Maqaal: XASAN SHEIKH M/WEYNE AYAAN DARAN

0
Monday June 13, 2016 - 14:25:31 in Maqaallo by
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: XASAN SHEIKH M/WEYNE AYAAN DARAN

    MaxaaM/weyne Xasan Sheikhka dhigay qof ayaan daran? Ayaan darrada sideedaba waxaa lagu tilmaamaa inay tahay waxa loo yaqaan "relativity" oo micnuhu yahay qofba sidey la tahay ama wax u aragto. Qof wixi la fiican qofey la xun yihiin..wuxuu q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MaxaaM/weyne Xasan Sheikhka dhigay qof ayaan daran? Ayaan darrada sideedaba waxaa lagu tilmaamaa inay tahay waxa loo yaqaan "relativity" oo micnuhu yahay qofba sidey la tahay ama wax u aragto. Qof wixi la fiican qofey la xun yihiin..wuxuu qof ku faano qof kalaa ka faanta. Waxaan nahay ummad aysan u muuqan waxa ay heystaan oo nicma ah wixi Ilaahey nooqu deeqay aan ku qanacsaneyn..waxaan nahay ummad hal il kaliya wax ku aragta, isha kalena daboolan tahay. Waxaan nahay dad aan caqligooda adeegsan oo mar kasta jecel in wax loo sheego, wixi loo sheegana aan kala shaandheyn karin ama falaanqeyn karin si ay ugala baxaan wixi dantooda ah.
Waxaan aad uga liidanaa dhinaca qiimeynta wax qabashada oo loo yaqaano ”performance appraisal/evaluation”. Waxaa igu dhaliyay inaan qoraalkaan soo gudbiyo maqaal uu soo qoray nin isku magacaabay RAAGOW oo yiriM/weyne Xasan Sheikh waa inmaxkamad la soo taagaaasagoon wax eedeyn ah soo bandhigin. Waxaase lagala soo bixi karaa qoraalliisa inuu yiri aniga iyo qaraabadeyda ayuu na bahdilay…waa aragti aad rakhiis u ah in waxqabadka qofka dalka ugu sareeya aad ku qiimeyso waxa aad fileyso, oo laga yaabo inuusan kaa warqabin xataa !!! waana aragti aan mudneyn xataa in laga jawaabo.

Dadka axsaabta sameystay waa ashkhaas uu masraxa dalka soo geliyayM/weyne Xasan Sheikhoo markii ay muddo shaqeeyeen la saluugay kartidooda sidaasna looga takhalusay. Halki laga sugaayay inuun qof waliba dib isugu noqdo uu raadiyo meelaha uu ka liito ayey waxay awoodoodi oo dhan u adeegsadeen eedeyn ay u jeediyaan Madaxweynaha iyagoo u maleeyay in eedentaas ay ku gaari karaan himiladooda…waxayna wada noqdeen mucaarid ka soo horjeeda wax kasta oo la sameeyo.

Waxaa jirayM/weynihii hore Masar Anwar Saadaatoo markuu heshiiska la galay Yahuuda ay wadamadi Carabta xariirki u jareen, kuwi Khaliijkana ay ka goosteen maalgelinti mashaariicdi ka socotay dalka, marki la weydiiyay wuxuu ku jawaabay ” micna iiguma fadhiyaan kuwa aan arkeyn wax sankooda dhaafsiisan”…weertan waxay noqotay mid xambaarsaneyn xikmad cajiib ah oo la gartay inay mar ay xeero iyo fandhaal kala dhexeen, waayoo Israaiil wixi ay diyaarka la ahayd dib ayey ula noqotay…waana tii uu ka shallaayay Yaasir Carafaat oo u dabbaldegay dilki Saadaat.

Haddaba, kuwa maanta ka soo horjeeda M/weyne Xasan Sheikhwaxay u badann yihiin dad aad u aragti gaaban oo aragtidooda kusaleeyay shucuur lebiskeedu yahay qabiileysi iyo neceybka qof kasta oo jago ka heysa dowladda…u maleyn maayo in la heli karo qof neceybkiisu u sababeyn kara si macquula oo looogu garaabi karo.

MAXAA QABSOOMAY XILLIGA XASAN SHEIKH

M/weyne Xasan Sheikh waa midka ugu fiicnaa uguna karti badan inti na soo martay..waa qof afkiisa, gacantiisa iyo awoodiisa aan marna xumaan u adeegsan, kana xishooda inuu u jawaabo kuwa wax kasta oo xun u nisbeeya isaga, iyagoo mooda inay magac iyo martabad ku helayaan.Haddaba, kuwa qoraalkaan u arki doona wax aan jirin waxaan tusineynaa in dalkan horumarki uu gaaray muddadi afarti sano ee la soo dhaafay ay ka muuqato meel kasta oo dalka ka mida…waxaa kobcay dhaqaalihi dalka; waxaa afar jibaarmay maalgeshiga oo ay horboodayaan shirkado iyo dad caadi ah oo dalka bilicdiisi beddelay. Waxaa laba jibaarmay shaqo abuuris oo ay dad badani shaqooyin heleen; wax soo saarki dalka oo ku socda xowli aad u dheereeya..kalsoonidi dadka oo soo noolaaneysa . Dhinaca isgaarsiinta oo aan wadamo badan oo Afrika uga horreyno, siiba barigq qaaradda.

Intaas oo dhan waxaa dheer inay abuurmeen dowlad goboleedyo dib u soo nooleeyay gobollo iyo degmooyin waa hore laga kala hayaamay oo maanta bulaalaya; magaalooyin sidi Kismaayo oo kale oo ay degganaani ugu dambeysay beri hore ayaa maanta madaxa la soo keceysa oo ay ka abuurmeen himilooyin iyo horumar muuda, haba yaraadee, waxaana ka jiraa maamul horseeday degganaan iyo horumar. Waxaa dhismay magaalooyin ay ka mid tahay Cadaado oo ay dayaarado tagaan maanta, uuna ka jiro maamul horumarsan oo la mahadiyay …Baydhabo waa taa uu baralmaan iyo dowlad goboleed ka dhisan tahay, dadkuna nabad ku nool yihiin. Dadka gobolladaa ku nool oo dhan waa dareemeen waana dhedhemiyeen inay soo muuqato rajo looga gudbi karo dhibaatooyinka yar-yar oo harsan.

Xagga nabadgelyada waxaa ammaan iyo boogaadin mudan taliye Tuuryare oo habeeyay, qalabeeyay, ku abuuray shucuud wadaninnimo ciidanka NISA oo awood u yeeshay maantan inuu meelo badan ka saaro argagaxisada Shabaab, siiba magaalada Muqdisho oo cadawgeedi soo dqaaday duulaan, laakin Tuuryare uu ku guuleystay inuu dhibaatadi yareeyo alana filaayo inuu ka takhaluso haddii la helo ciidamo daacad ah oo fuliya tacliimaadka taliyahooda.. Meelaha Shabaab ku harsan yahiin haddii loo jeesto muddo kooban ayaa looga saari karaa, laakin waa meelo loogu tala galay inay ahaadaan MUSMAARKI JUXA si mar kasta ciidamo ajnabi ah noo dul fadhjiyaan…laakin ma dheera maalinta aan ka xuroobi doono Inshaa Allaah.

Beesha Caalamka waxay garwaaqsatay, markey dhinac kasta ka fiiriyeen dadka saaxada siyaasadda horboodaya oo lagu sameeyay qiimeyn hab-dhaqankooda, in M/weyne Xasan Sheikh uu yahay qofka kaliya ee ka gudbin kara Somaliya marxaladda hadda lagu jiro, waxaana laga yaabaa in loo cusbooneeyo oo loo oggolaado muddo kordhin, kaddib marki la garawsaday in dadka soo socda oo murashaxiinta ah inuusan midkoodna buuxin karin booska Xasan Sheikh uu banneeyo. Maqaalka dambe waxaan ka hadli doonaa murashaxiinta Inshaa Allaah..

Ahmed_Alasso

Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip