HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 2-DA ABRIIL 2023-KAA-

0
Sunday April 02, 2023 - 08:36:37 in Wararka by
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 2-DA ABRIIL 2023-KAA-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay MW hore ee Hirshabeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad u magacaabay Maxamed Cabdi Waare erg ayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaa llada.

Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siin aya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka sha cabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga saarayo Al-shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidam ada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasill inta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dar daarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ila alinta Arrimaha Rayidka Maxamed Cabdi Waa re in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qar an si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Waare isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xore ey ey Shabaab una heli lahaayeen maamul, xa sillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Do wl adda Isutagga Imaaraad ka Carabta Mudane Ahm ed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ay aa ka wada hadlay xo ojinta xiriirka iyo iska ashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Safiirka Dowladda Isuta gga Imaaraadka Car abta Md. Ahmed Jumah Alro maith ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeen ka dalka soo dhaweynta loo sameeyay.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka dalbaday dowladda Imaaraadka Carab ta inay laba jibaarto taagerada ay siiso Dowla dda Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo magacaa bay ergayga arrimaha Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aa u magacaabay Mudane Cabdikariim Xuse en Guuleed Ergayga arimaha Somaliland. Mad axweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Do wlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiij inta midnimada iyo wa dajirka shacabka Soom aal iyeed, si taas loo gaar ana ay u baahan tahay talo wad aag, is dhage ysi, wada had al iyo in xal wa ara laga gaa ro tabashooyin ka jira ee ay qabaan walaa laheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshii siinta, xallinta khilaafaad ka iyo marxaladihii ka la duwanaa oo ay soo mar een wadahada llada Dowlad Federa alka Soom aaliya iyo Somal il and.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda sa aro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadall ada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Som ali land, isagoo qaadanayaa doorkiisa hogga amine ed ee ku saleysan xal u helidda caqab adaha ku gedaaman wadahallada.

Ra’iisul Wasaare Xamse "Waxaan rajeyney naa Soomaaliya oo ka xarowday deyn, Al-shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee AMISOM loo beddelay ATMIS, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aadden nabadeynta iyo xasillinta Soo maaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayey horum arka laga gaaray dagaalka dalka looga xorey nayo kooxaha Khawaarijta ah, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ku guuleystay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo muhiim ah, kuwaas oo hadda xor ah, dowladduna ay ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

"Waxaan rajeyneynaa in aan aragno So omaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni da rro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyin keenna istiraatijiga ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Was aare Xamse.

Xukuumadda DanQaran oo dagaalka Argagixis ada ku wajahday dagaal saddex Jiho ah oo muhiim ah, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay horseedday jab-xoog leh. Waxa uu intaa raaciyay in waddamada dariska ah ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan how lgalka ciribtirka Khawa arijta.

Ra’iisul Wasaare Xa mse Cabdi Barre ayaa tilm aamay in Xukuum addiisu ay sii wadi doonto wa da-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada Caalamka, si loo xaqiijiyo Sooma aliya horumar iyo xasillooni ku naaloota.

Ra’isal wasaare Hamza Abdi Barre oo Abdiw ali Ibrhaim Aden "Garyare " u magacaabay Maareeye ku xigeenka Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka

Ra’isal wasaare Hamza Abdi Barre oo Abdi wali Ibrhaim Aden "Garyare " u magacaabay Ma areeye ku xigeenka Guud ee Hay’adda Duulis ta Rayidka. Maga caabista Abd iwalai ga ryare ayaa kuso aad eyso xili Loo baahan yahay in isbadal laga sameeyo guud ahaan hay’adda Duulista Rayadka soomaaliyeed maa dama ay noqotay meel fadhiid ah.

Sikastaba ha ahaate waxaa hada maareeye ka ah Ahmed Moalim oo magac ahaan ku ma gacaaban balse wax la taaban karo oo shaqo ah kama qaban hay’adda inkastoo la xasuusto in xiliga Maareeye Yusuf Jaale lala soo war eegay guud ahaan Maamulka Hawada Sooma aliya hase ahaate 2019 wixi ka danbeeyey hay ’adda ayaa meelna u dhaqaaqin taasi ayaa sab abi karta in dhawaan loo magacaabo Maareeye cusub.Xigasho:Dayniile.Com

Dagaal ka dhacay Magaalada Laas-Caanood & Somaliland oo ka hadashay

Dagaal xoogan ayaa Dorraad markale waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Laas-Caano od ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxe eyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka dib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaq aaqyo ka waday duleedka Bari ee Magaalada Laas-Caanood ay is heleen kuwa degaanka ee SSC, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Somaliland fariisimaha qaar ay is aga baxeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo markii hore ka billaawday dhinaca bari ee Magaalada Laas-Caanood uu ku fiday degaano kale, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Somaliland oo looga hadlay dagaalka ayaa wa xaa lagu yiri” Ciidanka Somaliland, ayaa fa shi liyey isku day weerar oo ay soo qaadeen koo xaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka Dorraad waxa uu Ciid an ka Qaranku ka soo hooyay guullo waawayn.

" Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xab bad joojintii ay hore ugu dhawaaqday, Ciidanka Somaliland wuxuu mar kasta ka dha wrsanayaa dhibaato soo gaarta Magaalada La ascaanood, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid wa lba xasuu sinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo

dhulka Soomaaliland.

Aabe iyo 7-carruurtiisa ah oo ciil dartiis ugu wada biiray ciidanka DF Soomaaliya

Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, waa aabbaha 7 dhalinyaro ah oo 5 kamid ah ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya, halka labada kalena ay ku bexeen gacanta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Labada wiil ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Jaamac Maxamuud Ceyrow iyo Faarax Maxamuud Ceyrow waxay kamid ahaayeen ciidamada militariga Soomaliya, dabayaaqadii sanadkii tegay ayaa lagu dilay Muqdisho.

G/Sare Maxamuud Ceyrow iyo afar dhalinyaro ah oo uu dhalay ayaa hadda ka tirsan ciidanka dowladda ee Al-Shabaab ka xoreynaya dalka, waxayna ku sugan yihiin degmada Xarardhere ee gobolka Mudug oo dhowaan ay dowladdu ka xoreysay Al-Shabaab.

Aabahaan iyo afar ka mid ah dhashiisa ayaa ka mid ahaa ciidankii xoreeyey Xarardheere, halka kan kale uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuba ka tirsan yahay ilaalada xarunta baarlamanka ee Galmudug.

Waa saddex gabdhood iyo labo wiil, marka lagu daro Faarax iyo Jaamac oo la dilay, sidaas ayey ku noqonayaan toddoba. Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay ku suuragashay in reerkan oo dhan ay noqdaan ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sababaha ku kaliftay.

Gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, ayaa la weydiiyey su’aashaas wuxuuna ku jawaabay, "Xilli aan ku nooleyn Xarardheere aniga iyo ilmaha aan dhalay ayey Al-Shabaab soo galeen degmada, aniga waxaan aad u diiddanaa aragtidooda, waxay iigu baaqeen in aan iyaga ku biiro waana ka diiday, xilligaasi aniga oo haysta ciidan aan badneyn ayaan Al-Shabaab dagaal culus la galnay, markaas wixii ka dambeeyay magaalada ayaan isaga soo baxay.”

G/Sare Ceyrow ayaa intaas ku sii daray, "Ilmahayga kuma aanan qasbin in ay askar noqdaan, balse iyaga ayaa door biday in ay iga barbar dagaallamaan intii ay gumeysi ku noolaan lahaayeen.”

Sidoo kale sarkaalkaan wuxuu ka hadlay sida uu u arko in carruurtiisa ay ka barbar dagaallamaan, "Waxaan ku faraxsanahay in ilmahayga ay diyaar u yihiin xoreynta deegannada dalka, ma jiro hal cunug oo aan dhalay oo dhahaya waxan ku noolanayaa meel ay joogaan Al-shabaab, ama shacab ayaan ahaanayaa ee ha I dilaan ama ha I daayaan, dhammaandood waxay doorteen in ay u noolaadaan si geesinimo leh,” ayuu yiri.

Dowladda oo sheegtay inay dagaal ku dishay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dagaal xoogan ayaa Ciidamada dowladda So omaaliya iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray degaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Maga alada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen degaan kaas, waxaana dagaalkii ka dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Abaanduulaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan.

Wuxuu sheegay in ay dagaalka ku dileen 14 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena Afar kale ay nolosho ku qabteen, isaga oo hadalkiisa intaasi kudaray inay hadda wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Makuude ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda qeybta 60aad iyo kuwa Nabadsugida Koonfur Galbeed ay howlgallo ka wadaan.

11 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob cunto lagu qaybinayey

Masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in isbuurasho ay ka dhacday xarun lagu qaybinayey cunto bilaasha oo ku taalla dekedda Koonfureed ee Karachi, waxaana goobtaas ku dhintay ugu yaraan 11 qof halka uu dhaawac soo gaadhay shan qof oo kale.

Ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa sheegay in badi dadka uu dhaawaca iyo dhimashadu soo gaadhay ay yihiin haween iyo caruur.

Isbuurashadan ayaa ka dhacday barxadda wershedda Karachi, halkaas oo la doonayey in shaqaalaha loogu qaybiyo cunto bilaash ah, bishan barakaysan ee Ramadaanta awgeed. Hase ahaate boqollaal qof ayaa ka soo buuxsamay goobta kuwaas oo ku soo qabaabay inay saami ka helaan cuntada, waxaana goobta ka bilawday is-riixriix, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo laamaha ammaanku.

Dalka Pakistan oo ay ku nool yihiin in ka badan 230 milyan oo qof ayaa la baaxaa degaya duruufihii dhaqaale ee ugu xumaa ee soo foodsaara muddo tobanaan sano ah.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Pakistan ayaa ku dhawaaqay in bisha barakaysan daqiiq bilaasha la gaarsiiyo malaayiin qof oo sabool ah, si ay uga soo kabtaan sicir bararka saamay nta ku yeeshay.

Wiil iyo aabihiis oo ku dhintay Caabudwaaq kadib markii Dorraad uu…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo Dorraad ka kacay bartamaha degmada Caabudwaaq kaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dabka ayaa ka dhashay booyad nafta ku shubeysay kaalin shidaal oo ku taalla gudaha magaaladaasi, waxaana gubtay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan ay ku dhinteen wiil iyo aabihiis, halka ay siddeed qof oo kalena ay waxyeelo soo gaartay, kuwaas oo qaarkood neef qabatoobay.

Sidoo kale dabka ayaa ku fiday bakhaaro ganacsi oo ku yaalla halkaasi, maadaama la waayay wax gaadiid dab damis ah, taas oo sii kordhisay khasaaraha.

Oday kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in mar dambe lagu guuleystay daminta dalkaasi.

"Khasaare weyn oo naf iyo maalba leh ayaa ka dhacay meesha tusaale haddii aan kaga soo qaado wiil iyo aabihiis ayaa ku go’ay illaa 8 qof ayaa waxyeelo soo gaartay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka iyo ganacsatada Caabudwaaq, isaga oo ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa gaadiid dab damis ah.

"Reer Caabudwaaq waxan dhihi lahaa markii la’isku qabsado boos 20 mitir ah sida aan isku leyno waa naqaanaa ee sida aan gaadiid dab damis ah aan usoo gadan laheyn falkeeda in la galo ayaa haboon,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay oday kamid ah dadka degaanka.

Somaliland oo gacanta ku dhigtay Nin ay sheegtay inuu Dadka ku dhici jiray qaab sixir ah

Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan saldhiga dhexe iyo qaybta xuuraanka oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Xamse Yuusuf Maxamed oo qaab sixir ah dadka uga dhacaayay Hantidooda, sida lagu sheegay Qoraal Taliska soo saaray.

Eedaysanahan oo mudo ku dabo jireen ciidankan Booliska ayaa waxay soo qabteen isagoo ku sugan mid ka mid ah hoteelada magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland oo uu daganaa mudo labad sano ah.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in isla gobtii lagu tagay Bastoolad, Dahab iyo Maar isku jira, Geed sixir ah, 17 mobile oo noocaya yar yare ee dan ka hadasha ah.

Sidoo kale Taliska Booliska ayaa intaas kusii daray in qolkii uu ku sugnaa sidoo kale laga helay 5 xabo oo nooca smart phone ka ah, 27 shanadood oo nooca dumarku gacanta ku qaataan, Aqoonsiyo kaadhka dhalashada Somaliland Iyo Document kale.


Faah faahin:- Khasaaro ka dhashay weerar lagu qaaday mas’uuliyiin katirsan Maamulka G/Shabeellaha Hoose

Maleeshiyad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn & guddoomiye ku xigeenka Maaliyada Go bolka Shabeellaha Hoose oo dhexmarayay gudaha dagmadaas.

Dagaal kooban ayaa la sheegay in uu dhex maraykooxaha soo weeray iyo ilaalada Gudoomiyaha degmada Walanweyn, waxaana ka

dhashay kha saaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in daga alka uu ku dhintay Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Abdinasir Maxamed Ibrahim AB OOW, halka laba qof oo kale ay ku dhaaw acmeen.

Weli lama oga cidda rasmiga ah ee ka dam beeysa weerarkaas iyo sababta oo weeraray mas ’uuliyiinta, iyada oo xaaladda degmada Wala nweyn ay Dorraad tahay mid degan.

Maalmihii la soo dhaafay degmada Walan weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka taagnaa khilaaf u dhaxeeyay Guddoomiyaha degmada iyo kuxigeenkiisa arrimaha Bulshada, kaas oo aan weli xal laga gaarin

14 kamid ah Shabaab oo lagu dilay weerar ay kusoo qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala gobolka Baay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa Dorraad toogtay 14 kamida Alshabaab, kuwaas oo isku dayay inay soo weeraraan fariisimaha ciidanka Dowladda ee gobolka Baay.

Toogashadan ayaa ka dhacday deegaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga M/ Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maydadka Shabaabkii weerarka soo qaaday, iyadoo lagu faafiyay barta telegramka ee warba ahinta ku hadasha afka Dowladda.

Waxay dowladdu sheegtay inay ciidamadu ku guulaysteen inay laayaan dhammaan dagaa lamayaashii Alshabaab ee weeerarka kusoo qa aday xerada ciidanka ee Makuude.

Weerarkan ayaa kusoo aaday iyadoo Alsh abaab dhawaan weeraro khasaare badan geys tay ku qaadeen deegaannada Ruunirgood iyo daaro Nicmo, halkaas oo ay ku dileen ciidamo badan oo isugu jiray kuwa Dowladda iyo kuwa mucaawisleyda.

Weeraradaas ayaa keenay in Dowladda la gu dhaliilo inay ka gaabisay la dagaalanka Alshabaab, taasoo sababtay inay Shabaab dib iskusoo abaabulaan oo weeraraan ama qabsa daan deegaanadii horey looga saaray.

SOMALILAND oo qabatay maxaabiis uu ku jiro xildhibaan ka tirsanaa Puntland

Ciidanka milatariga Somaliland oo Dorraad markale dagaal culus la galay ciidamada deega anka Laascaanood ayaa soo bandhigay ku dho waad 10 maxaabiis ah oo ay ku qabteen dagaal Dorraad ka dhacay duleedka magaaladaasi. So maliland ayaa soo bandhigtay illaa 6 maxaabiis ah oo uu ku jiro Faarax Dalmar oo horay uga tir sanaa golaha wakiilada Puntland, kana soo je eda magaalada Laascaanood.

Dalmar ayaa horraantii sanadkan iska ca silay xubinimadii baarlamaanka Puntland, wuxu una toos uga biiray dagaalka ay dadka deeg aanka kula jiraan xukuumadda Hargeysa.

Sawirrada ragga la qabtay oo uu kamid yah ay Faarax Dalmar ayay sii baahiyeen ciidanka Somaliland, waxaana lagu daabacay baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale Somaliland ayaa shaaca ka qaa day in dagaalka Dorraad dhacay ay ku qasatay gaadiid dagaal iyo hub culus, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamu lka Somaliland oo ka hadashay dagaalkan wa xa ay sheegtay in weerarka Dorraad ay soo qaa deen kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntl and, balse ciidanka milatariga Somaliland ay is ka difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

"Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somalila nd, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Pu ntland ee Soomaaliya. Dagaalka Dorraad waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waawayn.,” ayaa lagu yiri waraxaafadeedka ka soo baxay maamulka Somaliland

Dhinaca kale hoggaanka SSC ee ku sugan Laascaanood ayaa iyaguna guul ka sheegtay dagaalka ay Dorraad la galeen Somaliland, wax ayna tilmaameen inay hayaan maxaabiis.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyada ugu xoogan ay ka socdaan aagga xerada Goojacadde oo ay gacanta ku hayaan milatariga Somaliland.

Buuq xooggan oo ka dhashay La wareegista Ruushka ee hoggaanka Golaha Ammaanka

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo aan ahayn hay’adda Qaramada Midoobay ah – ayaa soo saartay amarka lagu soo xirayo Vladimir Putin bishii hore.

Inkastoo Ukraine ay ca basho ka soo yeer tay, Mareykanka ayaa sheegay in uusan ka hor istaagi karin Ruu shka – oo ah xubin gol aha jo ogtada ah – inuu qabto xilka madaxti nimada.

Xubnaha kale ee joogtada ah ee golaha, ay aa waxey kala yihiin UK, US, France, iyo China.

Kaalinta xubnaha joogtada, ayaa inta badan wuxuu yahay habraac, laakiin danjiraha Mos cow ee Qaramada Midoobay, Vasily Nebenzia, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Russia Tass, inuu qorsheynayo inuu kormeero dhowr doodood oo ay ku jirto mid ku saabsan xakam eynta hubka.Waxa uu sheegay in uu ka hadli do ono "Nidaamka cusub ee adduunka” kaasoo, uu yiri aa "in lagu beddelo kan aan la isku hallayn ee haatan jira”. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa ku tilmaamay ma daxtooyada Ruushka "tii ugu xumayd ee abid soo mara maalinta nacasnimada ee Abriil” iyo "xusuusin adag oo ah in ay wax ka khaldan yih iin qaabka uu u shaqeeyo amniga caalamiga ah”.

Lataliyaha madaxweynaha Ukraine, Mykha ylo Podolyak, ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay "ku xadgudub dhanka sharciga caalamiga ah.

WASIIR DUCAALE: "QOYSKA KENYATTA AYAA ERGO U SOO DIRSADAY DOWLADDA RUTO”

Wasiirka gaashaandhigga Kenya

Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Duc aale, ayaa sheegay in qoyska Madaxweyni hii hore Uhuru Kenyatta uu ergo u soo dirsaday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto.

Wasiirka ayaa sheegay in qoyska oo kamid ah kuwa ugu hantida badan Afrika ay dowladda ka codsadeen in "faraha laga qaado”.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ruto ayaa la gu eedeeyay in ay dabagal ku hayso ganacs iyada qaar kamid ah madaxdii hore ee soo xu kumay waddanka, isla markaana ay ku soo da llaceen caanshuur ba dan.

"Maxaa ku kallifay qoyska Kenyatta inay xa sil loni darro u horsee da an Ke nya? Waa qo yska ugu hantida bad an Afrika. Mada xwe yn ihii hore iyo qoyskii sa ayaa ergo u soo dirsa day dowladda oo waxa ay rabaan in faraha laga qaa do,” ayuu yiri Was iir Ducaale oo u warramayay idaacad da Spice FM ee xarunteedu tahay Nairobi.

Waxa uu sheegay in arrintaas aan laga ogg olaan karin qoyska Uhuru Kenyatta, oo haddii laga yeelo ay caqabad ku noqon karto hay’ad aha dowladda u qaa bilsan isla xisaabtanka dhi naca dhaqaalaha.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta taabacsan Ru to ayaa ku eedeeyay Uhuru Kenyatta in uu ma algaliyay dibed baxyadii dalka ka dhacay labadii todobaad ee la soo dhaafay, kuwaas oo dhal iyay khasaaro naf iyo maal ba leh.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo hor muud u ah dibedbaxyada ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay Madaxweynaha hore.

Qoyska Uhuru Kenyatta ayaa 27-kii March soo jii tay indhaha dadweynaha kadib markii dad shacab ah ay boobeen beer weyn oo uu ku leeyahay duleedka caasimadda Nairobi.

Dadka boobay beerta ayaa halkaa ka watay boqol aal neef oo ari badan, xilli caasimadda uu ka socday dibedbax uu hoggaaminayay Raila Odinga.

Qoyska Kenyatta ayaa waxaa ka soo baxay laba Madaxweyne oo Kenya soo hoggaamiyay; Jomo Ke nyatta oo ahaa Madaxweynihii kooba ad iyo wiilkiisa Uhuru Kenyatta oo noqday Mad axweynihii afaraad. Doorashadii dhacday Aug ust 2022, Uhuru Kenyatta ayaa taageeray Raila Odinga oo la tartamay William Ruto, waxaana maxkamadda ugu saraysa Kenya ay go’aamis ay in Ruto uu ku guulaystay doorashadaas
Markabka aan dhaqaaqin ee ay muhaajiriinta malyanka ku dhow ku nool-yihiin

Salher waxa uu dhashay 6 bilood ka hor

Ka dib markii aanu si adag u dhaafnay wadadii adkayd waxa aanu la kulanay rakaabkii ugu horeeyay ee saaran doo nida aan meelna u soc on. Salher waxa uu jiraa lix bilood oo keliya. Dho ola cadeynta laga dhee han karo wajigiisa ayaa beenineysa dhibaatada isaga iyo hooyadeed Aster oo 19 jir ah ay soo mareen.

Waxay sharaxday in wiilkeeda uu ku dhashay Rwanda ka dib markii ay ka soo safartay Eritrea, oo ay kaga soo carartay ka soo carartay cadaadis.

"Halkan waa fiican tahay, wax dhib ah kama jiraan, waxaan rabaa inaan barto luuqadda Dutch-ka kadibna waxaan rabaa inaan shaqeeyo."

Waxaa naloo sheegay in Silja Europa uu yahay mid ka mid ah doomaha rakaabka ee ugu weyn adduunka, kaasoo qaadi kara ilaa 3,000 oo muhaajiriin ah.

Laakiin lixdii bilood ee la soo dhaafay, mark abka ayaanan dad kama qaadin caasimadda Est oniya Tallinn oo aanan geeynin caasimadda Finland ee Helsinki.

Waxaa ku dhex nool 900 oo qof oo maga ngalyo doon ah oo ku sugnaa halka lagu soo xidho mrkabka oo 20 kiilomitir ka baxsan Amster dam.

Arrintan ayaa imaneysa iyada oo xarunta ugu weyn ee soo dhaweynta Nederland ee u dhow xuduudka Jarmalka ay buux dhaafday taas oo si weyn loogu dhaleeceeyay dowladda Netherlands balse dowladda oo ka jawaabeysa xal u helidda arrintaas ayaa isku dayday wax cusub. UK waxay hadda sahaminaysaa isku dayga cusub ee Netherlands.

"Waan ka helay halkan," ayay tiri Zara, oo noo sheegtay inay ka soo carartay gurigeeda oo ku yaala Chad ka dib markii ninkeedii ugu hor eeyay uu isku dayay inuu dilo.

"Xeryaha kale waxaan ku qasbanahay inaan qol la wadaagno afar ama shan qof; ma fududa in sidaas lagu noolaado. Halkan, waxaan ku leenah ay qol noo gaar ah. Xaaladda halkaan ayaa aad uga fiican tii hore."

Markabka ay ku nool-yihiin muhaajiriin ta Sheza waa mid ka mid ah todoba dumar ah oo nagu soo dha weeyay qeyb ay iyaga xukumaan, waxaan fadhii sanay sagxada oo aan ku sheekaysanay.

Waddamada ay ka soo jeedaan way kala du wanyihiin – waxaa ka mid ah Suuriya, Pakistan iyo Turkiga - laakiin dhammaantood waxay she egeen in ay ahaayeen dhibanayaal rabshado ama cadaadis diimeed ka soo cararay.

"Holland si aad u wanaagsan ayay wax u qab teen, way na ilaaliyaan inkastoo ay dadku aad u badan yihiin, balse halkaan waa goob ah amm aan, oo nadaafad iyo raaxo leh, si fiicanna loo habeeyey.

"Cuntadu aad ayay uga duwan tahay tii horay aan u naqaanay, run ahaantii waa mid aad uga du wan."

Markii ugu horeysay ee doonidu ay soo xiratay lix bilood ka hor, boqolaal ka mid ah dadka dee gaanka ayaa caro muujiyay iyagoo ka cabsi qabay in shaqooyinka laga qaato iyo in adeegyada maxa lliga ah sida qalliinka dhakhaatiirta ay buux dha afiyaan.

Qaybta dawladda ee qorshahan wadda, Hay'adda Dhexe ee Qaabilaadda Magangalyo-doonka (C OA), ayaa ka hadashay eedaymaha ah in muh aajiriintu ay ku noolaan doonaan nolol raaxo leh.

Waxaa nagula soo wareejinayaa qeybaha markabka, waxaan aragnaa in lix ka mid ah toddo bada makhaayadood ay xiran yihiin. Goobta sau nada iyo barkada dabaasha waa la xiray, tiyaa tarka waa uu bannnaan yahya.

Qolka shirarka, oo lagu qurxiyey kuraas cas aan ah oo ah kuwa raaxada, ayaa hadda loo isti cmaalaa in casharrada luuqada Nederands lagu baro muhaajiriinta ku sugan gudaha markabka, iyo sidoo kale siminaaro ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo doodaha ku saabsan sinnaanta jinsiga.

Dowladda Holland ayaa diiday inay sheegto inta uu ku kacayo mashruucaan.

Dowladda Holland ayaa diiday inay sheegto inta uu ku kacayo mashruucaan, balse waxaa la fah amsan yahay in malaayiin Yuuro u uku kacayo.

Waxaa naloo sheegay in saraakiisha Arrimaha Gudaha ee UK ay booqdeen saddex toddobaad ka hor si ay u ogaadaan xaaladda markabka. Ma wqifka rasmiga ah ee dawladda UK ayaa ah in ay wali "sahaminayso suurtogalnimada" in maraak iibta loo isticmaalo in la dejiyo muhaajiriinta iyo magangalyo-doonka imanaya Britain.

Inta badan dadkii aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay ku sugan yihiin meel nadiif ah oo raaxo leh.

Anas, oo ah qurxiye Suuriyaan ah oo ka yimid Xalab, ayaa sheegay in uu aad ugu mahad celi nayo Holland.

Laakiin maaha dareen ay dadku dhan wada qabaan.

"Waa arrin nacayb muujineysa," ayay tiri ho oyo codsatay inaan magaceeda la sheegin "Wax aan ka walwalsanahay saameynta ay nagu lee dahay joogitaanka halkan, waxaan u xiisay haw adii nadiifka ahayd oo aan awooday inaan furo daaqadaha."

Dadka doonta ku sugan way awoodaan inay ka baxaan doonta laakiin takhaatiirta iyo kalkaa liyayaasha ayaa u yimaada haddii loo baahdo. Habkani wuxuu u muuqdaa mid qaboojiyay qaar ka mid ah caradii bilawgii hore ka jirtay magaalada u dhow, gaar ahaan cabsida laga qabo in sooga lootiga ay ka buux dhaafiyaan adeegyada maxa lliga ah.XIGASHO:BBC

Muhaajiriin maydadkooda laga helay webi mara xadka Mareykanka iyo Canada

Ciidammada maxalliga ah oo maydad ka baa raya deegaanka Akwesasne, ee gobolka Quebec, ee waddanka CanadaX

IGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Kooxaha dabka la dagaallama ee maxalliga ah oo maydad ka baaraya deegaanka Akwesasne, ee gobolka Quebec, ee waddanka Canada

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in mayd adka sideed muhaa jiriin ah oo ay ku jir aan laba carruur ah ay ka soo saareen webiga, dadkaas ayaa iskud ayay inay si sharci-darro ah uga tallaabaan xadka Canada oo ay galaan waddanka Mareykanka.

Diyaarad nooca qummaatiga ukaca ah oo ay boo lisku leeyihiin ayaa Jimcihii lagu arkay laba mayd oo sabaynaya webiga St Lawrence. Laba qoys oo ka soo kala jeeda Romania iyo Hindiya ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Saraakiisha ayaa waqtigaas baadigoob ugu ji ray doonni aaggaasi lagu waayay oo u watay Casey Oakes, oo 30-jir ah. Ninkaas oo illaa iyo haatan la la’yahay. Ma ay cadda in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo Mr Oakes iyo qoysaska.

Booliska ayaa sheegay in maydkii koobaad abbaare 17:00 waqtiga maxalliga ah laga helay deegaanka Akwesasne, gaar ahaan webiga mara xadka Mareykanka iyo Canada.

Maydadka kale ayaa iyana laga helay meel aanan halkaasi ka fogayn. Huwiyadda dadka dhi ntay ayaanay weli shaacin boolisku.

Dadka dhintay waxa ay kala yihiin lix qof oo waa wayn iyo laba carruur ah.

Hal canug ayey da’diisu ka yartahay saddex sanadood waxaana uu haystay baasaboorka Can ada. Canugga yar ee kale ayaa isna haystay dhal ashada Canada, waxaa sidaasi weriyayaasha shir jaraa’id oo ay Jimcihii qabatay ugu sheegtay mid kamid ah madaxa booliska aaggaasi.

Booliska ayaa ka shaqaynaya inay gartaan huwiyadda maydadka

Webiga St Lawrence ee laga helay maydadka

Maydadka ayaa la rumaysanyahay inay yihiin laba qoys, mid asalkiisu uu yah ay Romanian iyo midka ka le oo ka soo jeeda Hindiya, Lee-Ann O’Brien, ku xigeenka taliyaha booliska ee Akwesasne, ayaa sida asi u sheegtay weriyayaasha.

"Dhammaantood waxaa la rumaysanyahay inay iskudayayeen inay si sharci-darro ah uga gud baan Canada oo ay ku galaan waddanka Marey kanka,” ayey tiri Ms O’Brien. Waxa ay intaasi ku dartay in habeenkii Arbacada ay cimilada aag gaasi aad u xumeyd.

Maydadka ayaa laga helay deegaanka Akwesa sne ee gobolka Quebec, halkaas oo ay iska soo galaan gobollada Ontario iyo kan New York. Waxa ay 120km galbeedka ka xigtaa Montreal.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in: "Xaaladdani ay tahay mid aan looga walwalo.

"Waa inaynu fahannaa waxa dhacay, sida ay u dhaceen, misana aynu samaynno waxkasta ee aan awoodno si aan u yareyno in markale ay wa xan oo kale ay dhacaan.”

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Boolis iyo kooxaha dabka la dagaallama oo bo orso ka soo dajinaya doon deegaanka Akwe sa sne, ee gobolka Quebec, ee waddanka Canada

Bilihii la soo dhaafay waxaa deegaanno kale la ga helay maydad dad isku dayay inay ka tallaa baan xadka Mareykanka iyo Canada.

Bishii Janaayo, booliska Canada ayaa meel ba raf uu degay oo ku dhaw deegaanka Manitoba ee xadka Mareykanka iyo Canada waxa uu ka helay maydadka afar qof oo uu ku jiro canug yar. Dadka dhintay ayaa la rumay sanyahay inay yihiin qoys Hindiya u dhashay, sida ay sheegeen mas’uuli yiinta Mareykanka.

Nin ka soo jeeda deegaanka Montreal ayaa si doo kale maydkiisa bishii Diseembar laga helay meel u dhaw xadka Mareykanka iyo Canada. Fritz nel Richard, oo 44-jir ahaa, ayaa iskudayay inuu ka tallaabo xadka Mareykanka si uu ula midoobo xaaskiisa iyo canugiisa.

Ciidammada xadka Mareykanka ayaa diiwaan geliyay in dad badan ay Canada xadka ka soo galaan.

Bishii Janaayo, ciidammada ilaalada xadka Mareykanka ayaa qabtay 367 qof oo iskudayay inay u kala gudbaan waqooyiga iyo koonfurta – tiradaas oo ka badan dadkii iskudayay inay gud baan wadarta 12-kii sanadood ee ugu dambe eyay.XIGASHO:-BBC



DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}


AxkaamtaSoonka 22

Waxaana u daliil ah xadiiskan hoos ku qoran oo ah qiso dhacday xilligii nabiga (s.c.w) Abuh ureyre (r.c) waxaa laga war inayaa inuu yiri: nin baa nabiga (s.c.w) u yi mid wuxuuna yiri: waan halaagsamay ra suulkii all ow!, wuxuu yiri –

Nabiga: maxaa ku halaa gay ? – Ninkii: xaas keygi ayaan ku dhacay ramadaan dhexdiisa.

- Nabiga: ma heli kartaa wax aad qoor (addo on) ku xoreyso? –Ninkii: maya - Nabiga: ma aw ood daa in aad so onto laba bilood oo is raac-raacsan (xidhiidh ah). – Ninkii: maya ! -Nabiga: ma heli kartaa waxa ad ku quudiso lixdan misk iin ?

- Ninkii: maya !. Kadib wuu fadhiistay waxaana loo keenay nabiga (s.c.w) danbiil ay timir kujirto, wuxuu na yiri – Nabiga: kan (danbiisha timirta ah) sadaqa yso. - Ninkii: ma cid annaga naga faqiirsan !?

Kuma sugno (makka) labadeeda shiilood reer annaga nooga baahi badan.

- Nabiga: wuu qoslay (s.c.w) illaa ay soo baxa an mi ciyihiisa, kadib wuxuu yiri: orod oo reerk aada quudi. [mutafaq]. Runtii waa arrin mudan in la isa ga jiro, maxaa yeelay waa arrin ku dha xalsiin wixii aad hal maalin ka adkaysan wayday in lugugu gan aaxo lix dan maalmood inaad ka adkaysato. Wax aa ubanaan ninka sooman in uu xaaskiisa la same eyo wixii aan galma ah ayn, waa haddii uu yahay nin weyn oo aan dhal inyaro ahayn, ama uu yahay nin iska adag oo is hanan kara .

عن عائشة رضي الله عنها قالت: (كان النبي صلى الله عليه وسلم يقبل ويباشر وهو صائم وكان أملككم لإربه). (متفق عليه.

AxkaamtaSoonka23

(Caaisho (r.c) waxaa laga warinayaa inay tiri: nab iaga (s.c.w) wuxuu ahaan jiray mid dhun kada oo taa taabta isagoo sooman, wuxuuna ah aa kiinna ugu ha nan og xubinkiisa ). Ibnu caba as (r.c) wuxuu yiri: ( رخص للكبير الصائم في المباشرة وكره للشاب ) (أحمد) ( Taa-taabashada waa loo, ogolaaday ruuxa weyn ee sooman, midka dhalinyarada ahna waa loo kohda). Sid ookale ruuxii uu waaga ku baryo isagoo ja naa bo qaba, soonkiisa wuu sii wadanayaa wax dhib ahna malaha . Naafic waxaa laga warina yaa inuu yiri:-

waxaan su’aalay ummu salama, nin uu waa ga ka baryi isagoo janaaba qaba (islamarkaa na) doonaya inuu soomo?, waxay tiri:-

(كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يصبح جنبا من الوقاع لا من احتلام، ثم يغتسل ويتم صومه) (متفق عليه).

(Rasuulkii ALLE (s.c.w) wuxuu ahaan jirey mid wa abariista isagoo janaaba qaba, ooy xaas la kulmid (galmo) xaggeed ka ahaatay, ee aan ay riyo xaggeed ka ahaanin,ka dib wuu qabays an jirey, soonkiisana wuu dhamaystiran jirey ).

[mutafaq].Ø Jabiyaha afaraad ee soonka waa: Biyo dajin uu ruuxa sooman sababteeda leeya hay sida: taa-taabasho ama iska keenid i.w.m waxaana ku wa ajibaya inuu maalintiisaa afhay sto soona qalleeyo so onka maalintaa ka jabay, haddiise ay minida ka tim aado isagoo jiifa ama fikiraya soonka kama jabinayso waxaana udaliil ah:-Abu hurayrah (r.c) wuxuu rasuul ka (s.c.w) ka warinayaa: (... يترك طعامه وشرابه وشهوته من أجلي...) (متفق عليه)

AxkaamtaSoonka24

(…. wuxuu ka tagi (ruuxa sooman) cuntadii sa iyo cabitaankiisa iyo shahwadiisa aniga dar aaddeey….) . Ø Jabiyaha shanaad ee soonka waa: Dhiigga xayd ka ee dumarka ku imaada bi shiiba hal mar Abii sac iid al-khudri wuxuu yidhi rasuulka isagoo ka war amaya nuqsaanta diinto oda:

(أليست إذا حاضت المرأة لم تصل ولم تصم) (متفق عليه) ( Miyayna ahayn markay hesho xayd hawee nayda mid aan tukanaynin oonan soomaynin) .Ø Jabiyaha lixaad ee soonka waa :Dhiigga dha lmada, imaanshaha dhiiggan wu xuu noqon ka raa hal mar oo kali ah, ama wux uu socon karaa toban bari illaa afartan, sida ba dan mudada uu socdaa waa afartan bari, had daba gabadha mu slimadda ah waa iney la soc oto xilliga uu dhiig ga ka istaago, si ay cibaad ada isugu diyaariso. Ø Jabiyaha todobaad ee soonka waa: Waalli ama miyir daboolmid maa linta soonka oo idil, hadii ruuxa sooman maalin ramadaan ah uu wa asho, soonkiisa wuu jaba yaa.

Cali (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) ka warinaya inuu yiri: (رفع القلم عن ثلاثة:: عن النائم فتى يستيقظ، وعن الصبي حتى يحتلم، وعن المجنون حتى يعقل) (تقدم تخريجه

AxkaamtaSoonka‐25‐

(Saddex xaggooda qalinka waa lag koryee lay: ru uxa jiifa illaa uu soo tooso, iyo ilmaha yar illaa uu qaa ngaadho iyo midka waalan illaa uu wax garto (miyirs ado) Ø Jabiyaha sagaalaad ee soonka waa: Ruuxii soomanaa oo si ula kac ah u niyooda inuu afuro wax aana u daliil ah xadi iska caanka ah ee cumar binul khadaab (r.c) uu warinayo: (إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى...) (متفق عليه) ( Acmaasha (waxay un ku ansaxdaa ama ku dhamaystirantaa) niyo oyinka, ruux walbana wuxuu niyooday un baa u sugnaa day).

Haddaba ruuxii niyooda inuu afuro soonkiisa wuu jabayaa. Waxyaalaha aan dhibka lahayn soonka dhe xdiisa waxaa kamid ah: in la caday do (rumaydo) nis ka danbe ee maalinnimada ra madaanka, iyo sidoo kale in la qabaysto iyo in la isticmaalo cadar iyo barf uun . 11. Arkaanta Soonka Arkaanta soonka (tiirasha uu soonka ku taaganayahay) waa laba tiir oo kala ah:

1. In laniyoodo soonka.

2. In laga joogsado waxyaabaha ruuxa sooman ka afuriya.

1. Rukniga Koobaad Ee Soonka Waa: In laniyo odo soonka, maxaayeelay camalkasta niyada ayuu ku dhisanyahay, camal aan la niyoonina ma asaxayo ama waa naaqis, meesha wax laga niyoodana waa Qalbiga, loomana baahno in niy ada afka lagaga hadlo.

AxkaamtaSoonka26

Niyada waxaa udaliil ah xadiiskii cumar (r.c): (إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى...) (متفق عليه) ( Acmaasha (waxay un ku asaxdaa ama ku dhama ystirantaa) niyooyinka, ruux walbana wuxuu niyooday un baa u sugnaaday).

Hadaba soonka waajibka ah xilliga laniyoon ka ro waa Laga bilaabo wakhtiga salaadda maqrib illaa wa khtiga salaadda subax. Ruuxii aan niy oo nin habeeni mada soonka bisha ramadaan soon uma jiro maalin taa, umana banaana inuu wax cuno ama cabbo, ee wuu af haysanayaa waana inuu soo qalleeyo soonkii niyad la’aanta uu so omay, waana waajib in habeen ka niyada labar iiyo.

Haddii aad suxuurato adigoo doonaya inaad barri soonto niyadii way kuu dhantahay, suxuur ta aad u soo kacday adigoo soon doonaya wax ay ka turju maysaa niyadii soonka.

Waakan xadiiska nabiga (s.c.w) oo inoo cad day naya waajibn imadka in la niyoodo soonka waabariga kahor: Xafsah (oo ka mid ah hoyoyin ka mu’miniinta) waxay nabiga (s.c.w) ka warinay saa inuu yiri: (من لم يجمع الصيام قبل الفجر فلا صيام له) (صحيح، أخرجه: الخمسة، واللفظ للترمذي) 1.(Ruuxii aan kulminin (a an niyoonin) soonka waabariga kahor, soon um ajiro).

2.Rukniga Labaad Ee Soonka Waa: In laga jo ogsado (la iska ilaaliyo) waxyaabaha soonka ja biya, ee aan horay usoo sheegnay.

AxkaamtaSoonka27

12. Waxyaabaha Sunada Ah Soonka Dhexdii sa Sunooyinka soonka aad ayey ufara badan yihiin waxaana kamid ah: ü In afurka la dadaji yo. ü In timir lugu afuro.üIn la suxuurto suxuur tana dib loo dhigo.ü Quraanka oo akhrintiisa la badiyo. üSadaqada oo lu gu dadaalo. ü In dad ka sooman la afursiiyo. ü Habe enkii oo latukado taraawiixda ama tahajudka. ü Mas aajidka oo lu gu nagaado (ictikaafka) i.w.m. Daliilka afurka iyo timirta waa: Sahal binu saciid waxaa laga warinayaa: inuu rasuulka (s.c.w) yiri: ( لا يزال الناس بخير ما عجلو الفطر) (متفق عليه). (Dadka kheyr kama suulayaan (kama dhamaanayaan) intay afurka dad ajinayaan). Cumar binul kha dhaab (r.c) wuxuu yiri: rasuulka (s.c.w) wuxuu yiri: (إذا أقبل اليل من هاهنا وأدبر النهار من هاهنا وغربت فقد أفطر الصائم) (متفق عليه) الشمس (Marka uu habeenka kasoo qaabilo xaggaa (dhi naca ay qorraxda kasoo baxdo) maalintana ay u daba jeediso xaggaa (dhinaca ay qorraxda u dhacdo) qorraxdana ay dhacdo, dhab ahaan wuu afuray ruuxii soomanaa). عن أنس رضي الله عنه قال: ( كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) يفطر على رطبات قبل أن يصلي، فإن لم تكن رطبات فعلى تمرات، فإن لم تكن حسا حسوات من الماء) (حسن، أخرجه: أبوداود، والترمذي) ( Anas (r.c) waxaa laga warinayaa inuu yiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaan jiray mid ku afura xabado rodhob ah (waa nooc timirta kamid ah) intuuna tukanin ka hor, haddaysan rodhob yaalo jirinna xabado ti mir ah (ay uu ku afuri jiray) haddaysan jirinna wuxuu kabban jiray kabbashooyinbiyo ah)

.….La soco Berri

WAR-GELIN:-

ku socota dhammaan Macaamiisha wargeys ka iyo Akhri satayaashi isa Sharafta leh, wux uu maamulka wargeyskan ku wargekin ayaa in ay ilaaliyaan Nuqullada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa ’isha Bisha Barakeysan ee Ra ma daan Daruus la xir iirta ay ku qoran yihiin iya goo Aayado khumur’aanka Kariim ah Sidaas da raadeed waxaa uu maamulka le eyahay walaa yalaal xafida Alle ha idin xafidee kana ilaali mee laha aan ku haboo neyn ee wasaqey san in aad dhigtaan ama aad ku tuurtaan Wa rgeyska an.

Qaasatan Inta La gu Jiro Maalmaha Bisha Ram ad aan waxaan mar labaad kaa codsaney naa inaad ka dhowrto kana ilaaliso meelaha warg elinta lagu muu jiyey Mahadsanidiin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip