Daawo: Xamza oo soo xiray cayaarihii ka socday Xamar – Yaa ku guuleystay Koobka?

0
Wednesday March 22, 2023 - 18:38:14 in Wararka by
  • Visits: 1638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xamza oo soo xiray cayaarihii ka socday Xamar – Yaa ku guuleystay Koobka?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

a’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta soo xiray tartanka kubadda cagta ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir oo sanadkaan ay koobka qaadeen cayaartoyda degaanka Gubadley ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u hambalyeeyey xulka deegaanka Gubadley oo ku guuleystay Koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir oo ka socday Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, isagoo guddoonsiiyey Koobka tartanka.

"Waxaan rajeynayaa in cayaaruhu ay dhallinyarada ka ilaaliyaan ku biirista fekerka xagjirnimada, ma shaqeyste-nimada iyo daroogada, jidka toosanna ku hagaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, kana tarjumaya qiimaha nabadda iyo is-dhexgalka bulshadu ay u leeyihiin horumarka caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.
Daawo: Xamza oo soo xiray cayaarihii ka socday Xamar – Yaa ku guuleystay Koobka?

Hoos ka daawo:-

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip