HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 1-DA ABRIIL 2023-KAA-

0
Saturday April 01, 2023 - 08:46:40 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 1-DA ABRIIL 2023-KAA-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maxay ka dhigan tahay tallaabada Mareyka nka u qaaday Somalia ee cusub?

Dowladda dalka Mareykanka ayaa Dorraad Soom aaliya usoo magacowday safiir aan caadi aheyn, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Safiirka cusub oo lagu m agacaabo Richard H. Ril ey, IV ayaa beddelaya La rry André Jr oo xilkan hay ey ku dhowaad laba sano. Larry André Jr ayaa wax aa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo bed delay Donald Yamamoto.

Haddaba maxay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday Mareykanka?

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso in Mareynkanka uu ahmiyad siinayo Soomaaliya.

Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay in haatan Mareykanka uu sare uu sii qaada yo xiriirka Soomaaliya oo haatan kasoo kabaneyso sidii hore.

"Tan waxay ka tarjumeysaa in dowladda Mareykanka ay sare usii qaadeyso, ahmiyadna ay siineyso oo kasii sarreysa tii hore oo ay siin jirtay Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay tahay dal leh fursad badan, isla-markaana ay ku loolamayaan dowlado waa weyn, si ay uga faa’iideystaan.

"Soomaaliya waxay Dorraad kamid tahay dalalka meesha ay adduunyada dhacaan aad iyo aad indhaha loogu haayo ee Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd 30 sano.

Mareykanka ayaa sidoo kale tababara isla-markaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay. Xigasho:-Caasimadda.Net

Wasiirka Caafimaadka oo labada XAAS ee Madaxweynaha ugu magac-daray…

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maqribkii isbitaalka ku booqday Hooyo Maryan Maxamed Xasan oo afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Cali ayaa lacag uusan tiradeeda shee gin u geeyey Hooyo Ma ryan oo Habeen hore umushay afar gabdho od, Hooyadaan ayaa laga keenay deegaan hoos ta ga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale wasiirka ayaa lagu sharfay inuu mag acyo u bixiyo gabdhaha Hooyo Maryan, wuxuuna labo kamid ah ugu magac-daray labada xaas ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la kala yiraahdo Qamar iyo Sahra.

Wasiirka Caafimaadka ayaa gabdhaha mid ka mid ah ugu magacdaray agaasimaha isbitaalka ay carruurtani ku dhalatay ee Banaadir, waa Dr. Fartuun.

"Labo ka mid ah Maamooyinka qaranka ayaan ugu magacdarayaa, midna Qamar ayaa la dhahaa, midna Sahro, labada kale waxaan u kala bixiyey Fartuur iyo Xalwo, waxaan idin leeyahay adiga iyo carruurtaada caafimaad allaha idin siiyo, halkaan waxaa ku jirta kaalmo yar oo aan ugu tala galay inaa sahay ka dhigato, maadaama aad miyi ka timid,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji. Wasiirka caafimaadka ayaa balan-qaaday in si ga ar ah ay uga warqabi donaan Hooyo Maryan iyo carruurteeda, maadaama ay aad u jilicday oo afar ilmo ah ay caloosha ku siday sagaal bilood.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa xaqiijisay in carruurtaan iyo hooyadood ay caafimaad qabaan, isla mark aana ay si baxnaani doonaa ilaa inta ay isku filaansho ka gaar ayaan.

Hooyo Maryan waa 38 sano jir ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna Habeen hore mataanahaan ku dhashay isbitaalka Banaadir, maamulka isbitaalka iyo wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijiyey in markii ugu horeysay ay arkeen kiis noocaan ah.

"Waan fiicanahay Alxamdulilaah, wax iga hale ysan ma jiraan, wax kasta waa la iga caawiyey, Ila aheyna waa ii fududeeyey, shaqaalaha ii adeegay waan u duceeyey, Dorraad ayaan ogaady inaan afar carruur ah umulay,” ayey tiri Hooyo Maryan oo la hadashay warbaahinta.

Danjiraha Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaat ay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia

Danjiraha Soomaaliya ee Serbia Maxamed Ca bdullaahi Axmed ayaa kulan la qaatayRa’iisul Was aare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia Mudane Dr. Siniša Mali.

Kulankan gaarka ah oo ay labada Mas’uul yeeshe en oo aad muhim u ahaa ayay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal. Inta kulanku socday ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha deyn cafin (debt relief), qaabka casriga ah ee canshuur uruurinta(systematic tax collection), Wa dashaqeynta Bankiyada labada dal, Isku xirka rug aha ganacsi ee labadda dal., xoojinta Wadasha qeynta ka dhexeysa Wasaaraddaha maaliyadda Dow ladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jam huuriyadda Serbia.

Arbacadii ayay aheyd markii uu Xarunta Safaar adda Soomaaliya ee Belgrade uu soo booqday Wa siirka Horumarinta Serbia Mudane Dr. Edin Đjerlek, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, kaas oo gogol xaar u ahaa kulanka Dorraad dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia Mu dane Dr. Siniš Mali.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir aad u dheer oo Diploomaasiyadeed una muuq da mid sii xo ogeysanaya waayadan dambe.

Ninkii dilka iyo dhaawaca ka gaystay Masjid ku yaalla Muqdisho oo lasoo qabtay

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee gobolka Banaadir ayaa Dorraad gacanta kusoo dhigay nin Dorraad dil arxan darro ahaa ka geystay Masjid ku yaal de egaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Mukhtaar Cali Xuseen ayaa loo heystaa dilka marxuum Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle oo Imaam ka ahaa masjidka uu dilka ka dhacay.Sidoo kale eedeysanaha ayaa dhaawac halis ah u geystay wiil dhalinyaro ah isna Mu’adin ka ahaa masj idkaasi, sida uu shaaciyay Taliska Booliska ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha uu ku sugnaa degmada Warta Nabadda, isla-markaana uu hataan soo galay gacanta dowladda.

"Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Warta na badda ayaa Dorraad gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaleey, halka uu dhaawa cay mu’adinkii masaajidka Dorraad oo bishu ahayd 29 bisha March,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska Booliska ee Gobolka Ban aadir Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu ahaa Tabliiq, isla-markaana uu dilka iyo dhaawac uu u adeegsaday baangad.

"Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad, waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaay masjidkana uu moddo joogay,” ayaa markale lagu yiri warka qora alka ah ee Booliska.

Labada dhibane ayaa saaladdii subax ee Dorraad midna uu aqimay, midna uu salaadda tujiyay jama acada masjidka, balse kadib waxaa dhacday arri ntaan la yaabka leh. Si kastaba, dhacdadan ayaa arg agax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Internet-ka.

Cali Ciid oo qiil yaab leh u raadiyay muddo kororsigii Axmed Qoor Qoor + Video

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey muddo kororsigii ay sameysteen hey’adaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Ciid ayaa sheegay in tallaabadaas ay qaadeen baarlamaanka Galmud ug, si lamid ah baarlamaanada dow lad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabeelle.

"Golaha sharci dejinta Galmudug ay aa wax ka bede lay mudo xileedka hey’adaha dastu uriga ah, sida baarlamaanka iyo go laha wasiirrada, afar sano ayey horay u aheyd, balse waxay ka dhigeen shan sano, aniga iyo Madaxweyne Qo or Qoor kama aanaa dalban inay qaadaan talla abadaas,” ayuu yiri Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa tallaab adaan muddo kororsiga ah ku tilmaamay sunno siy aasadeed oo Soomaaliya muddo ka soo jirtay, isa goo sheegay in dhamaan maamullada dalkaan ka ji ra ama soo maray ay ka siman yihiin mudo kor ors iga.

"Qoor Qoor ama aniga, ma jirto cid dalbatay mud do kororsi, waana go’aan masiiri ah oo baarla maa nku qaatay, si lamid ah dowlad goboleedyada ka le, sidii Puntland horay uga dhacday oo Faroole sam eeeyey, Somaliland ayey ka dhacdaa, dowladda dhe xe ayaa sameysa mar kasta, mark aka gudub waa su nno siyaasadeede,” ayuu yiri Madaxweyne Xali Daa hir Ciid oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay Tvga Qaranka.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay ka jirto dowlad nimo rasmi ah, isagoo ku faanay inay dhawaan marti gelinayaan shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qar anka oo Dhuusamareeb ka dhici doona.

Mar la weydiiyey in beelaha Galmudug isla leh ay isku raacsan yihiin ama raali ka wada yihiin muddo kororsigaa, ayuu sheegay in Galmudug ay ka soo gudubtay qabiil oo dowlad dhisan ay tahay.

"Galmudug waxaa ka jirta dowlad rasmi ah, qabi ilna waa ka soo gudubtay, hadda mala dhihi karaa do wladda Soomaaliya 50 qabiil ayaa isla leh? Waa maya, sidaas si lamid ah Galmudug waa dowlad dhis antay, go’aanka uu baarlamaanku qaatana waa mid masiiri ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Shirka daha ku guuleystay Tartanka adeega Xajka

Guddiga adeega Xajka ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo ban dhigayMagacyada shirka daha ku guuleystay tar tanka Adeega Xajka ee Sana dkaan, kaas oo loo qabt ay 356 Shirkado diyaarad eed ah.

Tartankan ayaa muddooyin kii la soo dhaafay ka soc day magaalada Muqdisho, waxaana jirtay caba sho ma rarka qaar ka imaaneysay habka loo qabtay tartanka wallow badi la xaliyay cab ashada sida ay guddiga horay u sheegeen. Guddiga adeega Xajka ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan tartanka adeega xajka ay ku guuleysteen 75 Shirkadood,

kuwaas oo buuxiyay shuruudihii loo baahna


Xubin Sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda Soomaaliya

Cabdi Xasan Hulbaale oo ahaa madaxii Al-shab aab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qory ooley ayaa isku soo dhiibay cii damada dowladda Federaalka, sida ay qortay warbaahinta do wladda Wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Al-shabaab sagaalkii sa no ee lasoo dhaafay, waxaana u Habeen hore isku soo dhiibay Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dal ka ee ku sugan dagmada Janaale.

Madaxda DFS ayaa marar bad an ugu baaqay xu bnaha maleeshiyada Al-shabaab inay ka baxaan ur ururkaas, iyada oo dhinaca kale ay ciidamada dowl adda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiiba da caalamka ay wadaan dagaal ka dhan ah Al-shaba ab.

Dawladda Soomaaliya ayaa Dorraad mar kale ku celisay in wejiga labaad ee hawlgallada milatari loo ga dan leeyahay in al-Shabaab waddanka looga saa ro, waxay dawladdu sheegtay inaysan hawlgalladu istaagayn ilaa buqcad kasta laga saaro al-Shabaab.

Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah ka billaabay Muqdisho

Ciidamada Booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah u kordhiyay how lgallada ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si ay u xakameeyaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Koox saraakiil ah oo uu hogaa minayay Barrie Yusuf, Madaxa Kooxda ATMIS Joint iyo Ali Moh amed Cusman oo ah Madaxa Howlgalinta Saldhigga Booliska Degmada Wadajir, ayaa sameeyay howlgallo baaritaanno ah oo isugu jir ay baro koontorool deg-deg ah oo la dhigay waddo oyinka waaweyn. waddooyinka gala xarumaha dawl adda iyo xafiisyada.

"Muhiimada kormeerkan wadajirka ah ayaa ah in dadka deegaanka ay ogaadaan in ATMIS ay ka ga rab shaqeyneyso habeen walba si loo hagaajiyo am maanka,” ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Booliska Yuusuf. Sidoo kalewaxa uu ku celceliyay in wada shaqayntu ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto xaq iijinta in Muqdisho nabad noqoto inta lagu jiro Rama daanka iyo ka dib.

Hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in saraakii sha ATMIS iyo Booliska Soomaaliya looga baahan yahay inay feejignaadaan si ay u fashiliyaan ama uga hortagaan weerar kasta oo ay qorsheynayaan Al-Shabaab.

"Muhiimada kormeerkan waa in la dhimo weerarr ada kooxaha argagixisada,” ayuu yiri sarkaalka ka soo shaqeeyay Booliska Soomaaliya muddo afar sano ah. Taliye Maxamed ayaa ku booriyay ATMIS inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan howlga llada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo amni dar ada ka jirta Muqdisho iyo deegaanadeeda.Booliska ATMIS iyo kuwa Soomaaliya ayaa sidoo kale roondo wadajir ah ka wada maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, taasoo qeyb ka ah dad aallada lagu dhisayo tayada ciidamada ammaanka & kuwa deegaanka.

Bangiga Adduunka oo sheegay in Soomaal iya ay qarka u saaran tahay in ay u qalanto deyn cafinta

Bankiga adduunka ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay inay gaartay horumarro si dalka uu u noqdo mid u qalma in si buuxda looga cafiyo dey maha iyadoo la raacayo Hindisaha waddamada deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Dhowrka bilood ee soo socda ayuu Bankiga Ad duunka sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), si ay Soomaaliya uga taageeraan sidii ay u gaari lahayd heerka HIPC ee dhameystirka hannaanka dayn cafinta Bankiga adduunku wuxuu sheegay da yn cafintu in ay noqon doonto mid muhiim u ah Muq disho oo gacan ka geysan doonta. in dalka loo furo fursado cusub oo maaliyadeed.

"Waxaan soo wada marnay waddo dheer, waxa ana la gaaray natiijooyin horumarineed oo muhiim ah,” ayuu yiri Keith Hansen, oo ah agaasimaha Ban kiga Adduunka ee Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda, oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay maga alada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Keith Hansen ayaa sheegay in dowladda Sooma aliya iyo Bangiga Adduunkaba looga baahan yahay inay sii wadaan wadashaqeynta si loo xaqiijiyo in si degdeg ah loo fuliyo dayn cafinta.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii wasaaradda maaliyadda ay marti galisay shirka dib u eegista wax qabadka shaqo ee dalka oo socday muddo labo maa lmood ah iyadoo wadahadallo miro dhal ah ay yeesh een Bangiga iyo madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo ay ku jiraan qeybaha fulinta mashaariicda.

Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, kulanka ayaa ku soo aaday waqti munaasib ah iyadoo dalka uu u dhaqaaqay dhanka dhameystirka dayn cafinta.

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday soo dejinta Mooto Bajaajta

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday soo dejinta Mooto Bajaajta Shirka golaha wasiiradda xu kuumadda Soomaaliya uu guddoominayay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Dorraad laga soo saaray go’aano adag oo ka dhan ah mootooyinka loo yaqaan bajaajta ee kusoo badanaya Muqdisho.

Golaha wasiiradda ayaa ka dooday dhibaatooyinka loo geesto darawalada mooto bajaajta iyo sidoo kale dhi baatooyinka amni darro ee iyana lagu geesto matoo yinka bajaajta iyo kuwa kale ee laba lugaaleyda ah.

Shirka golaha wasiiradda ayaana laga soo saaray shan qodob oo lagu xadididayo mootooyinka kusoo badanaya caasimadda, waxa ayna xukuumadda isku raaceen hir-gelinta shantan qodob.

1-Laga bilaabo 1-da bisha April ee sanandkan 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta mooto bajaajta, mooto gaari iyo mootada laba lug leh, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin moo tooyinkaasi.

2-Laga bilaabo 1-da April ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa mooto bajaajta, sidoo kale loo samee yaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B),waxaana shaqad aasi fulinaya maamulka gobolka Banaadir.

3-Lama siin karo ruqsada wadista mooto bajaajta iyo mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18-sanno . 4-Laga bilaabo 1-da bisha May ee sannadk an waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo moot ooyinka ilaa ammar dambe. 5-Hir-gelinta go’ aanad an waxaa u xil saaran fulinteeda wasaaradda Gaadi idka xukuumadda Soomaaliya , maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’addaha amniga dalka.

Dowladda Soomaaliya oo shixnad gargaar ah gey say degmo uu ka da’ay roob khasaaro geystay

Wafdiuu hugaaminayo Guddoomiyaha Hay’ad da Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Max amuud Macalin Cabdulle ayaa Dorraad Gaaray Mag aalada Xudur

ee Caasimada Gobolka Bakool oo uu dhawaan ka da’ay Roob xoogan oo dha maan xiray isku socodka gaad iidka iyo Ganacsiga qeybo ka mid ah Xafadaha Magaalada as taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Ca bdinaasir Cabdi Caruush,waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka Degmada Xudur iyo golaha deegaanka Magalaadas. Guddoomiyaha oo halkaas gaarsiiyey diyaarad wada shixnad mucaawino ah oo dhan 7-tan ayaa u kuur galay saameenta xafadaha uu biyaha Roobka kala xiray isaga oo dadka dee gaanka oo xafadahooda biyaha dhex jiifan mid mid u tulgay kana wareestay xaaladaha ay haaatan wajahayaan.

Madaafiic lagu garaacay Xaafado katirsan Laas-Caanood & khasaaro ka dhashay

Kadib dagaal xoogan oo duleedka Magaalada La as-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa la magac baxay SSC ayaa waxaa tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Xafado katirsan Magaalada Laas-Caanood.

Taliyaha Ciidanka Birjeex Ee Gobolka Mudug uga tegay dagaalka Laas-Caanood Gaasha anle Dhexe Maxamed Cabdillahi Xersi Tahliil ayaa shee gay in Ciidamada Somaliland ay soo weerareen Sal dhigyada Ciidamada SSC, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay gaadiid uga gubeen.

Wuxuu sheegay Sarkaalka in weerarkii ay kusoo qaadeen kadib ay tiro madaafiic ah u qeybiyeen magaalada Laas-Caanood, kuwaas oo qaarkood burbur xoogan u geystay Xarunta Maamulka Magaalada Laa s-Caanood, isaga oo ku hanjabay inay ka guuleysan doonaan.

Wararka Risaala ay ka heleyso goobaha lagu da gaalamay ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhima sho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka iyo khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay hoobiyeyaasha Ciidamada Somaliland ku garaaceen Magaalada Laas-Caanood.

Dagaalka Dorraad ka dhacay duleedka Magaala da Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ku soo aadaya xilli Mareykanka war kasoo baxay loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamay Magaalada inay joojiyaan dagaalka.

Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqay in kala bar la dhimay dhaqaalihii Shabaab

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa Dorraad ku dhawaaqay in la curyaamiyay hannaankii maaliyadeed ee maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii talada dalka uu la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Magal ada Muqdisho ayaa tilmaamay in kala bar la dhimay dhaqaalihii ay heli jireen mintidiinta Al Shabaab.

"Waxaan ku faraxsanahay Dorraad inaan ku dhawaaqno in Dowladda Soomaaliyeed ay ku guule ysatay in hoos loo dhigay kala bar dhaqaalihii ay heli jireen kooxaha Khawaarijta.” Ayuu yiri Wasiir Kuxig eenka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa yiri "Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in si guud loo curyaamiyay nidaamkii isku xirnaa dhaqaalaha ee ay Khawaarijtu ku samayn jireen.”

Alcadaala ayaa xusay in tani lagu guuleystay, ka dib markii Dowladda Federaalka ay qaadday tallaab ooyin lagu kala dhantaalayo dhaqaalaha ay isugu diri jireen teleefanada gacanta iyo weliba nidaamka bankiyada.

"Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaadi jirtay badeecaha ka soo dega dekedaha iyo garoomada, oo markii hore ay awood u lahaayeen in ay helaan xogta badeecadaha imaanaya dekedaha ama ka soo degaya garoomada.” Ayuu yiri Alcadaala.

Waxa kaloo uu yiri "Sidoo kale waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ay ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado, taasoo ayadana markii hore si sahlan ay u heli jireen ama ay awood u lahaayeen in ay helaan xogta hanti kasta oo la kala iibsado ama la kala wareejiyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore sheegay, marka laga soo taggo dagaalka tooska ah ee Shabaabka lagu la jiro in sidoo kale ay kala dagaalami doonaan dhanka dhaqaalaha iyo weliba xagga fekerka.

Maraykanka oo walaac ka muujiyay colaada Laascaanood iyo dib u dhaca doorasho oyinka Somaliland

Dowlada Maraykanka ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka Laascaanood, iyo in Somaliland la timaado wado qeexan oo doorasho lagu gaadhayo.

Dowlada Maraykanka ayaa walaac ka muujisay col aada ka taagan Laascaanood, waxayna ku baaqday in dhinacyadu xaalada dajiyaan isla markaana ay isugu yimaadaan miiska wadahadalka, waxayna she egtay in sii socoshada colaadu keenayso in kooxaha xagjir ka ahi ay uga sii daraan xaalada.

"Rabshadaha sii socda waxay kordhin doonaan suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah inay abuuraan xasillooni daro baahsan oo ay uga sii dari doonaan dhibaatada bini'aadantinimo ee socota" ayaa lagu yidhi qoraal dowlada Maraykanka kasoo baxay.

Waxa kale, oo qoraalka lagu sheegay in dowl ada Maraykanku ay soo dhawaynayso madaxw eynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay sheegtay in ay ka go'antahay in uu Hargaysa ku qaabilo odayaasha dhexdhexaa dinta ku howlan.

Maraykanku waxa uu Somaliland ugu baaqay in ay ciidamadeeda dib uga qaado furinta dagaalka, xoogaga kalena waxa uu ugu baaqay in ay ka dhowr sadaan in ay wax weerar ah ku qaadaan ciidamada Somaliland, wuxuuna soo dhaweeyay dhexdhexaa dinta ay odayaasha reer Muqdisho wadaan.

Maraykanku waxa uu sheegay in uu ka walaac sanyahay dib u dhaca doorashada madaxtooyada ee Somaliland, wuxuuna soo jeediyay in miiska lasoo saaro qorshihii doorashada, dhanka kale wuxuu ku hanjabay in aanu dal ku galka Maraykanka siin doo nin cidkasta oo loo arko in ay caqabad ku tahay qab soomideeda.

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubini mada Finland ee NATO

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maalintii Kha miista ansixiyey codsigii dalka Finland ee ka mid-noqoshada Gaashaan Buurta NATO.

Dhammaan 276 xubnood ee Baarlamaanka Turkiga ayaa u codeeyey in Finla nd loo ogolaado xubi nimada NATO. Dhowr maalin ka hor ayuu dalka Hungary ogolaaday in Finland ka mid noqoto xubnaha NATO. Xoghayaha Guud ee Gaashaan Buurta NATO Jens Stoltenberg ayaa arrintaan ku tilmaamay mid sii xoojineyso awoodda NATO.

Walaac ay ka muujiyeen duulimaadkii uu dalka Ruushka ku soo qaaday dalka Ukraine, ayeey dal alka Finland iyo Sweden codsadeen in ay ka mid noq daan NATO. Labadaan dal ayaa waligood dhex-dhex aad ka ahaa awoodihii military ee qaaradda Yurub.

Ka mid-noqoshada Gaashaan Buurta NATO, waa in ay 30ka dowladood ee xubnaha ka ah soo wada ansixiy. Turkey iyo Hungary ayaa ah labada dal ee ugu dambeeyey ee u ogolaado dalka Finland.

Dalka Sweden oo soo codsaday in kuu biiro NATO ayaa waxaa wali hor-taagan dalka Turkiga oo dalka Sweden ku eedeeyey in ay taageeraan kooxaha arg agixisada ah ee Kurdiyeenta oo dagaalka kula jira dalka Turkiga.

"Dalka Finland oo xad gaaraya ilaa 1,340 Kilomter la leh dalka Ruushka ayeey faa'ido weyn u tahay ka mid noqoshada xubnaha NATO, gaar ahaan marka laga fiirsho dhanka siyaasdda iyo deegaanka uu dal ka Finland kaga yaalo qaaradda Yurub" Ayeey tiri Prof. Mai’a Cross, oo bare ka ah Jaamadda Northeas tern ee dalka Mareykanka.

11 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay shil Gaari oo ka dhacay gobolka Bari

11 Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay ugu yaraan 20 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo labo habeen ka hor ka dhacay meel u dhow magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Tahriibayaa shan oo ay wateen Mukhalasiin ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen magaalada Boosaaso, iyagoo doona yay inay uga sii gudbaan Gacanka Cadmeed ee dalka Yemen.

Gaari xamuul ah oo ay la socdeen ayaa rogmaday, wa xaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Bulshada deegaanka ayaa isbitaalka guud ee mag aalada Boosaaso keenay kow iyo toban qof oo meyd ah iyo dhaawac halis ah oo soo gaaray dadka soo galootiga ah.

Hay'adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa ka deyrisay xaaladda muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku qulqula Yemen. Sahan 2021 lagu sameeyay qoy saska Itoobiya ayaa lagu ogaaday in ka badan 50, 000 oo qof in la la’yahay ka dib markii ay ka soo tag een waddankoodii ilaa 2015 oo keliya. Caqabadaha ammaanka ayaa ka dhigan in dad badani ay dhinteen, iyagoo aan xog laga haynin.

IOM waxy sheegtay inay soo food saartay dhaqaale yaraan weyn oo lagu caawinayo muhaajiriinta ku sugan Soomaaliya. Ilaa ay deeq-bixiyayaashu si degdeg ah u kordhiyaan maalgelintooda.

Hay’addu waxay sheegtay in ay joojinayso taageerada labada Xarumood ee ka jawaabista Soogalootiga marka la gaadho Juun 2023.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Gal mudug ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al Shab aab waxay ka fuliyeen Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug

Howlgalkaan ayay Ciidamadu waxay ka sameeyeen Deegaanada Qeycad ,Jiic dheere, Laas-gacameey iyo ilbalac, degaanadaas ayaa qaarkood horay looga saaray Al-Shabaab

Ciidamada ayaa la kulmay Shacabka ku nool Dee gaanka Laas-gacameey waxayna ka xog dhagays teen Baahiyada Deegaanka

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa she egay inay xoojin doonaan Howlgallada Amniga lagu sugayo loogana hortagayo Al-Shabaab oo mararka qaar yimaada deegaanada howlgalka laga same eyay.

Madaxweyne Geelle: Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in dalkiisu uu noqon doono ka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada hadii uu caalamka kale aqoons ado.

Geelle oo waraysi siiyay jariirada afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique, ayaa la waydiiyay hadii ay qorshaha ugu jirto in uu aqoonsado Somaliland-ta 32 sanno jirsatay, wuxuuna ku jawaabay in dalkiisu uu noqon doono ka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsi siiya.

"Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada, maxad u doonaysa in aad dhibaatooyin kale uga abuurto xuduudahayaga?" Ayuu yidhi Geelle oo u muuqday in aanu rabin in uu la colaytamo dowlada Soomaaliya.Geelle ayaa intaa ku daray in uu saaxiib la yahay dhamaan madaxda gobolka isla markaana uu ixtiraamayo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

"Madaxda gobolku waa saaxiibadayo, waxaananu la leenahay xidhiidh nabadeed, sida xidhiidhka aanu Soomaaliya la leenahay, kala duwanaanshuhu waxa weeyaan in Soomaaliya tahay waddan federal ah, oo aanu madaxbannaanida dhuleed ixtiraamayna" ayuu yidhi Geelle.

Jabuuti waxay kamid tahay dalalka dhowrka ah ee xafiisyada dibulumaasiyadeed ku leh Somaliland, lakiin waxa la sheegaa in madaxweyne Geelle aanu marnaba ku niyad samayn aqoonsi la siiyo Somaliland, sida ay ku doodaan siyaasiyiin caan ah oo reer Somaliland ah.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo sheeg ay in isku day dil lagu sameeyay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in 7 xabadood lagu dhuftay gaarigiisa maalintii Khamiista oo ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in taasi ay ahayd isku day naftiisa lagu doonayay.

Wareysi uu siiyay warbaahinta ayuu Mr Odinga ku sheegay in booliisku ay beegsadeen gaarigiisa iyo kuwa kale oo ay la socdeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhacayay xaafadda Eastland ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay booliiska in ay beegsadeen saxafiyiinta intii ay socdeen mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda, waxa uuna ku andacooday in ay jiraan qorshayaal lagu weerarayo xafiisyada kooxda hormuudka u ah adeegga warbaahinta Royal ee magaalada Nairobi.

Mr Odinga ayaa beesha caalamka ku dhaliilay in ay iska indha tireen xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegay in mucaaradku ay qaban doonaan mudaaharaad weyn 3-da Abriil.

Lix wariye ayaa ku dhaawacmay mudaaharaad yadii Khamiista, taasoo kor u qaaday tirada shaqaalaha warbaahinta ee ku dhaawacmay tan iyo markii mudaharaadku bilaabmay isbuucii hore. "Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay warbixinadii ugu dambeeyay ee weerarrada ka dhanka ah saxafiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada waa tiir-dhexaadka dimuqraadiyadda,” ayuu danjire Meg Whitman ku soo qoray bartiisa Twitter-ka subaxnimadii Jimcaha.

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Gaari ku dhacay tog kuyaalla Magaalada Hargeysa

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Gaari nooca raaxada ah oo ku dhacay Tog kuyaalla Magaalada Hargeysa ee degaannad Som aliland kadib roob xoogan oo saacadihii la soo dhaaf ay ka da’ay halkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gari ga oo ay saarnaayeen Haweeneey, Gabar yar iyo Darawalka Gaariga uu ku dhacay Togga kadib markii Darawalka Gaariga uu dadweyne gobta ku sugnaa ka diiday in uu ka joogo toga ay biyo badan ka buux aan.

Inta la xaqiijiyay shilkaas ayaa waxaa ku dhimatay oo weli meydkeeda la la’yahay Haweeneey lagu Magacaabi jiray Najax, waxaana laga soo badbaadi yay wadihii Gaariga iyo Gabar yar oo saarneyd Gaariga. Ciidamo katirsan kuwa dam demiska Somal iland ayaa tegay Goobta, kuwaas oo Habeen hore ilaa Dorraad baadi goobaya meydka Haweeneeyda Gaariga saarneyd, taas oo dad arkaayay sheegeen in ay biyuhu qaadeen kadib markii ay weeysay cid u soo gurmata.Todobaadkan ayay aheyd markii Gaari nooxa raaxada ah uu ku dhacay Toga weyn ee Magaalada Hargeysa, kaas oo iyada oo aan wax khasaaro ah ka dhalan ay kasoo saareen Ciidamada

dam demiska Somaliland.


14 Ruux oo shil Gari ku geeriyootay dalka Kenya

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya inay shil gaari ku dhinteen afar iyo toban qof oo ay ku jiraan arday, ka dib markii ay isku dhaceen bas jaamacadeed iyo gaari kale oo rakaab ah oo marayey galbeed ka magaalada Nairobi.

Ciidamada Booliska ayaa sheeg ay in 12 qof ay ku dhinteen isla goobta uu shilku ka dhacay halka 2 qof oo kalena ay dhinteen intii loo sii waday cusbitaalka.

Baska waxaa saarnaa illaa 30 qof oo rakaab ah, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo lagu magcaabo Tom Odera.

Baska oo ka tegey caasimadda Nairobi kuna socday magaalada Nakuru, ayaa darawalka gaarigu wuxuu markeliya lumiyey xakamayntii gaariga, isaga oo ku dhacay gaari kale oo waddada marayey.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan dalka Kenya. Hay’adda qaran ee badbaadada gaadi idka ayaa sheegtay toddobaadkii hore in illaa 974 qof ay shilal gaari ku dhinteen dalka oo dhan, tan iyo bishii January ee sannadkan

Ilhaan Cumar oo ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan in la mamnuuco TikTok

Ilhaan Cumar Waxa ay Ilhaan Sheegtay in ay "Necebtahay cabudhintaXildhibaannadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee ku matasha aqalka Wakiillada Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay kasoo hor jeeddo in Maraykanka laga mamn uuco aaladda Tik Tok.

Qaar ka mid ah aqalka Congress-ka Marayk anka ayaa soo jeediyey in madasha bulshda ee TikTok laga mamnuuco guud ahaanba in lagu isticmaalo gudaha dalka Maraykanka, waxaanay shirkkadda aaladdan iska leh ku eedaysan tahay, eedeymo ay ka mid yihiiin in ay aruuriso xogta dad weynaha adeegsada isla markaana ay la wadaagto dalwdda Shiinaha.

”Waan kasoo hor jeedaa dadaalka ay qaar ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriyiinta iyo dimuqraadigu ku doonayaan in lagu mamnuuco madal idil oo bulsheed – TikTok” ayey ilhaan ku tiri bayaan ay soo saartay.

Waxa ay u cuskatay dhowr sababood iyada oo tan ugu horeysa ku sheegtay, ”ugu horeyntii ma jecli cabudhinta”.

”Waxaa jira walaac dhab ah oo ku aaddan asturna anta iyo aruurinta xogta dadweynaha adeegsada baraha bulshada, balse soo jeedintani kama hadleyso arrimahaas.” Ayey tiri Ilhaan oo ku eedeysay in soo jeedintani ay bartilmaameed gaar ah ka dhigatay TikTok oo kali ah, iyada oo hada lkeeda kusii dartay, ”taas baddalkeeda waxay [soo jeedintu] si gooni ah u soocday hal aalad – TikTok ka dibna mamnuu cday,” waxaanay ku tilDorraady in tani ay tahay siyaasad xun.

Cadaadiska ay kala kulantay waddamada qaar awgii Tiktook ayaa ku celcelisay in xogta adeegsa daha aan lala wadaagin dawladda Shii naha.

Ilhaan CumarQoraalka sawirka,

Ilhaan Cumar waxa ay barta Tiktok ku leedahay bog ay ku xiran yihiin in ka badan 240 kun oo qof

Waxa ay qirtay in TikTok loo adeegsan karo warxu mo fidin, nacayb iyo wararka been abuurka ah balse waxay sheegaty in tani aanay gaar ku ahayn TikTok oo kali ah, ” Waxa kale oo jira walaac laga qabo in TikTok loo isticmaali karo dacaayadda iyo hadalada nacaybka. Aniga qudheeday ayaa bartilmaameed joogto ah u ah ololayaasha macluumaadka been abuurka ah, waan dareemi karaa walaacyadan. Laakiin mar labaad, dhibaatadani ma aha mid u gaar ah TikTok. Twitter, Instagram, iyo Facebook-ka caanka ah dhammaan waxa ay cadawga ajaanibka ahi u isticmaaleen ololayaal been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanayo muwaadin iinta Maraykanka.” Ayey tiri Ilhaan.Ugu dambeyntii Ilhaan waxay she egtay in ay jiraan dhibaato oyinka dawladda shiinuhu ku hayso dadka muslim iinta ah ee dalkaas oo ay ku timaamtay in xuquuq doo da aas’aaska ah lagu cabu dhiyey, ”Waxaa jira wa aacyo sharci ah oo ku saa bsan dawladda Shiinaha - oo ay ku jiraan cabudhinta naxariis darada ah ee ay ku hayaan dadka Uyghur iyo cabudhinta xuquuq aha aasaasiga ah ee xorriy adda hadalka ee dalkooda. Balse mamnuucid da hal shirakd oo shiinaha laga leeyahay ma xalinayso dhiba atada.” Ayey tiri Ilhaan.

Shou Zi Chewayaa

Madaxa Tiktok, Shou Zi Chewayaa loo yeeray si Congress-ku suaalo u weydiiyaan

Ilhaan Cumar waxa ay barta Tiktok ku leedahay bog ay ku xiran yihiin in ka badan 240 kun oo qof waxa anay soo dhigtaa muuqaallo kooban oo ku saabsan shaqadeeda ama nolosheeda.

Ilhan oo kali ah kama soo hor jeeddo mam nuuciddan Tiktok, Senetarka Jam huuriga ah Rand Paul, ayaa Dor raad hor istaagay isku day lagu doonayay in si deg deg ah looga mamnuuco TikTok, isagoo sabab uga dhigay walaaca laga qabo xoriyatul qawlka iyo sinnaan la’aanta ku aaddan sida loola dhaqmayo shirkadaha baraha bulshada.

Tan ayaa imaanaysa iyada oo todobaadkii tagay aqalka Congress-ka looga yeeray madaxa TikTok, Shou Zi Chew halkaas oo su’aalo badan ay ku waydiiyiin xubnaha sharci dejinta dalka Maraykanka. Dadka reer maraykan ee adeegsada aaladdan ayaa siyaabo kal duwan uga fal celiyey iyaga oo qaarkood ku tilmaamay in xildhibaanadu ay gooni baarayaan TikTok.

Qaar badan oo ka mid ah wadamad reer galbeed ayaa mamnuucid kala duwan kuso rogay Tiktok iyada dhowaan ay dawaladda Uk ka mamnuucay in aaladdan lagu isticmaalo qalabka dawladda iyo kuwa shaqaalaha dalwadda.XIGASHO:-BBC

Mareykanka & Madaxweynaha Somaliland oo War kasoo saaray Colaada Laas-Caanood

Xilli Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ee muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Larry André u ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland in uu kala fogeeyo ciidamada Laascaanood ku dagaalamaya, isla markaana uu jeexo kharidad doorasho ayaa waxaa warkaas ka jawaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal lagu taabacay Barta Twitterka ee Tv-ga Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyn aha Somaliland uu kula dar daarmay dhammaan ciidamada kala duwan inay sii laba jibaaraan dedaalkooda, isla markaana ay ka feejignaadaan cid kasta oo damacsan inay amniga qaranka wax u dhinto.

Tallaabadaan ayaa dad badan u arkaan in ay tahay mid sii xoojineyso colaada Magaalada Laas-Caanood oo ku dhawaad muddo laba bilood ah ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Colaada Laascaanood ayaa wali taagan iyadoo beesha caalamku ay marar kala duwan ku baaqday in miiska wadahadalka lagu dhameeyo, isla markaana dadaalo dhexdhexaadineed oo ay samaysay Itoobiya aysan guulaysan.

Sidoo kale waxaa Magaalada Laas-Caanood tegay Odayaal dhaqan oo ka tegay Magaalada muqdisho, kuwaas oo howlo dhex-dhexaadin ah waday, balse ay dib ugu laabteen Magaalada Garoowe oo markii hore ay ka tageen kadib markii Somaliland ay diiday dhex-dhexaadinta.

26 bishan ayaa Afhayeen u hadlay Millateriga Somaliland waxaa uu ku dhawaaqay inay qaadayaan weeraro qorsheysan oo ay kula dagaalamayso xoogaga dagaalka kula jira.

Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa colaada Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, taas oo ay ku dhinteen dad ku dhow 200 oo Ruux sidoo kalena boqolaal qoys ay ka barakaceen.

Wararkii u dambeeyey ee dacwadda Donald Trump

Dacwadda suurta-galka ah in lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qaadan karta dhowr toddobaad oo kale, yada oo xeer-beegtida ay fasax ka qaateen kiiska illaa dhammaadka bisha April, waxaa sidaas Arbacadii weriyey warbaahinta Mareykanka. March 18-keedii, Trump ayaa sheegay in saddex maalin kadib lagu soo oogi doono dacawado la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata.

Hase yeeshee tan iyo xilligaas, guddi uu isku keenay dacwad-oogaha ugu sarreeya degmada Manhattan ee New York, ayaa weli wada dhageysiga marqaati furayaasha.

Hadda oo ay jiraan kiisas kale, ayna soo socdaan munaasabado ay ka mid yihiin Easter, Passover iyo Ciidul Fitri, islamarkaana la qorsheeyey fasax laba toddobaad ah oo ka billaabanaya 10-ka April, xeer beegtida ayey suurta-gal tahay inaysan kiiska soo qaadin illaa dhammaadka April, waxaa sidaas weriyey wargeysyada Washington Post iyo Politico oo soo xiganaya ilo-wareedyo.

Washington Post ayaa qoray in taariikhda ugu dhow ee xeer beegtida ay dib u billaabi karaan kiiska ay tahay 24-ka April.

Baaritaanka kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah $130,000 oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 la siiyey gabar jisha aflaanta galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels, si looga joojiyo inay shaaciso galmo ay sheegtay inay la sameysay Trump, toban sano kahor.

Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo kahor marqaati furay xeer beegtida ayaa Congress-ka u sheegay 2019-kii inuu bixiyey lacagta isaga oo ka wakiil ah Trump, kadib dib loogu soo celiyey.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegaya in jeegagga lacagta aan si sax ah loo diiwaan-gelin, taasi oo keeni karta dambi yar oo la xiriira ka been sheegidda diiwaanka ganacsiga.

Hase yeeshee, waxaa taas loo dallacsiin karaa dambi weyn, haddii xeer-ilaaliyaha degmada uu xeer beegtida ka dhaadhiciyo in lacagta la qariyey ay qeyb ka aheyd in Trump uga faa’iideysto ololaha doorashada, isaga oo daboolaya fadeexad.

Ma jiro madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska jooga ama ka tegay oo abid dacwad lagu soo oogay.

Trump ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan ku saabsan faro-gelinta doorashadii gobolka Georgia ee 2020 iyo weerarkii ay January 6, 2021 taageerayaashiisa ku qaadeen Congress-ka, kuwaas oo doonayey inuu xafiiska sii joogo kadib markii doorashada looga adkaaday.

Trump oo mar kale doonaya inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa dhammaan baaritaanada ku macneeyey "ugaarsi shaqsi” iyo dacwad-oogis siyaasadeed.VOA + AFP


Madaxweynaha Maraykanka oo Safiir Cusub usoo magcaabay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u magcaabay Rich ard H. Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Mar ayk anka u joogi doona Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo bax ay aqalka cad.

Safiirka cusub ee Soo maaliya loo magcaabay ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha debe dda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Mara ykanka ee Canada.

Richard H. Riley ayaa hore uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Ru ssia iyo Yemen. Danjiraha cusub ayaa bedelaya safi irka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre.

Sidoo kale madaxweyne Joe Biden ayaa magcaa ay safiis cusub oo dalka Maraykanka u fadhiyi doona dalka Liberia.

PUTIN oo laga yaabo inuu booqdo Turkey, xilli ay ICC amartay in lasoo xiro

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa laga yaaba inuu booqdo Turkiga 27-ka bisha soo socota ee April, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiya Recep Tayyib Erdogan.

Socdaalka Putin laga yaabo inuu ku tego Turkiga ayaa la xiriira daah-furka koronto-dhal iyaha tamarta Nukliyeerka ee ugu horreeyay ee ay dhisto shirkadda tamarta Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.

"Waxaa laga yaabaa inay jirto suurtagalnimada in Mr Putin uu yimaado 27-ka Abriil, ama waxaa laga yaabaa inaan ka dhigno xafladda caleema-saarka mid online ah,” ayuu Erdogan ku yiri faallooyin laga sii daayay telefishinka ATV.

Horraantii bishaan, maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, maadaama lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine, taasi oo keentay caro ka timid Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin.

Laakiin Turkigu qayb kama aha heshiiskii Rome, ee lagu dhisay maxkamadda ICC.

Turkiga ayaa shidaalkii ugu horeeyay ee Nukliyeer ah ku shubi doona qeybta ugu horeysa ee tamarta Nukliyeerka ee magaalada Akkuyu.

20-Saxafi oo lagu beegsaday mudaharaad ada ka socda Kenya..

In ka badan 20 saxafi ayaa la weeraray, labadii toddobaad ee ay socdeen muda haraadadii lagaga soo horjeeday xukuumadda Kenya.Sida laga soo xigtay xarunta warbaahinta ee Kenya, weeraradan ayaa sare u kacay tan iyo markii ay debe dbaxyadu bilaabmeen,

waxaana saxafiyiinka muuqaalada duuba iyo kuwa sawirada qaadaa ay bartilmaameed u noqd een, debedbaxayaasha xukuumadda taageersan iyo kuwa ka soo horjeedaba.Golaha warbaahinta ee Ke nya ayaa dalbanaya in baadhis lagu sameeyo taca diyada loo geystay saxafiyiinta. Njeri Gathumbi, oo ah sawirqaade u shaqeeya telefiishanka Nation TV ee dalka Kenya, oo ka mida saxafiyiinta soo tebiya debedbaxyada, ayaa sheegtay in toddobaadkii ugu dambeeyey uu ka sii adkaa toddobaadkii ka horree yey. "Haddii aad aaddo dhinaca ciidamada booliska, waxaad khatar ugu sugan tahay dhagxaantu inay ku gu dhacaan, haddii aad tagto dhinaca debedbaxaya ashana, waxaa ku garaacaya dadweynaha, sidoo kale ciidamada booliska ayaa kugu qarqinaya sunta dadka kaga ilmaysiisa” ayay sheegtay. " Mararka

qaarkood inaad sawiradaas qaaddo, waa arrin aad u adag, waa inaad isku qarisaa meel aad kaga dhu uman karto booliska iyo shacabkaba, khaasatan mar ka ay isweydaarsanayaan dhagxaanta iyo sunta dad ka kaga ilmaysiisa” ayay sii raacisay. Saxafiyiinta la ma bartilmaameedsanayn illaa taliyaha booliska ee Japhet Koone uu ka sheegay in debedbaxayaasha lagu maxkamadayn doono, iyada oo la isticmaalayo sawirada la qaaday. Debedbaxyadan ayaa bilaab may ka dib markii hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku dhawaaqay in laga mudaharaado qiim aha nolosha ee cirka isku shareeray iyo goldalooloo yinka hannaanka doorashada. Dawladda ayaa sharci darro ku tilDorraady mudaharaadada, waxayn ku han jabtay inay tallaabo adag ka qaadayso. WQ: Moham med Yusuf

DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}

AxkaamtaSoonka 26 Niyada waxaa udaliil ah xadiiskii cumar (r. c): (إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى...) (متفق عليه) (Acmaasha (wa xay un ku asaxdaa ama ku dhamaystirantaa) niyooyinka, ruux walbana wuxuu niyooday un baa u sugnaaday ) .

Hadaba soonka waajibka ah xilliga laniyoon karo waa Laga bilaabo wakhtiga salaadda maqrib illaa wakhtiga salaadda subax. Ruuxii aan niyoonin habee nimada soonka bisha ramadaan soon uma jiro maalintaa, umana banaana inuu wax cuno am a cabbo, ee wuu af haysanayaa waana inuu soo qalleeyo soonkii niyad la’aanta uu soomay, waana waajib in habeenka niyada labariiyo. Hadii aad suxuurato adigoo doonaya inaad barri soonto niyadii way kuu dhantahay, su xuurta aad usoo ka cday adigoo soon doonaya waxay ka tujumaysaa niyadii so onka. Waakan xadiiska nabiga (s.c.w) oo inoo caddaynaya waa jibnimadka in lan iyoodo soonka waabariga kahor: Xafsah (oo kamid ah hoyoyinka mu’miniinta ) waxay nabiga (s.c.w) ka warinaysaa inuu yiri: (من لم يجمع الصيام قبل الفجر فلا صيام له) (صحيح، أخرجه: الخمسة، واللفظ للترمذي) ( Ruuxii aan kulminin (aan niy oonin) soonka waabariga kahor, soon uma jiro). 2. Ruk niga Labaad Ee Soonka Waa: In laga joogsado (la iska ilaaliyo) waxyaabaha soonka jabiya, ee aan horay u soo sheegnay

AxkaamtaSoonka 20 10. Waxyaabaha Soonka Jabiya Soonka waxaa jabiya qodobadan hoos ku qoran :

·Wax jidhka gudihiisa gaadha oo cunto iyo cabbid ah ama shay qabanaya shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka si ula kac ahna ugaadha

.· In mantag (hunqaaco) si ul akac ah la isaga keeno.

·In si ula kaca ah galmo loo sameeyo .

·Biyo dajin (minida oo timaada) kuna timaadda taa-taabasho iyo raaxaysi.

·Dhiigga caadada (xaydka) oo yimaada .

·Dhiigga dhalmada (nifaaska) oo yimaadda .

·Waalli iyo wixii lamid ah oo ruuxa ku dhacda .

·Riddoobid (ruuxa oo diinta ka baxa) ALLAAH ayaan kamagan galnay.

· Ruuxa oo niyooda inuu afuro inta ay qorrax da soojeedo. Marka la helo mid kamid ah qodo badan kor ku qoran, ruuxii soomanaa soonkiisi wuu jabay, waxaana waajib ku ah inuu soo qalle eyo soonkii sidaa kagajabay oo idil.

Faah-faahin Ø Jab iyaha koowaad ee soonka waa:

Wax gaara caloosha ama jidhka gudihiisa oo cunto iyo cabbid ah ama qabanaya shaqada ay jid hka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka, sida: fal eenbooyinka nafaqada, ama in dhiig lugu shubo, ruuxii oo sooman, i.w.m. Waxaa isku mid ah waxa jidhka gudihiisa galay inuu kagalo meelaha furan sida: afka, xagga danbe, ibta, sanka, dhagaha, iyo in irbad (silingo) ahaan lugu siiyo, Addilada arintaa tusinaya waxaa kamid ah: وكلو واشربو حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر ثم أتموا الصيام إلى اليل



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip