
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 26 -KA MAARSO 2023-KA-
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Adee gga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Da ah-furay hirgelinta Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo suurtagelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurm eysa suuqa isgaarsiinta dalka.
Md.Xamse oo dul istaagay muhiimadda ay lee dahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar sameyn karin haddii aan muwaadiniintiisu si sax ah u bixin canshuuraha lagu horumarinaayo dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay laf-dhabar u tahay isg aarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan door kooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo amniga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay’adda Isgaarsi inta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiib ooyinka oo gaaray Magaalada Baardheere
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musii boyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ay aa Dorraad gaaray Magaalada Baardheere ee Gob olka Gedo oo maalin ka hor uu ku fatahay wabiga Jubba kadib Roob xoogan oo halkaas ka da’ay taas oo ay ku geriyoodeen ilaa 7-ruux halka Maa lmo ka horeeyey daadad ka dhashay roob mahii gaan ah oo halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 13 qof taas oo dhimashada ka dhigaysa 20 qof halka dadka dhawacyada ay halkaas ka soo gareen daadadka iyo fatahadaas ay marayaan ilaa laba qof oo rayid ah.
Guddoomiye Maxamuud Macalin waxaa socdaalkan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS, Ahmed Cismaan,Sanatar Abdullaahi Sheikh Ismaacil fartaag,waxaana hay’adda maareynta degmadaas geysay laba diyaarad oo wada shixnad Gargaar ah oo iskugu jira raashin, dhar iyo daawo.
Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Hay’addaha Amniga iyo gobolka Banaadir
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Dorraad kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen mada xda Booliiska, Nabadsugidda, Gobolka Banaaid iyo Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muq disho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan oo kooxaha Kha waarijtu ay caad eysteen inay dhib aateeyaan shacabka Soo maaliyeed ee cibaadey sanaya iyo sidii guud ahaan am maanka loo ad keyn lahaa. Ra’iisul Wasaare Xam se ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah – si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bi shan cibaadada Alle ku jira.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la kul may Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha gobolka Banaadir
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa Dorraad kulan la qaatay Gud doomiyeyaasha Maxkamadaha degmooyinka Gobalka Banaadir oo uu kala hadlay dhaqan-gel inta Xeer-nidaamiyaha lagu jaan-goynaayo Ajuuro oyinka Maxkamadaha oo ay dhowaan soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federa alka Soomaaliya.
Xeer Nidaamiyahan, ayaa xoojinaaya daah-furna anta, isla-xisaabtanka, fududeynta adeeg ga cadd aaladeed iyo kordhinta dakhliga gudaha.
Guddoomiye Baashe, wuxu ku boorriyey in ay si buuxda u dhaqangeliyaan Xeer-nidaamiyaha, isa goo sidoo kalena sheegay in uu jiri doono dabogal iyo korjoogtayn lagu xaqiijinayo fulinta Xeer-nid aamiyaha.
Wafdi odayaal ah oo ka tagay Muqdisho oo ku wajahan magaalada Laascaanood
Madax dhaqameed ka tagay magaalada Mu qdisho ayaa Dorraad oo sabti ah lagusoo dhoweey ay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxayna u tageen Garowe, si ay ugaga sii gudba an magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wafdigaan ayaa kulamo la qaadan doona Isimada dhaqanka SSC, kuwaas oo haatan ku sugan mag aalada Garowe, waxayan kadib u socdaali doo naan Laascaanood.
Sida aan xogta ku helnay, Isimada ka yimid Muqdisho, waa guddi isxilqaamay oo xaqiiqo raadin ah, si ay usoo arkaan dhibaatada ka dhac day magaalada Laascaanood, iyo waxa ka jira eedeymaha loo jeedinayo Somaliland ee ku aadan in ciidamadeeda ay xasuuq iyo tacaddiyo badan ka geysteen Laascaanood. Waa markii ugu hor reysay oo guddi ka yimid magaalada Muqdisho ay tagayaan magaalada Laascaanood si ay xaaladda usoo qiimeeyaan.
Horey guddi odayaal ah oo ka tagay magaa lada Hargeysa ayay u suurtoobi weyday inay tag aan magaalada Laascaanood, kadib markii gara adada SSC ay sharuud ku xireen in marka hore ay ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka Sool.
Socdaalka odayaasha ka yimid Muqdisho, ayaa kusoo aaday xilli xaaladda gobolka Sool ay kacsan tahay islamarkaasna dhinacyada halkaas ku dagaalamaya ay isku hub arursanayaan.
Mahdi Guuleed oo shaaciyay sida uu ku dhaqangeli karo muddo kororsiga DF
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo haatan ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka Soom aaliya ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay qorsh aha muddo kororsiga la damacsan yahay in loo sameeyo hay’ad aha dowladda fed eraalka iyo sida uu ku dhaqangeli karo intaba.
Mahdi Guuleed oo guddoomiye u ah guddiga loo xil-saaray arrint an, gaar ahaan ka soo tala-bixinta wax ka beddalka qodobo kamid ah Dastuurka ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan muddo korosriga dowladda, kaas oo ay in badan ka horyimaadeen siyaasiyiinta dalka.
Xildhibaanka ayaa ku dooday in Baarlama anka Federaalka Soomaaliya uu awood u leeya hay inuu wax ka beddalo Dastuurka, gaar ahaan muddo xileedka dowladda.
"Wax kasta oo sharci ah oo Dastuur ah oo aan ka hor imaaneyn Shareecada Islaamka iyo Mabaa dii’da aas-aasiga ah ee Qaranimadeena Baarlam aanku waa karaa inuu sameeyo iyo inuu joojiyo,” ayuu yiri xildhibaan Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar).
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Baar lamaanka madaxweynuhuu dhalaa la xisaabt am aa, maamuus ka xayuunbin ayuu kusoo oogi ka raa, ra’iisul wasaaruhuu la xisaabtamaaa, xukuu madduu dhalaa, la xisaabtamaa, kala noqon karaa kalsoonida,”.
Mahdi Guuleed oo u warramay SMS Somali TV ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu dhaqan-geli karo qorshaha muddo kororsiga dowladda, wuxu una sheegay inay ku xiran tahay kaliya inay ka fariistaan xildhibaanada labada Aqal, si ay uga gaaraan go’aan wadajir ah.
"Sida qodobka 36 uu dhigayo saddex meelood, laba inay Dastuurka wax kaga beddali karaan aw oodda Dastuurka ayaaba siiyay”. ayuu markale yiri Mahdi Guuleed.
Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan iyo buuq siyaasadeed, waxaana si cad uga horyimid, siya asiyiin caan ah, sida Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo kuwa kale oo badan.
qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda feder aalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afag sano.
Si kastaba, arrintaan waxay abuurtay guux iyo diidmo ay kala horyimaadeen siyaasiyiinta qaar, siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshah aan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dal ka Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Ca bdishakuur oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dorraad Digniin culus soo saaray
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Ma daale) oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Aqalka Dow ladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay safar sha qa oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay Boqort ooyada Saudi Arabia, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka Magaalada Riyaad.
Madaale ayaa inta uu ku sugnaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa uu kulan lasoo qaatay Amiirka Magaalada Riyaad Amiir Faisal bin Abdulaz iz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Ma gaalada Riyaad.
Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdi sho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaaf siga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Ma taaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.
Duqa Magaalada Muqdisho Madaale ayaa sidoo kale warbaahinta ka sheegay in sharciga lala tiigansan do ono shaqsiyaadka ka macaasha sameenta Docum entiyada been abuurka ah ee D/Hoose Xamar.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobobolka Banaad ir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Ummada Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan gudashada bi sha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay ka fagoodaan waxkaste oo burin kara Soon-kooda.
Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Ciidan Badan Wata Oo Soo Galay Magaalada Beledweyn
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa wafdi sa re oo ka socday dowladda Itoobiya, kuwaasoo gobol ka Hiiraan u tagay sidii ay kaalin uga qaadan lah aayeen wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab.
Wafdigan waxaa hoggaami nayay General Tesfaye iyo General Xaaji, waxeyna sheegeen inuu socdaalkoo da daaran yahay sidii Shabaab looga sifeyn lahaa xadka ay la wadaagaan Soo maaliya, iyagoo kooxda u arka caqabada ugu weyn ee dhanka amaanka ah oo ay qabaan.
Taliyaha ciidamadda DANAB oo beeniyay iney qeyb ka yihiin…
Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan iyo mas’uuliyiin kale ayaa qeyb ka ah wafdiga saraakii sha ah, kuwaas oo shirar kula leh halkaas mas’uuliyi in katirsan Maamulka Gobolka Hiiran.
Waxaa la filayaa iney dhawaan xad ka kasoo talaabiyaan ciidan Itoobiya an ah oo aan ATMIS qeyb ka eheyn, waxeyna toos ugu biiri doonaan howlgalka Shabaab lagu doonayo in looga saaro Galbeed Hiiraan oo kooxdaasi wali ay ku xoogan tahay.
Si kastaba, Itoobiya ayaa fulisay balanqaadkii ah aa in ciidamo ka socda dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti la keeno Soomaaliya, kuwaasoo ka madax banaan howlgalka midowga afrika, waxeyna toos ugu biiri doonaan howlgalka lagu xoreynayo deegaa nada yar ee Shabaab wali ku harsan yihiin.
Cali Jeyte Oo Wado Abaabulka Howlgal Lagu Xoreynayo Galbeedka Hiiraan
Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Da ahir Guure Karoore iyo Gudoomiyaha Gobolka Hii raan Cali Jeeyte Cismaan ay aa Gaaray Magaalada Balad weyne ee xarunta Gobolka Hii raan, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay. Amaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana Wadooyinka lasoo dhigay Cii damo aad ufarabadan, si ay u sugaan amniga mas ’uuliyiintan.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cisma an oo Hormuud u ahaa Howlgaladii ka socday Gob olka ayaa hada wado Abaabulkii ugu dambeeyay Ho wlgalka wajigiisa Labaad oo lagu xureeynayo deeg aanada Galbeedka Gobolka.
Mr.Jeyte ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato sara akiisha ciidamadda isagoo kala hadli doono istaraati jiyada dagaalka iyo diyaarinta ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka.
Si kastaba, wajigii koowaad ee howlgalkii ka dhanka ahaa Shabaab ayaa lagu xureeyay dhul bal aaran, kaasoo sanado dheer ay maamuleysay koo xda, waxaana deegaanadaas wali ku sugan ciidama dda dowladda.
Al-Shabaab oo weerar ku billowday QARAX YO ku qaaday Ruun-nirgood
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaara ha ka dhashay weerar toos ah oo ay Dorraad Al-Shaba ab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Ru un-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Weerarka oo ku bilowday qarax ayaa waxaa lagu soo warrama yaa in lagu ekeeyay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xoog ga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugnaa saldhi gga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen rag ga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.
Xerada la weeraray ayaa waxaa maalin kahor te gay ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka yimid dhan ka degmada Ceeldheer, si ay u xoojiyaan ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan degmada Ruun-nirgood.
Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaar ay ciidamada ku sugnaa saldhigga, walow aan la cad deyn karin, inta uu la’egyahay.
Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerark an ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u gashay xe rarada, islamarkaana ay dishay askar badan, kuwa kalena ay dhaawacday
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi kusii dartay in ay gubtay gawaari ay lahaayeen ciidamada dowlad da oo yiilay gudaha xerada/
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo bax ay saraakiisha dowladda iyo madaxda sare ee ma amulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, wax aana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareema yaa agaga arka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shab aab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koon furta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta bad an dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.
Barakac ka socda Baardheere iyo khasaara ha dhimashada oo sii kordhay
Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa weli ka taagan degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ka dib markii ay ku dhufteen daadad xoogan oo sabab ay burbur, dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sa meeyeen dadka deegaanka.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu sii kordhay khasaaraha dhimashada ee ka dhashay daada dkaasi, waxaana saacadihii las oo dhaafay magaalada as ku geeriyooday illaa lix qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys.Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixi yay xaaladda guud ee degmada Baardheere, gaar ahaan toga sameeyay fatahaadda.
"Dadka hadda dhintay waa 6 qof oo saddex kamid ah ay isku qoys yihiin iyo saddex kale oo carruur ah illaa iyo haddana dhibaatada way taagan tahay,” ay uu yiri qor kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhac dada an ay tahay markii 2aad, isla-markaana 7baadkii ho re ay daadadka ku dhinteen illaa 9 qof, saddex kal ena ay ku dhaawacmeen.
"Waa markii labaad oo uu togan fataho oo dhib aato ay ka dhalato Isbuucii lasoo dhaafay oo qura 9 qof ayaa ku geeriyootay saddex qofna way ku dhaaw acmeen,” ayuu sii raaciyay.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in weli uu bara kac xoogan ka socdo degmada Baardheere, wuxu una tilmaamay qoysaska barakacay lagu qiyaasayo illaa 2,800 oo qoys.
"Dadka ku barakacay fatahaadda uu geystay tog an oo musiibada ahaa waxaa lagu qiyaasa yaa illaa 2,800 oo qoys, waxaana weli socda burburka,” ayuu markale yiri.
Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda fed eraalka, Jubbaland iyo hay’adaha sama fal ka, isaga oo ugu baaqay inay u gurmadaan dadka ku dhibaa teysan Baardheere.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ka badan 3,000 Shabaab ah in lagu dilay howlgalladii dib u xoraynta
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 3,000 oo Al Shabab ah lagu dilay, 3,700 oo kalena lagu dhaawacay tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay hoggaaminayso dowladda.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo sa artay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ilaa 70 magaalo iyo tuulooyin ayaa laga saaray Al Shabab, kuwaas oo la wareegeen ciidama da xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka deega anka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowlad du sheegtay inay ku sii dhawaanayso wejigii labaad ee weerar milateri oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, weeraradaas oo laga fulinayo degaanada K/Galbeed iyo Jubbaland
Dhanka kale, Dowladda waxay sheegtay inay Mu qdisho ka bilaabayso howlgalo ballaaran oo lagu xaq iijinayo amniga caasimada Muqdisho si loo xaqiijiyo in baxsadka Alshabaab aysan dhibaato uga geysan magaalada iyo shacabka
Wasaaradda amniga ayaa tilmaamtay in howlgal kan uu yahay mid lagu ilaalinayo magaalada iyo dad ka shacabka ah, waxaana ay intaa ku dartay in dowl addu ay doonayso in aan la carqaladeyn amniga sha cabka inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadaan.
Xigasho:-hiiraan.com
AXMED MADOOBE OO WAJAHAYA XUJOOYINKII UGU ADKAA EE KURSIGIISA
Hoggamiyaha muddada dheer haya xukunka maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa cadaadisyo waaweyn kala kulmaya soo celinta gacan ku haynta gobolka Gedo, oo ah gobol muhiim u ah maamulkiisa, taasi oo wiiqi karta xil-hayntiisa maamulka iyo awoodiisa siyaasadeed xili uu maamulka cusub la wareegay hoggaanka waddanka taageera ee Kenya.
Fashilka uu kala kulmay isku dayo badan oo uu kula wareegi lahaa gacan ku heynta Gedo oo ilaa hadda ka maqan gacanta maamulkiisa ayaa wiiqi karta aragtida maamulka cusub ee Kenya ee ku aadan Axmed Madoobe.
Gobolka Gedo ayaa ah goob istaraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama uu ku yaallo xuduudka Kenya, waxay gacan ku haynta gobolkaas muhiim u tahay maamulka Jubaland, wuxuu gobolka Gedo xudun u noqday khilaafkii daba dheeraaday ee u dhaxeeyay Jubaland iyo taliskii Farmaajo.
Haddaba, culeysyadani iyo kuwo kale, oo muddo soo jiitamayay oo heysta Axmed Madoobe oo muddo dheer xilka hayay, ayaa hadda u muuqda kuwo shaki galinaya sii joogistiisa madaxweyne ee maamulka Jubaland.
Cadaadiska uu wajahayo ayaa waxaa sabab u ah arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mucaa radad badan oo kaga imanaysa dowladda Federaalka Soomaaliya, beelaha dega gobolka Gedo, iyo xitaa dad ka mid ah qabiilkiisa oo olole ka wada Nairobi.Xubnaha ku shiray Nairobi waxaa ka mid ah rag miisaan culus oo ku beel ah Axmed Madoobe, sida wasiir Oomaar iyo Cabdi Cali Raage, oo horey aad ugu dhowaa Axmed Madoobe. Sidoo kale culeysyada Axmed Madoobe ayaa sii kordhay kadib markii maamulka cusub ee Kenya uu isbeddel ku sameeyay siyaasaddiisa ku aadan Soomaaliya, isagoo la yimid qorshe ka duwan maamulkii hore Uhuru Kenyatta oo si buuxda u taageersanaa maamulka Axmed Madoobe.
Madaxweyne Ruto ayaa la sheegay inuu door-bidayo siyaasad ah inuu si toos ah ula macaamilo dowladda federaalka, islamarkaana uga dambeeyo arrimaha gudaha dalka, oo Jubaland ay ku jirto.
Xeel-dheerayaasha siyaasadda gobolka ayaa aaminsan in haddii Axmed Madoobe uu ku guuleyean waayo in uu si hufan wax uga qabto caqabadahaas, oo uu dib u soo celin waayo gacan ku haynta gobolka Gedo, laga yaabo inuu wajaho cadaadis uu xilka uga degi karo, oo ka iman kara dhanka dowladda federaalka iyo xitaa Kenya.Sooyaalka maamulka Axmed Madoobe
Jubaland waa maamul goboleed ka tirsan koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xuduud la wadaagaa Kenya.Kenya ayaa ah saaxiibka ugu muhiimsan ee Jubaland, waxayna door muhiim ah ka ciyaartay taageeridda xasiloonida amni iyo siyaasadeed ee gobolka.
Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe ayaa xilka hayay tan iyo sanadkii 2013-kii, waxaana muddadii uu xilka hayay uu xiriir dhow la lahaa dalka Kenya, waxa uuna dowladda Kenya ka helay taageero dhanka ciidamada ah iyo mid diblomaasiyadeed.Taageeradaasi ayaa Axmrd Madoobe ka caawisay in uu awooddiisa kusi ballaariyo uuna adkeeyo xukunkiisa Jubaland iyo in uu ka hortago saamaynta ay ku yeeshaan qaybaha kale ee maamullada, sida dawladda faderaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, saameynta isbeddalka dhanka hoggaanka ah ee dhawaan ka dhacay dalka Kenya, uu ku yeesho hogaamiyaha Jubaland ayaa si dhow isha loogu hayaa. Maamulka cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne William Ruto ayaa laga yaabaa inaysan u taageerin Madoobe sidii dowladii hore. Sababtuna waxay tahay in maamulka Ruto uu muujiyay rabitaan uu ku doonayo inuu hagaajiyo xiriirka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya, inkastoo xiligan uusan xiriirkooda uusan aad u wanaagsaneyn.
Waxaa intaas dheer in Madoobe uu sidoo kale wajahayo cadaadis uga imaanaya gudaha Jubaland. Waxaa jira walaac ay qabaan qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo kooxaha siyaasadda ku jira oo ku aadan in Madoobe uu ku milmay talada dalka, islamarkaana uusan ka jawaabin baahida shacabka.
Waxaa kaloo jiray eedeymo musuqmaasuq iyo ku xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu hoggaaminayay, sidoo kale.
Arrimahaas oo is biirsaday ayaa la macno ah in aan la hubin in Axmed Madoobe uu sii ahaan doono hogaamiyaha Jubaland. Xigasho:caasimadda.net
HABDHAQANKA IMAARAADKA OO JAHWAREER KU RIDAY DHEELITIRKA SIYAASADAHA XASAN SHEEKH
Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkii hore, oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saaxiib dhow la ah Imaaraadka Carabta, ayaa u suurta galisay in Imaaraadku uu dib uso ceshado saameyntii uu ku lahaa Soomaaliya oo aad u yaraatay inti uu xilka hayay maamulkii hore ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Galaan-galki siyaasadeed iyo tii ciidan ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa tan iyo wixi ka dambeeyay doorashadi Xasan Sheekh dib usoo noolaatay una si ballaaratay.
Hase ahaatee, in madaxweyne ay saaxiibo yihiin uu dib xilka madaxtinimada Soomaaliya u qabto ma aysan noqon mid ku filnaata dowladda Imaaraatka, oo dib u billowday dhaqan siyaasadeedkii adkaa ee ka waday Soomaaliya, taasi oo keentay in dowladda Madaxweyne Maxamuud ay gasho xaalad adag oo jahawareer ku riday siyaasadda madaxweyne Xasan ee isku dheellitirka xiriirada ay la leedahay Imaaraadka iyo quwadaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamka. Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha ku sameystay maalgashiga weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo shirkadaheedu ay ku hawlan yihiin la wareegidda, maamulidda iyo dhismaha dekedaha dalka.Hase ahaatee, ku lug lahaanshaha siyaasadda iyo milateriga ee Imaaraadka Carabta ee Soo maaliya ayaa ah mid muran badan dhaliyay.
Dawladda Khaliijka ayaa lagu eedeeyaa inay farogelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana ay taageerto maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland. Waxa kale oo ay isku dayaysaa inay tababarto, oo ay qalabayso ciidamo Soomaaliyeed ee ka madax banaan taliska ciidanka dawladda, kuwaas oo loo arkay inay khatar ku yihiin madax-banaanida Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa isku dayday inay isku dheelli tirto xiriirka ay la leedahay Ima araatka Carabta, iyadoo sidoo kale qiimeyneysa xiriirada kale ee ay la leedahay quwadaha kale ee gobolka iyo caalamka, sida Turkiga iyo Qatar. Dalalkan ayaa Soomaaliya ka caawiyay dhinaca horumarinta iyo maalgashiga, iyagoo sidoo kale taageeraya dowladda iyo ciidamada qalabka sida sanado badan.Laakiin Soomaa liya ayaa kala kulmeyea culeysyo badan siyaasaddeeda isku dheelitirka iyo qor shaheeda siyaasadda dibedda noqday mid aad u adag, kadib markii uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo quwadaha kale ee gobolka.
Tusaale ahaan, Imaaraadku iyo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku khilaafsan habka uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga iyo qeybaha kale ee xiriirada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo wadd amo kale.Arrintaasi ayaa u muuqata mid galineysa xaalad Soomaaliya oo halis ugu jirto inay dhexda u gasho loolanka awoodeed ee gobolka, gaar ahaan kan u dhaxeeya Imaaraadka, Qatar iyo Turkey oo uu tartan adag ka dhaxeeyo waqti aad u dheer.
Dhanka Soomaaliya, haddii ay si aad ah ugu dhowaato Imaaraadka, waxay halis u tahay inay ka fogaato saaxiibada kale ee muhiimka u ah. Sido kale, haddii ay iska fogeyso Imaaraadka, waxay halis u tahay inay lumiso maalgelin iyo taag eero qiimo leh.
Sida ay qabaan khubarada Geeska Afrika, Soomaaliya waxay u baahan tahay diblomaasiyad taxaddar leh iyo in si dhab ah loo wajaho xiriirka ay la leedahay qu wadaha gobolka, iyadoo loo baahan yahay in la miisaamo faa’iidada ku jirta ma algashiga dhaqaale iyo taageerada militari ee Imaaraadka Carabta iyo khatarta ka iman karta faragelinta siyaasadeed ee ay waddo dowlada Imaaraatka Carabta.
Siyaasadda gacan-maroojiska ah Imaaraatka Carabta ayaa tan iyo markii uu xil ka qabtay Madaxweyne Maxamuud billowday hirgalinta siyaasad gacan maroojis ah, oo ku wajahan Soomaaliya, taasi oo ay uga gol leedahay inay ku ballaariso ga aan-galka ay ku leedahay dalka, islamarkaana ay uga hortagto saameynta iyo danaga istaraatiijiyadeed ee dowladaha kale ay kaleeyihiin Soomaaliya.
Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya laga fahmi karo marka la eego ujeeddooyinka Istara atijiyadeed ee ballaaran ee ay ka leeda hay Gobolka, oo ay ka mid yihiin ka-hortagga saa meynta Qatar, iy ado ku fara adeygeysa helitaan ka iyo gacan ku dhigista dekeddaha muhiimka ah iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah, si ay hor umariso danaheeda dhaqaale.
Arrimaha ugu muhiimsan ee siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahan Soomaal iya waxaa ka mid ah maalgashiga ay ku sameynayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedda magaalada Berbera.
Sido kale, Imaaraadku waxa uu dhaqaale badan ku bixiyey balaadhinta iyo cas riyeynta dekedda Boosaaso, iyada oo ujeedadu tahay in ay noqoto mid xudun u ah ganacsiga iyo siyaasada gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.
Imaaraadku waxa kale oo uu damcay in uu saldhig milatari ka samaysto Berbe ra, kaas oo u sahlaya in awood iyo saamayn ku yeesho mandaqada – hase ha ahaatee, waxa tan iyo wakhtigaas wixi ka dambeeyay ay lumisay gacan ku heynti saldhiga milatari kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu laalay heshiiski saldhigaasi ee Imaaraadka.
Siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay beesha caalamka, iyadoo dalalka qaarkood ay soo dhaweeyeen maalgashiga Im aaraadku ku sameynayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, balse qaar kale ayaa walaac ka muujiyeen saameynta sii kordheysa ee uu Imaaraadku ku yeelanayo Soomaaliya.
Khubarada qaar ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay sii socoshada maalgashiga Imaaraadku ku sameynayo Soomaaliya, iyadoo la eegayo caqabadaha Imaaraat ka ku hayo Soomaaliya oo cadaadisyo kala kulmeyea isku dheeli tirka xiriiradee da ee waddamada kale oo ay dowladda Imaaraadku dooneyso iney iyada jaan go ynteeda yeelato taasi oo ku riixi Soomaaliya heer ay iska diido marka dambe. Cul eyska Imaaraadka Carabta
Imaaraadka Carabta ayaa si firfircoon ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya tan iyo markii ay dalka ka billowdeen dagaalladii sokeeye 1991. Imaaraadku sanadihii la soo dhaafay waxa uu Soomaaliya u fidiyay gargaar bini’aadannimo, taageero ciidan, iyo maalgashiga mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha. Hase ahaatee, sannadihii u dambeeyay, faragelinta Imaaraadku ku leeyahay Soomaaliya ayaa noqotay mid aad loo hadal hayo.Arrinta xiisada ka dhex abuurtay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta waxaa ka mid ah Saldhiga Milatari ee ay Imaaraadku marhore ka dhiseysay magaalada Berbera.
Dowlada Soomaaliya ayaa tallaabadaasi u aragtay xiligaasi mid xad-gudub ku ah qarannimadeeda, waxayna ku eedeysay Imaaraadka inay saldhiggaas u adeegsadaan faragelinta arrimaheeda gudaha.
Imaaraatka ayaa dhagaha ka fureystay arrintaas taasi oo keentay; in Soomaa liya ay mamnuucday in diyaar ada ha Imaaraatka Carabta ay ka soo degaan gar oomadeeda, waxayna joojisay qandaraas ay kula jirtay shirkadao laga leeyahay Imaaraadka oo ka shaqeyneysay dekedda Muqdisho.
Arrinta kale ee Soomaaliya welwelka ka qabta ayaa ah taageerada Imaaraad ku siiyo maamulka la baxay Somaliland. Imaaraadku waxa uu dhaqaale badan ga liyey Somaliland oo ay xataa la saxiixatay heshiis u ogolaanaya in Imaaraadku maamulo dekedda Berbera.
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET
Duufaan dad ku dishay gudaha dalka Mar eykanka.
Ugu yaraan 23 qof, ayaa ku dhintay, kadib mar kii duufaano ay ku dhufatay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka habeenkii Jimcaha. Dad badan ayaa loo maleynayaa inay ku hoos jiraan burburka dhismayaal burburay
Duufaanadan ayaa burb ur xooggan ka geystay dhowr magaalo oo miyi ah, halkaasi oo ay wax yeelin ay gaartey dhirtii iyo xargaha korontada, waxa ana la soo sheegayaa in tobanaan kun oo korontadu ay go’day. Dhawr gobol oo kale oo dhaca koonfurta, ayaa sidoo kale waxaa laga yaabaa inay saameyso duufaano xoog badan. Roobab baaxad leh oo xo oggan, ayaa laga soo sheegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka. Dadka deggan Rolling Fork, oo ah magaalo yar oo ku taalla galbeedka Mississippi, ayaa sheegay in duufaantu ay daaqadaha kasoo gashay gadaasha guryahooda.Khasaaraha ka dhash ay deegaanka, ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u daran yahay. Brandy Showah, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa CNN u sheegay: "Weligay ma arkin wax sidan oo kale ah…Tani waxay ahayd magaalo yar oo aad u weyn, haddana iyadoo dhan way burbu rtay.”
Cornel Knight, ayaa u sheegay wakaaladda war arka ee Associated Press in isaga, xaaskiisa iyo ga badhooda oo saddex jir ah, ay ku sugnaayeen guri dad ay qaraabo yihiin oo ku yaalla Rolling Fork, isla markaana ay "xaaladdu daganeyd” wax yar ka hor in ta aanay duufaantu dhicin. Waxa uu sheegay in cirku mugdi ahaa, balse "Waxaad ka arki kartay jihada loo socdo, oo ay duufaantu u socoto”. Waxa uu sheegay in duufaantu ay ku dhufatay guri kale oo ay qaraabo ahaayeen, halkaasoo uu ku soo dumay darbi, isla markaana ay ku xayirmeen dad badan oo ku sugnaa. Dad kale ayaa ku go’doonsan goob qashin qub ah, halka qaar ka mid ah qaybaha sharci fulinta aan la la ogeyn halka ay ku sugan yihiin ee aagga Shaarkey. Sam Emmerson oo ka tirsan Kulliyadda Saadaasha Hawada ee Jaamacadda Oklahoma, ayaa sheegay in duufaanta "aad u saraysa” ay keentay sarana u qaadday qashinka ka sarreeya 30,000ft (9144m). Mid ka mid ah saadaasha cimilada deegaanka, oo ka walaacsan xoogga duufaanta ku soo wajahan ma gaalada Amery, ayaa muddo yar hakiyay saadaashii TV-ga, si uu ugu duceeyo dadka magaalada. Guddo omiyaha Mississippi, Tate Reeves, ayaa Twitter-ka ku sheegay in kooxaha wax goobista iyo samata bixi nta ay taageero caafimaad u fidinayaan dadka ay dhi baatadu saameysey. "Qaar badan oo ka mid ah dad reer [Mississippi] Delta, waxay u baahan yihiin duc ada iyo ilaalinta Ilaah Habeen hore.
Daawo warbixinnada cimilada oo ka digtoonow habeenkii, Mississippi! ", Reeves ayaa qoray.
Dalal Yurub ah oo sameynaya difaac ka dhan ah khatarta Ruusha ee xagga hawada
Taliyeyaasha ciidamada cirka ee Sweden, Norway, Finland iyo Denmark ayaa sheegay inay saxii xeen warqad ay ku doo nayaan inay ku abuur aan difaac midaysan oo waqooyiga Yurub ah, kaas oo looga hortag ayo khatarta sii kordheysa ee Ruushka.
Talaabadalagu midayna yo ciidamada cirka ayaa ka dhalatay duulaankii Ruushka uu bishii Feb ruary ee sanadkii hore ku qaaday Ukraine, sida uu wakaal adda wararka ee Reuters u sheegay taliyaha ciidam ada cirka ee Denmark, Major General Jan Dam. Uje edadu waa in la awoodo in si wada jir ah loo shaqe eyo, iyadoo lagu saleynayo ama lagu hoos sha qeynayo hababkii horey loogu yiqiin NATO, sida la gu sheegay bayaan Jimcihii ay soo saareen ciidam ada qalabka sida ee afarta dal.
kaligii-taliye oo wiilkiisa u diyaarinaayo in uu badalo xukunka qoysku waa hab xun oo dal lagu maamulo
Lt. Gen. Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dha lay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo ka qayb galay xaflad "mahadista” oo ka dhacday Enteb be, Uganda goor dambe oo Sabti ah, May 7, 2022 ka dib sanado badan oo sida muuqata loo diyaarinayey inuu xilka kala war eego aabbihii, kaasoo xukunka hay ey tan iyo 1986. (AP Photo/Hajarah Nalwadda)
Aabbayaal badan ayaa xidhiidh adag la yeeshay wiilashooda. Laakin marka qoysku ma amulo dawlad nimada, arrimaaha gaarka ahi waxay noqonayaan dan qaran. Madaxweynaha Uganda, Yo weri Musev eni, ayaa muddo dheer beeray General Muhoozi Kai nerugaba, oo ah curadkiisa, isaga oo u dalacsiinaya ciidanka, kana cafiyay dareenkiisa duuf aannada. Haddana wiilku wuxuu mooday inay tahay meeshiisa xagga sare. Natiijadu waa is-qabqabsiga ciidanka, qaska xisbiga talada haya iyo jahawareerka dalka.
General Kainerugaba ayaa sheegay inuu "ku daa lay sugidda” inuu noqdo madaxweyne. Laba jeer tod dobaadyadii la soo dhaafay ayuu bartiisa twitterka soo dhigay, ka dibna tirtiray, rabitaankiisa ah inuu isu soo taago doorashada soo socota, ee 2026. Waqtig aas, wuxuu si cad u xusay, "Waxay noqon doontaa 40 sano oo jiilka hore ah ee mas’uul ka ah”. Afartan sano, waa, tan iyo markii aabbihiis u soo galay Ka mpala isagoo madax u ah ciidan fallaago ah. Musev eni, oo 78 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu runtii doona yo in wiilkiisu uu beddelo marka uu dhinto. Laakiin weli meel uma socdo
Macdantii Uranium-ta ee laga waayey Liibiya oo la helay
Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka nukliyeerka, ayaa Jimcihii u she egtay dalalka xubnaha ka ah, inay heshay inta bad an, macdantii Uranium-ta dabiiciga ahayd ee dhow aan laga waayey dalka Liibiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reutes.
Macdantan oo xa ddi geedu gaadhay ey illaa 2.5 Ton,ay ay hore u sheegtay Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaram ada Midoobay ee IAEA inay ka wayday goobta as, iyada oo ka digtay inay ka dhalan karto khatar la xidhiidha amniga hubka nukliyeerka iyo mid kale oo la xidhiidha dhinaca shucaaca ka dhalan kara.
Inkasta oo xaddiga macdantan Uranium-ta dabiiciga ahi aanu gaadhayn inta looga baahan yahay in laga sameeyo bam nukliyeer ah, iyo inay u baahan tahayba in dib loo farsameeyo, lana tayeeyo si loo isticmaali karo, haddana hay’adda IAEA ayaa ka walaacsan in halisaha ka dhalan karayey haddii la waayo.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidamada ee Dalka Liibiya ee ka taliya dhinaca bari ee dalkaasi, waxay sii daayeen bayaan ay ku sheegayaan inay heleen foostooyin lagu kaydiyey macdanta Uranium-ta ee dabiiciga ah, iyaga oo ka helay bakhaar u dhow isla goobta.
Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii waxay kormeer ku samaysay goobta ay yaaliin foostooyinkaasi, iyaga oo sheegay inay weli maqan yihiin tiro aad u yar oo ka mid ah macdantaas Uraniumta dabiiciga ah .VOA + Reuters
XAYWAANKII UU KA YIMID VIRUSKA COVID-19 OO BAARITAAN KA DIB LA OGAADAY (SAWIRRO)
Saynis yahanno, ayaa sheegay iney haatan hay aan "caddaynta xaqiiqa ah” markii ugu horeysay, taa soo ah sida bini’aadamka uu ugu soo gudbay cud urka Covid19.
Cilmi baaristii ugu dambeysay ee lagu baadigoo bayo asalka cudurka, iyadoo la siyaasadeeyay sabab ta keentay masiibadii ugu xumayd ee qarnigan soo marta, taasoo soo saartay aragtiyo dhawr ah oo kala duwan, oo aan la caddayn ama la beenin.
Falanqaynta ugu dambeysay ayaa waxay tilmaam aysaa nooc gaar ah, oo ah asalka xayawaanka ee la ga yaabo inuu ka yimid fayraska.
Cilmi baaristaas, ayaa waxay ku salaysan tahay caddayn laga soo ururiyay saddex sano ka hor, Suu qa xayawaanada Duur-joogta Huanan ee ku yaalla Wuhan ee dalka Shiinaha, kaasoo had iyo jeer ahaa barta ugu muhiimsan ee la tuhmayo inuu ka dilaacay fayriska cudurka.
Horraantii sanadkii 2020-ka, markii cudurka Covid19, uu ahaa weli cudur dahsoon, Xarumaha Xa kamaynta Cudurrada Shiinaha (CDC), ayaa ka sameysay baaritaan suuqa.
Macluumaadka hidda-sidaha ee ku jira dheecan ada la qaaday, ayaa dhowaan looggu sameeyay si kooban dadweyne, taasina waxay u suurta gelisay ko ox cilmi-baarayaal ah inay go’aan ka gaaraan, iyaga oo tilmaamaya eeyaha Racoon inay yihiin "kuwa uu asal ahaan ka yimid cudurka” markaa dabadeedna uu ku faafay dadka.
Nuxurka falanqaynta ayaa ah in (DNA)-da ama Hidde Sidaha laga helay eeyaha Racoon, oo ah naa sleyda duurjoogta ah, oo si toos ah loogu iibin jiray suuqa hilibka, oo markii danbe laga helay fayriska SARS CoV-2, sida lagu sheegay falanqayn lagu daa bacay Online 20kii Maarso.
Laakin baadigoobka qallafsan ee lagu raadinayo halka uu ka dillaacay cudurka, iyo iyadoo uu suuqu muddo dheer xirnaa, waxii xayawaan ah oo la iibin ayayna lagu dilay, weli lama hayo caddayn sugan.
Dibu dhaca saddexda sano ah ee soo saarista xo gtan muhiimka ah, ayay saynis yahanadu ku til maameen mid fadeexad leh.
Natiijooyinka ayaa la daabacay, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in aragtida daahinta shayba adhka ay ku sii xoogaysanayso dhanka mas’uuliyiin ta Maraykanka.
Dowladda Shiinaha, ayaa si adag u beenisay soo jeedinta ah in fayrasku ka yimid xarun cilmiyeed, la akiin FBI-da ayaa hadda waxay rumeysan tahay in xaaladdu ay tahay "sidii ay hore u caddeeyeen”, si doo kale Waaxda Tamarta ee Mareykanka.
Waaxyo iyo hay’ado kala duwan oo Maraykan ah, ayaa baaray sirta, waxayna soo saareen gunaan adyo kala duwan, laakiin 1-dii Maarso agaasimaha xafiiska, ayaa ku eedeeyay Beijing "inay ku dadaala yso inay isku daydo inay fashiliso ama ay qariso sa babta cudurka”, wuxuuna daaha ka qaaday FBI-da inay ku qanacday aragtida shaybaarka waqti aad u yar.”
BBC-da ayaa la hadashay qaar ka mid ah say nisyahannada ku lugta leh baaritaanka saddexda sano ah ee lagu baarayay asalka cudurka Covid19. Waxay aaminsan yihiin in falanqaynta cusubi ay noq on karto tan ugu dhow ee aan ku fahmi doono sida uu cudurku u dillaacay, iyo in kala qaybsanaanta Shi inaha iyo Galbeedka ay carqaladaynayso dadaalka sayniska ee lagu xallinayo sirta dhibaatada cudurka Covid19. XIGASHO:-BBC
DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}
Axkaamta Soonka ‐ 6
Ogow in aragtida bisha lugu soomo waa lagama maarm aan, haddii bisha la arki waayo oo daruur iyo wixii lamid ah ay qariyaan, meel kale oo laga arka yna la waayo waxaa waajib ah in la buuxiyo maalinta sodonaad ee bisha sha cbaan.
AxkaamtaSoonka ‐9‐ üWaa in ay soddonka bari ee shacbaan buuxsanto, maalinta kadanbay sana waxay noqon soon shaki la’aan ah. Arintaa waxaa cadd aynaya : Ibnu cumar (r.c) wu xuu yiri: waxaan maqlay ras uulkii Alle (s.c.w) oo dhahaya: (إذا رأيتموه فصومو، وإذا رأيتموه فأفطرو، فإن غم عليكم فاقدرو له)[ متفق عليه].
(Markaad aragtaan (bisha) sooma, markaad aragtaana af ura, haddii la idinka daboolana (la idinka qariyo) u qadara (soddonkii shacbaan u dhamaystira)). Mar labaad waxaa Cabdullahi binu Cumar (r.c) laga warinayaa in uu yiri rasuulkii Alle (s.c.w) : ( الشهر تسع وعشرون ليلة، فلا تصومو حتى تروه، فإن غم عليكم فأكملو العدة ثلاثين)[البخاري]. (Bisha waa sagaal iyo labaatan habeen, ha soomina ilaa aad aragtaan (bisha), hadii la idinka qariyana ku dhamaystira tirinta soddon) [bukhaari]. Walaalayaal waxaa laga maarmaan ah in lala socdo tirsiga bisha shacbaan ee ramadaanka ka horeysa si loo ilaaliyo wakhtiga bisha ramadaan, wax shaki ahna aysan u galin waa sidii uu nabiga (s.c.w) samayn jirey inagana la ina faray. Abuhurayrah (r.c) waxaa laga warinayaa in uu rasuulkii Alle (s.c.w) yiri: ( أحصو هلال شعبان لرمضان) [الترمدي]. ( Kooba {tiriya} bisha shacbaan ramadaan dartii) [tirmidi]05.
Qaar Kamid Ah Soonka La Iska Reebay Rasuulka (s.c.w) wuxuu naga Nahyiyay (reebay) in ramaan hortii la soomo maalin iyo laba maalmood ruux horay soon sunna ah u soomi jirey mooyee way banana tahay inuu soomo haddii uu soonkiisii ku hagaago maalmahaa lanahyiyey, sidoo kale nahyigan saamayn kuma yeelanayo haddii uu soomo ruux lagu lahaa soon farad ah oo qallaynayo, arintas waxaa cadaynaya : Abu hurayrah (r.c) wuxuu nabiga (s.c.w) ka warinayaa inuu yiri: ( لا تقدمو رمضان بصوم يوم أو يومين إلا رجلا كان يصوم صوما فليصمه) [متفق عليه]. (Ha kala hormarina ramadaan maalin ama laba maalmood soon ruuxii soo soomijirey soon mooyee oo hasoomo). Sid ookale waxaa la nahyiyey in la soomo maalinta laga shakisan yahay soonka ayna kala caddaanin inay soon tahay iyo in bishii shacbaan wali dhamaanin, waxaana arintaas cadaynaya Cammaar binu yaasir (r.c) waxaa laga warin ayaa inuu yiri : ( من صام اليوم الذى يشك فيه الناس فقد عصى أبا القاسم)[صحيح]. .(Ruuxii sooma maalinka dadka ay ka shakisanyihiin, dhab ahaan wuxuu caa siyey abal qaasim {nabi muxammad, s.c.w} ). 06. Ducada La Akhristo Markay Bil Dhalato Dhalxe binu cubeydi llaah (r.c) waxaa laga warinayaa in uu nab iga (s.c.w) ahaan jirey markuu bisha arko mid yidhaahda: ( اللهم أهله علينا بالأمن والإيمان، والسلامة والإسلام، ربي وربك الله، هلال رشد وخير ). Axka amtaSoonka ‐11‐ (Allaw {bisha} noogu dul dhali ammaan iyo iimaan iyo nabadgalyo iyo islaamnimo, {bilyahay} rabbigey iyo rabbigaa waa Allaah, bil hanuun iyo khayr). 07. Fadliga Soonka Iyo Aadaabta Ruuxa Sooman Laga Rabo Fadliga soonka aad ayuu u badanyahay halkana kumasoo wada koobi karo, hasayeshee wax kamid ah ayaan halkan ka sheegi haduu Alle idmo, Allaah wuxuu ina leeyahay: (... وأن تصومو خير لكم إن كنتم تعلمون) [البقرة 184.[ ( Inaad soontaaan yaana idiin khayr badan hadaad tihiin kuwo wax og). Abiihurayrah (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii ALLE wuxuu yiri: ( كل عمل ابن آدم يضاعف الحسنة بعشر أمثالها، إلى سبعمائة ضعف إلى ما شاء الله. يقول الله إلا الصوم، فإنه لي وأنا أجزى به، يدع شهوته وطعامه من أجلى. للصائم فرحتان: فرحة عند فطره وفرحة عند لقاء ربه ولخلوف فم الصائم ألطيب عند الله من ريح المسك) [ابن ماجة].
( Bina aadamka camalkiisoo dhan {halkii} wanaag ahba waxaa loo laabaa {loo badiyaa} toban iyadoo kale ah, ilaa todobo boqol oo laa-laab, ilaa intuu Allaah doono. Allaah wuxuu leeyahay soonka mooyee, aniga ayuu ii sugn aaday anigaana ka abaal marin {soonka}, wuxuu aniga daraadey uga tagi shahwadiisii iyo cuntadiisii. ruuxa sooman wuxuu leeyahay laba farxadood: farxad afurkiisa agteeda ah iyo farxad lakulanka rabigii agteeda ah, luunka {saran} afka ruuxa sooman, wuxuu ka udgoon badan yahay Alle agtiisa ud ugga miskiga) [ibnu majah]. Cuthman (r.c) wuxuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii ALLE oo leh : ( الصوم جنة من النار كجنة أحدكم من القتال) [ابن ماجة]. ( So onka wuxuu gaashaan kayahay naarta sida gaashaanka midkiin uu (uga celiyo) dagaalka) [ibnu majah].
AxkaamtaSoonka‐12‐ Sahal binu saciid wuxuu wariyay: inuu nabiga (s.c.w) yiri : ( إن في الجنة بابا يقال له الريان يدعى يوم القيامة، يقال أين الصائمون ؟، فمن كان من الصائمين دخله، ومن دخله لم يظمأ أبدا) [ابن ماجة والنسائي]. ( Janada waxaa ku dhex yaalla albaab la dhoho: RAYYAAN, waa looga yeedhi maalinta qiyaame, oo waxaa ladhihi: Aaway kuwii soomi jirey?, ruuxii kamid ahaa dadka sooma wuu gali {albaabka}, ruuxii galana ma oomayo {ma har aadayo} waligii) [ibnu majah & nasaa’i]. Abii hureyrah (r.c) wuxuu yiri: rasuul kii ALLE (s.c.w) wuxuu yiri: (من صام رمضان إيمانا واحتسابا غفر له ما تقدم من ذنبه). ( Ruuxii kusooma ramadaan rumaysnaan iyo ajir xisaabsasho waa loo dhaafi wixii hormaray {tagay} ee danbigiisa ah). Abii hureyrah (r.c) wuxuu wa riyay inuu rasuulkii ALLE (s.c.w) yiri : ( إذا كانت أول ليلة من رمضان، صفدت الشياطين ومردة الجن، وغلق أبواب النار فلم تفتح منها باب، وفتحت أبواب الجنة فلم يغلق منها باب، ونادى مناد: يا باغي الخير أقبل ويا باغي الشر أقصر، وهلل عتقاء من النار وذالك في كل ليلة) [ابن ماجة، والترمذي]. ( Marka ay tahay habeenka koowaad ee ramadaanka ka mid ah, waxaa la xidhxidhaa shaya adiinta iyo jinka kuwiisa madaxa adag, waana laxidhaa albaabada naarta, albaabna lagama furo, waxaana lafuraa albaabada janada albaabna lagama xidho, waxaana dhawaaqa mid ku dhawaaqaya: khayrka kii doonayoow soo qaabil, kii sharka doonahayowna gaabso {joog}, Allaahna waxaa usugnaaday kuwo naarta laga xoreeyo, arinkaasina {naar ka xoraynta ah} waa habeen kasta dhexdiis) [ibnu maajah & tirmidi]. Anas binu malik (r.c) wuxuu yiri : ram adaan baa soo galay, rasuulkii Alle na (s.c.w) wuxuu yiri : ( إن هذا الشهر قد حضركم، وفيه ليلة خير من ألف شهر، من حرمها فقد حرم الخير كله، ولا يحرم خيرها إلا محروم)[ابن ماجة]. ….La soco Berri
WARGELIN:- ku socota dhammaan Macaamiisha wargeyska iyo Akhrisat- aya ashiisa Sharafta leh wuxuu maamulka wargeyskan ku wargekin ayaa in ay ilaal iyaan Nuqullada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa’isha Bisha Barakeysan ee Ramadaan Daruus la xiriirta ay ku qoran yihiin iyagoo Aayado khumur’aanka Kariim ah ,Marka.
Sidaas daraadeed waxaa uu maamulka leeyahay walaayalaal xafida Alle ha idin xafidee kana ilaali meelaha aan ku habooneyn ee wasaqey san in aad dhigtaan ama aad ku tuurtaan. Mar labaad kaa codsaneynaa inaad ka dhowrto kana ilaaliso meelaha wargelinta lagu muujiyey Mahadsanidiin
DALKA UGU WEYN ADDUUNKA – 10KA LIIS EE UGU SARREEYA EE
LEH
AAGGA [LA CUSBOONEYSIIYAY 2023
Marka laga hadlayo dalka ugu weyn adduunka, dalka ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhaca waa USA. Laakiin dhab ahaantii, marka aan tixg elinno oo keliya aagga dhul-weynaha dalka, tani run maaha. Markaa ma doo naysaa inaad ogaato magaca dalka ugu wayn aduunka? Hadday haa tahay, hoos u sii wad maqaalkeena sababtoo ah halkan waxaan kugu ogaysiin doonaa 10ka wadan ee ugu sareeya aduunka oo leh aag. H
Dalka Ugu Weyn Aduunka
Liiska 10-ka waddan ee ugu sarreeya oo leh aag
1. Ruushka: Aagga uu qabsaday – 16,378,410 km²/ 11%
2. Shiinaha: Aagga la qabsaday-9,326,410 km²/ 6.3%
3. USA: Aagga la qabsaday- 9,147,593 km²/ 6.1%
4. Kanada: Aagga la qabsaday – 9,093,507 km²/ 6.1%
5. Brazil: Aagga la qabsaday – 8,460,415 km²/ 5.6%
6. Australia: Aagga la qabsaday – 7,633,565 km²/ 5.2%
7. Hindiya: Aagga la qabsaday- 2,973,190 km²/ 2.0%
8. Argentina: Aagga la qabsaday – 2,736,690 km²/ 1.8%
9. Kazakhstan: Aagga la qabsaday- 2,699,700 km²/ 1.8%
10. Algeria: Aagga la qabsaday- 2,381,741 km²/ 1.6%
Dalka Ugu Weyn Aduunka
Qofku ma xukumi karo waddanka ugu weyn adduunka isagoo si fudud u eegaya khariidada ama adduunka. Waxaa laga yaabaa in lagu qaldo; habka saxda ah ee lagu xukumo waa in la cabbiro bedka dhulka. Waxaan u istic maali karnaa mayl laba jibaaran, kiiloomitir laba jibaaran ama hektar (oo inta badan loo isticmaalo cabbirka dhulka beeraha) si loo cabbiro bedka dhulka.
Sida caadiga ah, waddan kastaa wuxuu isticmaalaa laba cabbir oo kala duwan si uu u cabbiro aagga, i.. Dhulka iyo bedka dalka.
Dhulka dhulka hoostiisa, kaliya dhul-weynaha ayaa la tixgeliyaa, halka, aagga dalka, cabbirka marka laga reebo dhulka
dhulka sidoo kale waxaa ka mid ah harooyinka, webiyada, barkadaha, iyo biyaha xeebaha iyo dhulalka.
Wadamo yar ayaa sidoo kale isticmaalaya sahaminta dayax-gacmeedka si ay u cabbiraan bedka dhulkooda
Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ka dhan ah dadka soo galootiga ah
Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa gaaray heshiis ay kaga hortagaya an dadka magangelyo doonka ah ee ka taallabayo xuduudaha aan rasmig ah eyn ee dalalkaas, kuwaasoo muddooyinkii ugu dam beeyay ku qulqulayay xuduudda Mareykanka iyo Canada, sida ay sheegeen saraakiisha.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’I isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqi doona heshiiska Dorraad xilli Biden uu boo qasho ku tagay Cana da.Heshiiska ayaa la filayaa inuu u ogolaado saraaki isha labada dhinac ee ku sugan xuduudka inay dib u celiyaan dadka magan galyo-doonka ah ee u socda Mareykanka iyo Canada. Dhinaca kale, Maraykanka waxaa sare u kacday tirada dadka soo galooti ga ah ee kasoo tallaabaya dhinaca Canada. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dada allada lagu xaddidayo qulqulka muh aajir iinta ee kasoo gudbeysa Waddada Rox ham, oo ah waddo aan sharci aheyn oo ay dadka maraan
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 26 -KA MAARSO 2023-KA-
..