
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 25 -KA MAARSO 2023-KA-
Tallaabada uu madaxweyne Xasan qaaday ma mid Puntland lagu qancinayaa?
Puntland waa maamulka gobolkeeda ugu badan ee wax ku biiriyay diyaarinta Dastuurka Soomaaliya tobankii sano ee lasoo dhaafay, kaas oo ay weli shaqadiisa dib u eegista ay socoto.
Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkiisa ay sagaal bilood ka dhiman tahay ayaa weli ku jira dagaal siyaasi ah iyo gorgortan heer fede raal iyo heer maamul goboleed ah. Laakiin nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda in uus an qaldaynin halka ay Puntland xisaabta siyaasadda ka leedahay.
Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha wadatashiga Qaran ee kusoo idlaaday magaalada Baydhabo wu xuu hoosta ka xariiqay xalinta tabashooyinka hoga amiyaha Puntland, kaas oo ay tabashooyinkiisa u ba dan yihiin kuwa shaqsi ah.
Salaasadii waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh magacaabay kadib soo-jeedinta ra’iisul wasaaraha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka.
Guddigan oo shan xubnood ah ayaa waxaa lagu kabi doona shan kale oo si korjoogteyn ah u shaqeynaya oo ka imaan doona shanta maamul goboleed, waxaa na uu madaxweyne Xasan Sheekh guddigaan mad ax uga dhigay Burhaan Aadan Cumar oo kasoo jee da Puntland.
Burhaan waxa uu ka tirsanaa baarlamaankii 10-a ad, sidoo kale waa sharci yaqaan barre iyo la-taliye ka ah hay’addaha kala duwan ee DFS. Wuxuu xubin ka ahaa guddigii labada Aqal ee dib u eegista Dastu urka ee Baarlamaankii 10-aad.
Marka laga tago in Burhaan waayo-aragnimadiisa lagu doortay, haddana dadka badi waxay leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda mid si weyn u ilaalinaya doorka Puntland ee dib u eegista dastuurka.
Guddigan waxaa sidoo kale ku jira Xildhibaan ho re Maxamed Xasan Idiris iyo sidoo kale Farxiya Muu min Cali oo labaduba ka tirsanaan jiray baarlama ankii 10-aad. Shaqada Dastuurka Soomaaliya ayaa si weyn u dheeraatay, dadweynaha waxaa si weyn lo oga iibiyay in shaqadani tahay mashruuc la biisho. Sidoo kale waxaa jira sheekooyin faafay oo la xiriira in Dastuurka Soomaaliya ay ku jiraan qoddobo bad an oo khilaafsan Diinta Islaamka.
Waxaa aad u yar xogta ay bulshada Somaliyed ka hayso nooca dastuurka ee loo diyaarinayo dal ka.
Haddaba, guddigaan cusub waxaa hortaalla xal u helida tafsiirka qaldan ee la dulsaaray dastuurka, kor u qaadida xogagaalnimada dadweynaha ee arrimaha dastuurka iyo dadajinta dhameystirka.
By:_ Abdullahi Osman Farah
Golaha Wasiirada oo Shir ka yeeshay dilalka lagu haayo Darawalada Mooto Bajaajta
Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xu kuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoomin ayey R/Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la ku lmaan wadeyaasha Gaadiid ka Bajaajta.
Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhi gga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shab aab, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan Al-Shabaabfursad ugu he lin inay dhibaato geystaan.Todobadyo ka hor ayay aheyd markii M/Muqdisho ay ka dhaceen dilal loo geystay Darawalo Mooto Bajaaj, iyada oo dilalkaas ay geysanayeen Askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay caqabadaha hortaagna in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo dalka
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in koo xda Al-shabaab ay caqabad ku aheyd in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in deegaanada ay koox da ka taliso iney ku noolyihiin dad malaayiin ah oo ay san suurtagal aheyn iney ka qeyb qaataan doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka, taasina ay ka mid aheyd caqabadaha hortaagna in doorasho qof iyo cod ah la qabto.
"Al-shabaab dhulka ay maamulaan waxaa ku nool dad maalaayiin ah oo cedeyn laha marka dadkaas in laga ta go oo kuwa meelaha dowladda kaliya jooga codeyaan surtagal maheyn oo xata kuwaas ay Al-shabaab dil ugu hanjabaan dadka doonaya in ay ka qeyb galaan doorashooyinka, sida dhacdayba ay horay u dileen dad ka qeyb qaatay doorashooyinkii dadbana ee soo dhacay, dadkaas oo isugu jiray ergo iyo odayaal" ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Uxuu sidoo kale sheegay wasiirka arrimaha guda ha Soomaaliya in haatan Madaxweynaha Soomaal iya Xasan Sheekh Maxamuud inuu wado qorshe ku aadan sidii looga adkaan lahaa oo loo ciribtiri lahaa kooxda Al-shabaab, islamarkaana dalka looga hirgeli naayo doorasho qof iyo cod.
Hadalkaan kasoo yeeray wasiir Axmed Macalin Fi qi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo DFS ay wado aba abulka iyo diyaar garoowga wajiga 2aad ee howl gal ada ka dhanka Ururka Al-shabaab, kaasoo xoogiisa ka bilaaban doona deegaanada maamul goboleedy ada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ay wali ku xoogan yihiin Ururka Al-shabaab.
Taliyaha booliska oo go’aan culus ka gaaray Askari Muuqaalkiisa la baahiyey isagoo…
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa ciidanka ka ruqseeyey ama ka saaray askari saacadihii lasoo dhaafay baraha bu lshada lagu faafiyey isagoo xabad ku riday nin shacab ah, waxaana la sheegay in muwiidinkii uu ka soo dacwooday askariga.
Habeen hore fiidkii ayaa la soo qabtay askarig aas, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay taliska, waxaana la hor geynayaa maxkamad, iyadoo deg deg looga ruqseeyey ciidanka.
"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka jawaaba ya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagula kacay fal awood sheegasho ah, uuna u gaystay askari ka tir san Boolis ah, waxay soo xireen askarigii dhibka gey stay, waxaana la horgayn doonaa sharciga,” ayaa la gu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Taliyaha ciid anka booliska Soomaaliyeed wuxuu go’aamiyey in askarigaas laga ruqseeyo kamid ahaan-shihiisa Cii danka Boliiska Soomaaliyeed.”
Booliska Soomaaliya oo bulshada farriin u diray ayaa qoraalkiisa ku yiri, "Ciidanka Boliisku waa ila aliyaha sharciga iyo bulshada uu wakiilka ka yahay. Fadlan muwaadin, hadii aad waddo cabasho ama warbixin amni, ku hagaaji lambarka gaaban ee Ciid anka Boliiska 991.”
Agagaarka isgoyska Soobe ayuu askarigaan ku xabadeeyey muwaadinka, waxaana baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal muujinaya isagoo toos qoriga ugu haya ninka shacabka ah oo la sheegay inuu me herad ama goob ganacsi ku lahaa halkaas.
Sidoo kale booliska Soomaaliya wuxuu qoraalk aan ku shaaciyey in la dilay rag Habeen hore soo qor sheeyey weerar ka dhan ah Masjid ku yaalla degm ada Hodan, gaar ahaan Taleex, kadib markii ay ciidanku ka war-heleen xogta ragga Shabaabka ahaa ee qorsheeynayey weerarka. "Habeen hore abaare 08:10 ayeey dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta waxay dhagar u soo maleegeen shacab aan waxba ka galabsan oo ku cibaadeysanayay Misaajid ku ya alla degmada Hodon, gaar ahaan waaxda Taleex.Ciidanka Boliiska ayaa ka hortagay in aysan dhagart aasi gaarin shacabka, waxaana halkaas lagu dilay mid ka mid ah Khawarijtii weerarka soo qorsheysay oo meydkiisa iyo hubkiiba gacanta lagu dhigay,” ay aa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo baaraysa shirkado ku eedysan inay documentiyo been abuur ah u sam eysteen qandaraaska xajka
Qoraal Shalay kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliya ha ayaa lagu sheegay in xafiisku baaris ku hayo shirkado lagu tuhmayo in ay sameeyaan documents been abuur ah si ay uga qeyb galaan Tartanka ade egga Xajka.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya, ayaa ku war galiyay hay’adaha ay baaristaan qusay so inay si degdeg ah usoo gudbiyaan warbixinnada quseeya baaristaan, si ay dowladdu waajibaadkeeda uga gudato dadka ku lugta leh arrimahan.
Xeer ilaaliyaha guud ayaa digniin u jeediyay shirk adaha nuuc kaste oo ay yihiin inay ka feejignaadaan dekumentiyada been abuurka ah.
Warkan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ay aa yimid, xilli shirkado badan oo dalka ku sugan ay loolan ugu jiraan inay ku guulaystaan qandaraaska xujeyda.
Kumanaan Soomaali ah ayaa sanad walba soo guta acmaasha xajka. Shirkadaha duulimaadyada ee hela qandaraaska xajka ayaa xujeyda ka qaata lacag kor u dhaafaysa shan kun oo dollar oo ah adeegga xuj eyda dalka ka dhoofaysa.
Muwaadin Falastiini ah oo Shalay la dilay
Amir Imar Abu Khadijeh oo 25 jir ahaa ayaa Shalayto oo Khamiis ah lagu dilay Tuullada Izbat Shoifa oo dhanka K/Bari kaga toosan Degmadda Tulkaram.
Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin waxay sheegtay inay Askarta Israel Madaxa ka toogt een Marxuumka, taasi oo sababtay inay Maskaxda soo daadato.
Waxaa kaloo Marxuumka laga toogtay qeybaha hoose ee jirkiisa, sida ay sheegeen Ilo Caafimaad.
U-Dhaqdhaqaaqe Maxali oo lagu magacaabo Murad Droubi, ayaa sheegay inay Askar badan oo Israeli ah ay Hawlgal ku soo galeen Tu ullada, kadi bna waxay xireen Albaab ka weyn ee laga soo galo Deegaanka, waxayna xayiren Gaadiidka iyo dadka.
Askarta waxay isku gedaameen Guri ku yaalla Tuulladda, waxayna Go objooge sheegeen in Rasaas la maqlay markii ay hareereeyeen Guriga, waxay na Askarta dil een Marx uum Amir Imar Abu Khadij eh Askarta Isr ael waxay kaloo xireen Wail Suleyman Saalax oo ahaa Milkiil aha Guriga lagu dilay Marxu umka Amir Imar Abu Khadijeh.Si kastaba, Askarta Israel ee xoo ga ku hay sata Dhulka Falastiin wax ay 87 qof oo Fa lastiiniyiin ah dileen tan iyo bilowgii san adkan 20 23-ka.Dadka ay dileen waxaa ka mid ahaa Haweey, 2 Oday oo da’ahaa iyo 17 dhallin yaro aan weli Qaan- gaarin.
Ahlu-Sunna oo iclaamisay go’aan culus oo ka dhan ah Wasiir Mukhtaar Roobow
Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa ku dhawaaqay inay jareen xiriirkii wada-shaqeyn ta ee kala dhaxeeyay Wasa aradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaal iya,sida uu shaaciyay Sheekh Cabdulqaadir Soomow.
Sheekh Soomow oo ah Afh ayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay, ayaa waxa go’aankan ku sababeeyay in wasaaradda uu hogaamiyo Wasiir Mukhtaar Roobow ay ka leexatay hanaankii saxda ahaa ee maareynta tartanka ay shirkadaha u galayaan adeegga Xajka ee sanadkaan.
"Cabashada aan qabno waxay tahay in wasaarad da Culimadda Ahlu Sunna ka hor istaagtay inay ka qeyb-galaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda sanadkaan oo ay wasaaraddu xisbi gaar ah u xirtay oo aysan jirin wax tartan ah,” ayuu yiri Sheekh Soomow.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Cul imada Ahlu Sunna "Waxaa caddeyneyna in aan kala laabanay wada-shaqeyntii nagala dhaxeysay wasaar adda, balse aan taageersanahay DFS.”
Ahlu Sunna ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wada-shaqeyn dambe dhexmari karin wasaarada awqaafta iyo arrimaha Diinta illaa inta xilka laga qaa dayo wasiir Mukhtaar Roobow iyo agaasimaha was aaraddaas, oo ay ku eedeeyen inay hormuud u yihiin cadaalad darada ay ka tirsanayaan wasaaradda.
Dooda u weyn ee Sheekh Soomow uu sheegay inay u dalbanayaan in xilka looga qaado wasiir Roo bow ayaa ah in tartankii Xajka ee dhawaan qabteen guddigii uu magacaabay wasiirka loo diiday sharkad ihii Culimada Ahlu Sunna oo loo xiray xisbi gaar ah, sida uu sheegay.
Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa imanaya xilli ay wasa aradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ay soo saartay liiska shirkadaha kasoo gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka, kuwaasi ay wareysi toos ah la yeelaneyso, si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya Xujeyda Soomaalida ee sanadkaan.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu dhabarka u ritay masuuliyadda maamulka Xajka, isa ga oo madaxda sare u ballan-qaaday in uu si hufan oo daah-furan sanadkaan loo maamuli doono, taasi oo garab istaag ugu mujiyen madaxda sare ee dalka.
Ciidanka DF oo toogtay rag Shabaab ah oo qorshe yaab leh ka waday Bakaaraha
Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoon ka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaa raha ee magaalada Muqdisho ku toogtay laba nin oo ka tirsana kooxda Al-Shabaab.
Ragga la dilay ayaa ku hubaysnaa laba qori, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay dhibaateeyaan ga nacsatada Suuqa Bakaaraha.
Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj ay saaraayeen ragga Shab aab-ka ahaa ee Shalay lagu dhex dilay suuqa Bakaa raha iyo Darawalkii Mootada u waday.
Waxaa la soo bandhigay sawirrada meydadka ra gga la toogtay, oo ku hubeysanaa qoryo AK47 ah, ma cadda in la dilay darawalkii mootada ku waday ragaan yo nolosha lagu qabtay.
Kooxdaan waxaa la sheegay inay qalqal gelinaye en ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha oo sida la sheegay ka cagajiiday inay canshuur siiyaan koox da Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo gudaha kooxda, hadda Al-Shabaab waxay wajahayaan dhaq aalo darro weyn, kadib markii ay cunaqabateyn adag saartay dowladda Soomaaliya.
Kooxda ayaa laga xiray dhamaan akoonadii lac agta loogu diri jiray, waxayna ganacsatadu fursad u aragtay in Al-Shabaab aysan la heyn akoon lacag loogu diro, halka kooxdu ay dooneyso in lacagta siy aabo kale loo siiyo. In kastoo xogta canshuurta weli la siiyo kooxda ay aad u yartahay in la helo, hadana Caasimada Online waxay sheegtay in ay ogaatay in ganacsatada qaar ay ku doodeen, in lacag kaash ah aysan bixineyn, halka Al-Shabaab-na ay ku adkaatay inay helaan akoon ay ku aamini karaan dhaqaalaha soo gala.
Xeeladaan cusub ee askarta hubeysan ay ugu soo direen suuqa Bakaaraha ayaa la aaminsan yah ay in Al-Shabaab ay kaga danleeyihiin cabsi gelinta ganacsatada ka cagajiideysa inay bixiyaan dhaqaal aha ay bil kasta soo dalbato kooxda Al-Shabaab.
Hoos ka eeg sawirka mootadii ay wateen ragga la dil ay oo lasoo bandhigay, waxaana ka cudur daaran eynaa in meydka raggaas aanaan soo dhigi karin hal kaan.
Golaha Wasiiradda Jubbaland oo ka shiray xaal ada amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab
Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo kala duwan.
Kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa si qota dheer looga hadlay xaalada amniga guud iyo dagaalada dib u xuraynta ee ka socda Inta badan deegaanada iyo degmooyinka Jubaland oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.
Golaha wasiiraada ayaa bog aadiyay howlgalada ka socda deegaanada Jubbaland, iyago ona ugu baaqay dadka shacab ka iney garab istaagan cii
damada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab ee ka talisa deegaanada qaar ee maam ulka Jubbaland.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayay aheyd mar kii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland how lgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ba dan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ay ku dile en 28 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, islam arkaana ay kuso furteen hub kala duwan sida ay sha aciyeen saraakiil ka tirsan xoogga dalka Sooma aliyeed.
Dhinaca kale Golaha wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda akhrintii koowaad ku marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’adda wadooyinka Jubbaland oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyayn ta, islamarkaana dhawaan Baarlamaanka Jubbaland loo gudbin doono.
Imaaraadka oo heshiisiinaya Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed – Maxaa socda?
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlan soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbal and Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xi riirkaas ayaa xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farma ajo oo ay siyaasadda isku hayeen.
Isku soo dhaweyntaan uu Imaaraadku hoggaa minayo ayaa hadda ma raysa heer gabagabo ah, sida ay ilo wareedyo xil kas ah sheegtay in ay Caasimada Online u xaqii iyeen.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan u safri doona dalka Itoobiya, si loola kulansiiyo Abiy Axmed, heshiiskaan waxaa garwadeen ka ah Imaaraadka, waxaana lasoo afjarayaa madmadowgii siyaasadeed ee Itoobiya – Abiy Axmed iyo Axmed Madoobe.
Khilaafka Abiy iyo Madoobe wuxuu soo bilowday ma rkii ay siyaasadda dalka isku qabteen Farmaajo iyo Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in Itoobiya ay qorsheysay in xiligaas Axmed Madoobe lasoo qabto, balse uu iska difaacay.
Madaxda dowladda Imaaraadka oo saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed ayaa doona ya inay dhameeyaan khilaafkaas, waxaana la qorshe eyey in Madaxweynaha Jubbaland uu maalmaha soo socda tago Addis Ababa, si loola kulansiiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, sida ay tibaaxeyso xogtaan.
Qeybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo waxaa ku sugan ciidan xoog leh oo ka socda dowladda Itoobiya, kuwaas oo la qorsheeyey inay ciidanka dowladda federaalka la xoreeyaan gobolka Jubbada Dhexe oo ah halka gobol oo si buuxda ay Al-Shabaab uga maamulaan Soomaaliya.
Qorshaha xoreynta Jubbada Dhexe waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka Soomaaliya, balse Axmed Madoobe ma ogola in howlgal aysan Jubb aland hoggaamineyn lagu xoreeyo gobolkaas oo looga hormaro caasimada rasmi ah ee maamulkaas oo ah Bu’ale.
Lama oga in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka Imaaraadka ee isku soo dhaweynta Axmed Madoobe iyo Abiy Ax med, balse waxay u badan tahay inay raali ka tahay, maadaama ay hadda Muqdisho iyo Abu Dubai ay gaareen heshiisyo militeri iyo mid amni.
Guddoomiyihii Deg. Baladweyne oo xilkii laga qa aday iyo mid cusub oo la magacaabay
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa Cumar Cismaan Calasow u ma gacaabay Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdira xmaan Guure ayaa lagu magacaabay Guddoomiya ha cusub ee Baladweyne, kaasi oo bedelaya Guddoo miyihii hore ee degmadaas Cismaan Dhicisow Dhu ubow oo xilka qaadis lagu sameeyay.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowlad aha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Cabdullaahi Saalax Shiikh u magacaabay Guddoom iye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Beledweyne.
Wasiirka ayaa faray dhammaan hay’addaha amniga Gobolka iyo shac abka magaalada inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee la magac aabay, waxaana sidoo kale labada mas’uul laga dalbaday inay toos u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.
Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista
Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay qeyb ka noqonayaan howlgalllada ka dhanka ah Al-Shabaab
Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa hambalyo diirran u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. .
Danjiraha ayaa ku booriyay dadka muslimiinta ah in ay u duceeyaan dalka inta lagu jiro bisha barakeysan si uu uga gudbo caqabadaha hortaagan loona xaqi ijiyo in nabad iyo xasilooni la gaaro.
"Inta lagu jiro bisha barakeysan iyo xitaa ka dib, waa in aan dadaalno oo aan si dhow ula shaqeyno kuwa mad axda ah si aan u dhisno So omaaliya ammaan ah, barwaaqo ah. Waxaan abaal ku leenahay jiilalka hadda jira iyo kuwa soo socda,” ayuu yiri Danjire Souef.
ATMIS waxay mar kale ku celinaysaa in Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaa liya (ATMIS), uu sii wadi doono inuu si dhow ula sha qeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee wa naagsan dagaalka lagula jiro argagixisada iyo kooxa ha kale ee hubaysan ee mucaaradka ah oo in muddo ah u diiday dalka nabadda oo ay dad badani u oom an yihiin.
Warkaan kasoo yeeray Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada ATMIS aysan qeyb ka aheyn howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Cii damada dowladda & kuwa degaanka kula wareege en degaano dhowr ah.
Dad isku qoys ah oo ku dhintay Daadad kusoo rogmaday degmada Baardheere
Kadib Roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa wa xaa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyad eed & inay kala xirmaan xaaf adaha qaar.
Wararka aan ka heleyno deg mada Baardheere ayaa shee gaya in daadadkii ka dhashay Roobka ay ku geeriyoodeen dad isku qoys ahaa oo kala ah, Hooyo Farxiyo Xaaji Daahir, Gabadheeda Ikraan Cabdi Cali Baarte iyo Wilyar ay dhashay.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Risaala u sheegay in qoyska an ay kamid ahaayeen dad Guryahooda ay biyaha ugu galeen, iyada oo sidoo kale ay jiraan dad gurihii ay deganaayeen uu ku dumeen Roobka iyo fata haada.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in qaar kamid ah dadka kunool degmada Baardheere ay billaabeen inay Guryahooda ka barakacaan kadib markii ay Biyo ugu soo galeen, waxaana sidoo kale kala xiran xaafadaha qaar oo aan leysugu gudbi Karin.
hadlin dhacdada ay dadka ku geeriyoodeen, waxa ana dhawaan ay aheyd markii ku dhawaad 10 Ruux ay ku geeriyoodeen Tog kuyaalla degmada Baardhe ere oo ay ku dhaceen halkaas oo ay Biyo ka buu xeen.
Wasiir Koore oo ka jawaabay weerar la sheegay in lagu qaaday
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa beeniyay warar warbaahinta qaar qortay oo sheegayay in ciidamo hubaysani ay xafiiskiisa ku weerareen.
Wasiir Koore ayaa sheegay in aanu isagu akhrisan wararka laga qoro, isla markaana anay dhibaynin, lakiin mar kasta qaraabada iyo asxaabtiisu ay ka murugoodan oo ay run u qaataan, isaga oo beeniyay wararka ma a lmihii u danbeeyay qaar kamid ah warbaahinta bar aha bulshadu faafinaysay. "Mar ay yidhaaahdan waa la weerayay iyo mar ay yidhaahdan wuu is casilay, subax kasta oo aan soo kaco war ayaa la ii sheegaa, markaa dad badan oo ku yaqaana ayuu dhibaya wa rka beenta ahi, oo u qaadanaya run, waxan leeyahay waxa ay sheegayaan waa waxba kama jiraan" ayuu yidhi Koore.
Warbaahinta wararkan baahisay ayaa sheegtay in ciidamo ka gadoodsan askar ku dhintay dagaalka Laascaanood ay wasiirka ku weerareen xafiiskiisa, iyaga oo ka cadhaysan dagaalka sii soconaya.
Wasiir Koore oo ah afhayeenka xukuumada Somal iland ayaa kamid ah saraakiil mudooyinkii u danbee yay ku howlanaa xal u helista colaada Laascaanood, isagoo muddo badan ku sugnaa magaalada Laas caanood.
Dowladda Maraykanka oo sheegtay in Soomaa liya ay hayso dariiqii looga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka
Dowladda Maraykanka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amShalayy inuu qaadayo tillaabooyin muhiim ah si uu u daboolo halbeegyada cunaqabateynta.
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry André ayaa sheegay maaraynta hubka in ay Soomaaliya ka caawinayso fududaynta shuruudaha Golaha Amma anka ee Qaramada Midoobay ee qaadista nidaamka cunaqabataynta dalka saran.
"Waxaan soo dhoweyneynaa horum arka la mahadiyo ee Dowladda Fed eraalka Soomaaliya ee ku aaddan maareynta hubka iyo kaydka. Waxka bedelka lagu sa meeyay qaraarka hadda jira ayaa ka tarjumaya hor umarkaas iyo aqoonsiga shaqada ay Soomaaliya sii waddo,”ayuu yiri safiirka Maraykanka.
Safiirku wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay weli ka go’an in ay sii wado taageerada Soomaal iya iyo in la xaqiijiyo in ciidamada Soomaaliya ay hel aan hubka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan al-Shabaab iyadoo la yareynayo khatarta ah in hubku uu galo gacmo qaldan.
"Tusaale ahaan, shantii sano ee la soo dhaafay, annaga oo kaashanayna iskaashiga weyn ee aan la leenahay HALO Trust iyo ciidamada Amniga Sooma aliyeed, waxaan meesha ka saarnay 15 tan oo ra saas duugowday, aan la isticmaali karin, iyo kuwa xasiloon. Iskaashigayadu waxa uu tababaray in ka badan 225 shaqaale ah, iyo maareynta kaydka si loo hubiyo in tas-hiilaadka looga faa'iidaysto si badbaado leh oo wax ku ool ah, marka loo eego hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah,” ayuu hadalkii ku daray safiir Larry André.
Safiirka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegay Shirka ku saabsanaa maaraynta hubka, kaasoo lagu qabtay Muqdisho.
Xagla Toosiye: Ciidanka Somaliland xoog ayaa Gooja-cadde lagaga saarayaa
Guddoomiyihii hore ee ururka Shacabka Soma liland Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye, ayaa markale ku baaqay in ciidamada Somaliland laga raro Gooja-cadde.
Xagla Toosiye oo waraysi siiyay SSTV, ayaa ku goodiyay in ciidamada Somalilandxoog lagaga saari doono Gooja-cadde hadii aanu madaxweyne Biixi si nabad ah kaga saarin.
"Ciidanka Gooja-cadde fadhiyaa, fa dhiyi maayo, waa hubaal in aanu fa dhiyayn, ama caqli ayaa imanoo wuu la bixi, ama xoog ayaa lagaga saar ayaa meesha, dadka deegaanka way ka go'antahay in ay dalkooda iyo dhulkooda u madax bannaanaadaan" ayuu yidhi Xagla Too siye.Waxa uu sheegay in ay fiicantahay in ciidamada Somaliland si nabada kaga tagaan gobolka, isaga oo sheegay in khasaare badani ka iman karo hadii ay noqoto in xo og la isticmaalo, lakiin xoog la adeegsan doono had ay ka fursan waydo. Waxa uu Somaliland mar kale ku eedeeyay in ay dhibaato ka gaysatay magalaada Laascaanood, isaga oo sheegay in laascaanood ay ahayd magaal adii ugu waynayd ee ururkiisu taageerayaasha kulaha, isla markaana dhibaatada dhacday darteed uu Somalila nd uga baxay.Waxa uu sheegay in ay Laascaanood ka dagaalamayaan ciidamadii dee gaanka, ciidamo hab qabiil uga soo gurmaday deega ano Puntland kamid tahay iyo ciidamo ka tirsanaa dowlada Soomaaliya oo iyaguna hayb ahaan usoo gurmaday.
Xagla Toosiye ayaa horay u hagaamin jiray jabh ad la odhan jiray SSC, isagoo markii danbe heshiis la galay Somaliland, isla markaana kasoo qabtay xilal wasiir ilaa oo uu markii danbe furtay urur la yidhaa Shacabka kaasi oo uu dhawaan iska casilay.
Mareykanka oo duqeymo dhanka cirka ah ka geystay Suuriya
Xafiiska Pentagon-ka ayaa sheegay in dhowr weerar oo xagga cirka ah ay ka fuliyeen bariga Suuri ya,halkaas oo lagu weeraray kooxo isbahaysi la ah Iran .
Weeraradaan oo dhacay habeenimadii Khamiista waxay aargoosi u ahaayeen weer ar lagu qaaday saldhig ay leeyi hiin isbahaysiga uu hoggaamiyoMaraykanku oo u dhow deegaan ka Hassakeh ee dhaca waqooyi bari Dalka Suuriya,halkaasi oo diyaaradaha aan duuli yaha lah eyn ay ku dile en nin qandaraasle ah , mid ka lena lagu dhaawacay, iyadoo si doo kale lagu dhaaw acay shan askari oo Maraykan ah.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in weeraradaasi lala beegsaday kooxo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGG) ee ku sugan bariga Suuriya.
"Sida uu madaxweyne Biden caddeeyey, waxaan qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u difaacno dadkeenna, wax aana mar walba ka jawaabi doonnaa waqtiga iyo goobta aan dooranay,” Austin ayaa yiri.
Wararkii ugu dambeeyey isu soo dhowaanshaha dalalka Sacuudi Carabiya iyo Iran
Wasiirada Arrimaha Dibedda Sacuudiga iyo Iran ayaa taleefonka ku hadlay si ay u xusaan billowga bisha Ramadan, ayaga oo wacad ku maray inay kul maan "dhowaan” si loo dhaqan-geliyo heshiiska dib u heshiisiin ee taariikhiga ah, waxaa sidaas Shalay sheegtay Riyadh.
Wasiirka Sacuudiga, Amir Faisal bin Farhan, ayaa wacay Hossein Amir-Abdollahian, waxayna laba da mas’uul "ay is-dhaafsadeen hambalyo ku aadan munaasaba dda bisha barakeysan ee Ramadan” oo Shalay ka billaabatay labada dal, wasaaradda arrima ha dibedda Sacuudiga ayaa sidaas ku sheegtay bay aan ay soo dhigtay twitter-ka.
"Labada wasiir waxa ay isku raaceen inay dhowa an yeeshaan kulan si dhabbaha loogu xaaro dib u fur ista safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in kulanka la filayo ee wasiirada uu yahay tallaabada xigta ee heshiiskii lama filaanka ahaa ee lagu dhowaaqay 10-kii March, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay China, si dib loogu soo celiyo xiriirka diblomaasi kadib 7 sano oo uu go’naa.
Riyadh ayaa xiriirka jartay kadib markii dibad-baxayaal Iranian ah ay weerareen safaaraddeeda 2016-kii kadib markii Sacuudiga ay xukun dil ku fuli yeen wadaad shiico ah oo lagu magacaabay Nimr al-Nimr.
Heshiiska ayaa dhigaya in Sacuudi Carabiya iyo Iran ay dib u furaan safaaradaha laba bil gudahood, islamarkaana la dhaqan-geliyo iskaashi amni iyo mid dhaqaale oo la saxiixay 20 sano kahor.
Axaddii, sarkaal Iranian ah ayaa sheegay in mad axweyne Ebrahim Raisi uu casuumad uu ku booqdo Sacuudiga ka helay Boqor Salman, inkasta oo Riy adh aysan weli xaqiijin.Heshiiska Sacuudi Carabiya iyo Iran, oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Reer Galbeedka sababo la xiriira barnaamijeedka Nukliye erka, ayaa suurta-gal ay tahay inuu dib u qaabeyn ku sameeyo xiriirada gobolka oo dhan.© AFP, VOA
M/xweyne Erdogan oo Qshaaciyay inuu la afuri doono DadBarakacayal ah
Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erd oğan ayaa la filayaa inuu dadkii ku barakacay ma siibadii Dhul-gariirka uu kala qeyb galo Af urka Maa linta koowa ad ee Bisha Barakay san ee Ramadaan.
Madaxweyne Erdoğan ayaa waxa uu kala qeyb geli doonaa Muwaadiniinta ku barakacay Dhul-gariirkii ee ku nool Hobalka Kahramanmaraş Afurka Shalay.
Wakaallada Wararka dalka Türkiye ee Anadolu News Agency ayaa sheegtay inuu Madaxweynuhu soo kormeeri doono qaabka ay u socdaan Hawlaha Dib-udhiska iyo Nolosha caadiga ee dadkii ku bar akacay Dhul-gariirkii ka dhacay dalkaasi bishii Febr uary 6-dii ee sanadkan.
Wakaallada Wararka oo soo xiganayo Ilo Xog-og aal ah ayaa shaacisay in Madaxweyne Erdoğan lagu wado inuu bishan Ramadaan si joogto ah booqasho hawleed ugu tago Goballadda uu saameeyey Dhul-gariirka.
Bishii la soo dhaafay ee February 6-dii, waxaa dalalka Turkiye iyo Syria ka dhacay 2 Dhul-gariir oo Halbeegoodu kala ahaa 7.7 iyo 7.6 Richter scale.
War deg deg ah US iyo Canada oo isku raacay in ay ay xiraanxadka aan rasmiga ahayn ee labada Dal
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Ottawa, Ontario, Canada March Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ku sugan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa la kulmay dhiggiisa Canada Justin Trudeau
Muhaajiriinta la qabto intaas ka dib waxaa lagu celin doonaa marinka rasmiga ah ee xadka, wadamadu waxay sheegeen Jimcihii.
Tiro aad u badan oo muhaajiriin ah ayaa ka gudb ayay sharci darro iyagoo sii mara wadada Roxham ee ku taal xadka Mareykanka iyo Kanada.
Talaabadan ayaa soo afjareysa dal daloolkii ka jiray heshiis ay labada wadan ku gaareen in muhaajir iintu ay magangalyo ka helaan.
Wax ka beddelka ayaa qayb ka ah dadaallada la gu xaddidayo qulqulka muhaajiriinta ee Waddada Roxham, oo ah marin aan rasmi ahayn oo u dhexe ysa gobolka New York iyo gobolka Quebec.
Tiradii ugu badneyd ee muhaajiriin ah – ilaa 40,000 – ayaa u tallaabay Kanada sannadkii hore, ku waas oo intooda badan soo galay Waddada Rox ham.
Iyada oo qayb ka ah heshiiska cusub, Kanada wa xay sidoo kale abuuri doontaa barnaamij cusub oo qaxooti 15,000 oo muhaajiriin ah oo ka soo cararaya cadaadis iyo rabshado Koonfurta iyo Bartamaha Ameerika, xafiiska ra’iisul wasaaraha (PMO) ayaa yiri.
Daawo: BBC-da oo muuqaal ka duubtay Tahriibayaal isku dhiibaya Booliska xuduudka Waa maxay Shar ciga Dalka Saddexaad ee Nabdoon?
Heshiiskii asalka ahaa ee 2004, Xeerka Dalka Sa ddexaad ee Badbaadada ah (STCA), waxa uu u baa han yahay soogalootiga in ay codsi magangelyo ku dalbadaan waddanka ugu horreeya ee "nabdoon” ee ay gaadhaan, hadday tahay Maraykanka ama Kan ada.
Waxay u ogolaatay labada waddan inay ka leex iyaan muhaajiriinta meelaha rasmiga ah ee laga soo galo – laakiin maaha meelaha laga gudbo ee aan ras miga ahayn, sida Roxham Road.
Heshiiska cusub ayaa kordhinaya heshiiska xadka oo dhan, oo ay ku jiraan marin biyoodyada gu daha, xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri bayaan
Waa maxay sababta soogalootiga ay u dooranayaan Kanada lambarada diiwaanka ah
Kanada waxay ku dartay malaayiin dadkeeda sanad gudihiis
Heshiiska cusub ayaa waxaa dhaleeceeyay dad ka u dooda qaxootiga oo ku tilmaamay mid aan wax tar u lahayn soo afjarida tahriibka aan caadiga ahayn ee Canada.
Ma joojinayso dadka, Abdulla Daoud, oo ah aga asimaha fulinta ee Xarunta Qaxootiga ee Montreal, ayaa u sheegay BBC Jimcihii, isaga oo intaa ku dar ay inuu ka walaacsan yahay inay dhiirigeliso tahri ibinta dadka.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka cusub ee qaxoo tiga, wuxuu yiri: "Tiradu aad bay u yar tahay, san nadkii ina dhaafay 40,000 ayaynu haysannay – 15, 000 waa tiro yar oo ka timid qayb ka mid ah adduun ka oo dhan, hemisphere galbeedka
DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN
{AXKAAMTA-SOONKA}
Axkaamta Soonka ‐ 6 ‐
[(Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa quraanka, isagoo hanuun dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadilka) ee ruuxii jooga {nagi} ha soomo). [al-baqarah 185].-5-
Allaah wuxuu soonkii bisha ramadaan ku dul sugay ruuxa fayoow ee nagi wuxuuna u rukhseeyey ruuxa musaafirka ah iyo midka buka (xanuunsan), quud intii masaakiintana wuxuu u sugay ruuxa da’da ah ee soonka awoodi Karin, taasi waa laba isbadal, sidoo kale waxay ahaayeen muslimiinta kuwo cabba oo cuna dumarkana u taga inta ayna seexanin hadayse seexdaan saddexdan arimoodba (cabbid, cunid iyo u tagida dumarkaba) mamnuuc ayey ka aheyd, kadib nin reer a nsaareed kamid ah oo la dhihi jiray Sirmah ayaa shaqayn jiray isagoo sooman ha been ayaa markuu reerkiisii yimid oo salaaddii cishe uu tukaday ayuu iska seexd ay isagoon waxba cunin waxna cabbin ilaa uu waabariistay isagoo sooman mar kaa rasuulkaa (s.c.w) isagoo aad u dhibaataysan wuxuuna ku yir: ما لي أراك قد جهدت جهدا شديدا ! ( Maxaa iigu wacan oon kuu arkaa inaad rafaadday rafaad daran !) Markaa ayuu uga waramay xaaladdiisa cumarna dumarkiisii ayuu u tagay intuu seexday, kadib rasuulka ayuu u yimid kadibna u sheegay arinta, Alle ayaa soo dajiyey: أحل لكم ليلة الصيام الرفث إلى نسائكم – إلى قوله تعالى- ثم أتمو الصيام إلى اليل [البقرة 187.[ ( Waxaa laydiin banneeyey inaad habeenka soonka is aragtaan haweenka–illaa laga gaadho hadalka ALLE ee ah- dhamaystirana soonka tan iyo habeenka. )
Waa marxaladdii ugu danbaysay ee kamid ahayd marxaladihii uu soonka soo maray sidaa ayeyna waajib ku noqotay in bisha ramadaan oo idil lasoomo inta ay qorraxda soo jeedo. Waxaa la wariyey in rasuulka (s.c.w) uu soomay sagaal So on dhamaantoodna waxay ahaayeen 29 maalmood (mid aan soddon buuxe ahayn). عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: ( ما صمنا على عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم تسعا عشرين أكثر مما صمنا ثلاثين) [ابن ماجة]. ( Abiihurayrah (r.c) wuxuu yiri: xilligii rasuulka intaan sagaal iyo labaatan soonnay ayaa ka badnayd intaan soddon soonnay) [ibnu majah]
03. Caddaynta Waajibnimada Soonka Waajibnimada soonka waa mid ku su gan kitaabka quraanka ah iyo sunada nabiga (s.c.w) ummada islaamka ahna way Isku wada raacsantahay. Si guud ahaaneed waajibnimada soonka wuxuu ALLE inoogu caddeeyey aayaddan hoose: يأيها الذين ءامنو كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقونً أياما معدودات... [البقرة 183-184.[ (Kuwa xaqa rumeeyow wax aa laydinku waajibiyay soonka sidii looguwaajibiyay kuwii idinka horreeyay si aad u dhawrsataan –ilaa – waa maalmo tirsan...) [albaqarah 183-184]. Gaar ahaan waajibnimada soonka bisha ramadaan Alle wuxuu inoogu sheegay aayaddan hoose : شهر رمضان الذى أنزل فيه القرءان هدىً للناس وبينات من الهدى والفرقان فمن شهد منكم الشهر فليصمه [البقرة 185.[ (Waa bisha soon ee la soo dajiyey dhexdiisa quraanka, isa goo hanuun dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga {nagi} ha soomo). [al-baqarah 185]. Wuxuu yiri Cabdullahi binu Cu mar (r.c) waxaan maqlay rasuulkii Alle oo leh: (بني الإسلام على خمس: شهادة ان لا إله إلا الله، وأن محمدا عبده ورسوله، وإقام الصلاة، وإيتاء الزكاة، وحج لبيت، وصوم رمضان) [متفق عليه].
( Islaamka waxaa lugu dul-dhisay shan korkood: Qiritaanka {laqiro} in ilaah aan ALLAAH ahayn uuna jirin Muxammadna adoonkiisii iyo rasuulkiisii yahay iyo Salaadda toosinteeda {oogiddeeda} iyo Sakada bixinteeda iyo Baytka (kacbada) ku xajintiisa iyo Soonka {bisha} ramadaan). Walaalayaal rasuulka (s.c.w) wuxuu xadiiskan saxiixa ah inoogu caddaynayaa inuu soonka yahay tiir kamid ah tiirasha shanta ah ee islaamka ku dul dhisan yahay, tiirashaasoo haddii lawaayo islaamn imada jiraynin, sababtoo ah majiro guri tiir ‐ 7 ‐ Axkaamta Soonka ‐ 8 ‐ la’aan taa gnaan karo sidaa daraadeed ruuxii kataga soonka bisha ramadaan waa ruux dum iyay tiir kamid ah tiirashii islaamka uu kutaagnaa. 04. Arimaha Waajibiyo Soonka Bisha Ramadaan Soonka bisha ramadaan waxaa waajib kadhiga laba arimood midood : In la arko bisha ramadaan. In bisha shacbaan ay 30 bari u buuxs anto.
In la arko bisha ramadaan, ruuxa arkay hal ruux kaliyaba ha ahaado, ruuxa sheegashadiisa laga aqbali hadii uu sheegto inuu arkay bishii ramadaan waa ruux ah : Muslim. Qaangaadh. Miyirqaba. Caadil ah. Caadilnimada waa: ru uxa aan danbiyada waa-weynka ah ku dhicin, kuwa yar-yarka ahna aan daa’imin ama joogtaynin. Marka ay sidaa ku sugnaato arkida bisha ramadaan, waxaa ark iddaa ku soomi kara dhamaan wadamada la madlaca ah wadankaa ama maga aladaa laga arkay bisha. Ogow in aragtida bisha lugu soomo waa lagama maarm aan, haddii bisha la arki waayo oo daruur iyo wixii lamid ah ay qariyaan, meel kale oo laga arkayna la waayo waxaa waajib ah in la buuxiyo maalinta sodonaad ee bisha shacbaan
.La soco Berri
WARGELIN:- ku socota dhammaan Macaamiisha wargeyska iyo Akhrisat- aya ashiisa Sharafta leh wuxuu maamulka wargeyskan ku wargekin ayaa inay ilaal iyaan Nuqullada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa’isha Bisha Barakeysan ee Ramadaan Daruus la xiriirta ay ku qoran yihiin iyagoo Aayado khumur’aanka Kariim ah ,Marka.
Sidaas daraadeed waxaa uu maamulka leeyahay walaayalaal xafida Alle ha idin xafidee kana ilaali meelaha aan ku habooneyn ee wasaqey san in aad dhigtaan ama aad ku tuurtaan. Mar labaad kaa codsaneynaa inaad ka dhowrto kana ilaaliso meelaha wargelinta lagu muujiyeyMahadsanidiin
SARE-U-KACA MACIISHADA SUUQYADA EE XILIYADA RAMADAAN
Bilshaada Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa laga dareema Sare u kac sic irkasuuqyada magaalooyinka dalka dhankamaceyshada ah,Inta badan Suu qyada Soomaaliya waxaa laga dareemaa dhaqdhaqaaq xooggan markii lagaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,Waxaa isbadalka weyn ku yimaada Alaabaha bagaashka ah ee kala duwan sida,Maacuunta, Raashinka, Qudaarta,Agabka lagu qurxiyo guryaha,Dharka iyo Macmaca anka.
Bisha Ramadaan awgeed suuqya da ganacsiga ee magaalda Muqdisho waxa dadku ayaad u iibsadaan alaa bta ,sida Raashinka, Qudaarta ,Maa cuun ka,Agabka lagu qurxiyo guryaha, Dhar ka iyo dhamaan Agabyadda loo gu diyaar garowbayo soo dhawaynta bilaashada bisha Ramadaan oo ka duwaan bil aha kale.
waxaa suuqyada magaaladda Muqdisho lagu kala Iibsanaya maciiyshada qut uldaruurig ah Shalay sida Sokorta,Burka,Bariiska,Saliida,Caano Booraha,iyo Timi tra oo ah wax yaabaha loogu isticmaalka badan yahay sida caadiga ah xiliga Ra madaanka, waxaana la kala siisanayay Shalay ,Sokorta loorka 910-Shilinka Soo maaliga ah oo u dhigantah 35-Doller,Buurka loorkii ayaa maraya 728-Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan tah 28-doller, Loorka Bariiska ah ayaa qaymo ahaan jooga suuqa 1,300 oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhigantah 50- doller,20-Liitar qaarka Saliid ah ayaa ka maray suuqa Shalay 702 Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan tah 27-Doller,caanah loo yaqaan boorah ayaa la siinaya halka gasac,520 Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan taha 20-Doller iyo Timirta halkaa Kartoon ayaa lakala Iibsanaya Shalay 234 oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhigantaha 9- Doller,guud ahaan suuqyada lagu Iibayo macayshada ayaa laga dareemaya sare u kac dhanka sicirka bilashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.
10KA MAGAALO EE UGU SARREEYA AFRIKA OO AY KU NOOL YIHIIN DADKA
UGU BADAN LAGA BILAABO 2022 ILAA 2023
Liiskan ayaa muujinaya inta magaalooyinka ugu dadka badan Afrika ay koreen min 2022 ilaa 2023.
Magaalooyinka Afrika ayaa si xawli ah u koraya tirada dadka ku nool, iyadoo ay ugu wacan tahay arrimo is biirsaday sida tahriibka, kobaca dhaqaalaha, horumarka dhanka tignoolajiyada. Korodhkan dadweynuhu waa natiijada xoogag gudaha iyo dibadda ahba, waxayna saamayn ku yeelanaysaa mustaqbalka
Kobaca dhaqaalaha ayaa sidoo kale door ku lahaa kororka dadka ee magaalooyinka Afrika. Maadaama magaalooyinka qaar ee Afrika ay noqdeen kuwa horumaray dhanka dhaqaalaha, waxay soo jiiteen maalgashi badan oo ay ka helaan shirkado shisheeye, taasoo keentay heerar shaqo oo sare u kaca iyo heerka nolosha dad badan. Tani waxay ku dhiirigelisay dad badan inay u guuraan magaalooyinka si ay u helaan fursado wanaagsan iyo mushahar sare.
Isku soo wada duuboo, magaalooyinka Afrika ayaa noqday kuwo aad u sii kordhaya sababo la xiriira arrimo isbiirsaday. Korodhkan dadweynuhu wuxuu leeyahay saamayn togan iyo mid taban labadaba mustaqbalka qaaradda. Iyadoo laga yaabo inay dadka qaar u abuurto fursado dhaqaale, waxay sidoo kale culays ku keentaa agabka, taasoo keenta ciriiri iyo la’aanta adeegyada aasaasiga ah. Haddaba waxaa lama huraan ah in dowladaha Afrika ay ka shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadahan si loo xaqiijiyo in kororka dadka ee magaalooyinku uu noqdo mid waara oo faa’iido u leh dhammaan.
Sida laga soo xigtay World Population Review, oo ah madal xogeed u xilsaar an dabagalka kobaca dadweynaha xilliyada qaar, tiro ka mid ah magaalooyinka Afrika waxay arkeen kobac weyn oo ku saabsan tirada dadkooda. Kobacani waxa sabab u ah xaqiiqooyinka la soo sheegay, qiyaasahana waxa ay muujinayaan in koritaanku uu kor u sii socon doono.
Hoos waxaa ku yaal liiska magaalooyinka Afrikaanka ah ee ay dadka ugu badan yihiin 1 sano ee la soo dhaafay.
Heerka Magaalada Dalka 2023 Dadweynaha 2022 Boqolkiiba Kobaca Dad weynaha
1. Masar Qaahira 22,183,200 21,750,020 1.99%
2. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Kinshasa 16,315,534 15,628,085 4.40%
3. Nigeria Lagos 15,945,912 15,387,639 3.63%
4. Angola Luanda 9,292,336 8,952,496 3.80%
5. Tanzania Dar Es Salaam 7,775,865 7,404,689 5.01%
6. Sudan Khartoum 6,344,348 6,160,327 2.99%
7. Koonfur Afrika Johannesburg 6,198,016 6,065,354 2.19%
8. Ivory Coast Abidjan 5,686,350 5,515,790 3.09%
9. Masar Alexandria 5,588,477 5,483,605 1.91%
10. Itoobiya Addis Ababa 5,460,591 5,227,794 4.45%
FAALLO:- FAA’IIDOOYINKA QARAHA UU U LEEYAHAY
QOFKA SOOMAN.
Ramadhaanku waa bil barakeysan oo ay Muslimiinta sanad walba soomaan 29-30 maalmood oo xiriir ah.Muddadaasi ay Muslimiintu sooman yihiin iney qofku tab arta u diiddo maahane waxaa si joogta miiska afurka laga waayin qaraha oo ah miro ku wanaagsan bi’inta oonka.
Muslimiinta istcmaalka qaraha xilliga Ram adhaanka waa mid ay caadeysteen balse waxay sida oo kale raad ku leedahay diinta Islaamka.
”Rasuulkeenna (scw) wuxuu isku cuni ji ray qare iyo timirta,” sida Imaam Imaam Ti rmidi (A.R) uu ku qoray kitaabka uu ka qo ray ”Dawooyinkii Nabiga.”
Muslimiinta sooman intooda badan marka ay afurayaan halka ay biyo badan ca bbi lahaayeen waxay ka door bidaan iney qaraha ama xabxabka cunaan ama ay sharaab ka dhigtaan. Xabxabkuna bisha soon inta lagu jiro waxaa si weyn looga arkaa suuqyada khudaarta lagu kala iibsado.
qaraha
Dr Maxamed Cabdi Gabooose oo ka mid ah dhaqaatiirta Kenya ka howlgasha ayaan wax ka weydiinnay dhanka caafimaadka marka laga eego faaa’iidooyinka caafimaad uu qaruhu u leeyahay qofka sooman, isaga oo qodobbeeyey faa’iido oyinka uu u leeyahay qofka soman waxaa uu yiri:
Qaruhu qofka sooman wuxuu u soo celinayaa biyihi jirkiisa ka baxay oo biya ku filan ayuu jirka ka helayaa gaar ahaanna dadka dhulka kulul joogo fuuqbaxa ku dhacaya ayuu qaraha soo celinayaa
Qaruhu ama xabxabka waa cunto fudud oo qofka sooman aan dhibeyn
Tamarta qofka soomanaa ayuu dib u soo celinayaa maaddaama biyo iyo tamar wada socdo uu ka helayo Dheefshiidka ayuu qaruhu u sahlan yahay oo caloosha kuma raagayo.
Qaruhu kuma jiro cunnooyinka keena daac-qururnka iyo caloosha iney farii satoQaruhu inuusan qofka appetite ka xireen sida cuntooyinka kale oo kale
Qaruhu waa cunto dabiici ah oo macdin badan oo jirka u baahan yahay laga helo
Miis anka qofka ayuu hagaajiyaa
Qaruhu wuxuu gacan ka geystaa dajinta dhiig-karka iyo socodka dhiigga oo uu wanaajiyo
Qaruhu dadka cudurka macaanka qaba wey isticmaalin karaan oo waxaa ku jirto sokor dabiici ah oo aan qofka wax dhib ah u keeneyn maaddaama qaraha uu killiyaha sifeeyo halka sokorta aan dabiiciga ahayn ay kalliyaha saameyso.
Dr Gabooose wuxuu sheegay inkasta oo caddeymo buuxa oo dhanka saaynis ka aan loo heyn haddana iney jiraan dad aad u yar uu qaraha laabjeex ku kiciyo. Wararka sheegay in dadka qaar uu xabxabku xasaasiyad ku keeno wuxuu dhakht arku sheegay iney jiri karaan balse tiro ahaan ay aad u yar yihiin. ”Dadka macaan ka iyo beer subagga qaba iney qaraha isticmaalaan aad ayey u wanaagsan tahay maadaamaa faa’idooyin caafimaad uu u leeyahay,”
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 25 -KA MAARSO 2023-KA-
..