Ayeeyo Falastiiniyad ah oo diidday in laga saaro dhulkeeda

0
Sunday March 05, 2023 - 21:59:40 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayeeyo Falastiiniyad ah oo diidday in laga saaro dhulkeeda

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


Riyooyinkii ayeeyadan Falastiiniyadda ah ee ahaa inay si nabad u noolaato ayaa meesha ka sii baxaysa
Qoraalka sawirka,

Riyooyinkii ayeeyadan Falastiiniyadda ah ee ahaa inay si nabad u noolaato ayaa meesha ka sii baxaysa

Amal Cawad waxa ay eegaysaa daaqadda jaban ee gurigeeda. Gurigu waa dhisme aan sidaas u habaysnayn balse lagu taagay dhidibbo ka samaysan shub adag. Waxa uu u egyahay in lagu dhisay si degdeg ah, balse waxa uu jiray tobanaan sanadood, sida Amal oo kale.

Ayeeyadan Falastiiniyadda ah ayaa sheegtay in si joogto ah loo dhibaatayn, balse haatan weeraradu ay noqdeen kuwo aad u soo laablaabtay.

Waxay sheegtay in saqdii dhexe ee habeenkii 13-kii Febraayo ay gurigeeda soo weerareen koox Israa’iiliyiin ah oo la dajiyay aagga ku xeeran dhulkeeda. Waxay jajabiyeen dhammaan muraayadihii ay arki kareen oo ay ku jiraan baabuurta iyo baalayaasha cadceedda ku shaqeeya kahor inta aysan weerarin guriga.

Kaamirada lagula socdo ammaanka ee CCTV-ga ayaa duubtay, dad reer aakharaad u eg oo wata budad.

"Waxaan u baqanayaa qoyskeyga. Carruur yaryar oo aan ayeeyo u ahay ayaan guriga ku hayaa,” ayey tiri. "Iyaguna way baqayaan," ayey sii raacisay.

Amal Awad ayaa ku andacootay in milateriga Israa'iil ay dhowr sanno kahor burburiyeen qol gurigeeda ka tirsan
Qoraalka sawirka,

Amal Cawad ayaa ku andacootay in milateriga Israa'iil ay dhowr sanno kahor burburiyeen qol gurigeeda ka tirsan

Amal waxay ku nooshahay Daanta Galbeed ee la haysto waxayna ay sheegaysaa in qulqulatooyinka socda ay yihiin kuwii ugu dheeraa ee muddo soo jiitama kuwaas oo la doonayo in lagu khasbo Falastiiniyiinta dhulkooda ay isaga tagaan.

"Dhawaan, waxay billaabeen inay yimaadaan maalinkasta. Laakiin inta badan waanu aragnaa waxaanan wacnaa deriska si aan uga digno in weerar uu dhici karo,” Amal ayaa tiri. "Balse markan waxay yimaadeen saqdii dhexe kadib, markaas oo qofkasta uu seexday."

Saraakiisha falastiiniyiinta ayaa sheegay in tan iyo bilowgii sanadkan ay dhaceen illaa 600 oo weerrar, taas oo ah koror aad u xooggan marka la barbar dhigo weerraradii dhacay sanadkii hore, markaasoo bilihii Jannaayo iyo Febraayo la diiwaangeliyay 55 weerar oo kaliya.

Dhacdooyinkan waxaa geysta dad Israa'iiliyiin ah oo ka soo horjeeda in la burburiyo goobaha sharci darrada ah ee dadka Israa'iil la dajiyay. Dad goobahaas la dajiyay ayaa doonaya inay ciqaabaan bulshada Falastiiniyiinta.

Daanta Galbeed waxa loo qaybiyey saddex qaybood taas oo qayb ka ah heshiiskii nabadda ee Oslo ee 1993kii. Amal waxay ku nooshahay aagga ugu weyn, oo lagu magacaabo "Aagga C", oo ay maamusho Israa’iil, oo halkan Falastiiniyiintu kama taliyaan.

"Waxaan wacnay booliiska iyo milateriga, laakiin cidna ma aanay imaan," ayey ku dartay Amal, oo u dhexeysa rajo-beel iyo caddibaad. "Ilaa hadda, ma jirto cid timid si ay u hubiso khasaaraha."

Xeelado dagaal

Amal waxa ay sheegtay in sanadihii la soo dhaafay ay aad u bateen dadka aaggaas la soo dajinayo. Halka weerarkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah ee gurigeeda lagu soo qaado uu dhacay Oktoobar 2021.

"Markii koobaad dhagxaan ayey ku soo tuureen gurigayaga. Waannu joojin waynay, mana aynaan doonayn in xaaladdu ka sii darto, marka wax jawaab ah kamaynaan bixin arrintaasi," ayay tiri.

"Laakiin 20 maalmood kaddib way soo noqdeen, waxay isticmaaleen buufin basbaas ay ka soo buuxiyeen, waxayna jabiyeen daaqadihii iyo deyrarkaba.”

Yuhuud goobta la dajiyay ayaa saqdii dhexe ee habeenkii bisha Febraayo ay aheyd 13 waxa ay weerrareen guriga Amal Awad
Qoraalka sawirka,

Dad reer Israa'iil ah oo goobta la dajiyay ayaa saqdii dhexe ee habeenkii bisha Febraayo ay aheyd 13 waxa ay weerrareen guriga Amal Awad

Waxaa sharci-darro ah dadka la dajiyay Daanta Galbeed marka loo eego qaanuunka caalamiga ah, inkastoo Israa’iil ay arrintaas dood ka keento.

Israa'iil waxay dhistay ilaa 140 deegaan oo ay ku nool yihiin 600,000 oo Yuhuud ah tan iyo markii ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.

Markasta oo ay sii balaartaan deegaannadaasi waxaa sii kordha xurgufta u dhaxaysa labada bulsho.

Israa’iil ayaa sidoo kale sanadkii lasoo dhaafay xoojisay baaritaanada iyo howlgallada ay dadka ku qabato ee ay ka waddo Daanta Galbeed, iyadoo sheegtay inay isku dayeyso inay hakiso weerarrada ay dadka badan ku dhinteen ee ay Falastiiniyiinta ku bartilmaameedsadaan Israa’iiliyiinta.

Tuulo u dhow halkaas waxaa ku nool Fu’aad Xasan oo si iskaa wax u qabso ah halkaas u ilaaliya, barxadda ayuu fadhiyaa oo bannaanka ayuu eegaya. Waxa uu ku biiray Guddiga Dadweynaha Falastiin, oo koox dadka deegaanka oo qabanqaabisa dadka habeenkii waardiyaha gala.

"Waxaan guddigan bilownay 2012-kii si aan dadka rayidka ah iyo hantidooda uga ilaalinno weerarrada ay soo qaadayaan dadka halkan la soo dajiyay," ayuu yiri Fu'aad.

"Dadku marka ay arkaan dhaq-dhaqaaq ka socda tuulada, way noo soo sheegaan. Habeen iyo maalinba deegaanka waxaan la soconnaa dhaqdhaqaaqa deegaanka."

Fu'aad ayaa meel sare ka daawanaya tuuladiisa balse waxa uu sheegayaa inuusan taag u hayn weerrarada dadka Israa'iil ay halkaas dejisay
Qoraalka sawirka,

Fu'aad ayaa meel sare ka daawanaya tuuladiisa balse waxa uu sheegayaa inuusan taag u hayn weerrarada dadka Israa'iil ay halkaas dejisay

Marka laga reebo booliiska Falastiiniyiinta ee ku sugan deegaanada ay maamulaan, shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed looma ogola inay hub qaataan. Taa beddelkeeda, waxay leeyihiin waa qasab ah inay isku difaacaan toosh iyo taleefannada gacanta.

"Ilaah ayaa ah hubka kaliya ee aan haysanno,” ayuu yiri Fu’aad. "Waxa kaliya ee aan rabno ayaa ah in weeraradan ay joogsadaan."

Sannadkii hore, Fu’aad waxaa la dhaawacay isagoo isku dayaya inuu deriskiisa difaaco markii la weeraray tuuladiisa.

"Waxaan ahayn afar qof oo kaliya, waxayna ahaayeen koox badan, waxaana madaxa iga soo gaaray dhaawac ay qasab igu noqotay in shan qodob la I tolo."

Laakiin Fu’aad wuu nasiib badan yahay oo sannadkii 2014-kii, mid kamid ah dadka deegaanka ayaa lagu dilay weerar ay soo qaadeen dadka la dajiyay aaggaasi. Fu’aad waxa uu ku andacoonayaa in askta Israa’iil ee jooga tuulada aanay waxba ilaalin.

"Ciidanka Israa’iil waxa ay ilaaliyaan dadka deegaanka la soo dajiyay ee ma ilaaliyaan Falastiiniyiinta,” ayuu sii raaciyay.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa BBCda u sheegay in dadka deegaanka sida Amal ay soo sheegi karaan falalka qulqulatooyinka ee halkaas ka dhaca, halka ciidammada Israa’iilna ay tahay inay tallaabo qaadaan.

Balse sida laga soo xigtay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Israa'iil ee Yesh Din, tan iyo 2005 baaritaannada Israa'iil ay ku samayso waxa loogu yeero "dambiyada fikradaha ku salaysan" ee ka dhaca Daanta Galbeed ayaa boqolkiiba 3 kaliya horseeday in xukun laga soo saaro.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip