HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA MAARSO 2023-KA-

0
Monday March 27, 2023 - 08:18:21 in Wararka by
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA MAARSO 2023-KA-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Farriinta ugu weyn ee safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee degamada Aadan Yabaal

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa Shalay gaaray degmada Aadan Ya baal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Aadan Yabaal oo dhowr billood kahor laga xor eeyay kooxda Al-Shabaab oo sanado badan ka talineysay ayaa la filayaa inay noqoto mid kamid ah goobaha laga hoggaaminayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Magaaladan taariikhiga ah ayaa ku jirta soo ka basho tan iyo markii awood ciidan looga saaray kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay waday dadaalka dib u qaabeynta wajiga labaad ee daga alka Al-Shabaab.

Hal mid oo badi Soomaalida, gaar ahaan siya asiyiinta ay isku raacsan yihiin waa in Xasan Sheekh ay ka go’an tahay inuu soo afjaro Al-Shab aab.

Safarka madaxweynaha ee degmada Aadan Yabaal ayaa kusoo aadaya iyada oo Dorraad ay Al-Shabaab weerartay Ruun-nirgood oo aan wax badan ka fogeyn Aadan Yabaal, laakiin taasi ma ba jin safarka madaxweynaha.

Wuxuu kale oo safarkiisa kusoo aadaya iyada oo hakadka dagaalka uu sababay in Al-Shabaab ay muujiso soo rogaal-celin iyo inay weerartay dho wr farriisin oo ciidanka dowladda ay lahaay een.

Sida aan kasoo xiganay xubno ka tirsan Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la fila yaa inuu ku dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah madaxweynaha ayaa la filayaa inuu iclaamiyo qabashada magaalo oyin ay kamid tahay degmada Ceel-buur oo ay muddo dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa wax aa ka qeyb-galaya ciidanka Itoobiya, kuwaasi oo hadda soo galay dhanka Hiiraan, Gedo iyo Bak ool.

Sidoo kale Kenya, Jabuuti iyo dalal kale ayaa wajiga labaad ee dagaalka ka qeyb-galaya, iyada oo ciidanka wajiga labaad aanay qeyb ka aheyn ama ay ku shaqeynayn magaca howl-galka Mido wga Afrika ee la yiraahdo ATMIS, balse waxay to os uga amar qaadanayaan taliska ciidanka xoog ga dalka.

Iyada oo dad badan ay sugayaan inuu wajiga labaad ee dagaalka halmar ka wada billowdo Ga lmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubba land, haddana dhinaca kale faah-faahino

Gaar ah oo aan helnay waxay sheegayaan in had da mudnaan la siinayo in la isku wada furo Galmudug iyo HirShabelle oo kooxda Al-Shabaab halkaas laga soo wada saaro.

Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa isagna ku sugan degmada Aadan Yabaal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba la aaminsan yahay in kab iyo ballan-qaad u helay wajiga labaad ee dag aalka.

Sidoo kale waxaa muuqata rejo ah in la joogo xilligii Soomaalida ka xoroobi laheyd fikirka arga gixisada ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya dagaalka Al-Shabaab ee hormuudka u yahay mad axweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa fursad weyn u arka in kooxaha argagixisada ah laga saaro dalka, si loogu gudbo wax soo saar iyo tartan caalami ah. Xigasho:-Caasimadda.Net

Guddoomiyha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduun ka ee Qaramada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo be) ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Mid oobay UNHCR Soomaaliya Mudane Magatte Guisse.

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha Qaxootiga Soomaliya ee dibada ku nool sidii looga caawin lahaa in dalkooda kuso laabtaan iyo barakacyaa sha jooga dalka gudahiisa sidii deegaan iyo shaqo abuur loogu sameyn lahaa.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Oo Daahfur tay Adeegga Isku-Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo muddo dhe er ka soo shaqeneysay hirgelinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa Habeen hore ku daahfurtay munaasabad lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo uu daahfuray Ra’iisulwasa araha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mad ax ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ugu horr eeyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Tekn oolojiyadda, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo masuuliyiin ka so cday dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta iyo ban kiyada dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta, Mudane Mu stafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka hadlay marxaladihii loo soo maray hirgalinta adeegga Isku-xirka Shir kadaha Isgaarsiinta.

"Hirgelinta adeegga Isku-xirka wuxuu horseedi doonaa wanaajinta adeegyada Shirkadaha Shat iga Isgaarsiinta leh ay siiyaan macaamiisha iyo horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta Soomaa liya. Marka laga soo tago adeegga Isku-xirka in uu yahay baahi iyo xaq uu macmiilku leeyahay, waxa uu sidookale halbeeg muhiim ah u yahay kobaca suuqa isgaarsiinta iyo maalgashiga teknoolojiyad da iyo hal-abuurka.” Ayuu yiri Maareeye Mustafa Yaasiin Sheekh

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknool ojiyadda, Md. Jaamac Xasan Khaliif ooka hadlay xafladda ayaa ku sifeeyay hirgelinta adeeggan in ay tahay guul Soomaaliyeed & Dadaal dheer ka ddib waxaa inoo suuragalay inaannu ku guuleysa nno hirgelinta adeegga Isku-xirka, guushaan waa mid aannu wada leennahay, waa guul Soomaali yeed, waa guul qaran" ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Md. Xamse Cabdi Barre, ayaa aad u bogaad iyey kaalintii ay hey’adda Isgaarsiinta Qaran iyo Shirk adaha Isgaarsiintu ku lahaayeen hirgelinta adee gga Isku-xirka Shirkadaha wuxuuna sheegay in Hirgelinta adeeggan uu yahay sharci waddan oo la fuliyey iyo xuquuq shacab oo la siiyay.Ugu dambeyn, si adeeggan Isku-xirku looga dhigo mid guulaysta, waxaa dammaanad-qaadday hirge lintiisa Ha adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo fuli neysa dhammaan shuruucda iyo xeer-nidaamiye yaasha khuseeya arrintan.

Ujeeddada laga leeyahay adeeggan waa sidii shacabka loogu fududeyn lahaa adeegyada isg aarsiinta dalka, loona dhiirrigelin lahaa tartan ku dhisan adeeg iyo qancin macaamiil. Hirgelinta Ad eegga Isku-xirka waxay guul u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo shir ka yeeshay dhibaatada ciyaal weerada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka

Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Go bolka Banaadir, Maamul ka Degmada Kaaraan iyo Saraakiisha Laamaha Am niga ayaa Afur wadareed la qaatay Odayaasha, Cul umada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.

Ujeedka Afur Wadareedka ayaa ahaa in Gud doomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Amni ga iyo Bulshada Waaxda Jamhuuriya ee ka wada-tashadaan xaaladaha Amni iyo Arrimo Bulsho ee ka taagan Waaxda, kadib cabasho ka timid Bul shada oo la xariira dhibaatooyin ay ku qabaan Burcad weerada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka jawaabaya cabashooyinka Bulshada, isla markaana tixgelinaya Talo oyinka ay soo jeediyeen Odiyaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ayaa balan qaaday in wax laga qaban doonno cabashada ka timid Bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.

Ciidanka Booliiska oo gubay waxyaabaha maandooriye

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xeebta is kool buluusiya ee magaalada Muqdisho ku gu bay waxyaabaha Muqaadaraadka oo lagu soo qab tay howlgal ay ciidanka ka sameyeen xaafadaha qaar ee G/Banaadir.

Taliyaha hoggaanka wacyi galinta iyo la dagaa llanka muqaadaraadka ciidanka Boliiska Gaa shaanle sare Mire Axm ed Mataan ayaa ka war bi xiyey tillaabada, wax aa na uu sheegay in Ciid an ka ay sii xoojin doona an howlgaladani.

Waxyaabaha la gubay ayaa ka koobnaa Xashiish, calaq iyo maandooriye kale.

Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan-yabaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan-yabaal ka dib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.

Isbitaalka ayaa waxaa la

hirgaliyay 1955, waxa ana uu kaalin muhiim ah ka qaatay daboolida baahida caafimaad ee ka jirta degmada iyo deegaannada ku xeeran.

Bulshada degmada Aadan Yabaal ayaa soo dho weeyay tillaabada dowladda Soomaaliya ay dib ugu hirgalisay Isbitaalka.Wariyaheena Cusma an Aadan ayaa warbixin arrintaasi ku aadan noo diyaariyay.

Dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe oo looga dhowaaqay Muqdisho

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda de egaanada Jubbaland ayaa go’aan culus ka gaaray in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu safar ku tago gobolka Gedo iyo inuu sii xukumo Jubaland.

Kulankaas oo Muqdisho lagu qabtay waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Sen ator Cabdullahi Fartaag iyo Sanetor Iftiin Baasto, waxaana lagu iclaamiyey dagaal ka dhan ah Axm ed Madoobe.

Qaar ka mid ah odayaashii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in aysan suurta-geli doonin in Axmed Madoobe safar ku tago gobolka Gedo, iyagoo ku dhawaaqay in awood ciidan looga hor tago damaca madaxweynaha Jubbaland, sida ay hadalkooda u dhigeen.

"Axmed isku xishoo, umadda adigu ma lihid, waa fashilantay, Daarood oo dhan ayaa ku soo nacay, kuwii dad kuugu dhawaa ayaa Nairobi ku shiray oo ku diiday,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa yiri, "Maa lin kasta Axmed Madoobe wuxuu qorsheey aa inuu Gedo aado, wuxuu ku haminayaa inuu ma amul isaga taabacsan u magacaabo Gedo, wax aas been waaye Axmed, Gedo waa kaa xiran tah ay, cid kaa wakil ah xitaa ma tegi karto.”

Senator Iftiin Baasto oo saaxiib dhow la ahaa Ax med Madoobe ayaa kulankaan ka sheegay in Axm ed Madoobe fashilmay oo Jubbaland uusan sii hoggaami karin.

"Jubbaland qof hoggaamiya ma weyneyso ee ka hor wareeg saaxiibkey Axmedow, waa lagaa soo cabtay, waxna waa qaban weysay, 12 sano ka dib waan kugu qanci weynay ee Axmedow na ga raali ahaaw,” ayuu yiri Senator Iftiin Baasto.

Dhankiisa, Senator Fartaag ayaa carrabka ku adkeeyey in muddo kororsi iska dhaafe aan Axm ed Madoobe laga yeeli doonin in doorasha da soo socota ee Jubbaland ka dhaceysa uus an door ku yeela doonin, maadaama labadii je er ee dastuur ku u ogolaa uu soo hoggaamiyey Jubaland.Xigasho:-Caasimadda.Net

Xasan Sheekh oo shaaciyay arrinta weli Al-Shabaab kusii haysa deegaano badan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay safar taariikhi ah ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka xarooyeen kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ka hadl

ay dagaalka socda, isa ga oo dul istaagay saba bta illaa hadda ku hay sa kooxda Al-Shabaab deegaano badan oo ka tir san gobollada dalka.

Waxa uu sheegay in sababta u weyn ee Shabaab ay weli uga sii talinayaan deegaanad aasi ay tahay in dadka deegaanka ay raali ka yih iin, oo aysan ka kicin sida ka dhacday deegaano badan oo dalka oo laga xoreeyay kooxda.

"Meelaha ay ku harsan yihiin waa meelaha dadko oda weli u kici waayay, laakiin meeshii dad kiisa uu istaagay hal Khawaarij ah oo jooga ma lahan, ma na joogi karaan oo xataa rejo kama qabaan inay ku noqdaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh. "Waxaa rabaa dadka reer Aadan Yab aal ay far riintaas qaadan oo cidkasta oo deega ankii ay ku tuhunsan yihiin inay Khawaarijta joog aan u sheeg aan, raali ahaansho ayay ka walax ta hay. Aniga waa la idili ma anaa la warami karan? Waa lala wa rami kara oo la eryi karaa waa raqiis oo dhiiraanan kuma joogaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku booriyay dadka ay weli deegaanadooda gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab ay kacaan oo iska xoreeyaan, "Askarta socota ee deegaankan ku dhi maneysa ee ku dhaawacmeysa uma dhalan dee gaankan oo Soomaalinimo ayaa inta keentay oo dowladda ayaa keentay in loo hiilin waayo daw-mahan.”

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in deega anada qaar ay ka dagaalamayaan dad aan aheyn kuwa deegaanka, halka ay aheyn inay uga hor-ma raan kuwa Soomaalinimada iyo dowladda ay gey say deegaanadaasi, si looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

"Dadka markay go’aan gaaran oo sharafta, kar aamada, haybada iyo Diinta iyo dadnimada ay lee yihiin difaacdaan lagama adkaan karo,” ayuu had alkiisa sii raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Xigasho:-Caasimadda.Net

Hormuud Salaam Foundation Oo Shalay Daah-Furtay Mashruuca Ramadaanka

Waxaa Shalay lagu daah furay Magaalada Muq disho, Mashruuca Afurinta ee Bisha Ramdaanka 2023 ee ay Hormuud Salaam Foundation ku caa wiso sanad kasta qeybaha nugul ee bulshadeena, Barjaamijkaan ayaa Shalay lagu daahfurey Xaru nta Dhimirka ee Dr Xabeeb ee Degmada Dhar keynleey

ee magaalada Muqdisho, iyadoo Hormuud Sal aam Foundation ay gaarsiisey xarunta raashin si da: 50 Loor oo Bariis ah, 50 Loor oo Bur ah, 50 Loor oo Sokor ah, 50 Katroon oo Timir ah iyo 30 jirgaan oo Saliid ah , taasoo aay ugu talo gashay in dadka ku jiraa xaruntaas la siiyo.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo meesha ka hadlay, ayaa ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed, Dow lada iyo Ganacsatada ineey soo booqdaan Xaru nta dadka dhimirka ka xauunsan ee Dr Xabeeb si ay xaalada ka jirtaa u arkaan, xarunta ayaa u baa han caawin ballaaran, sida in dadka xanuunsan ee meesha ku jiraa loogu helo gogol fiican, iyo dhar aay xirtaaan, sidoo kale waxaa loo baahan yahay, qeybaha dhismaha la hagaajiyo.

Maamulaha Xarunta Dr. Cabdiraxmaan Cali Ca waale (Dr. Xabeeb)oo goobta ka hadlay, ayaa uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation, kaa lmada aay mar walbaa la garab taagan tahay dad ka Soomaaliyeed ee ka xanuunsan dhimirka, wax aana uu u balan qaaday in raashinka loo keenay ay siin doonaan dadkaan loogu talo talagalay.

Dr Xabeeb ayaa sheegey in Xarunta aay hada ku jiraan 180 qofood oo isugu jira rag iyo dumar , oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Somalia, iyadoo qaar ka mid ahna aay ka imaadeen dalka dibadiisa, inta badana dadkaan waxaa xanuunka u geystey maandooriyeyaal aay isticmaaleen Dr Xabeeb ayaa sheegey in ka mid ah dadkaa me esha ku jiraa aan lahaaynin ehelkooda oo aay ay aga xanaaneeyaan.

Puntland oo dil ku xukuntay shabakad ka kooban 10 nin

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa Shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay shabakad ka tir san kooxda Shabaab, taas oo ka kooban 10 nin.

Raggan ayaa waxaa lagu helay inay dilal ka geys teen gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo ay ugu dambeyn ay soo qabteen ciidanka ammaanka.

Maxkamadeynta raggan ayaa sidoo kale soo martay heerar kala duwan, waxaana ku jira xubno racfaan ka qaatay xukun dil ah oo horay loogu riday.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqa al ah oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyeen dilal madax-jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.

10 nin ee la xukumay ayaa kala ah:- 1-Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi, 2-Cabdiqani Saleema an Jaamac Sayloor, 3-Xasan Jaamac Maxamed, 4-Maxamed Cali Axmad Muuse, 5-Farxaan Faysal Salaad Xirsi, 6-Cabdulahi Faysal Xuseen, 7-Bar khad Cawil Xirsi Nuur, 8-Liibaan Aaden Muuse, 9-Cabdiqani Farxaan Abdulahi iyo 10-Cabdiraxman Cawil Maxamed

Sidoo kale waxaa raggan ku jira Cadde Cabdul ahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Ja amac Sayloor, oo loo heysto dill Gaalkacyo loogu geystay Wariye Jamaal Faarax Aadan .

Labadan nin ayaa horay loogu riday xukun dil, balse waxa ay ka qaateen racfaan, ayada oo markale Shalay lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qasaasta marxuum Jamaal Faarax.

Puntland ayaa horay xukuno dil ah ugu ridday xub no ka kal tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgallo kala duwan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii Puntl and ay xukun dil ah ku fulisay 19ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.

Gaadiid ku xayiran duleedka degmada Walan weyn & xiisad ka taagan

Waxaa Shalay xiran isku socodka dadka iyo Ga adiidka ee wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Tallaabadaan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeysay kadib markii maleeshiyaad hubey san ay Isbaaro dhigtay Tuula da Sharay ee duleedka deg mada Walanweyn, iyaga oo diiday in wadada la maro.

Goobjoogayaal ayaa shaba kadda dayniile u sheegay in tuulada sharay ay ku xayiran yihiin Gaadiid farab adan oo isugu jira kuwa xamuulka qaada iyo kuwa rakaab u wada Muqdisho iyo Beydhabo iyo qaar kabaxay Degmada Wanlaweyn.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale Isbaaro horleh la soo dhigay dhanka Galbeed ee degmada Walanweyn, taas oo Gaadi idka lacag looga qaadayo, waxaana mas’uuliyiinta Maamulka degmada ay sheegeen in Isbaarooyin kaas ay yihiin kuwo sharci darro ah.

Xiisadaan ka taagan duleedka degmada Wala nweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaaf weli u dhaxeeyo guddo omiyaha degmada Walanweyn Cabdixakiin Cabd ullaahi iyo kuxigeenkiisa arrimaha Bulshada Haa shim Maxamed Xasan.

Faysal Ali Waraabe oo ka shifay qorshe Somaliland looga goosanayo+cida ka damb eysa

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay xabbad joojin iyo wada hadal lagu dha mm eeyo colaadda Laascaa nood.

Waraabe ayaa xusay in cola adaasi ay horseedi doonto bu rbur hor leh haddii aan la helin nab ad, isagoo qiray in cii dam ada Somaliland ay san ka bixi doonin dhulka goboladda Sool, San aag iyo Ceyn.

"Hadii aan nabada la helin waxay keenaysaa burbur, cidna laga yeeli maayo inay ka go’aan dhu lka Somaliland, ka bixi mayno Tukaraq,” ayuu ku adkeystay Waraabe.

Tukaraq ayaa ah degaan yar oo ka tirsan bariga gobolka Sool. Magaaladu waxa ay ku taal wadada isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Somaliland ayaa tan iyo 2018 gacanta ku heysay halkaas.

Faysal ayaa ku nuux-nuuxsaday in odayaasha dhaqanka SSC ay qaataan xabad joojinta, ayna sameeyaan kormeer xabad joojin ah si loo ogaado xadgudubyada xabad joojinta.

Waraabe, ayaa dhaliilay tallaabadii uu Madaxweynaha Somaliland ku qaaday gacan ka hadal bishii Feberaayo ee sannadkan, isagoo sheegay in ciidamada Puntland ay dagaalka Laascaanood uga faa’iidaysteen inay duulaan ku soo qaadaan Somaliland "ayna taas keentay in xisbiyada mucaaradka ay garab taagan yihiin ciidamada Somaliland”.

Jaamac Maxamed Mursal oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka guud ee Laascaanood, ayaa xusay madaafiicda laga maqlayay duleedka magaalada Laascaanood tan iyo Talaadadii todobaadkii hore.

Laascaanood ayaa xarun muhiim ah u noqotey ololaha lagu taageerayo midnimada Soomaaliya laguna diidan yahay gooni-isu-taagga tan iyo markii ay ciidamada Somaliland qabsadeen 2007-dii Puntland.

Saciid Deni oo weji gabax iyo dhalleeceyn kala kulmay kulankii beesha caalamka

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weji gabax iyo dhalleeceyn kala kulmay kulan uu magaalada Nairobi kula qaatay wakiilada beesha caalamka, waxaa sidaas qoray wargeyska The East African ee Nairobi.

Kulanka, oo dhacay Isniintii, ayaa ka dhashay go’aanka ay Puntland ku sheegtay inay u dhaqmeyso "si ka madax-banaan” dowladda federaalka, iyo inay qaadacday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay magaalada Baydhaba.

Madaxtooyada Puntland ayaa kadib kulanka faafisay hadal u muuqday inay ku dhiiratay inay beesha caalamka u sheegtay sababta ay u qaadacday shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

"Waxaan u sheegnay sababta aan u qaadacnay kulamada,” waxaa sidaas yiri xubin ka tirsan mad ax-tooyada Puntland, isaga oo ula jeeda deeq bix iyayaasha caalamka, oo ay ku jiraan Mareykanka, UK, Midowga Yurub iyo Bankiga Add uunka. Hase yeeshee, safaaradda Marey kanka ee Muqdisho, ayaa sheegtay in Puntland lagu amray inay dib ugu laabato Golaha Wadatashiga Qaran.

"Deeq bixiyayaasha caalamka ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda in Puntland ay si wax ku ool ah uga qeyb-qaadato horumarka dowlad dhiska Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeyb-galka buuxa ee Golaha Wadatashiga Qaran,” ayey tiri safaaradda Mareykanka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka kooban madaxda sare ee dowladda federaalka, madax maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Saciid Deni ayaa qaadacsanaa golaha tan iyo bishii December isaga oo ku doodaya in Puntland ay diidan tahay hannaanka federaalka iyo garsoorka Soomaaliya, ayna si madax-banaan u dhaqmeyso inta Soomaaliya ay ka yeelaneyso dastuur dhameystiran.

Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa horey u sheegay in ficillada Puntland ay yihiin kuwa aan habbooneyn. "Ka dowlad federaal ahaan. Waxaan u aragnaa dhammaan muwaadiniinteena kuwa siman, dowlad goboleedyadana waa la mid,” ayuu yiri madaxweynaha.

Tan iyo markii looga adkaaday doorashadii madaxweyne ee Muqdisho, Saciid Deni ayaa dib ugu laabtay Puntland, isaga oo billaabay "qorshe doorasho,” oo uu sheegay inuu u ogolaanayo shacabka Puntland inay codeeyaan.

Hase yeeshee mucaaradka Puntland ayaa qorshahaas ku macneeyey xeelad dib loogu dhigayo doorashada madaxweynaha Puntland oo ay tahay in la qabto bisha Janaayo 2024.

Deni ayaa hadda u muuqda nin cadaadis kala kulmay dhinacyo badan, una soo jeestay dagaal siyaasadeed dad badan ka yaabiyey.

Xigasho:Caasimadda.Net

Xog: Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya oo dal banaya arrin ka dhan ah ciidamada DF

Soomaaliya oo ah dal ay ragaadiyeen colaado iyo xasillooni darro ayaa sannadihii u dambeeyay dadaal ugu jirtay dib u dhiska ciidanka.

In kasta oo ay jiraan dadaallo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ay ku taageerayaan geeddi-socodka, haddana tayada iyo qalabka ay heystaan millateriga waddanku ayaa wali ah mid mid ka hooseeya halkii la doonayay.

Caqabadaha ugu waaweyn ee dowladda Sooma aliya ay kala kulmeyso dhismaha ciidamada waxaa ka mid ah cadaadis kaga imaanaya deeq bixiyayaasha oodalbanaya in lagu soo koobo tirada ciidamada oo kaliya 18,000 oo askari, taasi oo aad uga yar inta loo baahan yahay in si hufan loo sugo amniga dalka.

Ciidanka ayaa hadda lagu qiyaasaa ku dhowaad 30,000, inkasta oo aan la ogeyn tirada saxda ah ee shaqeysa, maadaama askar badan ay magac ahaan un jiraan.

Waxaa suurta-gal ah in beesha caalamka ogtahay in tirada 30,000 aysan sax aheyn, sidaas dart eedna ay dooneyso in dowladdu la timaado tiro huban.Xaaladda ayaa waxaa sii cusleeyay khataraha amni ee ka imanaya kooxda Al-Shabaab oo weer aro badan ka gaystay dalka, inkastoo sanadkii lasoo dhaafay guuldarrooyin culus la gaarsiiyey.

Hase ahaatee, horumarka laga sameeyay ciid an dhiska dalka ayaa ahaa mid gaabis ah, iyada oo caqabado badan ay soo food saaray aan dadaalladaasi.

Deeq bixiyayaasha ayaa ku andacoonaya in haddii la dhiso ciidamo badan ay aad qaali u tahay in la sii wado taageerada dhaqaale ee ay ku bixiy aan ciidanka.

Laakiin, khubaro badan ayaa ku doodaya in ciidan ballaarani ay lagama huraan tahay, haddii ay Soomaaliya rabto inay si hufan u sugto xudu udaheeda, oo ay ilaaliso muwaadin iinteeda.

Soomaaliya waa dal weyn oo kala duwan, waxaa na meelo badan oo dalka ka mid ah ka jira cola ado iyo amni darro.

Helitaanka ciidan ballaaran oo tiro weyn, oo si wanaagsan u qalabaysan ayaa suurto galin kara in ay caqabadahaasi si ku filan wax uga qabtaan, sidoo kale waxay awood u yeelan lahaayeen inay taageeraan dadaallada dowladda ee lagu taaba galinayo gaarista hadafyada xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Arrinta tirada ciidamada kaliya maaha caqaba da hortaagan militariga Soomaaliya. Arrimaha kale waxaa ka mid ah qalab la’aan iyo tababar la’aan, musuq maasuq iyo faragelin siyaasade ed oo lagu hayo arrimaha ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlaneyd sidii ay wax uga qaban lahayd arrimahaas, balse horumarrada la gaaray ayaa ah kuwo gaabis ah, waxaana weli ciidamada xoogga dalka ay yihiin kuwa aan heysan qalab ku filan oo tayo leh.

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayaa haddana waxaa soo baxayay ifafaalooyin horumar oo wax ku ool ah sannadihii u dambeeyay, iyadoo dowladdu ay ku howlan tahay sidii ay saldhigyo ciidan oo cusub uga hirgelin lahayd dalka oo dhan.

Dowlada ayaa sido dadaal ugu jirtay sidii loo kordhin lahaa tirada askarta ka tirsan ciidanka, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadda ciidamada iyo sidii loo dhimi lahaa musuqmaasuqa ka dhex jira ciidamada.

Sarkaal katirsan Ciidamada Puntland oo Shalay la dilay

Waxaa Shalay Magaalada Garoowe ee Caas imadda Puntland lagu dilay Alle ha u naxariistee, taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe laba xiddigle Axmed Cali Shire.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu dilka ka dambeeyay Nin hubeysan oo la sheegay in uu kamid ahaa dadka waxyaabaha maanka dooriya isticmaala, waxaana Ciidamada Booliska ay sheegeen in markiiba ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka geystay.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu hayo shakhsiga dilka geystay, isla markaana sharciga la hor-gayn doono.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaala da Garoowe kusoo badanayay Kooxaha isticmaalaya maandooriyaha khamriga, iyada oo dhowr jeer aymagaalada Garoowe kula dagaalameen Ciidam ada Booliska.

Xigasho:-Casimadda.Net


Faahfaahino kasoo baxaya Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tira h oob iyeyaal ah oo aroornimadii hore ee Shalay ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee ma gaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in laba ka mid ah hoobiyaasha ay ku dhaceen guryo dad shacab ah daganayeen oo ku yaala xaafada Siliga Ameerikaanka, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceelka Sablaale.

Waxaa lasoo sheegaya inuu jiro khasaare dhi masho iyo dhaawac leh oo ka dhashay hoobiyaa sha ku dhacay xaafada Siliga Ameerikaanka, ha yeeshee Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah oo ah geysteen hoobiyaashaasi inta ay dhan ta hay.

Ciidamanka tirsan kuwa amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Shalay halka ay kusoo dhaceen Hoobiyaasha, kuwaas oo howl galo baar itaano ah ka sameeyay agagaarka guryaha ay ku dhaceen hoobiyaasha, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka Muqdisho oo ku aadan khasaaraha ay geysteen hoobiyaasha.

Ma ahan markii ugu horeysay oo hoobiyaal lasoo tuuray ay ku dhacaan guryo dad shacab ah dagan yihiin oo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana masuuliyadda hoobiyaashaasi sheegta kooxda Al-shabaab.

MUUSE BIIXI oo sameeyay dhoollatus, amar culus-na faray ciidamada

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Shalay kormeer dhoollatus u muu qday ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland, xilli uu Shalay markale dagaal xooggan uu dib uga qarxay magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Gashaandhiga, Cabdiq ani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka Qar anka, Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaa nduulaha Ciidanka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo saraakiil kala duwan oo ku sugnaa taliska guud.

Madaxweynaha ayaa warbixin la xidhiidha amniga iyo difaaca qaranka ka dhageystay wasi irka wasaaradda gashaandhiga oo uu wehelina ayo taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa madaxweynaha u sheegay in ciidamada ay heegan buuxa ugu jir aan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo qarankan hagardaamo la damacsana ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aanay mahadin, sida uu hadalka u dhigay.

"Ciidamada Qaranku marnaba ma aanay ahayn kuwo loo baqo ee waxay yihiin kuwo difaac adag ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniintiisa,” ayuu yiri Wasiirka Gashaa ndhiga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Muuse Biixi ayaa intaas kadib waxa la sheegay in uu ciidamada Somaliland ku bogaadiyey kuna dhiiri-gelinayaa dadaalka, kartida iyo adkaysiga ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan dhulkooda iyo weerarada kaga imanaya huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.

"Waxaanu madaxweynuhu sidoo kale bogaadiyey bahda caafimaadka ee dedaalka Qarannimo la barbar taagan ciidamada Qaranka. Dhinaca kal ena waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leedahay arrimaha Qarannimada iyo shacbi weynaha JFS ee taageerada la barbar taagan ciidamada Qara nka.” Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu booqday xerada ciidanka birmadka, oo iyaga la sheegay inay "hadh iyo habeenba heegan ugu jira an hawlaha deg-dega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.”

Ugu dambayntiina waxa uu faray ciidamada ka la duwan ee Somaliland inay laba jibaaraan dada alkooda, islamarkaana ay meel uga soo wada jee staan "cidii dhibaato la damacsan amniga Qaran ka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Md.Muuse Biixi.

Putin oo shaaciyay in hub nukliyeer ah uu ku rakibayo dalka Belarus

Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in xeelad dagaal awadeed uu dalkiisa hub nukliyeer ah ugu rakibi doono wad danka Belarus.

Madaxweyne Putin ayaa she egay in tallaaba daasi aanay ku xadgudbi doonin heshiis kii dhimista hubka nukliyeerka, isagoo isbarbar dhig ahaan u soo qaatay sida Mareykanka uu hub kiisa u keeno Yurub, sida lagu shaaciyay warbaahi nta qaranka Ruushka.

Moscow maamulka hubkeeda uma wareejin do onto Minsk, ayuu Putin sii raaciyay.

Mareykanka ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in Ruushku uu isu diyaarinayo isticmaalka hubka asi nukliyeerka kaddib shaacinta rakibitaankiisa.

Halyeyga ‘Hotel Rwanda’ Rusesabagina oo laga sii daayay xabsiga ka dib markii Marey kanka

Siideynta Paul Rusesabagina oo laga sii daa yay xabsiga Rwanda gelinkii dambe ee jimcihii ay aa ka dhalatay wada xaajoodyo bilo ah oo u dha xeeyay Washington iyo Kigali, iyadoo labadood uba ay u hanqal taagayeen in ay soo saaraan wax ay ku tilmaameen mid "xanaaq” ku ah xiriirkooda.

2 sarkaal oo Maraykan ah – mid ka mid ah maam ulka madaxweyne Joe Biden iyo kaaliyaha Congre ss-ka – ayaa sheegay in aan wax tanaasul ah la samayn si loo sii daayo Rusesabagina, oo ah de gane Maraykan ah oo uu caan ku yahay filimkii 20 04 ee Hotel Rwanda, oo ku saabsan doorkiisii ​​badbaadinta Tutsis intii lagu jiray xasuuqii 1994 .

Waxaa laga soo raray xabsiga Nyarugenge, wa xaana loo wareejiyay safaaradda Qatar, taasoo kaalin muhiim ah ka qaadatay dhexdhexaadin, si da ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Rusesabagina ayaa la xiray 2019 ka dibna wax aa lagu helay sideed eedeymo argagixisan imo oo ka yimid doorkiisa hogaamineed ee Dhaqdhaqa aqa Dimuqraadiyada Rwanda (MRCD), oo garab kiisa hubaysan, Front Natio nal Liberation Front (FLN), uu weeraray Rwanda.

Xarigiisa ayaa xumeeyay xiriirka labada dal. Mareykanka ayaa sheegay in Rusesabagina si sharci darro ah loo xiray, halka Rwanda ay dhale eceynta ka bixisay, iyadoo sheegtay inaan la cabsi gelin doonin. Maraykanku waxa uu Rwanda u qoondeeyay in ka badan $147 milyan oo kaalmo dibadeed sann adkii 2021, taasoo ka dhigaysa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Rwanda.

"Dawladda Maraykanku waxay si cad ugu sheeg tay … Ruwanda in tani ay sii ahaan doonto xana aq laba geesood ah ilaa aan ka gaarno go’ aan la gu wada qanacsan yahay,” ayuu yiri sarkaal ka maamulka Biden, isaga oo ka hadlayay xaalad aan la magacaabin.Yolande Makolo, oo ah af hay een u hadashay dowladda Rwanda, ayaa sheegt ay in arrintu ay tahay "mid ka xanaajinaysa labada dhinac”. "Dhawr bilow oo been abuur ah ka dib, horumarku wuxuu bilaabay in si sax ah loo sa meeyo markii Maraykanku uu ka tanaasulay ‘cada adis’ iyo habka hanjabaadaha, oo uu go’aansaday inuu la macaamilo Rwanda nuxurka arrinka iyo xaaladdiisa – rabshadaha siyaasadeed ee koo xaha hubaysan iyo amniga Ruwanda,” ayay u she egtay Reuters.

Mar wax laga weydiiyey sida Maraykanku arrim ahan uga hawl galay, Makolo waxa uu tilmaamay hadal uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ka dib markii la sii daayey Rusesaba gina, isaga oo carrabka ku adkeeyey in isbed delka siyaasadeed ee Rwanda uu ku yimaado hab nabadeed oo keliya

Tunisia :dad tahriibayaal ah oo ku dhintay shilalkii u dambeeyay ee ka dhaca badda

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jira qaxooti iyo tahr iibayaal ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa ku qaraqmay xeebaha Tunisia xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan badda Medi terranean-ka oo ay gaaraan Talya aniga.

Sarkaal u hadlay hay’ad u dooda xuquuqda aa danaha,Romdhane Ben Amor ayaa wakaal adda wararka ee Reuters u sheegay in doont aasi ay ku degtay xeebaha Mahdia ee dalka Tuniisiya ka dib markii ay ka soo shiraacatay xeebaha Sfax ee dalkaasi.

Afartii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan shan doonyood oo ay saarnaayeen dad qaxoonti iyo tahriibayaal ah ayaa ku degtay koonfurta magaalada Sfax, waxa ana la la’yahay 67 qof halka sagaal kalena ay dhinteen,isla markaana la badbaadiyay shan ruux.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Tuuniisiya ayaa sheegay in afartii maalmood ee la soo dhaafay ay joojiyeen ilaa 80 doonyood oo ku wajahnaa dalka Talyaaniga, waxaana ay xireen in ka badan 3,000 oo qof oo u badan dad ka yimid wadamada Sax araha ka hooseeya ee Afrika.

wakaaladda wararka ee ANSA ee Talyaaniga ay sheegtay in in ka badan 2,000 oo magan galyo doon ah ay 24 saac gudahood ku gaar een jasii radda Lampedusa ee Talyaaniga.

Masiibadii ugu dambeysay ayaa timid xilli ay socdaan olole ay mas’uuliyiinta Tunisia ku xiray aan dadka aan sharciga lahayn ee ka imaanaya dhulalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Dowladda Mareykanka oo xadidaysa isticma alista Baraha Bulshada ee caruurta.

Utah ayaa waxay noqotay gobolkii ugu horays ay ee ku yaalla dalka Maraykanka, oo kusoo rog tay shirkadaha Warbaahinta Bulshada, inay hela an oggolaanshaha waalidka ee caruurta iyo dhali nyarada, si ay u isticmaalaan barnaamijyadooda.Waxay sidoo kale u baahan doonaan inay xaqiijiy aan in isticmaalayaashu ay yihiin ugu yaraan 18 jir.

Guddoomiyaha xisbiga Ja mhuuriga ee gobolka, Spe ncer Cox, ayaa sheegay in uu saxiixay laba sharci oo cusub oo arrintan la xiriirta, si loo ilaaliyo dhalinyar ada gobolka. Xee rarka ayaa siinaya waalidii nta in ay si buuxda u maam ulaan akoonnada internetka ee carruurtoo da, oo ay ku jiraan fariimaha gaarka ah iyo qoraal lada. Oggolaanshaha cad ee waalidi inta ama da dka ardayda masuulka ka ah, ayaa lag ama maa rm aan u noqon doona dhallaanka, si ay akoon na da ugu sameeyaan codsiyada, sida Insta gram, Fa ce book iyo TikTok. Xeerarka ayaa sidoo kale ku soo rogaya xanibaaddo Baraha Bulshada, kaasoo xan nibaya gelitaanka carr uurta inta u dha xaysa 10: 30 Shalaynimo. iyo 6:30 subaxnimo, ilaa ay si kale u waalidiinta caruurta mooyaane. Sida ku cad sharciga, shirkadaha Warbaahinta Bul shada ma awoodi doonaan inay ururiyaan xogta carruurta, ama la beegsadaan xayeysiisyada iya ga. Labada sharci – oo sidoo kale looggu talag alay inay fud udeeyaan sharciga ka dhanka ah shirkadaha bar aha bulshada – ayaa waxay dhaq

an geli doonaan bisha Maarso 1, 2024.

DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}

( Marka ay tahay habeenka koowaad ee ramadaanka ka mid ah, wa xaa la xidhxidhaa shaya adiinta iyo jinka kuwiisa madaxa adag, waana laxi dhaa albaabada naarta, albaabna lagama furo, waxaana lafuraa alb aaba da janada albaabna lagama xidho, waxaana dhawaaqa mid ku dha waaq aya: khayrka kii doon ayoow soo qaabil, kii sharka doonahayowna gaabso {jo og}, Allaahna waxaa usugnaaday kuwo naarta laga xoreeyo, arinkaas ina {naar ka xoraynta ah} waa habeen kasta dhexdiis) [ibnu maajah & tirmidi]. Anas binu malik (r.c) wuxuu yiri : ram adaan baa soo galay, rasuulkii Alle na (s.c.w) wuxuu yiri : ( إن هذا الشهر قد حضركم، وفيه ليلة خير من ألف شهر، من حرمها فقد حرم الخير كله، ولا يحرم خيرها إلا محروم)[ابن ماجة].

AxkaamtaSoonka13 (Dhab ahaantii bishan {ramadaan} way indiin timid, waxaana ku dhex jira habeen ka kheyr badan kun bilood, ruuxii la ga xirmaaniyo {habeenkaas} waxaa dhab ahaantii laga xirmaaniyey {laga qadiyey} kheyr dhamaantii, lagamana xirmaaniyo kheyrkeeda mid la ho ngeeyey (laqadiyey) mooyee) [ibnu maajah].

Abu hureyre (r.c) wuxuu yiri : rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu yiri : (من لم يدع قول الزور والعمل به فليس هلل حاجة في أن يدع ]طعامه وشرابه) [البخاري]. ( Ruuxii aan katagin hadalka beenta ah iyo ku dhaqankiisa, Ilaahay wax dan ah kama uu laha {waxba kuma uu falayo} inuu katago cuntadiisa iyo cabiddiisa) [bukhaari]. Abii hureyrah (r.c) waxaa laga warinayaa in uu ras uulkii Alle (s.c.w) yiri : ( إذا كان يوم صوم أحدكم فلا يرفث، ولا يصخب ، ولا يجهل. فإن شاتمه أحد أو قاتله فليقل: إني صائم). ( Markay tahay midkiin maa lintiisa soonkeeda yuuna fisqi (xumaan) la imaanin, yuusanna qaylinin, jaahilnimana yuuna samaynin, hadduu ruux la caytamo ama uu la dagaall amana ha yiraahdo: aniga waan soomanahay).

Walaalayaal fadliga soonka lama soo koobi karo ruuxa muslimka ah na waa mid marka la waaniyo waansama marka wax wanaagsan loo she egana u tartama. Aadaabta ruuxa sooman looga baahan yahay oo aad u fara badan ayaa waxaa kamid ah: · Inuu ku dadaalo akhrinta qur’aanka.

· Inuu taraawiixda iyo tahajudka tukado, si uu uga mid noqdo kuwa ka faaiidaysta bishan barakada aadka ubadan leh.

·Waa inuu iska ilaaliyaa: xanta, beenta, isku dirka.

·Iyo sidoo kale in la dhageysto ama la daawado waxyaabaha dambiga ah ama wakhtigii kheyrka lugu bixin lahaa kaa buuxinaya sida: heesaha, musikadaa, filiShalay noocyadooda kaladuwan.

· Iyo ciyaaraha, turubka, dulbadda, shaxda/jarta, iyo dhamaan waxyaa baha wakhtiga lugu lumiyo ee aan banaaneyn.

AxkaamtaSoonka14

· Sidookale waxaa nasiibdarra ah in uu ruuxa muslimka ah Hurdo ku dhameeyo maalinta soonka isagoo habeenkii isticmaala kiniinka hurdada i.w.m.

08. Qaar Kamid Ah Dhacdooyinkii Dhexdhacay Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Dhacdooyinka taariikhiga ah ee dhex dhacay bishan baraka ysan ee ramadaan way fara badanyihiin, waxaana kamid ah kuwan hoos ku xusan:

1. Sidaan wada ognahay bisha ramadaan dhexdeeda waa bishii nabig eenna (s.c.w) Waxyiga ku billowday.

2. Sidoo kale ramadaanka dhexdiisa sanadkii 10aad ee bicthada nabi geenna (s.c.w) ayuu dhintay Abii dhaalib oo ahaa nabiga (s.c.w) adeerkii, wax bandanna ka difaaci jirey hagardaamadii ree qureesheed ay nabiga ku hayeen.

3. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 8aad ee soo saariddii nabiga ayaa la oofsaday nabiga xaaskiisii ugu horraysay ee uu sida aadka ah u jeclaa, ahaydna ruuxii koowaad ee rumeeyo dhambaalkii uu nabiga siday, waa hooyadii mu’miniinta khadiija bintu khuwaylad.

4. Ramadaanka dhexdiisa Sanadkii 1aad ee hijrada waxaa la sharciyee yay Aadaanka, kadib markuu riyo ku arkay Cabdullaahi binu zayd.

5. Ra madaanka dhexdiisa sanadkii 2aad ee hijrada ayaa la jideeyay salaadda ciidda.

6. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 2aad ee hijrda wax aa la sharciyee yay Zakaatul fidriga. 7. Bishan ramadaan dhexdeeda isla sanadkii 2aad ee hijrada ayeey ahayd markii uu Allaah guusha siiyay rasuulka iyo asxaabta dagaalkii lam agac baxay dagaalkii Badar.

8. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 8aad ee hijrada wuxuu Allaah gac anta muslimiinta soo galiyay oo la furtay magaalada barakaysan, ahna qiblada.

AxkaamtaSoonka15

muslimiinta ee Makkah al-mukarramah markaa ayeey dadkii diinta usoo galeen kooxo-kooxo.

9. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 11aad ee hijrada waxaa la oofsaday gabadhii rasuulka ee Faadimah bintu rasuuli LLAAH.

10. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 40aad ee hijrada waxaa shihiiday khaliifkii afaraad ee muslimiinta Cali binu abii-daalib.

11.Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 58aad ee hijrada waxaa la oofsa day hooyadii mu’miniinta ee ahayd xaaska kaliya ee uu rasuulka (s.c.w) iyadoo gabadh ah guursaday, si aad ahna uu u jeclaa waa Caaisha binti abii-bakar.

12. Ramadaanka dhexdiisa ayeey ahayd sanadkii 92aad ee hijrada markii ay muslimiinta furteen اندلس) spain) wuxuuna ALLAAH ku furay ga canta Daariq binu ziyaad.

09. Shuruudaha Soonka Shuruudaha uu soonka waajib ku noqdo waa shan shuruudood oo kala ah:ü

Islaamnimo. ü Qaan gaadhitaan.ü Miyir qab.ü Karitaanka soonka aw ood ahaan iyo sharci ahaanba.ü Nagaansho.ü Islaamnimo :

Shardiga koowaad ee waajibiya soonka waa islaamnimo maxaayee lay Allaah waxba kama aqbalo ruux aan muslim ahayn, sidaadaraadeed gaalada inay soomaan lagama rabo inta ay aduunyada joogaan, haday soomaanna lagama aqbalayo, aakhirase ciqaabta ayaa loogu kordhin dhammaan cibaadadii ayna la imaan jirin sida soonka iyo salaadda (allow adigaan kaa magan galnay), Allaah wuxuu leeyahay:

AxkaamtaSoonka16

(ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخسرين)[آل عمران 85. [ (Ruuxii doona diin aan islaamka ahayn laga aqbali maayo, aakhira na wuxuu noqon kuwa khasaaray) [aali-cimran].

• Qaangaadh nimo: Shar diga labaad ee waajibiya soonkana waa Qa angaadhnimo, sida ay fuqahada sheegeen calaamadaha qaangaadhka waa:

§ In uu wiilka ku biyo duuliyo laga bilaabo 9 jir – 15 jir.

§ In ay udhamaato shan iyo toban sano.

§ Inay gabadha aragto dhiigga xaydka laga bilaabo 9 jir – 15.

Sidaan wada ognahay ruuxa muslimka ah marka uu qaangaadho wa xaa dusha ka fuulaya oo laga rabaa inuu la yimaaddo dhammaan arima ha ay shareecada farayso,waana inuu ka fogaado dhammaan waxa ay shareecada ka reebayso, waana arinta uu ruuxa ku mutaysan karo abaal marka wanaagsan ama ciqaabta daran ee aakhiro sidaadaraadeed soon ka wuu ku waajibayaa ruuxii isku arka calaamadaha qaangaadhka ee aan kor kusoo sheegnay, Arintaas waxaa ku tusayo :-

Cali (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) kawarinayaa inuu yiri : ( رفع القلم عن ثلاثة: عن النائم حتى يستيقظ، وعن الصبي حتى يحتلم، وعن المجنون حتى يعقل)[ابن ماجة]. ( Saddex xaggooda qalinka waa lag koryeelay: ruuxa jiifa illaa uu soo tooso, iyo ilmaha yar illaa uu qaangaadho iyo midka waalan illaa uu wax garto {miyirsado}) [ibnu-maajah].

Sidoo kale waxaa wanaagsan in lugu tarbiyeyo caruurta yar-yar soon ka si ay ugu sii laylsamaan waana sidii ay samayn jireen salafkii um add a, awlaadda waa in salaadda lafaro todobo jir mark ay yihiin, waana in la gu garaaco hadday katagaan marka ay toban jir yihiin, soonka waa in si daa oo kale loogu tarbiyeyo, xataa maalin niskeed waa in la soomiyaa ha ddii maalinta uuna wada awoodi karin. ….La soco Berri

WAR-GELIN:-

ku socota dhammaan Macaamiisha wargeyska iyo Akhri satayaashi isa Sharafta leh, wuxuu maamulka wargeyskan ku wargekin ayaa in ay ilaaliyaan Nuqullada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa ’isha Bisha Barakeysan ee Ramadaan Daruus la xiriirta ay ku qoran yihiin iyagoo Aayado khumur’aanka Kariim ah

Sidaas daraadeed waxaa uu maamulka leeyahay walaayalaal xafida Alle ha idin xafidee kana ilaali meelaha aan ku habooneyn ee wasaqey san in aad dhigtaan ama aad ku tuurtaan Wargeyskaan.Qaasatan Inta La gu Jiro Maalmaha Bisha Ramadaan waxaan mar labaadkaa codsaney naa inaad ka dhowrto kana ilaaliso meelaha wargelinta lagu muujiyey Mahadsanidiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip