Madaxweyne Geelle: Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

0
Thursday March 30, 2023 - 11:28:51 in Wararka by
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Geelle: Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
 Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in dalkiisu uu noqon doono ka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada hadii uu caalamka kale aqoonsado.
Geelle oo waraysi siiyay jariirada afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique, ayaa la waydiiyay hadii ay qorshaha ugu jirto in uu aqoonsado Somaliland-ta 32 sanno jirsatay, wuxuuna ku jawaabay in dalkiisu uu noqon doono ka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsi siiya.


"Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada, maxad u doonaysa in aad dhibaatooyin kale uga abuurto xuduudahayaga?" Ayuu yidhi Geelle oo u muuqday in aanu rabin in uu la colaytamo dowlada Soomaaliya.

Geelle ayaa intaa ku daray in uu saaxiib la yahay dhamaan madaxda gobolka isla markaana uu ixtiraamayo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

"Madaxda gobolku waa saaxiibadayo, waxaananu la leenahay xidhiidh nabadeed, sida xidhiidhka aanu Soomaaliya la leenahay, kala duwanaanshuhu waxa weeyaan in Soomaaliya tahay waddan federal ah, oo aanu madaxbannaanida dhuleed ixtiraamayna" ayuu yidhi Geelle.

Jabuuti waxay kamid tahay dalalka dhowrka ah ee xafiisyada dibulumaasiyadeed ku leh Somaliland, lakiin waxa la sheegaa in madaxweyne Geelle aanu marnaba ku niyad samayn aqoonsi la siiyo Somaliland, sida ay ku doodaan siyaasiyiin caan ah oo reer Somaliland ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip