Eng Yarow Shariif Aadan (Hoggaamiyihii Wagosha) oo ku geeriyooday dalka UK

0
Friday March 17, 2023 - 10:38:59 in Wararka by
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng Yarow Shariif Aadan (Hoggaamiyihii Wagosha) oo ku geeriyooday dalka UK

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
 Eng Yarow Shariif Aadan oo ah gudoomiyihii golaha dhaqanka iyo Siyaasada ee reer Goleedka (Somali Bantu ama Wogasha), ayaa ku geeriyooday magaalada Cardiff ee UK.
Allaha u naxariistii Eng, Yarow wuuxuu ahaa aqoonyahan wax ku bartay jaamacadaha UK iyo Kuwait. Dhinaca kale wuxuu ahaa u dhaqdhaqaaqe u doodi jiray caddaladda bulshada uu kasoo jeedo ee Bantuuga ee ku dhaqan dhulka Jubbooyinka, halkaas oo uu muddo ka hadli jiray caddaalad darro ay ka tirsanayeen dhismaha maamulka Jubbaland.


Wuxuu ahaa siyaasi qeyb ka ahaa marxaladihii kala duwanaa ee dowlad dhiska Soomaaliya, Inkastoo sanadihiisii dambe uu ku sugnaa dhinaca qurbaha .

Wasiirka wafaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa'uud Aways ayaa sheegay Eng, Yaraw inuu ahaa codkar naf iyo maal u huray dalkiisa iyo dadkiisa.

"Innaa Lillahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allah ha u naxariisto Eng Yarow Sharif Aden Mashemba oo xaley ku geeriyooday magaalada Cardiff, Gobolka Wales ee UK. Waxaa uu ahaa halyey codkar ah oo naf iyo maal u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Eng Yarow waxaa uu ahaa saaxiib labaatankii sanno ee la soo dhaafey aan si dhow u soo wada shaqeynay, ”ayuu yiri Daauud Aways.

Wasiirka warfaatinta ayaa tacsi uga diray qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip