Maxaad ka taqaan gabadha ugu da'da yar Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliy
Naciimo Maxamed Gacal , Waa Xildhibaanad Da'yar oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Xildhibaanadan loo aqoonsaday in ay tahay Xildhibaanka ugu Da'da yar ee katirsan Baarlamaanka waqtigiisa uu sii dhamaanayo.
Xildhibaanad Naciima Maxamed Gacal, ayaa dhalatay sanadkii 1986-dii, waxa ayna ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, Waxa ayna ku biirtay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sanadii 2012-kii iyadoo xiligaa jirtay 26-sano.
Naciima Maxamed Gacal Waaa xildhibaanad aqoonyahan ah waxa ayna ka qalin jabisay Jaamacada AHFAD FOR WOMEN ee dalka Sudan, Xildhibaanada ayaa kamid ah Xildhibaanada ugu wax qabadka fiican ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanad Naciima ayaa xubin fir fircoon ka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaanka Jaamacada Carabta, waxaana ay marar badan ka qeyb gashay Shirar badan oo ka dhacay Wadamo Carbeed oo ay Soomaaliya ay ku mataleesay.
Naciima Maxamed Gacal , ayaa ah Xildhibaanad taageero badan ku dhax leh Bulshada Soomaaliyeed iyo reerka ay kasoo jeedo, waxa ayna Xildhibaanadan inta badan ka shaqeesaa caawinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira Wiilal iyo Gabdho.
-Allbanadir
XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM