HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 30-KA MAARSO 2023-KA-

0
Thursday March 30, 2023 - 08:31:31 in Wararka by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 30-KA MAARSO 2023-KA-

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiski isa ku qaabilay wakiilka UNDP ee waqtigu ka dhamaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caal am iga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa Shalay xafiiskayga Wa saaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga ku qaa bilay Mudane Jocelyn Mason oo ahaa wakiilka hay’ adda horumarinta qaramada midoobay (UNDP) ee Soomaaliya oo wakhtigii sa shaqadu dhammaad ay iyo ku xigeenka ahna ku simaha wakiilka hay’ad da (UNDP) ee Soomaali ya Marwo Sophie Kemkhadze.

"Waxaan uga mahadceliyey dadaalka ay geliyaan mashaariicda horumarinta iyo dhammaan hawlaha kale ee hay’adda UNDP ka waddo dalka Soomaaliya guud ahaan”ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Md.Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in ay isla qa ateen in wasaaradda iyo hay’addu yeeshaan wada shaqayn iyo iska warqab dhow, si loogu guuleysto ful inta hawlaha baaxadda leh ee waxtarka u leh dalk eenna.

Dhacdo Argagax Badan Mu'adin Masaajid oo Baangad ku dilay Imaamkii Masaajidka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax badan ku beeray dadka ku nool deegaanka Garasbaaleey ee duuleedka magaalada Muqdisho, kaasoo uu geystay nin Mu'adin Masjid ahaa, islamarkaana dil u geystay imaamkii Masaajidka.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib muran soo kala dhex galay Mu'adinka Masaajidka iyo wiil yar oo gacan yare u ahaa Imaamka la dilay, iyadoo ninka Mu'adinka ah uu dilka ku geystay Baangad af bad neyd.

Dhacdada la yaabka badan ayaa ah in Mu'adinka dilka geystay uu Shalay aq imay Salaadii Subax, iyadoo Imaamka la dilayna uu Shalay tujiyay Jameecada Masaajidka ku tukatay Saaladii Subax.

Allaha u naxariistee Imaamka la dilay ayaa lagu mag acaabi jiray Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle, halka Mu’adinka dilka geystay isna magaciisa lagu shee gay Mukhtaar Cali Xuseen oo la sheegay in dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

"Shalay Garasbaaley shaqaaqo aan la yaabnay ayaa ka dhacday laba nin oo masaajidka midna ima am ka ahaa midna mu’adin ayaa is gacan saaray, wa xaana la dilay imaamkii masjidka labaduba salaadda subax mid waa aqimay midna dadkii ayuu tujiyay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka Garasba aley.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen dadka deegaanka in dilkan argagaxa badan uu ka dhashay sawir la qaaday oo aanan la shaacin nooca uu ahaa sawirka la sheegayo ee sababta u noqday inuu dhinto Ima amkii Masaajidka, islamarkaana uu dhaawacmo wii lka yar oo kabiir ka ahaa dugsi uu dhigayay Imaamka dhintay.

"Waxa wax dilay waa mu’adinka waxa la dilayne waa imaamkii marka salaadda subax laga kala baxay oo laga kala tegay waxaa ku haray isaga iyo ninka im aamka ahaa oo sidoo kale ahaa Macallin Dugsi Qur ’aan iyo gacan yaraha imaamka oo isna kabiir ka ah dugsiga, kadibna wiilka kabiirka iyo ninkaan wax dil aayo ayaa diriray sawir laga qaaday ayaa la’isku qab tay kadib ninkaas canuga ayuu dili rabay imaamkii canuga ayuu isku hordhigay shan baangad ayaa ku dhacday meesha ayuuna ku ruux baxay" ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka Garasbaaleey.

Dilkaan argagaxa leh oo Shalay ka dhacay guda ha Masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaley ayaa ah mid si weyn loo hadal haayo, maadama uu yahay dil noociisa ugub ku ah dadka Soomaaliyeed.

DF oo baaris ku bilaabeysa shaqsiyaad la tuhunsan yahay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Shalayeyd shaaciyay in loo soo gudbiyay kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada, oo ay ugu horeyso kooxda Al-Sha baab.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay inuu qaadayo tallaa bo ka dhan ah shaqsiy aadka lala xi riirinayo eedeymahaasi, taasi oo ku aadan baarista iyo dacwad oogista tuhuns ana yaasha, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha.

"Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa soo gaaray kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada, kiisask as oo ay xafiiska usoo gudbisay xarunta warbixinada maaliyadda jFS (FRC) ee dowla dda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qora alka kasoo baxay Xeer-Ilaaliyaha Guud.

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedka "Xafi ska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isaga oo gud anaya waajibaadka shaqo ee ka saaran baarista iyo oogista dembiyada, waxa uu tallaabada ku habboon ka qaadanaya kiisaska soo garay iyo shakhsiyaadka la tuhusan yahay.”

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ugu damb eyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay dhamaan falalka lidka ku ah sharciga, wuxuuna ugu baaqay in la dhawro xeerarka iyo shuruucda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shab aab waxay waday dadaalo lagu wiiqayo awooda dha qaale ee kooxda, kuwaasi oo inta badan ay kooxda si baad ah uga qaado ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho.

Waxay dowladda ku guuleystay tan iyo markaas inay xirto in ka badan 250 akoon iyo 70 lambar oo ko oxda u adeegsan jirta qaadista lacagaha ay sida xo ogga ah uga qaadaan ganacsatada, iyada oo muwa adiniinta Soomaaliyeed looga digay inay ka fogaadan tallaabo kasta oo caawin karta kooxda, gaar ahaan la xiriirta embiyada lacag dhaqidda iyo maal-gelintooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kal e hore u sheegtay in hadda kadib ay "si buuxda ula wareegi doonto hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada,” islamarkaana xayiraad safar kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqida ama maal-gelinta argagi xisada.

Macluumaad la xiriira: Weerarada ka dhacay Gobolada Hiiraan & Jubbada Hoose

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weeraro male eshiyada Al Shabaab ay Shalay ku qaadeen xeryo cii damada ku leeyihiin Gobolada Hiiraan iyo Jubbada Hoose.

Xoogag ka tirsan Shabaabka ayaa waqti isku mida weeraray xeryahan, oo ku kala yaala deegaanada Baardheere ee Gobolka Hiiraan iyo Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. Baar dheere ayaa hoostagta Magaal ada Beledw eyne, halka Baar San guuni ay hoostagto Magaalada Kismaayo.

Shabaabka oo ka soo gudbay dhanka galbeed ee Webiga Shabelle ayaa weerar xoogan ku ekeeyay xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisl eyda ku leeyihiin deegaankaasi Baardheere. Ciida mada ayaa la sheegay in ay si weyn isaga caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamdu ay Sha baabku ku khasbeen in ay dib u gurtaan, qaarkood ayaa la sheegay inay buuraha fuuleen, balse intoodii badneyd ay webiga uga tallaabeen doomihii ay wateen. Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in gaari ay la socdeen ciidan ku daba jiray firxadka mal eeshiyadaasi uu qarax haleelay, isla-markaana ay go obtaasi ku geeriyoodeen illaa lix askari.

Shabaabka ayaa sidoo kale weerar uu qarax xoo gan ku bilowday ku qaaday xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin Baar Sanguuni, waxaana la soo wariyay labada dhinac in halkaasi uu ku dhex maray dagaal culus.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee weerara daasi ka dhashay, balse Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegay in weerarka ka dhacay Baardheere ay ku dileen 15 ka mid ah Ciidam ada Dowladda iyo xooga ga Macawi isleyda, isla-markaana ay muddo kooban gacanta ku hayeen xeradaasi.

Shabaabka ayaa sidoo kale sheegay in weer ar ka ka dhacay Baar Sanguuni ay ku dileen toddobo iyo toban askari, muddo koobana ay la wareegeen xerada ciidamada. Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta sheegashada Al Shabaab.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dal ka, Maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle ayaan weli ka hadlin labada weerar ee aroornim adii hore ee Shalay ka dhacay Jubbooyinka iyo Hiiraan.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu damb eysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan xeryaha ciidamada, ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay dhan ka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo qabaa’ilada ku dhiiraday in ay iska dulqaadaan, waxa ay madaxdu ku sheegeen Khawaarijta.

Horjoogihii kooxda Shabaab ee tuulada Maaya Faarax oo isu soo dhiibay ciidanka dowladda

Horjoogihii Khawaarijta Alshabaab ee Tuulada Maaya Faarax ee Dagmada Qoryooley oo isku soo dhii bay ciidamada dowlad da.

Horjooge sare Cabdi Xas an Hulbaale oo khawaarijta u qaabilsanaa tuulada Ma aya-Faarax ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa isku soo dhiibay ciidanka 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dal ka ee ku sugan dagmada Janaale.

Horjoogahan oo da”diisu tahay 40 jir ayaa muddo 9 sano ah kamid ahaa khawaarijta Alshabaab, isa goo khawaarijta u qaabilsanaa tuulada Maaya-Faa rax ee oo hoostagta degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Waxa maalmihii ugu dambeeyey korortay tirada horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka khawaariijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka qaranka ka dib markii kha waariijtu ay ku jabeen dagaalka tooska ah ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedar aalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxa muud.

Hormuud Salaam Foundation Oo Deeq Lac ag Ah Gaarsiisay Haween Dan Yar Ah Oo Ku Nool Magaalada Muqdisho

Munaasabad ka dhacday xarunta horumarinta haweenka SWDC oo hormuud salaam foundation ayaa lacago lagu gudoonsiisay haweenka dan yar ah oo ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha xarunta harumarinta haweenka SWDC Sahra Mohamed Ahmed oo halkaasi ka hada shay ayaa Hormuud Sal aam Foundation uga ma had cel isay u gargaari da ay mar walba u taagan yihiin iyo ca awinta haweenta danta yarta ee aan waxba haysan.

Raaxo Xusen Xirsi oo ah Ku xigeen Hormuud Sal am Foundation ayaa ka hadashay munaasa bada haweenkaasi loogu guddoonsiiyay deeqda lacagta iyo weliba timirta, waxayna sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in haweenka danyarta ay kaalmo u noqoto, inta lagu guda jiro bisha Ramadan.

Qaar ka mid ah haweenka la siiyay kaalmada oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay ho rmuud salaam founda tion iyagoo ugu duce ey ay in xoolohooda Alle u barakeeyo.

Hormuud Salaam Foundation ayaa darda rgelinaysa caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, iyadoo hay’addu mar ka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan, ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah, waana xilli ay hay’addu waddo barnaamijyo dadka masaakiinta ah lagu afursiiyo

Dowladda Soomaaliya oo gargaar kala duw an u dirtay Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa afar Diyaarad oo mucaawino kala duwan ah u dirtay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo uu dhowaan ku fatahay Wabiga Jubba.

Gargaarkan ayaa isugu jira daawo, dhar iyo ra ashiin ka kooban bur, bariis, sokor iyo kalluun loogu tala galay dadkii ka barakacay fatahaad iyo daadad kii halkaasi ka dhacay.

Agaasimaha hay’adda maarey nta musiiboo yinka Qaranka, Cabdirashiid Maxamuud Xas an ayaa sheegay in todobaady ada soo socda ay diri doonaan Diyaarado kale oo sida raashiin iyo daawo.

Agaasimaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga baaqay inay ka digtoonaadaan lana socdaan marxaladda roobabka, wuxuuna faray inay ka fogaadaan meel kasta oo biya mareen ah si ay u yaraato saamaynta ka dhalan karta daadadka iyo fatahaadaha.

Mareykanka oo shaaciyay baaxadda dhulka Al-Shabaab laga qabsaday + Khasaaraha

Dowladda Mareykanka ayaa boggaadisay guu laha laga gaaray wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo shaacisay baaxadda dhulka kooxda lo oga qabsaday dagaalka so cda.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ay aa sheegay in saddex meel ood meel dhulkii ay gac anta ku haysa Shabaab laga fara-maroojiyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka oo intiisa badan ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

"Hawl-gallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madax-bannaanidii Soomaaliya kusoo celiy een saddex meelood meel dhulkii ay sida xun u maa mulayeen Al-Shabaab,” ayuu ku yiri Safiirka Marey kanka ee Soomaaliya Larry Andre qor aal uu udiray VOA.

Sidoo kale waxa uu qora alkiisa ku yiri Safiirka "Soo af-jaridda caburiska Al-Shaba ab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buux da ee Soomaaliya.”

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa waxa uu natiijada ka dhalatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku aamanay ciidama da huwa nta ah oo iyagu wada dadaalada dalka looga xorey nayo kooxda Al-Shabaab, oo sanado badan ka tali naysay qeybo kamid ah dalka.

Mareykanka ayaa dagaalka socda uga qeyb qaat ay duqeynta diyaaradaha Drone-ka, kuwaasi oo barti lmaameedsaday xubnaha kooxda, hub iyo saanad ci idan oo uu siiyay Soomaaliya iyo la-howl-galka ciid amada DANAB ee uu tababaray.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 3-kun oo ah maleeshiyaadka ururkaas, laguna dhaawacay 3,700 oo kale. "Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yih iin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhib aatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa sidoo kale waxaa lagu xoreeyay in kabadan 70-gobood, kuwaasi oo is ugu jira deegaano ka tirsan gobol ada Hiiraan, Shab eellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xar ardheere, Ceel dheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah.

Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa kusii siqaya wejigii labaad, kaasi oo ay qeyb ka noq onayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore oo ka madax-banaan howl-galka ATMIS, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Amar dul-dhigay Saraakiisha hoggaanka Baarista ee CID-da

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Shalay korme eray qeybta Faraha ee hoggaanka baarista dembiyada ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa xog wareystay qaar kamid ah Sha cabkii ku sugnaa Xarunta ee loo adeeg ayay, isaga oo wax ka weeydiiyay sida ay u socoto Shaqada Xar unta iyo hadii ay cabasho qab aan.

Taliyaha ayaa u kuur galay hanaanka shaqo ee shacabka loogu adeego, wuxuuna ho wsha socota ka wareystay dadkii shacabka ahaa ee goobta loogu adeegayay, isaga oo Saraakiisha faray in ay si xirfad, akhlaaq iyo anshax-wanaag ku dheeh an tahay loogu adeego shacabka.

Xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da ayaa waxaa ay kamid tahay Xarumaha dowla dda Soomaa liya ee Shacabka loogu adeego, isla markaana ca basho la xiriirta in lacago laaluush ah Shacabka loo ga qaado ay ka tima ado, waxaana taliyeyaasha isa ga kala dambe eyay Booliska Soomaaliya ay mar wa lba tagaan Xaruntaas oo aan wax isbedel ah laga daree min

Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday inuu hub halis ah siinayo DF Soomaaliya

Madaxa siyaasadda arrimaha dibdda Midowga Yu rub ayaa sheegay in ururka uu hub halis ah u diri do ono dalal ka baxsan Ukraine "oo aad u daneynaya taageero hub culus,” kuwaas oo Soomaaliya ay ku jirto.

Isaga oo ka hadlayey Madasha Amniga iyo Difaaca ee Schuman ee magaalada Brussels, Josep Borrell ayaa sheegay in jawaabta Midowga Yurub ee dagaalka Ukraine ay beddeshay "sida Yurubta u arkaan amnigooda iyo difaacooda.”

Waxa uu xaqiijiyey in tallaabadii ugu horreysay ee taageero ay hub halis ah ku siin doonaan dalalka Soomaaliya iyo Niger dhowaan.

"Dalalka aan saaxiibada nahay, sida Soomaaliya oo kale waxay doonayaan taageerada hub halis ah. Sidaas oo kale ayaan u sameynay Ukraine, waana u sameyn karnaa kuwa kale,” ayuu yiri Josep Borrell.

Hadalka Borrell ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay billowday qorshaha wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo hadda hakad ku jira muddo dhowr bil ah.

Wejigii koowaad ee dagaalka ayey dowladdu ka gaartay guulo la taaban karo. Wasaarada difaaca ayaa sheegtay in wejiga koowaad lagu dilay in ka badan 3,000 oo Shabaab ah, lagu dhawacay 3,700, islamarkaana lagu xorreeyey 70 deegaan.

Lacagta guud ee ururka uu ka fakarayo inuu ciidanka Soomaaliya ku taageero ayaa ah €30 milyan, waxaana la qorsheyn doonaa ayada oo ay qeyb ka tahay mashruuca European Peace Facility (EPF).

Hindisaha European Peace Facility (EPF) ayaa ah midka Midowga Yurub uu u adeegsado inuu ku taageero ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada kusoo duulay ee Ruushka.

Hindisahan ayaa sidoo kale horey loogu taagee ray ciidamada dhowr dal oo ka mid ah Afrika, wax aana ugu dambeeyey ciidamada Rwanda oo dabay aaqadii November ku helay €20 milyan, si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan gobolka Cabo Delgado ee dalka Moza mbique

Maraykanka oo ku baaqay in la kala fogeeyo ciid amada Laascaanood ku dagaalamaya

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu madaxweynaha Somalila nd ku dhiirigaliyay in uu kala fogeeyo ciidamada Laascaanood ku dagaala maya, isla markaana uu jeexo kharidad doorasho.

Qoraal lagu baahiyayay boga Twitterka ee Safaarada Maray kanka ee Soomaaliya, ayuu danjire Larry André Jr, ku she egay in uu madaxweyn aha Somaliland ku dhiiri gal iyay in uu jeexo wado doorashooyin lagu qabto iyo in uu ciidamada Laascaanood ku dagaalamaya kala fogeeyo.

"Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu awood uleeyahay inuu kala fogeeyo ciidam ada ku sugan Laascaanood iyo in uu ku dhawaaqo khariidadda doorashooyinka mustaqbalka. Wada hadal daacad ah oo aan Shalay la yeeshay, waxaan ku dhiirigaliyay inuu sameeyo labadaba" ayuu yidhi Danjire André.

Colaada Laascaanood ayaa wali taagan iyadoo beesha caalamku ay marar kala duwan ku baaqday in miiska wadahadalka lagu dhameeyo, isla marka ana dadaalo dhexdhexaadineed oo ay samaysay Itoobiya ayaan guulaysan.

Haddaba, kadib dagaalo dhinacyada dhexmaray todobaadadii lasoo dhaafay xaalada ayaa dagan mu do dhowr cisho ah iyadoo odayaal reer Muqdisho ahi ay isku dayayaan dhexdhexaadin, garaadada aya ana dhankooda sheegay in ay aqbaleen xabad joojin ay odayaashu ka codsadeen.

Somaliland wali dhankeeda kama hadal dhexdhexa adinta ay odayaashu wadaan, isla markaana waxay 26 bishan ku dhawaaqday in ay qaadayso weeraro qorshaysan oo ay kula dagaalamayso xoogaga da gaalka kula jira.

Millateriga Somaliland, ayaa sheegay in uu wado howlgal lagu soo dabaalayo nabadii iyo dagana anshihii magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool.

Qoraal lagu daabacay boga Twitterka ee ciidanka millateriga, ayaa lagu soo hadal qaaday saldhiga Gooja-cadde iyo howlgal la sheegay in lagu soo celinayo nabada Laascaanood.

"Saldhiga Gooja-cadde waxa as aasay Ciidamada Difaaca Somaliland, waxaana taageeray qaramada nabada iyo dimuquraadiyada jecel ee beesha caal amka, hada howlgalka nabad soo celinta ee socda u jeedadiisa ugu wayni waxa weeyi in nabad iyo dag anaansho Laascaanood lagu soo celiyo".

Kadib dagaalo soo noq noqday oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo ciidamo beeleedyo reer Laascaanood ah iyo ciidamo beeleedyo uga soo gur maday dhanka Puntland, millateriga Somaliland ayaa 26 bishan sheegay in uu talaabo millateri oo qor shaysan qaadayo.

Dhawaqa kasoo baxay ciidanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah, kadib muddo 2 bilood ah oo ay Somaliland xabad joojin ku dhawaaqasay, gar aadada Laascaanood ku sugan ayaa iyaguna dhan kooda sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la dagaa lamaan Somaliland.

Dadaalo la doonayay in labada dhinac nabad looga dhex dhaliyo ayaa badan koodu guuldaro ku soo dhamaaday, hadana waxa Laascaanood ku sug an odayaal Muqdisho ka yimid oo sheegay in ay xal raadisyihiin, lamana oga halka ay caga dhigan doon to waan waanta odayaashu.

Daraasad Soomaaliya ka sheegtay shan arr in oo xiiso leh oo aan horay loo ogeyn

Waaxda Tirakoobka Qaranka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday daraasad laga sameeyay Soo maaliya oo diiradda lagu saaray xogta qoysaska iyo shakhsiyaadka.

Xog aruurintan oo ku saleysan 2022-ka ayaa diir adda lagu saaray arrimo ba dan oo khuseeya dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo mi yiga ee da’ walba leh.

Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga ful iyo daraasad noocan ah tan iyo sanadkii 1985-kii.

Ujeeddada ugu weyn ee loo fuliyay xog aruurintan ay aa ah si loola socdo fayo dhowrka shacabka, dhaq aalaha ku baxaya iyo xaal adaha sida gaarka ah ula soo darsa.

Natiijada ayaa loo adeegsan doonaa si loogu ca biro isticmaalka adeegyada bulshada iyo miisaaniy adda qoysaska.

Tani waxa ay sahleysaa in xog caddeymo ku dhe ehan yihiin loo maro marka la daboolayo baahida bu lshada iyo maaligelinta adeegyada dhinaca horum arinta, sida lagu qeexay warbi xinta kasoo baxday dowladda.

Haddaba kuwani waa shan ka mid ah arrimihii u gu waaweynaa ee lagu xusay warbix inta ay soo saar tay Waaxda Tirakoobka Qar anka ee Soomaaliya.

1- Xogta da’da shacabka

Macluumaadka laga aruuriyay tirada guud ee dadweynaya oo loo kala qaaday lab iyo dheddig ayaa muujinaya in shacabka Soomaaliya ay u badan yihiin dhallinyaro, dadka waayeelka ahna ay aad u yar yihiin.

Waxaa sidoo kale ka muuqda in tirada dumarka da’da yar ay badan tahay marka la barbar dhigo tan ragga oo ka yar inta ay dumarku yihiin.

Jaan tuska xogta ayaa lagu qeexay in dadwe ynaha ku nool Soomaaliya ay u badan yihiin dad dha llinyaro ah. Kooxda ugu badan ayaa ah carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 5 ilaa 9 sano, taasoo ah 22.7%.

Dadka ay da’doodu tahay inta u dhaxeysa 60 ilaa 69 sano ayaa ah boqolkiiba 0.5(ragga) iyo boqolkiiba 0.8 (dumarka).

Dadka ka weyn 80 jirka ayaa lagu qiyaasay boqolki iba 0.8 oo isugu jira rag iyo dumar.

2- Xogta guurka

In ka badan kala bar ka mid ah dadka Soomaaliya ku nool ee ay da’doodu ka sarreyso 15 sano ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin dad guursaday oo qoysas leh, taasoo ah boqolkiiba 50.5.

Boqolkiiba 37.9 ka mid ah dadka da’doodu ka sar reyso 15 sano ayaan waligood guur soo marin.

Boqolkiiba 5.53 ka mid ah tirade guud ayaa lagu qe exay in ay yihiin dad guursaday balse furriin la kul may, halka boqolkiiba 6.1 ay yihiin carmal ama dad guursaday balse qofkii ay guursadeen uu ka dhintay.

3- Xogta tirada qoysaska

Celcelis ahaan qoys walba oo Soomaali ah waxa uu ka kooban yahay 6.7 qof, sida lagu sheegay warbixi ntan laga soo saaray tirakoobka.

Si gaar ah, qoysaska ku dhaqan magaalooyinka ayaa tiradooda lagu qiyaasay 7.0 halka qoysaska reer miyiga ah iyo reer guuraaga ay tiradoodu ka ko oban tahay midkiiba 6 qof.

Qoysaska ay tiradooda gaareyso ilaa 9 qof ayaa u badan kuwa daggan magaalooyinka waana boqolk iiba 26.8 halka kuwa ku dhaqan miyiga ay yihiin boqo lkiiba 18.0. Qoysaska reer guuraaga ayaa xubnaho oda tiro ahaan lagu qiyaasay boqolkiiba 18.4. Tani waxa ay muujineysaa in ay koboca reer mag aalnimada uusan kaliya ku koobneyn qoysaska usoo guuraya magaalooyinka balse uu sidoo kale u raa csan yahay in qoysaska reer magaalka ay ay ka xub no badan yihiin kuwa miyiga iyo reer guuraaga.4- Xogta waxbarashada Wax ka badan kala bar ka mid ah tirada guud ee dadweynaha ayaan waxba baranin, taasoo ka dhigan boqolkiiba 53.7. Heerka jaahilnimada ee dumarka ayaa aad u sarreeya marka la barbar dhigo kan ragga.

Boqolkiiba 63.6 ka mid ah haweenka ayaan waxba baran halka ragga aan waxba baran ay yihiin boqolkiiba 45.3.

Heerka dhallinyarada aan waxbarashada billaabin ayaa maraya boqolkiiba 70.3.

5- Tirada dadka haysta baasaboor

Warbixintan ayaa muujineysa in tirada ragga ee sameystay sharciga socdaalka ee baasaboorka ay ka badan yihiin dumarka.

Boqolkiiba 4.9 ka mid ah tirada guud ee ragga Soomaaliya ku nool ayaa heysta baasaboor. Hase yeeshee Dumarka baasaboorka heysta ayaa intaas ka yar oo u dhigma boqolkiiba 2.9.

Si guud, ragga aan wax sharci aqoonsi ah lahayn ayaa gaaraya boqolkiiba 84.7 halka dumarka sharci la’aanta ah ay yihiin boqolkiiba 86.5.  Isha: BBC

Wajiga labaad howlgalka ka dhanka ah Al-Shaba ab oo billaawday & degaanno lala wareegay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deg aanka ayaa ka bilaabay degaano katirsan Gobolka Galgaduud wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano kala war eegay Al-Shabaab

Ciidamada ayaa deg aannada ay la waree geen waxaa kamid ah Baraag sheekh Caamir , Tixle, Cali heelle, iyo Ce el Cali Axmed oo dhammaantood hoostaga degm ada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in intii ay howlgallada kujireen ay dagaalo aan badneyn ay la galeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen.

Waxaa ay sheegeen in uu billaawday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa guud ahaan laga saarayo Soo maaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa dhawaan markii uu tegay degmada Aad an-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa uu halkaasi kaga dhawaaqay in uu billaawday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si guud ahaan meelaha ay heystaan Al-Shabaab loo xureeyo.Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa hakad gal ay howlgalkii ka dhanka ah Al-Shabaab,balse waxaa hadda socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee howlgalka loga bilaabayo degaano ka kala tirsan Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sacuudiga oo dadka ajnabiga ah u oggolaa naya inay iibsadaan dhammaan noocyada hantida maguurtada ah

Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay dejiso shuruucdeeda lahaanshaha hantida ee ajaanibta iy adoo Boqortooyada ay indhaha ku hayso inay soo jii dato maalgashi ay ku sameyso qaybta hantida mag uurtada ah taasoo qayb ka ah istaraatiijiyadeeda ay kor ugu qaadayso dhaqa alaheeda.

"Sharciga cusub ee u oggolaanaya dadka ajnab iga ah inay iibsadaan dha mmaan noocyada hantida maguurtada ah, wuxuu ku jiraa heerkii ugu dambeeyay waxaana lagu soo ban dhigi doonaa mu ddo gaaban gudaheed," ayuu yiri madaxa maam ulka guud ee guryaha ee Boqortooya da, Abdullah Alha mmad.

Tani waxay timid ka dib markii Sacuudi Carabiya ay soo saartay awaamiir sanadkii 2021 u ogolaanay ay dadka aan Sucuudiga ahayn, ee haysta deganaa nshaha sharciga ah ee waddanka, inay iibsadaan hal guri oo leh shuruudo.

Laakiin Sacuudigu wuxuu tilmaamay in sharciga cus ub uu noqon doono mid ka ballaaran kan hadda jira ee lahaanshaha hantida maguurtada ah maadaama ajaanibtu ay awoodi doonaan inay iibsadaan nooc ka sta oo hanti ah oo ay ku jiraan ganacsi, degaan, iyo beero si waafaqsan xeerarka.

Sharcigii hore ayaa ka mamnuucayay dadka ajna biga ah inay ka iibsadaan guryaha magaalooyinka barakeysan, laakiin hadda sharcigan cusubi wuxuu muujineyaa inuu u ogolaanayo ajaaniibta inay hanti ku yeeshaan meel kasta oo Boqortooyada ah, oo ay ku jiraan Makkah iyo Madinah.

Sacuudigu wuxuu caddeeyay in walaaca ku saab san saamaynta taban ee lahaanshaha shisheeye ee hantida ay horay ula socdeen iyadoo xal laga gaaray dhibaatooyinka iyo dhaqamada aan la aqbali karin.

Sacuudi Carabiya waxay raadineysaa inay wax ka beddesho qaybteeda hantida maguurtada ah iyada oo keeneysa sharciyo cusub oo ka dhigaysa mid soo jiita maalgashadayaasha ajnabiga ah.

Muslimiinta waardiyeeya xarumaha qaar ee Qad ar oo laga hor istaagay inay afuraan.

Wararka ka imanaya dalka Qadar ayaa sheeg aya, in Muslimiinta waardiyaha ka ah xarumaha qaarlaga hor istaagay inay afuraan marka la gaaro xiliga afurka.Warbaahinta qadar ayaa sheegaya, in dadka shaqa aleysiiyay gabdhahaas ay qaa rkood sheegeen,

in shaqaalahooda oo afuraya iyagoo shaqa ku ji ra ay u muuqato wax xirfadda ka baxsan. Bogga wa rbaahinta qeybta Ingiriiska ee Doha News, ayaa da abacay nin waardiye ka ah bangi weyn oo sheegaya, in loo diiday inuu wax cuno ama uu xittaa fariisto inta uu shaqada ku jiro. Waxay intaa ku dartay, in shaq aalaha aysan sameyn wax dibedbax ah, iyagoo ka baqaya inay shaqadooda ku waayaan.

Ruushka oo dhoolatus ku sameynaya ganta alada Balistigga ee qaaradaha

Ciidanka Ruushka ayaa bilaabay dhoolatus ay ku sameynayaan nidaamka gantaalaha loo yaqaanno yar ee isku xidha qaaradaha, taasoo loo arko isku day kale oo Moscow ay ku muujinayso awoodeeda Nukliyeerka.

Dhoolatuskaasi,waxaa ka qeybgalaya in ka ba dan 3-kun oo militariga iyo ilaa 300 oo qalab ah,sida lagu shaaciyay bayaan Shalay oo Arbaco ah ay soo saareen wasaaradda difaaca ee Ruushka .

Inta lagu jiro leyliga cii dan, nidaamyada war eeg yada ee Yars ay aa sameyn doona dha qdhaq aaqyo saddex gobol oo Ruush ah, Waxaana jira dhowr astaamood oo sheegaya in qalaka Yars uu leeyahay hawlo sha qo oo gaari kara masaafo dhan 12.000 km,kaas oo sidoo kale qaadi kara madaxyo badan oo nukliyeer ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ujeedkiisu yahay in uu soo bandhigonidaamka gantaalaha Yars,kadib kolkiiisbedel lagu samee yay qayb ka mid ah nidaamka Topol.

Tan iyo markii uu bilowday duulaankii Ukraine bi shii February ee sanadkii hore, Ruushka ayaa same eyay dhoolatus militari oo badan oo iskiis ah ,iyadoo sidoo kale dalalka saaaxiibka la ah sida Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay sameeyeen tallaabadaasi mid la mid ah.

Tahriibayaal ay ka mid ahaayeen Caruur So omaaliyeed ku jiraan oo laga qaaday Greece.

Barnaamij ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub si mutadawacnimo ugu aqbalayeen caruurta muhaajiriinta ah, ee aan waalidka la socon ee ku sugan Greece, ayaa si rasmi ah usoo geba-geboobay Talaadadii

Da’yar 15 ah, oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Gambia iyo Pakistan, ayaa raacay diyaarad ka qaaday Athens oo gaysay Lisbon, Portugal. Waxay taasi tirada guud ee caruurta muhaajiriinta ah ee dib u dejinta loogu sameeyey barnaamijkan ka dhigeysaa 1,368 oo la geeyey 16 dal oo kala duwan tan iyo 2020, sida ay sheegeen saraakiisha Greece. Guddiga Midowga Yurub ayaa ballan-qaaday inuu dhameystiri doono xeerar cusub oo dhanka socdaaalka, oo ay ka siman yihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah kahor 2024, kadib sanado hakad ah. Qodobka ugu adag ee la isku haya ayaa loogu yeeraa hanaanka garab-istaagga, kaasi oo dalalka xubnaha ah la siinayo kooto dib u dejin oo ay ku caawinayaan dalal ay ka mid yihiin Greece, Italy iyo Spain, oo ah halka magan-galyo doonka badankood ay yimaadaan marka hore. Wasiirka ku-xigeenka socdaalka Greece Sofia Voultepsi ayaa sheegtay in Athens ay xubnaha Midowga Yurub kula jirto wada-hadallo ku saabsan inay si mutadawacnimo ah u aqbalaan muhaajiriinta qaar. "Greece kaligeed ma xamili karto c gule yska qaxootiga iyo muhaajiriinta. Garbaha ku ma qaadi karto dhammaan caruurta aan sharc iga lahayn ee dalkeena imanaya,” ayey weriyay aasha ugu sheegtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Athens. Gianluca Rocco, oo ah madaxa howlgallada ee Xafiiska QM ee Mu haajiriinta (IOM), ayaa sheegay inuu rajey nayo in Midowga Yurub ay gaaraan heshiis.AP

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaal iland oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee ka tagay Muqdisho

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaaliland ay aa Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka So ol kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee ka tagay Magaalada Mu

qdisho .

Qoraal kooban oo uu bartiisa fa ce buugga soo dhigay Gudoo miyaha Golaha Wakiilada Soom aaliland Cabdirisaaq Khaliif ayuu uga hadlay kulanka ay wada yeesheen isaga iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Laascaanood islamarkaan ka tagay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadanaya xal u helida colaadda ka taagan Mag aalada Laascaanood.

Gudoomiye Cabdirisaaq khaliif ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka ee ka socda Koofurta Soom aaliya in dhaqanka laascaanood ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo colaadda ka jirta laascaa nood balse dhinaca Soomaa lilandNabadda ay ka doorteen in dagaalka ay ku sii wadaan laascaanood.

Odayaasha Dhaqanka ee ka Tagay Magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Ugaas Maxa muud Cali Ugaas ayaa doonaya in wada hadal lagu xaliyo colaadda ka taagan Laascaanood.

Dowladda Norway oo xirtay Gabdho Walaalo Soomaali ah oo loo heysto inay la Shaqeeya an Kooxda Daacish

Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Norway ee PST ayaa shaacisay in la xiray labo ga bdhood oo wal aalo ah Sooma ali ah, kuwaas oo ka soo laab tay dalka Suur iya, iyaga iyo carruurtooda. Maamulka Norway ayaa gabdhaha wal aalaha ah ku soo oogay dacwad ah in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee ISIS, waxaana ay sheegeen in ay ku lug leeyihiin Askareynta carruurta.

Talaadadii, Norway waxay ku dhawaaqday inay dib u celinayso labada gabdhood ee walaalaha ah, Ayan iyo Leila Juma, iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen oo laga keenay xero qaxooti Suuriyaan ah, iyadoo sabab uga dhigtay xaaladda xarunta oo aad u xun.

Gabdhaha walaalaha ah ee Soomaalida Norway ayaa sanadkii 2013-kii ka tagay dalka Norway iyaga oo dhalinyaro ah, si ay ugu biiraan kacdoonka looga soo horjeedo Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Haatan da’ahaan waa 29 iyo 25 jir, dumarkan waxaa u jooga saddex gabdhood, oo ay aabbe u yihiin dagaalyaha nnada dawladda Islaamiga ah, sida uu qoray war geyska Verdens Gang ee Norway ka soo baxa.

Carruurta ayaa lagu soo waramayaa inay da’doodu kala tahay lix, toddobo, iyo siddeed jir.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Anniken Huit feldt ayaa tiri, "Xaaladda nololeed ee ka jirta xeryaha waa mid aad u xun oo khatar ah, carruurtan Norway waxay muddo dheer ku noolaayeen xeryahaas oo aan ahayn in carruurtu ku noolaadaan.”

Huitfeldt ayaa intaa ku daray in gabdhaha walaa laha ah ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay Nor way ula soo laaban lahaayeen caruurtooda, iyagoo og inay wajihi doonaan xarig marka ay yimaadaan. Sidoo kale ay tilmaamay in maamulada Maray kanka, UN, iyo Kurdiyiinta ay taageereen dib u celin ta kiisas la mid ah xasiloonida gobolka.

Maamulka Kurdiyiinta ee gacanta ku haya xerada Al-Roj ee ku taal waqooyi bari Suuriya ayaa ku dha waaqay in gabdhaha walaalaha ah lagu wareejiyay diblumaasi u dhashay dalka Norway. lana saaray diy aarad loo qorsheeyay inay ka degto garoonka diyaa radaha ee Gardermoen ee magaalada Oslo kadibna xiray labada haween markii ay yimaadeen.

IGAD oo ku baaqday in Gargaar bani’aada mnimo la siiyo Dadka Abaartu ku saa meys ay Sooma aliya, Itoobiya & Kenya.

Urur Goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay in gurmad la gaarsiiyo oo la gacan qabto Dadka ku dhib aateysan Abaarta ku dhufatay Waddamada Soomaal iya, Itoobiya & Kenya ee wajahaya duruufaha kala duwan ee dhanka Nolosha ah.

IGAD ayaa sheegtay in ka badan 17 Milyan oo ruux oo ku kala nool Soomaaliya, Itoobiya & Kenya in ay saameyn taban ku reebtay Abaarta, qaarkood ayaa degay goobo Barakac ka dib markii ay ka gacmo marnaadeen Xoolihii ay dhaqana yeen & Beerihii ay falanayeen.

Waxa uu soo jeediyay in indhaha si gaar ah lo ogu hayo Dadkaan u baahan Gargaarka Bani aad amnimo ee aanay heysan wixii ay filayeen & wax u dhow, Ururka IGAD ayaa sheegay in uu kordhinayo codsiyada uu ku dalbanayo in la garab qabto.

Warbixinno ay diyaariyeen Hay’adaha qaabilsan Gargaarka Bani Aadamnimo ee Qaramada Midoobay iyo kuwa gaarka ah ee aan Dowliga ahayn waxa ay ku sheegeen in weli ay taagan tahay saameynta ka dhalatay Abaarta ku dhufatay Soomaaliya, Itoobiya & Kenya.

Sanduuqa Taakulada Carruurta UNICEF ayaa sheegay in ku dhowaad 2.5 Milyan oo Carruur ay wajahayaan xaalad macluul ah oo haddii aan aanay heli gargaar ku filan iyo gurmad degdeg ah xaaladd oodu halis geli karto una geeriyoon karaan.

Saraakiil katirsan Qaramada Midoobay ayaa she egay in dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu lugaha ka dabray Gargaarkii Bani aadamnimo ee dalkaas laga qaadi jiray si loo gaarsiiyo waddamada cunno la’aanta ka jirta.

Abiye Axmed Oo Ku Dhawaaqay Inuu Wada hadal La Furayo Jabhadda OLA Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Talaadadii sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu wadahadal la yeesho ‘jabhad sharci-darro ah’ oo inta badan ka hawlgasha gobolka Oromiya.

Hadalka Abiy Axmed uu u jeed iyay xildhibaann ada ee ku sa absan inuu xiriir la sameeyo ci idanka Xoreynta Oromada (OLA) ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo celceliyo geeddi-socod nab adeed oo bishii November la gaaray colaadda ka taa gneed waqooyiga gobolka Tigray, si loo soo afjaro dagaalka.

"Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saa ray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nab adda, in ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sam eeyay (OLA).” ayuu yiri Abiy, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in Itoobiyaanku ay taageeraan geeddi-socodka nabadda.

Afhayeen u hadlay jabhadda oo la yiraahdo Odaa Tarbii ayaa u sheegay wakaaladda warar ka ee Ass ociated Press in hadalka ra’iisul wasaaraha uu yahay "mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsan ayn” waxaana uu intaas ku daray in "10-ka isku day ee uu soo hadal qaaday aysan ah ayn isku dayo dhab ah oo uu kula xiriiray hoggaanka OLA.”

Ururka OLA ayaa lagu daray liiska argagixisada ee dalka Itoobiya waxayna dawladdu ku eedaysay in ay xasuuq ba’an u gaysato qoomiyadaha laga tirada badan yahay, gaar ahaan Axmaarada, ee ku dhaqan gobolka Oromia oo ah kan ugu wayn maamul gobo leedyada dalka.

Shiinaha oo hanjabaad cusub u diray Marey kanka

Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu aargoosan doono haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy uu la kulmo madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto "daandaansi

”.Shiinaha oo ku andaco onaya in Taiwan ay tahay gobol ay iyadu leedahay, iyada oo marar badan uga digtay saraakiisha Maraykanka inay la kulmaan Tsai, iyagoo u arkay inay taageerayaan rabitaanka jasiirad dan in loo arko waddan gaar ah.

"Haddii ay la xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda’a Shii naha ee one-China, kaas oo sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed, burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan,” ayay tiri Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo warbaahi nta kula hadasahay magaalada Beijing.

"Waxaan si adag uga soo horjeednaa arrintan, waxaana hubaal ah inaan qaadi doono tillaabooyin dhab ah,” ayay Zhu raacisay iyada oo aan bixin faa hfaahin dheeri ah.

Maraykanka ayaa sheegay in safarada transit ka ah ee hoggaamiyeyaasha Taiwan ay yihiin kuwo joo gto ah, isla markaana aanay Shiinuhu ka faa’iidaysan safarka Tsai, si ay tallaabo kasta oo gardarro ah uga qaado Taiwan.

Tsai ayaa la filayaa in ay ka hadasho arrintan ka hor inta aysan ka duulin gegida dayuuradaha iyada oo ku hakan doonta magaalada New York.

Shiinaha ayaa hareereeyay Taiwan bishii Agoosto ee sannadkii hore, xilligaas oo Afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ay booqaneysay caasima dda Taiwan ee Taipei, iyada oo ciidamada qalabka si da ee Taiwan ay sheegeen inay isha ku hayaan dhaq dhaqaaq kasta oo Shiinahu uu sameeyo inta Tsai ay dibadda ku maqan tahay.VOA+Reuters

DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}

{WAA KU KU CELIS:-BOGGAAN} (Jaabir binu cabdillaahi {isaga iyo aabbih iiba Allaa haka raalli noq dee} waxaa laga warinayaa inuu yiri: rasuulkii Alle oo safar ku jira ayaa ar kay urur {meel lugu tuursan yahay} iyo nin loo dallaalimeeyay {loo hoosi yay} markaasuu yiri: kani muxuu ahaa?

Waxay dheheen waa mid sooman, wuxuu yiri: wanaagga kama mid aha in safarka dhexd iisa la soomo). Odhaah muslim u sugnaatayna waxaa ku sugan: (qaata rukhsadii Alle ee uu idiin rukhseeyay idinka).

Safarka uu ruuxii soomanaa ku afuri karo, sala addana lugu gaabink aro waa:- meesha caada ahaan ay dadka uyaqaanaan safar, oo la odhan karo, "hebal safar ayuu ku maqanayahay” qayb culimada kamid ahna wa xay dheheen, waa inay tahay meel jirta masaafa dhan: ilaa 80 km, (side etan kilomet er) hadallo kale oo fara bandanna way sheegeen culimada

AxkaamtaSoonka 20

10. Waxyaabaha Soonka Jabiya Soonka waxaa jabiya qodobadan ho os ku qoran :

·Wax jidhka gudihiisa gaadha oo cunto iyo cabbid ah ama shay qabana ya shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka si ulakac ahna ugaadha .

·In mantag (hunqaaco) si ulakac ah la isaga keeno. · In si ula kaca ah galmo loo sameeyo .

·Biyo dajin (minida oo timaada) kuna timaadda taa-taabasho iyo raaxa ysi.

·Dhiigga caadada (xaydka) oo yimaada .

·Dhiigga dhalmada (nifaaska) oo yimaadda . ·Waalli iyo wixii lamid ah oo ruuxa ku dhacda .

·Riddoobid (ruuxa oo diinta ka baxa) ALLAAH ayaan kamagan galnay.

·Ruuxa oo niyooda inuu afuro inta ay qorraxda soojeedo.

Marka la helo mid kamid ah qodobadan kor ku qoran, ruuxii sooman aa soonkiisi wuu jabay, waxaana waajib ku ah inuu soo qalleeyo soonkii sid aa kagajabay oo idil. Faah-faahin Ø Jabiyaha koowaad ee soonka waa: Wax gaara caloosha ama jidhka gudihiisa oo cunto iyo cabbid ah ama qa banaya shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka, si da: faleen booyinka nafaqada, ama in dhiig lugu shubo, ruuxii oo soo man, i.w.m. Waxaa isku mid ah waxa jidhka gudihiisa galay inuu kagalo mee laha fur an sida: afka, xagga danbe, ibta, sanka, dhagaha, iyo in irb ad (silingo) ahaan lugu siiyo, Addilada arintaa tusinaya waxaa kamid ah: وكلو واشربو حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر ثم أتموا الصيام إلى اليل

AxkaamtaSoonka21 ( Cuna oo cabba intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow aroortii dhammeeyana soonka tan iyo habeen ka…) Soonka kama jabayo ruuxa cuna ama cabba isagoo is hilmaansan Abu hureyrah (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu yir: ( من نسي وهو صائم، فأكل أو شرب، فليتم صومه، فإنما أطعمه الله وسقاه ) (متفق عليه) ( Ruuxii hilmaama isagoo sooman, oo cuna ama cabba, soonkiisa ha dha maystiro, ALLAAH un baa quudiyey oo waraabiyeye ). Ø Jabiyaha labaad ee soonka waa: In si ulakac ah la isaga mantajiyo, hadii mantaga uusan ulakac ahayn soonka kuma jabayo. Abu hurayrah (r.c) wuxuu yiri: rasuul kii Alle (s.c.w) wuxuu yiri: (من ذرعه القيء فلا قضاء عليه، ومن استقاء فعليه القضاء) ( Ruuxii uu soo dhaafo mantagga, qalle korkiisa luguma laha, ruu xii iska mantajiyase korkiisa waxaa ah qalle ) . Ø Jabiyaha saddexaad ee soonka waa: In galma lasameeyo maalinimada bisha ramadaan iyadoo la xusuusanyahay soonka, ruuxii arintan sameeya soonkiisa wuu jabayaa kafaara culusna way ku waajibi, Kafaarada wayni waa: ü Qoor (addoon) inuu xoreeyo. ü Inuu soomo laba bilood oo xidhiidh ah. ü Inuu quudiyo li xdan (60) miskiin.

AxkaamtaSoonka ‐22‐ Waxaana udaliil ah xadiiskan hoos ku qoran oo ah qiso dhacday xilligii nabiga (s.c.w) Abuhureyre (r.c) waxaa laga war inayaa inuu yiri: nin baa nabiga (s.c.w) uyimid wuxuuna yiri: waan halaag samay rasuulkii allow!, wuxuu yiri - Nabiga: maxaa ku halaagay ? - Ninkii: xaaskeygi ayaan ku dhacay ramadaan dhexdiisa. - Nabiga: ma heli kar taa wax aad qoor (addoon) ku xoreyso? - Ninkii: maya. - Nabiga: ma aw ooddaa inaad soonto laba bilood oo is raac-raacsan (xidhiidh ah). - Ninkii: maya !. - Nabiga: ma heli kartaa wax aad ku quudiso lixdan miskiin ? – Ninkii: maya !. Kadib wuu fadhiistay waxaana loo keenay nabiga (s.c.w) danbiil ay timir kujirto, wuxuuna yiri - Nabiga: kan (danbiisha timirta ah) sadaqayso. - Ninkii: ma cid annaga naga faqiirsan !? kuma sugno (mak ka) labadeeda shiilood reer annaga nooga baahi badan. - Nabiga: wuu qoslay (s.c.w) illaa ay soo baxaan miciyihiisa, kadib wuxuu yiri: orod oo reerkaada quudi. [mutafaq]. Runtii waa arrin mudan in la isaga jiro, max aa yeelay waa arrin ku dhaxalsiin wixii aad hal maalin ka adkaysan wayd ay in lugugu ganaaxo lixdan maalmood inaad ka adkaysato. Waxaa uban aan ninka sooman inuu xaaskiisa la sameeyo wixii aan galma ahayn, waa haddii uu yahay nin weyn oo aan dhalinyaro ahayn, ama uu yahay nin iska adag oo is hanan kara . عن عائشة رضي الله عنها قالت: (كان النبي صلى الله عليه وسلم يقبل ويباشر وهو صائم وكان أملككم لإربه). (متفق عليه

AxkaamtaSoonka23 (Caaisho (r.c) waxaa laga warinayaa inay tiri: nabiaga (s.c.w) wuxuu ahaan jiray mid dhunkada oo taataabta isagoo sooman, wuxuuna ahaa kiinna ugu hanan og xubinkiisa ). Ibnu cabaas (r.c) wuxuu yiri: ( رخص للكبير الصائم في المباشرة وكره للشاب ) (أحمد) ( Taa-taabashada waa loo, ogolaaday ruuxa weyn ee sooman, midka dhal inyarada ahna waa loo kohda ). Sidookale ruuxii uu waaga ku baryo isa goo janaabo qaba, soonkiisa wuu sii wadanayaa wax dhib ahna malaha .

Naafic waxaa laga warinayaa inuu yiri: waxaan su’aalay ummu sala ma, nin uu waaga ka baryi isagoo janaaba qaba (islamarkaana) doonaya inuu soomo?, waxay tiri: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يصبح جنبا من الوقاع لا من احتلام، ثم يغتسل ويتم صومه) (متفق عليه). ( Rasuulkii ALLE (s.c.w) wuxuu ahaan jirey mid waabariista isagoo janaaba qaba, ooy xaas la kulmid (galmo) xaggeed ka ahaatay, ee aanay riyo xaggeed ka ahaanin, kadib wuu qabaysan jirey, soonkiisana wuu dhamaystiran jirey ). [mutafaq] . Ø Jabiyaha afaraad ee soonka waa: Biyo dajin uu ruuxa soo man sababteeda leeyahay sida: taa-taabasho ama iska keenid i.w.m wax aana ku waajibaya inuu maalintiisaa afhaysto soona qalleeyo soonka ma alintaa ka jabay, haddiise ay minida ka timaado isagoo jiifa ama fikiraya soonka kama jabinayso waxaana udaliil ah: Abu hurayrah (r.c) wuxuu ras uulka (s.c.w) ka warinayaa: (... يترك طعامه وشرابه وشهوته من أجلي...) (متفق عليه)

AxkaamtaSoonka24 (…. wuxuu ka tagi (ruuxa sooman) cuntad iisa iyo cabitaankiisa iyo shahwadiisa aniga daraaddeey….) . Ø Jabiyaha shanaad ee soonka waa: Dhiigga xaydka ee dumarka ku imaada bishiiba hal mar Abiisaciid al-khudri wuxuu yidhi rasuulka isagoo kawaramaya nuqsaanta diintooda: (أليست إذا حاضت المرأة لم تصل ولم تصم) (متفق عليه) ( Miyayna ahayn markay hesho xayd haweenayda mid aan tukanaynin oo nan soomaynin ) . Ø Jabiyaha lixaad ee soonka waa: Dhiigga dhalmada, imaanshaha dhiiggan wuxuu noqon karaa hal mar oo kali ah, ama wuxuu socon karaa toban bari illaa afartan, sida badan mudada uu socdaa waa afartan bari, hadaba gabadha muslimadda ah waa iney la socoto xilliga uu dhiigga ka istaago, si ay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip