Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday inuu u dabaal dagi doono inuu noqdo gooldhaliyaha abid ugu goolasha badan Premier League ee Liverpool isagoo cabbi doona xoogaa shaaha chamomile ah oo uu seexan doono.

Salah ayaa Axadii noqday gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Premier League ee Reds ka dib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay 7-0 kaga badiyeen Man Utd, waana guushii ugu weyneyd ee ay Liverpool ka gaarto kooxda ay xafiiltamaan.

Labada gool ee Salah ayaa dhaliyay 129 gool 205 kulan oo uu u saftay Liverpool, isagoo u waramayay Sky Sports ciyaarta ka dib, wuxuu shaaca ka qaaday inay aheyd rikoor maskaxdiisa ku jiray muddo dheer.

"Waa wax qaas ah, rikoorkaan ayaa maskaxdayda ku jiray tan iyo markii aan halkaan imid, waxaan filayaa in xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyay ka dib aan mar walba raadiyo rikoorkaas si aan maanta uga adkaado Man Utd natiijadaas waa wax aan la rumeysan karin.

"Hadda waxaan aadayaa guriga si aan ula dabaaldego qoyska, oo aan cabbo shaaha chamomile iyo hurdo.”

Isagoo ka hadlayay ciyaarta lafteeda, Salah ayaa ka hadlay sida gaarka ah ee ay u tahay in sidaan oo kale lagu guuleysto ciyaar aad u weyn: "Waxay aheyd mid gaar ah inaan ciyaarta sidaas ku badino.

"Isla markaa ma doonayo inaan galo kulanka soo socda kalsooni xad dhaaf ah, waxaan u baahanahay kaliya inaan is-hoosaysiino oo aan ciyaarno oo aan isku dayno inaan badino ciyaaraha