Jeesow oo dilkii Ikraan Tahliil ka leexiyey kooxdii Farmaajo, una saariyey…

0
Sunday February 26, 2023 - 21:36:55 in Wararka by
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeesow oo dilkii Ikraan Tahliil ka leexiyey kooxdii Farmaajo, una saariyey…

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey kiiskii Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayey intii ay dalka xukumeysay xukuumadii Farmaajo oo si dhow uu xildhibaanka Jeesow ula shaqey jiray.

Xildhibaanka ayaa abuuray shaki cusub oo la xariira in dilkii Ikraan ay ka dambeeyeen ragga hadda talada dalka haya, isagoo sheegay in Ikraan ay kaambeyn doorasho u dhimatay, isla markaana dilkeeda loo adeegsaday duulaan lagu soo qaaday dowladii Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

 

Xildhibaan Daahir ayaa sheegay in kiiska Ikraan ay xubnaha hadda talada haya ku soo galeen olole doorasho oo hadda ay horay uga socdeen markii ay ku guuleysteen xukunka.

Daahir Amiin Jeesow ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu la yeeshay xubno ka mid ah beeshiisa, isagoo yiri, "Kiiska Ikraan kaambeyn ayaa lagu gelaayey anigaa xaqiijinaya taas, Ikraan anigaa adeekeed ah, anigaa og meesha ay iga jirto.”

Wuxuu sheegay in xiligaas uu socday dagaal lagu soo qaaday dowladdii Nabad iyo Nolol ee Farmaajo uu hoggaaminayey, "Raggii marada gaduudan madaxa ku xira jiray ee hoteellada ka qeyli jiray maanta markii ay xukunka qabsadeen waa ka aamuseen kiiska Ikraan,” ayuu yiri.

Jeesow oo sii hadlaayey ayaa yiri, "Hadii Ikraan aysan Kaambeyn ku dhiman askarta NISA hala dhaho ninkii Ikraan meel ku sheega lacag ayaa la siinaa dalkana waa lagaa dhoofinaa.”

Wuxuu sheegay in Ikraan ay NISA dishay, isla markaana askartii dishay ay sheegeyso hadii lacag loo sheego oo amnigooda la kafaala qaado, balse wuxuu carabka ku adkeeyey in ragga talada haya aysan daacad ka aheyn in baaritaan lagu sameeyo kiiska Ikraan.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay in hadii Ikraan ay dileen raggii Farmaajo la shaqey jiray, ay ragga hadda talada haaya u fududahay inay helaan tixraaca kiiskaas, balse ololihii doorashada un ay ku ekeed dooda kiiskaan.

"Waligey kiiska Ikraan saan ugama hadlin inta meel soo istaagay, maanta waan idiin xaqiijinaa Ikraan kaambeyn doorasho ayey ku dhimatay,” ayuu yiri.

 

Xildhibaanka ayaa cadeeyey inuu ogyahay in marar badan lagu soo cel-celiyey in uusan kiiska Ikraan ka hadlin, "Aniga Ikraan Adeekeed ayaan ahay dad anigaa u xiga, xilka maanta la hayo ayaa lagu helay, waana laga gudbay, saas ayey u dhimatay Ikraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeesow.

Wuxuu sheegay in markii hore uu aaminsanaa in markii Farmaajo laga guuleysto la heli doono tixraaca kiiska Ikraan oo askartii dishay ay is sheegi doonto, balse taasi aysan dhicin, isagoo tuhun kale geliyey cidda dishay Ikraan

HOOS KA DAAWO

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip