
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MaANTA OO AH ARBACO 15-KA JUUN 2016KA
Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87aad iyo 90aad ee Dast uurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.
Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Ma xamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo LaTaliyaha Wasiirka Wasaaradda Amn iga Gudaha.
Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa shalay oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016. DHAMMAAD
RA’IISUL WASAARE CUMAR CABDIRASHIID OO CAMBAAREEYAY TOOGASHADII ORLANDO
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in do wladda Soomaaliya aad uga xuntahay toogashadii dadka faraha badan ku dhinteen ee ka dhacday goob lagu caweeyo ee ku taal magaalada Orlando ee Gobolka Florida.
Cumar Cabdirashiid oo ku sugan magaalada Washington ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay uga tacsiyadeynayaan falkaas.
"Arrin aad iyo aad looga naxo waaye, waa arrin maalin kasta aan wajahno, dal ahaan iyo dad ahaan aan la tacaalno, maalin kasta Hotel ayaa dad loogu gala oo la laayaa, fikir argagixiso oo qald an oo aan diin salka ku heyn waaye, waana wax caalamka oo dhan ka dhaca, dowladda Mareykan ka waa uga tacsiyadeyneynaa, aad baana u dhaleeceynaynaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Mar wax laga weydiiyo arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabaha u haray ayuu sheegay in shirka soo socda ee ka dhacaya magaalada Baydhabo 20ka bishan lagu dhameystiri doono qor shayaasha doorashooyinka, si liiska odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka, ergoyin ka soo dooranaya Xildhibaanada iyo sidii amnigii Caasimaddaha ay doorashada ka dhaceyso loo diyaarin lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la sameeyay Guddiyada doorashooyinka heer Feder aalka iyo heer gobol gobol, kuwaasoo uu xusay in tababaro loo furayo.
Mar la weydiiyay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayuu ka gaabsaday, isagoo tilmaamay inuu dib ka soo sheegi doono waqtigeeda sida uu yiri.
Bisha Agosto ayaa la qorsheynayaa inay Soomaaliya ka dhacaan Doorashada Madaxwe ynaha iyo tan Baarlamaanka, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Hoggaamiyeyaasha Madasha wadatashiga qaran ay doonayaan in saddex bilood dib loo dhigo.
DHOOFKA XOOLAHA NOOL OO KA BILOWDAY KISMAAYO
Dekedda magaalada Kismaayo waxaa shalay ka dhoofay ku dhawaad 1,200 oo neef oo lo’ ah, kuwaa oo laga kala keenay gobollada Jubaland.
Xoolahan oo dhammaantood ahaa lab ayaa waxaa loo dhoofinayay dalka Masar ayadoo ay dhoofinayeen ganacsatada rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubaland ee JCCI.
Maareeyaha dekedda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa shee gayi n xoolahan laga keenay sedexda gobol ee Jubaland dhammaantoodna ay yihiin lab, wuxuuna xusay in loo dhoofinayo dalka Masar.
Maareeyaha ayaa sheegay in uu si rasmi u furmay dhoofkii xoolaha nool ee deegaanada Jubaland, isagoo sheegay in arrintan ay tahay tallaabo hore loo qaaday ilbaab cusubna u fureeysa ganacsiga Jubaland.
Deegaanada Jubaland ayaa laga helaa lo’da ugu badan ee dalkeenna ayadoo dhoofka xoolaha nool ee ka bilowday dekedda Kismaayo ay fursad u tahay dadka xoolaleeyda ah ee ku dha qan Jubooyinka.
Xoolaha nool ayaa kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn dalkeenna, ayadoo xoolaha ka dhoofa Soomaaliya loo iibgeeyo Masar iyo qaar kamid ah dalalka ku yaal Khaliijka.
IMAARAADKA CARABTA OO LAGU XUKUMAY LABO NIN OO SOMALI AH OO TAAGEERADA DAACISH LAGU HELAY
Maxkamad ku taal Magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa la soo taa gay daraad labo nin oo Somali ah, kuwaasi oo loo haystay eedeymo la xiriira taageerada Kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq ka dagaalanta.
Labadan nin ayaa ku eedeysnaa inay Baraha Bulshada ku faafinayeen fikradaha Ururka Da acish, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay lahaayeen Websiteyo ay ku qorayeen wararka la xir iira Daacish.
Maxkamada ayaa sheegtay in la helay cadeymo rasmi ah oo muujinaya dhamaan eedeym aha loo soo jeediyay labadan nin kadibna, go’aan ay ka gaartay maxkamada.
Labada nin oo lagu kala magacaabo Cali Maxamuud Cali iyo C/raxmaan Maxamuud Cali, ayaa lagu xukumay min Shano sano oo xarig ah, sida qaadiga Maxkamada uu ku dhawaaqay.
Cali Maxamuud Cali iyo Cabdi raxmaan Maxamuud Cali ayaa u shaqeynaayey shirkad shid aalka ka ganacsata kana soo jeeda dalka Somaliya.Qaadiga Maxkamada ayaa sidoo kale amar wuxuu ku bixiyay in la xiro dhamaan goobihii ay u isticmaalayeen faafinta fekradaha la xiriira Uru rka Daacish.
Somali badan ayaa dalka dibadiisa loogu xukumay arimo la xiriira taageerada Kooxda Daac ish oo noqotay xilligaan kooxda Aduunka dhan uu hadal haayo ee dagaalka ka wada dalal badan.
PROFF AXMED ISMAACIIL SAMATAR OO XUBIN KA NOQDAY XISBIGA KULMIYE EE SOMALILAND
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku dhowaaqay inuu ku biiray xisbiga Kulmiye oo kamid ah xisbiyada ka jira maamulka Somaliland.
Axmed Ismaaciil Samatar oo muddo dheer macallin ka ahaa Jaamacadda Macalester ee Gobolka Minnesota horeyna ugu tartamay jagada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa sheegay in muddo labo sano ah uu ka fiirsanayay xisbiga uu ku biirayo latashi farabadana uu sameeyay kahor intii uusan ku biirin xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye.
"Dad baan la tashaday dibada iyo gudaha jooga muddo labo sanadood ah ayaan waday la tashigaas kadibna waxaan gartay in xisbiga kulmiye uu yahay meel aan ku biiri karo.”ayuu yiri Proff Samatar.
"Waxaan ku heshiinay inaanka qeybgalo talada iyo aragtida xisbiga iyo adkeynta xisbiga uuna noqdo mid u bisil ummada Somaliland oo dhan,”ayuu yiri Proff Samatar.
Aqoonyahankan Soomaaliyeed ayaa warkan ka sheegay magaalada Boorama oo ah halka uu ka soo jeedo, hase yeeshee Proff Samatar ayaan sheegin in uu yahay musharax madaxweyne.
Proff Samatar ayaa waxa uu kamid ahaa musharixiinta madaxtinimada dalka Soomaaliya sanadkii 2012, waxana uu hore uga mid ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Waqoyi ee aamin sanaa midnimada dalka Soomaaliya.
UGANDA: BOOB LAGU HAYO QALABKA XAFIISYADA EE URURADA CAALAMIGA AH
Dalka Uganda, sanadihii lasoo dhaafay ee dhowrka ahaa gaar ahaan 2dii sano ee lasoo dha afay waxaa dad aan heybtooda la garan la sheegay in ay boob ku hayeen oo usoo dhacayeen xafii syada heyadaha caalamiga ah ee halkaa kuyaala.
Dadkaa ayaa la sheegay inay ka xadaan ama ka xadayeen kombuyuutaro iyo qalab kale xaf iisyadaa.
Qalabka ilaa hada ay xadeen dadkaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ku kacaayo malaayiin doolar ka Maraykanka ah.
Ururo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah oo gaaraya tobaneeyo ayaa qalab laga xaday inta xafiisyadooda loo dhacay labadii sano ee tagay.
Dhawaan ururo 30 ka badan ayaa booliska dalkaa cabasho gaarsiiyay ah in arinkaa wax laga qabto.
CAYILKA WAA NAFAQA DARODARAASAD CUSUB
Nafaqadarada ayaa aduunka ku baahday, waxaana soo kordhay cayilka oo ah macluul, sida lagu sheegay daraasad cusub.
Qolada daraasadda sameysay oo la yiraahdo 2016 Global Nutrition Report ayaa sheegay in 44% wadamada laga sameeyay uu aad u hooseeyo heerka nafaqadarada iyo cayilka.Daraasaddan oo laga sameeyay 129 wadanka ayaa soo bandhigtay in sadexdii qofka mid kamid ah uu la ildaran yahay nafaqadaro.
Dhaqan ahaan nafaqadarada ayaa lala xiriiriyaa carruurta taas oo ku keenta cuduro kale oo macluusha keento.
Inkastoo horumar badan laga sameeyay sidii arintan wax looga qaban lahaa hadana waxaa jira caqabado badan oo caalamka ka heysta tirada sii kordheysa ee cayilka.
Tirada cayilka ee sii kordheya ayaa daraasadda lagu sheegay in meel kasta oo caalamka kamid ah ay ka dhacdo isla markaana aysan jirin gobol u gooni ah.
Boqolaal milyan oo ruux oo caalamka ku kala nool ayaa la daalaadhacaya nafaqadarada taas oo keenta buurida kuwaas jirkooda ay ka buuxsanto Sonkorta, Milixda iyo dhiigooda oo duxda ku badato(cholesterol) sida lagu sheegay daraasadda.Professor Corinna Hawkes, oo daraasadda la guddoomiye ka aheyd ayaa tiri ” Darasaada waxaa ay dib u qeexeysaa waxa uu aduunka u heystay nafaqadarada ".
” Nafaqadarada ayaa loolo jeedaa nafaqa xumo taas oo ah in qofkasta oo aan heysan nafaqo ku filan.
” Waxaa laga yaabaa in aad tahay ruux aad u dhuuban, oo aan jirkiisa hilin laheyn ama in aad tah ay qof aad u buuran amaba qof dhiigiisa ay Sonkorta u badan tahay taas oo keentay macaanka,” ayay tiri.
Dalal badan ayaa ku howlan sidii loo yareen lahaa dhibaatadan isla markaana hoos loogu dhigi cayilka inkastoo u aad u yar yahay wax ka qabashada dhibaatada cayilka oo sababta xanuuno uu kamid yahay cudurada wadnaha.
Xaqiiqada daraasaddan ayaa ah tirada carruurta ee da’dooda ka hooseyso shanta sano ee jirkoodu buuran yahay ay ku dhow yihiin kuwa miisaankoodu hooseeyo.
Dr Lawrence, oo kamid ah dhakhaatiirtii daraasadda sameyay ayaa yiri ” Hadda waxaa ku nool nahay duni nafaqadarada ay caadi ka tahay.
Daraaasadda ayaa ku talisay in lacagta siyaasiyiinta ay sheegaan in ay dhibaatada ku yare ynayaan hal doolar kasta oo kor loogu qaadayo heerka nafaqada ama barnaamijyada nafaqeynta uu u dhigmo 16 doolar oo lagu xaqiijinayo kuwa ka faa’ideysta barnaamijyadan. Xigasho: BBC
DONALD TRUMP OO SHEEGAY TIRADII UGU BADNEYD QAXOOTI SOMALI AH INAY KU BIIREEN DAACISH
Ninka la filaayo inuu noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka ee Donald Trump ayaa mar kale weeraray dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi.
Mr Trump waxa uu tilmaamay dadkii ka dambeeyay weeraradii ka dhacay Boston iyo San Bernandino inay ahaayeen dad magan galyo doon ah oo dalka Mareykanka u tagay inay ku noola adaan, balse ficilkaasi geystay.
Waxa uu soo hadal qaaday dadka Somalida ah ee ku nool dalka Mareykanka , isaga oo she egay tiradii ugu badneyd ee dad Somali ah inay ku biireen Kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq ka dagaalanta.
"Dadkii ugu badnaa Qaxooti Somali ah oo degan Minnesota ayaa Daacish ku biiray, Dadkii ka dambeeyay weerarkii Boston waxa ay u yimaadeen Mareykanka magangalyo doonnimo iyo Nin kii dilka San Bernandino weerarka ka geystay waxa uu ahaa nin dalka ku yimid Qaxootinimo.” Ayuu yiri Trump oo ka hadlaayay weerarkii Orland ka dhacay.
Taageerayaashiisa ayaa wuxuu u sheegay in dadka Muslimiinta halis badan ay ku hayaan ammaanka dalka Mareykanka, sidaasi awgeedna ay muhiim tahay in laga hortago.
Ninkaan hadalada aanan la gamban ayaa dhowr mar cadeeyay fekerkiisa ku aadan dadka Muslimiinta ah, iyadoo aysan aad u jecleyn dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi Mareykanka.
WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO SHEEGTAY IN DHOWAAN LA BILAABI DOONO QEYBTA RAASHIIN GARGAAR AH OO TURKIGA KEENA SOOMAALIYA
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee dowlada Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaarada iyo agaasimaha guud iyo sidoo kale qeyb ka mid ah gud iga ay wasaarada arimaha gudaha u xil saartay la socodka iyo qeybinta deeqdii gargaar ee walaal aha Turkiga ay ugu tala galeen dadka Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay raashiin noocyo kala duw an isugu jira oo laga dejiyay markabkaas laga dejiyay oo ku jira bakhaar ku yaala gudaha dekada Muqdisho,iyagoo sheegay in dhawaan qeybinta raashinkaas la bilaabi doono.
Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, oo ka mid ah gudiga ay wasaaradda arimaha u xil saartay la soc odka iyo qeybinta deeqdan gargaarka ah ayaa u mahadceliyay wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya isagoo sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in deeqdan sidii loogu talo galay dadka loo gaarsiin doono.
Wasiirdu dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa sheegay in markabka rashiinkii saaranaa la wada dejiyay wixii had aka dam beeyana uu bilaaban doono qorshaha lagu gaarsiinayo dadkii loogu talo galay.
Dhawaan ayaa waxaa magaaladda Muqdisho soo gaaray markab sida shixnad gargaar ah oo gaareysa 11,000 Tonnes( Kow iyo tan kun oo tan) oo dowlada Turkiga ay ugu talo gashay dad ka Soomaaliyeed kaas oo dejintiisa tobankii maalin ee la soo dhaafay ay ka socotay dekada weyn ee Muqdisho.W/D: Ibraahim Guudle
QARAX KHASAARE GEYSTAY OO CIIDAMADA AMISOM SHABELLAHA HOOSE LAGULA EEGTAY
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Mid owga Afrika ee Amisom qarax Khasaare geystay lagula eegtay Gobolkaasi.
Kolonyo ciidamada Amisom ah oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Deg mada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa qarax Miino oo aad u culus, waxaa lagula eeg tay Deegaanka Cadow Dibile oo duleedka Afgooye ku yaal.
Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa wuxuu qabsaday gaari ay saarnaayeen cii damo ka tirsan kuwa Amisom, iyadoo la soo sheegaayo in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen cii dankaasi.
Guddoomiyaha Deegaanka Mareerey Siidow Baalle oo goobta qaraxa uu ka dhacay tagay ayaa sheegay inuu arkay meydadka Askar ka tirsan Amisom oo ku geeriyooday qaraxaasi.
Ma uusan sheegin tiro rasmi ah oo ciidamada Amisom kaga dhimatay qaraxa, hayeeshe wu xuu tilmaamay inuu arkay askar dhimatay iyo kuwa dhaawacantay.
Qaraxa kadib rasaas ay fureen ciidamada Amisom ayaa la sheegay inay ku dhinteen labo ru ux oo shacab ah oo wadada dhinaceeda taagnaa.
Ciidamo Somali ah ayaa la socday ciidanka Amisom xilliga qaraxaan lagula eegtay Deeganka Cad ow Dibile oo ku yaal Duleedka Degmada Afgooye.
RAASHIN DHACAY OO LAGU QABTAY GAROONKA DIYAARADAHA MAGAALADA MUQDISHO
Taliyaha Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha ee Boliiska Soomaaliya Gen; C/laahi Xasan Bari ise ayaa sheegay in diyaaraddii siday raashinka dhacay ee ay qabteen ciidamada ammaanku ay ku sii jeeday magaalada Garbahaarreey ee xarunta Gobolka Gedo.
Generaal Bariise ayaa intaa ku daray inay raashinkan ay lahayd Hay’adda cunnada addu unka ee WFP, kaasoo ahaa mid ku raagay bakhaarro ku yaalla magaalada Muqdisho.
Raashiinkan ayaa isugu jira 100 shay oo kala ah galley,masaggo, caano boore iyo saliid ay aa ka mid ahaa gargaar ay Hay’addu horay ugu kaydisay Muqdisho,kaasoo dhaafay waqtigii istic maalka.
Ciidamada ammaanka ee Garoonka diyaaradaha magalaada Muqdisho ayaa gacanta ku ha ya mid ka mida shaqaalaha hay’adda WFP, kaasoo ay Boliisku xabsiga u taxaabeen.
MADAAFIIC DHOWR AH OO XALAY LAGA MAQLAYO MUQDISHO
Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu garaacay tiro madaafiic ah, kuwaasi oo geystay qasaarooyin kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in madfac ku dhacay guri ku dhow Hotelka Sayidka ee degmada Ho don ay ku dhaawacmeen tiro dad rayid ah, kuwaasi oo iyagu ku afurayay halkaasi.
Sidoo kale degmada Howlwadaag waxaa ku dhacday ilaa laba madfac, kuwaasi oo aan weli la sheegin qasaaraha ay geysteen.
Madaafiicda ayaa u muuqda kuwo lala raadinayo xarunta madaxtooyada Villa Somalia sidii horay u dhacday dhowr goor.
SHEYBAARKII U HOREEYAY EE XANAANADA XOOLAHA OO MUDDO SANADO KADIB DIB LOO FURAY
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Somalia iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho – ayaa Shalay si Wadajir ah Xarigga uga jaray Sheybaarka Dhexe ee Caafi maadka Xoolaha Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Dr. Maxamed Muuse Yusuuf oo ku hadlay magaca hay’adda QM u Qaabilsan cunnada iyo Be eraha ee FAO, oo goobta ka hadlay sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Wasaaradda xannaan ada xoolaha Somalia – ay ka gacan siiyaan qalabka loo adeegsanayo sidii loo hubin lahaa Caafim aadka Xoolaha Soomaaliya.
Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa wuxuu isagana goobta ka sheegay isagana in furista Sheybaarkan uu xaqiijinayo in la Hubiyo Caafimaadka Xool aha Soomaaliya ee Dibadda loo dhoofinayo.
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlada Somalia, Siciid Xuseen Ciid oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa tilmaamay in Xarigjarka Xaruntaan ay qayb ka tahay in lasoo celiyo kaalintii Sheybaarka Dhexe ee Xoolaha ee uu Dalku lahaan jiray.
Ugu dambeyn, Sheybaarkan ayaa wuxuu ahmiyad weyn ugu fadhiyaa caafimaadka xoolaha Soomaaliya, waxaana tani ay qeyb ka tahay qorshe Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DF ay ku Doonayso inay kor ugu soo qaaddo tayada Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.
MADAXWEYNE KU XIGEENADA IYO WASIIRADA JUBBALAND OO LA DHAARIYAY
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, waxaa shalay lagu dhaariyay Madaxweyne ku xigeenada Maamulka Jubbaland iyo xubnaha Golaha Wasiirada maamulkaasi.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta madaxtooyada Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dhaariyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland oo ka kooban Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Sheekh Cabdi C/raxmaan ayaa dhaariyay Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland.
Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay inaysan dhaarta aheyn wax sahlan oo qofka uu isaga dhaaranaayo isaga oo aanan shaqada uu ku dhaartay uusan ka dhabaneyn.
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ma dasha ka sheegay inay la imaan doonaan wax qabad muuqda oo ku aadan shaqada loo dhaariyay.
15kii bishii May ayaa wareegto ka soo baxaday xafiiska Madaxweyanaha Jubbaland Axmed maxamed Islaam waxa uu ku magacaabay Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland, isagoo 18kii isla bishaasi magacaabay wasiirada iyo kuxigeenada.
HAY’ADDA QATAR CHARITY OO AFUR WADAREED U SAMEYSAY ARDAYDA JAAMACADDA MUQDISHO
Afur wadareed ay iska kaashadeen jaamacadda muqdisho iyo hay’ada Qatar charity loona qabtay ardayda dhigata jaamacadda muqdisho ayna kafaala qaaday hay’ada qatar charity ayaa afur loogu sameeyay magaalada muqdisho.
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay madaxa arrimaha ardayda jaamacadda muqdisho us taad Maxamuud sheekh Cali oo sheegay in ardaydaan shalay afurka loo samaynayo ay yihiin arda yda ay sida goonida ah u kafaala qaaday dhanka waxbarashadooda hay’ada Qatar Charity.
Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay lataliyaha guddoomiyaha jaamacadda muqdisho ee arrimaha daraasaadka sare Dr. Sheekh Axmed Xasan (Qudubi) oo halkaa ka jeediyay kalimad ku saabsan faa’idada ku jirta bisha ramadaan iyo sida ay tahay in looga faa’idaysto.
Madaxa hay’ada Qatar Charity ee xafiiskeeda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Cumar ayaa u hambalyeeyay ardayda Jaamacadda Muqdisho xiritaanka sanad waxbarashadeedka jaamac adda muqdisho iyo hambalyada guud ee bisha Ramadaan wuxuuna u rajeeyay inay ka faa’Iday staan fursadan ay siisay hay’ada Qatar Charity.
Waxaa isna kahadlay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa u hambalyeeyay labada munaasabadood ee bisha Ramadaan iyo xiritaanka sanad waxbarashadeedka jaamacadda Muqdisho 20152016.
"Furitaanka Jaamacadda Muqdisho waxaa kow ka ahayd inay soo saarto hogaan dhamays tiran waxaadna ogaataan inaad tihiin hogaamiyayaashii markasta bulshada Soomaaliyeed u horse edi lahaa horumar dhan walba ah” sidaasna waxaa yiri Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar gudd oomiyaha Jaamacadda Muqdisho.
Ugu dambeyntii waxaa hab socodka barnaamijkii afur wadareedka soo xidhay sii hayaha safaarada dalka Qadar ee Soomaaliya wuxuuna hambalyeeyay ardayda Jaamacadda Muqdisho iyo hay’ada Qatar Charity howsha Qiimaha leh ee ay bulshada u hayaan.
RAMADAAN WAA FURSAD NAFTA LAGU BADALI KARO.
Ilaahay sarreeya waxa uu siiyaa dadka fursad wanaagsan sanad walba waana fursad uu ugu tal ogalay inay naftooda seeteeyaan oo ay baraan samirka, dulqaadka, iyo cibaadada, waana fursad uu qofku naftiisa ku layliyi karo si uu u sameeyo is badal, qofkuna hadii uu maalintiisa habaysan kari waayo ma habaysan karo bil iyo sanad toona haba sheegsheegto inuu wax habaysan karo, ama ha ku qorto waraaqo waawayn. Maqaalkaygan kaga hadli mayo axkaamta uu soonku leeyahay , wax aynuse ka eegi dhanka isbadalka.((Ilaahay ma badalo wax dad ku sugan yihiin Ilaa ay badalaan waxa naftoodu ku sugantahay))( AlRa,ad :11)
Waxaynu in badan raadinaa seminaaro iyo shirar la qabto oo aan kaga faa, iidaysanno sidii loo maamuli lahaa wakhtiga, sidii loo kobcin lahaa nafta, qorshe bileed, ama sanadeed sidii loo samayn lahaa, sidii nafta loo tarbiyadayn lahaa, iyo waxyaabo kale, inagoo mararka qaarna lacag ku bixi nna, laakiinse dadku ma oga in ay bisha ramadaan tahay fursad qaaliya oo mucjisaadkeeda aan la soo koobi Karin, Qalina aanu suurayn Karin, waa bil Ilaahay soo dajiyay hagaha iyo tusaha cad (Quraanka), waa bishii uu Ilaahay siiyay muuminiinta libta iyo guusha wayn, waa bishii ugu furashada badnayd taariikhda islaamka, waa bil Ilaahay albaabada jannada furayo, Kuwa naartana xidhayo, shayaadiintana la katiinadaynayo. Waa bil ay ku jirto habeen barako badan (Habeenka Qa driga). Habeenkaasoo u dhigmo 1000 bilood,waa bil qofka Ilaahay dartii u sooma isagoo rajaynaya abaal marintiisa laga dhaafayo danbigiisii uu galay.
Qofka wanaagsani waxa uu hadiyo jeer isku daya inuu naftiisa isbadal ku sameeyo hadiyo jeer, laakiin waxaa la isku dhaafay oo lagu kala tagay habka iyo dariiqa loo marayo isbadalka. Dad ku waxay hadiyo jeer doonaan inay isku badalaan si dhakhso ah kuwaasi waa kuwaan gaadhi Karin isbadal, kuwa isbedalka dhabta ah la yimaadaa waa kuwa u samra "Samraa sadkii hela”
Hadii aad doonayso inaad isbedel samayso su,aalahan si niyadsami ah uga jawaab
Yaad tahay? Maxaad doonaysaa? Habkeed u maraysaa waxaad doonayso? Maxaad u nosh ahay? Wadada saxda ah mahaysataa? Waa maxay dawrkaagu? Maxaad doonaysaa inaad gudbi so? Ma leedahay qorshe haba ahaado mid saacad leh ah? Maxaad doonaysaa inaad bishan Rama daan xaqiijiso? Ma jiraa Qorshe aad ka leedahay bisha Ramadaan?
Walaal markaad su,aalahaa si run ah uga jawaabto waxaad garan doontaa dariiqa sax ah ee la isku badalo. Isbadalkuna waxa uu ka yimaada waa gudaheena, sidaan u fikirno ayay noloshanu inoo ahaanaysaa.
Waxa jira hadaba dadyaw farabadan oo bisha ramadaan is yidhaah is badal la kaalay mise wa aba iyagoo ay naftu jiidanayso, shaydaankuna jahawareeriyay, Noloshuna ay jeel ku xidh ay.Lasoco Berrito inshaa allaah
W/Q:Abdilqani Albanna abdilqani@hotmail.com
HAMBALAYO DHALASHO
Dr.Cismaan Axmed Jimcaale, Dr.Maxa med Xuseen Axmed {Suufi}, Naasir Cali Cumar,Fowsiyo Sh. Xasan, Maxamed Xasan Xuseen {Anaale},Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto},Xaawo Axmed Jim caale, Madiino Axmed Jimcaale, Nuurto Cali Cumar{Nuureyso,Xamdi Cumar Xasan, Raxmo Maxa med Maxamuud {Lajecel},
Wado Cismaan Axmed Jimcaale, Xanna an Cismaan Axmed Jimcaale, Maxamed Cismaan Axmed Jicmaale {Maxamed {Carab} Qaalid Cusmaan Axmed Jimcaale, Munasar Cismaan Axmed Jimc aale, Nuuradiin Cali Cumar, Najiib Cali Cumar, Shukri Xaaji Xuseen Culusoow, Qaali Xa aji Xuseen Culusoow, Istaahil C/fitaax Maxamuud Salaad, Nuur Maxamed Cali {Nuur Qamadi}, Macallin Xasan, Cali Hindi, Axmeddey kurtun, Qadro C/laahi Cali Hagareey,Xaliimo Sacdio Dheekh Cimar ,Binti Cismaan Maxamed dhammaan bah a wargeyska mogadishu times waxaay Habalyo Dhalsho u dirayaan CABDI CALI XASAN {YUUBANE IYO SAFIYO AXMED ROOBLE {SHINO} oo WIIl ugu dhashay Arbaco 1da Juun 2016ka Wiilkaas oo loogu Magac darayCISMAANCIIL CABDI CALI XASANwaxaa ay leeyihiin alle haka dhigo kii soo bar baara oo dalkiisa diintiisa iyo dadkiiba anfac
Aamiin Aamiin Aamiin
SIDOO KALE WAXAA IYANA HAMBALYO DHALASHO
Abbe Axmed Rooble Hooyo Xaliimo Max amuud Cali, Adeer Dhicisoow Rooble,Habaryar Faadumo Maxamuud Cali,Abti yaalaha kala ah:Maxamed Maxam uud Cali,Axmed Maxamuud Cali, Cabdulle Maxamuud Cali {womaCaldo},Nuur Maxamuud Cali,Cumar Maxamuud Cali iyo Xaasas kooda iyo Carruurtooda ,Sidoo kale Maxamed Axmed Rooble, Mowliid Axmed Rooble,Ibraahin Ax med Rooble, Faadumo Axmed Rooble,Ubax Axmed Ro oble Xamso Axmed Rooble,Faa'iso Axm ed Ro oble, Shukri Axmed Rooble iyo Rax mo Axmed Rooble Dhammaan Reer Ax med Rooble waxaay HABLYO DHALASHO FARXAD LEH u dirayaan CABDI CALI XASAN YUUBANE IYO SHIINO AXMED ROOBLE OO WIIL ugu dhashay Magaalada Muqdisho Arbacadii hore ee 8-da Juun 21016-ka wilkaasoo loogu magacdaray CISMAANCIIL ayey waxaay leeyihiin allah haka dhigo kii soo bar baara oo waxtara Dalkiisa iyo Dadkiisa iyo walibana Diintiisa
Aamiin Aamiin Aamiin
HAMBLYO DHALASHO FARXAD LEH
Sidoo kale Waxaa Hambalyo taa la mid ah u diraya CABDI CALI XASAN {YUUBANE} IYO SHIINO AXMED ROOBLE oo Wiil ugu dhashay Magaalada Muqdisho, wiilka ifka ku soo biiray ayey Adeeradiis oo kala ah Adeer Cabdulle Cali Xasan,Adeer Ciise Cali Xasan iyo Adeer Dalmar Cali Xasan waxay leeyihiin kii soo Barbaara oo Dalkiisa ,Dadkiisa iyo Diintiisa Anfac Alle Haka Dhigo Cismaan Ciil Yare Adeer Soo Barabraay
Aamiin Aamiin Aamiin
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MaANTA OO AH ARBACO 15-KA JUUN 2016KA
MADAXWEYNAHA OO XILKA KA QAADEY TALIYIHII NISA, MAGACAABEYNA TALIYE CUSUB OO KMG AH Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxam uud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qa