14 kamid ah Shabaab oo lagu dilay weerar ay kusoo qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala gobolka Baay

0
Saturday April 01, 2023 - 20:13:05 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14 kamid ah Shabaab oo lagu dilay weerar ay kusoo qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala gobolka Baay

    Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay toogtay 14 kamida Alshabaab, kuwaas oo isku dayay inay soo weeraraan fariisimaha ciidanka Dowladda ee gobolka Baay. Toogashadan ayaa ka dhacday deegaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay toogtay 14 kamida Alshabaab, kuwaas oo isku dayay inay soo weeraraan fariisimaha ciidanka Dowladda ee gobolka Baay. Toogashadan ayaa ka dhacday deegaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay. Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maydadka Shabaabkii weerarka soo qaaday, iyadoo lagu faafiyay barta telegramka ee warbaahinta ku hadasha afka Dowladda. Waxay dowladdu sheegtay inay ciidamadu ku guulaysteen inay laayaan dhammaan dagaalamayaashii Alshabaab ee weeerarka kusoo qaaday xerada ciidanka ee Makuude. Weerarkan ayaa kusoo aaday iyadoo Alshabaab dhawaan weeraro khasaare badan geystay ku qaadeen deegaannada Ruunirgood iyo daaro Nicmo, halkaas oo ay ku dileen ciidamo badan oo isugu jiray kuwa Dowladda iyo kuwa mucaawisleyda. Weeraradaas ayaa keenay in Dowladda lagu dhaliilo inay ka gaabisay la dagaalanka Alshabaab, taasoo sababtay inay Shabaab dib iskusoo abaabulaan oo weeraraan ama qabsadaan deegaanadii horey looga saaray.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip