10 Sano Kadib, Xiisadii Diblomaasiyadeed Ee Masar Iyo Turkiga Oo La Xaliyay

0
Saturday March 18, 2023 - 10:01:46 in Wararka by
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Sano Kadib, Xiisadii Diblomaasiyadeed Ee Masar Iyo Turkiga Oo La Xaliyay

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sabtida maanta ah u safri doona magaalada Qaahira, safarkaas oo muujinaya inuu iftiimayo cilaaqaadka u dhexeeya labada dal.

Toban sano kadib markii xiriirka diblumaasiyadeed uu jaray afgambigii madaxweynihii Masar Maxamed Mursi oo xulufo la ahaa Ankara.

Booqashada Mevlut Cavusoglu, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee uu Turkiga u diro diblumaasigiisa ugu sarreeya tan iyo markii taliyaha ciidamada Masar, haatana ah madaxweynaha, Abdel Fattah al-Sisi uu hoggaaminayay afgambigii Mursi bishii July, 2013.

Waxay kusoo beegantay booqashada Cavusoglu, laba toddobaad markii dhiggiisa Masar, Sameh Shourky, uu booqday Turkiga, si uu u muujiyo taageero kadib dhul-gariirkii weynaa ee ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof, kaas oo ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

"Dhammaan dhinacyada xiriirka labada dal waa laga wadahadli doonaa, waxaana la isku weydaarsan doonaa aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Booqashadu waxay ” daah-furaysaa waddo dib loogu soo celinayo xiriirkii caadiga ahaa ee labada dal,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ku tiri hadal daba socday midka Turkiga.

Mursi, oo ahaa madaxweynaha Masar, kana tirsanaa Ikhwaanul Muslimiinka ayaa geeriyooday 2019, waxaa taageeray madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan iyo xisbigiisa AK Party.Waxaa bilihii lasoo dhaafay soo ifbaxayay calaamado muujinaya isu soo dhawaanshiyaha u dhaxeeya Turkiga iyo Masar.

Sisi iyo Erdogan ayaa is arkay intii lagu guda jiray Koobka Adduunka ee 2022 ee Qatar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip