
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHTALAADO 14-KA MAARSO 2023-KA-
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Ereteriya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Xalay gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halk aas oo siweyn loogu soo dhaweeyay, isla mark aana uga bilaabatay booqasho labo cisho ah.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaar adaha Magaalada Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyada oo intaas kaidb la geeyay Xarunta Madaxtooyada Ereteriya ee Magaalada Asmara.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki ay aa ka wada hadli doonaxoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gobolka, waxaana booqashadaan ay no qoneysaa markii Saddexaad ee uu Madaxwyene Xasan Sheekh ku tago dalkaas tan iyo markii la doortay.
Dalka Ereteriya ayaa waxaa hadda ku sugan oo tababar uu uga socdaa Ciidamo katirsan dowl adda, kuwaas oo la qoray markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana xusid mu dan in dalka dib loogu soo celiyay Ciidamadii tab abarka loogu qaaday dalkaasi Ereteriya xilligii dolwaddii Farmaajo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulm ay Safiirka Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u jooga Sooma aliya MR Alberto Vecchi,
Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa kawada hadl ay xoojinta iskaashiga Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho iyo Maamulka Gobolka Banaadir.,iyo sidoo kale arrima ay kamid yihiin, dib udhiska xaru maha danta guud, sida Isbitaalada, M.C.H.yada, Wadooyinka muhiimka ah oo ay horey u dhistay Dowladda Talyaaniga, xarumaha farsamada gac anta, maareenta Barakacyaasha iyo dib u soo cel inta xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Liberty
Dab ka kacay goob uu ku sugnaa Madax weynaha Soomaaliya iyo Raysal wasa are ku xigeenka dalka
Goob uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uga qeyb galayay shirweynaha waxbarashada Soomaaliya, ayaa si kedis ah waxaa halmar uga kacay dab ka dhashay fiilooy inka korontada.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasa are ku xigeenka dalka, ayaa si deg deg ah uga baxay goobta uu dabka ka ka cay oo tallaabooyin u jirtay halka ay fadhiyeen. Goobta uu dabku ka kacay ayay ahaye hool kuyaala garoonka diyaar adaha ee Afisyooni ee M/Muqdisho, halkaas oo uu ka socday shir ballaaran oo looga hadlayay horu marka waxbarashada iyo caqabadaha.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir ayaa ku tilmaamay dabka kacay inuu qeyb ka yahay daruufta iyo aqoon xumada ka jirta dalka, isagoo sheegay in daruuftaas dalka uu ka gubdidoono.
Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkan. Lamana oga sababta dhalisay dabkaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu dab ka kac ay isbitaalka Martiini, dabkaas oo geystay khas aare weyn oo sababay in qaar kamid ah bukaana da laga daabulo isbitaalka.
Dhinaca kale shirkii ayaa daqiiqado ka dib ka furmay isla hoolka ka dib markii la baqtiij iyey dabkii ka kacay teendhada shirka lagu qabanayey kaasoo aan geysan waxyeelo
Golaha Aqalka Sare BJFS oo ansixiyay guddi ga madaxa-bannaan ee dib u eegi sta iyo hirgelinta Dastuurka dalka
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaa liya ayaa ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka, 30 Senator ayaa ogolaatay, ansixintaan Se nator diiday majirin, wax ka aamusayna majirin, xubnaha guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa kala ah:
Maxamed Xasan Idiris
Farxiya Muumin Cali
Burhaan Aadan Cumar
Axmed Maxamuud Jaamac
Maxamed Cabdalla Saalax.
Wasiirka wasaaradda caddaalada iyo arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin ayaa u mahad celiyey golaha Aqalka Sare ansixinta xubnaha guddiga madaxa-banaan ee la socodka dib u eegista dastuurka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyay qorshe lagu shaqaaleysiin doono 10,000 oo macalimiin ah
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha qaran ee Waxbarashada dalka ayaa sheegay in dowladd iisa ay ka go'an tahay dib u soo nooleynta, mid eynta iyo tayeynta nidaamka Waxbarashada dalka.
Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ilaa 250 qof oo isugu jiray mas’uuliyiin heer sare ah oo ka tirsan hay'addaha kala duwan ee dowladda, aqo onyahanno, xirfadleyaal Waxbarasho, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha Caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Man haj mid ah oo Qaran, islamarkaana wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaa leysiin doono Toban kun oo Macalimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho oo ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.
"Qorshaheennu waa inaan kordhinno tirada ard ayda xaadirta Iskuulada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidoo kale waa inaan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qa ran iyo inaan hubino barid tayo sare leh oo ay hor muud u yihiin xirfadlayaal iyo Macalimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiin do ona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iney aad u hooseyso fu rsadaha Waxbarasho oo ay heli karaan dhal inyarada Soomaaliyeed, taasina ay caqabad ku ta hay dhisida Mustaqbalka wanaagaan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii watay ayaa ka dalbaday aqoonyahan ada, qurbejo ogta iyo kaadiriinta Waxbarashada dalka iney gac an ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo deg anaasho siyaasadeed, horumar, dhaqan dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaada dalka.
Soomaaliya oo loo ogolaaday xubinnim ada urur caalami ah (Faah-faahin)
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubin ka noqday ururka xoghayeyaasha guud ee baarlam aanada adduunka, kadib markii uu dhawaan Aqalka Sare wafdi u diray dalka Baxreyn.
Xoghayaha guud ee Aqalka Sare ee Sooma aliya Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa hogga aminaya wafdiga ay dirtay Soomaaliya, wuxuuna magaalada Manama ee dalka Baxreyn uga qeyb galay kulanka guud ee xoghayayaasha baarlama annada adduunka.
Soomaaliya ayaa horay u gudbisay codsigeeda kamid noqoshada ururkaas, waxaana fadhigii ugu horeeyey loogu ogolaaday inay ku biirto ururka.
Codsiga Soomaaliya waxaa fadhi gaar ah ka yee shay guddiga fulinta xoghayayaasha baarlamaa nnada adduunka, waxaana lagu go’aamiyay in baa rlamaanka Somaaliya uu ku biiro ururka xog hayayaasha baarlamaannada adduunka.
Intaas kadib waxaa Baxreyn ka furmay shirka uru rka, waxaana cod loo qooday codsiga Soomaaliya ka mid noqoshada ururka, waxayna Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku heshay xubinimada uru rkaas.
Markii ay burburtay Soomaaliya waxay lumi say dhamaan xubinimadeedii ururrada dunida, bal se markii dib loo soo yagleelay dowladnimada Soomaaliya waxaa bilawday dadaallo lagu soo celinayo xiriirkii dalkaani uu la lahaa dunida.
Inkastoo heer fiican ay Soomaaliya ka gaartay ka soo muuqashada masraxyada caalamka, ha dana waxaa jira ururro muhiim u ah oo weli ay u hanqal taageyso ka mid noqoshadooda.
Soomaaliya, inta badan lagama diido ku biiridda ururrada ay dalbato, maadaama uu dalku yahay mid qani ah oo aan weli laga faa’iideysan qeyraad kiisa, inkastoo ay ka dagaalamaan kooxo argagi xiso ah, kuwaas oo lagu raja weyn yahay in la soo afjaro dhawaan.
Siyaasiyiin kusii qulqulaya gobolka Ge do ka dib go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Baardheera ay ka dageen siyaasiyiin horleh, kuwaasi oo ku biiray kuwa hal kaasi ku sugna muddooyinkii dambe.
Siyaasiyiintan gaaray gobolka Gedo ayaa qa arkooda la sheegay in markii ugu horeysay ay tah ay oo halkaasi tagaan, xilli ay sanadihii dambe xi isad siyaasadeed ka taagneyd gobolkaasi.
Socdaalka siyaasiyiintan ay ku tageen Baar dheere ayaa imanaya kadib go’aankii uu mada xweyne Xasan Sheekh ka qaatay xiisadda gobol ka Gedo ee ahaa xal u helida tabashooyinka reer Gedo ay ka tirsanayaan maamulka uu hoggaam iyo Axmed Madoobe.
Xasan ayaa lagu wadaa in uu tego gobolka Ge do, si xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi, wuxuuna dhawaan sheegay in uu tegi doono oo la fariisan doono "tabashada ay qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xaliney naa, ogaada in aan heshiino waa muhiim walaal ayaal reer Jubbalanow.”
Qulqulka siyaasiyiintan ayaa sidoo kale imana ya xilli uu gobolkaasi ka socda diyaar-garow loogu jiro inay ka billowdaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay halkaasi gaareen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.
Xasan Sheekh oo laba toddobaad kahor tegay ma gaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu ka shaqe ynayo xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gog ol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talo oyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.
Xasan ayaa dadaal badan gelin doona sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siy aasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Bay dhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Laf ta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maa mulkaasi.
Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saar aya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siy aasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si loo ga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, isla markaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhan ka ah kooxda Al-Shabaab.
Howlgal ka dhan ah ‘AS’ oo ka billowday Gobolka Gedo
Gobolka Gedo waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Feder aalka ee ku sugan Gobolkaas, saraakiisha hoggaa mineysa ciidanka ayaa sheegay in ujeedkoodu ya hay sidii ay ‘AS’ uga qabsan lahaayeen deegaan nada ay joogaan. Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waa halka xudunta u ah howlgalkaan waxaana gaaray saraakiil katirsan Dowladda Federaalka & maa mulka gacanta ku haya ee sheegay in uu ka mada xbannaan yahay DG Jubbaland. Senator Cabdul laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo deegaan-doo rashadiisu tahay DG Jubbaland ayaa sheegay in howlgallada ka socda Baardheere ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay yahay sidii ‘AS’ looga saari lahaa Gobolka Gedo.
Waxa uu meesha ka saaray shakiga lagu xee ndaabay ee ah in dhaqdhaqaaqyada Ciidamu ay yihiin kuwa siyaasadeysan balse waxa uu shee gay in howlgalkaan uu lamid yahay howlgalladii ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle.
Wasiirka Caafimaadka XFS oo furay shir ka Sedex-biloodlaha ah ee Iskuduwi dda Hawlaha Caafimaadka Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bul shada ayaa Shalay qabatay Kulanka Sedex-bilo odlaha ah ee Iskuduwidda Hawlaha Caafimaadka Somaliya kaasoo socon doona mudda 2 malin ah.
Kulankan oo ah mid Sedex-biloodla ah ayaa mar walba diiradda lagu saaraa Hormarinta Hawlaha Caafimaadka dalka ee hortabinta leh, iyo sidoo kale lagu sameeyo soo bandhiggidda qodobaddii kasoo baxay shirkii hore ee dhacay Dec 2022 ka as oo uu furay Ra’aiisul Wasaraaha Xukuumad da federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi barre, Kulankaan ayaa muhiim u ah lafaguridda xaaldaha Caafimaad ee taagan kuwaas oo u baahan in si degdeg ah loo wajaho.
Kulanka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaar adda Caafimaadka HE. Dr Cali xaaji Aadan oo ay wehelinayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caa fimaadka Dr. Maryam Maxamad Xuseen iyo Was iir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr Maxamad Hassan Mohame Bulaale .
Shirka waxaa ka soo qaybgalay qaar kamida Agaasimyaasha Waxaayaha Wasaraadda Caafim aadka , Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ah aa ka Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowllad Goboleedayda, Madaxa ka socotay xafiiska Ra’I isul Wasaaraha gaar ahaan qaybta tiirka horma rinta arimaha Bulshadda, Hay’addaha Caalamiga ah ee taageera Caafimaadka dalka, iyo ururuada Bulshadda , isbitaalada Guud iyo kuwa gaarka loo leeyahya.
Labdda maalmood ee uu shirka socdo waxaa lagu wada gorgfeyn doonaa Mawduucyo kala duw an oo ay kamid yihiin:
Xoojinta Hanaanka Maamulka adeegayda Caaf imaadka
Horumarinta Cuududa Shaqaalaha Caafim aadka qeybahooda kala duwan
Horumarinta nidaamka , Maamulida iyo maaraynta xogta caafimaadka dalka
Kor-uqaadida nidaamka adeeg bixinta
DF oo soo bandhigtay nin dil u qorshee yay Wasiir Mukhtaar Roobow
Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa ba ahisay barnaamij lagu soo bandhigay xogta nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, kaas oo soo galay gacanta hey’ad aha ammaanka.Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) waa dilaa barnaamijkaan ku qirtay dhagaro badan oo dad badan uu naftooda ku dhaafiyey.
Dadkii uu u qorsheeyey inuu dilo waxaa ku jiray wasiirka diinta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roo bow, xilli uu maxbuus ku ahaa xarunta hey’adda nabad sugidda Soomaaliya ee Habar-Khadiijo.
Dr. Fanax waxaa laga soo qabtay magaalada Bel edweyne ee gobolka Hiiraan, intii ay socotay doo rashadii muranka badan dhalisay, wuxuuna barnaamijkaan ku soo bandhigay dhamaan xeeladihii uu isticmaalay intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab.
Ninkaan ayaa ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howlgeli jiray isbitaallada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah.
Hanaanka dadka loo dilo iyo meelaha ugu daran ee laga dilo qofka ayuu wareysigaan uga sheekee yey Dr. Fanax, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii uu horay u dilay.
Ninkaan ayaa sheegay inuu aad u isticmaali jiray si danihiisa gaarka ah uu u gaaro, odayaasha dhaqanka ee beeshiisa, saraakiisha beeshiisa iyo mooryaanta ku heybta ah, si ay u difaacaan markii lasoo qabto.
Barnaamijkaan waxaa ka soo muuqanaya nin adeerkiis ah, oo ahsarkaal ka tirsan ciidamada So omaaliya oo Dr. Fanax uu dhowr jeer gabaad ka dhigtay, isla markaana uu ku gaaray dano uusan fahamsaneyn.
Sidoo kale wuxuu shaaciyey dhaawac hadda ka hor ka soo gaaray qarax ay sameynayeen isaga iyo rag kale, isagoo sheegay inuu galay isbitaal, sidaasna uu uga bogsooday iyadoo aan la ogaan.
Wuxuu sheegay in mar lagu xiray xero lagu dhaq an celiyo dadka ka soo baxa Al-Shabaab oo ku taalla magaalada Beledweyne, sidoo kale magaa lada Saakow ayuu sheegay inuu ku soo qaatay tababarka ka saamaxay inuu ku shaqeyso xirf adda dhakhtarka.
Taliyaha Ciidanka Boliiska oo dhagax dhigay Qeyb cusub oo lagu soo kordhin doonno isbitaalka Madiina
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/ Guuto Sulub Axmad Firin ayaa Shalay Kormeerey shaqo ku tagay Isbitaal Madiina ee Ciidanka Bol iiska
Taliyeintii uu Ku guda jirey Kormeerka wuxuu Dhagax dhigay Qeyb Cusub oo isbitaalka lagu Soo kordhin Doono taasi oo qaabil San Hooyada Iyo Dhalaanka,isagoona mid mid u booqaday qey baha kala duwan ee isbitaalka Madiina.
Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa wada dar-dargelinta howlaha shaqo ee ciidamada Boliiska u hayaan bulshada iyo sidii sii hufnaan iyo caddaalad ku jirto loogu adeegi lahaa bulshada Soomaaliyeed.
Maxkamadda Ciidamadda Oo Shalay La ba Qof Xukun Dil Toogasha Ah Ku Fulisay
Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ayaa Shalay xukun dil toogasha ah ku fulisay laba ask ari oo ka tirsan ciidamadda booliska oo hore dil u geystay.
Labadan askari ee la toogtay oo lagu kala ma gacaabo C/shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal ay aa hore loogu riday xukunkan dilka ah ee Shalay lagu fuliyay kadib markii la soo bandhigay cad ey maha fal danbiyeedka ay geysteen
Sida maxkamadu ay cadeysay, Cabdi Shakuur Ax med Maxamuud waxa uu hore u Dilay Xasan Max amed Shire oo ay Boliiska kawada tirsan aay een.
Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliis ahaa waxa uu Dilay Cabdi Xakiim Khaliif Maxa muud oo uu dhacayay.
Maxkamada Ciidamadda ayaa dhinaca kale digniin culus u dirtay ciidamadda oo ay uga digtay iney dil geystaan, waxaana loogu hanjabay in as karigii wax dila isna tiirka la geyn doono.
maxkamadda ciidamadda oo Shalay laba qof xukun dil toogasha ah ku fulisaymaxkamadda ciid amadda oo Shalay laba qof xukun dil toogasha ah ku fulisay
Talyaaniga oo soo badbaadiyey 1,300 oo muhaajiriin ah
Dowladda Talyaaniga ayaa soo badbaadisay 1,300 oo muhaajiriin ah kadib howlgal samatabixin ah oo laga fuliyey dhowr goobood oo ku yaalla Ko onfurta Talyaaniga.
laba todobaad ka hor ayay aheyd markii ay 74 qof ku dhinteen doon ku qaraqantay xeebaha wad ankaasi.
Sanad walba dad aad u farabadan ayaa ku dhi nta Xeebaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo libiya iya ga oo doonaya inay tahriib ku galaan dalalka Qaa rada Yurub.
Masaajidda Gaalkacyo oo lagu soo rogay amar nooc cusub ah
Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa awaamiir cus ub kusoo rogay masaajidda magaalada Gaalkacyo, ku waasi oo la xiriira sugida am niga maga alada.
Awaamiirta kasoo baxday maamulka gobolka Mudug ayaa lagu faray masaajidda Gaalkacyo in muddo toddobaad gudihiisa lagu xiro kaamirooyi nka wax duuba, islamarkaana masaa jidda loo sameeyo waardiye khaas ah.
"Kadib markay soo noq-noqdeen dilalka qorshay san iyo kooxaha argagix isada ee lagu beegsanayo hal-doorka magaalada, lag una laynayo goobaha lagu cibaadeysto ee masaajidy adu ugu horeeyaan, sidaas darteed waxaa la farayaa dhamaan masaajidda degmada Gaalkacyo inay fuliyaan qodobadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Maamulka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan masaajida Gaalkacyo lagu xiro layr if-waaweyn laba maalmood gudahood, ayada oo la faray in khudbada jimcaha looga hadlo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.Awaamiirta kasoo baxday maamulka gobolka Mudug ayaa waxa kale oo qeyb ka ah in masuuliyiinta masa ajidda ay awdaan luuqyada u dhow masaajid kas ta, ayna ciidamada amaanka gacan ka siiyaan xaqiijinta amniga.
"Madaxda xafiisyada ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa inay masaajidda ku daba-galaan fulinta qoddobadaan,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday maamulka gobolka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye Faysal Shiikh Cali Jifo-jabsade.
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaasi oo loo geysto haldoorka, ayada oo ugu dambeysay dil habeen hore ay koox hubeysan u geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabadoonada caanka ah ee gobolka Mudug.
Nabadoonka ayaa waxay kooxda hubeysan toogteen xilli uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo, oo uu kusoo tukaday Salaaddii Maqrib.
Todobadka danbe waxa gabi ahaanba is badali doona calamka technologyada iyada oo la daah furi doono horumarkii ugu waynaa tariikhda aadanaha
Waxa la sii dayn doona qaybtii afraad ee baramijka chatgbt-4 kaas oo chatgbt 3.5 kii aan la ashqararsanayn ka sii awood badan 500 oo mar
Waxa ay ka dhigantahay taasi in todobadka danbe caqliyada samayska ah loo isticmaali doona qorista filimada oo awal directors badan qadan jirtey (movie script writting) , iyo xitaa in la sameeyo actors macmal ah oo jilaya wax, lagagana maarmi doono kuwii caadiga ahaa.
Sido kale todobadka danbe waxa la awoodi doona in buug ka kooban 200 oo warqadod lagu qori karo hal maalin kaas oo tafatiran wax khalad ahna ku jirin diyaarna u ah in la daabaco.
Waxa kale oo lagu samayn karaa chatgbt4 muuqaalo,sawiro,codad kuwaas oo dhammadtood aan horey loo isticmaalin kuna xidhan xogta aad adigu galisay.
isku so wada duubo baramijkan ayaa suuqa ka saari doona malayiin dad ah oo ka shaqaynayay hawlo uu isagu imika qaban karo hadii awal uu ka shaqayn jirey wadamada qaar todobadka danbe waxa loo sii dayn doona calamka oo dhan waxa uuna gabi ahaanba saamayn ku yeelan doona qaybaha kala duwan ee nolasheena iyada oo looga faa,iidaysan doono sector walba.
Mohamed Sharif Muktar
Sacuudi Carabiya oo ku dhowaaqday shirkad diyaaradeed oo cusub
Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii ku dhowaaqday billowga shirkad diyaaradeed oo cusub, taasi oo qeyb ka ah qorshe magaalada Riyadh looga dhigayo xarun socdaal oo caalami ah, oo la loolanta magaalooyinka Doha iyo Dubai.
Riyadh Air "ayaa ujeedkeedu yahay inay duulimaadyo ku tagto in ka badan 100 goobood oo caalamka ah kahor 2030,” waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa eryaneysa hadafyo dhanka socdaalka oo damaaci ah, kuwaasi oo qeyb ka ah aragtida dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ee "Vision 2030”, oo ay ku jirto in tirada rakaabka ee sanadlaha la saddex jibaaro oo 10 sano gudahood lagu gaarsiiyo 330 milyan.
Waxay sidoo kale dooneysa inay sanadkii gudbiso shan milyan oo tan oo xamuul ah.
Bishii November, saraakiisha Sacuudiga ayaa ku dhowaaqay qorshaha garoon diyaaradeed cusub oo laga sameynayo Riyadh, kaasi oo ku fadhin doona dhul 57 km oo isku wareeg ah, islamarka ana qaadi kara 120 milyan oo musaafiriin ah san adkii marka la gaaro 2030, iyo 185 milyan, san adka 2050.
Qaadka garoonka diyaaradaha ee hadda ka dhisan Riyadh, waa 35 milyan oo musaafiriin ah sanadkii.
Shirkadda diyaaradeed ee cusub waa qeybtii ugu dambeysay "xirmooyinka weyn ee mashruu cyadeena, taasi oo xoojin doonta kaalinta dalk eena ee xarun socdaal oo caalami ah,” waxaa sid aas twitter kusoo qoray wasiirka gaadiidka Sacu udiga Saleh Al-Jasser.
Tony Douglas, oo horey u ahaa madaxa shirkadda Etihad Airways ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi, ayaa loo magacaabay madaxa shirkadda Riyadh Air, sida ay sheegtay SPA.
Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in diyaaradda cusub ay ku shaqeyn doono "diyaraado casri ah” balse ma bixin faah-faahin dheeri ah.
Wargyska Wall Street Journal ayaa Sabtidii qoray in Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sacuudiga (PIF) uu "ku dhow yahay heshiis” uu la galo shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing, kaasi oo "lagu qiimeeyey $35 bilyan.”
Garoonka diyaaradaha ugu mashquulka badan Sacuudiga iminka waa midka ku yaalla magaalada Jeddah ee ku teedsan Badda Cas, halkaasi oo xarun u ah shirkadda Saudia. AFP, VOA
Milan Oo Macaash Aad Badan Ka Heleysa Iibka Tigidhada Garoonka San Siro
`Iyadoo milkiilayaasha Milan RedBird ay doo nayaan inay u baxaan daaq cagaaran, kooxdu wa xay weli kasban kartaa €80m iibka tikidhada ee Stadio Giuseppe Meazza.
Gerry Cardinale iyo RedBird ayaa sii wada inay u riixaan guri cusub oo Rossoneri ah waxayna had da ka shaqeynayaan mashruuc aagga La Maura ee magaalada, iya goo saada aliyay in ga roon 60-70,000 oo kursi ah.
Milan waxa ay qorsh aynays ay in ay garo onkeeda cusub ka dhi sto Inter, iyada oo qor shaynaysay Pop ulous ee ‘Cathedral’, laakiin xi dhiidhkii burburay ay aa arkay in laba da kooxood ay kala tageen bilihii la soo dhaafay, iyaga oo go ’aansaday in ay si ma dax bannaan u sii wataan mashaariicdooda.
La Repubblica ayaa faahfaahin ka bixisay sida garoonka hadda ee Giuseppe Meazza uu weli faa’iido ugu leeyahay Milan, kaasoo heli kara ku dhawaad €83.7m iibka tigidhada xilli ciyaaree dkan. Haddii ay gaaraan semi-finalka Champions League, tiradan ayaa kor u dhaafi doonta €90m.
18kii kulan ee Milan ay ku ciyaartay gurigeeda tart amada oo dhan xilli ciyaareedkan, 15 ka mid ah waxa ay arkeen in ka badan 70,000 oo taagee
rayaal ah
Maxay yihiin ciidamada lagu tab abarayo baardheere ee muran ka ka dhex dhaliyay jubbaland?
Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan looga hadlayay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaas oo ay hoggaaminayaan Senator Cabdullaahi Ism aaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deeg aannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.
Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ciidamad ani ay yihiin kuwa looga jawaabayay baaqii Madaxwayne Xas an Sheekh ee la dagaallanka Al-Shabab.
"Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya markii loo doortay madaxwa ynenim ada labada qodob ayuu aad iyo aad uga shan qar iyay, qodobka kowaad waxaa uu ahaa in amniga iyo in qolyahan khaw aarijta laga qabto Soomaa liya , qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu joogo waxaa waajib ku ah isaga o fulinaya tusa alaha madaxwaynaha sidii khawarijta looga sifeyn lahaa dalka," ayuu yiri Mr Fartaag .
"Umadda Soomaaliyeed iyo reer Jubbala nd-ba waxaan rabaa inaan u sheego in ciidankan Baa rdheere lagu uruurinayo waa ciidan daraawiish ah oo ay Jubbaland leedahay, Jubbaland macnahe edu ma aha Kismaayo oo kali," ayuu intaa ku daray.
Mr Fartaag ayaa xusay in gobolka Gedo oo Jub baland ka mid ah aysan joogin ciidamo kuwa Jub baland ah ayna doonayaan in imika ay ciidamao sameeyaan.
"Jubbaland waa 17 degmo , toddobo degmo oo ka mid ah waa gobolka Gedo oo waa xor oo gac anta Al-Shabaab xor ayay ka yihiin, 17 degmo mar ka saddex degmo laga jaro inta kale ee soo hortay 14 degmo ahayd oo toddobo ay Shabaab hayst aan, toddobo degmo ee xorta ma lahayn ciidamo daraawiish ah oo Jubbaland ah, haatan xeradii waa la furay," ayuu yir Mr Fartaag.
Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa beeniyay in ciidamadan lagu tababarayo ujeeddo gaar ah laga leeyahay.
"Ciidankan ujeeddo siyaasadeed lagama laha, ciidamadan la abaabulayo waa uun ciidamadii Soomaaliya oo dhan laga abaa bulayay oo dee gaannada laga abaabulayo oo madaxwaynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay ee ah in Shab aab lala dagaall amo, mana aha ciidan la siyaas adeynayo," ayuu intaa ku daray.
Maamulka Jubbaland oo shaki ka muujiyay ciidamada Baardheere wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Duumaal
XIGASHADA SAWIRKA,JUBBALAND TV
Hasayeeshee mas'uuliyiin ka tirs an maamulka Jubal and ayaa sheegay in ciidankaas laga leeyahay dano siyaasa deed. Wasiirka amniga Jubbaland Janara al Yuus uf Dhuumaal oo ay BBC la hadashay ay aa sheegay in aysan jirin ciidamo maamulka Jub baland uu ka warqabo oo lagu tababar ayo Baa rdheere.
"Ciidankaas wax xog ah kama hayno , ciidan fedraal ama Jubbaland ku shaqo leh-na ma aha haddee qofkii isaga jabhad uruurasanayo isagay u taallaa," ayuu yiri wasiir Dhuumaal.
Wasiir Dhuumaal oo aan wax ka waydiin nay sababta ay u diidayaan ciidamada Baardheere, ay aa sheegay in loo baahan yahay in si nidaam ah loola dagaallamo Al-Shabaab.
"Annagu dad Al-Shabaab la dirarayo ma diiday no marin xumada ayaan diidaynaa, annaga qofkii muwaadin ah oo hubkiisa wato oo Shabaab la dirir ayo waan soo dhaweynaynaa, nidaamka ciida nkana qofka markaad qorayso xuquuq ayuu leey ahay," ayuu inta ku daray
Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuu suf Dhuumaal ayaa dhanka kale sheegay in dagaal ay Jubbaland Al-Shaa bab kula jirto iyaga oo ka jawaabaya baaqii madax wayne Xasan sheekh.
"Madaxwaynaha wuu ku dhawaaqay in Al-Sha baab lala dagaallamo, Jubbaland- na dagaal ayay ku jirtaa, hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa so cda maalin walba dhimasho iyo dhaawac ayaa ji ra, ayuu yiri," wasiir Dhuumaal.XIGASHO:-BBC
Maxay ka wada hadleen garaadada laascaano od iyo guddiga qaramada Midoobay?
Dagaalka Laascaanood ayaa lagu tilmaamay mid kamid kuwii ugu dheeraa ee ka dhaca dhulka Soomaalida.
Sida uu BBC da u sheegay Garaad Mukhtaar Gar aad Cali oo ka tirsan odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood, wafdi ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo loo xilsaaray xaqiiqo raadinta dagaalka Laascaanood ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka.
Kulanka ayaa ka dhacay dhismaha Qaramada Midoobay ka dagan tahay magaalada Garowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland, wax aana ka qayb galay saddex garaad oo matalayay dhaqanka iyo afhayeenka guddiga aaya ka ta shiga SSC. Garaad Mukhtaar ayaa kamid ah xub naha Garaadada ah ee shirka ka qayb galay.
Guddiga ayaa su’aalo ka waydiiyay xubnahaan xaaladda magaalada Laascaanood iyo dhacdo oyinka gundhigga u ahaa dagaalka mudada bisha ka badan ka socda magaalada.
"Annagu xogtii dhabta ahayd ayaan u sheegnay, oo ahayd tiradu maalintaas intay maraysay oo ah 181 dhimasha ah, inta bandanna u badnaa dumar iyo caruur, waan u sheegnay dadka ku dhaawac may” ayuu yiri Graad Mukhtaar oo marka uu noo warramayay ku sugnaa magaalada Garowe.
Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa socda bil iyo todoba maalin oo xiriir ah, inkasta oo maala maha qaar xaalku daganaa uusanna jirin dagaalka fool ka fool ah oo ay ciidamada labada dhinac isa ga horyimaadeen.
Guddiga xaqiiqa raadinta ee Qaramada Midoob ay ayuu Garaad Mukhtaar noo sheegay in ay do onayeen in ay tagaan magaalada Laascaanood, balse aysan u suuragalin maadaama uu dagaalku wali socdo. Dhanka kale guddi kale oo xaqiiqo raa din ah ayaa la kulmaya dhinaca Somaliland kuwa as oo su’aalo ka waydiinaya xaalka Laascaanood.
Garaadadu waxay rajo wanaagsan ka muujiy een go’aanka ka soo bixi doona xog uruurinta ay wadaan guddigu, kaas oo la filayo in golaha amm aanku ka doodaan dabayaaqada Bishan Maarso.
Maxay garadadu ka filayaan go’aanka guddigaan?
Garaad Mukhtaar wuxuu u sheegay BBC da in ay ka filayaan Qaramada Midoobay go’aan ay ka soo saaraan cidda iska leh masuuliyadda dagaa lka Laascaanood. "Hadii ay anaga noqoto iyo hadii ay dhanka kale ee Muuse biix noqotaba in ay xo gta soo saaran, kadibna ay nasiiyaan ciqaabta kooxdaas ku waajibta [ayaan filaynaa].” Ayuu yiri Garaad Mukhtaar.
Waxaan wax ka waydiinay in ay doonayaan wadahadal dhex-mara iyaga iyo Somaliland iyo hadii ay rajo ka qabaan in ay dib ugu biiraan Som aliland.
"Mustaqbalka waxa ilaahay keeni doono Allahu yaclam, laakiinse inta hadda aan ognahay cadaawadda meesha ka dhacday iyo arxan-dar rada meesha ka dhacday, waxaad moodda Muu se inuu u diyaaryahay inaan la isu soo laaban, raj adeediina wuu soo afjaray” ayuu yiri Garaad Mukhtaar.
Dagaalka Laascaanood ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid kamid ah kuwii ugu waqtiga dhee raa ee ka dhaca deegaanada Soomaalida. Somal iland dhankeeda kama aysan hadlin hadii ay la ku lmeen guddi ka socda Qaramada Midoob ay iyo wada hadal dhexmaray midna. .XIGASHO:-BBC
Howlgal lagu dilay 7 ka mid dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soo maaliyeed oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaa fay howlgalo qorsheysaysan ka sameeyay deeg aanka Miido oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa howlgalkooda ka fuliyay nawaa xi ga deegaanka Miido oo qiyaas ahaan degmada Afmadoow u jirta 26 KM, waxayna halkaasi ku bur buriyeen ciidamada xarumo kooxda Al-shab aab ku lahayeen.
Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warba ahinta qaranka u sheegay in holwgal kaasi ay ku dileen 7 ka mid ah dagaalam ayaasha Ururka Al-shabaab oo uu ku jiro Sarkaal magaciisa uu kusoo koobay Asad, islamarkaana lagu dhaawacay 5 xubnood oo kale.
Wuxuu sidoo kale Taliyaha uu sheegay in how lgalka ay ciidamada kusoo qabsadeen hub kala ah 4 qori oo Ak47 ah iyo 1 qori BKM ah oo ay Soo maalida u taqaano Dabajeex, isagoona xusay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah koo xda Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa mudoiyinkii dambe de egaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ka wa day howlgalo ka dhan ah Al-shabaabka ku sug an deegaanadaasi.
GABDHAHA YARYAR EE KA SHAQEE YA GURYAHA IYO SIDA LOO CIQAABO
Gabadhan oo14 jir ah ayaa loo qaaday cusbitaalka XIGASH ADA AWIRKA, DEE PIKA NARAYAN BHA RADWAJ
Toddobaadkii la soo dhaafay booliiska iyo saraakiil kale ayaa soo badb aadiyay gabar 14 sano jir ah oo ka shaqeyneysay guri ku yaalla duleedka magaalada Delhi, ee dalka Hindiya, taasi oo loogu gaystay dhaawac iyo jirdil xooggan gurigii ay ka shaqeyn eysay.
Khubarrada ayaa sheegaya in shaqaala ha gab adhan oo kale ah ay dhibaato qaba an maaddama aanu jirin sharci iyaga ilaal inya.
Gabadha oo dhaawac ah oo isbitaalka la geeyay ayaa booliiska u sheegtay in dadka guriga ay ka shaqeyneysay ay jirdil u gaysanayeen muddo shan bilood ah.
Wariye iyo filim sameeye Deepika Narayan Bha radwaj oo gabadhan la kulantay ayaa booliiska ku war galisay in ay ku jirto xaalad murugo leh.
Waxa ay sheegtay in saaxiibteed oo aragtay gaba dha oo u soo baxday inay khashinka ka daadiso gurigii ay ka shaqaynaysay hortiisa, halkaasna ay ku ogaatay xaaladda ay ku sugan tahay, isla mar kaana ay uga warbixisay.
Gabadha yar ayaa sheegtay in xitaa guriga lagu siin jiray nooc ka mid ah khamriga .
"Waxay ii sheegtay in mar walba la garaaci jiray, xitaa hal ama laba jeer ma aha, laakiin mar walba waa la garaaci jiray haddii aysan dhammayn shaq ada loo diray," ayay tiri.
Qoyska lagu eedeyay in gabadha ay dhibaat eeyeen XIGASHADA SAWIRKA,DEEPIKA NAR AYAN BHARADWAJ
Qoyska lagu eedeyay in gabadha ay dhibaateeye en Booliiska ayaa xiray milkiilaha guriga ay gab dha yari ka shaqeyneysay kaasi oo lagu magaca abo Manish Khattar iyo xaaskiisa Kamalj eet Kaur, waxaana lagu soo oogay dhowr dacwadood oo ay ku jirto in gurigooda gabadha yar loogu gaystay faraxumeyn.
Booliiska ayaa sheegay in marka la eego nabar rada ku yaalla gabadha jirkeeda loo adeegsaday waxyaabo af badan si da mindi iyo feerada dharka/kaawad.
Waxay intaa booliiska ku dareen oo warbaahi nta u sheegeen in dad ka iska leh guriga ay gabadhu ka shaqeyneysay looga shakisan yahay in ay dhibaatadan ka da mbeyeen oo gabadha ay dili jireen mar walba oo ay ka gaabiso shaqada loo diro.
Sawirrada ay BBC-du heshay oo ah gabadhan quruxda badan, ayaa dadka ka careysiin kara, waana sababta aanna sheekada ugu soo darin.
Booliiska ayaa warka ay ka soo saareen xaaladda gabadhan ku sheegay in waalidkeed ay ka dhigi ji reen dharka marka ay qabaneyso howlaha guriga, kadibna ay seexato iyadoo aan wax dhar ah jirke eda saran sababo la xiriira dhaawac.
BBC-da ayaa isku dayday in la hadasho qar eennada difaacaya qoyska lagu eedeyay in gurig ooda lagu jirdilay gabadha yar balse wax jawaab ah ma aysan bixin.
Jirdil badan ayaa ka muuqda jirka gabadha
XIGASHADA SAWIRKA,DEEPIKA NARAYAN BHARADWAJ Tan iyo markii uu soo shaac baxay warka sheegaya in lammaanahan ay jirdil u geysteen gabadha, shirkadihii ay u shaqeynayeen ayaa shaqada ka ceyriyay.
Nishi Kant oo ah madaxa hay’ad aan dowli ahayn oo la dagaallanta tacaddiyada iyo tahriibin ta dadka ayaa kooxda gacanta ku haysa gabadh an hadda u sheegay in gabadha lagu qasbi jiray wax badan oo aaney awoodin.
Waxay sheegtay in hadda ay ku hawlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen faah-faahin ku saabsan halka u uku bixi jiray mushaarka gabadha maadd aama iyada aan la siin jirin.
Warka gabadhan ayaa sababay qeylo-dhaan ka timid dad badan oo ku nool dalka Hindiya oo lagu faafiyey warbaahinta.
Si kastaba ha ahaatee, dadka u dooda xuquu qda aadanaha ayaa sheegaya in tani ay tahay wax ka dhacaya waddan ay ku nool yihiin malaay iin faqiir ah oo wiilal iyo gabdho ah oo ka shaqe eya guryaha dadka maalqabeenka ah iyo kuwa dhexe.
Sannadkii 2013-kii, booliiska magaalada Delhi ayaa xiray haweeney 50-jir ah, kaddib markii ay si xun u jirdishay gabar 15-jir ahayd oo gurigeeda ka shaqeynaysay.Dhaawacyo badan ayaa laga arkay madaxa gabadha iyo qaniinyo jirkeeda loo gay stay. .XIGASHO:-BBC
CARRUURTA AKHLAAQDA MA BARAN KARAAN INTA AY CALOOSHA HOOYADA KU JIRAAN?
Hooya uur leh Wakaaladda wararka ee Hinidya PTI oo soo xigatay xoghayaha hay’ad qaranka Hi ndiya laga leeyahay Madhuri Marathe, waxay she egtay "in haweenka uurka leh loo billaabay olole lo ogu magacdaray Garbh Sanskar oo ilmaha uurka ku jira lagu barayo akhla aqda.”
Madhuri wuxuu sheegay in la qabtay aqoon-iswey daarsi ay soo diyaarsiay Jaamacadda Jawahar Lal oo ku taalla magaalada Delhi oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 80 dhakhaatiir oo ku takhasus ay cudurrada haweenka (gynaecologist) oo ka ka la socda 12 gobol.
"Barnaamijkan wuxuu soconayaa hooyada uur ka leh iyo ilmaha uurka ku jira inta ay laba sano ka gaarayaan,” ayuu yiri Madhuri Marathe.
Ilmaha uurka hooyada ku jira wuxuu baran kar aa ilaa iyo 500 oo eray ka hor inta uusan dhalan.
Haddaba su’aasha Meesha taalla waxay tahay dhab ahaan ma fahmi karaan erey kasta ama luuq ad kasta?
Culimada saynisku jawaabta su’aasha wey ku kala qaybsan yihiin.
Dr. Suchitra Delvi oo ku takhasusay cudurrada ha weenka (gynaecologist) fadhigiisuna yahay magaa lada Mumbai wuxuu sheegay ilmaha uurka hooya da ku jira codadka iney maqlayaan balse ay wax luuqad ah fahmi Karin.
"Markasta oo jirka ilmaha uu koro uurka hooya da waxaa sida oo kale kora maqalka dhagaha, taa soo u sahleysa codadka dibadda inuu maqlo,” ay uu sii raaciyey.Hase yeeshee, ilmaha uurka ku jira ma fahmi karo micnaha codadka uu maqlay. Had dii la yirahdo haddii ay hooyada wax akhriso, si dee ilmuhu ku fahmi karaan waxa hooyada akhr isay? Hooyo iyo ilmaheed
XIGASHADA SAWIRKA,UMESH NEGI
Saamaynta dawooyink a la’isku caddeeyo ay ku leeyihiin ilmaha caloosha ku jira Aragtiyada kala du wan Dr. Suchitra Delvi, wuxuu leeyahay inti aan ka fikiri laheen arrimaha noocaasi ah, waa inaan ka fikirnaa carruurta dun ida ku soo biiray sidi aan u siin laheen waxyaaba ha noloshooda aasaasiga u ah sida cuntada iyo waxbarashada. In laga doodana waxay habboon tahay sidi carruurta loo siin lahaa dhalasho wanaa gsan iyo dhaqan wanaagsan.
Dhinaca kale Dr. SN Basu wuxuu sheegay daraasaduhu iney muujinayaan habka uu ilaaheey u sameeyey minka hooyada inuu dareen gaar ah uu leeyahay.
Isagoo soo xigtay qoraal cimu-nafiga ku saabs an oo lagu daabacay shabakadda ‘Psychology To day’ oo Mareykanka laga leeyahay wuxuu shee gay, "In daabacadda si cad looga qeexay inta ay ilmuhu ka gaarayaan ilaa iyo 9 toddbaad iney ma qlayaan shanqarta iyo codadka dhaadheer, halka marka 13 toddobaad gaaraannaa ay si wanaags an u maqlayaan. Sida oo kalana uu kala saarayo codka hooyada iyo codka dadka kale.”
”Ilmaha hooyada ku jira haddii marar badan looga sheekeeyo sheekooyin si joogta ah, iney ilm aha caloosha ku jira si buuxda ayey uga falcein ayaan,” ayuu yiri. Wuxuuna intaa ku daray, ”In dar aasadda sida oo kale lagy qoray ilmaha inta uu u socda korriinka caloosha hooyada wuxuu yeelan aya dareen uu wax uu ku maqlo, uu wax ku fahmo isla-markaana uu wax ku xusuusto.”
”Inta uu ilmaha u socdo korriinka caloosha hooy ada waa iney hooyadu wax wanaagsan ay samey saa maadaamaa wax kasta oo ay sameyso ay ilm uhu saameyn ku yeelaneyso,” ayu yiri.
Hormoonnada iyo saameynta ay ilmaha ku yeelanayaan "Haddii hooyada uurka leh ay dhiba atooyin dha ka hormoonnada ay haystaan wuxuu saameyn tab an uu u geysan karaa ilmaha cloo sha ku jira,” ay uu yiri Dr Suchitra delvi.
Suhitra oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay hormoonnada hooyada ee ka dhashay farxadda, murugada iyo walwalka intaba waxay saameyn u geysanayaan ilmaha taasoo loo hayo caddeyn say niska uu taageerayo.
Waxayna saynisyahannadu isku raacsan yihiin in loo baahan yahay hooyada xilliga ay uurka lee dahay inta awooddeeda ah iney cunto cuntooyin ka nafaqada leh ee isku dheellitiran, iyo in hooya da laga ilaaliyo wax kasta oo dhibatoo jireed iyo mid maskaxeed u keeni kara.
Dumarka uurka leh, uur kale ma yeelan karaan?
XIGASHADA SAWIRKA,SCIENCE PHOTO LIBRARY – SCIEPRO Aragtiyada faafay
Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Banaras Hindu oo ku taalla gobolka Paradesh waxay xaqiijiyeen buuqa iyo muusika codka dheer iney saameyn u geysanayaan ilmaha caloosha hooyada ku jira.
Khubarada uu ka midka yahay Dr. Sunita Suman oo ka tirsan jaamacadda BHU wuxuu hosta ka xarriiqay iney adagtay xog faahfaahsan in laga helo ilmaha uurka ku jiro fahankooda, dareenkoo da iyo falcelinta ay ka sameyn karaan waxyaaba ha bannaanka ka dhacaya balse la isku raacsan yahay ilmuhu iney wax dareemayaan inta ay ifka iman.Balse aragtiyada ay siyaasiyiinta iyo dadka aaminsan Hinduuga ay isla dhex marayaan ee ah ilmaha caloosha ku jira iney wax weliba fahma yaan ay waxba ka jirin oo aan loo hayn
Taagero dhanka Saayniska ah..XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHTALAADO 14-KA MAARSO 2023-KA-
..