Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday soo dejinta Mooto Bajaajta

0
Friday March 31, 2023 - 12:05:10 in Wararka by
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday soo dejinta Mooto Bajaajta

    Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday soo dejinta Mooto Bajaajta Shirka golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya uu guddoominayay Ra'isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta laga soo saaray go'aano adag oo ka dhan ah mootooyinka loo yaqaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday soo dejinta Mooto Bajaajta Shirka golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya uu guddoominayay Ra'isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta laga soo saaray go'aano adag oo ka dhan ah mootooyinka loo yaqaan bajaajta ee kusoo badanaya Muqdisho. Golaha wasiiradda ayaa ka dooday dhibaatooyinka loo geesto darawalada mooto bajaajta iyo sidoo kale dhibaatooyinka amni darro ee iyana lagu geesto mootooyinka bajaajta iyo kuwa kale ee laba lugaaleyda ah. Shirka golaha wasiiradda ayaana laga soo saaray shan qodob oo lagu xadididayo mootooyinka kusoo badanaya caasimadda, waxa ayna xukuumadda isku raaceen hir-gelinta shantan qodob. 1-Laga bilaabo 1-da bisha April ee sanandkan 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta mooto bajaajta, mooto gaari iyo mootada laba lug leh, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi. 2-Laga bilaabo 1-da April ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa mooto bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B),waxaana shaqadaasi fulinaya maamulka gobolka Banaadir. 3-Lama siin karo ruqsada wadista mooto bajaajta iyo mootooyinka kale qof da'diisa ay ka yar tahay 18-sanno . 4-Laga bilaabo 1-da bisha May ee sannadkan waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo mootooyinka ilaa ammar dambe. 5-Hir-gelinta go'aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda wasaaradda Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya , maamulka gobolka Banaadir iyo Hay'addaha amniga dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip