Caasha Bari weyn, Caasha Badhi, Caasha Barkin. =Hadda Malaga dhoofiyaa Dalka?=

0
Wednesday March 08, 2023 - 07:47:48 in Wararka by
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caasha Bari weyn, Caasha Badhi, Caasha Barkin. =Hadda Malaga dhoofiyaa Dalka?=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaan soo xasuusatay Laba arrimood.
1.

 

Markii aan yaraa ee aan Dugsi Qur’aanka dhiga jiray waxaa Dugsigeenu ahaa Geedo Shuur ah waxaa ku dhax yeel 3 Geed oo Dhuumood ah waxa ey lahaayeen Muqoro Waxaana ku dhax jiry Caasha Berriweyn.

2.

 

Waxaan soo xasuustay in aan Mar hore Maqaal kooban ka qoray Caasha Bariweyn oo ku saabsanaa Nin Masaari ahaa oo Garoonka Hargeysa lagu qabtay isaga oo dibadda u dhoofinayay 200-300 oo ah Xamaaratada Caasha Bariweyn.

 

Waxa ey aheyd Markii 5aad ee uu dhoofinayay.

 

Waxa uu sheegay in uu Dadka Reer Miyiga ah uu siiyo 9-10 Dollar, hadba Maalintaa intii ey soo qabtaan, isaguna uu u sii iib geeyo wadamada Thailand, Japan iyo Indonesia halkii Xabana uu ku sii iibiyo 100 Dollar.

Maanta, Aniga oo Xanuunsan oo tukubayo ayaa Fadhiistay Xafiiskeeyga Guriga, si aan u Raadiyo Macluumaad kale oo la xiriiro Noolahaa yar.

Waxaan ogaaday in Noolahaa weli Dalka laga dhoofiyo, lagana soo ururiyo Meela ey ka mid yihiin Buuraha Golis iyo Deegaanka Degmada Buurhakabo.

Caasho Badhi horta Sun male, Dadkana wey ka carartaa, haddise la qabanayo wey qaniintaa si ey isku difaacdo.

Reer Galbeedka

Badanaa wadamada Reer Galbeedku waxa ey u isticmaalaan laba shey oo kaliya:

a) in ey ku Ridaan Muraayad yar oo 4 gees leh sida sanduuqa oo ey Guryaha qaar dhigtaan si loo daawado.

b) Qaar ayaa ka Ganacsado oo tarmiyo ukxaanteeda, si ey uga iibiyaan Dadka leh Beeraha ama Jardiinooyinka Guryaha, si ey uga Cunto Xasharaadka yar yar ee Dhirta Jardiinka dhibayo.

 

Inta Badan qiimaha Reer Galbeedku kama badno 13 Dollar Xabadii.

Wadamada Aasiya

Wadamada Asiya ka sokoow in ey u isticmaalaan ka hortagga Cayayaanka Dhirta cuno.

 

Waxaa kale oo ey u isticmaalaan in laga sameeyo Daawo iyo in iyada Lafteeda la cuno.

Macluumaadka Casha Badhi

Caasho Bariweyn waxaa Afka ingriiska lagu yiraa: (Shield Tailed Agama) oo ah, Agamdii Dibka Gaashaanka ah leheyd.


Magaca Agama waa Scientific Name, oo macnihiisii Asalka ahaa uu ka yimid Kalmad Dhaqan ahaan ey u lahaayeen Dadka Aaminsan Diimaha Jainisim iyo Hinduism, kuwaa oo Diin ahaan Casha Badhida u sii kala qeybi jiray Saddax marxalad Diimeed oo kala ah: Vaishnava, saivisim iyo saktisim.

 

Hindidii hore ayaa Darbida Macaabidda ku Sawiri jirtay markeey u duceeynayaan Sanamka "Siva” iyaga oo ku maamuusayo Ciyaarta "Yoga Bada” Caasho Bariweyn waxa ey noolaa kartaa 10-15 Sano.

 

Waxa ey ka soo jeedaa Beesha Xamaaratada ee loo yaqaan "Agamidae” waxa eyna ka sii tahay Jilibka loo yaqaan "Xengama” .

Waxaan la yaabay Wadamada Reer Galbeedka oo ku doodayo Taariikhda Caasho Bariweyn, ayaa leh: Markii ugu horeysay waxaa helay Nin la dhihi jiray Mr.

 

Parker Sanadkii 1935tii. waa khalad intii uuna imaan Afrika, Annaga Awoowa yaasheen waa yaqiineen, waana Arki jireen, ee waxa uu baray oo kaliya Reer Galbeedka oo aan Aqoon, waa sida ey u yiraahdiin Vasco Da Gama ayaa helay Afriaka.

 

Afrika markaa ka hor waa jirtay waana layaqiin waxaa ka daran marka ey Dugsiyada nagu barayaan Ameerika waxaa helay Nin la dhihi jiray, Amrico fasbuji.

 

Waxa ey qarinayaan in hore ey u tageen Sahamiyayaashii uu diray King Musas oo ahaa African Muslim ah.

 

Wax kasta waxa ey Bilaaw uga dhigtaan Markii ey iyagu barteen Dadkii ka hor yaqiinna wey inkiraan.

Iga raali ahaaw, waan kugu dheereeyay Maanta Xamaarato ayaan kula aaday, Somaliduna waxa ey jeceshahay Siyaasada, Madax xanuunkii ayaa igu soo Noqday, Maanta ma fiicni.

FG: Ka ganacsiga Caasho Bariweynta Buuraha Golis, Buurhakabo Gobalka Baay iyo Meela kale oo Dalka ahba waa ka socdaa .

 

Aan dhowrano Xamaaratada Allaah na siiyay ee Dalka nagula nool waxaa jiro wadamo uuna Alla siin Caasho Bariweyn , Annga ayaa masuliyadu naga saaran tahay, waan ogahay in Beni Aadamkii iyo Duurjoogtii Caasha ka waa weyneyd aan hore u dhoofinay ee bal tanna…….

Xanuunka Alla ha iga qaado.

Qore:- Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip