
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 9-KA MAARSO 2023-KA-
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay saddex sharci oo cawaaqib leh
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa saxiixay seddax sharci oo ka soo gudb ay heerarkii dhismaha sharciga, sida diyaarintoodii iyo ansixintii labada Aqal ee baarlamaanka.
"Mawaxweynaha oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaq abataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’a da Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Sharc iga Korontada Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada.
Munaasabadda saxiixa sharciyadaas oo ka dhac day Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxweyne Xas an Sheekh uga mahadceliyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BFS.
Madaxweynaha ayaa labada gole ee baarlamaan ka ku amaanay sida ay u turxaan bixiyeen shuruuc dan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.
"Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabn aa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, hadey amni tahay oo siyaasad tahay dhamaan waxay ku saleysnaanayaan sharc iyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qa ranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee haga ya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in dowl addu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.
Markii uu shuruucdaan saxiixayey Madaxweyne Xas an Sheekh waxaa garbihiisa taagnaa guddiyadii soo diyaariyey iyo masuuliyiinta hey’adaha loo diyaariyey shuruucdaan, sida Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo kor taagnaa madaxweynaha markii uu saxiixayey sharciga hey’adda.
R/Wasaare Xamza oo Shalay ilinta ceshan waa yey
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Ba rre ayaa Shalay ilinta cesha waayey, kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu xusay maalinta haweenka ee 8-da Maarso.
R/Wasaare Xa msa oo ku dhe eraaday ka ha dal ka qiimaha hooyada Soo maaliyeed ay aa ooyey oo li nta cesha waa yey markii uu soo xusuustay geeridii hooyadii oo mar xalado adag ku soo korisay, sida uu sheegay.
Xamsa Barre ayaa sheegay in markii uu dhashay uu dhintay Aabihiis, balse uusan tebin oo Hooyadiis ay u soo korisay si wanaagsan, isagoo yiri "Agoonka rasmiga ah waa qofkii hooyadiis waaya, anigaba ha ila ekaadee, waa agoon qofkii Hooyo la’aan noqda.”
"Waxaan ku jiraa dadka ay Hooyadu micnaha gaarka ah u leedahay, waxaan ahay yaraanka reerkeena, hal gabar oo hooyadey iyo aabahey dhaleen ayaa 10 sano iga weyn, anigu waxaan ahaa qofkii labaad, laa kiin nasiib darro Aabe waa dhintay markaan dha shay, mana arkin weligey,” ayuu yiri R/W. Xamse. Wuxuu sheegay inuu ahaa Hooyo koris aad loogu soo dhibtooday, balse heer fiican lasoo gaarsiiyey, sida waxbarashada oo ilaa heer sare uu soo gaaray ay hooyadiis garab taagneed. "Waan ka duwanahay wiil ama gabar ay hooyo iyo Aabe soo wada koriy een, Hooyadey waxay dhimatay sanadkii hore 16-kii Febraayo, maalinkii ay hooyadey dhimatay,” intaas markii uu marsiinayo hadalkiisa ayuu ilinta ama oohi nta cesha waayey r/wasaare Xamsa.
Wuxuu sheegay in maalintaas oo dareemay xanu un badan oo agoonimo uu dareemay, "Hooyo waxaa noo bedeshay walaashey iga weyn, reerka ayadaa is ku wada, hooyadu aabaha lamid maaha, agoonka rasmiga ahna waa qofkii Hooyadiis waaya,” ayuu yiri.
R/Wasaare Xamse ayaa intaas ku sii daray in weli giis uusan Aabe tebin, balse hadda uu dareemayo in uu agoon yahay, markii uu waayey hooyadiis.
Hadalkaan ayuu R/Wasaaruhu ka sheegay munaas abad weyn oo lagu maamuusayey maalinta caalam iga ah ee 8-da Maarso, wu xuuna aad ugu amaanay haweenka Sooma aliyeed doorka ay ku leeyihiin dib u soo kabashada Soomaaliya. Hoos ka daawo
Marwada madaxweynaha oo u hambalyo ku aad dan 8-da Maarso u dirtay Haween ka Soomaaliyeed
Marwada Madaxweynaha JFS Maamo, Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu
Hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso oo dunida oo dhan looga dabaal-dego Shalay oo kale, iyadoo haweenka ka balan qaaday in door muuqda ay ku yeela doonto sidii ay qoondadooda uga heli lah aayeen hey’adaha kala duwan ee dowladda.
Maamo Qamar Cali Cumar ayaa sheegtay in haw eenka Soomaaliyeed ay door muuqda kasoo qaate en hanaanka dowlad-dhiska dalkeenna iyo samata bixinta dadkeenna oo kasoo ka banaya marxaladihii burbur ka.
Sidoo kale Marwada Mad axweynaha Jamhuuriyadda Qa mar Cali Cumar ayaa ku bog aadisay guud ahaan dumarka Soomaaliyeed inay mu ujiyaan isku duubni iyo garab istaagga dowladnim ada, waxayna xuska Munaasa badda 8-Maarso awg eed ku baraarujineysaa inay sii wadaan dadaalkooda iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ah.
Golaha Shacabka oo Shalay ansixiyay sharci mu hiim u ah dagaalka socda iyo 2 sharci oo kale
Kulankii Shalay ee Xildhibaanada Golaha Sha cabka ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeed ka la-dagaalanka Argagixsada, kaasi oo u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.
Ansixinta sharcigaan ay aa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xi ldhibaan oo kale, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka Shalay ee Golaha ayaa sidoo kale waxa kamid ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindi se-sharciyeedka maareynta deegaanka, kaasi oo ay ogolaatay oo ay u codeeyen 143 Xildhibaan, wax dii day iyo wax ka aamusay midna ma jirin sharcigaan.
Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka dhowrista xog ta, waxaana ogolaatay 143 Xildhibaan oo ka dhigan dhamaan mudanayashii Shalay soo xadiray kulanka.
Saddexda hindise-sharciyeed ee Shalay la ansix iyay ayaa waxa uu Golaha Shacabka dhamaantooda soo marsiiyay oo lagu ansixiyay akhrinta 3-aad.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale kulankii Shalay ka ga dooday warbixinta akhrinta labaad ee hindise shar ciyeedka hormarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dard ar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baal marsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qa arkood.
Xasan Sheekh oo ka hadlay mowqifka DF ee qadiyadda FALASTIIN kadib markii la…
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sh.Max amuud ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si hagar la’ aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falas tiin.Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay warba ahinta Al-Jazeera ayaa waxa uu markale ku celiyay in mowqifka Soomaaliya ee Falastiin uusan waxba is ka bedelin, isaga oo ugu baaqay Israel inay bedesho istiraatijiyaddeeda dhulka Falastiiniyiinta.
"Mowqifkeena markasta waa cad daa, qaddiyada Falastiin kama tan aasuleyno sabab kasta oo imaata. Xaaladda hadda ji rta waa mid aan la aqbali karin,” a yuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalka madaxweynaha Soomaali ya ayaa kusoo aadaya xilli ay warb aahinta qaarkooda warineysay in Israel ay ka shaqey nayso sidii uu caadi u noqon lah aa xiriirka kala dhax eeya dalal ay ku jirto Somaliya.
Sidoo kale waxaa jirtay hadal hayn badan oo ka dhalatay sanadkii hore safar uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ku tageen dalka Imaaraadka, kaasi oo la xiriiray in Madaxdii Soomaal iyeed ee u safartay dalkaasi ay safar qarsoodi ah uga sii gudbeen Israel.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xilli gaasi beeniyay hadal haynta ka dhalatay arrintaasi, isaga oo sheegay in uusan jirin safar qarsoodi ah oo madaxda Soomaaliyeed ay ku tageen Israel, oo ay Soomaaliya la laheyn xiriir.
Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wa xa uu haatan meesha ka saaray shakiga arrintaas la ga qabay, isaga oo cad eeyay in qaddiyada reer Fal astiin aysan wa xba ku badalaneyn, mowqifkoodana uu sidii hore yahay.Xigasho:-Caasimadda.Net
Xukuumadda Federaalka oo dalka dib ugu soo ce linaysa Soomaalida ku xiran Xabsiyada Caalamka
R/Wasaare ku Xigeenka XFS Md. ayaa guddoom iyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, kaasi oo lo oga hadlay ansixinta siyaasad da qaran ee qurbo joo gta Soo maaliyeed oo ay soo gu dbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Xiriirka Caalamiga ah.
Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Sooma aliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah kuna jira xabsiyo kala duwan, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkoo da hooyo ugu soo laaban lahayeen iyagoo nabad ah.
R/Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii mu waadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee add uunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo, isagoo intaa ku daray in dowladdu muhiimad gaara siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku no ol wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dow ladnimada Soomaaliya
Soomaaliya iyo Nayjeeriya oo ka wada hadlay xal u helidda dhibaatooyinka ay sababeen is beddelka Cimillada
Wasiiradda Deegaanka iyo Isbedelka Cim ilada Jamahuuriyadda Federaalka Soo maaliya Amb; Khadiija Maxamed Makhsuumi ayaa kulan muhiim ah magaa lada Do oxa kula qaa datay dhig eda dalka Nigeria Md. Moham ed Abdullaahi.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay muhiim mad da wada shaqeynta labada wasaarado od si la iska ga kaash ado xal u helidda dhibaatooyinka ay sabab een is be delka cimilada , sida nabaad guurka dhulka iyo fata haadaha oo ah mushkilado ay wadajir u wa jahayaan labada dal.
Kheyre oo digniin u diray dowladda Xasan Sheekh
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Ca li Kheyre ayaa digniin kasoo saaray qorshaha qor shaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda fede raalka, kaasi oo la horgeeyay Baarl amaanka Soomaaliya.
Khayre ayaa sheegay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan xamili ka rin dhibka ka dhasha muddo kororsi ga sharci darro, isaga oo ka digay in damacan siyaasiga ah uu dib u dhac weyn ku keeni doono dawlad dhiska dalka.
"Dalka iyo dadka Soomaaliyeed midna dan ugu ma jirto mana xamili karaan dhibka ka dhasha mud do kororsi sharci darro ah. Waxaa hubaal ah in dawl ad dhiska dalka uu dib u dhac wayn ku imaan doono haddii aan laga fiirsan tallaabadan aan toosnayn,” ayuu yiri.
Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga horyimid xilli gii xukunkii Farmaajo damicii madaxweynihii xilka u magacaabay, taasi oo markii dambe keentay inuu xil kiisa ku waayo.
Kheyre ayaa ayaa sidoo kale kamid ah madax ho re iyo siyaasiyiin soo saaray qoraal ay uga horyimaa deen qorshaha muddo kororsiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.
Waxay sheegeen in muddo kordhinta sharci darra da ah ays i toos ah uga hor imaaneyso qodobka 60-aad ee Dastuurka, farqaddiisa (1-aad) oo qeexeysa in muddada xil-haynta Baarlamaanku yahay afar sa no oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo.
Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soom aaliya ayaa dhawaan soo magacaabay guddiyo ka soo talo bixin doona soo jeedin ka timid xildhibaana da qaar, taasi oo la xiriirta in hal sano oo dheeri ah la gu kordhiyo muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.
Qorshahan ayaa durtadiiba la kulmay diidmo xoog an oo uga imaaneysa madax hore iyo siyaasiyiinta qaar, kuwaasi oo sharci darro ku tilamamay muddo kororsiga lagu karkarinayo gudaha BF.
Madax hore oo ka hortimid qorshe ay damacsan tahay DF Soomaaliya
Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin caan ah ayaa waxaa loo ga soo horjeestay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxda bayaanka soo saartay ayaa kala ah madax weynihii hore ee dowladda KMG aheyd, Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid Cali iyo siyaasiga caanka ah Cabd uqaadir Cosoble Cali.
Siyaasiyiintan ayaa ka digay muddo kordhinta hal ka sano ah ee loo sameynayo hay’adaha dowladda, taas oo ay haatan wadaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka dalka.
Sidoo kale waxa ay sharci ku tilmaameen qaadis ta tallaabadan oo ay xuseen inay ka hor imaaneyso Dastuurka KMG ah ee u yaalla dalka.
"Muddo kordhintan sharci darrada ah waxay si to os ah uga hor imaaneysaa qodobka 60aad ee Dastu urka, farqaddiisa (1aad) oo qeexeysa in muddada xil haynta Baarlamaanku yahay afar sano oo ka bilaab anta maalinka xilka loo dhaariyo” ayaa lagu yiri baya anka madaxda.
Waxa kale oo lagu yiri "Sidoo kale waxay ka hor imaaneysaa qodobka 91aad oo si cad u qeexaya in muddada xilhaynta Madaxweynuhu tahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo”.
Sidoo kale madaxdii hore ee dalka ayaa baya ankan ku sheegay in aysan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin.
"Baahi hadda taagan oo loo qabo ma jirto in wax ka beddal Dastuur oo ujeedadiisu tahay muddo koro rsi la sameeyo, maadaama guddiga dib u eegista Dastuurku ay ku guda jiraan sidii ay u qabyo tiri laha ayeen Dastuurka qabyada ahm” ayaa lagu yiri warsa xaafadeedka.
Ugu dambeyn waxa ay farriin u direen madaxwey ne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka codsaday inuu wax ka qabto arrintaan oo ay tilmaameen inay horseedi karto dib u dhac.
Guddoomiyaha golaha Shacabka oo xa afiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Qatar
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sh. Aa dan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qa abilay danjiraha cusub ee Dawladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Alnu imi.
Kulanka Safiirka iyo Gu ddoomiyaha Golaha Shac abka ayaa ahaa mid ku sa absan isbarasho iyo kala warqaadasho, waxaana kulanka looga hadlay xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaa liya iyo Qatar, iyo sidii dowladda aan walaalaha na hay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd tayaynta Golaha Shacabka BJFS.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dowladda iyo sha cabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u soo kabashada dalka, iyadoo wadanka ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.
R/Wasaare Xamza oo shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda duulista
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda du ulista rayidka (HDRS), kadib markii lagu eedeyay wa da-shaqeyn la’aanta howl-wadeenada guddiga ma amulka iyo hay’adda duulista.
Wareegto kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 5-tii bishaan oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu faray Wasaaradda Ga adiidka iyo Duulista inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada soo jeedinta habraaca tartanka guddiga maamulka hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
"Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka wa xaa sidoo kale la farayaa in ay soo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada wax ka-bedelka iyo kaabis ta sharci ee lagama maarmaanka u ah in lagu same eyo sharciga hay’adda duulista rayidka Soomaaliye ed, si la jaan-qaadi karto heerka dhismaha hay’ad aha Duulista Rayidka ee Caalamka.”
R/Wasaaraha ayaa waxa uu faray Hay’adda Duul ista Rayidka iyo Wasaaradda Gaadiika iyo Duulista Hawada inay waafajiyaan sharciga hay’adda wixii xu quuq ah ee u bislaada kana maqan guddiga maam ulka HDRS muddadii ay xilka hayeen.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo fulineysa wareegtada ra’iisul wasaaraha ayaa waxay soo saartay go’aan ay ku fareyso Maareeyaha guud ee HDRS in uu meelmariyo waregtada shaqo joojinta
Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay ku wargelisay xubnaha guddiga in ay si deg deg u wareejiyaan dha maan hantida dowladda ee ay adeegsanayeen gudd iga shaqada laga joojiyay ee maamulka HDRS, taasi oo isugu jirta xafiisyo iyo agab kale ee shaqada.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayid ka Soomaaliyeed ayaa waxay fartay wasaaradda Ga adiidka iyo Duulista Hawada inuu diyaariyo habraaca loogu sameynayo dib u eegista sharciga hay’adda iyo habraaca soo xulista guddiga maamulka hay’ad da Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradad Gaadiidka iyo Gaadiidka Ha wada ayaa ugu dambeyntiina fartay Mareeyaha Gu ud ee Hay’adda Duulista Rayidka (HDRS) inuu u fud udeeyo guddiga shaqada laga joojiyay wixii xuquuq ah ee leeyihiin muddadii ay xilka hayeen, si waafa qsan sharciga hay’adda. Guddiga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay ay aa hore ugu eedeeyay wasiirka gaadiidka iyo duuli sta hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal in ay sameey say ku tagri-fal awoodeed, islamarkaan ay u magac awday nin lagu magacaabo Zakariye Axmed Faarah, oo ay isku beel yihiin agaasimaha maamulka maaliy adda iyo adeegyada guud ee hay’adda.
Xubnahan ayaa sidoo kale waxay xilligaasi sheeg een inin maareeyaha hay’adda uu awoodiisa ku war eejiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, kadib markii loogu hanjabay in xilka laga qaadayo, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda ay si xowli ah dano gaar ah uga leedahay hay’adda duulista oo ah hay’ad ka madax-banaan wasaaradda.
Hoos ka aqriso warqadaha kasoo kala baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
MAHAD SALAAD oo codsi u diray AQAL KA SARE kadib tallaabadii Shalay ee BF
Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Sa lad ayaa si weyn usoo dhaweeyay ansixintii hin dise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada, kaasi oo ay Shalay meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Mahad Salaad ayaa uga mahada-celiyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka meel-marinta sharci gaan, oo muddo badan horyaalay Ba arlamaanka, horena dhowr jeer dib loo celiyay doo ddo ka dhashay awgeed.
"Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna kusoo bee gmay xilligii aan ugu baahida badnayn si aan u guda nno waajibaadka naga saaran ka hortagga Khawaar ijta iyo ciribtirka fal-dambiyeedyada la xariira argagixi sada,” ayaa ku yiri Agaasime Mahad Salaad qoraal kooban oo uu soo saaray.
Mahad ayaa waxa uu ka codsaday guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare ee BFS inay ansixiyaan sharcigan oo shaqadiisu soo socotay muddo dheer, si looga gudbo caqabadaha ay argagixisadu ku hay so dalka.
Kulankii Shalay ee Xildhibaanada Golaha Shac abka ayaa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka la-da gaalanka Argagixsada, oo u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.
Ansixinta sharcigaan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xildhibaan oo kale, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka.
Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dar dar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, kuwaasi oo inta badan ay soo meel-mariyaan Golaha Wasiira da xukuum adda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo heshay Shahaadada ISO.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa he shay Shahaadada ISO 9001:2015 kaddib markii ay martay hannaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan hor umarinta hab maamulka tayeysan, baaris & dib eegis dukumiintiyada hab maamulka & qiimeynta guud oo dhammeystiran.
Qoraal lagu daabacay barta Hay’adda Isgaari inta Qaranka ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay ka dhigan tahay in HIQ ay noqotay Hay’addii ugu hor reysay ee Dowladda oo hesha Shahaadada ISO sida hadalka loo dhigay.
"Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015, taasoo ka dhigeysa ha y’addii ugu horreysay ee dowladda oo hesha shah aadada ISO. Si loo helo Shahaahada ISO, HIQ wa xay martay hanaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horum arinta hab maamulka tayeysan, baaris iyo dib-eegis dukumentiyada habka maamulka iyo qiimeyn guud oo dhammeystiran” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ).
Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in tallaa badaan ay dhiirragelineyso howlaha shaqo ee ay he yso si loo kordhiyo adeegya da looga baahan yahay, sidaas kale oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarka & tayada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ).
"Farxad gaar ah ayay noo tahay inaan guddoono shahaadadan caalamiga ee ISO, tanina waxay ka tarjumeysaa balanqaad joogto ah oo ay HIQ ku qa adaneyso dhaqamada ugu wanaagsan ee hab ma amulka taysan. Waxay muhiim u tahay hirgelinta qor sheyaasha kor loogu sii qaadaayo hay’adda iyo soo bandhigidda isbeddel weyn oo ku yimaada hababka shaqada.” Ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Must afa Yaasiin Sheekh, oo soo dhaweeyay guushan.
"Go’aanka aan ku buuxinay shuruudaha caalam iga ee Hab Maamulka Tayeysan waxay muujineysaa sida ay nooga go’antahay fududeynta iyo horumarin ta Isgaarsiinta iyo Teknoolojidda dalka.” Ayuu hadal kiisa kusii daray Maareeyaha guud ee Hay’adda Isg aarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qaba tay howlo muhiim u ah shaqada loo igmaday, maa mulka Hay’addu waxa uu ballanqaaday in uu kor dhinayo dedaalka uu ku bixinayo sidii ay hanan laha ayeen shahaadooyin & billado kale oo ay ku mutey staan waxqabadkooda.l
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Nairobi uga qeyb galay shirka wasiirra da maaliyadda geeska Afrika
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxa muud Nuur ayaa oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka qeybgalay shirka 15-aad ee Wasiirada Maa liyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa init iative).
Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo isk aashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan, isagoo wasiirku uu ka jeediyay warbixin ku saab sanayd mudnaantaay Dowladda Federaalka u lee dahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarin eed ee aan hore lagu heshiiyay.
Shirkaan muhiimka ah ee Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan dalalkaan uga faa’iideys an lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo kale muh iimka u ah iskaashiga Geeska Afrika.
"Waxa aan Shalay magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalal ka geeska Afrika (Horn of Africa initiative) shirkaas oo aan uga dooday horumarinta iyo iskaashiga dhaq aalaha dalalka ku midoobay kulankaan,” ayuu yiri wasiirku
Shirkaan waxa sidoo kale ka qeybgalay wakiilo ka socday Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika, sida ay sheegtay was aaraddu.
Puntland oo dil toogasho ku fulisay 18 nin
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntl and ayaa Shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay 18 nin, kuwaa oo 13 ka mida ay ka tirsanaayeen ma leeshiyada Al Shabaab iyo Daacish.
5-ta nin ee kale ee la toogtay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Puntland, kuwaa oo horey dilal u gaystay. Toogashada ayaana ka kala dhacday Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Bossaaso.
"Shalay saacadda Geeska Afrika markay ahayd 8-da subaxnimo, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland waxa ay xukun toogasho ah ku fulisay xukumanayaal ka tirsanaa ururada arg agixisada ee Al Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo tiradoodu gaareysay isku gayn 13 nin.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Maxkamadda Ciidama da Puntland.
Qoraalka ayaa lagu sheegay "Sidoo kale maxk amaddu waxa ay xukun toogasho ah ku fulisay 5 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee Do wladda Puntland, kuwaas oo horey u gaystay dilal.
Waxaa tiirka toogashada cafis uu ugu fidiyay ninkii qisaasta lahaa hal askari oo xukumane ahaa, isla goobtana waxaa magtiisa ku ballanqaaday Beeldaaj aha Cal-Bari, iyagoo isku afgartay ehelada mar xuumka.”
Waa tiradii 2aad ee ugu badneyd ee Puntland dil ku fuliso. 27-kii bishii June ee sanadkii 2021 ayay ahayd markii Puntland ay dil toogasho ku fulisay 21 nin, kuwaa oo lagu helay inay dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen deegaanada maamulkaasi.
Munaasabad lagu maamuusayay halye eyadii ku shahiiday dagaalka Khaw aarij ta oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka
Munaasabad lagu maamuusayay xaasaska, carr uurta iyo qoysaskii ay ka shahiideen halyeeyadii ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee ku geeriyooday dagaallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaa rijta ah ee Alshabab ayaa lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka.Wasiiru dowlaha Madaxt ooyada Mudane Abshir Maxa med Axmed oo mada sha ka hadlay ayaa tilmama amy in Haweenka Soomaaliye ed ay hormuud ay u yihiin ha lganka dalka looga soo rayo khawaarijta caadeysatay daadinta dhigga shac abkeenna, isaga oo xusay in qoysaska ay ka tageen shuhadadii ku shahiiday halganka xoreynta dalka ay dowladdu u taagan tahay daryeelkooda.
"Shidaalka uu ku socdo qorshaha qaran ee xor eynta dalka waa Haweenka Soomaaliyeed, sidoo kale, waxa ay aas-aas u yihiin Soomaaliya guuleys ata oo horumaransan. Shalay waxa aan halkan u ta agannahay maamuuska hooyooyinka ay ka shahiide en qaar ka mid ah halyeeyadii Ciidamada Qalabka Si da ee u dhintay difaaca dalkeenna”
Munaasabadda xuska maalinta haweenka addu unka ee 8-da Maarso oo lagu qabtay Madaxtooyada, taas oo lagu maamuusay sannadkan qoysaska halye eyadii u shahiiday xoreynta dalka ayaa waxaa ka qe ybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Md. Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasime Ku-xigeenka Md. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan & howlwa deennada Madaxtooyada Qaran ka.
Guddoomiyaha G/ Shacabka oo xus ka 8-da Maarso ugu hambalyeeyay haweenk aSomaliyed
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xuska 8-da Maarso oo ku beegan Maalinta Haweenka Adduun ka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed uga hamba lyee yay doorka lama ilaawaanka ah ee haween ku ay ugu jiraan dhismaha dowladnimada dalkeenna.
GuddoomiyeSheekh Aad an Madoobe ayaa ha weenka Soomaaliye ed ku amm aanay in ay hormuud u yih iin horumarka dalka, dhismaha Dowladnimada, waxaana uu xusay in kaalin muhiim ah ka soo qaate en geedi socodka nabada, u gurma shada dadka tab aaleysan, la dagaallanka argagaxi sada, isagoo tilm aamay in ay u udub dhexaan u yih iin bulshada Adduunka.
Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaal ka iyo Jinsiyadda oo Aqalka sare ku bog aadiyay ansix inta hindise sharciye edka hay’adda
Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed Cabdiqaadir Cilmi Cali ayaa golaha Aqalka sare uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedka dhismaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJS)
Agaasimaha ayaa sheegay in uu sharcigan muhiimad gaar ah u leey ahay in hay’addu ay yeelato sharci ay ku howlgasho,islamarkaana aas-aas u noqdo hirgelinta adeegyo huf an iyo ilaalinta xuquuqda howlwadeenada hay’adda oo muddo dheer u soo dhabar adeygay bixinta ade egyada ay hay’addu ka bixiso gudaha dalka iyo diba ddiisa.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa u mahad celiyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Dan Qaran oo si qurux badan uga shaqeeyay sidii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ku yeelan lahayd sharci ay ku fuliso waajib aaka ay ugu xil saaran tahay JFS.
Dardargelinta adeegyada garsoorka ee dalka oo laga hadlay
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Md., Baashe Yuusuf Axmed ayaa la shiray Guddoomiyey aasha iyo Gars ooreyaasha Max kamadaha Racf aanka iyo Gobol ka Banaadir, wa xaana ay ka wa da-hadleen dar-dar-gelinta hawlaha sha qo gaar aha an kiisaska horyaala Maxkamadaha si loo xaqiijiyo helitaanka caddaalad aan daahis lahayn.
Shirkan oo ah mid joogto ah, ayaa ujeedkiisu ya hay xoojinta isla-xisaabtanka, dib-u-eegista waxyaa bahii qabsoomay, caqabadaha jira iyo weli ba sidoo kale siddii loo fududeyn lahaa helitaanka adee ga caddaaladeed ee dalka.
Guddoomiyaha oo halkaas hadal ka jeediyey, ay aa Garsooreyaasha iyo guddo omiyeyaasha Maxk amadaha Rafcaanka iyo Gobalka ku boggaadiyey sida hufan ee ay mar walba ugu adeegaan cid kasta oo caddaalad u soo doonata Maxkamadaha, waxa ana uu kula dar-darmaamay in la sii hagaajiyo ded aalka iyo adeegidda bulsha da.
Ujeedka shir xasaasi ah oo Kismaayo uga furmay DF iyo maamullada
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maam ulka Jubbaland waxaa Shalay si rasmi ah uga fur may shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dow lad-goboleedyada.
Shirkan oo u furmay taliyayaasha Booliska dowl ad-goboleedyada dalka iyo taliska guud ee Booliska federa alka Soomaaliya ayaa waxa si wada-jira u fur ay madaxweyne ku-xigeenka dowlad-gobolee dka Jubbaland, Wasaaru-dowl aha wasaaradda amniga iyo taliyaha ciidanka Bolii ska Soomaaliyeed.
Shirkaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa looga hadli doonaa heerarka kala duwan ee booliska dowlad-goboleedyada iyo kan federaalka ay ka wada shaqeeyaan, sida lagu sheegay qoraal ko oban oo kasoo baxay furitaanka shirkaan.
Inta uu socdo shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diira da lagu saari doona hormarinta tababarada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerar kiisa kala duwan ee heer federaalka iyo heer dowlad goboleed. Shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dal ka ay ka socdaan howl-galo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana laga xoreeyay deegaano hor leh oo sanado badan gacantooda ku jiray.
Booliska ayaa qeyb ka ah qorshaha xasillinta de egaanada ay qabteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee wada gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dhawaan unbay aheyd markii uu mad axweyne Xasan Sheekh safar ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Jubbaland, si loo dardar-geliyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweyn aha u booq day deegaanada la xoreeyay ee HirSha belle iyo Gal mudug.
Shan fasiraad oo laga bixiyay kulankii Xasan Sheekh iyo Farmaajo ee Qatar
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ee waddanka Qatar ayaa la kulmay madaxweynihii uu tallada kala wareegay Maxa med C/hi Farmaajo.
Waa kulankoodii koowaad tan iyo markii uu Farm aajo xilka wareejiyay. Madaxweynihii ho re Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmihii dambe waxa uu saldhiga ka dhigtay magaalada Doo xa ee wadd anka Qatar.
Villa Somalia waxay sheegtay inuu Xasan She ekh la wadaagay Farmaajo xaaladihii ugu dambeey ay ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa laga bix iyay illaa shan fasiraad, kuwaasi oo kala ah;
1. Tixanaha is-booqashada: Farmaajo markii uu xafiiska joogay booqasho uu ku tagay magaalada Ankara ee waddanka Turkiga ayuu dhinaca kale boo q day Xasan Sheekh oo markaas deganaa mag aalada Ankara.
Tani waa qeyb kamid ah in madaxda Soomaalida aanay is inkirin oo ay is booqdaan markii dibadda ay joogaan wallow aad loo dhaliilo is aragooda marka gudaha la wada joogo.
2. Farriin ku socota Jamaahiirta labada hoggaami ye: Kulankaan gaarka ah wuxuu imanaya iyada oo dalka ka dhacday doorasho dhib badan laga maray oo gaartay in hub la isku adeegsado.
In labada hoggaamiye u muujiyeen Jamaahiirtooda in loolanku ku eegyahay maalmaha kursiga la isku haysto ayuu keenaya kulankan ayay leeyihiin falla nqeeyayaashu.
3. Farmaajo iyo dagaalka Al-Shabaab: Dad bad an ayaa duray qeyb kamid ah farriinta Villa Somalia ee ah inuu Xasan Sheekh uga warbixiyay Farmaajo halka uu marayo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
Dadku waxay leeyihiin Farmaajo wax weyn ug uma fadhiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo isa ga ayaa qaadi lahaa haddii ay taasi ahmiyad u lee dahay.
4. Dowladda Qatar iyo kulanka labada hoggaami ye: Dowladda waddanka Qatar oo isku diyaarineysa wajiga cusub ee la-macaamilka Soomaaliya wax weyn ayay u tahay inay aragto in madaxda Soomaa lida loolankooda uusan xadka dhaafin oo ay leeyihiin biseyl iyo is-aqbalid. Waxay ku dhiirigelinaysa ayaa la leeyahay xoojinta wajiga cusub ee cilaaqaadka Soomaaliya.
5. Laba weerar kadib iyo laab furnaanta Xasan Sheekh: Iyada oo la xasuusto in dowladdii Farmaajo ay laba jeer weerar hubeysan ku qaaday Xasan Sh.
Mar hoteelkii Maa’ida, marna guriga uu ka dega naa aagga Mirinaayo, haddana in marka aad xukun ka hesho aad iska ilowdo nabaradii uu nidaamkii ho re ku geystay waa wax uusan qof walba awoodin ay dadka uga falceliyeen booqashada uu Xasan Sheekh ugu tegay Farmaajo.
DF oo shaacisay magacyada saraakiisha laga dilay Shabaab iyo kuwa isa soo dhiibay
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfa afinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay wax qabadka dowladda federaalka ee todobaadkii lasoo dhaafay, ayada oo lagu soo hadal qaaday howlgallad ka socda gobollada waddanka. Wasaarad da warfaaf inta ayaa shaacisay magacyada saraakiisha kooxda Al-Shabaab looga dilay howlgalladii ugu damb eeyay iyo kuwa isku soo dhiibay cii damada Xoogga dalka.
Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegtay in howlgalladii todobaadkan dhacay xubno badan looga dilay Al-Shabaab, kuwaas oo uu jiro sar kaal sare oo lagu magacaabi jiray Aruuriyow Max amed Cumar, kaas oo ka tirsanaa horjoogayaa sha
"Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaad kan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Kha waarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno ba dan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Moh amed Omar iyo kuwo kale,” ayuu yiri bayaanka.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay isku soo dhiib een xubno ka tirsan Shabaab uu ka mid yahay Xas an Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).
"Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal),” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Howlgallada ayaa sii socon doono, ayada oo ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo deega anada ay maamulkaan, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale wasaaradda warfaafinta qoraalkeeda marnaba kuma xusin weerarkii ay Shalay Al-Shabaab ku galeen xerada Janaay Cabdalle, kaas oo ku billowday is-miidaamin, isla-markaana uu khasaare xoogleh kasoo gaaray ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxa lad dagaal, waxaana qayb ka ah dadka deegaanka, kaas oo jab iyo khasaaraba la gu gaarsiiyay Al-Shabaab oo dhul ballaaran laga qabsaday.Xigasho:-Caasimadda.Net
Warbixin: Ruushka oo kor u qaaday gala anga lkiisa Afrika, si uu taageero uga helo.
Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Malawi ayaa sheegay inuu rajaynayo in hoggaamiyayaasha Afrika ay ku baaqaan in la soo afjaro cunaqabataynada caa lamiga ah ee ka dhanka ah Ruushka, xilli la filayo in uu qabsoomo shirka u dhexeeya Afrika iyo Ruushka. Nikolai Krazilnikov ayaa faalladan bixiyey xilli uu Ruushku ugu deeqay dalka Malawi illaa 20, 000 oo ton oo ah, ag abka bacriminta be er aha.
Dadka faal leeya siyaasadda ayaa iyagu u arka in tallaad an uu Ruushku qaaday uu uga danleeyahay inu u ku kasbado ta ageerada diblo maasiyadeed ee dalalka Afrika, si uu taageero ugu helo dagaalka Ukraine. Taageer adan bacriminka beeraha ayaa ka noqonaysa oo kel iya 3% baahida guud ee dalkaasi uga baahan dhin aca agabka bacriminka beeraha, taasoo gaadhaysa illaa 600,000 oo ton.
Wasiirka beeraha ee Malawi ayaa sh eegay in tall aabadi ay wax weyn ka tarayso wax soo saarka bee raha ee dalkaas, taas oo fursan uu siinaysa inay quu diyaan illaa 400,000 oo qoys Taageeradan ayaa qa yb ka ah, heshiiskii ay ka odayaysay Qaramada Mi doobay
ee dib loogu furayey in sarreenka iyo agabka bacri minta debedda looga dhoofiyo, dekedaha ku yaalla badda madow. AP ayaa ka soo xigatay danjiraha in uu filayo in hoggaamiyayaasha Afrika ay ku cadaadin doonaan in meesha laga saaro cunaqabataynada saaran Moscow, marka uu qabsoomo shirka u dhex eeya Ruushka iyo Afrika, kaas oo la filayo inuu dha co bisha July ee soo socota. Danjiraha ayaa sheegay in Ruushku uu Afrika ugu deeqay illaa 260,000 oo ton oo ah, agabka bacriminta beeraha. Warbixintan waxaa qortayLameck Masina
Faah-faahin laga helayo QARAX xoogan oo ka dhacay magaalada Beledweyne
Qarax xooggan ayaa Shalayeyd ka dhacay maga alada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duw an oo isugu jira dhimasho iyo dha awac. Faahfaahino hordhaca ah oo kasoo baxaya qaraxaan, ayaa waxay sheegayaan in qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano miinada uu si gaar ah uga dha cay maqaayad ku taalla xaafada Xaawo Taako ee mag aalada Beledweyne.
Qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay xaafado ka mid ah xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo dadka deega anka ay sheegeen in jugtiisa aad u cusleyd.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maqaayada la weerar ay ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Macaa wisleyda ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah koo xda Al-Shabaab.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, dadkii ku waxye eloobay qaraxan ayaa loo qaaday goobaha caasimaad ee ku yaalla magaaladaasi, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.
Weli si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noq day qaraxaan iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay.
Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bila abay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weer arkan.
Dhawaan unbay aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ay ku qaaday guri ay magaal ada Muqdisho kaga sugnaayeen qaar ka mid ah ciidan ka deegaanka ee Macawiisleyda oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa xilligaasi weerarkaasi ku dhishay 10 nin, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Nuux Taani: Awood ayaanu u leenahay in aanu Laascaanood galno
Taliyaha Guud ee Ciidanka Millateriga Somaliland Sareeye Guuto Nuux Ismaaciil Taani, ay aa sheegay in ciidanka Somaliland awoo do in uu qabsado Laascaanood lakiin uu xabad joojinta ilaalinayo.
Taliyaha oo la hadlay muuqbaahiyaha afka xukuumada ku hadla, ayaa sheegay in ciidanku uu ku shaqaynayo si yaasada xukuumada Somaliland, isla markaana uu ila alinayo go'aanka xukuumada ee xabad joojinta.
"Ciidanka Qaranku had iyo gooraale wuxuu fuliyaa siy aasada dowlada, waxay dowladu ku dhawaaqday xabad joojin in la sameeyo, waxaanu halkan ku fulinayna xab ad joojintii, awood waanu u leenahay magaalada in aa nu galno, kasaarnana kuwa isku soo urursaday ee Punt land ka yimid" ayuu yidhi Taani. Taliyuhu sidookale shacabka magaalada Laascaano od ayuu ugu baaqay in ay Somaliland aqbalaan oo ay soo noqdaan isaga oo sheegay in been loo sheegay sida uu hadalkiisa u dhigay.
"Dadwaynaha reer Laascaanood waxan leeyahay be entii la idiin sheegayay iyo barwaa qadii la idiin sheegayay ma taalo ha da, gaajada magaalada taalana wa anu ognahay, dalkiina iyo dadkiinii kusoo noqda" ayuu yidhi Taani.
Xalaada magaalada Laascaanood ayaa maalamah an dagan kadib markii xabad joojin ay dowlada Itoobiya ka odayaysay ay dhinacyadu aqbaleen, isla markaana ma jiraan wax wada hadalo ah oo u bilowday xukuum ada iyo garaadada Laascaanood ku sugan.
Somaliland oo soo bandhigtay sawirro beenin u ah arrin lagu eedeeyey
Ciidamada Somaliland ayaa beeniyay inay burb uriy een warshadii biyaha ee magaalada Laasc aanood, iya ga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheega yay in ciidanka ay gubeen warshadaasi.
Taliyaha Guutada 114-aad ee Ciidanka Somaliland G/le sare Maxamuud Cismaan dheri (Indha-yare) ayaa ka soo muuqday warbaahinta ku hadasha afka xukuum adda Somaliland xilli uu ku sugnaa warshada biyaha ee magaalada, oo aysan ka muuqan wax burbur ah.
"Waxa ku suganahay warshadii biyaha Laascaano od ee Goojacadde ku taallay, lama furfuran oo madaa fiic kuma dhicin, rasaas lalama dhicin oo waa badqab taa,” ayuu yiri Taliye Indha-yare.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay "in ciidamo gaar ah loo saaray warshadaan ilaalinteeda tan iyo markii uu billowday dagaalka,” oo bur bur xoogan gaarsiiyay maga alada.
"Warshadda umadda oo dhan ayay ka dhaxeysa waa ilaalineynay oo waardiye ayaa ka aheyn intii dhibaatada ka dhacday Laascaanood. Ijiinadii waa badqabaan waxaa leenahay qolada leh rasaas ayaa lala dhacay ama waa la gubay inaysan waxba ka jirin, waxaa u sheegayna umadda in arrinkaas uu sal iyo raad toona laheyn.”
Muuqaalka ay baahisay warbaahinta xukuumadda Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii si weyn loogu baahiyay baraha bulshada warar sheegayay in ciidankooda ku sugan aagga Goojacade ay dab qa bad siiyeen warshadda oo ku taalla duleedka magaal ada, islamarkaana ay ka afduubteen laba kamid ah shaqaalaheeda.
Somaliland ayaa dhalleeceyn xoogan kala kulantay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah. Labada dhinac ee isku haya xarunta gobolka Sool ay aa illaa hadda dhagaha ka fureystay baaqyada naba dda ah ee loo dirayo, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan halkaasi.Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta magaalada Laascaanood oo faraha kasii baxday, kadib markii uu dhiig badan ku daatay maagaaladaasi.
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo been isay in abaarta ka jirta gob olka Daawo ay dad ugu dhinteen gaajo iyo haraad
Wasiirka Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid oo waraysi siiyay Qeybta Afka Axmaariga ee BBCda ayaa ka waramay xa aladda Abaareed ee ka jirta qaybo kamid ah dowlad deg aanka Soomaalida.
Gobollada Daawo, Afdheer iyo Liibaan ay ka jirto xaa lad abaareed oo aad u daran, isla markaana ay ku baa ba'een xoolo badan, dad badanna ay ku barakaceen abaartan, isagoo xusay in dadka ku barakacay abaartan lagu hayo goobo gaar ah halkaana ay dowladdu xaa ladooda kaga war hayso, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirku.
Gobolka Daawo oo ah gobolka u daran ee ay aba artu ku dhufatay Wasiirku waxa uu xusay in dadkii abaar ta kasoo barakacay oo ka badan ilaa 52 kun oo qoys la gu hayo goobo gaar ah, halkaana loogu qaybiyay Raa shin iyo Calafka xoolaha, inkastoo sida uu Wasiirka Wa rfaafintu sheegay aysan dadkaasi ku filnayn gargaark aasi haddana waxa uu Wasiirku sheegay in saddexda asi gobol waa Daawo, Afdheer iyo Liibaan la gaarsiiyay gargaar kala duwan.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ee degaanka Soom aalidu waxa uu sheegay in gobolka Daawo ay abaarta darteed ku baaba'een xoolo gaadhaya ilaa 334 kun oo isugu jirta Geel, Lo' iyo Adhi, sidoo kalena xoolo kale oo intaa ka badanna ay qarka u saaran yihiin inay abaartan ku le'daan. Waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Warf aafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid.
Dhinaca kale Wasiirku waxa uu sheegay inaysan ji rin wax dad ah oo ku sugan gobollada ay abaartu ku dhufatay oo ilaa iyo hadda u geeriyooday gaajo iyo hara ad, isagoo xusay inay dowladdu la socoto oo ay ka war hayso xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan dowlad degaanka Soomaal ida, Waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid.
Hadalka Wasiirka Wasiirka Warfaafinta ee dowlad dega anka Soomaalida ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmo ka hor xildhibaan ka soojeeda gobolka Daawo uu Warba ahinta la wadaagey in dad u geeriyoodeen gaajo iyo har aad ay keentay abaarta ka jirta gobolka Daawo, isla mar kaana aysan dowladdu ka war hayn dadkaasi ay abaa ruhu saameeyeen.Guud ahaan gobollada Daawo, Afdh eer iyo Liibaan ayaa waxaa ka jirta abaar aad u daran oo ay sababtay roobka oo aan muddo dheer ka di'in gob olladaas, taas oo keentay inay dadkii ku dhacdo abaar aad u dheeraat ay, oo ay ku baaba'een dad iyo duunya ba.
CAASHA BARI WEYN, CAASHA BADHI, CAASHA BARKIN. =HADDA MALAGA DHOOFI YAA DALKA?= FAALLO
Caasha Bari weyn, Caasha Badhi, Caasha Barkin. = Hadda Malaga dhoofiyaa Dalka?=
Shalay Aniga oo xoogaa iska xanuu nsan oo Guriga iska joogo ayaan Fac ebook ku arkay qoraal kooban oo uu qo ray wiil Somali ah . ( F.S: 1-3aad) Wax aan soo xasuusatay Laba arrim ood.
1.Markii aan yaraa ee aan Dugsi Qur’aanka dhiga ji ray waxaa Dugsigeenu ahaa Geedo Shuur ah waxaa ku dhax yeel 3 Geed oo Dhuumood ah waxa ey lahaayeen Muqoro Waxaana ku dhax jiry Caa sha Berriweyn. 2.Wa xaan soo xasuustay in aan Mar ho re Maqaal kooban ka qoray Caasha Bariweyn oo ku saa bsanaa Nin Masaari ahaa oo Garoonka Hargeysa lagu qabtay isaga oo diba dda u dhoofinayay 200-300 oo ah Xamaaratada Caasha Bariweyn.Waxa ey aheyd Markii 5aad ee uu dhoofin ayay.Waxa uu sheegay in uu Dadka Reer Miyiga ah uu siiyo 9-10 Dollar, hadba Maalintaa intii ey soo qabtaan, isaguna uu u sii iib geeyo wada mada Thailand, Japan iyo Indonesia halkii Xabana uu ku sii iibiyo 100 Dollar. Shalay, Aniga oo Xanuunsan oo tukubayo ayaa Fadhii stay Xafiiskeeyga Guriga, si aan u Raadiyo Macluum aad kale oo la xiriiro Noolahaa yar. Waxaan ogaaday in Noolahaa weli Dalka laga dhoofiyo, lagana soo ururiyo Meela ey ka mid yihiin Buuraha Golis iyo Deegaanka Degmada Buurhakabo. Caasho Badhi horta Sun male, Dadkana wey ka carartaa, haddise la qabanayo wey qaniintaa si ey isku difaacdo. Reer Galb eedka Badanaa wadamada Reer Galbeedku waxa ey u isticmaalaan laba shey oo kaliya: a) in ey ku Ridaan Mur aayad yar oo 4 gees leh sida sanduuqa oo ey Guryaha qaar dhigtaan si loo daawado. b) Qaar ayaa ka Ganac sado oo tarmiyo ukxaanteeda, si ey uga iibiyaan Dadka leh Beeraha ama Jardiinooyinka Guryaha, si ey uga Cu nto Xasharaadka yar yar ee Dhirta Jardiinka dhiba yo.
Inta Badan qiimaha Reer Galbeedku kama badno 13 Dollar Xabadii. Wadamada Aasiya Wadamada Asiya ka sokoow in ey u isticmaalaan ka hortagga Cayayaanka Dhirta cuno.Waxaa kale oo ey u isticmaalaan in laga sameeyo Daawo iyo in iyada Lafteeda la cuno. Maclu umaadka Casha Badhi Caasho Bariweyn waxaa Afka ingriiska lagu yiraa: (Shield Tailed Agama) oo ah, Aga mdii Dibka Gaashaanka ah leheyd.
Magaca Agama waa Scientific Name, oo
macnihiisii Asalka ahaa uu ka yimid Kalmad Dhaqan ahaan ey u lahaayeen Dadka
Aaminsan Diimaha Jainisim iyo Hindui sm, kuwaa oo Diin ahaan Casha Badhida u
sii kala qe ybi jiray Saddax marxalad Diimeed oo kala ah: Vaishna va, saivisim
iyo saktisim.Hindidii hore ayaa Darbida Macaabidda ku Sawiri jirtay markeey u
duceeynayaan Sanamka "Siva” iyaga oo ku maamuusayo Ciyaarta "Yo ga Bada” Caasho
Bariweyn waxa ey nool


0 



HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 9-KA MAARSO 2023-KA-
...