Marwada madaxweynaha oo u hambalyo ku aaddan 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

0
Wednesday March 08, 2023 - 09:55:45 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada madaxweynaha oo u hambalyo ku aaddan 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Marwada Madaxweynaha JFS Maamo, Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso oo dunida oo dhan looga dabaal-dego maanta oo kale, iyadoo haweenka ka balan qaaday in door muuqda ay ku yeela doonto sidii ay qoondadooda uga heli lahaayeen hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Maamo Qamar Cali Cumar ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda kasoo qaateen hanaanka dowlad-dhiska dalkeenna iyo samata bixinta dadkeenna oo kasoo kabanaya marxaladihii burburka.

Sidoo kale Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Qamar Cali Cumar ayaa ku bogaadisay guud ahaan dumarka Soomaaliyeed inay muujiyaan isku duubni iyo garab istaagga dowladnimada, waxayna xuska Munaasabadda 8-Maarso awgeed ku baraarujineysaa inay sii wadaan dadaalkooda iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip