajiga 2-aad ee dib u xure eynta degaannada G/ Hiiraan.

Howlagallo xiriir ah ayaa Al-Shabaab looga qabsaday deega ano dhaco koonfurta D/ Beledw eyne oo ay kaga gudbayeen wabi yada, ayagoo Deegaanada laga xureeyey ay ka sam eeynayeen Weeraro ku dhufasho ah ku dhawaad Il aa 10 doomood ayey ciidamada qalabka sida iyo Da dka deegaanka burburiyeen, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku isticmaalayeen wabiyadda,

Gudoomiye Cali Jeeyte ayaa xusay in howlgalkan dib u hubinta Amniga loo gudbi doono Deegaanada galbeedka oo ah meesha ugu dambeeyso oo ay Al-Shabaab isku dayayaan inay isku dhajiyeen ,asigoo xusay In tilaabooyinka military ee la qaadi doono ay yahiin kuwo lagu soo celin doono guud ahaan Amn iga Gobalka Hiiraan.

Maxaad kala socotaa 10ka ganacsade ee ugu sarreeya UAE ee ku jira liiska bilyaneerrada adduunka ee Forbes

Sida laga soo xigtay Forbes, hantida kala bar ee bil=yaneerrada adduunka ayaa hoos u dhacday mar ka la fiiriyo sanadkii ho reMaalqabeenada gana csiga ee fadhigoodu yahay Imaa raatka Carabta ayaa jagoo yin caan ah ka helay liiska bilyaneerrada adduunka ee 37-aad ee Forbes.

10ka qof ee ugu sareeya ee degan UAE ee liiska ku jira waa Pavel Durov, Yusuffali MA, Micky Jagti ani, Hussain Sajwani, Ravi Pillai, Abdulla bin Ahmad Al Ghurair, Sunny Varkey, Joy Alukkas, Abdulla Al Futtaim iyo qoyska, iyo Dr Shamsheer Vayalil.

Pavel Durov, oo ah aasaasihii Telegram messen ger, ayaa sii xajistay jagadiisa ganacsiga ugu taajirs an ee ku nool UAE isagoo haysta hanti dhan $11.5 bi lyan. Waxa uu galay kaalinta 148-aad. Xaqiijinta bo oska 497-aad ee liiska waa tafaariiqda Yuusuffali, gudomiyaha kooxda Lulu, kaas oo leh qiimo saafi ah


Soomaalida ku nool magaalada St Cloud oo iska aruurisay lacag dhan 71,400 oo ay ugu talo gal een dadka ka Barakacay Laascaanood

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada St Cloud Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa iska uruurisay lacag gurmad ah oo ay ugu talo galeen da dka ka barakacay dagaalada iyo duqeymaha ka so cda M/Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qeybaha kala duwan ee bulshada reer St Cloud ayaa iska aruuriyay lacag gaaraysa $71,400, taasoo ay sheegeen iney ugu talo galeen dadka shacabka ah ee ka barakacay dag aalka iyo duqeymaha ciidamada Soomaaliland ka wadaan magaalada Laascaanood.

Lacagtaan ayaa ah mid laga aruuriyay qeybaha kala duwan ee dadka ku nool St Cloud oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada, Culimada, Haweenka, wax aana la xusay in kaalinta ugu weyn ee lacag aru urint aan ay qaateen Masaajidyada ku yaala magaa lada asi.Lacagtaan ay iska soo aruuriyeen dadka de gan magaalada St Cloud ayaa lagu wareejiyay Wak iilka Hay'adda HARO Sheekh Cali Xaaji si ay u gaars iiyaan dadka Shacabka ah ee ka barakacay magaa lada Laascaanood.

Wakiilka Hay'adda HARO Sheekh Cali Xaaji oo madasha lacagta lagula wareejinaayay ka hadlay ay aa sheegay in lacagtan sida ay ugu aamineen bu lshada reer St Cloud inuu isna u gaarsiin doono dad ka loogu talo galay ee mudan in lasiiyo lacagtaan.

Bulshada ku nool magaalada St Cloud ayaa si weyn loogu amaana iney yihiin bulsho isku xiran oo marwalba kaalin muhiim ah ka qaadata gurmadka dhibaatooyinka soo gaara dadka Soomaaliyeed.

Dablay ku afduubatay dalka Cameroon 25 qof

Ciidamada ammaanka ee dalka Cameroon ayaa ba adigoob ugu jira illaa 25 qof oo laga afduubtay tuu lo oyin ku yaalla xuduudda ay la wadaagaan dalka Ni geria. Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay xukuum adaha Nigeria iyo Cameroon inay joojiyaan dablayda hubaysan ee ka hawlgasha xuduudda labada dal.

Saraakiisha Cameroon ayaa sheegay in dablayda afduubka geysatay aan la aqoonsan, iyaga oo si joogto ah weeraro ugu qaadaan tuulooyin ka,isla markaana bililiqaystay toddobaadkan degmad a Ako oo ku taalla xuduudda galbeed ee Cameroon la wadaagto Nigeria.

Saraakiisha degmadaas ayaa sheegay in boqolla al qof ay ka qaxeen, weeraradan ugu dambeeyey.

Maayarka degmada Ako Nkanya Nkwai ayaa sheeg ay in dablaydan aan la aqoonsani inay ka hawlgasho xuduudda labada dal. "Illaa haatan 25 qof ayaa la af duubtay, waxaana laga cabsi qabaa in afduubku uu intaas ka bato, sababtoo ah, tan iyo Isniintii waxaa adkayd in xidhiidh lala sameeyo dadka ku sugan xud uudaha, gaar ahaan Buku, Abafum iyo Akwancha oo ah meelaha laga soo galo xuduudda, illaa haatanna wax macluumaada lagama kooxda afduubka geysa tay.

lamana oga in la dilay kooxda la afduubtay iyo in ay noolyihiin toonna” sidaas waxaa VOA u sheegay Ako. Milateriga Cameroon ayaa sheegay inay ciid amo ku daabuleen xuduudda Nigeria si hoos loogu dhigo kooxaha afduubka geysanaya.

Ethiopia oo qaaday tallaabo lagu wiiqayo awoodda ciidan ee maamullada

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay doonay so in dhammaan ciidamada gaarka ah ee is-maamul lada ay burburiso, iyada oo ku kala dareysa midkood ciidamada qaranka ee militriga, kuwa federaalka ama kuwa booliiska ee gobollada.

"Dowladdu waxay dejisay jihayn la gu dhisayo hal ciidan oo awood leh. Waxay billowday tallaabooyin wax ku ool ah oo u oggolaanaya ciidamada gaarka ah ee gobol walba in lagu kala daro ciidam ada kala duwan ee amniga,” ayay dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay. Itoobiya waxay ka kooban ta hay 10 gobol oo leh heer madax-bannaani udhexee ysa iyo inay yeeshaan ciidan gobol oo iyaga u gaar ah iyo xuquuqda adeegsiga luuqadooda.

Tallaabadan ay qaaday DF/ Ethiopia ayaa waxaa loo arka isku-day lagu dhimayo awoodda iyo madax-bannaanida maamul-goboleedyada, gaar ahaana go bollo gaar ah. Saacado kahor inta aan lagu dhawaaq in go’aanka dowladda, warbaahinta gudaha ee gob olka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu wayn alkaas ayaa sheegay in iska hor-imaad dhexmaray ciidamada heer qaran iyo heer deegaan.

Iska hor-imaadkaas ayaa yimid kadib markii cutub yo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada ay diideen in ay hubka wareejiyaan, taasi oo qayb ka ah isku dhafka ciidamada. Warbixin ay soo saartay daw laddu waxay ku xaqiijisay inay xiisadi ka dhalatay gobolka Axmaarada, balse waxay ku eedaysay khal adka fahamka siyaasadda iyo kooxaha darafyada ah ee ka tirsan ciidamada gobolka.

Ciidamada Axmaarada ayaa taageeray xoogaggii federaalka ee uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo kasoo horjeeday xooggaga kacdoon ka waday Waqooyiga Tigray, markii uu dagaalku ka qarxay halkaas 2020-kii.

Maxkamad ku taal dalka Sweden oo laashay ma mnuucida gubista Qur’aanka kariimka ah

inkastoo caalamka si weyn loo dhaliilay

In kasta oo ay caalamku cambaareeyeen dhacdooyin hore, haddana maxkamad ku taal Sweden ayaa tala adadii laashay go’aan booliisku ku mamnuucay laba mudaaharaadyo Qur’aan lagu gubo.

Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay shan eed aysane oo lagu eedeeyay in ay maleeg ayeen "fal argagixiso” oo lagu eedeeyay mudaahar aad kan la mid ah.

Gubitaanka kitaabka barakeysan ee Islaamka oo lagu gubay afaafka hore ee safaarada Turkiga ee magaalada Stockholm bishii Janaayo, ayaa ka care ysiisay dunida Muslimka, taasoo dhalisay mudaahara ad toddobaadyo ah iyo baaqyo ah in la qaadaco bad eecadaha Sweden, iyo in la hakiyo dalabka Sweden ee xubinnimada NATO.

Maxkamadda sare ee maamulka Sweden ayaa la ashay go’aankii booliska ee lagu mamnuucay laba di bad baxyo Qur’aan lagu gubay bishii Febraayo, iya doo sheegtay in khatarta amni aysan ku filneyn in la xaddido xuquuqda bannaanbaxa.

"Maamulka booliisku ma aysan helin taageero ku filan go’aannadooda,” ayay tiri garsoore Eva-Lotta Hedin hadal ay soo saartay.

Bilayska Sweden ayaa diiday in la ogolaado in la gu gubo Qur’aanka kariimka ah oo lagu gubo bann aanka safaaradaha Turkiga iyo Ciraaq ee Stockholm bishii Febraayo iyagoo sheegay in mudaaharaadkii Jannaayo uu Sweden ka dhigay ” bartilmaameedka sare ee weerarrada.”

Turkiga ayaa si gaar ah uga xumaaday in booliis ku uu oggolaaday bannaanbaxa. Ankara ayaa is hor taag ku sameysay dalabka NATO ee Sweden, sab abtoo ah Stockholm waxay ku guuldareysatay inay wax ka qabato kooxda argagixisada ah ee PKK iyo xubnahooda ku sugan dalkaas.

Halka qaar ka mid ah siyaasiyiinta Sweden ay dhaleeceeyeen gubashada Qur’aanka, dad badan ay aa difaacay falkaas oo ay ku tilmaameen "xaq xori yatul qawlka”.

Dhanka kale, Hay’adda Nabadsugida Sweden ay aa sheegtay in shan tuhmane lagu xiray subaxnim adii hore ee Talaadada weeraro abaabulan oo laga fuliyay magaalooyinka Eskilstuna, Linkoping iyo Str angnas ee bartamaha dalka.

"Kiiskan hadda socda waa mid ka mid ah dhowr kiis oo ay hay’adda nabadsugidda Iswiidhan ku haw lanayd…oo la xidhiidha gubista qur’aanka kariimka ah ee caanka ah,” ayay tiri Susanna Trehorning, oo ah ku xigeenka madaxa waaxda amniga ee la dagaalanka argagixisada.Hay’adda Nabad Suggida, ayaa sheegtay, si kastaba ha ahaatee, in aanay rum aysnayn in weerar uu ku soo wajahan yahay.

"Hay’adda amnigu inta badan waxa ay u baahan ta hay in ay goor hore wax ka qabato si looga hor tago khatarta, ma sugi karno ilaa dambiga la galayo ka hor inta aan ficilka sameyn” ayaa lagu yiri wars axaafadeedka

Shiinaha oo xildhibaanada Maraykanka uga digay inay la kulmaan Tsai Ing-wen

Xildhibaanada Maraykanka ayaa Arbacadii waxay iska diideen digniin ka soo baxday safaaradda Shiin aha oo ku aaddanayd inaanay la kulmin madaxwey naha Taiwan Tsai Ing-wen oo booqasho ku joogta gobolka California.

Xildhibaano ka kala tirsan la bada xisbi oo gaadhaya illaa 17 mudane oo uu wehelinayo afh ayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy ayaa kulan gaar ah ku la yeeshay madaxweynaha Taiwan, makatabadda Ronald Reagan ee ku taalla Simi Valley, California.

Warbaahinta Maraykanka ee Punchbowl ayaa sheegtay in qaar ka mida xildhibaanada Maraykanka ee kulankan ka qaybgelayey, inay saacado ka hor he leen fariimo email ah oo muujinaya "sida Shiinuhu uu uga walaacsan yahay [la kulankooda Tsai]”

Fariin qoraal oo ay VOA ka heshay sarkaal ka tirs an safaaradda Shiinaha oo lagu magcaabo Li Xiang, ayaa lagu sheegay in "dhinaca Shiinahuhu uu si weyn uga soo horjeedo, nooc kasta oo isdhexgal ah oo dhex mara Maraykanka iyo Taiwan, sidoo kalena ay ka soo horjeedaan safar kasta oo masuuliyiinta Ta iwan ay ku yimaadaan Maraykanka, iyo weliba nooc kasta oo kulan ah oo dhex mara iyaga iyo masuuliy iinta Maraykanka”

Xildhibaanada Maraykanka ayaa sheegay inaan ay wax isbedela ku samaynayn qorshahooda.

"Shiinuhu ma go’aamin karo cidda xubnaha ay xubna Congress-ku kula kulmayaan ciidda Maraykanka. Xil dhibaanku wuxuu ka qaybgelayaa kulanka dhexmar aya madaxweyne Tsai iyo afhayeenka aqalka wakiil lada ee McCarthy” sidaas waxaa VOA u sheegay afh ayeen u hadlay xildhibaan John Curtis.

Emailka ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmara ya Tsai, McCarthy iyo xildhibaanada kale, inuu dhaa wacayo siyaasadda "Shiinaha ee midka ah”.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa ku adkaysanaysa in socdaalka (transit) masuu liyiinta Taiwan inuu yahay safar gaar ah oo aan rasmi ahayn, iyaga oo sheegay in madaxweyne kasta oo Taiwan ahi, inuu safar sii gudbid ah(transited) ku ma ray Maraykanka, Tsai-na ay noqonayso markii todob aad ee ay lugta geliso Maraykanka. VOA

Sacuudiga iyo Iiraan oo ku heshiiyay dib u furista safaaradaha labada dal

Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudiga iyo Iiraan, Amiir Faysal Bin Farxaan iyo Xuseen Amiir ay aa kulan ku yeeshay caasimadda Shiinaha ee Be ijing, si loo dardargeliyo heshiiska dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Kanaalka Sacuudiga ee "Al-Ikhbariya” ayaa sheegay in la ba da wasiir ay ku kulmeen ca asimadda Shiinaha, ayna saxiixeen heshiis wada jir ah.

Dhanka kale, wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa xaqiijisay in si rasmi ah uu dib ugu soo laabtay xiriirkii labada dal. Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in labada dhinac ku heshiiyeen sidii dib loo furi lahaa safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal.

10-kii Maarso, Sacuudi Carabiya iyo Iiran ayaa ku dhawaaqay inay dib u furayaan safaaradahooda laba bilood gudahood, ka dib wadahadal uu Shiinuhu garwadeen ka ahaa oo ka dhacay magaalada Beij ing, sida lagu sheegay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen saddexda dal.


DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}

AxkaamtaSoonka ‐33‐

عن أبي ابن كعب (رضي الله عنه) أن رسول الله (صلى الله عليه سلم) قال: (( صبيحة ليلة القدر، تطلع الشمس لا شعاع لها، كأنها طست، حتى ترتفع)) (صحيح، أخرجه: مسلم) ( Ubayyi binu kacab (r.c) waxaa laga warinayaa inuu rasuulkii Alle (s.c.w) yiri: Suba xnimada laylatul Qadriga waxay qorraxda soo dhalan iyadoon shucaac lahayn, iyadoo baaf oo kale ah, ilaa ay kor u soo kacdo ).

17. Zakaatul Fidriga (Dagara Soonka) Ø

Zakatul fidriga waa sadaqo waajib ah oo laga rabo ruux kasta oo mus lim ah: yar iyo weyn, lab iyo dhadig, xor iyo addoon, Xilliga ay waajibi in la bi xiyo waa: la ga bilaabo gabbal dhaca maalinta ramadaanka ugu dan be ysa illaa qorrax dhaca maalint ciidda, Ruuxii dhaafiya maalinta ciidda wa xaa waajib ku ah inuu bixiyo iya doo qalle ah, wuuna danbaabay ruu xa asi maadaama uu wakhtigeedii dib uga dhi gay. ØQaddarka waajibka ah in la bixiyo waa afar (4) mud, oo udhiganta qiyaas ahaan: labo kilo iyo afar boqol oo garam (~2.5 kg) , waxaa banaan in labo maalmood ka hor lasii bixiyo zakaatul fidriga (dagara soonka).

ØRuuxa ay ku waajibayso waa ruux heli kara quud dheeraad ka ah, wax uu cuno isaga iyo dadka ay korkiisa ku waajibtay nafaqayntooda. Ø Mana banaana in qiima ahaan (lacag ahaan) lugu bixiyo waa sida ay qa baan culimada badanko oda, Dagara soonka waxay kabitaan u tahay wix ii nuqsaan ahaa ee soonka soo gaadhay, waxayna nadiifin utahay ruuxii soo soomay, dadka in la siiyo ay waajib ka tahay waa: faqiirka, miskiinka, dadka soo uruuriyo zakada ee kushaqa leh, ku wa qalbigooda lasoo dum ayo, addoomada xorayntooda xoolo lugu xidhay, kuwa daynta qaba, ku wa diinta difaacaya ee mujaahidiint ah iyo musaafirka .

Addilada caddaynaya arimahan aan soo sheegnay waa: Ibnu cumar (r.c)wuxuu yiri:

: ( فرض رسول الله (صلى الله عليه وسلم) زكاة الفطر، صاعا من تمر أو صاعا من شع ير،على العبد والحر، والذكر والأنثى، والصغير 33‐

AxkaamtaSoonka 34 والكبير من المسلمين، وأمر بها أن تؤدى قبل خروج الناس إلى الصلاة) (متفق عليه)

( Rasuulkii Alle (s.c.w) ayaa farad yeelay (waajib ka dhigay) zakaatul fidriga, saac timir ah ama saac shaciir ah, addoonka korkiisa iyo xorka, labka iyo dhadi gga, midka yar iyo midka weyn ee muslimiinta kamid ah, wuxuuna faray in labixi yo kohor inta ayna dadka ubixin xagga salaadda (waa: salaadda ciidda) ). Saac, waa: shay wax lugu beego oo udhigma afar mud, marka kilo loo badalana waa: qaddar dhan: labo kilo iyo afar b oqol oo garam (~2.5 kg) sidaan kor kusoo sheeg nay. Ibnu cabaas (r.c) wuxuu yiri:

( فرض رسول الله (صلى الله عليه وسلم) زكاة الفطر طهرة للصائم من اللغو والرفث، وطعمة للمساكين، فمن أداها قبل الصلاة فهي صدقة مقبولة، ومن أداها بعد الصلاة فهي صدقة من الصدقات) (صحيح، أخرجه: أبوداود، وابن ماجة)

( Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu fardyeelay zakaatul fidriga, iyadoo ruuxii soom anaa nadiifin uga ah (ka daahirinaysa) maalaayacnigii iyo xumantii iyo quudin masaakiinta usugnaatay iyadoo ah, ruuxii gutta (bix iyo) sala adda kahor, waa sad aqo la aqbalay, ruuxiise guttaa salaadda ka dib waa sadaqo sadaqooyinka kamid ah ). Ibnu cumar (r.c) wuxuu yiri:

( كانو يعطونها قبل الفطر بيوم أو يومين) ( صحيح، أخرجه: البخاري)

( Waxay ahaan jireen kuwo bixiya (zakatul fidriga) maalin ama laba maa lmood afurka ka hor (ciidda) ). Allaah wuxuu yiri: ( إنما الصدقات للفقراء والمساكين والعاملين عليها والمؤلفة قلوبهم وفي الرقاب والغارمين وفي سبيل الله وابن السبيل فريضة من الله والله عليم حكيم) (سورة: التوبة، آية: 60) ‐34‐

AxkaamtaSoonka 35 ( 60. Sadaqada (zakada) waxaa uun mutta fuq arada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubto oda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka eebe iyo socdaal ka, waana wax eebe faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan ).

18. Ciidul Fidriga ( Ciidda Soonka) ØCiidul fidriga waa maalin farxade ed oo dadka ku faraxsan yihiin sida qiimaha badan ee Alle ugu dhamayst iray soonkii ay bisha barakaysan soomayeen, una xalaaleeyay cuntadii iyo cabbiddii marka hore xaaraamta ka ahayd, waa maalin mudan in lab adiyo takbiirta (ALLAAHU AKBARTA) sadaqada, salaanta iyo booqasha da, sidookale waa in la is nadiifiyo, labis wanaagsanna lagusoo labisto, waana in banaanka (garoonka ciidda) loo soo bixiyo ciyaalka, dumarka daahirka ah, kuwa aan daahirka ahayn iyo gabdhaha maqabiyadaha ah dhammaantood , si looga faa’iideysto ducada iyo barakada maalinkan uu leeyahay. عن أنس (رضي الله عنه) قال: ( كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) لا يغدو يوم الفطر حتى يأكل تمرات ) (قال الحافظ: أخرجه البخاري معلقا) ( Anas (r.c.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaanjirey: mid aan kallihin maalinta fidriga (ciidul fidriga) ilaa uu cuno timiryaalo ). عن ابن عمر قال: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم: يخرج إلى العيد ماشيا، ويرجع ماشيا) (حسن، أخرجة: ابن ماجة) ( Ibnu cumar (r.c.) wuxuu yiri: Wuxuu ahaan jirey rasuulkii Alle (s.c.w) mid xagga ciidda usoo baxa isagoo lugaynayo, wuxu una noqon jirey isagoo lugaynaya ). .….La soco Berri

WAR-GELIN:-

ku socota dhammaan Macaamiisha wargeys ka iyo Akhri satayaashi isa Sharafta leh, wux uu Maamulka wargeyskan ku wargekin ayaa inay ilaaliyaan Nuqullada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa’isha Bisha Barakeysan ee Ra madaan Daruus la xiriirta ay ku qoran yihiin iyo Aayado khumur’aanka Kariim ah Sidaas daraadeed waxaa uu maamulka leeyahay walaalayaal xafida Alle ha idin xafidee kana ilaali meelaha aan ku habooneyn ee wasaqeysan in aad dhigtaan ama aad ku tuurtaan Wargeyskaan. Qaasatan Inta Lagu Jiro Maalmaha Bisha Ramadaan waxaana mar labaad kaa codsaney naa inaad ka dhowrtaan kana ilaaliso meelaha wargelinta lagu muujiyey Mahadsanidiin

NASASHADA JIMCAHA. Q-351=MADAXDEENA IYO REER MAGAALKEENU MAXEY UGU LABISTAAN SUUDADKA MADOOW?=

1. Rasuulkeena Muxamed CSW ayaa yiri: kiinii arko Munkar, haku ku suuliyo Gacantiisa.

Hadduuna Awoodin Carrabkiisa, Hadduuna Awoodin Qalbigiisa, taas ina waa Halka ugu laciifsan iimaanka .(F.M:1aad) Waxaa soo waiyay: Muslim.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip