HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 11-KA MAARSO 2023-KA-

0
Saturday March 11, 2023 - 08:56:49 in Wararka by
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 11-KA MAARSO 2023-KA-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisulwasaare Xamsa oo sheegay in ay Xuk uummaddiisu ay Xoogga Saareys horumarinta Caafimaadka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Sha lay kormeer ku tegay Wasaaradda Caafimaad ka si uu u kuur galo habsami u socodka howlaha ay qaranka ugu igman tahay iyo qorsheyaasha hor utabinta u leh, taasi oo ay saldhig u tahay isla xisa abtan iyo in bulshada loogu adeego si hufnaan leh

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Md. Dr Cali Xaaji Aadan ayaa uga warbixiyay Ra’I isul Wasaaraha tallaab ooyinkii ugu danbeeyay ee loo qaaday xagga horumarinta hannaanka caa fimaadka dalka iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiya dda ay Wasaaradda Caafimaadku u leedahay gu ud ahaan dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta sha qada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo daboola baahidooda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saarayso horumar inta adeegyada bulshada, dibna loo dhisi doono goobihii muhiimka ahaa ee dadweynaha Soomaali yeed ka heli jireen adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Max amed Nuur Madoobe ayaa kulan gaar ah kula qaa tay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho sii hayaha Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya Ed Barnett.

Kulankaan dhexmaray guddoomiye Aadan Mado obe Ed Barnett ayaa ahaa mid diirada lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyaya labada dowladood, gaar ahaan wadashqeynta Baarlama anada Soomaaliya iyo Ingi riiska.

Waxaa sido kale kulanka lo oga hadlay shuruucda muhii mka ah ee xubnaha Golaha Shacabka hortaala iyo kuwa ay ansixiyeen todo baadyadii la soo dhaafay, islamarkaana uu saxi iyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sii hayaha Safaaradda Ingiriiska Ed Barnett ay aa dhankiisa ku amaanay guddoomiyaha Golaha Shacabka guushii uu ka soo hooyay shirkii dib u heshiisiinta ee bilawgii sanadkan ka dhacay ma gaalada Baydhabo, kaasoo xal waara looga gaa ray khilaafkii ka taagnaa kala aragti duwanaash aha siyaasadeed ee u dhaxeeyay siyaasiyiinta kaasoo jeeda deegaanadaas iyo madaxda maam ulka Koonfur Galbeed.

Kulankaan dhexmaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo sii hayaha Safaarada Ingirsiis ka ayaa qeyb ka noqonaya kulamo uu dhawaana haan dambe uu guddoomiyaha Golaha Shacab ka uu la qadanayay xubnaha beesha Caalamka 

Flydubai oo Shalay billowday duulim aad Dubai-Muqdisho ah + Maalmaha

Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa Shalay si rasmi ah u billowday duulimaad toos oo ah Dubai-Muqdisho.

Diyaaraddii ugu horreysay ee shirkadda, oo nooceedu yah ay Boeing 737 Max, ayaa Shalay soo cago dhigatay ga roonka diyaraadaha caalamiga ah ee Aadan Cad de ee magaalada Muqdisho, ayada oo rakaab ka soo qaaday Dubai.

Sidoo kale duulimaad kale oo ku socda Dubai ayaa ka bixi doona caasimadda Soomaaliya isla Shalay. Shirkadda ayaa 14-kii Febraayo 2023 ku dhowaaqday billowga duulimaadyada tooska ah ee Dubai-Muqdisho, oo toddobaadkii shaqeyn do ona hal maalin. Shirkadda ayaa sheegtay in laga billaabo 1-da June ay duulimaadyada ka dhigi doo no laba maalin toddobaadkii.

Waa magaalada labaad oo Soomaaliya ah oo ay shirkadda ay duulimaad ku tagto. Flydubai ayaa horey u tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Billowga duulimaadyada Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshe ay shirkadda ku ballaarineyso duulimaadyadeeda Afrika. Waxay hadda ka howlgashaa oo ay u duushaa magaal ooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.

"Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay,” ayuu yiri Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee Fly Dubai.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duulimaadya da tooska ah ee Soomaaliya ay sii kobcin doonaan dhaqaalaha, islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacs iga labada dal.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta dib loo haga ajiyay, islamarkaana ay dowladda federaalka muu jisay niyad wanaageeda ku aadan soo celinta xir iirka diblumaasiyadeed ee Abu Dhabi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gudoomiyay kulanka gudiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee Guddiga Jo ogta ah ee Golaha Shacabka BJFS oo Shalay ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kullanka guddiga ayaa Shalay looga hadlay qor she howleedka guddiga oo ay ugu horeeyaan qaa baynta iyo kala horumari nta hindise sharciyeedyada golaha iyo ajandeynta hindise sharciyeed-yadda harsan ka hor inta uu san soo xirmin kalfadhiga labaad ee Golaha Shac abka.

Shir laga yeeshay dhibaatada Ciyaal weerada & Amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho kaga qeyb ga lay kulan isugu jiray Wacyigelin Bulsho, soo ban dhigista wax-qabadka Maamulka Garasbaaley iyo dardargalinta Barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxa muud. Kulanka ayaa waxaa go objoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Wa siiru Dowlaha Amn iga XFS, Guddoomiye Kuxig eenka Amniga iyo Siy aasadda Maamulka Gobol ka Banaadir, Wasiir Kux igeeno, Xildhibaano, qaar ka mid ah Guddoomiyey aasha Degmooyinka Gob olka Banaadir, Odayaa sha dhaqanka deegaanka iyo Bulshada qeybaho oda kala gedisan.

Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray ka hortaga weerarada Al-Shabaab, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Ciribtirka Muqaadaraad ka, la dagaalanka Kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday Ciyaal Weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda.

Shirkadaha isgaarsiinta dalka oo wali diidan iney dhaqan geliyaan go’aanka DFS

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadah a Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aanada guddiga qaran ee ka hortagga Lac ag dhaqidda iyo la da gaalanka maalgelinta Argag ixisada (NAMLC) kaas oo soo baxay 14-kii Febra ayo 2023, islamarkaana khuseeyay Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo iney si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’adda ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta ku war gelisay iney waajib tahay in adeegooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhs ad ka haystaan Bangiga dhexe ee dowladda oo ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobeeleda la iskugu diro ee saaran shabakadahooda iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aanada Guddiga Sare ee NAMLC.

"Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macami isha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaarada dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood, Si waafaq san Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya Gabagabadii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ugu baaqday waxay Shirkadaha Isg aarsiinta dalka iney u hoggaansamaan dhammaan go’aana da Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta Argagixi sada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan eeDaneeya Arrimaha  dowladda Soomaaliya.

Xil.Macallimu oo ‘arrin fajaciso ah ku soo Ark ay’ mid ka mid ah saldhigyada Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka tirsan Golaha Shacabka oo booqday mid kamid ah saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay ‘arrin fajaciso ku noqo tay’ oo uu kusoo arkay saldhiggaasi.

Macallimu oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka sheekeeyay falkaas oo uu tilmaamay inuu aad ula yaabay, kadib markii uu la kulmay dhaqamo aan wanaagsaneyn.

Xildhibaanka ayaa xusay in sal dhigga Booliska ee uu tegay ay ka socotay dacwad, balse sarkaal kii qorayay Oobiga iyo askarigii la jo ogay aysan wadan wax darees ciid an ah, isla-markaana ay xittaa sigaar ku cabayeen qolka dhexdiisa, inta ay socotay dacwadda.

"Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiw aan galinayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gudaha saldhigga si aan gambasho laheyn lacag loogu kala

qaadanayay, ayada oo dadweynaha loo yeerinayo lambar EVC ah, si ay u tuuraan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Haan gunbay ka tolantaa! Dowladnimada ka ma sixi karno xafiisyada sare ee wa in aan ka bil owno dib u tayeynta saldhigyada degmooyinka (Oobiyada) ,maamullada degmooyinka ,laan ,wa ax ilaa tabbeelle. Maxkamadaha degmooyinka oo shacabka ugu adeega garsoor ku qottoma cad daalad IWM.

Waxaan tagay saldhig boolis . Waxaan la yaa bay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen si gaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen . Dadka is dacweynaya waxa ku jiray hooyo dhabar ka ku sidata canug yar . Qaab darrada meesha muuqata waa fajaceysaa .

Taliyaha cusub ee Booliska General Sulub Ax med Firin waa nin dhalinyaro ah oo magaaldan wax badan ka soo shaqeeyay waxaan ka codsan lahaa in intii karaankiisa ah oo wax ka badal ku sameeyo habka shaqooyinka saldhigyada .

Diiwaan weyn in wax lagu qoro adduunka casriga waa ka tagay. Saldhigga dhexdiisa ayaa EVC lagu kala tuuranaa . Bixiyihii ayaa weydiinaya oo leh taliye ma heshay lacagtii? Markaasuu leey ahay waa kaa hayaa.Ujeedkeygu ma ahan in aan suurad xumeyn ayo ciidankeenna oo aan xaqiiqdii dartood ku see xanno ee waxeey Iga tahay niyad wanaag iyo wax aan toosinno. Isbaddal aya jira marka la eeego ha lkaan ka nimid,waxaanse u baahannahay isbadal weyn.

Doorashada Kutlada Haweenka Golaha Sha cabka oo ka dhacday Muqdisho

Waxaa Shalay Magaalada Muqdisho lagu qabtay Doorashada Kutlada Haweenka Golaha Shacabka, oo lagu dooranayay dhowr xubnood.

Gud oomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shac abka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo door ashada daahfurtay ayaa wareeggii 1aad lagu tar tamay jegada Gudoomiyaha Guddiga Haweenka ee Golaha Shacabka, oo ay ku tartamayeen Xi ldh ibaan Suhuur Xaaji Culusow, Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte iyo Xildhibaan Nura-cayni Khaliif Sheekh Abuu.

Xubnihii wax dooranayay ayaa Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow u doortay inay noqoto Gudoomiyaha Guddiga Haweenka.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad oo ay ku tartama yeen Xildhibaan Khadra Axmed Maxamed iyo Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan ayaa waxaa tartanka ku guuleysatay Xildhibaan Khadra Axmed Maxamed, waxaana Gudoomiye Kuxige enka 2aad loo doortay Xildhibaan Jawaahir Max amed Axmed.

Gabadha da’da yar ee ka tirsan Golaha Shacabka waa Xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga Haweenka Golaha Shacabka, halka Khasnajiga Guddiga Haweenka loo doortay Xildhibaan Dahabo Suusow Maxa muud.

Doorashada oo ahayd mid ay wax dooranay een haween oo keliya, qaab qarsoodiyana u dhacday ayaa lagu qabtay Xarunta Golaha Shaca bka ee Villa Hargeisa.

Yaa mas’uul ka ah dhibaatada ka taagan Xamar?

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qayb-galay munaasabad lagu qabtay deegaanka Garasbaaley oo looga had layay amniga magaalada Muqdisho iyo la dag aalanka maan-dooriyaha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ka taagan caas imada.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan magaalada caasimada ah ee Muq disho ay mas’uul ka tahay kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyay inay halis ku yihiin Diinta iyo sidoo kale noloshada dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

"Niman la yiraahdo Khawaarij ayaan aaminsanah ay inay asal u yihiin wax kasta oo xun oo jira ama iyagaa sameeyay ama inay sameysmaan ayey difaac u yihiin,” ayuu yiri Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaabay cabsi-gelin weyn iyo xorriyad ka qaadis ay ku heyso guud ahaan shacabka Soom aaliyeed."Dadka magaalada Muqdisho ku nool dhib ayey qabaan waxaa ugu horreeya cabsida ay Khawaarijta nagu heyso Diinka, baadda, marin ha baabinta, tacadiga, xadgudubka, xorriyad ka qaad ka wax kasta oo qiyam ah sharaf ah oo qof bani’ aadam ah uu u baahnaa ayey halis ku yihiin oo ay dhibaato ku hayaan,” ayuu sii raaciyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Ugu dmabeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa diray farriin guud, wuxuuna ku baaqay in dowlad iyo shacab la wada shaqeeyo, meelna looga soo jeesto Al-Shabaab.

"Farriinteyda waxaa waayey dadka magaalada Muqdisho waxaan u baahanahay xaqiiqada inaan isku sheegno annaga eedeena waan qaadaney naa ee idinka diyaar ma u tihiin inaad cabataan oo aad dhahdaan dhibkaan ayaan qabnaa?” ayuu ma rkale yiri Wasiirku.Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys xoogan soo saartay caasimada, waxayna todobaadyadii u dambeeyay ka fulisay weeraro qaraxyo ah iyo dilal.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashan eysa dadka deegaanka ayaa haatan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socda gobollada dalka.

Shir ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya oo Shalay ka furmay M/ Nayrobi ee dalka Kenya

Shir muhiim ah ayaa Shalay magaalada Nairo obi ee dalka Kenya uga furmay dowladda Fedar aalka Soomaaliya iyo hay'adda lacagta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan oo ay hormuud ka tahay Wasaara dda Maaliyadda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin sharuudaha barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo horu marinta hanaanka guud ee Maaliyadda dalka.

Waxa sidoo kale arrimaha shirka looga hadli doona ka mid ah sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka deyn cafinta Soomaaliya loona gaari lahaa barta dhamaystirka deyn cafinta ee Soo maaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuu madda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxa muud Nuur oo shirkaan furay ayaa sheegay iney muhiim tahay fulinta sharuu daha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoo jinta hannaanka Maam ulka guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

"Waxa Shalay noo bilowday dib eegistii 5-aad ee barnaamijka ECF aan leenahay Hey'adda IMF. Waxaan uga hadli doonaa horumarka aan ka sa maynay kicinta dakhliga gudaha, hannaanka Maa mulka Maaliyadda Guud iyo Dowlad wanaagga. Waxa naga go'an in aan sii xoojino dib-u-habeynta Maaliyadda dalkeena" Ayuu yiri Wasiirka Maa liyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Waxaa sidoo kale shirkaan ka qeyb galaya, Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Caddaa ladda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka socota Xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Was aaraha iyo Wakiilada Hay'addaha IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Hay'a ddaha kale ee taageera dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Argagixisada qeyb ayay ka tahay abaarta iyo hor umar la'aanta ka jirta dalka"

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur War same oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in abaaraha baahsan ee gudaha dalka ka jira iney qeyb yihiin kooxda Al-shabaab.

Wuxuu xusay in 5-tii xili roobaad ee lasoo dhaa fay aysan Soomaaliya roobab ka da'in ay keentay abaaraha haatan ka jira Soomaaliya, hayeeshee kooxda Al-shabaab ay sii adkeysay dhibaatada dhanka nolosha ay wajahayeen dadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah oo markii horana la daalaan dhacayay aba arta.

"Abaarta dalka ka jirta kooxda Argagixisada qeyb ayay ka tahay oo waxay nolosha ku dhibeen bee raleyda iyo xoolo dhaqatada, beer aleyda waxay u diideen iney tacab sameyaan oo ceelashii beeraha ay ku warabsan lahayeen way u diideen in Matoorada ku shitaan ayago leh diyaa radaha Drone-ka ayaa nalka iftiinkiisa nagu soo raacaya ma shidi kartaan, sido kalana u diiday ta xabka dalagyada qaar, xoolo dhaqatada Saka ay aa leydin ka raba ayay leyihiin iyagoo xoolahii aba arta uga dhamadeen, kuwii xoolo an haysana wa xay leeyihiin ilmahiina keena hanoo dagaalamane, marka nolosha ayay ku cariiriyeen dadkaas" ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka Warsame ayaa sidoo kale mada xweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay mudnaanta uu siiyay la dagaalanka kooxda Al-sha baab oo uu sheegay in dalka ka hortaagan tahay horumar kasta oo la sameyn lahaa.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan Cabdirax maan Cabdishakuur ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali gobolada dalka ay ka jiraan abaaro ba ahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, islam arkaana dowladda dagaalo ka dhan ah Al-shaba ab ka wado inta badan gobolada dalka.

Shir u dhaxeeyay Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo Kismaa yo lagu soo gabagabeeyay

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa lagu soo gabagaboobay Shirka madasha Wasaaradaha Am niga iyo Taliyaasha ciidanka Booliiska heer Feder aal iyo heer dowlad goboleed oo labadii maalmo od ee lasoo dhaafay halkaasi ka socday.

Shirkan Kismaayo lagu soo gabagabeeyay ayaa dhinacyada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed waxay ku go'aamiyeen qodobo uu ka mid yahay in arrimaha Booliiska xiriirka Dibadda ee INTERPOL uu noqdo mid u gaar ah Booliiska heer Fedaraal iyo in gunooyinka ka imaanayay ma shruuca wadajirka Joint Police Program (JPPG) ee la siinayay ciidanka Booliiska dowladdaha xubnaha ka ah dowladd a Fedaraalka la sii joog teeyo bixinteeda.

Shirka madasha Was aaradaha Amniga iyo Taliyaasha ciidanka Booliis ka heer Federaal iyo heer maamul goboleed ee Kismaayo lagu soo gabagabeeyay waxaana ka qeybgalin maamulka Puntland oo horay u shaa ciyay iney u dhaqmi doonaan sidii dowladda mad ax banaan oo kale.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sulub Axmed oo ka hadlay xeritaanka shirka ayaa ku baaqay in guud ahaan Boliiska heerarkiisa kala duwan inuu ka qeyb qaato dib u xureynta dalka iyo xasilinta, qof kasta oo Booliis ahna uu safka hore ka galo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shab aab.

War Murtiyeed kooban oo ka soo baxay Shir weynaha Beesha Murusade

Waxaa Shalayeyd lasoo gebagebeeyay shir weynihii beesha Murusade uga socday mag aalada Muqdisho.

Shirka waxaa kasoo baxay qodobo ay kamid yihiin

1-in la taageero dada alada Madaxda dowladda federaalka ee ku aaddan dib u xoreynta dalka

2.in lakaal qaado duqa Muqdisho iyo guddo omiyaha gobalka Banaadir beesha Murusadana ay hesho labadaas Jago midkood

3. In la qabto kulan weyn oo ay ku mideysanyihiin afarta Karanle

4. In la qabto kulan weyn oo u dhexeeya beesha Murusade iyo beelaha di gil iyo Mirifle si kor loogu qaado xiriirkii soo jireen ka ahaa ee ka dhexeeyay labadaasi dhinac.

Wafuud ka socda Warbaahinta Dalalka Islaam ka oo kaqeybgalay tababar ka furmay Masar

Wasiirka Awqaafka Dalka Masar Md. Mukhtaar Maxamed Juma ayaa tababar u furay wafuud ka kala socotay warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay ku jiraan xubno matalaya Soo maaliya.

Ujeedka Tababarkaan ayaa ah in warbaahinta Dalalka Isla amka ay muujiyaan dowrkooda ku aadan horumari nta arrimaha biniaadanimada, dhaqanka wanaag san iyo in bulshada ay ku wada noolaadaan ixti raam iyo isfaham toosan.

Md. Mukhtaar Maxamed Juma, wasiirka Awqaaf ka ee dalka Masar oo ka hadlay furitaanka tabab arkaan oo socondoona mudoo todobaad ah ayaa kula talayay bulshooyinka Islaamka in ay ka fogaa daan wax kasta oo xiriira la leh Xagjirnimada.

Wadamada ka qeybgalaya waxaa kamid ah Soo maaliya, Masar, Sacuudi Carabiya, Liibiya, Como ros, iyo dalal kale oo kujira Jaamacadda Carabta

HirShabelle oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah arrin kusoo badatay Sh/Dhexe

Maamulka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay howl-gal dagaal oo ka dhan ah kooxaha burcadda ee isbaarada dhigata qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Isbaarooyinkan ayaa lacago baad ah looga qaat aa dadweynaha iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka, oo qaarkood ay ku jiraan waddoo yinka gobolka ku xira Muqd isho.

Taliyaha Booliska HirShabelle iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si wada-jir ah ugu dhawaaqay howl-galkan kadib markii ay korm eer kusoo mareen deegaanada sida weyn looga cabanayo isbaarooyinka.Waxay sheegeen in cii damo isku dhaf ah loo diyaariyay la-dagaalanka kooxaha burcadda ah ee isbaarada dhigata qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Isbaarada waa cudurka labaad markii Shaba ab laga imaado ee umaddaan haysta weeyi, wax aa ka shaqeysan weynay oo cadowga kala dagaal ami weynay ayay kow ka tahay,” ayuu yiri guddo omiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Marka ninkii Askarigii ee la rabay in cadowga iska dhacso ama ninkii deegaanka ahaa ee ay aheyd in gurigiisa iyo dantiisa qabsado in umaddii jidka u galo wax loo dulqaadan karo ma ahan oo la fiirsan karo.”

Taliyaha Booliska HirShabelle Xasan Dhicisow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galkan cusub ay illaa hadda qaadeen dhowr isbaaro oo ta allay inta u dhaxeysay deegaanada Ceel-Cade oo Muqdisho u dhow illaa deegaanka Ceel-gub oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

"Dowladda Soomaaliya sharci ayay kasoo sa artay Isbaaro, Shabaab iyo Isbaaro waa isku mid oo waxaa loola dagaalamaya sidii Shabaabka lo ola dagaalamayay,” ayuu yiri Taliye Xasan Dhici sow.

"Maalin kasta in bulshada iyo baabuurleyda la ga soo qeylisiiyo ma aqbaleyno. Laga billaabo sa acadaan cidii ciidanka ilaalada waddooyinka ugu tagaan cid wax laga weydiinayo majiraan oo wax ay amar u qabaan inay soo qabtaan, haddii uu is waalo oo qabasho uu diido inay dilaan.”

Doorasho kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo ka dhaceysa Baydhao & diyaar garow socda

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Magaalada Ba ydhabo ee Xarunta Gobolka Baay in lagu qabto doorashada kursiga HOP#176 ee ka bannaan Golaha Shacabka, kaas oo uu ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Xildh ibaan Maxamed Mur sal Maxamuud Boor ow.

Guddiga KMG ee door ashooyinka oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad Gobolleedka Koonfur Gal beed ayaa kormeer ku tagay hoolka ay ka dhici doonto doorashada kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176.

Waxaa Magaalada Baydhabo siwyen looga dareemayaa qaban qaabada doorashada Kursiga HOP#176 oo ay u sharaxan yihiin ilaa dhowr siya asi, waxaana la filayaa in doorashada kursigaan in uu ku guuleysto Musharax uu wato Madaxweyna ha Koonfur Galbeed.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa socday buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Sha cabka, waxaana qabsoontay doorashada kuraasta kala ah, Hop#147 oo uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, Hop#86 oo horay loogu di iday Fahad Yaasiin & Kursiga HOP#203 oo uu ba nneeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiiboo yinka Qaranka oo kulan la yeeshay wafdi ka socday hay’adda SIDA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibo oyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Shalay xarunta dhexe ee Hey’adda Kulan kula qaatay Wafdi sare oo ka socday Hay’a dda Iswidhishka ee horumarinta caalamiga ah (SIDA), Swedish international Development Agency. Wafdigaan waxaa hoggaaminayey Ann na Saleem Högberg oo ah Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, waxaana soo dhaweyn kadib ay kul an la qateen Guddoomiye Maxamuud macalin abd ulle iyo masuuliyiinta kale ee Hey’adda Maareynta iyaga oo ka wada hadlay xaaladihii ugu danbeey ey ee dalka, arimaha la xariira hawlaha bini’aa dannimo, gurmadka deg-deg ah ,abaraha iyadoo masuuliyiintaan dhankooda balan qaade en in Hey’adda ay ka taa gari donaan qalabeenta xarunta qaran ee gurmad ka deg degga ah.

Kulanka kadib Masuuliy iintaan ayaa si wada jir ah u kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta dhexe ee Hey’adda Maare ynta, waxaana intaas kadib Guddoomiyaha Hey’ adda mareynta iyo masuuliyiintaan booqasho ku tageen xarunta qaran ee gurmadka deg degga ah (NEOC) oo dhowr bil ka hor xarigga laga jaray iyaga oo kormeer ay ku sameyeen kadib halkas ka sameeyey dhir beeris.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboy inka Mudane Maxamuud Macallin Abdulle ayaa uga warbixiyay howlaha la taaban karo ay Haydda SoDMA Qabatay bilaha aadka u yar ee Hay’adda SoDMA jirto , kagana mahadceliyay si guud do wlada Sweden howlaha ballaaran ay dalka ka qab teen ay ugu horeeyaan mashaariicda Hormarinta, gargaarka, si qaas na ugu mahadnaqay Madaxda Haydda SIDA si wacan ay ugu taageereen dowlda soomaaliya dhisida xarunta qaran ee Howlkalka Gargaarka Degdega NEOC oo ay dhawaan dhis amheeda soo dhamaaday.

Faah faahin: Qarax ka dhacay Magaala da Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Via-roma ee magaalada mu qdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala du wan.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in qara xa uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca raaxad ah oo yaalla agagaarka Isgoyska Via-roma, sidaasina uu ku qarxay, balse uusan saarneyn darawalkii Gaariga.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa ay ku dhaawacantay Haweeneey saarneyd Mooto Bajaaj oo wadada mareys ay, waxaana goobta qar axa ka dhacay tegay Cii damo katirsan kuwa dow ladda, kuwaas oo muddo hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.

DFS oo Ammar dul-dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkada ha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAM LC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuw aas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isg aarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’addu waxay Shirkada ha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeegg ooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakaho odu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdha qaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.

Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCAR Ds)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maa lmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansam aan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’ adaha kala duwan ee dowladda.

Soomaaliya & dalal kale oo ka digay biyo xiree nka Itoobiya ka waddo webiga Niil

Wasiirrada arimaha dibbada ee dowladaha jaa macadda Carabta ayaa waxay ka digeen biyo xi reenka halka dhinac ee ay dowladda Itoobiya ka waddo webiga Niil.

Bayaan ay soo saareen wasiiradan, kuwaas oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira, ayaa waxay ku sheegeen, in biyo xir eenka Ethiopia uu khatar weyn ku yahay ku-tiirsanaanta Masar ee biyaha webiga Niil

Wasiirada Arrimaha Dibadda waxay muujiyeen sida ay jaamacadda Carabta diyaarka ugu tahay inay difaacdo danaha Carabta ah, iyadoo dejisay aragtiyo ku saabsan xiisadda ka taagan Ukraine, hubka nukliyeerka, isbeddelka cimilada, iyo arrim aha dakalka Carabta.

Jaamacadda Carabtu waxay ballan qaaday inay sii wadi doonto inay la xiriirto dhammaan dhin acyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo xuquuq da dadka Falastiiniyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Masar ayaa doonaysa inay dalalka Carabta ku qanciso Itoobiya inay aq basho heshiis sharci ah oo ku saabsan buuxinta biyo xidheenka webiga Niil.

Dowladda Itoobiya ayaa biyo-xireen ka dhis aya webiga Niil, taasoo Masar ay ka cabsi qabto inay hoos u dhigto saamiga muhiimka ah ee ay ku leedahay biyaha wabiga.

Isagoo ka hadlayay shirka Jaamacadda Car abta ee Qaahira, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Sameh Shoukry, ayaa sheegay inuu doon ayo in dalalka Carabta ay ku cadaadiyaan Itoobiya inay aqbasho mid ka mid ah xalalka tanaasulka ah ee lagu soo bandhigay miiska wada xaajoodka arrintan.

Galmudug oo billaawday heshiisiinta Beelo dagaalamay

Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Cumar Cabdi Maxa med ayaa Booqday deegaanka XirsiLugeey oo ay taallo Gogol Nabadeed oo u dhaxaysa Dad wal aalo ah oo wada daga Degmada Balanbale iyo Deegaano Hoos-yimaada.

Wafdiga wasaaradda oo ay qayb ka ahaayeen Tali yaha Nabad sugida Galm udug, Taliyaha Boliska Go bolka Galgaduud, Taliya-yaasha Boliska Degmooyinka Guriceel Iyo Balan bale Iyo Agaasimo Waaxeedyada Arrimaha Bulsh ada iyo Dib-U-heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kormeel balaaran kusameeyay Goo baha loo qorsheeyay shirka ayagoo sidoo kale ku lan la qaatay Odayaasha iyo maamulka deegaan ka waxayna kala hadleen inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta wafuuda imaanyasa Goobta shirka.wasaaradda ayaa ku hawlan heshiisiinta Beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhaxm artay deegaanadaan ayadoo maalmahaan loo Balansanyahay in halkaasi ka furmayo shir guud oo arinkaan lagu dhamaynaayo.

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday laba wasiir, kuwa kalena magaca abay

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirSha belle, Cali Guudlaawe Xuseen oo Shalay soo saa ray laba wareegto oo is xigxigay aya xil kaa qa adis ku sameeyay xubno kamid ah golihiisa was iirada isagoo magacaabay kuwa kale oo cusub.

Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaar adda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulkaasi, isaga oo jagadaas u mag acaabay Faarax Cumar Cilmi Daahir.Sababta ka dambeysa isbedalkan ayaa waxaa lagu macneey ay dardar-gelinta howlaha kala duwan ee wasa araddaasi.

"Markuu arkay madaxweynaha baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Faarax Cumar Cilmi Da ahir loo magacaabay inuu noqdo wasiiru-Dowlaha Wasaaradda,” ayaa lagu yiri wareegtada Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wareegta kale oo labaad ayaa wax aa xilkii looga qaaday Wasiir Ku Xigeenka Was aaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta, wax aana xilkaas loo magacaabay Mudane Axmed Ma xamed Cabdullaahi oo kamid noqonaya golaha wasiirada ee HirShabelle.

"Markii arkay madaxweynaha ahmiyadda ay le edahay xoojinta howlaha kala duwan ee Wasaa radda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta DHSH ay aa Mudane Axmed Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaarad dam” ayaa markale lagu yiri.

Qoraalka ayaa inyaas kusii dara "Xeerkan wu xuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madax weynaha dowlad goboleedka HirShabelle, wuuna saxiixay”.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa marar badan isbeddal badan ku sameeyay golihiisa wasiirada, taas oo ugu wacan tahaya khilaafaadka hareeyay maamulkaasi.

HirShabelle ayaa ah maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee ka aas aasmay waddanka, waxaa na weli ka jira caqabada dib u dhigay hormarkii maamulkaasi oo ka arrimyo Hiiraan iyo Shabee laha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Isimida SSC oo war cusub kasoo saaray DAGA ALKA magaalada Laascaanood

Isimida dhaqanka ee beelaha SSC ayaa mar kale ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyaga oo sheegay in xilligaan uu wada-hadal suur tagal aheyn in lala galo xuku umadda Somaliland.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimida SSC ay aa waxa uu soo jeediyay in ciidamada Somaliland la geeyo Oog, si ay wax uun uga dhaqaaqan dadaallada nabadeed ee ay wado Itoobiya, oo uu sheegay in Isimidadooda ay soo dhaweynayaan.

"Markasta oo (Somaliland) ay isticmaalaan kalmada ‘xabad joojin’ xagan macno ayay noo leedahay, waa dagaal ayaanu soo qaadanayna aye diyaar garooba, markasta oo kalmadaasi ka soo dhacdo xagoodana duulaan ayaa soo socda,” ayuu yiri Garaad Cali.

Garaadka ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan xabad joojin dhab ah, islamarka ana ay aqbaleen dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse aan wada-hadal iyo xabad joojin rasmi ah dhaqan-geli karin illaa inta ciidamada Somaliland laga saa rayo gobolka. "Xabad joojin ma dhici karto meel nagula hare eraysan yahay oo waddooyinka naga xiran yihiin, dhashiikooyinka iyo xabadooda ay ma alin kasta nasoo gaari karto. Sidaas kaliya oo kal iya ayaa ku aamini karnaa in dadkayagu badbaadi karayaan oo markaas ayaa u jeesan karna wada-hadal iyo wixii kale ee tallaaba ku xigta.” ayuu yiri.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay in xilligaan ay suurta-gal ah eyn in ciidamada deegaanka SSC iyo kuwa kale ee ku sugan Laascaanood ay ka baxaan gobolka, ayada oo ciidamada Somaliland ay weli joogaan gobolka."Ciidankan waxna waa deegaanka, hadd ii ciidamo kale meelo kale nooga yimaadeen oo noo soo gurmadeen waxay noogu soo gurmadeen inay naga caawiyaan cadowga na-dul fadhiya ee dhashiikaha nala dhacaya. Tolka Shalay nala joo ga waa ku laabanayaan deegaanadii ay nooga soo gurmadeen haddii Somaliland ay ciidankooda kala baxaan gobolka.”

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u dalbatay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka baxaan magaalada, halka garaadada dhankoo du ay rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxa an deegaanadooda, taasi oo sii adkeynaysa in wa qti dhaw xal laga gaaro xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Faahfaahino Qarax geystay dhimasho & dha awac oo ka dhacay Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buu rdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in hal kaasi uu ka dhacay qarax lala beegsaday Gud doomiye kuxigeenka labaad ee degmadaas, wax aana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la shee gay in meel kamid ah gurigiisa loogu xiray Gud oo miye Ku-xigeenka 2aad ee degmada Buurdhuubo Nuux Xasan Daa’uud.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba Wiil uu dhalay Guddoomiye kuxigeenka halka ay ku dhaawacmeen isla gud doomiye kuxigeenka 2aad ee degmada Buur dhuubo iyo Wiilyar oo ay deris yihiin.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in qar axa kadib ay Guriga tageen Ciidamo katirsan ku wa Maamulka degmada, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaan ah wallow aysan gacanta ku

Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday magaalada Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga hel ayaa khasaaraha ka dhashay dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo Shalay ka dhacday deg mada Kaaraan, kadib markii uu gaari weyn dul-maray Bajaaj ay la socdeen shacab.

Wararka ayaa sheegaya in shilka uu yimid, kadib markii ay mootada hoos ata ka gashay gaarigan oo siday biro aad u culus, wuxuuna kadib uu jiiray mootada iyo dadkii saar naa.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shilkan baabuur, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kaas oo uu dhaawac halis ah soo gaaray, sida ay innoo shegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka dhint ay ay go’go’een, taas oo keentay in saacado ay qaadato in laga soo saaro gaariga hoostiisa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, gaariga shilka geystay ee xamuulka ah ayaa waxaa leh shirkadda is-gaarsiinta Horumuud, isaga oo sida qalab iyo biro aad u culus.

Dhacdadaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa waddada oo muddo kooban hakad gashay, waxaana shacabka ay saa meeyeen gurmadkii looga baahnaa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tir san kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku dhigay wadihii waday gaa riga shilka geystay.Maamulka degmada Kaaraan oo ka hadlay fal kan, waxa uu sheegay inay wad aan baaris dheer aad ah ku aadan shilka, isla-mar kaana lasoo xiray darawalkii ka dambeeyay.Shilal gaari ayaa badanaa ka dhaca caasim ada, wax aana ugu dambeeyay shil habeen hore ka dhacay agagaarka Tarabuunka, kaas oo uu ku dhintay marxuum lagu magacaabi jiray Caadil, ka as oo kamid ahaa dhalinyarada isticma asha bar aha bu lshada, gaar ahaan TikTok.

Ciidamo horleh oo gaaray M/Laas caanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laasca anood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo gurmad u ah kuwa deegaanka ee SSC ay saacadihii u dambeeyay gaareen hal kaasi. Ciidamadan ayaa la sheegay inay markii hore kasoo kicitameen deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Sool iyo Bari, waxayna wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada dheeraadka ah ee Shalay gaaray Laascaanood ayaa ah kuwo hab beeleed u aba abulan, ayaga oo saacadaha soo socda gaari doo na furimaha dagaalka ee duleedka magaaladaasi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli deganaan laga dar eemayay xaaladda magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, inkasta oo laga cabsi qabo in dhinacyada isku horfadhiya halkaasi ay markale dagaalamaan.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore ugu eedey say dagaalka Laascaanood inay qeyb ka yihiin dhinacyo kale oo barbar dagaalamaya kuwa deeg aanka, halka ay eedeyntaasi waxba kama jireen ku tilmaameen SSC.

Isimida dhaqanka ee beelaha SSC ayaa shee gay in wada-hadal suurta-gal aheyn inta ciidam ada Somaliland ku sugan yihiin gobolka Sool, ay ada oo Somaliland dhankeeda ay dalbatay in xoo gaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka bax aan magaalada.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xilli ay dow lada Itoobiya ay dhawaan billowday dadaallo na badeed oo dhinacyada la iskugu soo dhaweynayo si xiisadda taagan xal looga gaaro, balse illaa ha dda ma muuqato ifafaalo muujineysa arrintaasi.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa qaatay muddo bil ah, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwa kale.

Maamulka Cagjar oo jawaab jees-jees ah siiyey Somaliland

Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ay aa jawaab ka bixisay eedyentii ka timid So maliland ee aheyd in ciidamada maamulka ay ka qeyb-galayaan dagaalka magaalada Laascaan ood.

Shir ay Dooraad yeesheen Gola ha Wasiiradda ee Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Da wladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota maga alada Laascaanood ee Gobolka Sool.

"In gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laas caanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhu uriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Gobol eed Soomaaliya ee Puntland, ciidamada kala du wan ee ay dawladuhu u soo tababareen DFS iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida,” ay aa lagu yiri war kasoo baxay kulanka kulanka Golaha Wasiirada Somaliland.

Hase yeeshee dowladda deegaanka ayaa bay aan ay soo saartay ku tiri "Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Somaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuu liyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray "In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa mu uqata in maamulka Somaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.”

Ugu dambeyn dowladda deegaanka ayaa tiri "Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Som aliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficila dda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Somaliland.” dhigin dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Mr. Xi Jinping oo markii saddexaad loo door tay xilka madaxtinimo ee Shiinaha

Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa mar saddexaad oo taariikhi ah ka helay baarlamaanka in ay u magacaabaan jagada madaxweyne ee dalkaasi.

Ku dhawaad ​​3,000 oo xubnood oo ka tirsan Congress-ka Qaranka (NPC), oo ah baarlamaanka Shiin aha ayaa si aqlabiyad leh ugu co de eyay Xi, ka dib markii dastuurka la beddelay si meesha looga saaro xaddidaadda laba da xilli ee soo jireenka ahaa.

Mr. Xi oo 69 jir ah ayaa sidoo kale si wada jir ah lo ogu magacaabay taliyaha ciidamada xoreyn ta dadka oo ka kooban laba milyan. Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Wasiirada kala duwan ee maa lmaha soo socda ay aa loo arkaa mid muhiim ah.

QM oo $55 Milyan ku bixisay si ay u badbaa diso markab shidaal oo ku xumaaday xeebaha Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheeg tay inay iibsadeen markab lagu wareejinayo in ka badan hal milyan oo foosto oo saliid ah oo ku ka ydsan markabka la dayacay ee yaalla xeebaha dal ka Ye men, kaas oo halis bad an ku haya deegaan ka badd a cas. Hawlgalka badbaadinta mar kabkan ayaa la qorshee yey in ay dhacdo horraanta bi sha May ee soo socota.

"Iibka markabkani, waa tallaabada ugu muhiim san ee loo qaaday dhinaca xallinta arrinta la xidhi idha markabka FSO Safer, taas oo soo taagnayd tan iyo sideedii sano ee la soo dhaafay” sidaas wa xaa sheegay Xidhiidhiyaha hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u jooga Yemen, David Gressly. Qaramada Midoobay ayaa dhawr sano ee la soo dha fayba, ka digaysay halista ka dhalan karta markabka FSO Safer, kaas oo shaqaynayey muddo 47 sano ah, hase ahaatee haatan xaaladdi isa lagu tilmaamay inay tahay ‘miino qarka u saar an inay qaraxdo’, taas oo looga jeedo, duugowga Markabka iyo shidaalka saaran oo laga baqayo haddii uu badda ku daadiyo, inay noqonayso ma siibo deegaan oo halis badan.

Kooxaha dhinaca deegaanka ayaa sheegay in haddii shidaalka markabk an saarani uu badda ku daato in nadiifintiisu ay ku kacayso illaa $20 bilyan oo dollar, iyo weliba in maraakiibta laga leexiyo

marinka Suez Canal. Markabkan ayaan helin wax dayactir ah, tan iyo sannadkii 2015. QM ayaa sheegt ay in markabka ay kiraysatay inuu ugu kacay illaa $55 milyan oo dollar. Warbixintan waxaa qortay Marg aret Besheer.

Debedbaxayo waaweyn oo ka dhacay dalka Giriiga

Dalka Giriiga ayaa wajahaya dibadbaxyo ball aaran oo hor leh waddanka oo dhan ah, iyada oo ay sii kordhayso carada ka dhalatay musiibadii u gu xumayd ee tareennada waddankaas oo ay ku dhinteen 57 qof usbuucii hore.

14 qof ayaa weli cisbitaal ku jira ka dib markii tareen xamuul ah uu shil ku galay tareen rakaab ah, oo ay saarnaayeen arday u badan, meel u dhow magaalada dhexe ee Larissa 28-kii Febraa yo

Maam ule istaan, oo qirtay inuu illoobay inuu dib u maro mid ka mid ah tareenada, ayaa la xiray waxaana lagu eedeeyay dil dayacaad ah iyo carq aladeyn gaadiid. Waxa uu wajihi doonaa xabsi daa’in hadii lagu helo danbiga.

Laakiin carada dadwaynaha ayaa weli ku baa hsan Giriiga muddo tobanaan sano ah oo ay daw laddu si xun u maamushay shabakadda tareenada iyo ku guuldaraysiga in ay raacdo dib-u-habaynta amniga. Shaqaalaha rayidka ah ee Giriiga ayaa qaban doona socod cusub oo 24 saac ah oo ay weheliyaan dhakhaatiir, macalimiin dugsi, daraw allo bas ah iyo shaqaalaha doonta.

Koox gacan saar la leh Daacish oo 36 qof ku dilay…

Milateriga dalka Congo ayaa sheegay in ugu ya raan 36 qof ay dileen kooxaha xagjirka ah ee dalkaas ka dagaalama, kadib weerar ay ka gey steen dhinaca bari ee jamhuuriyadda dimoqr aadiga ah ee Congo.

Afhayeen u hadlay ciidamada Congo ayaa shee gay in kooxda lagu magcaabo Xoogagga Isbahays iga ee Dimoqraadi ga ah oo gacan saar laleh ko oxda ISIS inay ka dambeeye en weerarka lagu dilay dadka rayidka ah.

Afhayeenka ayaa sheeg ay in weerarkani ka dhacay Bashu, halkaas oo kooxda weerarka soo qaaday ay dileen 36 rayid ah, halka ay gubeen qaar ka mi da guryihii halkaas ku yaallay.

Xaaladda dhinaca bari ee Congo ayaa beryaha nba ahayd mid cakiran, waxaana halkaas ka dag aalama illaa 120 kooxood oo ku loollamaya awood da deegaankaas, khayraadka halkaas ku jira iyo weliba qaarkood oo u dagaalamaya inay ilaaliyaan bulshooyinkooda.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ciidamadan mucaaradka ah ee la magac baxay Isbahaysiga Xoogagga Dimoqraadiga ah ku eedeeyey inay ku kaceen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida Kufsi, afduub iyo dilal.

Maraykanka ayaa bishan bilawgeedii ku dhaw aaqay inuu abaal marin $5 milyan ah siinayo ciddii macluumaad ka keenta hoggaamiyaha kooxdan Seka Musa Baluku. Ciidamada Israel oo weerar ku dilay Falastiiniyiin badan

Lix Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha Israa ’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhintay uu mas’uul ka ahaa dilka laba wiil oo Israa’iiliyiin ah oo walaalo ahaa.

Weerarkii Hawaari la gu qaaday ayaa waxaa cam baareeyay beesha caa am ka oo dhan.Duulaanka oo dhacay Shalay nim adii Talaadada ayaa ka dhacay xero qaxooti oo inta badan barti lmaameed u ah howlgallada Isra’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in ay adeegsad een gantaalada garbaha laga rido ka dib markii da gaalyahano hubeysan oo deegaanka ah ay rasaas ku fureen ciidamo saarnaa gaari ambalaas ah.

Waxaa la sheegay in rasaas xooggan la is wey daarsaday, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay bara ha bulshada ay muujinayaan qiiq ka baxayay dhi smo iyo diyaarado Helikobterro ah.Gabar So mali ah oo si arxan darro ah loogu dilay Masar BBC

M/Nairobi Oo La Adkeeyay Kadib Hanjab aada Raila Odinga

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka agagaar ka aqalka madaxtooyada dalka Kenya iyo magaa lada Kisumu ,kadib markii ay soo dhamaatay muddo 14 maalmood ah oo mucaaradku ay soo saareen.

Hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga, ayaa 22kii Febra a yo ku hanjabay in uu hogaa min doono mudaah araa dyo waaweyn la ga bilaabo 9ka Ma arso haddii maamulka madaxw eyne William Ruto uu ku guuld areysto inuu wax ka badelo qiimaha badeecadaha muhiimka ah.

Odinga ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda inay dedejiso baaritannada dib loogu eegayay do ora shada madaxtinimada ee dalka ka dhacday sanadkii hore.

Odinga ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Ruto uu yahay mid aan sharci ahayn, isaga oo soo xiganaya xog sir ah oo muujineysa in uu ku guul eystay doorashada.

Dowladda ayaa Dooraad ciidamada ammaanka geysay agagaarka Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi iyo Kisumu, sida laga soo xigtay wargayska Daily Nation.

Magaalada Kisumu waa magaalo ay ku xooggan yihiin mucaaradka. Dooraad, mucaaradku waxay ku hanjabeen inay taageerayaashooda isku soo ururin doonaan oo ay xoog ku geli doonaan Qasnadda dalka iyagoo ka cabanaya kor u kaca qiimaha badeecadaha aasaasiga ah.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip