HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 13-KA MAARSO 2023-KA-

0
Monday March 13, 2023 - 08:59:59 in Wararka by
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 13-KA MAARSO 2023-KA-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Villa Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Shirka Madaxda DF Iyo Maamulada Ee Baydhabo

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay shirka magaalada Baydhabo ay 15-ka bishan ku yeel anayaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedy ada, iyadoo Koofur Galbeed ay diyaar garowgii u da nbeeyay ugu jirto marti gelinta shirkan oo xili xasaasi ah kusoo aadaya.

Agaasimaha Guud ee Madaxto oyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo raja wanaagsan ka muijiyay inuu shirkaasi mira dhal noqdo aya dhinaca kale ka hadlay ajendaha ugu culus ee horyaala madaxda heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada

"Mar walba oo madaxdu shirkan isugu yimaada an, waxay ka wada hadlaan xaaladda dalka uu mar kaas ku sugan yahay, oo siyaasadeed, amni iyo dha qaale,” ayuu yiri agaasimaha Madaxtooyada.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale shaaciyay inay madaxdu heshiis kama dambeys ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka oo doo do ay ka soo laabteen kadib markii suuqa ay soo ga shay qorshaha mudo kororsi ee dowladda.

"Marka laga soo taggo ajandayaasha joogtada ah, oo amniga xoreynta dalka, siyaasadda iyo dhaqaala ha ay ka mid yihiin, hadda Baydhabo waxay u ballan san yihiin inay ka hadlaan doorashooyinka dalka, oo heshiis kama dambeys ah in laga gaaro oo dabcan doorashada soo socoto lagu saleynayo. Insha’Allah waxa aan rajeynayno inay sal u noqon doonto, sano badan oo soo socdana nidaam doorasho oo la isku ogyahay, oo xisbiyo ku dhisan oo dimoqraadi ah in la helo,” ayuu yiri agaasimaha.

Si kastaba, shirka waxaa ka maqan oo diiday inuu ka qeyb galo madaxweynaha maamulka Puntland Si ciid Deni oo diidmadiisa sal uga dhigay knilaafka kala dhexeeya madaxweynaha Jubaland iyo madaxwey ne Xasan Sheekh Maxamuud.

DF oo amar culus kusoo rogtay Shirka daha Isgaarsiinta dalka

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo saartay amar culus oo ku socda shirkadaha Isga arsiinta dalka, kadib kulan ay isugu yimaadeen mada xda Wasaarad da, kaas oo uu guddoomiyay wasiir Jaam ac Xasan Khaliif.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaara dda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee Wasaarad da, waxaana looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan dhammaan Shirkada ha Isgaars iinta dalka.

Wasaaradda ayaa amartay Shirkadaha Isgaarsiin ta in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdoo da, taas oo ay sheegtay in ay caqabad ku tahay han aanka shaqo ee Suuqa. Sidoo kale shirkadaha ayaa la faray in aysan ka gudbin meelaha loo cayimaym si loo ilaaliyo Tartan ka Suuqa Isgaarsiinta.

"Waxaa dambi ah shirkaddii lagu helaa in qalabkee da laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sa ba baan faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiy aha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu yiri war ka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda Soomaa liya.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa sidoo kale dalbatay shirkadaha Isgaarsiinta inay u ho ggaansamaan shuruucda uu taalla dalka, si loo ilaa liyo khadka Isgaarsiinrta. "Shirkadaha Isgaarsiintu waa inay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta hal ka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxa ayo”. ayaa markae lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda. Dhanka kale Wasaaradda Isga arsiinta iyo Tekn olojiyada ayaa shaaca ka qaaday in arrimaha Isgaar siinta ay si gaar ah mas’uul uga tahay Hay’adda Isga arsiinta Qaranka, taas oo ay sheegtay in lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qar anka ee 005/2017 kaas oo awood u siinaya in ay ni daamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahf urnaan iyo ilaalinta dan aha macaamiisha.

"Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay xaq u leedahay in ay baarto Shirkadaha "Isgaarsiinta ee la gu tuhmo in ay sameyaan Faragelinta waxyeellada Qalabka Raadiyaha ama dhexgasho shirkad kale.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah waraaqaha Danjirimo ka gu ddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka gud doomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqra adiga Federaalka Ethiopia H.E Mukhtar Mohamed Ware.Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa u rajeeyay safiirka cusub ee Ethiopia u soo magacaawday So omaaliya inuu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isla markaana uu kor u qaado xi riirka iskaashi ee ka dhexe eya labada dal ee saaxiibka ah dariskana ah.

"Dalka Ethiopia waxaan wadaagnaa xudduudda u gu dheer ee aynu la leenahay dalalka deriska ah, wa xaana nagala dhaxeeya xiriir dhanka dadka ah iyo Is kaashi dhinacyada Ammaanka, Socd aalka, ganac siga iyo Diblumaasiyad da caalamiga ah Waxaan raj aynayaa in danji raha cusubi sii xoojiyo xiriirka wan aagsan ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Md. Abshir Cumar Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay ku xigeenka danjiraha Suudaan u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Md.Daa’uud Aweis Jama ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xig eenka Danjiraha Jamhuuriyadda Sudan u fadhiya Soomaaliya Camaar Axmed Bab akar Cali.

Wasiirka ayaa Danjiraha uga wa rbixiyay xaa ladda dalka ee dhinac yada siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada iyo horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaali ya ka gaartey tan iyo markii ay xafiiska timid.

Danjire Camaar Cali ayaa isna dhankiisa soo dho weeyay dadaa lada dhinacyada kala duwan iyo hor umarka ay ku tal laabsaneyso Soomaaliya, isagoo ho osta ka xariiqey taa geerada xukuumadda Khartoum u hayso shacab ka iyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale isla qirey muhimadda xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal oo ah mid soo jireen ah, loona baahan yahay in waqti gan xaad irka ah la labanlaabo.

Qiil yaab leh oo la sameeyey farqiga muddo kororsigii Farmaajo iyo midka Xasan

Abuukate Zakariye Yuusuf ayaa qiil yaab leh u sa me eyey muddo kororsiga uu qor sheynayo baarlam anka Soo maaliya, ee uu gadaal ka riix ayo madaxw eyne Xasan Sheekh, isaga oo shee gay waxa uu uga duwan yahay kii la diiday sanadkii 2021-kii.

Abuukaataha ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu aw ood u leeyahay inuu wax ka beddelo dastuurka dal ka, sida qodobada qeexaya muddo xileedka hey’ad aha dastuuriga ah ee dowladda

Wuxuu sheegay in qodob ka mid ah dastuurka uu baneynayo in wax laga bedeli karo qodobkii loo ba ahdo, isla markaana ay awood u leeyihiin xildhibaana da baarlamaanka Soomaaliya. Abuukaate Zakariye ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan marin afti dadweyne, sidaas darteed ay awood u leeyihiin inay wax kasta uu ka bedelo baarlamaanka Somaliya

Maalmahaan waxaa xoogeystay guuxa ku saleys an muddo kororsi la sheegay in dowladdu ay qorshey neyso, iyadoo la bedelayo qodobka dhigaya in afar sano ay xukunka joogaan madaxweynaha iyo baar lamaanka, taas oo la qorsheynayo in laga dhigo shan sano. "Qorshaha socda muddo kororsi maaha, sid aas looma dhigi karo, weriyaasha waxaa laga rabaa inay dadka saxaan, qodobada hada la bedelayo wa ligood ayey sidaas ahaanayaan, marka mudo kororsi maaha ee waa wax ka bedel qodobo dastuuri ah,” ay uu yiri Abuukaate Zakariye oo wareysigaan siiyey Universal TV.

Weli waxaa dhegaha dadka Soomaaliyeed ka sii guuxaya diidmadii iyo dagaalkii uu la kulmay Farm aajo, markii uu damcay inuu sameysto mudo kororsi laba sano ah. M/Muqdisho waxaa gudaha u soo gal ay ciidan awood uga hor tegay mudo kororsigii Far maajo, taas oo muujisay in dadka Soomaaliyeed aan la qaadsii karin wax aysan raali ka aheyn, waxaana awood ciidan oo lama filaan ah looga hor tegay dow laddii Farmaajo oo heysatay ciidan xoog leh oo toos uga amar qaata.

"Muddo kororsigii hore iyo wax ka bedelka hadda dastuurka lagu sameynayo isku mid maahan, taasi waxay aheyd doorasho qof iyo cod ah ayaa lagu qab anayaa labada sano ee mudo kororsiga ah, tana waa in wax laga bedelayo dastuurka ee mudo kororsi ma aha, waa waqti la sharciyeynayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuukaate Zakariye.

Madaxweynaha Puntland oo shaaciyay maalinta ay dhacayaan doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray maalinta ay dhacayaan doorashooy inka goleyaasha degaanka Puntland Madaxweyne Deni oo la tashanayay guddiga doorashooyinka Puntl and, ayaa si rasmi ah doorashada goleyaasha dega anka ugu asteeyay maalin Khamiis ah oo ku beegan 25-05-2023.

Doorashada uu madaxweynaha Puntland ku dha waaqay ayaa ah doorashooyinka dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland. waxaana laga qaban doo naa illaa 37 demo oo loo qorsheey ay. Guddiga doorashada ayaa haat an wada diiwaan galinta codbixiyaya asha doorashooyinka.

Deni, ayaa haddii uu doorashadan ku guulaysto noqondoona madaxweynihii ugu horreeyay ee doora sho qof iyo cod ah ka taaba galiya Punland. Inkastoo doorashada ugu muhiimsan ay tahay midda madaxto oyada iyo tan barlamaanka, kuwaas oo hadda u muu qda kuwa ku dhicidoona habkii beeluhu awoodda badan ku lahaayeen.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa horey ugu fashilmay inuu doorashadan qabto, iyadoo maalintii loo madlanaa in la qabto doo rashada dowladaha hoose ay hareeyeen mucaarado hubaysan.

Lama oga in madaxweyne Deni oo hadda leh muc aarad xooggan oo ay horkacayaan saaxiibadiisii hore uu la kulmi karo cabaqad lamid ah kuwii fashiliyay maamulkii Faroole.

DF oo 100 askari ka dhoofisay garoonka Aadan Cadde iyo halka loo wado

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Shalay garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay ku dhawaad 100 askari.

Askartan ayaa tababar kusoo qaa dan doona dalka Jabuuti, ayada oo taliska Booliska uu Shalay gar oonka kusii sagootiyay ciidamad aan.

Ciidamadan tababarka loo qaaday ayaa gaaraya ku dhawaad 100 askari, kuwaasi oo la sheegay in muddada saddexda bil ah ee tababarka u socdo lagu bari doono xirfadaha kala duwan ee booliska sida; ka hortaga rabshadaha, barista dambiyada iyo fulinta howl-gallada qorsheysan.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliye ed Sareeye-guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed oo ciidanka ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde ay aa ciidanka kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan muddada uu tababarka socdo.

"Juhdi iyo waqti ayaa la idinku bixinaya waxaa la idinka rabaa in aad faa’iido kala soo laabataan, wax aa la idinka rabaa in sharafta uu leeyahay ciidanka Booliska in aad ilaalisan marka tababarka tagtaan,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Waa idin garab taaganahay, waxaan rajeynayaa in aad u faa’iidey san shacabkiina, u adeegtaan dadkiina iyo dalkiina haddii Ilaahay Idmo.”

Ciidamadan ayaa noqonaya dufcadii 16-aad ee loo qaado dalka Jabuuti, si ay ugu soo qaataan tab abar kor loogu qaadayo heerka aqoon iyo tayo ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Doorashada kursi ka banaan BF oo lagu qabtay Baydhaba – Yaa kusoo baxay?

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka ba naan Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa Shalay magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#176.

Doorashada kursigan ayaa waxaa u tartamay laba musharax, kuwaasi oo kala ahaa Mukhtar Maxa med Mursal iyo Khadiijo Samow Cabdi.

Mukhtaar Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay kurs iga HOP#176, sida uu shaaciyay guddiga ku-meel gaar ah ee doorashooyinka kura asta ka banaan BF.

Guusha Mukhtaar ee kursiga an ayaa timid kadib markii ay tan aasushay Khadiijo Samow Abdi, ayada oo sidaasna gacan taag loogu codeeyay Mukh taar Maxamed Mursal oo helay 101 cod ee ergada madasha ku sugneyd.

"Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 101. Codaynta Doorashada markii la gudo-ga lay, waxaa gacantaag loogu codeeyay Mukhtar Moha med Mursal. 101 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Mukhtar Mohamed Mursal ku helay 101 cod, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176. Waxaan mudane Mukhtar Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo bax ay guddiga KMG ee doorashooyinka.

Mukhtar Maxamed Mursal ayaa waxaa dhalay AUN Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Boor oow) oo 20-ka bishii September ee sanadkii hore ku geeriyoodey magalada Muqdisho. Kursigan ayaa noq onaya kii afaraad ee doorashadiisa uu qabto guddiga an, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaali ya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.

Guddigan ayaa sidoo kale dhawaan qabtay door ashada kursiga HOP#086 oo muran badan uu ka ta agna hab maamulkiisa, ayada oo laga soo wareeji yay deegaan doorashadiisi oo aheyd Beledweyne, is lamarkaana lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kursigaas oo horay loogu diiday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin kadib markii la laalay door ashadiisa ayaa waxa uu guddiga sheegay in uu ku soo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed.

Si kastaba, Guddiga KMG ee doorasho oyinka oo uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay inuu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Gaalk acyo iyo faah-faahin kasoo baxeysa

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Habeen hore magaalada Gaalkacyo ay koox hubeysan ugu geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabadoon ada caanka ah ee gobolka Mudug.

Kooxda hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Nab adoonka ay toogteen xilli uu kasoo baxay Masj idka Ramadaan ee M/ Gaalkacyo, oo uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib .Nabadoonka ay aa waxay rasaastu ka haleeshay qeyba ha sare ee jir kiisa, aya da oo isla goobtaasi uu mar kiiba ku naf baxay Allaha unaxariiste.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilka kadib ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee Puntland, kuwaasi oo ilaa Shalay baaritaano ka wada xaafada Garsoor oo ah halka lagu dilay Naba doon Cabdi Dheere.

Laamaha amaanka ayaa weli waxay ku raad joo gaan kooxda dilka geystay, sida ay warbaahinta gu daha u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka amaan ka magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Saraakiisha amniga ma bixin faah-faahin intaas ka badan, sida haddii lasoo qabtay dad lagu tuhmayo dilkaan iyo inkale.

Si kastaba, Magaalada Gaalkacyo ee xarunta go bolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe amaankee du soo hagaagayay, inkasta oo marar dhowr ah sid aan oo kale dilal qorsheysan loogu geystay odayaal-dhaqameed, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa.

Wasiirka ganacsiga XFS oo a furay shir looga ha dlayo hirgalinta hanaanka casri ga ah ee diiwaan galinta ganacsiga

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS ayaa Shalay magaalada Dhuusamareeb ka furay shir looga hadlayo hirgalinta hanaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga, kaas oo ay ka qaybgaleen wasiirada ganacsiga dowlad gobol eedyada iyo gob olka Banaadir.

Shirka oo socon doona muddo 4-maalmood ah ayaa waxaa furay wasiirka ganacsi ga iyo warshad aha dowladda FS, iyadoo ayb ka qay bgalayaan wasi irada ganacsiga dowlad gobolee dya da dalka, wakiilo ka socda gibolka Banaadir iyo latali yaal iyo hawlwad eeno kale, waxa ana diiradda lagu saarayaa sidii loo hirgalin lahaa hanaanka cas riga ah ee diiwaangalinta ganacsiyada dalka, kaas oo ka kooban heer DG iyo heer Federaal. W/Ganacs iga DG/G/mudug ayaa martida shirka ka qaybglaysa ku soo dhaweeyey Dhuusamar eeb, isagoo ku dhiiri gal iyey in si daah furan loogado odo ajandayaasha shi rka.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS Md.Jibriil Cabdirashiid ayaa xusay in hanaankan cu sub oo internetka ku shaqeeya uu kor u qaadayo dha qaalaha dalka iyo dakhliga dowladda, sidoo kal ena uu ka hortagayo in shirkaduhu ay ka baxaan magac yo isku eg.

Wasirka ganacsiga K/Galbeed C/hi Cabdi maxa med, wasiirka ganacsiga Jubaland C/wahaab Axm ed Cismaan, wasiirka ganacsiga Hirshabeelle Feysal Axmed Xasan ayaa soo dhaweeyey hanaank an cus ub oo sahlaya in si fudud dowladdu ugu adeegto gan acsada dalka.

Shirkadda Aramco oo sheegtay inay faa ’i idday $161 bilyan sannadkii hore. 

Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegtay Axadda Shalay ah inay diiwaan-gelisay faa’iido dhan $161.1 bilyan sannadkii hore, taas oo muujinaysa sida qiimaha saliidda ee kor u kacay kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine uu kiciyay kobaca dhaqaalaha ugu sarreeya ee dhoofinta shid aalka adduunka.

Shirkadda tamarta ee inta bad an ay dawladdu leedahay, oo ah shirkad da labaad ee ugu qiimaha badan ad duunka ma rka laga reebo shirkadda Apple, ayaa war bixin ay ka soo saartay suuqa saa miyada Sucuudiga ku sheeg tay in dakhliga saafiga ah ee 2022 uu kor u kacay 46 boqolkiiba, halk san nadkii 2021 uu ahaa $110 bilyan. Waxay sheegtay in natiijooyinkii ugu xo ogganaa tan iyo markii Ara mco ay noqotay shirkad liiska ku jirta 2019 ay inta ba dan sabab u tahay saam eynta sicirka shidaalka cii riinka ah ee uu qiimihiisa iib inta uu kor u kacay, iyo xoojinta sifeynta xad-dha afka.

Waxa kale oo ay Amco kor u qaaadday kobaca dhaqaalaha guud ee Sucuudiga kaas oo ay sar aaki ishu sheegeen inuu kobcay 8.7 % sanadkii 2022, wa ana heerka ugu sareeya ee waddamada G20.

Guulaha dhaqaale ee Aramco waxa lagu qiimee yay dakhliga isku midka ah ee sannadka 2022 ee ay soo tebiyeen shanta ugu waaweyn shirkadaha shida alka ee – Shell, Chevron, ExxonMobil, BP iyo Total Energy – kuwaas oo kor u dhaafay $150 bilyan. Xar umaha shirkadda Aramco ayaa waxa hore ula kul may weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo, kuwaas oo ay sheegteen Xuuti yiinta Yemen ee ay Iran taageerto, waxaana ugu da mbeeyay muddo sannad laga joogo, balse heshiis la ma filaan ah oo Jimcihii dhex maray Riyadh iyo The ran ayaa lagu sheegay in dib loo soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee go’ay sannadkii 2016-kii, kaas oo yarayn kara khatarta bilaha soo socda. AFP.

Sharciga La dagaalanka Argagixisada oo hadda u haray Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaal ka ayaa Shalay meelmariyay Sharciga La dagaalan ka Argagixisada, oo Arbacadii uu ansixiyay Golaha Shacabka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa oo golahaasi hortagay ayaa ka codsaday inay ansix iyaan.

Xagaa ayaa sheegay in sharcigan uu ahmiyad we yn u leeyahay dalka, ayna ta hay inay ansixiyaan, si aanu guul uga gaarno buu yiri dagaalka Khawaarijta Senatorada Aqalka Sare ayaa markii dambe qaab gacantaag ah ku meelmariyay sharcigan.

Sharcigan ayaa hadda u gudbi doona Madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u saxiixo, dhaq angalna uu u noqdo. Sharciga La dagaalanka Argagi xisada ayaa mu ddo dheer horyaalay Baarlamaanka Federaalka, iya doona Golaha Shacabku uu in badan dib ugu celiyay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka. Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Bar re ayaa wax badan ka bedeshay sharcigan, taas oo markii dambe fududeys ay in Golaha Shacabka uu ka soo gudbo.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la yeeshay guddiga dib u eegista iyo hirge linta dastuurka

Wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS Xas n Macalin Maxamuud ay aa kulan la qaatay Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eeg ista iyo hirgelinta dastuurka.

Xubnaha Guddiga ayaa wasiirka uga warbixiyay halka ay mareyso howsha dib u eegista dastuurka.

Wasiirka ayaa xubnaha guddiga kula dardaar may in marka la dhammeystiro sharciyadooda ay da r-dargaliyaan arrimaha dib u eegista dastuurka iyo dhamaystirkiisa, ayna muujiyaan dedaal kudhisan howlkar nimo

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Ciidamada kumandooska Xoogga dalka Soma/ Jubbada Hoose. Ciidamada oo ahaa Ururka 5-aad Guutada16’aad Ciidanka kum andooska xoogga dal ka Somaliye ed ee Danab ayaa howlgalka wax aa ay ka fuliyeen meel udhow tuu lada miido oo 26km u ji rta Degmada Afmadow ee G/Jubbada hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad Guuta da 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed ayaa Warbaahinta Ciida mada qalabka sida u sheeg ay in howlgalka lagu dilay 7 katirs an Al-Shabaab oo uu kujiro Sarkaal lagu Ma gacaabi jiray Asan, sidoo kalena lagu dhaawacay 5 Xubnood oo kale.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaa si kudaray in howlgalka oo ujeedkiisu ahaa burburin ta saldhigyada Al-Shabaab ay kusoo qabsadeen 4 qori oo Ak47 ah iyo 1 qori BKM ah ayna sii wadi doo naan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dagaal ka dhacay degaan katirsan G/ Baay & khasaaro ka dhashay

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooganaa oo degaanka goof-gad uud Buureey ee Gobolka Baay ku dhexmaray Ciidam ada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la shegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldh igga Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka goof-gaduud Buureey, waxaana hal kaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari, waxaana saraakiil kati rsan Ciidamada K/Galbeed ay sheegeen inay Al-Sha baab khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen daga alka. Wa rarkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaan ka goof-gaduud Buureey ee Goolka Baay ayaa shee gaya in xaaladda degaanka ay tahay mid degan, isla ma rkaana goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa K/ Ga lbed, iya ga oo halkasi howlgallo kala duwan ka wada

Degaanka Goof-gaduud Buureey ayaa waxaa dho wr jeer dagaal kula wareegay Ururka Al-Shabaab wa llow markii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa K/ Galbeed ay dib ula wareegeen, waxaana degaan ka uu kamid yahay degaannada laga difaaco M/Bay.

Dad ka badan 10 qof oo cudurka shuban biyood ka ugu geeriyooday Afmadow

Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaannada hoosyimaada waxaa saameyn ku yeeshay cudurka shuban-biyoodka oo ay u dhinteen illaa 15 qof oo u badan caruur.

Xanuunka ayaa soo ritay dad gaaraya boqol qof wax aana soconaya dadaallo wax lo oga qabanayo cudurk aasi oo ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka Jubbal and. Guddoomiyaha Gola ha degaanka Afmadow Ma xamed Amiin Cabdullaahi ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay cudurka shuban biyoodka uu aad ugu soo badanayay degmada Afmadow, isla markaana dad badan uu soo riday.

Wuxuu sheegay in la go’aamiyay in muddo 10-ka Cisha ah ee soo socota la xiro Goobaha waxbarasha da si aysan Carruurta isugu daaran, wuxuuna sheeg ay in degmada Afmadow ay 9 Ruux uu geeriyoodeen cudurka degaanka Qooqaani ay ku geeriyoodeen lix Ruux.

Faysal Cali Waraabe: Wax laga xishoodo weeyi in la yidhaa ciidamo dhulkoodi jooga naga saara

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sheegay in ur ur ay ku midoobeen dad hore madax Soomaaliya u ga soo noqday, ay wadaan qorshe Somaliland lagu burburinayo, oo ay ka danbe eyaan kacdoonka Laascaan ood. "Waxa cad in qorshihii la doonayay in Somaliland lagu baabiiyo ee kooxda G21 ay waday in uu wali sidiisii u soc do, waxa jirta in adduunkii laga raariday barobagaandho ciida ka badan, oo wax bee niyana la waayay, madaama oo dowlada Muuse Biixi ay hada iska saqiirtayba" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in kooxda uu G21 ku sheegay ay sidookale qorshaynayaan in ay kiciyaan dadka reer Awdal, lakiinse ay dadka reer Awdal diideen, oo ay u sheegeen in ay xoryihiin, sida uu hadalka u dhi gay Faysal.

Waxa uu sheegay in Somaliland loo adeegsaday qu wado shisheeyee si loola dagaalamo, lakiin ay So maliland xataa jaarkeedee iska eriday, isaga oo cam baareeyay eedayntii ay Somaliland u jeedisay Dowla da Deegaanka Soomaalida.

Waxa uu ku baaqay in qorshe cad laga yeesho xaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka de egaanka Laascaanood iyo Somaliland anay dagaa lamayn, ee xoogag kale kusoo duuleen G/Sool.

Faysal ugu danbayn, wuxuu hambalyeeyay millateri ga Somaliland, isaga oo wax laga xumaado ku til maamay dadka leh ciidanka Somaliland hala saaro "Wax laga xishoodo weeyi in la yidhaa ciidamo dhul koodi jooga naga saara".

Sheekh Usuuli oo si yaab leh ugu jawaa bay taageerayaasha Farmaajo

Sheekh Cismaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa qabtay barnaamij uu uga hadlayey arrimaha qabiilka, waxa ana su’aal adag weydiiyey mid ka mid ah dhageystayaashiisa.

Dhageystahaas oo la soo xiriiray Shee kh Usuuli ayaa weydiiyey sababta uu hadda uga hadlayo ar rimaha qabiilka oo xiligii uu Far maajo xilka hayey uu uga hadli waa yey dhibaatooyinka qabiilka. "Qabiilo badan ayaa ku kacsanaa Farmaajo, mana ka hadli jirin arrimaha qa baa’ilka, maxaay tahay sababta u soo qadatay arr inta hada ma dowladaa tageero u tahay?” ayuu yiri dhageystahaas.

Sheekh Usuuli oo si adag uga jawaabay weydiinta as ayaa sheegay in weligiis uu ka hadli jiray xumaa nta qabyaaladda, balse uu ninkaan la soo xiriiray ula muuqdo mid hadda aqliyeystay oo waxyaabihii lasoo maray aan ogeyn.

"Dowladihii hore ayaan kala hadli jiray arrimaha qabiilka, xitaa Xasan Sheekh dowla dii sii hore waxaad heleysaa canjalado aan uga hadlayo qabyaaladda iyo xu maanteeda, waxaa laga yaabaan in dhageysiga aad soo bilowday xiliyadii Farmaajo, marka ha igu xukmin waxa qalbigaaga ka guuxaaya,” ayuu yiri.

Sheekh Usuuli ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ku dhacday dowladii Farmaajo ay aheyd taa geerayaal aan Alle iyo Rasuul midna aqoon oo dadka caaya.

"Waxay Farmaajo ka dhigeen qof aan qaldamin, dadka dhan waxay ka dhigeen kuwo xun, Farmaaj ana waxay ka dhigeen ninka ugu fiican, ninkaas wa xaa dadka ku diray taageerayaasha qaldan, kuwaas ayaan la dagaali jirnay oo xaqa tusi jirnay,” ayuu yri Sheekh Usuuli.

Sheekh Cismaan Usuuli oo barnaamij toos ah ka siidaaya TV-ga Universal ayaa lasoo weydiiyaa su’ aalo mararka qaar xasaasi ah, kuwaas oo si cajiib ah uu uga jawaabo, waxayna inta badan jawaabaha Shii qaan abuuraan hadal heyn iyo xiiso gaar ah.

Xisbiga Waddani oo sheegay in Somal iland burburi doonto hadii doorashadu qabsoomi waydo

Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Ax med Cumar Xaaji (Xamarje), ayaa sheegay in hadii doorashada madaxtooyada Somaliland ku qabsoomi waydo wakhtiga koomiishanku iclaamiyay ay Som aliland burburi doonto.

Xamarje oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiya ha MMTV, ayaa sheegay in dhibaatada Laascaan ood oo kale Somaliland oo dhan wada gaadhi doon to, hadii aaan doorashada la qaban.

"Waxan sugayaa 9 kaa billood ee koomiishanku qabteen, wixii intaa ka danbeeyana sida Laascaan ood ayay u kala qixi tana, hadii lagu daro maalin sida Laascaanood tahay uun bay gobolada kalena noqon" ayuu yidhi Xamarje.

Madaxweynaha Somaliland Mu use Biixi Cabdi iyo Guddoomiy aha Golaha Guurtida Saleebaan Maxam uud Aadan, ayuu ku eedeeyay in ay dagaalka Laasca anood abuureen si doorashadu dib ugu dhacdo, isaga oo sheegay in xabad mooye anay aqoon si kale oo wax loo xaliyo.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada lab adaba, lakiin aanu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu u muuqan in uu doorasho diyaar u yahay.

Xamarje ayaa sannadkii hore arrimo siyaasadeed darteed xabsiga loogu taxaabay isaga oo kamid ahaa siyaasiyiin 10 ka badan oo xabsiga la dhigay in tii uu socday mudaharaadkii xisbiyada mucaarad ku.

Galmudug oo Puntland ku eedeysay in ay diiwa an galin sharci darro ah ka wa do G/ Mudug

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulk a Puntland inay diiwaan galin doorasho ka sameyna yso deegaano katiran kuwa Galmudug. Masuuliyiinta katirsan Galmudug ayaa shee gay in deegaano katirsan G/Mu dug ay Puntland ka sameysay diiwaan galin sharci darro ah.

Galmudug waxay sheegtay tallaabooyinka caynkaan ah inay dhaawacayaan nabad galyada iyo wada sha qaynta labada maam ul, iyagoo ugu baaq ay Puntland inay jooj iso diiwaan galinta.

Galmudug waxay sheegtay deegaana da laga sam eeyay diiwaan galinta inay kamid tahay Dhinowda, Hirsalaama iyo deegaano kale oo katirsan degmada Gaalkacyo. Dhinaca kale, qaar katirsan barakacayaa sha ku nool koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in bo qolaal katirsan dadkooda lagasoo qaaday xeryahoo da kadibna laga diiwaan galiyay se ejooyin doorasho oo kuyaala waqooyiga Gaalkacyo.

Waxay sheegeen in markii la diiwaan galiyay laga arursaday warqadahoodii diiwaan galinta, iyagoo sheegay in lacago loogu bedelidoono.

Si kastaba ha ahaatee diiwaan galinta ka socota G/ Mudug ayaa ah diiwaan galinta doorashooyinka dow ladaha hoose ee Puntland. Puntland weli kama jawa abin eedeymaha kasoo yeeray M/mulka Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo kulan la yee shay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaal ka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Shalay waxaan kulan miro dhal ah la qaatay danj i raha Shiinaha u fadhiya Somaaliya Mudane Fei Shengchao.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geeso odka ah,horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay ajandayaasha dowladda ee la dagaa lanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qa adista cunaqabateynta hubka ee Soomaa liya.

Coldoon oo ka horyimid tallaabadii ay Somaliland dad ugu xirtay Qowmu-luudnimo

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sidoo ka le ah Samafale ka shaqeeya arrimaha bini-aadan timada ayaa si adag uga horyimid xukunka ay So maliland ku riday qaar kamid ah dad loo soo xiray Qowmu-luudnimo.

Somaliland ayaa Shalay shaacisay in 40 qof loo soo xirey dhaqan xum adaasi, kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay 8 sano oo xadhiga ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay gud doomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee Go laha Guurtida Somaliland.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilka case) ayaa sheegay in dadka loo haysto ficiladaasi 12 kamid ah maxkamad la geeyay, inta baadhis lagu wadana ay yihiin 16, halka 8 kamid ah yihiin Garsuga yaal &4qof oo lagu xukumay min 8sano oo xadhig ah

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka hadlay arrinta an, ayaa ka hory imid xukunkaasi oo ku tilmaamay in uu yahay "xukun baadil ah oo aan bannaanayn,” sida uu hadalka u dhigay.

"In xadhig 8 sannadood ah ama ka badan ama ka yar lagu xukumo Khaniisiinta ay Khaniisnimadu ku ca ddaatay ma ah xukun uu Allaah soo dejiyay ee waa xukun baadil ah oo aan bannaanayn,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray "Xukunka Allaah waa dil. Rasuulku (CSW) waxa uu yidhi "kuwa aad ku he shaan iyaga oo samaynaya falka qoladii Luud dila sameeyaha iyo lagu sameeyaha ba”.”

Coldoon ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay si loo cirib-tiro dhaqamada noocaan ah ee ku faafaya gudaha bulshada Soomaaliyeed in marka hore laga hortago halka ay kasoo baxayaan.

"Kaasi waa qodob, qodobka kale haddii la doona yo in la cidhib-tiro dhaqankan silloon iyo dhaqammo kale oo la mid ah waa in laga hortagaa ilaha ay ka soo baxayaan khaniisnimada iyo gaalnimadu-ba.”

Somaliland ayaa gudaheed dhowr jeer laga soo wariyay in dad loo xiray eedo la xiriira Qowmu-luu dnimo, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay si weyn usii kordhayay.

Midowga Yurub oo dhoola-tus militari sameynaya kadib weerarkii Nord Stream

Midowga Yurub ayaa haatan qorshaynaya inay qabtaan dhoolatus wadajir ah oo ay samaynayaan ciid amadooda ba ddu, kaasi oo ay doonayaan ina y ku ilaaliyaan kaa bayaashooda muh iimka ah ee dhina ca badda.

Walaaca la xidhiidha khataraha ku imaan kara kaabayaasha bad da ee Midowga Yurub ayaa sii xo ogaystay, kadib weerarkii bishii September ee san nadkii hore lagu qaaday dhuumaha shidalka ee Nord Steam, kuwaas oo dhex-mara badda Baltic-ga.Mid owga Yurub ayaa dib u cusboonaysiiyey istaraate ji yadohooda dhinaca amniga badda, iyaga oo soo saaray laga bilaabo sannadka 2024 inay sannad wal ba qabtaa dhoolatus dhinaca badda ah iyo inay isku xidhaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midawga Yurub. Sidoo kale waxay isku raaceen sidii loo ilaa shan lahaa dhuumaha shidaalka qaada, xadhkaha badda hoos mara iyo kaab ayaasha kale ee badda ee muhi imka ah.

Madaxa dhinaca deegaanka u qaabilsan Midowga Yurub ayaa u sheegay Wakaala dda Wararka Reute rs in dhoolatus kani uu qorshaysnaa ka hor weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka Nord Stream, hase ahaate la sii dardar-geliyey qorshahan kadib markii weerarkaasi dhacay.

Midowga Yurub ayaa haatan qorshaynaya inay kor u qaadaan iskaashiga Yurub iyo NATO ee dhina ca badda, si ay u nabad-galaan dhuumaha shidaal ka, maraakiibta ganacsiga kala gudbisa iyo isticmaal ka nabadgalyada marinka Badda. Qorshahan ayaa fulintiisa ayaa waxaa looga faa’iidaysan doona dayax-gacmee dada Midowga Yurub iyo la soco shada gaadiidka badda.

Folkaano Xooggan oo ka qarxaday Buur ta Mera pi ee dalka Indonesia iyo digniin culus oo laga saaray

Folcano ayaa ka qarxay buurta Merapi ee dalka In donesia, waxaana ka dhashay daruur kulul oo dusha sare u kacday ilaa todobo KM ,sida ay sheegtay hay’ad da maar eynta musiibooyi nka ee dalkaasi

Buurtan uu Folka anaha ka qarxay oo ku taalla gobo lka Yogyakarta ayaa wuxuu na bilo wday abbaare 12-kii duhurnimo xilliga maxal liga ah {0500 GMT} waxaana la arkay qulqulka dab kulul oo ku baahay dhul gaaryaa 1.5 km, maamulka maxalliga ah ayaa sidaas sheegay

Dadka degaanka ee ku dhow dhow ayaa looga di gay inay joojiyaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka wad aan aagagga khatarta ah, ayna ka fogaadaan buur taas saddex ilaa toddobo kilomitir

Merapi Dhererkeedu waa 2,963 mitir {9,721 cago od} waa mid ka mid ah foolkaanooyinka ugu firfircoon Indonesia wuxuuna horey ugu jiray heerka feejigna anta labaad ee ugu sareysa dalka

Sarkaal ka tirsan goobta kormeerka deegaanka, Yulianto ayaa sheegay in aysan jirin dad deegaanka oo la daadgureeyay

"Tani waxaa la arkay hal mar oo kaliya, waxaa dhacay, haddii masaafada saameynta volcanaha ay ka badan tahay 7 kiiloomitir, waxay u badan tahay in dadka deegaanka lagu taliyo inay ka guuraan,” ayuu yiri Indonesia waxay leedahay foolkaanooyin badan. Merapi waxaa ugu dambeysay inuu volcano ka qarxo sanadkii 2010, waxana ku dhintay inka badan 350qof

Madaxa BBC oo raalligelin bixiyay ka dib shaqo-joojin lagu sameeyay Gary Lineker.

Aggaasimaha guud ee BBC, Tim Davie, ayaa raa lligelin siiyay dadka lacagaha bixiya, maalin kaddib markii hakad uuku yimid bar naamijka

cayaaraha.Barnaamijya da cayaara ha ayaa meesha laga saaray daqii qaddii ugu dambeysay Shalay, ka dib ma rkii barnaamij soo jeediye ya asha iyo falan qeeyeyaa sha ay isaga baxeen barnaa mij ka, iyagoo taageero u muuji naya barnaa mij soo jeediyihii Match of the Day, Gary Lineker. Ma tch of the Day, ayaa lagu soo koo bay 20 daqiiqo. Li neke,r ayaa shaqada laga joojiyay, kaddib markii uu cambaareeyay siyaasadda dadka maganglyo-doon ka ah ee dowladda Ingiriiska. Balse Davie, ayaa be niyay in dowladdu ay cadaadis ku saartay talla abadaas.

Trump Oo Halis Galiyay Qoyska Madaxw eyne Ku Xigeenkii Hore Ee Mareykanka Mike Pence

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence ayaa Sabtidii si kulul u dhaliilay madax weynihii hore ee Mareykanka Donald Trump doorkii uu ku lahaa rabshadihii 6-dii Janaa yo ka dhacay Aqalka Mareykanka ee Capitol-ka.

Taasoo sii ballaarisay khilaafka u dhaxeeya labadooda, xilli ay isku diyaarinayaan inay ku loollamaan musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee doorashada sannadka soo s ocda. "Madaxweyne Trump waa uu khaldanaa,” ayuu yiri Pence intii lagu gudajiray casho-sharafeedka san nadlaha ah ee Gridiron oo ay kasoo qayb-galeen siy aasiyiin iyo suxufiyiinn. .

"Xaq uma lahayn in aan doorashada diido. Hadal adiisa aan ka fiirsashada lahayna waxay halis galiy een qoyskeyga iyo qof kasta oo ku sugnaa xarunta Capitol-ka maalintaas, waxaana ogahay in taariikhdu ay kula xisaabtami doonto Donald Trump.” ayuu raa ciyay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence.

Hadalka Pence ayaa ahaa cambaareyntii ugu wey neyd ee ka timaadda shakhsi mar daacad u ahaa oo inta badan ka fogaan jiray inuu kahor yimaado.

Trump ayaa horay ugu dhawaaqay inuu yahay mu sharax, laakiin Pence ma uusan shaacin weli, hase yeeshee wuxuu Pence dhigay aasaaska ololohiisa doorashada.

Maalmaha ka horreeyay Jan. 6, 2021, Trump wuxuu ku cadaadiyay Pence inuu meesha ka saaro guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashada, marka uu kor-joogteynayo xafladda shaacinta natiijoo yinka doorashada, laakii Pence waa uu diiday, wa xaana markii ay kooxda rabshadaha wadday ay soo galeen xarunta Capitol-ka ay qaar ka mid ah ku dhaw aaqayen inay rabaan "inay deldelayaan Mike Pence ” Tirada dadka ku dhintay Roobab dabey lo wata ee ku dhuftay Mozambique oo korotay

Dalka Mozambique, ayaa waxaa hareeyay roob ab, dabeylo xooggan iyo daadad, iyadoo duufaantii Freddy ay soo gaartay, markii labaad muddo bil gud aheed ah.

Dalkan ku yaalla dhanka koonfureed ee qaaradda Afrika, ayaa waxaa ka da’ay roob xadigiisu badan yahay, sanad iyo afartii toddobaad ee la soo dha afay.

Freddy ayaa waxaa laga yaabaa inay noqoto duu faantii ugu xiliga dheerayd ee la diiwaan geliyo, iy adoo asalkeedii ka timid waqooyi-galbeed ee Aust ralia 34 maalmood ka hor.

Hal qof ayaa lagu soo warama yaa inuu ku dhintay, taasoo tir ada dhimashadu ka dhigaysa ugu yaraan 28, tan iyo markii ay duufaantu markii u gu horreysay soo gaartay dalkani. Dadka ayaa laga dalbaday inay u guuraan hoy ku meel gaar ah – oo ay ku jiraan iskuullo, kaniisado iyo bakhaaro.

In ka badan nus malyuun qof, ayaa wakhtigan halis ugu jiri kara masiibo bini’aa dantinimo, sida ay sheegeen hay’adaha masiibooyinka maxalliga ah.

Korontada ayaa loo damiyay si taxadar leh, iyadoo taasi ay sameysay shirkadda korontada, waxaana la joojiyay dhammaan duulimaadyadii, sida uu sheegay TVM. Duufaanta ayaa lagu soo waramayaa inay haatan soo marayso badda, waxaana loo maleynayaa inay ku soo wajahan tahay dhowaan.

DARAASAD: "UGXANTA TARANKA OO LAGA SAMEEYAY UNUGYO LAB AH"


DHAQTAR MUUNADO HAYA

Cilmi-baare u dhashay dalka Japan ayaa shir wayn oo ku saabsan dhanka hidde-sidaha ayaa she egay in uu ukunta taranka ka sameeyay unugyada jiir lab ah.

Cilmi-baadhista oo weli ku jirta heerarkeedii hore, waxay ku lug lahayd in koromosoomyada galmada ee XY saynisku u yaqaanno ee labka loo beddelo ku wa dheddigga ah amaba ukunta taranka ee dhedd igga. Barfasoore Katsuhiko Hayashi oo ka tirsan jaa macadda Osaka ayaa ka shaqaynaya horumarinta daawaynta bacriminta.

Xogtan oo uu u soo gudbiyay daabacaadda joo rnaalka sayniska ee Nature, ayaa kor u qaadaya raj ada ah in "ragga lammaanaha" ah ee ka tirsan bul shada la isku yiraahdo LGBTQ ay caruur yeeshaan.

Prof. George Daley oo ka tirsan kulliyadda caafima adka ee Harvard, oo aan ku lug lahayn cilmi-baadhis tan, ayaa sheegay in ay weli jirto waddo dheer oo ka horraysa in bulshadu la kulanto go’aankan noocan oo kale.

"Shaqada Hayashi waa mid aan la daabicin laakiin soo jiidasho leh. Way ka adkaan doontaa in [Bini-aadmiga lagu sameeyo ] sida jiirka oo kale," ayuu yidhi. Wali ma aynaan fahmin wax badan oo ku saab san bayolojiga gaarka ah ee unugyada aadanaha (samaynta unugyada taranka) si loo soo saaro shaqada Hayashi ee jiirarka''.

Faahfaahinta ayaa lagu soo bandhigay shir-mad axeedka tifaftirka hidda-sidaha aadanaha ee Mach adka Crick ee London.

Prof Xayaashi oo ah khabiir si weyn looga ixtiraa mo caalamka ayaa u sheegay ergada shirka ka soo qeyb gashay in shaqadu ay mareyso heer aad u hore eysa. Ukumaha ayuu sheegay in ay tayadoodu liid ato, farsamadana aan si badbaado leh loogu isti cmaali karin bini'aadamka xilligan hadda la joogo.

Balse waxa uu BBC-da u sheegay in uu arki karo in dhibaatooyinka hadda jira looga gudbi karo toban sano gudahood uuna jeclaan lahaa in uu u arko iya da oo lagu daweynayo dhibaatooyinka taranka ee ra gga iyo dumarkaba haddii la caddeeyo in si bed qab ah loo isticmaali karo.

"Haddii dadku rabaan iyo haddii bulshadu aqba sho tignoolajiyada noocaas ah markaa haa, waan taa geersanahay". Barfasoore Katsuhiko Hayashi

XIGASHADA SAWIRKA,BBC NEWS

Barfasoore Katsuhiko Hayashi ayaa ku dhawaaqay inuu ukunta taranka ka sameeyay unugyada jiir lab ah Farsamada waxaa ka mid ah in marka hore unug maqaarka laga soo qaado jiirka labka ah dibna loo ro go unuggaas asliga ah – unug isu beddeli kara noo cyo kale oo unugyo ah.

Unugyadu waa rag sidaas darteed waxay leeyihiin koromosoomyada XY. Kooxda Prof Katsuhiko ayaa markaa tirtirta koromosoomka Y, waxay nuqul ka dhigtaa X koromosoomka ka dibna waxay isku isku daraan labada X. Farsamadani waxay u oggolaanay saa unugga asliga ah in loo habeeyo si uu ukunta taranka u noqdo.

Farsamadan waxaa loo isticmaali karaa in lagu caawiyo lamaanaha aan dhaleynin marka haween eydu aysan awoodin inay soo saarto ukumo iyada u gaar ah. Waxa uuse carabka ku adkeeyay in aan kow la joogin si loogu adeegsado daawaynta taranka

Barfasoor Amander Clark oo ah saynisyahan ku takhasustay unugyada kana tirsan jaamacadda Cal ifornia, ee Los Angeles ayaa sheegtay in bulshada LBGTQ+ loo yaqaan loo bahanyahay in fikirkooda ka dhahaan isticmaalka teknoolajiyaddan.

"Bulshada LBGTQ+ waxay leeyihiin baahin gaar ah marka laga hadlayo sameysashada qoys. Waxay suurta gal u tahay lamaanaha isku jinsiga ah in ay tar an sameeyaan mustaqbalka iyada oo teknoolajiyad an la isticmaalayo.

"Xitaa dhanka jiirka waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ku saabsan tayada ukunta. Markaa ka hor inta aanan u malayn in ay tahay daaweynta taranka waa in aan ka gudubnaa dhibaatooyinkan, kuwaas oo qaadan kara waqti dheer," ayuu yidhi.

Prof Xayaashi waxa uu sheegay in aanu raalli ka ahayn in uu nin u isticmaalo shahwadiisa si ukumo macmal ah loo sameeyo.

"Farsamo ahaan tani waa suurtagal, ma hubo in qaabkan uu yahay mid ammaan ah ama bulshadu aqbali karto".

"Si kastaba ha ahaatee, Shalay tignoolajiyaddan looma heli karo isticmaalka bini'aadamka, badbaada da iyo waxtarkeeda lama xaqiijin, mana cadda inta ay tignoolajiyada ku qaadan doonto rugta caafimaad ka. Weli waxaa jira waxyaabo badan oo laga baran karo khadka jeermiska aadanaha, daldaloollada ka jira aasaaska aqoontuna waxay caqabad ku yihiin in cilmi-baadhistan loo turjumo qaab aadanaha waxtar u leh ." XIGASHO:-BBC

Cudurka daacuun caloolaha oo ka dillaacay 14 dal oo Afrikaan ah.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ugu baaq day Afrika in ay kordhiso dagaalka ay kula jirto xa nu unka daacuun caloolaha, kaasi oo sanadkii la soo dhaafay 12 waddan oo qaaradda ah ku dilay in ka ba dan 3 kun oo qof. In ka ba dan kala bar dadkani wa xa ay ku dhinteen waddanka Malaa wi oo daacuun calooluhu uu ka dill aacay.

Hay’addan addu unka u qaabilsan arri maha caafi maadka iyo xarunta la soco dka iyo maar eeynta cud urrada ee Afrika ayaa kullan deg deg ah oo laba maa lmood socday ku yeeshay todobaadkan dalka Mala awi, kullankaasi waxaa ka qeyb galay wasiirro ka socday 14 dal oo Afrikaan ah. .

SHIMBIRO WEERAR KU QAADAY CALANKA ISRAEL & MUUQAAL YAAB LEH OO SOO BAXAY

Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya shimbiro weerar ku qaaday Calanka Israel ee ka kooban mid abbada caddaanka iyo buluugga.Tan ugu yaabka badani waa inay u muuq ato in shi mbiruhu ay weer ar qorshaysan ku qaadeen

Calanka maadaama ay mar qura bilaabeen inay kala dafaan laba calan oo surnayd daaradda qoys Yu huud ah. Waxaa sidoo kale calamada ka muuqata in ay cunista ku dha meeyeen oo ay wax yari kasoo har een sidii ay afka ugu jarjarayeen. Waxaa calanka ka ag hadlaysa haw eenay ku hadlaysa afka qa diimiga ah ee Cibraaniga ee ay Yuhuuddu ku had asho


XAGEEY KU SOCTAA EURO 30 MILLION ?.


Xageey ku soctaa Euro 30 Million. Fadlan iiga ja waab Su’aalaha la xiriiro Mashruucaan. 1.Hotel Decale oo ku dhax yaal Garoonka Dayaaradaha Adan Cade, waxaa lagu qabtay Seminar 5-7 March 2023. S. (( Maxaa loogu qabtay Decale, iyada oo la heli karay Goobo ka kharaj yar?)) 2.Seminarku waxa uu hor dhac u ahaa ( Mashruuca Daryeelka Dhalaanka) Mashuruucaa oo lagu daryeelayo Dhalaanka Somalida waxaa ku baxayo Lacag dhan 30,000,000 Euro, Sodon Million Dollar, Waxaana la soo marsiiyay Bangiga Jarmalka ee la yiraa KFW, waxa uuna soconayaa muddo Laba Sono ah.Waxaa jiro Hayado kale oo laga sugayo Lacag dheeri ah in ey ugu deeqaan Mashruuca. S. ((Qorshaha u degan in lagu horuumariyo Dhalaanku maka badbaadayaa Musuq maasuq? )) 3.Lacagtaan waxaa la soo marsiinayaa Unicef, mashruucu waxa uu Hoos tagaa Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Waxaana ka Howl galyo Hayada Somaliya oo la yiraa: Baxnaano. S. (( Mashuruuca noocaan ah waxa ey aheyd in uu hoos tago wasaara dda Caafimaadka ama tan Qooyska.Maxaa keenay in loo "Xiro” wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Xageey ka soo gashay Hayada Baxnaano, mise waa NGO si gaar ah loo Howl galiyay?)) 4.Mashuruucaan waxaan filayay in lagu Daryeelayo Caruurta Somalida oo dhan.Laakin looguma yeerin Gobalada: Juba land, Galmudug iyo Hirshabeele. S. (( Sadaxdaan Gobal lama socdaan Mashur uuca miyaa, mise Caruurtoodu uma baa hno Daryeelka dhalaanka, mise Saamig oodii 30ka Million si kalaa loo xaliyay? )) 5.Punt land waa diiday in ey ka soo qey bgasho in kasta oo si dadban ey uga dhax muuqato, laakin Dhalaanka punt land in wax ka gaarayaan u maleeyn maayo, Somaliland iyana si dadban ayeey uga muuqataa. S. (( Maxaa ugu wacan ka qeybgal la’aantooda si Toos ah?)) 6.Waxaa amaan Mudan Koofur Shalayeed oo si buuxda uga soo qeyb gashay una soo diratay Wasiir iyo Agaasimayaal ka socdo Maamulka Koofur Shalayeed oo u doodayo Dhalaankooda. S. (( ma wateen Qorshe u degsan oo saamiga Caruurtooda ey ku daryeelayaan?)) 7.Muqdisho oo ah Halka Dhalaanka ugu badani ku tabaaleysan yahay Mashruucana laga maamulayo Cidiba kama joogin. S. (( Maamulka Muqdisho ma ogo miyaa In uu Marti galiyo Caruurta ugu badan Dalka saamina ey ku leeyihiin Mashruucan.

Haddii aan la daryeelin Caruurta Moga dishu waxa ey noqonayaan Ciyaal weero))

(((Mashruucu waa mara ka hoos ee moogaha maqan meel ku sheeg))) . FG: Ha u qaadan in aan Cid gaar ah u Dan leeyahay waxaan rabaa in 30kaa Million ee loogu talagalay Caruurta Somalida in aan u hello Jawaabo su’aalo aan fahmi waayay.

Hayada Jarmalka, wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Baxnaano ma jiro shakhsi aan ka aqaan ama wax xumaan ah ey igala dhexe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip