
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 21-KA MAARSO 2023-KA-
Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Suudaan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi, oo hoggaaminays ay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Ma dasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in maalgashadeyaasha reer Suudaan ay uga ban naan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran, iyadoo ay si gaar ah u caawineyso ga nacsatada Suudaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.
Hey’adda IMF oo shaacisay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka Deyn Cafinta
Hey’adda IMF oo shaacisay guul-weyn oo DF Soomaaliya ay ka gaartay deyn cafinta
Dhankeeda, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaash iga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axla am Madani Mahdi ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wa daagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-gal ka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSU DAN, waxa ayna xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaas oo danaynaya inay maal gashiga ku sameeyaan Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecada ha iyo maalgashiga, taas oo ay barbar socoto xoo jinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Suudaan waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaankun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka gala ya dib u dhiska iyo horumarka dalka
Golaha Wasiiradda XFS oo meelmariyey sharc iyo muhiim u ah Qaranka
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Dorraad guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciye edka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.
Sharcigan Golaha Wasiiradu ay meel mariyeen ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dal alka dhibaatooyinku ka dhacaan.
Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxya abihii u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran Lix dii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo la isla eegay qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin la haa meel kasta oo ay joogaan, isla markaana loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, si dowladn imadu u noqoto midku shaqaysa rabitaanka shac abka Soomaaliyeed.
Guddoonka Aqalka Sare oo soo saaray qora al uu ku xiray Kal-fadhiga 2aad ee Golaha
Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in uu Dorraad soo xir may Kalfadhiga labaad Aqalka Sare, kaas oo furmay 1-kii Bishii Nove mber ee sanadkii 2022.
Qoraalka oo uu ku saxii xan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqal ka Sare Cali Shacbaan ayaa lagu sheegay in kal-fadhiga 3aad ee Aqalka Sare uu furmi doono 20-ka Bisha May ee soo socota.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Golaha Aqalka Sare
Xarunta Gurmadka deg degga ah ee Puntland oo la dhagax dhigay
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibo oyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehEliyaan Wasiir ka Gar-gaarka Puntland Cabdullahi Cabdi Xirsi iyo Wasiirka Duu lista hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cu smaan Lugatoor ayaa si wada jir ah u dhagax dhig ay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Gob olleedka Puntland.
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa sheeg ay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmad ka deg degga, taas oo baahi wayn looga qabo dee gaannada Dowlad Goboleedka Puntland, Iyadoo Guddoomiyuhu uu dhawaan magaalooyinka Dhuu samareeb, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhaba ka soo dhagax dhigay Xurunta Gurmadka degdegga ah.
Sidoo kale, wasiirada ka socday Dowlad Gobo leedka Puntland oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta taas oo ay uga mahadcelinayaan Hay’adda maaraynta musiib ooyinka.
Ugu danbayn, GudDoomiye Maxamuud Maca llin ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Wasiirka Duulista Hawda iyo Ga roomada sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso Xar un loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee Puntalnd daggan
Beesha Caalamka Oo Deni Fartay Inuu Ka Qeyb Galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Sida lagu qoray barta Twitterka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah oo Dorraad la kul may Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay u caddeeyeen inay muhiim tahay in Puntand ay xaadirto shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran.
Arrintaasi ayey sheegeen in looga gol leeyahay si Puntland ay halkaas ugu gudbiso aragtiyadeeda ay uga qeybqaadanayso dadaallada mirodhalka ah ee loogu jiro dawlad-dhiska Soomaaliya.
Warkan ayaa yimid kaddib markii Madaxwe yne Deni, oo tabasho uu qabay darteed uga baa qday Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee todo baadkii hore Baydhabo ka dhacay, uu safar ugu baxay Nairobi, halkaas oo la sheegay inuu beesha Caalamka ugu gudbinayay mowqifkiisa ka maqna anshaha shirkaas.
Deni ayaa la filayaa inuu dhawaan ku qaabilo Garoowe madaxda maamulada Galmud ug,Hirsh abelle iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo Deni ka dha geysan doona tabashooyinkiisa, isagoo xaadiri doona shirka soo socda ee golaha wadatashiga qaran oo la qabanayo bisha May.
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleys tay Abaalmarin heer Caalami ah
Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guu leystay abaalmarin heer Caalami ah oo ay sanad walba bixiso hay'adda Central Banking ee fadhig eedu yahay dalka Ingiriiska.
Abaalmarintaan ayaa la sheegay in Bankiga dhexe es Soomaaliya uu ku muteystay hirgelinta hanaa nka lacag bixinta qaranka iyo waliba isku xirka dhamaan Bankiyada ka howlgala gud aha dalka So omaaliya.
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabd iraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in abaalmarintan ay ku timid dadaal dheeraad ah oo ay sameyeen howlwadeenada Bankiga dhexe, isl amarkaana horumar la taaban karo ka gaaray dib u dhiska hanaanka Maaliy adeed ee dalka.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdull aahi ayaa ka mahadceliyay abaalnarintaan ay gu ddoon siiyeen Bankiga dhexe ee Soomaaliya gud diga hay'adda Central Banking, isagoona sidoo kale xusay in Bankiga dhexe ee Soomaaliya ay ka go'an tahay ilaalinta xasiloonida hanaanka Maal iyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Hoos ka Akhriso Warsaxafadeed faahfaahsan oo kasoo baxay Bankiga dhexe ee Soomaaliya:-
DF
oo soo saartay go’aan culus oo saameyn aya isbitaallada iyo dhaqaatiirta
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya aya soo saartay war-gelin lagu ogeysiinayo bulshada in la xakamey doono daawooyinka qaar, kuwaas oo la ogaaday in dadka qaar ay u isticmaalaan hanaan qaldan, iyagoo ka dhig tay maan-dooriye ama balwad.
Qoraal dheer oo ka soo baxay was aaradda ayaa lagu sheegay in daa woo yinkaas ay dadka Soo maal iyeed ee qabatim aha u geysan karaan dhibaatooyin caafimaad, sidoo kale waxaa la ogaaday in daawoo yinkaan ay ka qeyb qaataan amni darrada.
Wasaaradda ayaa ku amartay isbitaallada dowlad da iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay soo diraan dha khaatiir loo tababaro sida loo xakameynayo daawo oyinkaas.
Sidoo kale khatarkii ama isbitaalkii ka hor yima ada go’aanka wasaaradda waxaa loogu hanjabay ga naax ama xabsi, iyadoo la cuskanayo xeerka ciqaab ta Soomaali yeed.
Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda oo dhameystiran:
Ayadoo laga duulayo waxyeelada caafi maad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo, kuwaas oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqab ka bulshada Soomaaliyeed.
Iyadoo la raacayo sida ku cad Sharciga mihnadla yaasha Qaranka Lr.31 Qodobad iisa 24aad, 25aad, 26aad iyo 27aad, waxaa si ku meelgaar ah loo diiwa angelinayaa dhaqtarka qori kara daawooyinka la xa kam eeyo iyo dawayaqaanka bixin kara daawoo yin kaas.
1) Si looga hortago si xun u isticmaalka Daaw ooy inka la xakameeyo (controlled Substances), Wasaa radda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dow ladda Federaalka Soomaaliya, waxay faraysaa dham maan Istibaalada Danta Guud iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadib dhaqtarkii buuxiya shuruudaha la gama maarmaanka u ah, Wasaaraddu waxay siin do ontaa diiwaangelin ku meel gaar ah ee laxiriirta qor ista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nid aamka qorista daawooyink aas (controlled Substan ces license).
Hadaba, dhaqtarkii qora Daawooyinka la xakame eyo asigoo aan haysanin diiwaangelinta qorista Daa wooyinka la xakameeyo, waxuu galay fal Dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo, si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliy eed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.
Sidoo kale Dhaqtarkii qora xaddi ka baxsan intii lo ogu talagalay daaweeynta xanuunka uu ka cabana yay bukaanka, kuna cadaato inuu u siiyay bukaanka dana kale, waxuu galay fal dambiyeed uu ku muta ysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharu ucda kale ee dalka u yaalla.
2) Si loo hubiyo bixinta iyo keydinta daawo oyinka la xakameeyo, waa in Isbitaal kasta soo gudbiyaa la bo Dawo-yaqaan ama labo xirfadle oo aqoon durugs an u leh bixinta iyo keydinta daawooyinka ubaahan in la xakameeyo, kadib marka ay soo buuxiyaan shur uudaha laga rabo wasaarad du waxay siin doontaa diiwaangelin kumeel gaar ah.
3) Si loo xaqiijiyo keydinta daawooyinka ay tahay in la xakameeyo waa in farmashiyaha ku yaala gud aha Isbitaalka uu lahaadaa qaanad leh quful iyo fure gaar ah oo ay masuul ka yihiin labada dawayaqaan ee u diiwan gashan Isbitaalka.
4) Dawa-yaqaanka ka shaqeeya farma shiyaha ku dhax yaalla Isbitaalka, waa inuu diiwaan geliyaa dha mmaan daawooyinka la xakameeyo ee uu siiyay bu kaanada loo soo qoray, si cadeynteeda looga heli ka ro markata oo uu kormeer u yimaado, haddii wax is daba marin ah lagu arko, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.
5) Qofkii lagu arko daawooyinka la xakam eeyo, asigoo aan haysan rajeeto uu soo qoray dhaqtar ruq sad u haysta qorista daawooyinkaas, waxuu galay fal dambiye ed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iy adoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soo maaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.
6) Dhammaan ganacsatada keenta daawooyinka ay tahay in laxakameeyo, waa inay ruqsadda khaas ah ka qaataan Wasaaradda Caafimaadka iyo Darye elka Bulshada, DFS.
Hadaba Ganacsadihii soo dajiya ama dhoofiya da awo kamid ah daawooyinka la xakameeyo asigoo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS, waxuu galay fal dambi yeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaal iyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala. 7) Was aaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada wa xay mamnuucday in lagu iibiyo dhammaan daawoo yinka la xakameeyo (controlled Substances) farma shiyayaasha tafaariiqda gada ayadoo aan oggolaan sho laga haysan wasaaradda, laga bilaabo 21/04 /2023.
Hadaba farmashiyihii lagu arko asagoo gadaya da awooyinka la xakameeyo, asigoo aan oggolaansho ka haysan wasaaradda, waxuu galay fal Dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.
Wasaaradda Caafimaadka waxay ku wargelinay saa dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka ee Dow lad Goboleedyada iyo Maamulaka Gobalka Benadir inay meelmariyaan wargelintaan iyagoo la kaashan aya hay’adaha amniga iyo ku Caddaaladda heerarko oda kala duwan si loo hirgeliyo wargelintaan oo muh iimd u ah ilaalinta Caafimaadka, iyo amni darrada bul shadeena ka haysata si xun u isticmaalka daawooyin ka ay tahay in la xakameeyo ee maanka dooriya.
Faahfaahin ku saabsan heshiiska cusub ee qaab-dhismeedka Amniga Qaranka
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaar aha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sharraxaad ka bix iyay heshiiska cusub ee qaab-dhismeedka amniga qaranka ee lagu gaaray Baydhaba.
Kamaal Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in he shiiskan uu daba socdo heshiisyadii April 2017-kii la gu saxiixay magaalooyinka Nairobi iyo London ee dal alka Kenya iyo Ingiriiska.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu mudnaanta ugu weyn siinayo ciidamada kala duwan ee Somalia, isla-markaana ay ku jirto tirada cusub ee la gaarsiinayo ciidanka.
"Heshiiska qaab-dhismeedka amniga qaranka ciidamadee na dhan ayuu kofor-gareynay aa ama uu u yahay saldhig,” ayuu yiri Kamaal Guutaale
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa sidoo kale tilmaamay in he shiiska lagu soo daray ciidanka Asluubta iyo kuwa Nabad Sugidda, halka uu markii hore ku koobnaa Booliska iyo Ciidanka Xoogga dalka.
Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in tirada la ga arsiinayo illaa 30,000 oo askari oo aysan ku jirin cii damada Cirka, kuwa Badda iyo ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska"Tirada ciidanka Xoogga dalka waxaa la’isla ga rtay inay ahaato ugu yaraan 30,000 oo ay ka baxsan yihiin ciidanka Cirka, ciidanka Badda iyo ciidamada gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ah,” ayuu markale wareysigaan ku yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaale Sidoo kale wuxuu raaciyay "Markii hore ciidankeena heshiiska waxa uu ahaa 18,000, Dorraad waxaan gaarsiinay 30,000 wax kalena ulama dan lihin waxaa Dorraad dowladda Soomaaliyeed ay xoo gga saareysa kala wareegida mas’uuliyadda amni ee ciidanka ATMIS”.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in qorsh ahan ay diyaarisay dowladda Soomaaliya, islamark aana askari kasta oo ka tirsan ATMIS ay beddali doo naan ugu yaraan sadex askari.
"Askari kasta oo ATMIS ah oo baxa askari beddali lahaa ugu yaraan saddex askari oo u dhigma in lagu beddalo ayaa innoo diyaar ah, waana ku soconaa tiradii loo baahnaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabe eyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Was aare Xamza.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab, waxayna sidoo kale dhanka kale ay ku howlan tahay dib u dhiska ciidamada qal abka sida ee Soomaaliya.
Maxkamadda CIIDAMADA oo dil ku fulisay Cabdir axman Cali iyo Yaasiin Maxamed
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Dorraad markale xu kun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan, kuwaas oo hor ay dilal u geystay, waxayna ka kala tirsanaayeen tali syada Booliska iyo Nabad Sugigdda ee magaalada Baydhaba.
Labada nin ayaa waxaa Dorraad lagu toogtay ca ra tuurka oo ah waqooyiga magaalada Baydhaba, wa xaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga.
Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sug naa shacab usoo daawasho tegay oo ay ku jireen ehe llada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay.
Waa toogashadii labaad oo 24 saac gudaheed ka dhaceysa Baydhaba, waxaana Dorraad magaaladaan lagu dilay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur.
Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qasaasta Marxuumaddii uu horay nolosha u dhaafiyay.
Sidoo kale Abaadir Isaaq Nuur ayaa isna waxaa lagu helay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Boolis ka, sida uu sheegtay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxka madda Ciidamada.
Maalmihii u dmabeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada dila lka toogashada ah, waxaana ugu dambeeyay qasaas tii lagu fuliyay Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaal ow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo lagu helay la shaqeynta
kooxda Al-Shabaab.
Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tii rka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jam aal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.
Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowla dda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana suga ya in la geeyo tiirka cadaa ladda, maadaa ma la xukumay.
Xildhibaanada faderaalka ee tagay Laascaano od iyo ujeedkooda
Wefdi xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlama anka Federaalka ee Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka Sool ayaa Dorraad gaaray magaalada Laasacaanood oo tan iyo 6-dii bishii hore uu ka socday dagaal u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidamada jamhuuriyadda isk eed ugu dhawaaqday madax ba nnaanida ee Somaliland.
Xildhibaannadan oo uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdu llahi Cali Timacade ayaa sheegay inay Laasacaan ood u tageen u kuurgalidda xaaladda ka taagan halkaas.
Waxa ay Habeen hore kulamo la qaateen isimada gacanta ku haya magalaadaas.
Muxuu yahay ujeedka socdaalkoodu?
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay in ujee ddada ay u tageen Laascaanood ay tahay in deeg aannadaas ay ku matalaan baarlmaanka Soomaa liya isla markaana loo baahanyahay xilliyada uu goluhu fasaxa ku jira in mas’uul kasta oo ka tirsan baarlamaanka uu booqdo deegaannadiisa.
"Hadda maadaama magaalada dadkii lahaa ay ka talinayaan oo "maamulka Somaliland ay ciidam adiisu bannaanka ka joogaan” dee in aan meeshii tagno maadaama goob-colaadeed ay noqtay oo hantidii iyo dhaqaalihii oo dhan la burburiyay, ma rka waa in aan soo ogaanno xogta si hadhow loo gu celiyo warbixinta golayaasha,” ayuuyiri Senator Timacade. Wuxuu sheegay in magaalada Laasca anood ay ku dagaallameen ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka isla markaana laga saaray ciidamada Somaliland kuwaas oo sida uu sheegay hadda bannaanka kaga soo rido maalin walba ma daafiic.
Xildhibaannada iyo Senatarada deegaannada as ku matala baarlamanaka federaalka Soomaali ya ayuu sheegay in muddo 15 sano ka hor ay ugu dambeysay halkaa. Senator Timacade ayaa tagit aankiisa Laascaanood ku tilmaamay mid uu aad ugu faraxsanyahay muddo dheer kadib.
Wefdigan ayaa tagay Laascaanood xilli ay halkaa colaad ka taagantahay
Mar BBC-du waydiis ay guddoomiye kux igeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade in safarka isaga iyo xubnaha kale ay ku tageen Laasacaanood ay wax ka ogyihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaaa uu ku jawaabay in aaney qasab ahayn in ay la socdaan iyo in kale. Wuxuuna yiri:"Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ma da xweynaha midna inuu la socdo qasab maaha nina fasax ugama qaadanayo deegaanke yga,".
Wuxuu intaa raaciyay, "haddii talo la iga way diin lahaa xaaladda Laascaanood Somaliland ciid ankeeda ha la baxdo kadibna wadahadal ha yimaado,".
Xildhibaannada iyo Isimida dhaqanka gobolka
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay in mag aalada Laascaanodo dadka ku nool ay aaminsan yihiin in Soomaaliya ay ka tirsanyihiin isla marka ana ay hoostagaan dowladda federaalka Soom aaliya isaga qudhiisuna uu sida aamainsanyahay.
Mgaalada Laasacaanood waxaa ka taagan colaad socota muddo bil ka badan waxaana ku dhintay tiro badan oo dad ah kuwa kalana way ku dhaawa cmeen halka kumannaan kalana ay ku bar akaceen.
Sidoo kale waxaa burbur weyn soo gaaray dhimayaasha magaalada iyadoo uu yaraaday dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee magaalada.
Dadaallo nabadeed oo ay horuumad u ahayd dowladda Itoobiya isla markaana xabad joojin lagu dhex dhigayay dhinacayada halkaa ku dagaallam aya ayaa u muuqda ilaa iyo hadda kuwa aan hir galin.
IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta
Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib-u-eegista 5aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeyn ta Maaliyadda iyo deyn Cafinta Soomaaliya.
Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixinta ay soo saartay waxa ay ku sheegtay iya da oo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cun no yari, haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn Caf inta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda Dowladdu ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.
IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka Kharashaadka la ga maarmi karo, iyada oo xoogga saaraysa arr imaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arri maha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerar ka Maamulka Canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadida dakhliga dalka.
Sidoo kale, IMF ayaa bogaadisay Baarlamaan ka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo Hufnaanta dhaqaalaha.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Ma xamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Bar naamijka ECF ee Deyn Cafinta Soomaaliya."Waxa aan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in Dowladda Soomaaliya ay horu mar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soo maaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kaddib shi rar ka -fool- ka -fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Add uunka,”.
Dowladda Soomaaliya Waxaa ka go’an ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna tan iyo inta laga gaar ayo barta Kama dambeysta ah ee Deyn-Cafinta oo aan dhawaan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaa liya, Dr. Cilmi M. Nuur.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa inay gaarto barta loogu magac daray "kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhammaystiran
RUN MIYAA? MA OGI. NO. 554 CALASEY CABDULLE AYAA
TIRI:FAALLO
Run miyaa? Ma ogi. No. 554 Calasey Cabdulle ayaa tiri:
Ka hor intaan Dowladii Kacaanku ka dhisin Ta aladaan, waxaa Goobta ku yiil Taalo yar oo ka ko oban 3 Dhagax oo waa weeyn oo Hal Dhagax isku ah iyo Beer yar oo lagu nasto.mana jirin Cid isku herysatay. Markii la dhisay Taaladaan cusub ayaa waxaa Bilaawday is qab qabsi Taariikhdii lagu be delay.Sawirkii Muqaal ahaa u ekaa Dadkii dee gaanka ayaa si kale loo bedelay. Dhinacee laga fi iri karaa? Kacdoon dhagax la tuurayo, yaa sam eey karo.Haddii isti cmaar xoog leh lala dagaalamayo. Waxaa Dagaalami karo:
1.Dadka deegaa nka Qof ah, oo Sad dax fursadood heey sto.
a) Guri uu gadaal ugu cararo.
b) In uu gadaal ku ogahay qaraabo badan oo deegaanka joogto oo u soo gurmanee.
c) in uu jiro Rabitaan iyo Geesinimo. 2.Sida ka muuqato Sawirka Asalka ah ee Taalad da Dhagax tuur, Dharka uu xiran yahay Qofka Taaladda saaran waxa uu muujinaa Dhaqanka Dadka deegaanka. Caadiyan Qof marka uu tago deegaan uu ku Cusub yahay, kama qeyb qaato Dagaaladda, waxa uuna u labistaa hab ka duwan dhaqanka si uu ugu ekaado Dadka Ajnabiga ah
.Halka kuwa deegaanku ey dhowraan Hab dha qanka iyo Dhar xirashada Deegaanka.
(F.S: 1aad) 3.Berya haan waxaa soo bat ay in Abtirsigii (( Haly eeygaa oo u taagan Dhamaan Dadkii Som aliyeed ee Maalintaa ka qeyb galay Daga alka)) , in loo bedelo Shakhsi gaar ah oo aan la Aqoon, dharkiina laga bedelay, loona eke eysiiyay Dhalinyarada Dorraad ee aan la Socon Taariikhda Dhagaxtuur.
(F.S: 2aad) Taariikhda yaan laga been sheegin,
Yaan la kala bililiqeeysan.Ha loo daayo Dadkii Go ob joogga ahaa kuwoodii Run sheegga ahaa Wixii laga soo min guuriyay iyo Dadka Taariikhda bar tay sidii ey isagu xirxiraan Dhacdooyinka Taari ikhiga ah.
Intaa ayey ku soo koobtay Calasey Cabdulle. Run miyaa.Ma ogi.
QORE:-YAHYA AMIR ..
Somaliland oo 18 qodob kasoo saartay dagaalka Laascaanod
Somaliland ayaa Dorraad war cusub kasoo saar tay xiisadda dagaal ee weli ka taagan magaalada La ascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo u dhe xeyso ciidamada milatariga maamulkaasi iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC.
Guddigii uu Golaha Wakii lada Somaliland u xil-saareen arrinta Laascaan ood ayaa maalmo kadib soo gabagabeeyay xog uruurintooda ku aadan arr inta magaalada Laascaanood..
Qoraal kasoo baxay guddiga oo ka kooban dho wr bog ayaa soo saaray 18 qodob oo la xiriira dag aalka Laascaanood, waxayna ka dalbadeen Golaha inay qaraar kasoo saareen.
Halkan hoose ka aqriso:-
In mar kale laqaato Lana dhaqan galiyo xabad joojin Deg-deg oo bilaa shuruud ah, si looga baaqsado sii socoshada khasaaraha dagaalka.
In dhamaan Golayaasha Qaranka, Waxgaradka, Culi mada, Ganacsatada iyo bulshooyinka kala duwani u guntadaan soo afjarista colaadaasi iyo sidii wada hadal midho dhal ah looga gaari lahaa.
In la soo dhaweeyo Cid walba oo ka qayb qaadan karta xal u helista laas-canood, sida bulshada caala mka wadamada jaarka, kuwa gobolka iyo daneeyay aasha kale
In Goluhu ugu baaqo kooxaha hubaysan ee ka soo duulay deegaanada ka
baxsan xuduudka Somaliland ee ka dagaalamaya Laas-Caanood in ay sidaugu dhakhsaha badan uga baxaan.
In Goluhu ku taageero ciidanka Qaranka sugida xuduudaha iyo difaaca Qaranka.
In Goluhu ka qayb qaato taakulada dadkii muwaadi niinta ahaa ee ku
barakacay dagaalka ka socda magaalada laasca anood, isla markaana u soo jeediyo hay’addaha Qar anka iyo kuwa ka shaqeeya Arrimaha bini’aadantin imada in ay gargaar gaarsiiyaan iyada oo la raacayo hanaanka qorshaysan ee Qaranka.
In Goluhu Dar-dargaliyo wax kasta oo xoojinaya midnimada iyo wada jirka Qara nim ada Somaliland.
In Goluhu xukuumada u soo jeediyo in khaladaadkii maamul ee ka dhacay laascaanood ay noqdaan ku wo wax laga barto, si aanay mar danbe inoogu dhicin qaladaad noocan oo kale ah oo hagardaameeya Qaranka.
In, iyada oo la fulinayo heshiisyadadii hore ee la galay iyo baahiyaha guudee yaala, dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka.
In laga fogaado hadalada nacaybka ah ee sii kala fogaynaya qaybahabulshada ee la isku marinayo baraha bulshada (si waafaqsan xeerka ciqaabta gu ud qodobadiisa 444, 328aad, 221aad iyo 215aad)
In laga heshiiyo muranka doorasho ee hada taagan, si looga baxo khilaafaadka siyaasiga ah.
In xukuumadu shaaciso dadka ay u qabato falalka argagixiso iyo danbiyada abaabulan.
Adkeynta mas’uuliyadda baarlamaanaka si loo xooj iyo dimuqraadiyadda,kor u qaadida, ilaalinta iyo dhii rigelinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha, taageero wada hadalka, dhiirigelinta xallinta khilaafaadka guda ha, qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maar maanka ah si loo xoojiyo midnimo qaran iyo gorgor tan nabadeed oo dhex mara bulshada iyo hogaanka dhaqanka, Wax-garadka Sool iyo Xukumadda Somal iland.
Waxay hoosta ka xariiqaysaa in caqabadaha dha qan dhaqaale, kororka dhalinyarada iyo isbadelka ci milada ay sababi karaan xasilooni darro bulsho. Hay’ addaha ku shaqada lihina ay ka qaataan doorka ka khuseeya.
Waxaa inagu waajib ah ka hortaga faragelinta shi sheeye ee khatarta kuah, midnimada, nabadgelyad da, Israacsanaanta dhuleed, Madax- bannaanida iyo dawladnimo Somaliland. Sidaa awgeed waa in gol uhu sameeyaa xeerarka lagu ilaalinayo xuduudaha Badda, Berriga iyo Hawadda (si waafaqsan Qodbka 38aad farqadiisa 4aad xarafkiisa "B” ee Dastuurka.
Waxay u soo jeedinayaan bulshada caalamka iyo dalalka dunidu inayaqoonsi buuxa siiyaan sooma liland.
Waxay u soo jeedinaysa Golaha wax ka bedalka iyo kaabista xeerka llaalinta anshaxa iyo nabad galyada guud iyo xeerka cüdanka booliska, iyo
Curinta xeerka ciidanka qaranka iyo xeerka la daga alanka argagixisada.
In Golaha Guurtidu qaataan Doorkooda nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka guda ha.
Soomaaliya oo wada qorshe cusub oo lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa TikTok
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qor she lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa aalladda TikTok, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Maareeyaha Guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qar anka (HIQ) Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa kulan foga an-arag ah la qaatay Madaxda TikTok u qaabilsan xiriirka dowladda ee dalalka Afrika.
Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay tall aabooyinka ay labada dhinac iska kaashan karaan ee lagu hakin karo in TikTok lagu faafiyo wararka argagixisada, sida ay shaacisay HIQ.
Maareeyaha iyo madaxda TikTok ayaa sidoo kale lafa-guray sidii dadka Soomaaliyeed ee isticma ala madashaas ay uga heli lahaayeen xog sugan oo waafaqsan qiyamka, anshaxa, iyo shuruucda dalka.
Maareeyaha guud ee HIQ ayaa sheegay in siyaas adda TikTok-ga ee ku wajahan Soomaaliya la wa afajiyo shuruucda dalka sida: sharciga isgaarsiinta qaranka, sharciga saxaafadda iyo shuru ucda kale ee saameynta ku leh adeegyada TikTok.
Hay’adda Isgaarsiinta iyo TikTok ayaa ugu dambeyntiina isku afgartay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan ka warbixinta iyo hoos u dhigista warbixinnada sharci-darrada ah ee ku jira madasha TikTok ee aan waafaqsanayn habraaca ilaalinta bulshada.
Dowladda federaalka ayaa hore si dag uga had ashay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baa hiyo TikTok, ayada oo uga digay dhallinta in ay ka fo gaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya.
Waxaa dhowr jeer maxkamadaha dalka kasoo mu uqday dhalinyaro aalladan kusoo bandhigay muuq aalo ay iska duubeen iyo waxyaabo ka hor imanaya shuruucda dalka
Somaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiis ay ku qabatay LAASCAANOOD
Somaliland ayaa maxkamad saartay tiro maxaa biis ah oo ay ku qabatay dagaalka ka socda magaa lada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo loo gudbiyay xabsiga Mandheera ee ku yaalla gu daha magaalada Hargeysa.
Ragga kasoo muuqday maxkamadda ayaa gaar aya illaa 9 nin, kuwaas oo lagu soo eedeeyay qodo bada 184, 185, 187-aad ee Xeerka Ciqaabta Soom aaliyeed, kuwaas oo dham maan ka hadlaya in ay Khi yaano-Qaran sameeyen, cadowna ay lasoo safteen.
Sagaalka nin oo haatan loo gudbiyay xabsiga Ma ndheera ayaa Somaliland waxa ay ku xukuntay dil to ogasho ah, sida ay caddeynayaan dukumintiyo lagu baahiyay Intenet-ka.
Sidoo kale waxa ay Somaliland shaacisay maga cyada ragga la xukumay ee lagu qabtay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay aagga xerada Goojac ade ee Laascaanood.
Maxkamadda ayaa xukun dilka ah ee ay ridday u cugsatay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsadaan dowlad gobaleedyada ka jira iyo dowwladda federaalka Soomaaliya, kaas oo xili hore la qoray, isla-markaana illaa haatan lagu dhaqmo.
Tallaabada ay qaaday Somaliland oo uga sii dare ysa xiisadda Laascaanood ayaa kusoo aadeyso, ay ada oo Dorraad waxgaradka SSC ay ku eedeeyaan Somaliland in ay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga duleedka magaalada Laascaanood.
Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadani mada ay ula dhaqmeen maxaabiista, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay
"Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayee na waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxam ed Xasan Falaalug.
Si kastaba, Laascaanood ayaa waxaa bil ka bad an ka socda dagaallo qaraar oo sab abay dhima shada boqolaal qof iyo dhaa wac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah.
Somaliland oo beenisay in ay dil ku xukuntay ma xaabiistii lagu qabtay dagaalka Laascaanood
Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa beeniyay in maxkamad la geeyay ama la jidh dil ay, qaar kamid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dag aalka Laascaanood.
Agaasimaha Waaxda Fulinta ee Koomish anka Xu quuqal Insaanka Somaliland Cabdiqani Sacad Xas an, ayaa beeniyay in ay jiraan maxabiis maxmad la geeyay ama la jidh dilay.
"Waxa jira warar been abuura oo laysla dhexma rayay oo ahaa in max kamad la geeyay maxaa biista qaark ood ama jidh dil loo gaystay, may jirin cid maxkamad la geeyay" ayuu yidhi Sacad kadib booqasho uu koomiishanku ugu tagay maxaabiista.
Waxa uu sheegay in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmay isla markaana uu caafimaad koodu aad u fiicanyahay, oo ay sheegeen in loola dhaqmay si lamid ah sida maxaabiista kale.
"Guud ahaan waxay noo sheegeen maxaabiista asi in ay habla-dhaqanka iyo sida loo hayaaba tahay sidii ugu wanaagsanayd, waxay noo sheegeen in xa aladooda caafimaad ay 100% tahay, inkasta oo qaarkood xasaasiyad ka cabanayeen kuwaana dha khtarkii ayaanu tusnay" ayuu yidhi Sacad.
Afhayeenka Guddida 33-ka Cabdirisaaq Max amed Xasan Falaalug, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay dishay maxaabiistii ay ku qabatay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhaca Laascaanood.
Heshiis muhiim ah oo ay gaareen Ciraaq iyo Iiraan, xilli Shiinaha uu galaangal xooggan ku yeeshay Bariga Dhexe
Xafiiska ra'iisul wasaaraha waddanka Ciraaq iyo Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee waddanka Iira an ayaa shaaciyay bayaan ay wadajir u soo saareen, kaas oo ay ku sheegeen in Ciraaq iyo Iiraan ay kala saxiixdeen heshiis looga gol-leeyahay in lagu sugo "amniga xuduudaha".
Warkan ayaa la shaaciyay kaddib markii Cali Sham khani oo ah xoghayaha golaha amniga qaranka ee Ii raan uu waddanka Ciraaq ku maray safar uu ku bixi nayay gobolka.
Bayaankan ka soo baxay Iiraan iyo Ciraaq, ayaa lagu sheegay in heshiiskan amniga uu dhigayo in la iska kaashado ilaalinta xuduudaha ay wadaagaan labadan dal ee dariska ah. Si kastaba xaalku ha aha adee, weli lama shaacin faahfaahin intaasi dheer oo la xiriirta heshiiskan lagu ilaalinayo laguna sugayo ammaanka xuduudda labada dal.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Iira an, "Dikumintiga iskaashiga amniga ee wadajirka ah, kaas oo laga wadahadlayay oo la isweydaarsaday dhowr bilood, ayaa waxaa saxiixay saraakiisha ugu sarreysa ee amniga" ee labada waddan.
Sida lagu sheegay wararka, Mr. Shamkhani ayaa u ambabaxay dalka Ciraaq isaga oo ay la socdaan waf di ay ka mid yihiin "Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, kuxigeenka arrimaha dhaqaalaha ee wasaaradda arrimaha Dibadda iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha di badda ee wadammada dhaca Gacanka Persia".
Mr. Shamkhani ayaa sidoo kale todobaadkii hore safar ku tegay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ka hor inta uusan soo gebagabayn heshiiska lagu soo celinayo xiriirkii dalkaas kala dhaxeeyay waddan ka Sucuudiga, dedaalladaas oo ay garwadayn ka aheyd dowladda Shiinaha.
Hasayeeshee lama sheegin in heshiiskan ay do wladda Shiinaha ku lugleedahay iyo in kale.
Dhowrkii sanno ee la soo dhaafay Iiraan ayaa si isdaba joog ah duqeymo cirka ah ugu bartilmaamee dsanaysay deegaano ka tirsan gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq. Dowladda Ciraaq iyo mas’uuliyiinta go bolka Kurdistan ayaa marar badan dhaleeceeyay weeraradaasi. Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in dhinacyada Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda Jamhuu riyadda Isla amiga ah ay deegaannada xadka Iiraan iyo gobolka ka gaystaan weerarro, islamarkaana ay hurinayaan dibadbaxyo ka dhaca gudaha waddanka Iiraan.
Xiisado sii kordhayay bilihii la soo dhaafay
Bishii Diseembar ee sanadkii tegay, Xuseen Amir-Cabdullahian, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaa miga ah ay kulamo la yeesheen saraakiisha amma anka ee Ciraaq, wuxuuna sheegay in dowladda Cira aq ay "ka go’an tahay” inay "hubka ka dhigto” kooxa ha mucaaradka ku ah Iiraan sidoo kalana ay ka fogayso xuduudda Iiraan.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, dawladda Ciraaq ayaa dhankeeda bayaan ay soo saartay ku sheegtay in "ciidamada Ciraaq ee ilaaliya xuduudaha Ciraaq ay u daadguraysay xuduudaha Iiraan iyo Turkiga".
Waqtigaas, sarkaal sare oo ka tirsan Kurdistaanta Cir aaq iyo sidoo kale lataliyaha sare ee xiriirka dibadda ee dawladda Ciraaq oo ka qeybqaadanayay geeddi-socodkii wadahadalka Tehraan ee Erbil iyo Baqdaad, oo la hadlay Nafisa Kohnoord, oo ah weriyaha sare ee Bariga Dhexe uga soo warranta BBC Farsi, ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ciidamada ilaalada u dirtay xudduudaha Kurdistan.
Waxay u xaqiijiyeen in Ciraaq iyo Iiraan ay ka wa dahadleen arrinta amniga xadka oo kaliya, taas oo ka duwan hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Jam huuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxaanay ay dha nkooda ku nuuxnuuxsadeen in arrinta hub ka dhig ista dhinacyada Kurdiyiinta Iiraan aanan la iskula soo qaadin shirarkii Baqdaad iyo Erbiil.
Iran ayaa "argagixiso” ku tilDorraady kooxaha Kur di yiinta ee ka soo horjeeda Jamhuuriyadda Islaa mi ga ah, waxaana ay marar badan xarumahooda ku be egsatay weeraro gantaallo ay u adeegsatay oo ay dad badan ku dhinteen. XIGASHO:-BBC
Bannaanbax ka ka Dhacay Magaalada Nairobi & Ciidamada oo adeegsaday Sunta dadka ka ilmeeysiisa
Waxaa Dorraad meelo kamid ah dalka Kenya ka billa awday Bannaanbaxyo waaweyn oo ay dhigay aan taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka dal kaas Raila Odinga oo ka careeysan doorashadii loo ga guuleystay hoggaamiyahooda & qiimo kororka ku yimid maciishada noocyadeeda kala duwan ee dal kaasi Kenya.
Goobaha ay bannaanbaxyada ka socdaan ayaa waxaa kamid ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin Soomaali faraba dan, waxaana uu saameeyay Ganacsigooda oo mee laha qaar xiran.
Dadka bannaanbaxa dhigaya ee ah taageerayaa sha Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya ayaa taayaro ku gubaya waddooy inka, iya ga oo meel aha qaar dhagx aan kujaray, waxaana ba nna anbaxyada ay noqdeen ku wo ra bshado wata.
Ciidamada Booliska Magaalada Nairobi ayaa dhan kooda bilaabay inay bannaanbaxayaasha u adeegsa daan Sunta dadka ka ilmeeysiisa, iyada oo Warabah inta Kenya qaarkeed ay Dorraad siwyen u tebinay aan bannaanbaa.Hogaamiyaha mucaaradka Ra ila Odinga ayaa ho ray u iclaamiyay bannaanb axa, waxaana laga cabsi qaba inay xoogeystaan oo ay isku bedelaan rabsh ado, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nolosha dadka Shacabka ah.
Ciidamada Booliska Kenya ayaa xiray qaar ka mid ah abaabulayaasha dibadbaxyada, waxaana dad ka la xiray kamid ah; Hogaamiyaha aqlabiyada Sen ate-ka Stewart Madzayo, hogaamiyaha laga tirada badan yahay ee baarlamaanka qaranka Opiyo Wan dayi iyo hal hogaamiye oo kale oo dumar ah.
Qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa walaac ka muujinaya sii socoshada ba nnaanbaxyada, iyaga oo u baqaya in uu ka xirmo Ga nacsigooda maadaama qaxooti ay ku yihiin halkaas.
Dhul-gariir dhimasho badan oo ku dhuftay dalka Ecuador
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.7 uu ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador. Dhismayaal ku yaal magaalooyin dhowr ah, ayaa burburay markii dhulga riirku dhacay abaaro duhurni madii waqtiga maxalliga ah ee dalkaasi, oo ku bee gan (17:00 GMT). Gob olka koonfureed ee El Oro, ayaa ah kan ugu daran, waxaana ku dhintay 12 qof, sida ay masuu liyiintu sheegeen.
Waqooyiga dalka Peru, ayaa laga dareemay dhul gariirka, iyo gabar 14 jir ah oo ku dhimatay Tumbes, oo ku taal xuduudka, markii gurigeeda uu dumay.
Dalka Ecuador, Machala iyo Cu enca, ayaa ka mid ahaa magaalo oyinka uu burb urka soo gaaray dhismayaal iyo gaadiid, iyadoo kooxaha gurm adka ay u gurm adeen dadka.
Xuddunta dhul gariirka, ay aa ku dhow Balao, oo qiyaastii 80km (50 mayl) u jirta magaa lada labaad ee ugu weyn Ecuador, ee Guayaquil, hal kaasoo ay ku nool yihiin illaa saddex milyan oo qof.
"Waan ka cararnay guriga,” Exon Tobar oo degg an Machala, ayaa u sheegay BBC. "Dhulku – waxaa ka dhax qarax aad u xooggan – wuu gariiray, wuxuu na sameeyay fiilooyinka korontada, daaqadaha, iyo wax walba.
Madaxweyne Guillermo Lasso, ayaa ka codsad ay dadka dalka Ecuadore inay isdejiyaan, iyadoo sar aakiishu ay qiimeynayaan khasaaraha. Waxa uu si doo kale booqday isbitaal ku yaalla magaalada Mac ala, si uu ula kulmo qaar kamid ah dadka dhaaw acmay.
Dowladda ayaa sheegtay in in ka badan 250 qof oo dhaawac ah lagu daweeyay magaalada Pasaje, ee gobolka El Oro, ku dhawaad dhammaan dadkaas ina ugu dambeyntii laga saaray isbitaalka.
Wadooyin dhowr ah, ayaa go’ay, kuwaasoo ay sa ameeyeen dhul go, halka dhowr guri, dhismayaal wa xbarasho iyo xarumo caafimaad ay waxyeelo soo gaartay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhin tay magaalada Cuenca ee gobolka Azuay, kaddib markii uu darbi ku soo dumay gaarigii ay wateen, hal ka saddex qofna ay dhinteen, kaddib markii taawar kaamerooyinka ammaanka ay ku soo dhaceen jasii radda Jambelí, ee gobolka El Oro.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dhulg ariirkan laga dareemay dhowr magaalo oo kale, sida Manabi, Manta iyo caasimadda Quito.
Waa dhulgariirkii ugu xooganaa ee ku dhufta Ecua dor tan iyo sanadkii 2016, markaasoo dhul gariir dha cay ay ku dhawaad 700 oo qof ay ku dhinteen kuman aan kalena ay ku dhaawacmeen.
WARARKII UGU DAMBEEYEY EE WADA-HADALLO XASAASI AH OO U SOCDA FALASTIIN IYO ISRAEL
Mas’uuliyiin ka kala socda Israa’iil iyo Falastiin ayaa Dorraad ku kulmay magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, halkaasi oo ay uga qeyb-galayaan wada-hadal nabadeed oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Masar.
Wada-hadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Mareykanka iyo Jordan ay taageerayaan oo lagu doonayo in lagu qab oojinayo rabshadaha ba’an ee ka socda Daanta Galbeed kahor inta aysan dhalan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Shirkan oo shan geesood ah ayaa daba socday shir-madaxeedkii Maraykanka uu garwadeenka ka ahaa ee 26-kii bishii February ka dhacay dalka Urdun, kaasi oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah mud do sanado ah.
Waxaa lagu xaqiijinaya ballan-qaadyada Israel iyo Falastiiniyiinta ee ah in ay xaaladda qaboojiyaan balse waxaa ka soo horjeestay kooxaha labada dhin ac oo ku guul-dareystay inay joojiyaan rabshada ha dhulka.
Kulanka Sharm el-Sheikh "ayaa ujeedkiisu yahay in lagu taageero wada-hadalka u dhexeeya dhinacyada Falastiin iyo Israa’iil si looga shaqeeyo joojinta falalka hal dhinac ah iyo sii kicinta, iyo in la joojiyo wareegga rabshadaha ee socda lana helo xasillooni”, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dib adda Masar."Tani waxay fududeyn kartaa abuuri sta jawi ku habboon dib u soo celinta geeddi-socod ka nabadda,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.
Falastiiniyiinta ayaa rajeenaya inay yagleelaan dowlad madax-banaan oo ka dhisan Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo ay caasimad u tahay bariga Qu ddus –dhulalkan oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii
1967-kii.
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 21-KA MAARSO 2023-KA-
..