Nasashada Jimcaha. Q-346=Dad ayaa u meelyo in Meel kasta laga yaqaan, oo ku leh i ma taqaanid miyaa?=

0
Friday March 03, 2023 - 17:07:37 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha. Q-346=Dad ayaa u meelyo in Meel kasta laga yaqaan, oo ku leh i ma taqaanid miyaa?=

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 

Mushaarkii ugu horeeyay markuu qaatay ayaa Hooyadii Geeriyootay.

 

Waxaa la bilaabay Qabanqaabadii Aaska.

 

Waxaa lagu yiri: keen 30 Dollar.

 

Waxa uu yiri: Maxey tahay.

 

Waxaa lagu yiri: Waxaa la siinaa Islaantaan Masaakiintaa ee noo Dhaqday Meydka Hooyadaa.


Waxa uu yiri: ka soo dhameeya 5 Dollar.

 

Waxaa lagu yiri: Suura gal ma ahan.

 

Waxa uu yiri: ma Angeey Gaari Bulletproof ah Lavaggio iigu Dhaqday. ( F.S:1aad)

( Xildhibaankaa Tolkuna qaaraan ayey ka sugayaan)

          2. Axmadey ayaa lagu yiri: Naag waxaa loo guursadaa Afar: Diinteeda, Quruxdeeda, Maalkeeda iyo Nasabkeed.

 

Axmadey oo Xaaskiisu dhibleey aheyd ayaa yiri: Mar marna Alla dartiis iyo yaan ilmuhu kaa cidloon ayaa loo Guursadaa.

( Dowlad waxaa loo dhistaa Afar: Horuumarinta Dhaqaalaha, Nabadgalyada, Xiriirka Caalamka, Dhowridda Diinta.

 

Laakin Somaliya Mar marna……….)

              3. Wiil ayaa loo sheegay in Gabar ey is jeclaayeen ey Dartiis isku Dishay.

 

Waxa uu yiri: Mexeey warqaad Cadeeyn ah oo cadeeynee in ey Dartey isku dishy iigu dhaafi weeyday, Si aan Gabdhaha ugu faano Ma ogtihiin Gabaraa Darteey isku Dishay.

( Nin ayaa lagu yiri: Xildhibaankii aad Malxiiska u aheyd waa dhintay.

 

Waxaa uu yiri:……….)

                4. Cali yare ayaa yiri: waxaan Sanadahaan qorayay Buug Cinwaankiisu yahay: ( Sidee Lacag lagu helaa, Saaxibo badanna loo kasbadaa) .Cali Yare, Maanta ayuu igu yiri: Qaado iga bixi, waana 50 jir iskaabolo ah oo kaligii Qol degan. ( F.S:2 & 3aad)

( waxa aad Dadka u sheegee, horta Naftaada ku horuumari )

                5.Wiil yar oo Reer Xamar weyne ah ayaa Taxi Raacay.

 

Taxi-lihi ayaa ku yiri: Xageen ku geeyaa.

 

Wiilkii ayaa ku yiri: Gurigeeyna igeey Nooh.

 

Taxi-lihii ayaa ku yiri: Gurigiina maxaa i batay ma Hooyadaa ayaan qabaa.

( Dad ayaa u meelyo in Meel kasta laga yaqaan, oo ku leh i ma taqaanid miyaa.

 

Waxaan ahay Ina hebel oo Reer ka Laandheerahaa ka dhashay, masuul hebelna Qaraabo ayaan nahay. ).

               6. Farax Xaasid ayaa Dhakhtarka ilkaha u tagay.

 

Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Hal Goows ayaa ku xanuunaa, Isaga ayaana kaa Bixinaa.

 

Faraax ayaa ku yiri: Dhakhtaroow ilkaha dhan iga bixi ee kan i xanuunaa Kaligii ii reeb, isaga ayaan rabaa in uu kaligii meesha ku Cidloodo. ( F.S:4aad)

( Farax, waxaa la igu yiri: Hadda waa samafale naxariis Badan, warkaas hala hubsado).

            Qore:-Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip