Haweeney Soomaaliyeed oo isbitaalka Banaadir halmar ku umushay afar caruur ah

0
Friday March 31, 2023 - 15:01:24 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Soomaaliyeed oo isbitaalka Banaadir halmar ku umushay afar caruur ah

    Agaasimaha Isbitaalka Fartuun Shariif ayaa sheegtay in carruurtan iyo hooyadood ay xilligan caafimaad qabaan. Haweeneydan ayaa ka timid degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe oo qiyaastii 120 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Isbitaalka Fartuun Shariif ayaa sheegtay in carruurtan iyo hooyadood ay xilligan caafimaad qabaan. Haweeneydan ayaa ka timid degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe oo qiyaastii 120 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Marwo Shariif waxa ay sheegtay in haweeneydaasi ay si dhib la'aan ah u umushay. Waxay dadka ka codsatay in hooyadan ay garab istaagaan maadaama ay ka timid miyi ku dhow magaalada Cadale. Hooyada dhashay ilmahan ayaa sheegtay in ilmahan ay yihiin da'dii tobnaad ee ay dhasho, waxayna sheegtay inay horey u dhashay labo mataano ah. Waa haweeneydii ugu horreysay ee si dabiici ah ugu dhasha afar ilmood isbitaalka Banaadir, sida ay sheegtay agaasimaha isbitaalka isbitaalka Banaadir. Inta badan ilmaha mataanaha ayaa ku dhasha qalliin lagu sameeyo hooyada sababa la xiriira caqabado ku yimaado habka dhalmada ee xilliga foosha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip