Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay arrinta weli Al-Shabaab kusii haysa deegaano badan

0
in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay arrinta weli Al-Shabaab kusii haysa deegaano badan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar taariikhi ah ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka xarooyeen kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay dagaalka socda, isaga oo dul istaagay sababta illaa hadda ku haysa kooxda Al-Shabaab deegaano badan oo ka tirsan gobollada dalka.

 

Waxa uu sheegay in sababta u weyn ee Shabaab ay weli uga sii talinayaan deegaanadaasi ay tahay in dadka deegaanka ay raali ka yihiin, oo aysan ka kicin sida ka dhacday deegaano badan oo dalka oo laga xoreeyay kooxda.

"Meelaha ay ku harsan yihiin waa meelaha dadkooda weli u kici waayay, laakiin meeshii dadkiisa uu istaagay hal Khawaarij ah oo jooga ma lahan, mana joogi karaan oo xataa rejo kama qabaan inay ku noqdaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

"Waxaa rabaa dadka reer Aadan Yabaal ay farriintaas qaadan oo cidkasta oo deegaankii ay ku tuhunsan yihiin inay Khawaarijta joogaan u sheegaan, raali ahaansho ayay ka walax tahay. Aniga waa la idili ma anaa la warami karan? Waa lala warami kara oo la eryi karaa waa raqiis oo dhiiraanan kuma joogaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku booriyay dadka ay weli deegaanadooda gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab ay kacaan oo iska xoreeyaan, "Askarta socota ee deegaankan ku dhimaneysa ee ku dhaawacmeysa uma dhalan deegaankan oo Soomaalinimo ayaa inta keentay oo dowladda ayaa keentay in loo hiilin waayo daw-mahan.”

 

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in deegaanada qaar ay ka dagaalamayaan dad aan aheyn kuwa deegaanka, halka ay aheyn inay uga hor-maraan kuwa Soomaalinimada iyo dowladda ay geysay deegaanadaasi, si looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

"Dadka markay go’aan gaaran oo sharafta, karaamada, haybada iyo Diinta iyo dadnimada ay leeyihiin difaacdaan lagama adkaan karo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip