HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA MAARSO 2023-KA-

0
Sunday March 19, 2023 - 08:47:21 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA MAARSO 2023-KA-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiraya dalka…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa gaaray Habeen hore magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee So omaaliya.

Madaxweynaha oo si diirr an loogu soo dhawee yey ga roonka caalimaga ah ee Entebbe Internati onal Airp ort ee magaalada Kampala, isagoo uga ma had cel iyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qa adanayaan dib u dhiska ciidamada Sooma aliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciida nka qaranka Soomaaliya ay si naf hurnimo leh u waj ahayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alsha baab. "Waxay dhiiggooda u hurayaan xoreynta dalkoo da iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo Uganda ku sugan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinka kna tirsan ciid anka xoogga dalka, isagoo la wadaagaya guul aha ay dagaalka Al-Shabaab ka gaareen ciidanka qaran ka ee ka dagaalamaya gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adk eeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciid anka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliya iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dag aalka dalka looga sifaynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababarkii ay dowladda Uganda siisay u soo xiri doona ciidankaan ka tirsan xoogga dalka, in kastoo aan tiradooda la shaacin, hadana ciidankaas waxay dalka Uganda ku sugnaayeen ugu yaraan 3-dii bilood ee lasoo dhaa fay.

Ciidamada lagu tababaray dalka Uganda, oo aan horey loo ogeyn, ayaa waxaa 1-dii Febraayo shaaca ka qaaday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali.

Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa xilligaas sheegay in Soomaaliya ay dhowr toddobaad kahor ay 3,000 oo askari midkiiba u dirtay dalalka Eritrea iyo Uganda.

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in 6,000 oo askari oo dheeraad ah loo diri doono dalalka Itoobiya iyo Masar, tiradaan ayaa ciid anka loo diray Eritrea iyo Uganda iyo kuwa la qorshe eyey in tababarka loogu qaado Masar iyo Itoobiya ay gaarayaan 1,200 oo askari.

"Waxaan rabnaa inaan dhameystirno diyaarinta 15,000 oo askari sanadka 2023-ka,” ayuu yiri la-tali yaha dhinaca amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali.

Sharciyada ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Md. Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay soo xiray kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacab ka BJFS kaas oo furmay 15-kii November 2022-ka.

Xildhibaannada Golaha Shacab ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay 30 kulan, waxaa la horgeeyay 13 Hindise Sharciyeed oo ay u soo gudbiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Jadwalka hoose waxa aan idinkuugu soo gudbi neynaa, Magacyada Hindise Sharciyeedyada iyo sidii loogu codeeyay:

NO Tirada Kalfadhiga 2 Sharciga Tirada codeysay

1-Jan 14, 2023 Kul-10aadHindise Shar ciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman Ogal 140 Diidmo 3 Ka aamustay 0 2 - Feb 6, 2023 Kul-16aad Hindise sharciyeedka kora ntada Ogal 148 Diidmo 0 Ka aamustay 0 3-Feb 6, 2023 Kul-16aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nab adsugida Qaranka.Ogal 144 Didmo 3 Ka aamustay

14-Feb 18, 2023 Kul-20aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed Ogal 149 Diidmo 1 Ka aamustay 0

5-Feb 18, 2023 Kul-20aad’Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoos tiisa.Ogal 148 Diidmo 2 Ka aamustay 0

6-Mar 1, 2023 Kul-24aad Hindise Sharciye edka Aqo onsiga iyo Diiwaangalinta Dadweeynaha.Ogal 146

Diidmo 1 Ka aamustay 0 7-Mar 1, 2023 Kul-24a ad Hindise Sharciyeedka dhowrista Maalga shadayaa sha iyo M/gashiga Ogal 145 Diidmo 2 Ka Aamustay0

8-Mar 6, 2023 Kul-26aadHindise Sharciyeed ka Soc daalka Ogal 145 Diidmo 1 Ka aamustay 6 9-Mar 8, 2023 Kul-27aad,Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xo gta Qaranka Ogal 143 Diidmo 0 Ka aamustay 0

10-Mar 8, 2023 Kul-27aad Hindise Sharciyeedka Il aalinta Maareynta Deegaanka Ogal 143 Diidmo 0 Ka aamustay 0

11-Mar 8, 2023 Kul-27aadHindisa Sharciyeedka La-dagaallanka Argagixisada Ogal 133 Diidmo 3 Ka aamustay 7

12-Mar11, 2023 Kul-28aad Ansixiyeen xubnaha Gu diga Madax Banaan ee dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.Ogal 143 Diidmo 0 Ka aamustay 0

13-Mar 11, 2023 Kul-29aadHindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaal iyeed Ogal 142 Diidmo 0 Ka aamustay 1

Sharciyadaan oo ay soo ansixiyeen labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxa muud, isaga oo saxiixay 8-dii March 2023-ka saddex ka mid ah sharciyadaan kuwaas oo kala ah; Hindise Sharciyeedka Hay’adda NISA, Hindise Sharciyeedka Koroontada Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Hin dise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo soo dhowe eyay Wafdi ay hoggaamineeyso Wasiir ka Maalgashiga ee Suudaan

Wasiirka Qorsheynta Xukumadda Federaalka Soo maaliya oo Shalay Garoonka ku soo dhoweeyay Wa fuud ay hogaamineyso Ahlam Madani Mahdi, Wasiir ka Malgashiga & Iskaa shiga Caalmiga ah ee Sudan.

Soo dhoweynta wafuuda ayaa wa xaa ka qeyb gal ay Wasiirka Qo rsheynta, Xog hayaha Joogtada Was aar adda Arrimaha Dibedda, Madaxa Ganacsiga Saf aar adda Soomaaliya ee dalka Suudaan, Agaasi ma ha Dhiirigelinta Maalgashiga ee Wasaaradda Qor sheynta XFS iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Qorsheynta XFS Maxamuud Cabdirax maan Beene Beene oo ka hadlay soo dhoweynta wafuudda ayaa in labada dal ay wadaagaan xiriir ku qotoma maalgashiga iyo Ganacsiga.

Ahlam Madani Mahdi, Wasiirka Maalgashiga & Iskaa shiga Caalamiga ah ee Suudaan oo munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa ka mahadcelisay soo dhowey nta waxaana ay hoosta ka xariiqday istaraatijiyadda cilaaqaadka iyo Maalgashiga labada dhinac.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horu marinta Dhaqaalaha oo kaashaneysa Wasaaradda Ganacsiga XFS ayaa casuumaad u fidiyay wafuudda Suudaan si ay uga qeyb galaan shirweynaha labo geesoodka ah ee Maalgashiga Soomaaliya iyo Suud aan kaasi oo maalinta 19-ka March oo berri ku Beeg an ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan ka tirsanaa BF oo ku geeriyo oday Muqdisho

Allaha u nxariistee waxaa Habeen hore magaal ada Mu qdisho ee caasimada Soo maaliya ku geeriyooday Xil dhib aan Maxamed Maxamuud Seeys eey oo ka tirs anaa Baaralamaan ka Soomaaliya, kaas oo 14 sano ka shaqeynayay dowladnimada. Xildhibaanka oo waayadii dambe xanuusanaa ayaa Habeen hore saq-dhexe ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ehellad iisa.

Sidoo kale waxaa geerida ku timid marxuumka ka tacsiyeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soo maaliya, Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe) oo war qoraal ah soo saaray.

Aadan Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geer ida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxa med Maxamuud Seeyseey oo Habeen hore goor dambe ku geeriyooday gudaha magalada Muqdisho.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in marxu umka uu ahaa halyey waqti badan geliyay dowlad nimadda isaga oo Alle uga baryey inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoy skiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan shacabka.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Sooma aliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhib aan Maxamuud Maxamed Seey Seey oo Habeen hore goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayuu yiri. Dhankeeda taliye ku xigeenka ciidanka Bool iska Soomaaliyeed, Zakiya Xuseen Axmed oo ka ha dashay geerida xildhibaanka ayaa sheegtay inuu dal kiisa usoo shaqeeyay 14 sano.

Waxay sidoo kale ugu duceysay inuu ka waraabi yo Jannadii Firdowso, samir iyo iimaana uu ka siiyo dhamaan ehelkii iyo asxaabta uu ka baxay.

Muddo 14 sano ayuu dalkiisa u soo khidmeeyay Habeen hore Alle ayaa naga jeclaaday. Allow u naxariiso marti la jecelyahay ka dhig siduu dalkiisa iyo dadkiisa ugu khidmeyn jiray malaa’iktaada ha u khidmeeyso. Qoyskii, ehelkii iyo asxaabta uu ka baxay dhamman samir iyo imaan Allow sii” ayay ku tiri qoraal kooban oo ay soo saartay Generaal Zakiya Xus een.

Xildhibaan Saadaq Joon oo Shalay loo doortay gudoomiyaha guddi muhiima

Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarl amaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga ayaa Shalay magaa lada Muqdisho ku doortay gud doon cusub.

Doorashada oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ayaa wa xay u dhacday qaab gacan taag ah, waxaana guddoomiyaha guddigaan loo doortay Xildhiba an Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Sadaq Joon).

Sidoo kale waxay xubnaha guddiga saaxiibtinim ada labada Aqal ee Baarlam aanada Soomaaliya iyo Turkiga u doorteen guddoomiye ku-xigeen Senator Cabdiris aaq Maxamed Cismaan, halka ay xoghaye u doorteen Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin.

Xubnaha la doortay ayaa balan-qaaday in ay ku da daali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlam aanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horraantii sana dkaan magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacab ka Sheekh Aadan Madoobe.

Guddigan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan xirii rka iskaashi iyo saaxiibtinima da labada Baarlamaan, waxaana guddiga an uu ka kooban yahay 15 xub nood oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh: Indhaha lagama qarsan karo waxa ka socda Laascaanood

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay daga alka magaalada Laascaanood ka socda muddo ka badan hal bil.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in aan indhaha laga qarsan karin dagaalka socda, oo u dhaxeeya ciidam ada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xoo ggan.

"Waxa socda raali kama nih in, way na gubayaan oo aan ra ali ka aheyn, kuna faraxsaneyn oo ku qanacsaneyn. Dadka dhimashadiisa iyo dhiigi isa daadanaya waa na quseeyaan,” ayuu yiri Mada xweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in qaddiyada meesha taalla ay tahay wax guud aha an quseyso Soomaalida, islamarkaana loo baahan yahay in loo wada istaago wax ka qabashadeeda.

"Arrimaha meesha yaallo waxba igama gelin ma dhihin karno waa na quseeyaan qaddiyadaha mee sha taagana waa na quseeyaan. Ha la wada fadhii sto oo ha la wada hadlo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Dadka dhintay ee Soomaaliyeed oo qaaliga ahaa waxaa caddeyna ynaa in aan aad iyo aad uga xunahay, ugana xanuu nsaneyno in badana aan ku baaqnay nabadda”.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in mushkilada ka taagan magaalada Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed oo u baahan in miiska wada-hadalka lagu xaliyo.

"Dadka deegaankaas jooga siyaasad ayay isku haystaan, wax kale oo ka dhaxeeya inay jiraan ma qabo. Sida taariikhdii hore noo soo martay dadka So omaaliyeed wax ka dhexeeyay ee siyaasad qalooca tay qoorta isku-galisay.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu Shalay markale dagaal dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo si gaar ah uga dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka magaaladaasi.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood oo socda mu ddo ka badan hal bil ayaa waxaa illaa hadda muuqan ifafaalo ay ku qaboobi karto shaqaaqadaasi, kadib markii ay burbureen waan-waan iyo dhexdhexaadin laga dhex waday labada dhinac ee isku haya halk aasi.

Munaasabad Lagu Daahfuray Mashruu ca PSPH Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Muna asabad lagu daah-furayey Mashruuca Isbahaysiga Xarumaha gaarka loo leeyahay ee Caafimaadka "Private Sector Partnership For Health” (PSPH) kaasoo uj eedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada xaru maha gaarka ah ee Caafim aadka.

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, qaar ka mid ah masuuliyiinta Jaamacadaha iyo Isbi taalada magaalada Muqdisho, xubno ka socday Was aaradda Caafimaadka, Dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Mashruuca PSPH ayaa xarumaha Caafimaadka ee gaarka ah kala shaqeynaaya sidii loo heli lahaa adeeg Caafimaad oo tayo leh, qiima ahaan jaban oo bulshada guud ee Soomaaliyeedna ay awoodi ay awoodi karaan sida uu sheegay Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah agaasimaha Isbitaalka Dalmar ahna madaxa Machadka Cilmi baarista iyo horumarinta So omaaliyeed (SORDI) oo barnaamijkan soo ban dhigay.

"PSPH lama mid aha mashaariicda kale ee ay deeq bixiyeyaashu taakuleeyaan, wuxuu uga duwan yahay arrimo badan oo ay ka mid yihiin inuu xoojiyo xarumaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, isla markaana sare u qaado tayada adeega ay bulshada siiyaan sidoo kalena uu kala shaqeeyo sidii looga gu dbi lahaa caqabadaha la soo dersa iyo in la isku xiro dhexdooda si loo abuuro nidaam lagu wada shaqe eyo kaasoo leh halbeegyo lagu qiimeyn karo adeegy ada ay bixiyaan tayadooda” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaas ku daray in mashruucan loogu talo galay in dalka oo dhan lagu baahiyo, balse saddexda sano ee soo socota si tijaabo ah looga fulinayo magaalooyin ka Muqdisho iyo Hargeysa, isagoo xusay in %10 xar umaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay oo mar kii horeba wada shaqeyn dadban lahaa ay haatan diy aar u yihiin iney ka qeyb qaataan mashruucan, inta soo hartayna ay u socdaan wada tashiyo.

Madaxa Wasaaradda Caafimaadka dowlada So malia u qaabilsan goobaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay Dr. C/raxmaan Cawaale ayaa isna shee gay in Wasaaradu ay diyaar u tahay iney kaalinteeda ka qaadato sidii mashruucan uu u guuleeysan lahaa, wuxuuna ugu baaqay bahda Caafimaadka iney ka wada shaqeeyaan sidii bulshadu u heli laheyd adeeg Caafimaad oo jaban.

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo geba gebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa soo dhowee yey mashruucan, isagoo ku dheeraaday muhiimada uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo kaalinta loo baahan yahay bahda Caafimaadka.

"Mashruucan PSPH waa mid bulshada baahi we yn u qabtay, loona baahan yahay in dalka oo dhan la gu baahiyo, runtii haddii xarumaha gaarka ah ee Caa fimaadka ay isku xirmaan, wada shaqeyn buuxdana yeeshaan iyagoo kaashanaya mashruucan wax weyn ayey bulshada u qaban karaan” ayuu yiri Prof. Dufle oo amaan iyo bogaadin u jeediyey Dr. Dalmar iyo heyadaha kale ee kala shaqeynaaya Mashruucan qiimaha badan.

Munaasabadan oo ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan ayaa intii ay socotay waxaa sidoo kale fikrado iyo talooyin ku aadan mashruucan ka soo jeediyey, Aqoonyahano, Dhaqaatiir iyo qaar ka mid ah Maamulada xarumaha gaarka ah ee Caaf imaadka.

Waa tuma Fannaanad Aamina Cabdull ahi Xirsi?

Aamina Cabdullahi Xirsi Alle haunaxariistee wax aa Shalay magaalada Boorame ee gobolka Awdal ku geeriyootay fannaanaddii caanka ahayd ee Aamino Cabdullahi Xirsi, oo aad loogu xasuusto kaalintii ay kasoo qaadatay fankii Soomaaliyeed iyo riwaa yado. Haddaba waxaan halkan waxaan kugula wada ag eynnaa taariikhdeeda oo kooban.

Waa Tuma Aamina?

Waxay ku dhalatay deegaanka kala baydh inta u dhaxaysa magaalooyinka woqooyi ee Wajaale iyo Bo orama, waxaana iyada oo yar loo qaaday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti halkaas oo ay kusoo barbaartay, ahna meesha ay fanka Soomaali yeed oo waqtiyadaas heer sare marayey kasoo bil owday.

Waxay marwo u noqotay carruurna u dhashay alle haunaxriistee abwaan Cabdi Aadan Xaad oo lahaa naanaysta Qays iyo sidoo kale Fannaan cabdira xmaan Cusma an Maxabbe oo asna loo yaqaan Cab dira xmaan Dheere ahna aabaha dhalay Fann aana dda caanka ah ee Hodan Cabdirax maan.

Sannadku markuu ahaa 1966 waxay aamina bil owday fankeeda iyada oo muddo dhowr iyo labaatan sano ah si toos ah ugu jirtay fanka kana qayb qaad atay riwaayado iyo heeso badan oo qaar ay kaligeed qaadday halka qaar kale ay la qaadday fannaaniin kale oo caan ka ah fanka Soomaaliyeed.

Taariikh faneedka Aamina oo kooban

Isla billowgii fankeedaba Aamina waxay timid mag aalada Hargeysa waxaana halkaas kusoo dhaweey ay dad fanka Soomaaliyeed qiime weyn kulahaa oo Fannaanin iyo abwaanna isgu jiray waxaana ka mid ahaa, Maxamed Yuusuf Cabdi, Cismaan Maxamed Cabdi Kariim/Gacanlaw labadaba rabbi godka ha u nuuree Faadumo Cabdilaahi Maandeeq iyo Shamis Abuukar Guduudo Carwo. Waxay ka mid noqotay ho balladii Radio Hargeysa ka hor inta aanay ku biirin kooxdii caanka ahayd ee Waaberi.

Ku dhawaad soddon sano oo ay Aamina fanka ku jirtay waxay qaadday heeso badan, oo aan qaar ka xusi karno sida; Heesta Sharacalee, Gari Makaa Bax daa, Gar Ma Ku Gashaa Siyar, siyar ma uu shushu banaa oo uu allifay Axmed Saleebaan Bidde laxanka ama codkana waxa saaray heestan Axmed Gacayte Yuusuf iyo kuwa kale oo badan.

Heesta Caashaqu wadaad ma leh/waligeed addu unyada, oo uu Abwaan Xasan Ganay, iyaduna laxan ka ay leedahay ayaa ka mid ah heesaheeda lagu xas uusto.

Heesaha oo kali ah ma ahee Aamina waxay si doo kale qayb weynka qaadatay jilista riwaayado iyo barnaamijyo Soomaalidii xilligaas aad u xiiseyn jiraan waxaana ka mid ah riwaayaddii Dab Jacayl Kari Waa oo sannadkii 1973-kii uu qoray Abwaan Xasan-Gan ey oo sannadkii xigay ee 1974 lagusoo bandhigay magaalada Hargeysa iyo riwaayaddii uu qoray ab wa an Axmed Saleebaan Biddeh ee Garashaa Garab Weyday oo abwaanku uu ku tilma amay inay ahayd riwayaddii ay ku soo baxday Aamino.

Amina xusuusteeda faneed ee xooggan waxaa ka mid ah barnaamij Soomalida dhexdooda caan ka ahaa oo la odhan jiray Dalmar oo uu hal abuuray Ma xamed Cumar Huryo kaasi oo qaab masraxeed kiisa aad looga tacajubay.

Allaha u naxariistee Fannaanad Aamina Cabdulla ahi Xirso oo Shalay Boorama ku geeriyootay waxa adeer u ah Abwaan Saleebaan Bidde.BBC

Xasan Sheekh oo laga dalbaday labo arrin oo la xariira dilkii xildhibaan Aamina

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabee lle Sheekh Cismaan Barre ayaa codsi u diray Mada xweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib kulan uu kala qeyb galay beeshiisa oo Muqdisho lagu qabtay.

Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa madax weyne Xasan Sheekh ka codsa day inuu baaritaan ku bilaabo ki iska dilkii Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay Beledweyne, xilli ay ka socotay doorashadii golaha shacabka.

"Hadii Xildhibaan Aamino aad u heysay wax aba al ah, maadaama ay kula shaqey jirtay, madaxweyn ow waxaan kaa rabnaa inaad bilowdo baaritaan, si loo ogaado cidii dishay,” ayuu yiri.

Sheekh Cismaan ayaa sheegay in beesha ay ka dhalatay Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino ay madaxweynaha ka doonayaan inuu siiyo xuquuqdii ay xisbigiisa ku laheed xildhibaan Aamino.

"Madaxweynow waxaan kaa rabnaa in beeshaan Abti-Same ay kaa hesho in la eg xuquuqda ay hel een siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kula shaqeeya, ma dhiman Aamino ee waa dheeraatay,” ayuu had alkiisa ku sii daray Sheekh Cismaan.

Wuxuu dalbaday in maamuus qaran loo sameeyo Xildhibaan Aamino oo ugu yaraan loogu magac-darro mid ka mid ah xarumaha dowladda, "Madaxw eyne Xasanow waxaan ognahay inay ku xanuujisay geerida Aamino, waxaan arkeynay inaad la ilmeysay, Shalay adigaa dalka xukumee waxaan kaa rabnaa hiil,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Aamino oo ka tirsaneed xisbiga Mad axweyne Xasan Sheekh ee UDP ayaa la dilay waqti xasaasi ah oo loollan doorasho lagu jiray, waxaana la tuhmayaa inay la mashimay ama la shirqoolay.

Allaha u naxariistee Aamino waxaa aad ugu doodi jirt ay kiiska Ikraan Tahliil oo dalka gilgilay, ugu dambey ntiina waxaa ku baxda ayada, waxaana isku qarxiyey nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa. Ilaa hadda ma jiro baaritaan natiijo laga gaaray oo lagu sameeyey di lalkii isku ekaa ee loo geystay Xildhibaan Aamino iyo Ikraan Tahliil oo ka horeysay, labada gabdhood ayaa ka soo wada jeeday beesha Gaaljecel.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shir ka qabsoomay Zambia

Wasiiru-Dowladaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda xukuumadda federaalka Soomaal iya Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Dhucle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Livingstone ee Dalka Zambia uga qeyb galay shirka 8-aad ee Wasiiradda Deka daha iyo Gaadiidka Badda ee ur ur goballeedka ISCOS. Shirkaan ayaa diira dda lagu saaray isku xirnaanta Gaadiidka Badda dalalka barriga iyo bart amaha Afrika, Kor uqaadida xirfadlayaasha Badda iyo ilaalinta badqabka gaadiidka Badaha.

Wasiirka ayaa shirka ku soo bandhigay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay sidii looga gacan siin lahaa ilaalinta badqabka gaadiidka Badda iyo kor u qaadida aqoonta xirfadlayaasha Badda.

Muxuu yahay qorshaha shirka Kismaayo uga furmay DF iyo dowlad gobolee dyada?

Waxaa Shalay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ka furmay shirka wada-tashiga ballaarinta Idaacadaha dowlad Fe deraalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Ban aadir.

Furitaanka shirka ayaa wax aa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jub baland Maxamuud Sayid Aad an, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska So omaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno ka socda maamul gobolleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxay dhinacyadu uga wada-had leen horumarinta iyo mideynta Idaacadaha DFS iyo ku wa D/Gobleedyada, si loo xoojiyo dagaalka ka dh anka ah Al-Shabaab ee dhanka fikirka.

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys oo faah-fa ahin ka bixiyay shirkan ayaa waxa uu sheegay in la isla qaatay isku-xirka idaacada dowladda dhexe iyo maamullada, loona xil-saaray arrintaasj guddi qiime yn ku sameeya.

"DFS iyo Dowlad-goboleedyada ayaa waxaa ugu tala-galnay inay diyaar u noqdaan in bulshada ay ka wacyi-galiyaan dhibaatooyinta taagan sida; arrimaha Mukhaadaraadka iyo in farriimo mid ah u gudbiyaan bulshada Soomaaliy eed,” ayuu yiri.

"Waa shaqo aan filayo in billowgeedii uu guul ino ogu soo billowday markii aan billownay shirarka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Waa in aan halkaas kasii ambaqaad no istiraatijiyada wada-shaqeynteena.”

Shirkan ayaa noqonaya midkii saddexaad ee isk ugu imaadan wasiirada warfaafinta ee federaalka iyo dowlad-goboleed, ayada oo shirkii u horeeyay uu ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

DFS ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixinaysay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeyn ta hay’addaha heer federaal iyo kuwa dowlad-gobole edyada, si loo dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Koox ciyaal weero ah oo SHEEKH caan ahaa si arxan daro ah ugu dilay Kaaraan

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil arxan darro ahaa oo ay Habeen hore koox ciyaal weero ah ka gey satay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Kooxda ciyaal weerada ah oo ku hubeysanaa mi ndiyo ayaa wadad aad lagu magacaabi jiray Sheekh Mowliid Sheekh Cabdullahi waxa ay ku dileen xaa fadda Burka Tiikow.

Sheekha oo caanka ahaa degmada Kaaraan ay aa la dilay inta u dhexeyso salaaddii Maqrib iyo Cish aha, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda ciy aal weerada ee dilka fulisay ay goobta isaga carar tay, waxaana dhacdadaan walaac ay ku abuurtay dadka shacabka ee ku nool halkaasi. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaaca dda Kulmiye ayaa sheegay in wadaadka lagu dhuftay ill aa 4 mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, inta loo waay isbitaalka. "Afar mindi oo kala dar-daran ayaa lagu dhuftay hal bowlaha ayaa looga dhuftay, wuxuuna ku dhintay isbitaalka,” ayuu yiri qor ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya kooxda dilka geysatay aysan agabkii uu sitay, gaar ahaan taleefa nada aysan ka qaadan, balse iska dileen, kadibna ay goobta ka carareem.

"Laba taleefan ayuu watay mid weyn iyo mid yar waxna kama qaadan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degm ada oo ku aadan dhacd adaasi.

Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ay ku ba dan yihiin kooxaha ciyaal weerada ee haatan dhiba atada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caas imada ah ee Muqdisho.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay dhowaan Muqdisho ka billowday howlgal nooc cusub oo ay ku beegsaneyso kooxaha ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan.

Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay mark ale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhiba atooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasi mada.

Somaliland oo sheegtay in ay maxaabiis badan iyo hub ku qabatay dagaalka Shalay

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay dag aalka saaka ka dhacay duleedka Laascaanood ku qabatay 20 maxbuus, 2 baabuur, 15 qori oo kuwa cul us ah iyo hub fudud oo tiro badan.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo war baahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in dagaalka saaka ay ku gacan sareeyeen oo ay qabsadeen maxabiis iyo hub badan.

"Somaliland sidii caadada u ahayd way ka guula ysteen cadowga, waxayna ka qabsad een saanad dagaal, gadiid, iyo maxabiis badan, maxabiistaas oo ka badan 20, la ba gadiid oo dagaal ka ah,15 qori oo noo ca boobaha culus ah iyo in ka badan oo hubka yar yar ah" ayuu yidhi Caateeye.

Puntland ayuu ku eedeeyay in ay jabinayso xabad joojintii ay dhinacyadu ku dhawaaqeen, isagoo dig niin u diray sheegayna in ciidamada millaterigu gac an adag ku qaban doonaan hadii la carqaladeeyo xa bad joojinta.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay wali ku taaganyihiin xabad joojintii, isla mar kaana ay rabaan in khilaafka iyo colaada lagu dham eeyo miiska wadahadalka.

Xaalada dagaalka ayaa daganayd maalmihii lasoo dhaafay marka laga reebo iska hor imaadyo magaala da Laascaanood ku dhexmaray kooxo hubaysan iyo ganacsatada qaadka Jimcihii Dorraad.

Garaadada Laascaanood ku sugan oo Somaliland ku eedeeyay in ay dishay maxabiis ay qabatay

Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay laayeen maxabiis ay ka qabteen xoogaga dagaal ka kula jira. Afhayeen Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo waraysi siiyay Gaylan Media, ay aa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay dileen maxabiis ay saaka ku qabteen dagaalka, isaga oo dhankooda sheegay in ay qabteen maxabiis.

"Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu la soo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laaye ena waa la haya" ayuu Gaylan Media u sheegay Caaqil Falaalug.

Dhanka kale, Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay dagaalka bilowday "3 dii iyo daqiiqado ayay dagaalka soo bilaabeen waana la ogaa maalmahan, dhaqdh aqaaqooda waa loo jeeday sida ay isku urursanay aan iyo meelaha ay isku soo beegayaan".

Ciidamada Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay u soo guureeyeen magaalada isla markaana ay dagaal ka ka bilaabeen meel magaalada u dhow, waxaanu sheegay in dagaalku uu ka dhacay dhamaan jihooyin ka Magaalada marka dhinaca k/fureed laga reebo.

Waxa kale oo uu sheegay in uu jiro khasaare dhi masho iyo dhaawaca, lakiin aanay tiro koobka sax ah hayn, wuxuuna sheegay in maydka iyo dhaawacu uu yaalo ilaa 5 meelood oo magaalada ah, isla markaa na ay gacanta ku hayaan tiradooda.

Waxa uu sheegay in ay wadahadal diyaar u yihiin lakiin aanu suuragal ahayn inta ciidamada Somalila nd ay duljoogaan magaalada, oo ay madaafiic ku garaacayaan sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland oo digniin kama dambeys ah u dirtay Puntland kadib dagaalkii Shalay

Xukuumadda Somaliland ayaa markale digniin culus u dirtay maamulka Puntland, kadib dagaal xoo ggan oo Shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Puntland ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Shalay, ka asi oo si gaar ah uga dhacay aaagga xerada Gooja ca dde ee dulkeedka magaalada Laascaa nood.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo la hadlay warbaahinta ayaa digniintan u diray maamulka Puntland, oo ku eedeey ay inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Shalay, iyaga oo garab siinayay kooxaha huwanta, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaa digniin u direyna maamul goboleedka Pu ntland oo caadeystay marwalba in xadka Jamhuuri yadda Somaliland uu ku gafo oo soo gardareysto. Gacan adag ayaa lagu qaban doona oo Somaliland way ka guuleysan doonta,” ayuu yiri Wasiir Caat eeye.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxay caalamka ku wargelisay inay diyaar u tahay xal nab adeed iyo in weli ciidamadeeda ay dhowrayaan xa bad joojintii ay kal hore ku dhawaaqeen.

"Bulshada caalamka waxaan u sheegayna oo ku wargelinayna inay rabaan maamulka goboleedka Puntland iyo huwanta iswadata in ay jabiyaan xabad joojintii iyo wada-hadalkii ay bulshada caalamka wa deen. Somaliland waxay ku dadaalaysa marwalba in ay wado xabad-joojintii.”

Somaliland ayaa dhowr jeer waxay dowlad-gob oleedka Puntland ku eedeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, iya da oo sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulkaasi ay weerar ku soo qaadeen ciidamadooda.

Puntland ayaa dhankeeda iska fogeysa eedeyma ha uga imaada xukuumadda Somaliland, ayada oo beenisay inay qeyb ka tahay dagaalka magaalada La ascaa no od ka socda muddada ka badan halka bil.

Golaha Wadatashiga oo ku adkeystay arrin ay diidday P/L

Waxaa la soo gaba-gabeeyey shirkii Golaha Wad atashiga Qaran ee ka socday magaalada Baydhaba, kaasi oo go’aan loo ga gaaray qorshaha ay

Soomaaliya ku dal baneyso deyn cusub oo balaayiin dollar ah.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qa ranka ayaa isla gartay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixi ya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo masha ariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.

"Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u ade egayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka ka soo baxay shirkii Baydhabo ee DF iyo dowlad-gobol eedyada.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in la qaato mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda oo ka kooban laba qoddob oo kala ah; astaynta iyo cayimidda ilaha dakhliga iyo wadaagga dakhliga.

"Golaha ayaa waxa uu ku heshiiyay in la unko la ba hey’adood oo kala madax-bannaan oo aan looga maarmin hannaanka federaalaynta maaliyadda oo kala noqonaya; hay’adda dakhliga Qaranka, guddiga goondeynta iyo dardar-gelinta dakhliga.”

Waxa kale oo lagu yiri war-murtiyeedka "Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyad da dejinta siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin D/ Federaalka iyo DXDF.”

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ugu dambeyntiina qalinka ku duugay in lagu sii dhaqmo heshiiyadii iyo is-afgardyadii hore ee daadajinta maa liyadda dalka inta laga hawl-galinayo dhisidda labada hay’dood ee kor ku xusan.’

D/goboleedka Puntland ayaa dhawaan si adag u ga hortimid qorshaha ay DFS ku doonayso in deymo cusub uga qaadato dalalka deeqaha bixiya iyo hay’a ddaha caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirw eynaha Kaabayaasha dhaqaa laha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay wa rqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

"Deynta la sheegayo in la cafinayo (Soomaaliya) wax Puntland kasoo gaaray majirto, dhamaantood Koonfur ayay aheyd. Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadana ya, noomana yimaadan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay "Waa diidnay in aan qeyb ka noqono waa kasoo horjeedna in deynta Soo maaliya laga cafiyo sida ay hadda tahay, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah, waa kasoo horjeedna dowlad ahaan.”

Arrintaan ayaa imanaysa xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta JFS, islamar kaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqola al bilyan oo dollar ah. Xigasho:Caasimadda. Net

Dagaal xooggan oo Shalay ka qarxay magaalada Laascaanood

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa Shalay ka billowday dhowr jiho oo magaalada Laasca anood ah.

Dagaalkan oo aad u culus ayaa la sheegayaa inay qeyb ka yihiin duqaymo lagu garacaayo magaalada Laaaca anood. Waxaana ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac ah iyo burbur isugu jira.

Dagaalkaan ayaa kusoo beegmay ku dhawaad labo todobaad oo aanay jirin wax dagaal ah oo u dhaxeeya dhinacyada ku dagaalamayay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool. Wax ay kusoo beegmaysaa xilli Habeen hore madaxwey naha Soomaaliya Xasan Sheikh uu soo dhoweeyay xab bad joojinta ka dhaqan gashay Laascaanood, isa goo ku bogaadiyay labada dhinac.

Dhinaca kale, afhayeenka SSC Cabdiris aaq Fal aalug ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay masuul ka yihiin dagaalka Shalay ka socda magaala da Laascaa nood.

Afhayeenka SSC wuxuu sheegay inay Somali land isku dayeen inay dhinaca bari kasoo galaan magaalada Laascaanood. Wuxuu sidoo kale ku eede eyay inay masuul ka yihiin waxyeelada ka dhalatay dagaalada iyo duqaymaha socda.

Hadalka afhayeenka SSC ayaa kusoo aaday xilli Somaliland ay sheegtay in Shalay dagaal lagusoo qaaday saldhigyadeeda kuyaala Laascaanood.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

Wararka ka imaanaya magaalada Lamu ee gobol ka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in qa rax miino oo geystay khasaare dhma sho iyo dhaa wac leh lagula eegtay duuleedka magaaladaasi gaari ay leeyihiin ciidamada dalka Kenya.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada noo ca dhulka la galiyo laguna aasay inta u dhaxeysa deegaanada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Laamu, waxaana gaariga qaraxa uu haleelay uu kasoo baxay deegaan ka Kiyuunga, wuxuuna kusii jeeday deegaanka Shan gaani.

Wararka hordhaca ah ee laga helay gaariga qa raxa lala beegsaday ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan ciidanka Kenya ee saarna gaarigaas, hayeeshee lama xaqiijin karo ti rada rasmiga ee askarta ku geeriyooday qaraxaasi miino, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya.

Deegaanada dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa inta badan ciidamada Kenya lagula eegta qar axyo noocaan oo kale ah iyo weeraro toos ah oo la gu beegsado xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyadoo masuli yada qaraxyada iyo weeraradaas ay sheegtaan koo xda Al-shabaab

10 Sano Kadib, Xiisadii Diblomaasiyad eed Ee Masar Iyo Turkiga Oo La Xaliyay

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sabtida Shalay ah u safri doona magaalada Qaahira, safar kaas oo muujinaya inuu iftiimayo cilaaqaadka u dhe xeeya labada dal.

Toban sano kadib markii xiriirka diblumaasiyade ed uu jaray afgambi gii madaxweynihii Masar Maxa med Mursi oo xulufo la ahaa Ankara.

Booqashada Mevlut Cavusoglu, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee uu Turkiga u diro diblumaasigiisa ugu sarreeya tan iyo markii taliy aha ciidamada Ma sar, haatana ah madaxweynaha, Abdel Fattah al-Sisi uu hoggaaminayay afgambigii Mursi bishii July, 2013. Waxay kusoo beegantay bo oqashada Cavuso glu, laba toddobaad markii dhi ggiisa Masar, Sameh Shourky, uu booqday Turkiga, si uu u muujiyo taage ero ka dib dhul-gariirkii weynaa ee ay ku dhi nteen in ka badan 50,000 oo qof, kaas oo ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

"Dhammaan dhinacyada xiriirka labada dal waa la ga wadahadli doonaa, waxaana la isku weydaarsan doonaa aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo ku wa caalamiga ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dib adda Turkiga.

Booqashadu waxay ” daah-furaysaa waddo dib lo ogu soo celinayo xiriirkii caadiga ahaa ee labada dal,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ku tiri hadal daba socday midka Turkiga.

Mursi, oo ahaa madaxweynaha Masar, kana tirs anaa Ikhwaanul Muslimiinka ayaa geeriyooday 2019, waxaa taageeray madaxweynaha Turkiga Tayyib Er dogan iyo xisbigiisa AK Party. Waxaa bilihii lasoo dhaafay soo ifbaxayay calaam ado muujinaya isu soo dhawaanshiyaha u dhaxeeya Turkiga iyo Masar. Sisi iyo Erdogan ayaa is arkay in tii lagu guda jiray Koobka Adduunka ee 2022 ee Qa tar.

Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Donald Trump Oo Todobaadkan Xabsi Wajahaya

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Tr ump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la xiri doono Talaadada soo socota, xilli dacwad oog aha New York uu isha ku hayo eedeymo ku saabsan kiis lagu baarayo lacag la siiyay haweeney madaxw eynihii hore ku eedeysay in uu la seex day.

Trump ayaa farriin uu ku qoray warb aahintiisa Truth Social saacadihii hore ee Sabtida Shalay ah ku sheegay in qoraal si qarsoo di ah "loo soo dusiyay” oo ka yimid xafiiska xeer ilaali yaha Manhattan uu qeexayo "in musharraxa ugu cad cad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ahna madax weynihii hore ee Mareykanka la xiri doono Talaadada toddobaadkan.”

Farriin ay wakaaladda wararka AP u dirtay xafi iska xeer ilaaliyaha ayaanu xafiisku wali ka jawaabin. Xubno ku dhowdhow Trumo ayaan iyana ka jawaab in mar ay AP wacday si ay arri ntan uga hadlaan.

Trump ayaan soo bandhigin faahfaahinno ku aaddan sida uu ku ogaaday in la xiri doono. Farriintiisa ayuu ku celiyey wararkiisii aan xaqiiqda aheyn ee ahaa in doorashadii madaxtinimo ee 2020-kii ee uu ku guul eystay musharraxii Dimuqraadiga Joe Biden ay ah ayd mid la xaday wuxuuna taageerayaashiisa ku boo rriyay in ay bannaanbaxaan.

Saraakiisha amniga ee magaalada New York ay aa waday diyaar garow dhanka ammaanka ah oo ku aadan suurtagalnimada haddii dacwad lagu soo oogo Trump.

Waxa aan si rasmi ah wali loogu dhawaaqin waqtiga ay qaadanayso shaqada ay sida qarsoodiga ah u wa daan xeerbeegtida kiiska, oo ay ku jirto cod kasta oo suurtagal ah oo ku saabsan in dacwad lagu oogayo madaxweynihii hore.

Erdogan oo sheegay inuu taageerayo dhamaystirka xubinnimada Finland ee NATO

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erd ogan ayaa sheegay inay dawladdiisu ay taageeri do onto ansixinta xubinimada Finland ee Isbahaysiga NATO, taasoo u fududaynaysa in dalkaasi uu xubin buuxda ka noqdo NATO.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyada oo uu dalka Turkiga ku sugan yahay madaxweynaha Finland Sauli Niinisto, isaga oo la kulmay madaxweyne Erdogan. Sweden iyo Finland ayaa hore u codsaday ka mid noqoshada isbahaysiga NATO, muddo haatan laga joogo toban bilood, iyaga oo tobanaan sano ku soo dhaqmayey siyaasado dhexdhexaad ah.

Xubnaha cusub ee ku biiraya NATO ayaa looga baahan yahay inay ansixiyaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah, waxaana codsigooda ka horyimid dalalka Hungary iyo Turkey, iyada oo dalalka kale ay ogolaadeen.

Turkiga ayaa labadan dal ku eedeeyey inay gabbaad siiyaan ururo uu Turkigu u arko inay argagixiso yihiin, isaga oo si gaar ah farta ugu sii fiiqay dalka Sweden.

Ogolaanshaha xukuumadda Turkiga ka dib, haatan waxaa la filayaa in baarlamaanka dalka Turkigu inuu ansixiyo arjiga Finland, waxaana la filayaa in tallaabadani ay dhammaato ka hor doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga ee dhacaysa bisha May 14-keeda.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ogolaansh aha Turkiga ee arjiga Sweden inay ku xidhan tahay, tallaabooyinka ay qaaddo xukuumadda dalkaasi

BIDEN OO SOO DHAWEEYEY IN PUTIN LA SOO XIRO


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyey waaranka ay maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC u jartay Putin si loo soo xiro. ICC ayaa madaxweyne Putin ku ee deysay inuu dambiyo dagaal uu ka geystay dalka Ukraine.

Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuu shaki ku jirin Putin inuu dambiyo da gaal galay.

Biden oo warfidiyeennada la hadlayey wuxuu she egay "Putin inuu dambiyo dagaal uu ka geystay inti uu socday dagaalka Ukraine”.

Dacwadda ay maxkamadda ICC ku soo oogtay Putin ayey diiradda ku saartay Moscow carruurta ay Ukraine ka qaaddo oo ay Ruushka geyso.

Moscow oo beenisay eedeymaha loo soo jeediyey isla-markaana cambaareysay ayaa ku tilShalayy "wax laga xumaado”.

Amarka ay ICC soo saartay oo ay ku sheegtay in Putin la soo xiro ayaan u muuqan mid aan suuraga leyn maadaamaa loo baahan yahay waddanka qofka la dooonayo in la soo xiro uu gacan ka siiyo.

Ruushka oo aan xubin ka ahayn maxkamadda ICC uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa dalka Ruushka wax awood ah ku laheen.

Balse amarka soo xiritaanka ee ay maxkamadda ICC bixisay ayaa Putin ka sameyneso dhanka socdaalka uu ku aadayo meela waddankiisa ka baxsan maadaamaa ay dhici karto maxkamadda qofka ay soo qabaneyso iney waddan kale ka soo xirato.

Waxayna maxkamadda Putin soo xiri kartaa oo kelei haddii uu cagta dhigo mid ka mid ah 123 waddan ee xubinka ka ah maxakamadda dambiyada dagaalka ee ICC.

Putin ayaana noqonaya madaxweynihi seddexad oo ay maxkamadda ICC waaran soo qabasho u jarto.

Maamulka Biden wuxuu horay u sheegay inuu mad axweynaha Ruushka Viladmir Putin uu dambiyo dag aal uu ka geystay dalka Ukraine tani iyo marki uu dagaalka billawday.

Halka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Ka mala Harris ay bishii February sheegtay cid kasta ku lug lahaato dambiyada dagaal ee ka dhacay Ukraine ‘wax laga weydiinayo’.

Warbixin ay qaramada midoobay soo saartay hor raantii toddobaadkan waxay Moscow ku eedeysay carruurta Ukraine eek u nool deegaannada Ruushka uu xoogga ku qabsaday ay xoog ku kaxe eyaan.

Sawirro: Astaanta ICC iyo Putin

ICC masoo xiri kartaa Putin?

Maxakamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC waxaa loo aasaasay in ay dacwad ku soo oogto oo ay cadaaladda horkeento kuwa mas'uulka ka ah dam biyada ugu xun - xasuuqa, damb iyada ka dhanka ah aadanaha, iyo dembiyada dagaalka. Maxkama ddu waxay leedahay xukun caal ami ah. Waa maxkamaddii ugu dambaysay, oo soo faragelisa oo keliya marka masuuliyiinta qaranku aanay dacwayn karin ama aanay doonayn inay dac weeyaan qofka dambiilaha ah.

ICC ma laha awood ay ku xirto tuhmanayaasha, waxayna awood u leedahay oo kaliya inay galangal ku yeelato wadamada saxiixay heshiiska lagu dhisay maxkamada, oo loo yaqaan Rome Statute.

Ruushku kama mid aha saxiixayaasha heshiis kan - sidaas darteed Vladimir Putin ama Maria Lvova -Belova midkoodna lama dhiibi doono, dabcan Putin waa madaxweynaha Ruushka. ICC waxay ku tiirsan tahay wadamada caalamka si ay gacan uga geystaan soo qabashada iyo u war eejinta tuhmanayaasha xarunta maxkamadda ee Hague.

Ruushka ayaa ku celceliyay ina aanay aqoonsan ayn maxkamaddan, wax micno ahna aanay ugu fadhi nin warqaddan ay soo saartay iyada oo Hogaamiyihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev uu aad ugu fog aaday inuu is barbar dhigo waaranka lagu xirayo Vla dimir Putin iyo "warqado musqusha". Isaga oo ula jeeda in anay la qiima dhaamin warqadda saxarada la iskaga tiro.

Ninkan oo madaxweyne ka soo noqday Ruushka intii u dhaxaysay qaar ka mid ah xilliyadii Putin, ka di bna muddo dheer soo hayay xilka ra'iisul wasaaraha, ayaa si weyn u hadal hayay oo taageersanaa dag aalka Ukraine.

Maxakamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC waxaa loo aasaasay in ay dacwad ku soo oogto oo ay cadaaladda horkeento kuwa mas'uulka ka ah dam biyada ugu xun - xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah aadanaha, iyo dembiyada dagaalka. Maxkamaddu waxay leedahay xukun caalami ah.

Waa maxkamaddii ugu dambaysay, oo soo farage lisa oo keliya marka masuuliyiinta qaranku aanay dac wayn karin ama aanay doonayn inay dacweeyaan qofka dambiilaha ah.

ICC ma laha awood ay ku xirto tuhmanayaasha, waxayna awood u leedahay oo kaliya inay galangal ku yeelato wadamada saxiixay heshiiska lagu dhisay maxkamada, oo loo yaqaan Rome Statute.

Ruushku kama mid aha saxiixayaasha heshiiskan - sidaas darteed Vladimir Putin ama Maria Lvova-Bel ova midkoodna lama dhiibi doono, dabcan Putin waa madaxweynaha Ruushka.

ICC waxay ku tiirsan tahay wadamada caalamka si ay gacan uga geystaan soo qabashada iyo u ware ejinta tuhmanayaasha xarunta maxkamadda ee Hague.

Ruushka ayaa ku celceliyay ina aanay aqoonsan ayn maxkamaddan, wax micno ahna aanay ugu fadhi nin warqaddan ay soo saartay iyada oo Hogaamiyihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev uu aad ugu fog aaday inuu is barbar dhigo waaranka lagu xirayo Vla dimir Putin iyo "warqado musqusha". Isaga oo ula jee da in anay la qiima dhaamin warqadda saxarada la iskaga tiro.

Ninkan oo madaxweyne ka soo noqday Ruushka intii u dhaxaysay qaar ka mid ah xilliyadii Putin, ka di bna muddo dheer soo hayay xilka ra'iisul wasaaraha, ayaa si weyn u hadal hayay oo taageersanaa daga alka Ukraine.XIGASHO:-BBC

NIN DHINTAY ISAGOO KU BARYOOTA MAYA BIYO I WARAABIYA OO

 QOYSKIISA MAGDHAW LA SIINAYO

Ninka dhintay

XIGASHADA SAWIRKA,BRACE FAMILY

Jaamacad ku taal gobolka Kentucky ee waddanka Mareykanka ayaa oggolaatay inay $14 milyan oo doollar ay siiso qoys nin ciyaarta lagdinta dheeli jiray oo u dhintay jirka oo aad u kululaaday aawadii kaddib markii uu ku baryootamay in biyo la siiyo xilli uu tababaranayay.

Grant Brace, oo 20-jir ahaa, ayaa dhintay bishii Agoo sto 2020, kaddib markii uu wax badan degdeg ku fuulay oo uu misana uga soo degay buur. Qareen nadiisa ayaa sheegay in tababarayaashiisa ay u diideen inuu biyo cabo.

Laba tababare oo lagu xusay dacwadda ayaa lagu eedeeyay inay kooxda ku abuureen "jawi cabsi iyo cagajuglayn ku dhisay”.

Jaamacadda Cumberlands ayaa sheegtay inay rajay nayso in heshiiska la gaaray uu arrintaas soo afjari doono.

Balse waxa ay ku adkaysatay in ay dacwaddaas ka guulaysan laheyd haddii ay sii wadi laheyd maxk amadaynta.

"Waxaannu rajaynaynaa in waqti hore xal laga ga aro doodda dhanka sharciga ay qoyska Brace u hors eedi doonto deggaanshiyo iyo inay ka bogsadaan waxa soo gaaray,” guddoomiyaha jaamacadda Jerry Jackson ayaa sidaasi ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in Brace oo ka soo jeeda Louisville, uu "aad u jahawareeray” kaddib maalintii koobaad ee uu tababarka adag ku qaatay aagga loo yaqaan "Buurta Ciqaabta” ee xaruunta dhe xe ee jaamacadda.

Wiilkan jaamacadda ku cusbaa ayaa la ogaaday in hurdadiisa aanay iskutoosnayn iyo in ay hoosayso in diiradda uu marqura meel saaro, taas oo ku qasab tay inuu qaato dawooyin ay tahay inuu biyo badan u cabbo, gaar ahaan waqtiga uu tababarka samay nayo.

Sida lagu sheegay dacwadda, walow uu qabay baahi caafimaad, haddana labada tababare ayaa ku jeesjeesay markii uu waydiistay in biyo la siiyo, iya goo yiri: "Ma waxay kula tahay inaad tahay qof gaar ah oo ay tahay in biyo badan loo oggolaado?”

Maalintii uu dhimanayay, Brace waxa uu si degdeg ah ku fuulay oo uu uga soo degay buurta kad dibna "waa uu fadhiistay isagoo aad u taagdaran”, ay aa lagu sheegay dacwadda.

Kaddib markii loo sheegay in kooxdu ay dhaqaaq ayso, ayaa la sheegay in lagu yiri waa inaad markale orod ku fuushaa dusha sare ee buurta markaas oo intuu istaagay uu yiri: "Waan daalay, ma awoodo ina an sii wado.”

"Kulayl aad u daran oo uu dareemay kaddib, Gran tayaa ku baryootamay ‘biyo ayaan rabaa, war I caaw iya,” ayaa lagu sheegay dacwadda, waxaana ay inta asi ku dartay in dadka uu u sheegay inuu dareemayo inuu dhimanayo, waxaase loo qaatay inuu iska had layo.

Tababarayaasha ayaa ku qayliyay kaddib markii ay kooxdu dib ugu soo laabatay dhismaha kaddibna wuu isaga tegay qolkii lagdinta, ayaa lagu sheegay dacwadda. Waxa uu doontay goob ay biyo ka soo qulqulayaan, balse waa uu miyirdaboolmay waana uu dhintay kahor inta uusan helin biyo.

Tababarayaasha ayaa helay 45 daqiiqadood ka dib. Afhayeen u hadlay jaamacadda ayaa sheegay in jaamacaddu ay rumaysan tahay inay ka guulaysan laheyd dacwadda, "balse loollanka dhanka sharciga ayey suuragal tahay inuu muddo dheer qaato, oo uu adkaado kharash badanna ku baxo, halkaasna ay ku lumaan sanado maxkamad ay socotay oo aanan la garanayn waxa ka soo bixi doona”.

"Jaamacaddu waxa ay gaartay go’aankan si ay xal uga gaarto kiiskan xilligan la joogo weliba hab ay rajaynayso inay qaddarin u tahay qoyska Brace ee ay soo gaartay dhibaatada baaxadda wayn.”

Jaamacadda ayaa sidoo kale ka qeyb qaadana ysa barnaamij tababar ah oo lagu wacyigalinayo xa nnuunka jirka aadka u kululaado, sidoo kalana ay jaa macaddu gacan ka gaysan doonto baraarujinta dhaa wacyada kulaylka la xiriira, ayuu intaasi ku daray afhayeenka jaamacadda.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip