Xubin Sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda Soomaaliya

0
Thursday March 30, 2023 - 12:42:49 in Wararka by
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubin Sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Cabdi Xasan Hulbaale oo ahaa madaxii Al-shabaab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qoryooley ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka, sida ay qortay warbaahinta dowladda.

 

Wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Al-shabaab sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana u xalay isku soo dhiibay Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ee ku sugan dagmada Janaale.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan ugu baaqay xubnaha maleeshiyada Al-shabaab inay ka baxaan urururkaas, iyada oo dhinaca kale ay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay wadaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay mar kale ku celisay in wejiga labaad ee hawlgallada milatari looga dan leeyahay in al-Shabaab waddanka looga saaro, waxay dawladdu sheegtay inaysan hawlgalladu istaagayn ilaa buqcad kasta laga saaro al-Shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip