Nasashada Jimcaha. Q-347=Xildhibaanoow Sharci in aad Ansixisaan waa loo baahan yahay, laakin Iska Akhriya=

0
Friday March 10, 2023 - 20:48:41 in Wararka by
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha. Q-347=Xildhibaanoow Sharci in aad Ansixisaan waa loo baahan yahay, laakin Iska Akhriya=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 

Waxa uu ku yiri: weli ma ku wada sheekeeysateen "Vedio Call” waxa ey tiri: Maya.

 

Waxa uu yiri: Maalinta uu yimaad ayaa war jiraa, ee Guriga nooga reeb aan isku aroosnee.

 

Waxa ey ku tiri: isagu sida uu u yaal miyaad taqaan? ( F.S:1aad)

( Qurba joogey Qof aadan arag faraati Guur ha u dirin Adinkuna Gabdhow, Qurba joog aadan Arag Dollarkiisu yuuna ku dagin )

2. Cali ayaa yiri: Culimada Maalinta Mowldiidka in la xuso diidan, 8da Marsana aan ka hadal una hambalyeynayo Xaasaskoodu Maxey yihiin.

 

Axmed ayaa yiri: Culimada Xaafadda ayaa la yiraa, waa Ciyaal Sey Walaahi Cimaamado wato. ( F.S:2aad)

( Culimadii waxa ey Noqseen Cocktails)

3. Aabaheed ayaa Geeriyooday, iyadu ma ogeyn ee Ninkeedaa soo ogaaday, markuu Guriga yimid ayuu ku yiri: Soo bax waan ku soo furayaa.

 

Xaaskii ooyin, maxaad ii free.

 

Waxa uu ku yiri: Waan kugu Ciyaarayay kuma furayo ee Aabahaa ayaa Geeriyooday Maanta, aaska ayaan aadeynaa.waxa ey ku tiri: Iga tag waadba iga nixisay markii horee.

( Xildhibaan ayaa lagu yir: Dikareeto xafiiska Madaxweynaha ka soo baxday ayaa lagu kala diray Xildhibaanadii Golaha shacabka.

 

Dhulkuu ku dhacay waana suuxay, markuu soo miirsaday ayaa Saaxiibkii ku yiri: War waan kugu Ciyaarayay ee Magaaladii aheyd Deegaan Doorashadaada ayaa dhul gariis ka dhacay, Dad iyo Dhismana wax ka badbaaday ma jiraan

 

Waxa uu yiri: iga tag waadba iga nixisay markii horee ) .

4. Madaxweyne Somaliya ayaa tagay Dalka shiinaha, markii uu tagay ayaa Madaxweynihii Shiinaha waxaa u dhashay Wiil.

 

Madaxweynihii Somalida ayaa lagu Sharfay in uu Wiilka Magac u bixiyo, isaga oo yaaban ayuu Hindhisay "Hindhishoow” waa loo sacbiyay wiilkiina waxaa loo bixiyay Hindhisoow.

( Xilalka Loo magacaabo somalidu beryahaan waxa ey Noqdeen Hindhisoow, Qofka iyo Xilka Xiriir Kama Dhexeeyo)

5. Gabar Reer Xamar ah ayaa Aragtay oday Reer waqooyi ahaa oo Deriskooda ahaa oo Caday dheer soo iibsaday.

 

Waxa eyna ku tiri: Adeer Cadayga qaar Dabada iiga jabi. 

 

Odaygii oo Naxsan ayaa ku yiri: Maandhaay soow ku xanuuni maayo. ( F.S: 3aad)  

( Somalida ha la is faham siiyo inta eynan Dabada wax isaga Jabin ama eynan Basal Doonan sida Culimada qaar ey Maalmahaan sheegayeen)

6. Farax ayaa yiri: Baarlamaankeena Maalmahaan waa loo bogay, Hindisa Sharciyeed kasta ee loo keeno Cinwaanka ayeey ka fiiriyaan iyaga oo aan hoos u akhrin ayeeyna ku Ansixiyaan si Aqlabiyad ah ee Wixii ey Ansixiyaan miyaa Guno lagu siiyaa.

 

Maalmahaan Wixii loo keeno iyaga oo aan Hoos u fiikirin ayeey si dhib yar ku gudbiyaan.


Axmed ayaa yiri: Shib naga dheh, yaan Gaaladu ku maqlin oo eyna noo keenin Sharcigii Qowmu Luudka kadibna ey Ansixiyaan iyaga oo aan iska Akhrine.

( Xildhibaanoow Sharci in aad Ansixisaan waa loo baahan yahay, laakin Iska Akhriyaa).

Qore:- Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip