SAWIRO:-Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah ka billaabay Muqdisho

0
Friday March 31, 2023 - 10:04:58 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah ka billaabay Muqdisho

    Ciidamada Booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah u kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si ay u xakameeyaan falalka lidiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah u kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si ay u xakameeyaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. Koox saraakiil ah oo uu hogaaminayay Barrie Yusuf, Madaxa Kooxda ATMIS Joint iyo Ali Mohamed Cusman oo ah Madaxa Howlgalinta Saldhigga Booliska Degmada Wadajir, ayaa sameeyay howlgallo baaritaanno ah oo isugu jiray baro koontorool deg-deg ah oo la dhigay waddooyinka waaweyn. waddooyinka gala xarumaha dawladda iyo xafiisyada. "Muhiimada kormeerkan wadajirka ah ayaa ah in dadka deegaanka ay ogaadaan in ATMIS ay ka garab shaqeyneyso habeen walba si loo hagaajiyo ammaanka," ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Booliska Yuusuf. Sidoo kale waxa uu ku celceliyay in wada shaqayntu ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto xaqiijinta in Muqdisho nabad noqoto inta lagu jiro Ramadaanka iyo ka dib. Hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha ATMIS iyo Booliska Soomaaliya looga baahan yahay inay feejignaadaan si ay u fashiliyaan ama uga hortagaan weerar kasta oo ay qorsheynayaan Al-Shabaab. "Muhiimada kormeerkan waa in la dhimo weerarrada kooxaha argagixisada," ayuu yiri sarkaalka ka soo shaqeeyay Booliska Soomaaliya muddo afar sano ah. Taliye Maxamed ayaa ku booriyay ATMIS in ay laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan howlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo amni darada ka jirta Muqdisho iyo deegaanadeeda. Booliska ATMIS iyo kuwa Soomaaliya ayaa sidoo kale roondo wadajir ah ka wada maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo tayada ciidamada ammaanka & kuwa deegaanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip