Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo sheegay in isku day dil lagu sameeyay

0
Friday March 31, 2023 - 14:57:59 in Wararka by
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo sheegay in isku day dil lagu sameeyay

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in 7 xabadood lagu dhuftay gaarigiisa maalintii Khamiista oo ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in taasi ay ahayd isku day naftiisa lagu doonaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in 7 xabadood lagu dhuftay gaarigiisa maalintii Khamiista oo ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in taasi ay ahayd isku day naftiisa lagu doonayay. Wareysi uu siiyay warbaahinta ayuu Mr Odinga ku sheegay in booliisku ay beegsadeen gaarigiisa iyo kuwa kale oo ay la socdeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhacayay xaafadda Eastland ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay booliiska in ay beegsadeen saxafiyiinta intii ay socdeen mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda, waxa uuna ku andacooday in ay jiraan qorshayaal lagu weerarayo xafiisyada kooxda hormuudka u ah adeegga warbaahinta Royal ee magaalada Nairobi. Mr Odinga ayaa beesha caalamka ku dhaliilay in ay iska indha tireen xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegay in mucaaradku ay qaban doonaan mudaaharaad weyn 3-da Abriil. Lix wariye ayaa ku dhaawacmay mudaaharaadyadii Khamiista, taasoo kor u qaaday tirada shaqaalaha warbaahinta ee ku dhaawacmay tan iyo markii mudaharaadku bilaabmay isbuucii hore. "Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay warbixinadii ugu dambeeyay ee weerarrada ka dhanka ah saxafiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada waa tiir-dhexaadka dimuqraadiyadda," ayuu danjire Meg Whitman ku soo qoray bartiisa Twitter-ka subaxnimadii Jimcaha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip