
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 3-DA ABRIIL 2023-KA N
Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza oo Iska fogeeyey in uu iska dhiibay Dalka Canada
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada ugu faafay in wasiir ku xigeenka wa saaradda haweenka Soomaaliya uu iska dhiibay dalka Canada, balse hadda wuxuu bixiyey wareysi uu uga jawaabayo wax aka jira arrintaas.Wasiir ku xigeenka was aaradda haweenka Soo maaliya oo lagu magacaabo Cabdixakiin Jimc aale Aadan ayaa isagoo ku sugan Mareykanka wu xuu beeniyey warka sheegaya inuu iska dhiibay dalka Canada.
Wuxuu sheegay in dalka Mareykanka ay tageen isagoo qeyb ka ah wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hoggaamineysay wasiir Khad iija Maxamed Diiriye oo shir caalami ah uga qeyb galay xarunta Qaramada Midoo bey ee New York.
Sidoo kale Wasiir Cabdixakiin ayaa sheegay in marnaba uusan u safrin, isla markaana uusan u socan dalka Canada, isagoo shaaciyey in saacad aha soo socda uu u safrayo Muqdisho.
"Aniga xitaa waan la yaabay warkaas markaan ar kay, hadalkaas waa marin habaabin, hadda wax aan joogaa Mareykanka, waxaana u soc daa Muqdisho, qolada iga been abuurtana wa an gar anayaa waan la xisaabtamayaa markii aan dalka ku laabto, marnaba qorshaha iiguma jirto inaan Canada aado, waxaan u socdaa Muqdisho,” ayuu yiri Cabdixakiin Jimcaale.
Wasiir Cabdixakiin oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey sababta uu uga haray wafdigii wasaaradiisa ee wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ay hoggaamineysay.
Wuxuu ku jawaabay in Soomaalida ku nool Min nesota uu soo booqanayey, isla markaana uu kula kulmay dad isku xiran oo ka wareystay xaaladda dalka iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda muhi imadda koowaad ay siineyso xukuumadaan.
Mar la weydiiyey sida uu u arko iyo hadii uu kala kulmo falcelin uusan ku farxin booska loo magcaabay ee wasiir ku xigeenka haweenka Soo maliya ayuu ku jawaabay inuu aad ugu faraxsan yahay booskaas, isla markaana uu ka mid yahay masuuliyiinta loo igmaday inay hoggaamiyaan haweenka Soomaaliyeed oo aad muhiim ugu ah bulshada Soomaaliyeed.
Cabdi Xaashi Iyo C/Kariin Guuleed Oo Ka Shiray Wadahadalka Soomaaliya Iyo Somal iland
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida arrimaha SOOMAALI LAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa Dorraad hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi Abdullahi.
Kulanka oo qeyb ka ah wadatashiyo taxane ah oo uu Ergeyga la yee lan doona masuuliinta dowla dda iyo qeybaha bulshada Si ay ula wadaagaan fikirkooda ku aad an ka gungaaridda geedi socodka wadahalada Somaliland ee loo igmaday, loona dardargalin lahaa wadahadal adaas. Md. Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa qiimo weyn ugu fadhiya Dalka, waxuu la wadaagay Erge yga sooyaalkii taariikheed ee labada gobal, midn imadii la yagleelay sanadkii 60kii, halkii iyo talooyin ku aadan waxa Dorraad la gudboon ee lag a doonayo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah. Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida Arrimaha Soomaaliland Mu dane Abdikarim Hussein Guled ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha xogtaas muhiimka ah iyo talooyinka dhaxalgalkaa ee uu la wadaagay.
Cabdi xaashi iyo c/kariin guuleed oo ka shiray wa dahadalka soomaaliya iyo somalilandcabdi xaashi iyo c/kariin guuleed oo ka shiray wadahadalka soomaaliya iyo somaliland
Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ku heshiiyey sameynta guddi nooc cusub ah
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baar lamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka dowladda Isutagga Ima araadka Carabta u jooga Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaith.
Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Danjire Alro maith ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iska ashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada baarlama an ee Soom aaliya iyo Imaaraadka, sida lagu shaaciyey qor aal ka soo baxay xaf iiska She ekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale Guddoomiya ha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo hormarinta ku socota ciidamada Soomaaliya oo hadda tababarro ku qaadaya dalal kala duwan.
Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Uganda tababar ugu soo xiray ciidan cusub oo ku biiraya militeriga Soomaaliya ayaa aad ugu mahad celiyey Imaaraadka Carabta, isagoo shaac iyey in tasiilaadka ciidanka lagu tababaray Ugan da ay Imaaraadku bixiyeen.
Maalin ka hor Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidaan oo kale xafiiskiisa ugu qaabilay saf iirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahm ed Jumah Alromaith.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa kulankaas uga wadahadlay xoojinta xiriirka iyo is kaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Dowladda Imaaraadka oo dhawaan dib u soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaa liya ayaa hadda wada galaangal xoog leh, iyadoo danjiraha Imaaraadka ee Soom aaliya uu mid mid ula kulmayo masuuliyiinta Sooma alida.
Dhawaan waxaa hadal- heyn badan abuuray gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya 100 Cabdibile oo dowladda Imaaraa ka ay ka dejisay magaal ada Kismaayo, kuwaas oo la sheegay inay bilow u yihiin qorshe uu Imaaraadku saldhigga militeriga uga furanayo Soomaaliya, gaar ahaan qeybo ka mid ah Jubbal and.
Hoos ka eeg sawirrada kulanka Aadan Madoobe iyo Safiirka
Somalia oo qaaday tallaabo muhiim u ah ku biirista ururka AGOA ee Mareykanka iyo…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si ras mi ah u codsatay inay ku biirto AGOA, oo udub dhexaad u ah siyaasadda dhaqaalaha Mareykan ka iyo la-macaamilka ganacsiga ee Afrika. Soom aaliya ayaa rabta inay ku biirto 36 dal ee Afrik aanka ah, iyaga oo ka faa’iideysanaya sharciga kobaha iyo fursadaha Afrika ee AGOA.
Codsigan ayay dowladda Soomaaliya uga dhawaaqday intii lagu guda jiray xafladda codsiga AGOA ee Soomaaliya, taasi oo uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee xilka kasii degaya, Larry André oo isagu muujiyay sida ay Mareykanka uga go’an tahay ballaarinta iyo casriyeynta iskaashiga Afrika iyo Soomaaliya.
"Mareykanka waxa uu diirada saari doona la shaqeynta Soomaaliya iyo dadkeeda si loo helo xalal cusub oo lagu xaliyo caqabadaha cusub iyo kuwa mudada dheer soo jiray, loogana faa’ii deysto cilmi-baarista iyo teknoloojiyadda cusub iyo in la maal-gashado illo xooggan oo mustaqbalka fog ah iyada oo wax laga qabanayo baahiyaha deg-dega ah.”
Waxa uu intaas kusii daray "Siyaasadahani wa xay abuuri doonaan jawi xasiloon oo la saadaalin karo ganacsiyada si ay ugu shaqeeyaan waxayna gacan ka geystaan hubinta in kheyraadka loo ist icmaalo si hufan. Waxaas oo dhan iyadoo maska xda lagu hayo, safaaraddu waxay sharaf u tahay inay bixiso xiriirka u dhexeeya dowladda federaa lka Soo maaliya iyo wakiilka ganacsiga ee Mare ykanka.”
La-taliyaha sare ee madaxweynaha Jamhuuri ya dda ee arrimaha dhaqaalaha, Xasan Aadan Ho osow ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in AGOA uu sahlayo Afrika inay badeecadahooda u suuq geeyaan dalka Marey kanka, iyaga oo aan laga qaadeyn khidm an/canshuur (duty-free).
"Dadaalkii dheeraa ee ay dwladdu ku bixisay abuurka xiriir gaacsi ee aan dunida la yeelano ka dib, waxaan si rasmi ah u billowdnay hana anka ku biiritaanka heshiiska ganacsiga Afrika iyo Mar eykanka ee loo yaqaano Africa Growth and Oppo rtunity Act (AGOA),” ayuu yiri Xasan Aadan Hoo sow.
Waxa uu intaas sii raaciyay "Wada-hadalada u gogol xaaray horumarka arrintaan laga gaaray Dor raad waxay qyb ka ahaayeen mirihii laga soo hoy ay shirkii US-Africa Summit ee Washington ka dhacay December, 2022.”
AGOA ayaa tan iyo markii uu ansixiyay Con gress-ka Mareykanka 2000 waxay udub dhexaad u ahayd siyaasadda dhaqaalaha Mareykanka iyo la macaamilka ganacsi ee Afrika, waxayna Soo maaliya u sahli doontaa inay wax soo saarkeeda u dhoofiso suuqyada Mareykanka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa si ay u buux iso shuruudaha adag ee uqalmitaanka AGOA waa in ay horumar dheeraad ah ka samaysaa samaynta dhaqaale ku salaysan suuqa, ku dhaqanka shar ciga, siyaasadda kala duwanaa nsha a iyo xaqa nidaamka cadaaladeed.
Ciidanka Boliiska oo gacanta ku dhigay labo qof oo lagu eedeeyay inay dhac gaysan ayeen
Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa fgacanta ku dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudah degm ada Waaberi ee Gobalka Ban aadir.
Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubays naa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawal ka Mooto Baja ajka wax lagu dhacayay.
Booliska Gobobalka Ban aadir oo howgallo xaqii jinta ammaanka ah samee yay, ayaa gacanta ku dhigay xubnahaani. Waxaaana Taliska Qeybta gu ud ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horge ynayo caddaaladda lana marsiinayo waxa
sharcigu dhigayo.
Hey’adda Hormuud Salaam Foundation Oo Deeq Lacag Ah Gaarsiisay Xarunta Maamo Ugaaso.
Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq laca geed waxa ay gaarsiisay xarunta maama ugaaso oo lagu xanaaneeyo Caruur laga soo kala aruu riyay wadooyinka muqdosho kuwaasi oo ahaa darbijiif.
Deeqdaan oo isugu jirta lacag iyo timir ayaa hay’adu ugu talagashay in wax loogu qabto baah iyaha ka jira xarunta oo lagu daryeelo caruurta danyarta ah oo ku taala magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Ku xigeenka hay’adaHormuud Sal aam Foundation Raaxo Xuseen Xirsi oo ka had ashay munaasabada deeqda lacagta ayaa sheeg tay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xarunta maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan.
Siraad Maxamed Nuur MaamoUgaaso oo xana aneesa caruurtan ayaa kaga mahadcelisay hay’ad da Hormuud Salaam Foundation deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay iydoo tilmaamtay inay tahay hey’ada kaliya ee soo xasuusata marka la gaaro bisha barakeysan ee ramadaan.
Caruurta lagu haayo xarunta oo hada barta qu raanka ayaa uga mahadceliyay hormuud salaam foundation booqashada ay soo booqatay.
Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, gargaar isugu jira raashin iyo lacag waxaana ka faa’iideystay dad aad u farabadan.
Degaan ku yaalla Mudug oo la gubay iyo Al-shabaab oo lagu eedeeyey
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay iney Dorraad waaberigii soo weerareen Deegaanka Huld ooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan hubeysan ay dab qabadsiiyeen gur yo iyo dhismayaal ay leeyihiin dad shacab ah oo halkaas ku yaallay
Maamulka degaanka Bax do ee gobolka Galga duud iyo saraakiisha Booliska degaanka Bajelo ayaa Dorraad gaaray halkaas si ay u soo qiimeeyaan dhibaatada halkaas ka dhacday
Guddoomiye degaanka Baxdo iyo saraakiisha Booliska ayaa ku eedeeyey falkan iney ka dambe yso kooxda Al-shabaab.
"Waxaa halkan yimid maleeshiyo qabaail ay soo adeegsadeen kooxda khawaarijta Al-shabaab, waxayna gubeen guryo ay lahaayeen dadka deg aanka iyo hanti kale” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka.
Waxaa uu sheegay in ujeedada ay Al-Shabaab ka leedahay falkan ay tahay iney iska horkeenaan qabaa’ilka degaanka ee ku mideysan dagaalka ka dhan ah, isla markaana u carqaladeeyaan wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab looga saarayo dalka
Mucaaradka Somaliland oo soo dhaweeyay magacaabistii uu sameeyay Xasan Sheekh
Mucaaradka Somaliland ayaa soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Ma xamuud ee madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ugu magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaab ista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu mud do hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac. Guddoomiye Waraabe ayaa waxa uu sheegay in Ergayga uu madaxweyne Xasan Sheekh usoo magacaabay Somaliland uu wax badan ka soo shaeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan arrimaha bini’aadannimada.
"Cabdikariim Xuseen Guuleed waa nin aad saaxiib u nahay oo iskugu nimid wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waa nin qiimo leh oo Somaliland hore u yimid,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale waxa xusay in Cabdikariin Guuleed uu kaalin ku lahaa wada-hadalladii dhex-maray So omaaliya iyo Somaliland oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Jannaayo 19, 2014-kii.
"Wax badan oo heshiis ku aheyn wada-hadalladii ay nala galeen dowladdii Xasan Sheekh oo markii uu yimid Farmaajo la baabi’iyay ayaa dooneyna in aan ka wada-hadalno. Waa in wixii aan ku heshiinay iyo waxa wada qabsan karnaba marka hore ka wada-hadalno.”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.
Puntland oo dhaleeceysay magacaabidda ergayga arrimaha Somaliland
Puntland ayaa wax laga xum aado ku tilmaamtay maga caabidda ergayga arrimaha Somaliland ee uu magacaab ay madaxwe ynaha Soomaali ya, Xasan Sheikh Maxam uud.
Wasiirka warfaafinta Punla nd, Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qab tay ayaa ku tilmaamay maga caabidda ergayga So maliland arrin siya asadeed oo aan xilligeedii joo gin, laguna dulm inayo xuquu qda gobolada SSC.
Wasiirka warfaa finta Puntla nd wu xuu sheegay in madaxweynaha Soo maali ya looga fa dhiyo ma gaca abid da ergayga arrima ha bini’aadinimo ee dadka ku barakacay colaadda gobolka Sool.
"Dorraad waxaa u baahan in xuquuqdooda la ilaal iyo dadkii ku noolaa magaalada Laascaanood ee guryahoodii laga barakaciyay, oo in ka badan 80 ,000 ay Itoobiya u barakaceen oo ay geedaha ho os tooda ku jiraan, inaad u magacowdid ergay ga ar ah oo beesha caalamka kala shaqeeya isku du baridka gargaarka looo fidinayo dadkaas, si ay guryahoodii ugu noqdaan,” ayuu yiri wasiirku.
Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ayaa iska fo ge yay inay Puntland ku lug leedahay dagaalada Laascaanood. Wuxuu ku eedeeyay Somaliland inay ku qarinayso madaafiicda ay ku garaacayso goobaha shacabka ee Laascaa nood, sida uu hadalka u dhigay.
Firaaqa ku yimid dagaalka Al-Shabaab oo ay ka dhalatay saddex dhibaato oo weyn
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr bilood kahor sheegtay inuu dhamaaday wejigii koow aad ee dagaal ka kooxda Al-Shab aab, loo na diyaar-garoob ayo wej iga labaad.
Tani waxay dhashay in aanay dowladda daga allo qor sheysan qaadin, taas caksigeedana kooxda Al-Shabaab ayaa si weyn uga faa’iide ysatay.
Hakadka ku yimid howl-galadii dardarta ku socday ee dowladda federa alka iyo shacabka So omaaliyeed waxay Al-Shab aab ka faa’iiday sad dex arrimood, oo kala ah;
1. Lacag aruursi: Sida aan kasoo xiganay qaar ka mid ganacsatada Muqdisho tan iyo markii uu hakadka ku yimid weeraradii joogtada ahaa ee dowladda ku haysay Al-Shabaab waxaa bilowday in kooxda ay dib usoo cusbooneysiiso lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jirtay ganacsatada Muqdisho.
Mid kamid ah jihooyinkii laga naafeeyay koo xda Al-Shabaab ayuu dhaqaaluhu ahaa, laakiin fur sadan waxay kooxdu uga faa’iideysatay dhaqa ale aruursi xoog leh.
Xogaha dheeriga ah ee mawduucan la xiriira ayaa waxay sheegayaan inay kooxdu u hanjabtay ganacsato ka cago jiiday bixinta lacagaha, taas oo keentay inay ganacastada qaar ka cararaan mag aalada Muqdisho.
2. Aargoosi: Al-Shabaab waxay dileen dhowr qof oo kasoo jeeda beelaha uu dagaalku kala dha xeeyo muddooyinkii lasoo dhaafay. Fursada ay ka heleen dagaaladii cuslaa oo ka istaagay ayaa loo arka inay keentay in dadku isdhigtaan, iyaguna aargoosi sameeyaan.
3. Weeraro joogto ah: Kooxda Al-Shabaab waxay maalmo kahor weerar ku qaaday fadhiis imo ciid an oo ku yaalla duleedka magaalada Beledwe yne iyo deegaanka Baarsaguuni ee gobolada Hiir aan iyo Jubbada Hoose
Tan iyo markii dagaalada cuslaa laga joojiyay kooxda waxay Al-Shabaab weerar ku qaaday Gal cad, Janaay-Cabdalle, Ruun-Nirgood iyo goo bo kale, halkaas oo khasaarooyin badan ka dha she en. Inay kooxdu awoodo in weerar abaabulan ku qaado fadhiisimaha ciidanka dowladda Soomaal iya waxaa loo sababeeynayaa firaaqa ka dha shay ku mashquulka dowladda ee isku diyaarinta wej iga labaad ee dagaalka.
Intaan ka badan ma la sugi karaa Al-Shab aab?.
Dadka arrimaha amniga ku takhasusay wax ay sheegayaan in hab qaldan dowladda u wajah day kala wareega labada weji dagaal, taas oo dha shay firaaq faa’iido siiyay kooxda Al-Shabaab.
Intaan ka badan in aan la sugi karin oo ay tahay in dowladdu si uun u billowdo wejiga labaad ee daga alka ayaa kamid ah tallooyinka lasoo jeediyay.
Wararku waxay sheegayaan in dowladda feder aalka ah ee Soomaaliya ay ku jirto maalmihii uda mbeeyay ee diyaar-garowga wejiga labaad ee dag aalka, balse waxaa tallooyinka la bixiyay kamid ah in qeyb kamid ah shaqada dagaalka lasii wado, si loo dhimo fursadaha kooxda iyo dhibaatooyinka ay u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed iyo ciid anka dowladda.
Muxuu Cabdikariin Guuleed ka aaminsan yah ay Somaliland-ta looga dhigay ergayga?
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u maga caabay Ergayga arrimaha Somaliland.
"Cabdikariim Xuseen gu uleed ayaa khibrad wanaag san u leh arrimaha dib u he shiisiinta, xallinta khilaafaad ka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mar een wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaal iya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalila.
Madaxwynaha ayaa Cabdikariin Guuleed faray inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee ku saley san xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wad ahallada Soomaaliya iyo Somaliland.
Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa was iirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socd een wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.
Haddaba, Aan dul-istaago Cabdikariin Guuleed iyo waxa uu ka aaminsan yahay Somaliland-ta lo oga dhigay ergayga.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu aa minsan yahay in Somaliland looga garaabo tacadi gii iyo dhibaatadii ay u geysatay dowladdii kacaan ka, oo iyadu ku dhibaateysay awooddii qaranka, si da uu ka sheegay fagaarayaal dhowr ah.
"Qadiyada Somaliland waa qadiyad la xalin ka ro, dhinaca kalana qadiyad sida loo maleynayo aan u sahlaneyn oo u bahaan wada-hadal iyo xog-ogaalnimo xoog badan lagu xaliyo ayay i dhaxal-siisay, sidaas daraadeed waxaa isleeyahay qadi yadaas qofkii xalin lahaa in aan aaminsanahay ay aa ahay ee xog-ogaalnimo, dareen, aqoon iyo dad aqoon ku xalin lahaa in aan ahay ayaa aamins ahay,” ayuu Guuleed ku yiri wareysi uu bixiyay kal hore.
"Dadka reer Somaliland waa dad lagu tacadiy ay oo tacadigaas iyo dhibka gaaray ay tahay in lo oga garaabo. Cadow banaanka kasoo weeraray sidaas kama dhicin ee waa ciidankii qaranka, diyaaradihii qaranka, qofka daruuftaas iyo dadka meeshaas degan aan gaarin ma fahmi karo, aniga maalinta ay sidaas u burbursaneyd waa tagay oo waa joogay.”
Guuleed ayaa qaba in aan marnaba Somali land lagu go’doomin midnimo diidmada, ee laga shaqeeyo horumarkeeda, si lamid ah dalka inta kale ee dowladda federaalka ay masuuliyad uga saaran tahay, "Nabada, xasiloonida iyo horumarin ta Somaliland waxaa naga saaran masuuliyad si da dalka kale inta kale masuuliyad nooga saaran tahay.”
Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland oo isa gu ah nin xogagaal u ah wada-hadal dowladda fed eraalka iyo Somaliland iyo marxaladihii ay soo ma reen ayaa waxa uu dowladdii hore ku dhaliili jiray hanaanka ay u wajahday qadiyada Somaliland, oo uu sheegay inaysan wax isbedel ah ka sameyn meeshii ay soo gaarsiiyeen.
"Wada-hadaladii aan daadihinayay in guulo waaweyn laga garay oo guusha waxaa u horeysa kalsooni abuur, taasina waa abuurnay,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo Dorraad markale looga fadhiyo sii amba-qaadka geedi socodka wada-had alada muddada dheer hakadka ku jiray, maadama loo magacaabay ergayga arrimaha Somaliland.Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qa baan walaalaha Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.
Somaliland oo sheegasho cusub Dorraad ka soo saartay dagaaalka Laascaanood
Taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka milatariga Somaliland Genaral Faysal Cabdi Bootaan oo Do rraad shir jaraa’id ku qabtay duleedka mag aalada Laacsaanood ayaa si adag kaga hadlay dagaalkii Dorraad ka dhacay halkaasi.
Bootaan ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul lagu dhuftay ciidamada hu wanta oo uu tilmaamay inay markii hore weerar kusoo qaadeen fariisi ma ha ciidanka Somaliland.
"Tallaabada adag ayaa laga qaaday ciidanka huwanta ee weerarka soo qaaday ciidanka qaran kana waxay heegan u yihiin inay difaa caan kara amadooda, sharafkooda iyo jiritaanka Jamhuuriya dda Somaliland,” ayuu yiri Generaal Faysal Cabdi Bootaan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay, gaar ahaan xerada Goojacadde ay weli joogaan ciidanka milatariga Somaliland, na bad-gelyana ay tahay.
"Dorraad oo labada bisha afaraad ay tahay wa xa an caddeynayaa inaan taliskii Goojacadde joo gno in nabad-gelyo ay tahay inaanu nabad qab no,” ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray reer Som aliland, isaga oo ugu hambalyeeyay guul uu she egay inay dagaalka kasoo hoyeen ciidamadooda.
"Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu bishaareyneynaa in ciid anka qaranku guuleystay oo la jabiyay ciidanka huwanta iyo Puntland,” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhank eeda SSC ay guullo waa weyn ka sheegatay dag aalkii ay Dorraad ciidanka Somaliland kula gashay duleedka magaalada Laascaanood.
Si kastaba, dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada ku dho waad 300 oo qof iyo dhaawaca in ka badan kun qof iyo sidoo kale waxaa ku bara kacay boqolaal kun oo ku noolaa halkaas.
Mucaaradka Kenya oo joojiyay dibadbaxy adii Isniintan, ka dib baaqii Madaxweyne Ruto
Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odi nga ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen diba dba xyadii ballaarnaa ee Isni inta Dorraad la filayay in ay ka dhacaan dalkaasi.
Hoggaamiyaha oo gelinkii dambe ee Axaddii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa sheegay inaanay Dorra ad dalka ka qaban do onin dibadbaxyadii uu she egay in maalin kasta oo Isniin ka samayn doonaan dalkaasi.
Odinga ayaa 20-kii bishii hore ee March dalk aasi ka bilaabay dibadbaxyo uu sheegay in ay ka ga soo horjeedaan sicir bararka ku sii baahaya dal ka iyo weliba wax is daba-marin uu sheegay in la gu sameeyay doorashadii madaxtinimada ee san adkii hore lagu soo doortay Madaxweyne Will iam Ruto.
Hadalka Odinga ayaa imaanaya, ka dib markii Madaxweynaha Kenya, William Ruto uu ugu baaq ay in uu joojiyo dibadbaxyada ballaaran, ee ay qor sheeyeen Dorraad.Madaxweynaha oo si toos ah shacabka uga la hadlayay Telefishinka Qaranka ayaa ogolaaday in uu soo dhaweeyo mid ka mid ah dalabyadii mucaaradka."Waxaan rajeynaya in cabashada mucaaradka ee khaladaadka doora shada lagu xalin karo Baarlamaanka iyo koox laba dhinac ah, si ay si wadajir ah wax uga qabtaan waxa mucaaradku ka cabanayo.” Ayuu yiri Ma daxweyne Ruto.
Ruto ayaa tilmaamay in mudaaharaadyadu ay sumcad xumeynayaan muuqaalka Kenya, isla-mar kaana uu aad u saameeyay dhaqaalihii dalka, xilli dowladdiisu ay ku dadaaleyso, sidii dhaqaalaha uga soo saari laheyd godka dheer ee sida uu sheegay ay ugu yimaadeen.
Marka laga soo taggo in dibadbaxyadan ay saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha dalkaasi ayaa haddana inta la ogyahay waxaa ku dhintay saddex qof, iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, halka booliskuna ay boqolaal qof u soo xir xireen.
dhawaad 270 xubnood oo ka tirsan urur dii meedka Uganda oo galay Itoobiya
Degmada Angatom oo ka tirsan gobolka K/ Omo ee dalka Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha ay abaaruhu saameeyeen ee dalka Itoobiya, waxa ana la sheegay in dhowr neef oo xoolo ah ay ku dhinteen dad kalena ay ku barakaceen dhawaan.
Mas’uul ka tirsan maamulka ismaamulka Shucuubta Koon fureed ee dalka Itoobiya ayaa Dorraad oo Jimce ah xaqii jiyay in boqolaal ka tirsan Masiixiyiinta Uganda ay soo gaareen gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaalku wuxuu mee sha ka saaray wararka sheegaya inay u cararay aan si ay uga baxsadaan dhammaadka adduunka.
"Xujaajta diinta ee Uganda uma aysan imaan Itoo biya si ay uga baxsadaan qiyaamaha. Tani waa xog qaldan,” guddoomiye ku xigeenka degmada Yangatom, Mr Lokinganiga Murle, ayaa u sheegay BBC-da maxaliga ah ee Amxaariga.
"Waxay halkan u joogaan [degmada Yangat om] si ay u booqdaan aagga oo ay u gudbiyaan fa riinta laga soo diray kaniisaddooda,” ayuu raac iyay.
Hadalka mas’uulkan ayaa ka hor imaanaya war ay horay u soo saartay dowladda Itoobiya.
Mr. Meles Alem, afhayeenka wasaaradda arrima ha dibadda ayaa Khamiistii u sheegay suxufiyiinta in boqollaal qof oo Uganda u dhashay ay soo gal een Itoobiya iyagoo sii maray koonfurta Itoobiya, isagoo sheegay in dhammaadka adduunku uu soo dhow yahay, Itoobiyana ay tahay meesha keliya ee ammaan ah oo looga baxsan karo
Yar dhalinyaro ah oo is daldalay iyo Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya
Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Habeen hore wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Ma xamed Jeesow isku daldalay gurigooda oo kuyaalla xaa fada Howl-wadaag.
Ehelada wiilkan ayaa shee gay in Habeen ho re xilli la doonayay in loo kiciyo suxuur la arkay is aga oo meyd ah isna daldalay, waxa ayna shee geen in wiilkan aysan ku ogeyn xanuun dhinaca maskaxka ah in uu xarig qoorta gashtay iskuna dilay.
Wali lama oga waxa wiilkan dhallinyarada ah ku sababay in uu is dhaafiyo noloshiisa, waxa ay na eheladiisa sheegeen in aysan ku ogeyn wax dhibaato ah uuna salaada taraawiixda Habeen hore soo dukaday.Soomaaliya waxaa muddooyin kan dambe kusoo badanaya dadka is daldalaya, waxaana dhaqankan is daldalaada ah uu yahay mid aan looga baran dadka Islaamka ah lagana soo min guuriyay dad aan muslim aheyn
Suella Braverman oo awoodi wayday inay xaqiijiso in duullimaadyadii ugu horreeyay ee la ballanqaaday ee lagu masaafurinayo Rwanda
Suella Braverman waxay awoodi wayday inay xaqiijiso in duulimaadyadii masaafurinta ee ugu ho reeyay ee Rwanda ay kici doonaan xagaagan, iy adoo siyaasada muranka badan dhalisay ay sii socoto eegisteeda maxkamada ha.
Xoghayaha arrimaha gudaha, oo mas’uuliyiinteedu ay ka warb ixiyeen in qorshaha uu ku socdo safarkii ay ku tagtay dalka Afrika bishii hore, ayaa hoos u dhigtay rajada laga qabo in duullimaadyadu ay dhacaan waqti yar.
"Waxaan sameyneynaa horumar joogto ah,” ay ay u sheegtay Sky’s Sophy Ridge Axadii. "Ma bixin doono waqti kama dambays ah oo ku saabsan goor ta ay duullimaadyadu kici doonaan.”
Waxaa weli jira caqabado dhanka sharciga ah oo hortaagan in dowladdu ay dhaqangeliso heshiiskee da ah in la xiro oo si degdeg ah looga saaro dhamm aan dadka ku imaanaya si aan caadi ahayn, iyadoo caqabadaha ay soo maraan maxkamadaha.Si kas taba ha ahaatee, ilo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Gud aha ayaa u sheegay warfidiyeenka "waxaan dhab ahaantii ka shaqaynaynaa sidii aanu duullimaadyadu u kicin lahayn ka hor xagaaga”. Dhowr hay’adood oo warbaahin ah ayaa taas u fasirtay in ay tahay ballan ah in dadka nidaamka hoos yimaada laga saaro.
Braverman sidoo kale ma uusan awoodin inuu sheego goorta la gaarsiin doono qorshaha dowladda ee ah "joojinta doomaha” ee keenaya dadka ka gud ba kanaalka. "Ma dhigi doono taariikho, laakiin sharc iyadu waa cad yihiin: haddii aad halkan ku timaaddo si sharci darro ah, waa lagu hayn doonaa,” ayay tidhi.
Xoghayaha kor u qaadista hadhka, Lisa Nandy, ayaa sheegtay in xeeladaha dawladda ee wax ka qabashada socdaalka aan caadiga ahayn ay guul-darreeyeen oo ay malaayiin gini ku dartay kharasha adka lagu hagaajinayo nidaamka magangalyada – iyo in Braverman uu qaato mas’uuliyadda.
"Waxay ka cabanaysaa nidaamka magangalyada oo jabay. Waxaan u malaynayaa inay runtii u baahan tahay inay waydiiso cidda jabisay, jawaabteeduna be entaas waa iyadoo muraayadda eegaysa,” ayay u sheegtay barnaamijka Axadda ee BBC-da ee barna amijka Laura Kuenssberg.
"Waxay ila tahay in tani ay tahay khiyaamo lagu sameeyay dadka Ingiriiska. Dawladdu kama baaraan degto dacwadaha magangalyada. Waxay leeyihiin dib u dhac weyn
"Waxay ku kordhiyeen £ 500m kharashaadka sab abtoo ah dib u dhacyadan ay sababeen iyaga oo raacaya dhammaan xeeladahan cusub: maraakiibta aan jirin, waxay sheeganayaan inay u diraan dadka Rwanda oo aan dhicin. Waxa aynu u baahanahay waa dawlad gacanta ku haysa nidaamka.”
Braverman waxay diiday in ay xaqiijiso wararka sheegaya in wasiiradu ay ku dhowaayeen inay heshiis la saxeexdaan ma amulka dekeda Portland ee ku saabsan hoyga sabbaynaya qaxootiga, iyadoo sheeg tay inay eegaysay "dhammaan noocyada dhulka iyo goobaha iyo maraakiibta” hoy.Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah ilo ayaa u xaqiijiyay Guardian in Bibby Stockholm, markab ku soo dhacay xeebta Dorset, ay dawladdu u isticmaali doonto in lagu dejiyo qaxootiga laga bilaabo Juun.
Xoghayaha arrimaha gudaha ayaa yiri: "Waxaan hiigsaneynaa inaan si deg deg ah u furno goobahan oo aan bilowno inaan ka dhigno kuwo ku habboon ujeedooyinka hoyga oo aan dadka u rarino goo ba haas ujeedooyin magangalyo. "Laakiin waxaan eeg eynaa dhammaan xulashooyinka. Waxaan eegaynaa dhammaan noocyada dhulka iyo goobaha iyo mara akiibta waxaanan wadahadal kula jirnaa tiro badan oo ka mid ah hawl-wadeennada dalka
Dowlada Ingariiska oo Talabaan kala hadleysa 3 sargaal oo xiran
Dowladda Britain ayaa shaacisay in wada xaaj ood la furtay maamulka Taalibaan ee haya talada dalka Afganistan, kaddib markii kooxdaasi xabsiga dhigeen saddex nin oo u dhashay dalka Britain.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Suella Braver man ayaa Dorraad oo Axad ah shaaciyay in wadaha dal la fureen kooxda Taalibaan ee maamusha Afgan istan, si ay u badbaadiyaan nolosha muwaadiniin Bri tish ah oo gacanta ugu jira kooxdaasi.
Waxa uu sheegay wasiirka in ay ka shaqeenaya an bad-qabka mu waadiniintoona gacanta Taaliba an ku jira, waxa uuna xusay in ay sameenayaan deda alo badan si ay xiriir ula sameeyaan muwaadiniin tooda xiran.
Muwaadiniinta Britain u dhalatay ee gacanta ugu jira kooxda Taalibaan ayaa labo kamid ah waxa ay u xiran yihiin kooxdaasi ilaa bishii Janaayo, halka mid ka kale aan wali la ogeyn inta kooxdaasi gacanta ugu jira.
Bangiga Adduunka Oo Ka Walaacsan Dey maha Uu Shiinaha Siinayo Afrika
Gudoomiyaha Bangiga Adduunka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay qaar kamid ah dey maha waddanka Shii naha uu ku bixinay ay horumarinta dha qaalaha Afrika.
David Malpass ayaa sheegay in shuruudaha lagu xirayo daymahaas ay yihiin inay noqdaan kuwo "aad loo daah-furo”.
Hadalka waxa uu imanayaa xilli uu jiro walaac laga qabo in dalal ay kamid yihiin Ghana iyo Zambia ay la daalaa dhacayaan sidii ay isaga bixin lahaayeen deymaha ay ka qaateen Beijing.
Shiinaha ayaa sheegay in deynkasta ee uu bixiyo ee noocaas ah loo maro xeerarka caalamiga ah.
Dalalka soo koraya ayaa badanaa waxay lacag ka soo amaahdaan wadammo kale ama hay’adaha waa wayn si ay u maalgeliyaan waaxaha dhaqaalahooda kobcin doona sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbar ashada iyo beeraha.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, kaddib markii san nadkii la soo dhaafay uu Mareykanka iyo dalalka kale ee uu dhaqaalahoodu buuranyahay ay sare u qaad een heerka lacagaha dulsaarka ah ayaa taasi waxa ay dib u bixinta amaahda ka dhigtay mid aad qaali u ah, sababtoo ah lacago badan oo amaah ah ayaa la gu qaatay lacago qalaad sida doolarka Mareykanka iyo lacagta Euros.Taasi waxa ay dhibaato gaar ah oo wayn ku tahay wadammada dhaqaalahoodu uu soo korayo ee ay ku adkaan karto inay helaan lacago dheeraad ah ee ay u baahanyihiin maadaama qiimaha lacagtoodu ay hoos u dhacdo.
Waa "laba jibaaran yahay waxayna taasi ka dhigantahay in kobaca dhaqaalaha uu noqon doono mid gaabis ah”, ayuu yiri Mr Malpass.
Militariga Somaliland oo ku dhowaaqay dagaal cusub
Milateriga Somaliland ayaa markale sheegay inuu qaadayo tallaabooyin milater oo horleh, kadib dag aalkii Dorraad magaalada Laascaanood ku dhexm aray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.
Somaliland oo hore u iclaamisay inay qaadeyso dagaal qorsheysan ayaa waxay markaan sheegtay inay dharbaaxo kulul ku dhufan doonto ciidanka huw anta ee isgarbasanaya, sida uu warbaahinta afka xuk uumadda ku hadasha u sheegay Jeneraal Faysal Cabdi Bootaan.
Taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka milatariga So maliland ayaa waxa uu yiri "Ciidanka qaranku howl-galadiisii dagaal wuu sii laban laabayaa, talaabo lama ilaawaan ah ayay ka qaadi doonaan huwanta.”
"Niman soo duulay iyo argagixiso kusoo dhex dhu untay iyo maamulka Puntland oo hadeer cadeysta yba ayaa howsha dagaalka keenay,” ayuu yiri Jener aal Bootaan oo sheegay in Somaliland aysan dhiba ato ku aheyn dadka reer Laascaanood.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay Dorraad, gaar ahaan xerada Go oja-cadde ay weli joogaan ciidanka milatariga Somal iland, nabad-gelyana ay tahay, ayna ka guuleysteen huwantii dagaalka kula jirtay, sida uu sheegay.
Dagaalka Laascaanood ayaa sii xoogeysanaya xilli uu Mareykanka soo saaray digniintii ugu cusleyd ee dagaalkan u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaa lka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’ uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidam adeeda kala soo baxdo magaalada.
"Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaa csan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaaf adeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.
Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhib aatada bani’aadannimo ee hadda jirta.
"Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidama deeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa ku doo deysa in labadii bilood ee dagaalka socdo ay ciidam adeedu ku jireen weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin, ayna ku koobneed is-difaac, balse hadda kad ib aysan sii ahaan karin oo ay qaadeyso weeraro qorsheysan.
Haween timahooda qaawan dartood madaxa looga shubay caano garoor oo la xiray
Labo haween ayaa lagu xiray dalka Iiraan kaddib markii lagu weeraray caano garoor, sababo la xiriira inaysan xiran xijaab.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa laga arki karaa labo haween oo ku sugan dukaan markaasoo uu weeraray nin. Wuxuu bilaabay inuu la hadlo kaddibna wuxuu la soo baxay dhalo caano garoor ay ku jiraan kadibna madaxa uga shubay.
Waaxda caddaaladda Iiraan ayaa sheegtay in labada haween loo xiray sababo la xiriira inay timahooda qaawiyeen, taasoo dembi ka ah dalkaas Iiraa.
Arrintan ayaa imaaneysa bilooyin kaddib markii dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo ruxay IIraan oo lagu dalbanayay soo afjaridda in haweenka lagu qasbo xirashada xijaabka.
Ninkan ayaa isna la xiray sababo la xiriira inuu dad ku dhibaateeyay meel shaac ah
Duufaan dad ku dishay dalka Maraykanka.
Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay duufaan xoog gan oo saameysay maga alooyin ku yaalla koofurta iyo galbeedka dalka Mar eykan ka. Guryo ayaa ku bu rburay kum annaan kal ena koronto la’aan ayay noq otay kaddib markii duuf aanta ay burbur ka sababtay
dhowr magaalo. Sida laga soo xigtay Washington Post, in ka badan 60 warar oo du ufaanta ku saabsan ayaa la soo weriyay. Gobollada sida Arkansas, Tennessee, Illinois, Ind iana, Alaba ma iyo Mississippi ayaa laga soo sheegay khasaare ay duufaanta geysatay.
Suxuufiyiin Faransiis ah oo laga ceyriyay Dalka Burkina Fas
Maamulka Dalka Burkina Faso ayaa ceyrisay laba weriye oo Faransiiska ,isla markaana u shaqeyn aayey wargeysyada Le Monde iyo Liberation.
Labada wargeys ayaa ku eedeeyay mas’uuliy iinta dalkaas inay doonayaan inay cabburiyaan xor riyadda hadalka, xilli la tilmaamay in ay sii kordhay aan cadaadiska lagu hayo warbaahinta dibadda.
Agnès Faivre iyo Le Monde’s Sophie Douce ayaa jimcihii lagu wargaliyay ceyrintooda.,kadib markii ay u yeereen ciidamada dalkaasi si loo weydiiyo su’aallo khuseeyay labadaasi wariye. Xiriirka u dhexeeya Par is iyo Ouagadougou ayaa aad u xumaaday tan iyo markii militariga Burkina Faso ay awoodda kula war eegeen afgambi bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
Bishii Maarso, dawladda militariga Burkina Faso waxay laashay heshiis 1961 ay la gashay Faransiis ka oo ku saabsanaa kaalmada milatari,waxaana sidoo kale la hakiyay baahinta raadiyaha iyo telefishanka Faransiiska ee RFI ee France 24.
ARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}
WAA KU CELISBOG DARUUSTA RAMADAAN AxkaamtaSoonka ‐22‐
Waxaana u daliil ah xadiiskan hoos ku qoran oo ah qiso dhacday xilligii nabiga (s.c.w) Abuh ureyre (r.c) waxaa laga war inayaa inuu yiri: nin baa nabiga (s.c.w) u yi mid wuxuuna yiri: waan halaagsamay ra suulkii all ow!, wuxuu yiri –
Nabiga: maxaa ku halaa gay ? – Ninkii: xaas keygi ayaan ku dhacay ramadaan dhexdiisa.
- Nabiga: ma heli kartaa wax aad qoor (addo on) ku xoreyso? –Ninkii: maya - Nabiga: ma aw ood daa in aad so onto laba bilood oo is raac-raacsan (xidhiidh ah). – Ninkii: maya ! -Nabiga: ma heli kartaa waxa ad ku quudiso lixdan misk iin ?
- Ninkii: maya !. Kadib wuu fadhiistay waxaana loo keenay nabiga (s.c.w) danbiil ay timir kujirto, wuxuu na yiri – Nabiga: kan (danbiisha timirta ah) sadaqa yso. - Ninkii: ma cid annaga naga faqiirsan !?
Kuma sugno (makka) labadeeda shiilood reer annaga nooga baahi badan.
- Nabiga: wuu qoslay (s.c.w) illaa ay soo baxa an mi ciyihiisa, kadib wuxuu yiri: orod oo reerk aada quudi. [mutafaq]. Runtii waa arrin mudan in la isa ga jiro, maxaa yeelay waa arrin ku dha xalsiin wixii aad hal maalin ka adkaysan wayday in lugugu gan aaxo lix dan maalmood inaad ka adkaysato. Wax aa ubanaan ninka sooman in uu xaaskiisa la same eyo wixii aan galma ah ayn, waa haddii uu yahay nin weyn oo aan dhal inyaro ahayn, ama uu yahay nin iska adag oo is hanan kara .
عن عائشة رضي الله عنها قالت: (كان النبي صلى الله عليه وسلم يقبل ويباشر وهو صائم وكان أملككم لإربه). (متفق عليه.
AxkaamtaSoonka‐23‐
(Caaisho (r.c) waxaa laga warinayaa inay tiri: nab iaga (s.c.w) wuxuu ahaan jiray mid dhun kada oo taa taabta isagoo sooman, wuxuuna ah aa kiinna ugu ha nan og xubinkiisa ). Ibnu caba as (r.c) wuxuu yiri: ( رخص للكبير الصائم في المباشرة وكره للشاب ) (أحمد) ( Taa-taabashada waa loo, ogolaaday ruuxa weyn ee sooman, midka dhalinyarada ahna waa loo kohda). Sid ookale ruuxii uu waaga ku baryo isagoo ja naa bo qaba, soonkiisa wuu sii wadanayaa wax dhib ahna malaha . Naafic waxaa laga warina yaa inuu yiri:-
waxaan su’aalay ummu salama, nin uu waa ga ka baryi isagoo janaaba qaba (islamarkaa na) doonaya inuu soomo?, waxay tiri:-
(كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يصبح جنبا من الوقاع لا من احتلام، ثم يغتسل ويتم صومه) (متفق عليه).
(Rasuulkii ALLE (s.c.w) wuxuu ahaan jirey mid wa abariista isagoo janaaba qaba, ooy xaas la kulmid (galmo) xaggeed ka ahaatay, ee aan ay riyo xaggeed ka ahaanin,ka dib wuu qabays an jirey, soonkiisana wuu dhamaystiran jirey ).
[mutafaq].Ø Jabiyaha afaraad ee soonka waa: Biyo dajin uu ruuxa sooman sababteeda leeya hay sida: taa-taabasho ama iska keenid i.w.m waxaana ku wa ajibaya inuu maalintiisaa afhay sto soona qalleeyo so onka maalintaa ka jabay, haddiise ay minida ka tim aado isagoo jiifa ama fikiraya soonka kama jabinayso waxaana udaliil ah:-Abu hurayrah (r.c) wuxuu rasuul ka (s.c.w) ka warinayaa: (... يترك طعامه وشرابه وشهوته من أجلي...) (متفق عليه)
AxkaamtaSoonka‐24‐
(…. wuxuu ka tagi (ruuxa sooman) cuntadii sa iyo cabitaankiisa iyo shahwadiisa aniga dar aaddeey….) . Ø Jabiyaha shanaad ee soonka waa: Dhiigga xayd ka ee dumarka ku imaada bi shiiba hal mar Abii sac iid al-khudri wuxuu yidhi rasuulka isagoo ka war amaya nuqsaanta diinto oda:
(أليست إذا حاضت المرأة لم تصل ولم تصم) (متفق عليه) ( Miyayna ahayn markay hesho xayd hawee nayda mid aan tukanaynin oonan soomaynin) .Ø Jabiyaha lixaad ee soonka waa :Dhiigga dha lmada, imaanshaha dhiiggan wu xuu noqon ka raa hal mar oo kali ah, ama wux uu socon karaa toban bari illaa afartan, sida ba dan mudada uu socdaa waa afartan bari, had daba gabadha mu slimadda ah waa iney la soc oto xilliga uu dhiig ga ka istaago, si ay cibaad ada isugu diyaariso. Ø Jabiyaha todobaad ee soonka waa: Waalli ama miyir daboolmid maa linta soonka oo idil, hadii ruuxa sooman maalin ramadaan ah uu wa asho, soonkiisa wuu jaba yaa.
Cali (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) ka warinaya inuu yiri: (رفع القلم عن ثلاثة:: عن النائم فتى يستيقظ، وعن الصبي حتى يحتلم، وعن المجنون حتى يعقل) (تقدم تخريجه
AxkaamtaSoonka‐25‐
(Saddex xaggooda qalinka waa lag koryee lay: ru uxa jiifa illaa uu soo tooso, iyo ilmaha yar illaa uu qaa ngaadho iyo midka waalan illaa uu wax garto (miyirs ado) Ø Jabiyaha sagaalaad ee soonka waa: Ruuxii soomanaa oo si ula kac ah u niyooda inuu afuro wax aana u daliil ah xadi iska caanka ah ee cumar binul khadaab (r.c) uu warinayo: (إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى...) (متفق عليه) ( Acmaasha (waxay un ku ansaxdaa ama ku dhamaystirantaa) niyo oyinka, ruux walbana wuxuu niyooday un baa u sugnaa day).
Haddaba ruuxii niyooda inuu afuro soonkiisa wuu jabayaa. Waxyaalaha aan dhibka lahayn soonka dhe xdiisa waxaa kamid ah: in la caday do (rumaydo) nis ka danbe ee maalinnimada ra madaanka, iyo sidoo kale in la qabaysto iyo in la isticmaalo cadar iyo barf uun . 11. Arkaanta Soonka Arkaanta soonka (tiirasha uu soonka ku taaganayahay) waa laba tiir oo kala ah:
1. In laniyoodo soonka.
2. In laga joogsado waxyaabaha ruuxa sooman ka afuriya.
1. Rukniga Koobaad Ee Soonka Waa: In laniyo odo soonka, maxaayeelay camalkasta niyada ayuu ku dhisanyahay, camal aan la niyoonina ma asaxayo ama waa naaqis, meesha wax laga niyoodana waa Qalbiga, loomana baahno in niy ada afka lagaga hadlo.
AxkaamtaSoonka‐26‐
Niyada waxaa udaliil ah xadiiskii cumar (r.c): (إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى...) (متفق عليه) ( Acmaasha (waxay un ku asaxdaa ama ku dhama ystirantaa) niyooyinka, ruux walbana wuxuu niyooday un baa u sugnaaday).
Hadaba soonka waajibka ah xilliga laniyoon ka ro waa Laga bilaabo wakhtiga salaadda maqrib illaa wa khtiga salaadda subax. Ruuxii aan niy oo nin habeeni mada soonka bisha ramadaan soon uma jiro maalin taa, umana banaana inuu wax cuno ama cabbo, ee wuu af haysanayaa waana inuu soo qalleeyo soonkii niyad la’aanta uu so omay, waana waajib in habeen ka niyada labar iiyo.
Haddii aad suxuurato adigoo doonaya inaad barri soonto niyadii way kuu dhantahay, suxuur ta aad u soo kacday adigoo soon doonaya wax ay ka turju maysaa niyadii soonka.
Waakan xadiiska nabiga (s.c.w) oo inoo cad day naya waajibn imadka in la niyoodo soonka waabariga kahor: Xafsah (oo ka mid ah hoyoyin ka mu’miniinta) waxay nabiga (s.c.w) ka warinay saa inuu yiri: (من لم يجمع الصيام قبل الفجر فلا صيام له) (صحيح، أخرجه: الخمسة، واللفظ للترمذي) 1.(Ruuxii aan kulminin (a an niyoonin) soonka waabariga kahor, soon um ajiro).
2.Rukniga Labaad Ee Soonka Waa: In laga jo ogsado (la iska ilaaliyo) waxyaabaha soonka ja biya, ee aan horay usoo sheegnay.
AxkaamtaSoonka‐27‐
12.
Waxyaabaha Sunada Ah Soonka Dhexdii sa
Sunooyinka soonka aad ayey ufara badan yihiin waxaana kamid ah: ü In afurka la dadaji yo. ü In timir lugu afuro.üIn la suxuurto suxuur tana dib loo dhigo.ü Quraanka oo akhrintiisa la badiyo. üSadaqada oo lu gu dadaalo. ü In dad ka sooman la afursiiyo. ü Habe enkii oo latukado taraawiixda ama tahajudka. ü Mas aajidka oo lu gu nagaado (ictikaafka) i.w.m.
Daliilka


0 


HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 3-DA ABRIIL 2023-KA N
...