Buuq xooggan oo ka dhashay La wareegista Ruushka ee hoggaanka Golaha Ammaanka

0
Saturday April 01, 2023 - 12:11:17 in Wararka by
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buuq xooggan oo ka dhashay La wareegista Ruushka ee hoggaanka Golaha Ammaanka

    Inkastoo Ukraine ay cabasho ka soo yeertay, Mareykanka ayaa sheegay in uusan ka hor istaagi karin Ruushka – oo ah xubin golaha joogtada ah – inuu qabto xilka madaxtinimada. Xubnaha kale ee joogtada ah ee golaha, ayaa waxey kala yihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo Ukraine ay cabasho ka soo yeertay, Mareykanka ayaa sheegay in uusan ka hor istaagi karin Ruushka – oo ah xubin golaha joogtada ah – inuu qabto xilka madaxtinimada. Xubnaha kale ee joogtada ah ee golaha, ayaa waxey kala yihiin UK, US, France, iyo China. Kaalinta xubnaha joogtada, ayaa inta badan wuxuu yahay habraac, laakiin danjiraha Moscow ee Qaramada Midoobay, Vasily Nebenzia, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Russia Tass, inuu qorsheynayo inuu kormeero dhowr doodood oo ay ku jirto mid ku saabsan xakameynta hubka. Waxa uu sheegay in uu ka hadli doono "Nidaamka cusub ee adduunka" kaasoo, uu yiri waa "in lagu beddelo kan aan la isku hallayn ee haatan jira". Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa ku tilmaamay madaxtooyada Ruushka "tii ugu xumayd ee abid soo mara maalinta nacasnimada ee Abriil" iyo "xusuusin adag oo ah in ay wax ka khaldan yihiin qaabka uu u shaqeeyo amniga caalamiga ah". Lataliyaha madaxweynaha Ukraine, Mykhaylo Podolyak, ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay "ku xadgudub dhanka sharciga caalamiga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip