HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA MAARSO 2023-KA-

0
Tuesday March 07, 2023 - 08:38:53 in Wararka by
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA MAARSO 2023-KA-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddoomiyaha golaha shacabka oo u hamba lye eyey guddoomiyaha cusub Baarlamanka Jabuuti

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u dir ay Guddoomiya ha Baarlamaan ka Jabuuti ee la doortay Mudane Dileyta Maxamed Dileyta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Gudd oomiyaha cusub ee loo doortay baarla maanka Jam huuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ugu ha mbalyeeyay doorashada loo doortay hoggaaminta Baarlamaanka dalkaas, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysto mas’uuliyadda culus ee loo idmaday.

Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay in uu qaadanayo Ciidan cusub.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Gobo lka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in uu Maamulka qaadan doonno ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada cusub ee ilaalinta deegaanka xamar ay isugu jiraan Leyli Sarkaal, Saraakiil xig eeno iyo Dabley.

Maamulka Gobolka Banaa dir ayaa sheegay dhalinya rada dooneysa in ay ka qeyb noqdaan ciidanka ila alinta deegaanka xamar laga doonaya sharuudaha soo socda: Da’diisu waa in ay u dhaxeysaa 20 il laa 25 jir. Waa inuu heystaa ugu yaraan shahaado Dugsi Sare ah. Waa in uu san lahayn wax balwad ah.

Waa in uu san ka mid ahayn Ciidanka kale ama shaq aalaha Dowladda.

Waa in uu hesytaa warqad caafimaad oo caddeen aysaa inuu Caafimaad qabo Maskax ahaan iyo jir ahaan.

Waa in uu la yimaadaa gal feyl oo ku dhan yihiin; Warqadda Caafimaad, shaqaadaha waxbarashada, warqadda dambi la’aanta iyo afar sawir.

Waa in uu heysaa damiin iyo in uu ka bixi karo Imt axaanka laga qaadaya.

Afhayeenka G/Banaadir Saalax Dheere ayaa she egay isdiiwaan galinta in ay bilaaban doonta maalinta sabtida ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11 March 2023-ka, ayna ku egtahay 20 march, 2023-ka.

Ciidanka cusub ee ka mid noqon doona Ciidanka ilaa linta deegaanka xamar ayaa qaadan doonta Tabar, waana markii ugu horreysay Maamulka uu hoggaam iyo Guddomiye Madaale uu shaaciyo in uu Dowladda Hoose ee Xamar ay qaadaneyso ciidan Cusub.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo kulan la qaat ay Hantidhawrayaasha Dowlad Gobol eedyada

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Ax med Ciise Guutaale ayaa Shalay kulan isbarasho ah aaladda fogaan-aragga kula qaatay Hantidhawrada Guud ee Dowlad Goboleedyada Jubaland, Hirshabe elle, Koonfur Galbeed, Galmud ug iyo Puntland. Hantidhawra da Guud ee heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa intii uu kulanku socday waxay isku waydaarsadeen xog dul mar ah oo ku aaddan hawlihii iskaashiga iyo taageer ada ku qotomay ee soo socday mudaddii la soo dhaafay. Hantidhawre Axmed Guutaale oo tilmaamo ka bixiyey heerka uu soo gaaray iskaashiga labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahanyahay in la sii dardargaliyo iyadoo xoogga la saarayo taage ero mug leh oo ay helaan Xafiisyada Hantidhawrada Guud ee heer dowlad goboleed

Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa isbar ashada kadib muujiyay sida ay uga go’antahay inuu sii dhaqaajiyo xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexe eyay xafiisyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada aqoon-kororsiga, tababbarada kobcinta xirfadda ha wlwadeennada iyo in Xafiiska Hantidhawrka Guud uu sii wado in uu u qareemo in bahwadaagta caalamiga ay ho rumarka ka taageeraan xafiisyada heer dowlad goboleed.

Golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay Shar ciyo la horgeeyay

Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Shac abka ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 2aad kulan kiisa 25aad ee Golaha Shacabka BJFS ayadoo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka

Kulanka oo ay soo xaadireen 152 Xildhibaan ayaa ajendihiisu Ahaa. 1)Akhrinta 3aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Socdaalka

2)Dhameystirka Warbixinta Akrinta 2aad Ee Hindise Sha rciyeedka La-dagaal anka Argagixisada

2) Ka doodista Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hin dise Sharciyeedyada Dhowrista Xogta 3) Ka doodista War bixinada Akhrinta 2aad ee Hind ise Sharciyeedka Maareynta Degaanka.

Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha ayaa cod galisay Hindise Sharciyeedka Socdaalka waxaa na Haa ugu codeeyay 145 xildhibaan waxaana diiday 1 xildhibaan waxaana ka aamusay 6 xildhibaan.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay Sadaxda sharci ee kala ah Dhameystirka Warbixinta Akrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada Iyo Ka do odista Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Shar ciyeedyada Dhowrista Xogta Iyo Ka doodista Warbixi nada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maar eynta Degaanka, xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo talo soojeedin ku aadan sharciyada kor ku xusan

Ugu dambeyntii guddoomiye ku xigeenka koow aad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomineysay kulanka ayaa soo xirtay, iyadoona fartay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS . "” in Sadaxda sha rci Akhrintooda 3aad uu ku wareejiyo Guddiyada ku shaqada lah.

Soomaaliya oo Dowladda Qatar kala hadashay Barnaamijka deyn Cafinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cilmi M. Nuur ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay Wa siirka Maaliyadda Dowladda Qatar, Ali bin Ahmed Al Kuwari. Shirka ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda So omaaliya iyo Dhiggiisa Dowladda Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dad aalada barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar warbixin ka siiyay heerka uu marayo hannnaan ka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dadaa lada Deyn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda Qatar ayaa soo dhaweeyay dadaalada Dowl adda Federaalka Soo maaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada ay ugu jirto in la ga cafiyo de ymaha lagu leeyah ay.

”Waxa aan Shalay magaalada Doha ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhigga yga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari.

Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo qu seeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka iskaash iga dhaqaalaha Qatar iyo Soomaaliya”. Ayuu yiri Wa siirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

Dawladaha Soomaaliya & Switzerland oo ka hadl ay xoojinta Xiriirka ka dhexeya

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo magaalada Doxa ee dalka Qatar kaga qayb gelaya shirka caalamiga ah ee wadamada soo koraya ( LDC5) oo tobbankii sano ba mar la qab to, ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Agaasi maha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga dowladda Switzerland Amb. Patricia Danzi. "Waxaan ka wada hada lnay dhinacyada aan iska ka ashan karno iyo khibr adda Dowlad da Switzer land ee dhin acyada hor umarinta arrima ha bul shada maada ama ujeedada u gu weyn ee shirkani ay tahay in wad am ada horum arka sameeyay khibrad dooda iyo taageeraba la wa daagaan dalalka soo ko raya”ayuu sidoo kale yiri wasiirka Arimaha dibdaa soomaaliya Abshir Cumar Jaamac.

Kulankan ayaa waxa Wasiirka ku weheliyay Was iirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee XFS Md. Fa arax Sheekh Cabdulqaadir iyo madaxa ergada inoo joogta xarunta qaramada

Garaad Jaamac: Gooni-isu taaga Som aliland macquul maha, waa danbi

Garaad Jaamac Garaad Cali oo gadhwadeen ka ah dhaqdhaqaaqa Somaliland lagaga soo horjeedo ee ka socda magaalada Laascaanood, ayaa markale ku baaqay in ciidamada Somaliland ka baxaan dee ganada ay dagaan beelaha uu madaxda u yahay.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo war aysi gaar ah sii yay Max amed Yuus uf Bakayle, ay aa sheegay in Somali land anay ka go'ayn Soomaa liya, isa ga oo sheeg ay in doorasha da kali ah ee Somalil and haysataa ay tahay in ay wax la qaybsato dowl ada Soomaaliya.

"Waxa laysku dilayay waxay ahayd kala go'a, ka asina maaha dookh yaala oo dariishada ayuu ka bax ay, dookha yaalaa waxa weeyaan sidee dowlad Soo maaliyeed oo wacan loo hagaajisan karaa ee loo dhi san karaa" ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaadku gooni-isutaaga Somaliland ayuu ku til maamay wax aan suuragal ahayn iyo danbi "Wax go oni-isutaag la yidhaahdaa ma jiro macquula ma aha, dowladii Soomaaliya ayaa u tudhaysaye danbi ayay ahaan lahayd".

Garaadku waxa uu sheegay in talada midnimada beeshiisu iyo halganka ay Somaliland kaga soo hor jeedaan, ay ka timid shirkii uga qabsoomay magaala da jigjiga, halkaana ay kusoo lafa-gureen talada ay hada ku shaqaynayaan.

Waxa uu markale ku baaqay in ciidamada Somalil and ay ka baxaan gobolka Sool, isaga oo ku andac ooday in ay ciidamada siiyeen jid ay ku baxaan, wu xuuna dhanka kale sheegay in aanu wadahadal suu ragal ahayn inta madaxweyne Biixi uu Somaliland gadh-wadeenka ka yahay.

Garaadku waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland aanu dhagaysanayn talooyinka waxgarad ka, isla markaana uu ka baqanayo in dhibaatadu ay intaa ka siibadato.

Rugaha Ganacsi Dowlad Goboleedyada Oo Beeni yay War Kasoo Baxay Rugta Ganacsiga

Rugaha ganacsiga ee Maamul goboleedada dal ka ka jira ayaa qoraal wadajir ah ay soo saareen ku cadeeyay in waxbo kama jiraan tahay warqada sum adeedu tahay SCCI/036/23 ee ku taariikhaysan 01.03 .2023, taas oo baxday guddoonka rugta ganac siga Soomaaliyeed ee waqtigooda dhammaaday.

Qoraalka kasoo baxay rugta ga nacsiga iyo war shadaha ee waq tigeeda dhammaaday ayaa lagu ma gacaabay guddi la sheegay in ay qaban qaabinayaan doorashada guddoonka rugta Ganacs iga, waxaana qoraalka lagu sheegay in guddigan la oge ysiiyay rugaha ganac si ee dowlad goboleedyada.

Rugaha ganacsi ee dowlad gob ole edyada qor aalka ay soo saar een ayey ku shaaciye en in aysan waxba kala socon warqada asi sidoo ka le aysan aqo on saneyn rugta ganacsiga , waxa ayna cadeeyeen in muddo xileedka rugtaasi uu dhammaa day bishii Maarso ee sannadkii hore.

Waxa ayna sheegeen xubnaha guddiga lagu she egay in aysan iyagu soo magacaabin sidoo kale wax aqoon ah u laheyn, waxa ayna shaaciyeen in xubna haasi laga soo qoray xafiiska Gabeyre.

Xog: Maxay ka billaabatay xiisadda ka dhex taag an booliska iyo maamulka Hotel Jazeera?

Sida ay sheegtay inay ogaatay Caasimada Onl ine khilaaf xoog leh ayaa ka dhex qarxay taliska bo oliska gobolka Banaadir iyo maamulka Hotelka Jaz eera ee magaalada Muqdisho.

Khilaafkaanayaa ka soo bil owday xarigga Weriye Cabda lla Muumin oo laga soo qabtay Hotel Jazeera, waxaana soo fa rogeliyey oo ka soo hadlay Xil dhibaan Mustafa Dhuxulow.

Sida aan xogta ku helnay markii lasoo xiray Cab dalla Muumin, waxaa soo dacwooday maamulka Ho tel Jazeera oo booliska ka dalbaday inay ixtiraamaan dadka degan ama jooga Hotelka.

Hase yeeshee Taliyaha qeybta guud ee booliska g obolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa dalabkaas uga jawaabay in maamulka Hotelka looga baahan yahay inuu saxiixo oo ogolaado in qofkii la doono laga soo xiri karo Hotelka oo mar kasta ay gudaha u geli kara an hey’adaha ammaanka.

Dalabka booliska ayaa ku adkaaday maamulka Ho telka Jazeera, waxaana arrintaan ka soo hadlay Xil dhibaan Mustafa Dhuxulow oo tallaabada booliska ku macneeyey gardarro sababi karta isku dhac iyo mas uuliyad darro.

"Shaarka Dowladnimada ma ahan in lagu Handa do Goob Ganacsi, Taliska Booliska Gobolka Banaa dir ayaa qaaday Tallaabooyin aan waafaqsaneyn Shacriga Eey maamulka Hotel Jazeera ku handada yaan una dirayaan ciidamo aan wadan sharci eey gu daha ku galaan,” ayuu yiri Xildhibaan Mustafa Dhux ulow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabo walbo oo aan sharciga waafaqsaneyn ay keeni karto kalsooni darro iyo isku dhac, isagoo cadeeyey in masuuliyad da uu qaadi doono Taliska Booliska G/ Banaadir.

"Hotel Jazeera ma ahan goob ciidan waa bar-kulm isa bulshada qeybaheeda kala duwan, Waa hotel ma gac weyn ku leh Dalka, Waana sababta dhammaan dadka Soomaaliyeed eey kalsooni ugu qabaan mac miilna ugu yihiin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mustafa Dhuxulow.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa lagu dhex arkay ciidan wata gaadiid dagaal oo beesha Murusa de ay leedahay, kuwaas oo xirtay qeybo ka mid ah wadada muhiimka ah ee Maka Al-mukarama.

In kastoo la sheegay in ciidankaas ay ilaalo ka hay een Hotel Dayax oo beesha uu shir uga socday, ha dana waayahaan waxaa jirtay cabashooyin dhanka awood qeybsiga ah oo beesha Murusade ay ka tirsa neyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh. Hotel Jazeera oo hadda xiisada ugu weyn ay ka taagan tahay waxaa iska leh ganacsade u dha shay beesha Murusade, wixii ka horeeyey 15-kii May 2022, intii aan la dooran Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ahaa fariisinka ugu weyn ee mucaaradka, waxaana siyaasiyiinta deganaa oo isku aaminay ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Jacfar oo aad u dhaliilay beeshiisa Murusade kana difaacay DF

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ahaa masuuliyiintii beesha Murusade ee Shalay ku shiray magaalada Muqdisho ayaa beeshiisa ku cana antay tashi la’aan dhexdee da ah iyo tayo xumo uu she egay inay ka heysato dhan ka la shaqeynta dow ladda.

Xildhibaan Jacfar ayaa bee shiisa Murusade ku eedeey ey in dowladda aysa n siin garabkii ay uga baahneyd, isagoo tusaale u soo qaatay doorka bee sha ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in isaga iyo ciidankiisa ay isku day een In ay metelaan Murusade oo dhulka beesha xor eyntiisa ay ku garabsiiya maa ge en dowladda, balse taasi aysan weli suurta gelin. "Dowladdu dagaal ayey ku jirtaa, dhulka la xore ynayo qeyb ayaan ku leenahay, Murusade weli inta shirkaan oo kale isugu yimid ma dhihin sidee dib u xoreynta uga qeyb qa adanaa? Xildhibaano aan ku jiro ayaa wax yar oo do or ah ku leh howsha ka socot ay dhulka ay beeshu degto, waxa ugu fudud ee bee shaan ay dowladda tari karto waayo, lagama helin,” ayuu yiri Jacfar.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlad da ay caay ku bilaabeen xubno ka tirsan beesha, ta as oo aan waxaba u soo kordhineyn sida uu sheeg ay, "Dowladdu hadii ay wax ku siineynso waa inay danteeda kaa dhex aragto,” ayuu yiri. "Dad aan wax tar laheyn ayuu Alle qoorta noo geliyey, anaga ayey na eedayaan hadana, dowladda anaga ayaa noo dirs ateen, markii aan wax soo weyno waan idiin soo she egeynaa, laakiin yaan wax u sheegnaa horta? Dad Facebook ka caaytama, oo calool ka fekeraaya aya an metelnaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhi baan Jacfar.

Sidoo kale Xildhibaan Jacfar ayaa xubnihii beeshi iisa ee Shalay uu la shiray wuxuu u cadeeyey in dow laddu aysan waxa siineyn cid aan wax tar u laheyn, "Dowladu xilal ama wax kasta oo ay bixiso sadaqo maaha, qof kasta oo Shalay dowladda howl u haa yana waa mid aan laga maarmin, hadii ay dowladdu kaa maaranto waxaba kugu fali meyso,” ayuu hadalki isa ku sii daray Jacfar.

Ugu dambeyntii xildhibaanka ayaa beeshiisa Mu rusade ku dhaliilay in aysan tashan, "War beeshu wa datashiga ha badiso, hadda shirkaan xitaa lama wa da imaan ‘Hashu ayadaa cunee iyadaana cabaadee ayaan maqli jira’ waxaa la rabaa in beeshu tashato, xaqa idinka la idinku leeyahay hadii aadnaa bixin mid aad leedihiin arki meysaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Jacfar.

Guddoomiyihii urursiyaasadeedka Waabari oo iskaga baxay siyaasada Somali land kadib dagaalka Laas-caanood

Guddoomiyihii urur siyaasadeedka Waabari Cabdiris aaq Ibraahin Ataash, ayaa sheegay in uu gabi ah aanba ka baxay siyaasadii Somaliland wuxuuna taa geeray go'aamadii kasoo baxay shirkii garaadada dhaqanka ee Laascaanood.

Ataash oo waraysi siiyay wariye Cabdirisaaq Catoo sh, ayaa ku ba aqay in Somal iland ixtiraamto go' aan kii ga raadada dhaqanka ee ah aa in Somaliland ay ka baxdo deeg aanadaas, isaga oo sheegay in Somal iland iyadu ogolaatay in shirka La ascaanood dhaco.

"Aniga waxay iila muuqdaan in lagu ixtiraamo go'a amadooda, wanan raacsanahay in lagu ixtiraamo, awalna way mudn ayd hadana way mudantahay, So maliland iyada ayaa ogolaatay, mar hore iyo mar danbeba" ayuu yidhi Taash.

Waxa uu sheegay in doonista shacabka reer So ol aan xoog lagu joojin karin, loona baahanyahay in la helo si kale oo xal lagu gaadhi karo, lakiin hada ci idamada laga saaro gobolka.

"Qadiyadaydu way caddahay oo waxa weeyaan in dagaalkaana deg deg loo joojiyo ciidamada mee shaa joogana deg deg looga soo qaado, oo gobolka laga soo saaro, ciidamada waxan ku talinaya in la ge eyo magaalada Oog" ayuu yidhi Taash.

Ataash waa guddoomiyihi labaad ee urur siyaasa deed ee siyaasada Somaliland iska casila tan iyo markii ay bilaabantay xasarada magaalada Laascaan ood, hore waxa isku casilay guddoomiyihii ururka Shacabka Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye.

Taliyaha Ciidanka Haramcad Oo Wafdi Ka Socday Turkiga Kula Kulmay Magaalada Muqdisho

Wafdi Ka Socda Dowladda Turkiga Gaar ahaan Saraakiisha ciidanka Ozel Harekat ayaa Shalay Boo qasho ku Yimid Xarunta Xe rda Haramcad Ee Gen Far xaan Mohamoud Qaro ole, Waxaana ay kulan Mir dho-dhal ah la qaateen Ho gga anka Ciidanka sida Ga arka ah u tababaran ee Ha ra mcad. Mr Müdür Kadir, oo ah xubin sare oo ka tir san Ozil Ha rekat ayaa soo booqday Xarunta Taliska Har amacad, lana kulmay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Ha rmcad G/le Abdihamiid Abdullaahi maxa mad "Fanax, waxaana uu ciidamada ku Bogaadiyay Howlgalada Muhiimka ah ay ka sameeyaan, Sida ay qeyb weyn uga yihiin la Dagallanka Argagixisda.

Mr. Müdür Kadir ayaa ciidamada Haramcad la da rd aarmay, kuna ammaanay in ay tababaradii la Sii yay ay si heer sare ugu dhaqmaan, dhanka kalana uu sa laan uga Sido Madaxweynaha Dowladda Tuk riga Ra jab Dayib Odrugan iyo Taliyaha ugu sarreeya Cii danka Ozil Harekat Ee Turkiga.

Shir gaar ah oo uu dhanka kale la qaatay Hogga anka Haramcad ayuu ku tilmaamay heerka ay Haram acad joogaan in ay tahay mid lagu faani karo, taba barka ay haystaan uu yahay mid gaar oo aysan cid kasta nasiib u yeelan.

Taliyaha Ciidanka Haramcad Gaashaanle Abdiha miid Abdullaahi Maxamad Fanax ayaa Dhankiisa u mahadceliyay Mr. Müdür Kadir, kaalinta wanaagan ee ay Dowladda Tukriga ku ledahay tababarada ciida mada Soomalaiya Gaar ahaan Harmacad, oo Tabab aro wanaagsan ku soo qaadatay Turkiga, kuna guul eystay Howlgalo nafhurid ah oo ay boqolaal jeer sameeya

Beesha Murusade oo shirka Muqdisho kasoo saartay go’aanno culus

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Fara-cadde oo ah Ugaaska guud ee Beesha Murusade oo hadal ka je0ediyay shirka beesha uga furmay MM/uqdisho ayaa shaaci yay wada da loo marayo tabashada dowladda.

Ugaaska ayaa waxa uu sheegay in tabashada beesha ee dowladda ay u marayaan Xildhibaanada ku metela, taasi oo ka dhigan in beeshan ay qaadatay soo jeed intii madaxweynaha ee dhawaan uu kaga dhawa aqay Kismaayo.

"Xuquuqda aan leenahay Xildhibaanada loo daba jooga, cid kale oo wax la leenahay oo wax nooga dar san yihiin majirto. Iyaga ayaa laga raba xisaabtaas, haddii ay bogi waayeen ha nagu soo ceshaan arrinta noo dirteen hore iyo gadaal midna looma ogol qabiil ka isagay u taalla sida uu ka yeelayo hana soo dhah aan ka bacdi ayaa ka tashaneyna,” ayuu yiri.

Ugaaska guud ee Beesha Murusade ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in beesha aysan duulaan ku aheyn beel kale oo Soomaaliyeed, ayna shirka u qab sadeen aaya ka tashigooda, islamarkaana ay xuquuq da iyo wixii kaga maqan DF ay u daba fadhiyaan Xil dhibaanadooda, oo uu sheegay inay yihiin kuwa la xisaabtamaya dowladda

"Dadku waa qabiilo, waxba leenahay ee yaan isda ba ordin. Ninka hadla kaligiis ayuu iska hadlay, waxa an ogol nahay haddii uu gar yeesho in aan isaga la safanahay laakiin hadduu gardaran yahay aan gacan ta qabano, haddii gar leeyihiin qoladana aan qabano oo ha la isku keeno.”

"Cid aan u socono iyo cid aan shirkaas u qabsa nay majirto. Dadkaan meesha degan waxay ku deg an yihiin qabiilka la yiraahdo Murusade, xaquuq ayaa ku leenahay, xurmad iyo sharaf ayaa ku leenahay magaalada Xamar. ”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Anaga dadka aan la degno iyo dadka deriska ah in aan dhowrno ayaa la iska raba, cid lagu gardaroon karo majirto. Nin s gaar ah idaacad taga oo ka hadla kaligiis ayaa iska hadlay wax shaqo ah oo aan ku leenahay majirto.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan waxa uu sheegay in tabasho kasta oo la qabo loo baahan yahay in lagu dhex xaliyo dowladda dhexdeeda, wux uuna sheegay in cid kaste ay wakiil ku leedahay hay’ adaha dowladda, ayna tahay inay isaga usoo marto tabashadeeda iyo wixii xuquuqdeeda ah.

"Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaac ad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa. Waxa ugu dambeeya ee ay dhalayso waa inaan Shabaab ka mashquulno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh. xilligaasi sheegay in tabashada beelaha ee kor loo sheegayo curyaamineyso howl-galada ka dhanka

kooxda Al-Shabaab.


Laftagareen oo Baydhabo tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka ku maan dooska Daraawiishta KG

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagar een ayaa Shalay Magaalada Baydhabo ee Caa simadda Gobolka Baay Tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Ku maandooska Daraawiishta Do wlad Gobaleedka KG.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Do wlad Gobaleedka Koonfur oo khudbad ka jeediyay muna asabadda tababarka loogu soo xiraryay Ciidanka ku maand ooska Daraawiishta ayaa sheegay in ay garaaya an tiradooda kuwaad 300 askari, iyaga oo noqona ya dufcadii todobaad ee ka baxda dugsiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidankaan ay ka rajeenayaan in ay wax badan ka qabtaan Amniga Deegaannada Koofur Galbeed, isaga oo carabka ku adkeeyay shaqada ugu horreysa ee laga doonaya Ciidankaan ay tahay isku furidda deegaannada Baay iyo Bakool "Ciidankaan waxa aan ka rajeeneynaa wa ajibaadkii, shaqadii iyo rajadii laga lahaa kuwii fuliya in ay noqdaan”

Sidoo kale Madaxweynaha Laftagareen oo ha dalk iisa sii wata ayaa yiri "Shaqada laga rabo Ciid ankaan waxaa laga garan karaa sida aan iskuugu egnahay, kuwii hore ee tababarrada loo diri jiray iskumaanan ekaan jirin, Shalay anniga iyo iyaga tababar ayaa na loola soo xiray, dagaal ayaan diyaar u nahay, dalka in la xorreeyo ayaa nalaga rabaa”May be an image of 7 people, people stan ding and outdoors

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Gobal eed ka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Max amed La ftagareen ayaa ugu mahadceliyay saraa kiisha taba barka siisay Ciidanka ku maandooska Daraawiishta Dowlad Gobaleedka KG, isaga oo ku amaanay door kii ay ka qaataan soo saarista Ciidankaan.

Guud ahaan Gobollada Dalka ayaa waxaa ka so cda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la fila yaa in Ciidanka Shalay dhameestay tababarka ay kaalin ka qaadan doonaan dagaalka ka socda dalka gaar ahaan Gobollada Shabeelaha Dhexe, Baay iyo Bakool.

Maamulka Soomaliland oo War cusub ka soo saartay dagaalka Laas-Caanood

maamulka Soomaliland ayaa si xoogan uga hada shay dagaalka Shalay ka dhacay duleedka magaala da Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada degaanka ee la Magac baxay SSC.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arri maha Gudaha Somaliland ayaa waxaa lagu yiri” Ko oxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaan ood ee ka koobanargagixiso, Nabad-diid iyo Punt land ayaa Shalay oo taariikhdu tahay 06/03/2023 we erar ku soo qaaday fariisimada ciidamada Somali land ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaano od, weerarkaas oo ahaa mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaaray Ciidamada Qaranka”

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ay kaga ja waabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgar absanayaa isdifaacid iyo iska cabin ayna cad aynay so in weerarkan Shalay ay soo qaadeen kooxaha hu wantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabadd aynta Magaalada Laascaa nood. Talaabadan oo muu jinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan.

Dagaalka Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada deg aanka ee la Magac baxay SSC ku dhexma raya dule edka magaalada Laas-Caanood ayaa loo waayay wx xal ah, iyada oo dhinacyadu ay dhegaha ka fureyste en baaqyada uga imaa naya Caalamka.

Abaarta ka jirta gobolka Daawo ee dowla dda deg aanka Soomaalida oo dad u dhinteen

Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaa lida gaar ahaan gobolka Daawo ayaa sheegaya in ay meel adag oo aad looga naxo ay marayso abaartii dhawaan ku dhufutay gob olkaas.

Abaartan oo saamaysay dad iyo duunyo ayaa sida ay wara rku sheegayaan waxaa gaajo iyo haraad ay abaartani keentay u dhintay ilaa 6 qof, sidoo kale xoolo badan ayaa iyaguna ku baaba'ay ab aartan oo muddo ilaa afar sano ah ka jirtay gobolka Daawo, sida uu Warbaahinta u sheegay xildhibaan Cabdinuur Colow Axmed oo kamid ah xildhibaanna da degaanka Soomaalida kana soo jeeda gobolka ay abaartu ku dhufatay ee Daawo.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa Warbaahinta u she egay inay xaaladda abaarta ah ee ka jirta gobolka Daawo ay la wadaageen xukuumadda Madaxweyne Mustafe, sidoo kalena

ay Odayaasha gobolka Daawo marar badan Madax weynaha kala hadleen xaaladda gobolka daawo, bal se aan wali wax jawaab ah laga bixin.

Gobolkan Daawo oo aysan wali gaarin gargaar do wladeed iyo mid hay'adeed toona, ayaa dadka deg aanka kasoo jeeda waxay aaminsan yihiin inay dow laddu ka gacan bidixaysay xaaladda ka jirta gobolka Daawo, maadaama aysan wali ka hadlin xaaladdan abaareed sidoo kalena aysan wali wax jawaab ah ka bixin abaartan.

Dhinaca Xukuumadda degaanka Soomaalida wali wax war ah oo abaartan ku saabsan kama soo bixin, sidoo kalena kama jawaabin eedaymahan loo soo je ediyay. Abaartan ka jirta gobolka Daawo ee degaan ka Soomaalida ayaa ah mid aad looga dayrinayo, iy adoo maalinba maalinka xigta ay kasii darayso sa amaynta ay abaartani keentay oo si siman ay ugu baaba'ayaan dadkii iyo duunyadiiba.

Mucaaradka Xukuumada Turkiga Ayaa Doortay Musharax La Tartama Madaxweyne Erdogan

Hoggaamiyaha mucaaradka Turkiga Kemal Kilicd aroglu ayaa loo magacaabay musharaxa ugu weyn ee la loolamaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan doorasho madaxweyne iyo mid baarlamaan ee bisha May ee Sanadkan.

Kemal Kilicdaroglu ayaa hogaamin aya xisbiga mucaaradka ah ee cil maaniga ah, xisbiga bidix dhexe ee Jamhuuriga (CHP).Dhibaatada dhaq aale iyo khaladaadkii dhacay dhulgariirkii bishii hore ayaa laga yaabaa inay ka dhigaan madaxweynaha haatan talada haya mid uu loolan adag kala kulmo musharaxa mucaaradka.

Dadweyne aad u tiro badan oo taageeray aashii sa ah ayaa u riyaaqay Mr Kilicdaroglu, oo ahaa shaq aale dowladeed, markii uu doortay isb aheysiga muca aradka oo ka kooban lix xisbi.

Kemal oo ah 74 jir ayaa lagu naaneysaa "Gandhi Kemal” ama "Gandigii Turkiga” maadaama uu aad u gu muuqaal eg yahay hogaamiyahii xuquuqda Hin diya Mahatma Gandhi, aamusan wuxuu bixiyaa arag ti aad uga duwan nuxurka iyo qaabka labadaba dab ka, soo jiidashada Mr Erdogan.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xulafada Mr Kilicdaroglu ayaa ka baqaya inuusan lahayn aw ood badan. Hase yeeshee,wuxuu u ballan qaaday taageerayaashiisa in uu ku maamuli doono Turkiga is-afgarad iyo wadatashi.

"Miiskayagu waa miiska nabadda,” ayuu yidhi, si da ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reut ers. Hadafka kaliya ee aan leenahay waa inaan dal ka gaarsiino maalmo barwaaqo, nabad iyo farxad leh. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu dalka ku soo celin doono nidaamka baarlamaa niga ah.

CHP waxaa sameeyay aasaasihii Turkiga ee casr iga ahaa, Mustafa Kemal Ataturk, waana xisbiga u gu da’da weyn siyaasadda dalka, in kasta oo uu xu kunka ka maqnaa tan iyo 1990-meeyadii.

Mucaaradka Turkiga ayaa wadashaqeyn dhow la haa tan iyo markii ay ku guuleysteen inay la ware egaan maamulka degmooyinka waaweyn, oo ay ku jiraan Istanbul iyo Ankara, oo ka tirsan xisbiga AK ee Erdogan ee doorashada deegaanka ee 2019.

Mucaaradka ayaa ku guul darreystay doorash ooy inkii hore waxaana uu xukunka dalka Turkiga hayay muddo 20 sano Erdogan.

Mohamed Salah oo shaaca ka qaaday sida uu u gu dabaal degi doono inuu noqdo gooldhali yaha abid ee Liverpool Premier League

Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday sida uu ugu dabaal degi doono inuu noqdo gooldhaliyaha ab id ee Liverpool Premier League

Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday inuu u dabaal dagi doono inuu noqdo gooldhali yaha abid ugu gool asha badan Premier League ee Liverpool isagoo cabbi do ona xoogaa shaaha chamo mile ah oo uu seexan doono.

Salah ayaa Axadii noqday gooldhaliyaha ugu sare eya taariikhda Premier League ee Reds ka dib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay 7-0 kaga badiyeen Man Utd, waana guushii ugu weyneyd ee ay Liverp ool ka gaarto kooxda ay xafiiltamaan.

Labada gool ee Salah ayaa dhaliyay 129 gool 205 kulan oo uu u saftay Liverpool, isagoo u war amayay Sky Sports ciyaarta ka dib, wuxuu shaaca ka qaaday inay aheyd rikoor maskaxdiisa ku jiray mud do dheer.

"Waa wax qaas ah, rikoorkaan ayaa mask axday da ku jiray tan iyo markii aan halkaan imid, waxaan fil ayaa in xilli ciyaareedkeygii ugu horee yay ka dib aan mar walba raadiyo rikoorkaas si aan Shalay uga adk aado Man Utd natiijadaas waa wax aan la rumeysan karin.

"Hadda waxaan aadayaa guriga si aan ula dab aal dego qoyska, oo aan cabbo shaaha chamomile iyo hurdo.”

Isagoo ka hadlayay ciyaarta lafteeda, Salah ayaa ka hadlay sida gaarka ah ee ay u tahay in sidaan oo kale lagu guuleysto ciyaar aad u weyn: "Waxay ah eyd mid gaar ah inaan ciyaarta sidaas ku badino.

"Isla markaa ma doonayo inaan galo kulanka soo socda kalsooni xad dhaaf ah, waxaan u ba ahanahay kaliya inaan is-hoosaysiino oo aan ciya arno oo aan isku dayno inaan badino ciyaaraha

AFAR ARRIMOOD OO KU GADAAMAN DAGAAL KA LAASCAANOOD

Dagaal muddo kooban socday ayaa Shalay mar kale ka dhacay duleedka magaalada Laasacaanood oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay xasilloonayd.

Dad ka ag dhawaa meesha lagu dagaallamay ayaa sheegay in madaafiicda iyo hubka culus ay dhinacyada is weydaarsadeen.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntlanda, Siciid Cabdullahi Deni ayaa cambaareeyay dagaalka Laasacaanood uu sheegay in noociisa aanu waayahan dambe dhicin isla markaana loo baahan yahay in la iskula xisaabtamo waxa dhacay.

Waxa uu beeniyay in Puntland ay qeyb ka tahay dagaalka.

"Waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo in dowladda Puntland aysan dagaalkaas qeyb ka aheyn qeybna kamid noqon doonto, ma dooneyso colaad sokeeye burbur umadeed inay qeyb ka qaadato waana ka digeynaa arrintaas”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in haddii ay Garaadadu ka codsadaan in ay gacan ka siiyaan xaaladda Laasacaanood ay markaa ku biiri doonaan, isagoo dhanka kale sheegay in ay oggol yihiin aayo ka tashiga isimada SSC.

"Marka isimadu iyo garaadadu Puntland ay si rasmi ah uga codsadaan oo ay kari waayan diyaar baan u nahay laakin waxaan ka horumarineynaa nabadda waxaan ku baaqeynaa dadaallada socda ee xabad joojinta”.

Arrinta gobolka Sool

Deni wuxuu sidoo kale ku baaqay in ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ay isaga baxaan halkaas ‘Puntland ay oggoshay aayo ka tashiga gobolka Sool’.

"Anagoo ogsoon in dastuurkeena qoraya inay Puntland ka tirsan yihiin ayaan marar badan ku celinay in aan u ogolnahay inay ka tashadaan aayahooda iyagoo aysan xabad ku socon ..go’aanka ay qaataan baan kula tashaneynaa”

Haddaba maxaa loo fasiran karaa hadalka Madaxweyne Deni? Waxaan weydiiyay Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran), guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka Puntland.

" Sool waxaa taalla mushkilad xagga sharciga ah oo aad u xoog badan, dhanka sheegashada, dastuurka Puntland waxaa ku qoran in Sool ay kamid tahay gobollada lagu aasaasay Puntland, halka Somaliland uu dastuurkeeda ku qoran yahay Sool Somaliland bey ka tirsan tahay , dastuurka federaalka wuxuu qabaa in gobollada Soomaaliya ay hoos yimaadaan Federaalka-arrinta waa mid xasaasi ah oo is leeyahay saddexdaas dastuur saameyn ku leeyihiin gobolkaas”

"iyadoo Somaliland ay muddo heysatay gobolka ,Punt and intaas wey sheeganayeen in iyaga ka tirsan tahay runtii hadal uu isagu yiri wey adkaaneysaa in gobolka uu sidaas ku noqon karo marka loo eego hadalkii hore iyo kii xaley waxay muujineysaa in go’aanka ay gaaraan uu raalli ka yahay…laakiin waa arrin sharci u baahan”. ayuu yiri Feysal Axmed Warsame (Faysal Qaran).

SICIID CABDULLAAHI DENI

Dhexdhexaadinta Itoobiya

Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa dhexdhexaadin ka dhex billowday Soomaliland iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC, si loo soo afjaro coladda halkaa muddaba ka taagan.

Magaalada Garowe waxaa kulan ku yeeshay Isimada Laasacaanood iyo wefdi ka socda Itoobiya oo ka shaqeynaya in la joojiyo colaadda ka socota magaaladd aas, sida uu BBC-da u sheegay Caaqil Cabdirisaq Max amed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka guddiga 33-ka ee aayo ka tashiga SSC.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo markii hore Hargeysa soo maray isla markaana la soo kulmay mad axda Somaliland kalana soo hadlay sidii xabbad joojin loo sameyn lahaa ay Garoowe gaareen, halkaa oo sidoo kale ay kula kulmeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka yimid magaalada Laascaanood.

Mas’uuliyiintan ka socday Itoobiya, ayaa dhinacyadan kala hadlay in marka hore xabadda la joojiyo si markaa kadib loo sii wada hadlo.

Xabbad joojinta

Horey Somaliland ayaa ugu dhawaaqday xabbad joojin hal-dhinac ah balse taasi ma shaqeyn oo dagaalladu way sii socdeen iyadoo dhinacyaduna isku jeedinayeen eedo ku saabsanaa jabinta xabbad joojintaas.

Afhyeenka guddiga 33-da xubnood ah ee aayo-ka tashiga SSC, Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug, ayaa BBC-da u sheegay in ay aqbleen dhankooda in xabadda la joojiyo marka hore si colaadda nabad loogu beddelo.

"Waxay soo jeediyeen in xabbad-joojin la sameeyo, sida ay noo sheegeenna waxay isla soo qaateen Muuse Biixi iyo maamulkiisa arrintaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed.

Odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC ayaa ka ballan qaaday wafdiga ka socday dowladda Itoobiya in ay dhankooda diyaar u yihiin dhaqan galinta qodobka lagu heshiiyay ee ah xabad joojinta.

Wuxuu sheegay in madax dhaqameedka Laascaanood ay muhiimadda siinayaan xabbad joojinta oo ay door bidayaan sidii dadka ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laaban lahaayeen guryahooda.

Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug ayaa intaa raaciyay "Xabbad joojintu haddii ay dhaqan gasho wada hadalka ayaa sahlanaanaya waana in la xisaabtamo”

Eedeynta labada dhinac

Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay Shalay soo saartay ku sheegtay in dagaal lagu soo qaaday ciidamadeeda ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood.

Warkaan oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaliland ayaa lagu yiri, "Kooxaha huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ayaa Shalay oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood,”.

Waxaa intaa lagu daray in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Puntland Saci id Cabdullaahi Deni oo Habeen hore hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan ka qayb ka ahayn dagaalka Laasc aanood ka socda.

Wuxuu sheegay in dadka reer Laascaaood loo adeeg saday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ay tahay arrintaa in waqtigeeda laga xisaabtamo.

"Waxaan ku kalsoonahay in Shacabka reer Laasca anood ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

RAYSAL WASAARAHA INGIRIISKA OO KU DHA WAAQAY HADAL NIYAD JAB KU AH DAD KA TAHRIIBAYAASHA

Doomaha yaryar oo la sheegay in ay halis galiyaan tahriibayaasha adeegsada

Qof kasta oo doomaha yaryarka ah ku taga dalka Ingiriiska waxaa laga hor istaagi doonaa inuu codsado magangalyo, sida uu dhigayo sharci cusub oo la filayo in lagu dhawaaqo toddobaadka soo socda.

Wasiirada ayaa lagu booriyay in ay waajib ku tahay in ay meesha ka saaraan qof kasta oo yimaada UK ee soo mara wadada ay adeegsadaan tahriibayaashu sida ugu dhakhsaha badan. Raysal wasaaruhu wuxuu ka dhigay "joojinta doomaha" mid ka mid ah shantiisa arrimood ee mudnaanta leh.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Suella Braverman ayaa la filayaa inay soo bandhigto sharciga cusub Talaadada.

Hadda, magangalyo-doonku waxay xaq u leeyihiin inay dalka joogaan si kiiskooda loo dhegeysto. Sida uu dhigayo sharciga cusub, kuwa ku yimaada doomaha yar-yar waxaa laga hor istaagi doonaa inay magangalyo ka codsadaan Ingiriiska, waxaana loo qaadi doonaa Rwanda ama "dal saddexaad oo ammaan ah" waxaana laga mamnuuci doonaa inay ku labataan Uk.

Rishi Sunak ayaa yiri, "Ha khaldamin, haddii aad si sharci darro ah halkan u timaad, ma awoodid inaad sii joogto."

Waxaa la filayaa in uu u safro magaalada Paris si uu uga qeyb galo shir madaxeedka UK iyo France maalinta Jimcaha. Kulanka uu la qaadanayo Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa noqon doona shir madaxeedkii u horeeyay ee UK iyo France tan iyo sanadkii 2018-ka.

Waxaa loo maleynayaa in labada nin ay ka wadahadli doonaan dhibaatada doomaha yar yar ee lagu tahriibo.

Mr Sunak waxa uu ballan qaaday in uu "joojin doono doomaha halista badan galiya tahriibayaasha daonaya in dalka Ingiriiska ay tagaan.

"Tahriibta sharci darada ah maaha mid ku socota cashuur bixiyayaasha Ingiriiska, saxna maaha in kooxaha dambiilayaasha ah loo daayo inay sii wataan ganacsigooda anshax-xumada ah, waxaana iga go’an inaan ka dhabeeyo balan-qaadkaygii ahaa inaan joojinayo doonyaha. "ayuu u sheegay Mail.

Laanqayrta cas ee Ingiriiska ayaa sheegtay in qorshayaashani aanay waxba ka tari doonin joojinta dadka naftooda halista geliya si ay badbaado u raadsadaan.

Hay'ad kale oo samafal oo la yiraahdo Freedom from Torture, oo siisa daawaynta dadka magangalyo-doonka, ah waxay ugu yeertay tallaabadan"aargoosi aan shaqaynayn".

Ballanqaadka dawladdu maaha mid toos ah. Ma jiraan wax tahriibayaal ah oo loo diray Rwanda, waxaana hadda la hakiyay qorshihii lagu doonayay. Sidoo kale ma jiro heshiis soo celin ah oo lala galay Midowga Yurub.

Sannadkii hore, dawladdu waxay ku dhawaaqday heshiis ay Rwanda la gashay si magangalyo-doonka loogu dirayo halkaas safar hal-wad ah.

Si kastaba ha ahaatee qorshahaas ayaan wali hirgalin ka dib markii ay la kulmeen mucaaradad adag oo uga imaanaysay dad u ololeynayay arrimahaan iyo qolyo ka socday dhanka sharciga.

Mucaaradku waxay ku doodeen in Rwanda aanay ahayn meel nabdoon isla markaana uu qorshahani jabiyay shuruucda xuquuqul insaanka.

Bishii Diseembar maxkamadda sare waxay xukuntay in qorshaha uusan jebin heshiiska qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Go’aankaas ayaa la filayaa in uu la kulmo caqabado kale oo dhanka maxkamadaha ah.

Sida qorshuhu yahay, magangelyo-doonka waxaa la siin karaa sharci qaxootinimo si ay u joogaan Rwanda ama magangelyo uga raadsadaan "wadan saddexaad oo ammaan ah".

Dowladda ayaa sheegtay in ay dadka kale ay ka niyad jebin doonaan in ay ka gudbaan kanaalka English-ka balse ilaa hadd ma jiraan wax muujinaya arrintaasi oo dhacay.

45,756 muhaajiriin ah ayaa ka tallaabay kanaalka Ingirii ska 2022-kii, sida lagu sheegay tirokoob ay dowladdu soo aruurisay oo ay BBC-du heshay.

Tani waa tiradii ugu badneyd tan iyo markii uu billowday in tirokoobkan ay soo aruuriso dowladdu sanadkii 2018-ka.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Xafiiska Arrimaha Gud aha ayaa muujinaya 2,950 muhaajiriin ah inay ka gudbe en kanaalka mar hore sanadkan.

Badi kuwa ku yimaadda doon waxay magangelyo dalba daan markay yimaadaan UK, haddii kiiskooda la aqbalo, waxay codsan karaan inay ku sii sugnaadaan dalka. Si kastaba ha ahaatee, sheegashada magangaly ada ee la sameeyay 28-kii Juun 2022 ama ka dib waa la diidi karaa haddii codsaduhu uu "xiriir la leeyahay waddan saddexaad oo ammaan ah", sida wadamada Midowga Yurub.


WAA KUWAMA SIYAASIYIINTA XILAL KA SOO QABTAY SOOMAALIYA EE AY SOMALILAND HORAY U CAFISAY?

Beyle XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXMAAN DUCAALE BEYLE

Wararka ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay dow ladda federaalka Soomaaliya, uu Dorraad ka degay garoonka magaal ada Hargeysa ee caasimada Jamhuu riyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Bayle oo ka soo jeeda Somaliland, ayaa xog laga helay dad ku dhow dhow waxay sheegayaan in madaxweyna ha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka codsaday cafis, kaddibna laga aqbalay.

Somaliland ayaa siyaasiyiinta deegannadeeda ka soo jeeda ee xilalka ka qabtay Soomaaliya waxay hore uga mamnuucday inay tagaan amaba ku soo laabtaan Somaliland.

Wareegto bishii December ee sanadkii 2021 uu soo saaray Madaxweyne Biixi, ayaa lagu sheegay in xuku umadda Somaliland ay joojisay aqbalaadda cafisyada ay soo dalbadaan dadka reer Somaliland ee ka qayb gala siyaasada Soomaaliya.

Wareegtada ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay inay maxkamad wajihi doonaan dadka ka qeybgala siyaa sadda Soomaaliya ka dibna dib ugu soo laabta Somal iland, iyagoo aan cafis loo fidin.

Wareegtada ayaa waxaa lagu yiri "Qof kasta oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo masuul dowladeed, shicib, urur, axsaab, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go'aanka labada gole ee Baarlama anka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doo naa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go'aanka Labada Gole".

Beyle ayaa dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka ahaa wasiirkii maaliyadda iyo sidoo kale xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud mar kale qabtay xilka madaxtinnimada Soomaaliya, Beyle bannaanka ayuu ka joogay siyaasadda Sooma aliya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday wasiirka arrimaha dibadda, dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxaa laga doonayaa siyaasiyiinta ka soo jeeda Soma liland ee doonaya inay dib ugu laabtaan deegaannada xukuumadda? Biixi

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Siyaasiyiin badan oo ka qeybgalay nidaamka siyaas adda Soomaaliya ayaa waxay marar badan cafis way diisteen xukuumadda Somal iland.

Siyaasiyiintan ayaa cafiska dalb anayay iyaga oo ku sugan meelo ka baxsan deegaannada Soma liland.

Cafiska ayaa wareegtadan ka hor waxa laga dalban jir ay islamarkaana bixin jiray madaxwaynaha Somaliland markaasi oo ka dib ay Siyaasiyiinta la cafiyay in dib Hargeysa ugu soo laaban jireen.

Siyaasiyiinta cafiska dalbanaya ayaa waxyaabaha laga doonayo waxaa ka mid ah in ay ka laabtaan oo ay si cad u sheegaan in ay ka tanaasuleen mabdi'ii hore ee uu qabay ee midnimada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta kale ee hore cafiska loogu fidiyay

MAXAMED CUMAR CARTE QAALIB

Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo Jagooyin kala duwan kasoo qabtay dawladihii Soo maaliya ayaa ka mid ah siyaasiyiinta cafiska loo fidiyay islamarkana sanadii 2015 dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.

Maxamed Cumar Carte Qaalib oo horey u ahaa rai'sul wasaara ku xigeenka dowladda federaal ka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta cafiska loo fidiyay ee dib ugu laabtay Somaliland.

Sababta keentay in Maxamed Carte iska casilo xubinn imadii baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu go'aan ku gaaray inuu tego Hargeysa oo uu ku xanuunsanayay aabbihiis Cumar Carte Qaalib, uuna doonayo inuu soo arko.

Cumar Carte Qaalib - oo dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka soo noqday ra'iisul wasaare, ayaa bishii November ee sanadkii 2020 ku geeriyooday magaalada Hargeysa - wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu magaca dheeraa ee soo maray Soomaaliya.

Kumuu ahaa Cumar Carte Qaalib?

Qodax

,MUSTAFE QODAX Qoraalka sawirka,

Mustafe Qodax Mustafe Qodax oo ka tirsanaa xildhibaannadii aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee ay xuukamadda Somaliland cafiska u fidi say ka dib markii uu ka tanaasulay fikirkii midnimada Saoomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira salaaddiin iyo odeyaal dhaqa meed ay Somaliland cafis u fidisay. XIGASHO:-

SACUUDIGA OO QABTAY "MAS’UULIY IIN IIBIN JIRAY” DAL KU GALKIISA

Safaaradda Sacuudiga ee Dhaka

Safaaradda Sacuudiga ee Dhaka Hay’adda la dagaalla nka musuq-maasuqa ee Sacuudi Carabiya ayaa shaac isay in ay gacanta ku dhigtay shabakad ay ka mid yihiin diblomaasiyiin ka ganacsan jiray dal ku galka Boqo rtooyada.

Hay’adda oo magaceeda loo yaqaano Nazaha ayaa sheegtay in 13 tuhunsa nayaal ah loo qabtay musuq-maasuq ku kacay in ka badan 10 milyan oo do llar. Dad kaas waxaa kamid ah laba nin oo kamid ah hawl wadeennada safaaradda uu Sacuu diga ku leeyahay Bangladesh.

Shabakada ayaa la sheegay in qaab sharci darro ah ay dal ku galka shaqada uga iibin jireen muwaadiniinta Bangladesh ee donaya in ay ka shaqeeyaan gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Hay’adda ayaa sheegtay in baaritaankeeda ay bilowday kadib markii ay cabasho ka soo gaartay muwaadin Ban gladesh u dhashay oo ku nool Sacuudiga, oo shee gay in



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip