HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 22-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Wednesday February 22, 2023 - 08:25:03 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 22-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Aadan Madoobe oo shaaciyey qorshe ay wadaan isaga, Xasan Sheekh iyo Xamza

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka ha dlay mooshin ay xildhibaanada qaar keeneen golaha, si go’aan baarlamaani ah looga soo saaro xiisadda ka taa gan M/Laascaanood

Xildhibaanada ka soo jeeda G/Sool ayaa golaha shacabka hor geeyey qaraar ay ku dalb anayaan in go’aan laga soo saaro xiisadda Laascaanood oo noqotay qadiyad qaran, maadaama la isku heysto gooni u goosadka Somaliland iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa dalbaday in arr intaas loo daayo madaxda ugu sareysa dalka oo meel fii can uu u marayo wadahadal u socda, kaas oo golaha uu ku soo celi doono go’aankii ka soo baxa.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanadii qaraar ka ku qanciyey in isaga, madaxweynaha iyo ra’iisul wa saaraha oo u fadhiya arrinta Laascaanood uu safar deg deg ah soo galay Madaxweynaha, isla markaana ay me el fiican wax u marayaan.

"Daraad aniga, madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay aa ka fariisanay arrintaas, madaxweynaha ayaa safar naga aaday, wax kasta oo aan qaba karno looma kala haraayo, si dadkaas loo badbaadiyo, xildhibaanka deeg aankaas ka yimid mas’uuliyadda saaran mid lamid ah ay aa anagana naga saaran dadkaas,” ayuu yiri Sheekh Aadan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xildhibaanada u sheegay in qadiyadda arrintaas aysan ayaga oo kaliya taabaneyn oo go’aan aad looga baaraan degay ay u baahan tahay, maadaama ay tahay qadiyad qaran, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday sida ay uga go’antahay inay maslaxada dadka Sooimaaliyeed ka shaqeeyaan ayuu tusaale u soo qaatay safar uu mudo bil ah u jiray Koonfur Galbeed oo khilaaf culus uu ka taagnaa, kaas oo xalintiisa ay ku guuleysteen. "Intii karaan keena ah waxaba lama hari doono xalka u raadinta xiisadda La ascaanood, markii hore waa ogtihiin waxaa socday wa dahal aan Somaliland tabashadeeda xal ugu raadineyno ,hadana tan ayaa soo korortay, marka waan ka fariisan ay xalkeeda ayaana ku jirnaa,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Shiikha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ay la xariiri doonaan, "Qorshaheenu waa in madaxda qaranku ay go’aan rasmi ah ka soo saarto, madaxwe yne Xasan Sheekh ayaan ku laabanayaa go’aan ayaan idinku soo celi doonaa,” ayuu yiri Sh. Aadan Mado obe.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ganacsatada Soomaaliy eed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre ay aa Dorraad furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaali yeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha hory aal Bangiyada Soomaaliyeed.

R/Wasaaraha ayaa boggaadiyey da daallada ganacsatada Soomaaliye ed ee ku aadden horumarinta dhaq aalaha, gaar ahaan barnaamijka lac ag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maal iyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo.

Md. Xamse ayaa hoosta ka xariiqa in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcad da iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed, si taas loo xaqi ijiyana la meelmariyey sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

R/Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay dagaal 3 jiho ah kula jirto Alshabaab sidaas darteedna ganac satada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qa ataan, gaar ahaan ka hortagga lacagaha danbiyada la gu galo.

R/Wasaaraha XFS ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabaya asha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda. Midowga Bangiyada Somaliyed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bang iga Dhe xe ee Somaliya, ayaa la aasa asay sannadkii 2016. Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay warar shee gaya in gaadiid Wasaaradda leedahay uu u gacan galay Al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda XFS Md. Abshir Cumar Jaamac ayaa Dorraad qoraal uu bartiisa Facebook uu soo dhigay waxa uu ku beeniyay jiritaanka wararka sheegaya gaadiid ay leedahay Wasaaradda ama isaga oo u gacan galay kooxda Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay wasiir Abshir Cumar in waxba ka ma jiraan ay tahay wararka lagu faafiyay baraha bulsha da ee la xariira in gaadiid uu isaga ama Wasaaraddu leedahay uu maqan yahay.

"Waxaan Ummadda Soomaaliyeed og eysiinayaa inaanu jirin gaadiid aan leey ahay ama Wasaaradda arrimaha dibad da leedahay oo ka maqan gacantayada ama u galay Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaal iya Abshir Cumar Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wararkaan ay ba ahiyeen dad dano gaar ah leh oo doonaya iney marin ha baabiyaan shacabka Soomaaliyeed. Warkaan kasoo ba xay wasiir ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadahii la soo dhaafay baraha bulshada ku xariirto si aad ah looga hadal haayay in gaadiid ay leedahay Wasaaradda arri maha Dibadda loola goostay dhanka kooxda Al-shabab.

Hanti-dhowrka cusub ee qaranka oo shaaciy ay shan QODOB oo hor-tebin u leh

Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Md. Axmed Ciise Guutaale oo gelinkii dambe ee Dorraad xilka kala waree gay Hanti-dhowrihii hore Md. Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa shaaciyay arrimaha xafiiskiisa hor-tebin ta u leh. Munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhac day Madaxtooyda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay R/wasare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac,Gud/ Bangiga dhexe, qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda, xildhibaannada labada Aqal iyo masuuliyiin kale.

Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Abu ukaate Axmed Ciise Guutaale oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa waxa uu ball an-qaaday in uu ka shaqeyn doono inta uu jogo horumarinta xafiska hanti-dhowrka.

"Alle-na waxa aan weydiisa nay aa inuu i waafajiyo in aan si da aca dnimo iyo ammaano leh ayna kuj irto danta dalka, dadka iyo dii nta,” ayuu yiri Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka.

Md. Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay shan qodob oo muhiimaad gaar ah uu siin doono, taasi oo kor u qaadi doonto shaqada uu xafiiskan u hayo Qaranka, kuwaasi oo kala ah;

Dhameystirka howlaha qabyada ka ah XHGQ sida dhammeystirka xeerka xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo habraacyada baarista iyo korjoogteynta

Hirgelinta Nidaam daahfuran oo shaqo kaas oo xafiisku ku guto waajibaadkiisa, islamarkaana ay mas’uuliyiinta dowladda, shaqo wadaagga iyo shaqaaluhu ogyihiin una tababaran yihiin.

Hirgelinta tababar quseeya howlaha xafiiska iyo sida uu u gudanayo waajibkiisa, kaasi oo xafiisku siinayo aga asimeyaasha guud, maareeyeyaasha agaasime-waax eedyada iyo baarayaasha gudaha ee wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dowladda

Dhisidda iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera kabka miisaaniyad da,mashaariicda iyo hannaanka deyn cafinta

In Laga billaabo aniga iyo shaqaalaha xafiiskuba aan raacno habraac anshax iyo howlgal oo aan tusaale u no qono xaqiijin, daah-Furnaan isla-xisaabtan, ammaano iyo dhex-dhexaadnimo

Golaha Wasiirada ayaa 9-kii bishaan Guutaale u mag acaabay Hanti-dhowraha cusub, kaasi oo ay si aqlabiy ad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu hor ay u soo noqday La-taliyaha arrimaha sharciga ee Mad axweynaha JFS iyo La-taliye R/Wasaare, wuxuuna si doo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo hay’ado warb aahined oo isugu jira kuwo caalami ah &kuwo maxaliah

Dowlada Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Guri Ku Yaal Degmada Cabdicasiis Ee Magaalada Muqdisho

Wasaarada Warfaafinta XFS ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxa ay uga hadashay weerar ay koox ka tirsan Alshabaab ku qaadeen guri ku yiil degmada

 

 

Cabdicasiis ee M/Muqdisho.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Alshab aab ay weerar een guri ay ku sug naayeen dad shacab ah ayna ku bil aabeen weerarkoo da gaari waxyaalaha qar xa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka guriga.

"Toban ruux oo shacab ayaa ku dhintey weerarka ha lka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.”ayaa lagu she egay war saxaafadeedka. Dowlada waxa ay sheegtay in laga daadgureeyay dadkii shacabka ah ee degenaa gur yaha u dhow halka weerarku ka dhacay.

"Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa ku wii weerarka soo qaaday Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qa ranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in guriga la weeraray ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ciidamada deegaanka oo ka soo jeeda G/Hiiraan halkaas oo lagu baxnaaninayay kadib markii ay ka soo kabteen dhaawac yo ka soo gaaray dagaalada ka dhacayay bilihii la soo dhaafay gobolka Hiiraan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda we erarka lagu qaaday guri ku yaalla degmada Cabdulcasi is ee magaalada Muqdishu.

Ciidamada DFS oo taageero ka helaya kuwa degaan ka ayaa olole milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wa da gobollo ka mid ah dalka, hawlgalladaasi oo dhul ball aaran dawladdu ku qabsatay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Qaabilay Xoghayaha Fulinta Hay’adda Ka Hortaga Tijaabada Nuclear-Ka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa ku qaa bilay wafdi uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuc lear-ka (CTBTO) oo warbixin ka siiyay shaqada hay’adda.

Xoghayaha Fulinta ee Hay’adda Md. Robert Floyd oo sharaxaad ka siiyey Guddoomiyaha Go laha Shacabka sida ay u socoto ku biirista hay’adda ee Soomaaliya iyo sida looga faaideysan karo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadi yey in xoghayaha hay’addan uu yimaado Muqdisho, ka dib kulankooda Vienna oo fariintiisa na uu soo gaars iiyey dalka, isagoo xusay in laga faaideysto shaqooyinka muhiim ah ay qabato hay’adda.

DFS oo ka qayb gashay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriy adda u qaabilsan arrimaha Bani aadanimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa Maga alada Riyad ee dalka sacuudiga uga qeyb galay Madasha Caalam iga ah ee Gargaarka Bani’aada nnimada ee Riyad.

Madashan oo ay dawladda Sa cuudiga qabanqaabisay ayuu Khu dbad ka jeediyay Ergaygu isa goo ka hadlay muhiima dda ay leedahay in wax laga bed de lo hanaanka garga arka bani’aadaannimo ee Somaliya.

"Waxaan ka hadlay muhiimadda ay leedahay In laga gudbo gurmadka degdegga ah ee loo jihaysto mashaari icda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirs anaanta gargaarka bani’aadanimo” ayuu yiri Mr War same.

Isaoo sii hadlaya ayuu yiri Ergaygu” In Soomaaliya loo maalgeliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iid aysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagexisada iyo is-beddel ka cimilada ayaan sidoo kale kaga hadlay Khudbaddeyda”.

Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sool oo ku baa qay in Muuse Biixi lagula xisaabtamo dhibaatada Laascaanood ka socota

Qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sool ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland lala xisaabtamo oo maxkamad lagusoo taago dhibaatada ka socota magaalada Laascaanood.

Xildhibaanadan oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay madaxw eynaha Somaliland inuu ciidamadiisa ku amray inay xasuuq ka geystaan magaal ada Laascaanood.

Xildhibaan Cabdullaahi Rooble oo kamid ah xildhib aanada ka hadlay arrintan, ayaa sheegay magaalada Laascaanood inay ka dhaceen dambiyo waawayn oo u baahan in lagula xisaabtamo Muuse Biixi sida uu she egay xildhibaan Rooble.

Wuxuu sheegay Somaliland inay burburinayso mag aalada Laascaanood, kadib markii uu sheegay in maga alada si joogto ah maalin kaste madaafiic loogu garaaco goobaha dadweynaha.

Xildhibaan Cabullaahi Bidhaan, wasiirkii hore ee kal luumaysiga Soomaaliya, oo kamid ah xildhibaanada ka soo jeeda Sool, ayaa soo dhoweeyay in dowladda Soo maaliya ay taageertay mowqifka iyo rabitaanka sha cabka SSC.

Wuxuu sheegay SSC in loogu soo duulay rabitaan kooda midninada Soomaaliya iyo sababta ay ugasoo horjeedaan gooni isku taaga Somaliland.

Wuxuu sheegay in boqolaal shacab ah lagu laayay mag aalada Laascaanood, kuwaas oo uu sheegay inay u dhi nteen iyagoo difaacaya midnimada dalka.

Guddiga gurmadka dhul gariirkii ka dhacay Turkiye oo yeeshay kulan lagu dardar galin ayo howlaha socda

Guddiga Qaran ee gurmadka shacabka aan walaal aha nahay ee Turkiga oo Dorraad kulan ku yeeshay mag aalada Muqdisho ayaa uga hadlay dardargalinta haw laha gurmadka kala duwan ee dalka ka socda.

Guddigan waxaa xubno ka ah wasiirada arrimaha guddaha, wa xbarashada, cadaaladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin ay aa sidoo kale kulanka guddiga ka qeyb-galay.

Guddigaan heer Qaran iyo Hay’adda maaraynta musii booyinka Qaranka ayaa si dhaw uga wada shaqeeya hawla kala duwan ee la xariira gurmadka xaaladaha deg degga ah.

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 9 qof, dad taagan, dad fa dhiya iyo gudaha

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray dhis maha cusub ee Wasaarada Bee raha iyo Waraabka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Md. Axmed Cabdi kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Galm udug.

Madaxweynaha waxaa xarigg jarka ku wehliyay xubo ka mid ah Gol aayasha DG Galmudug, Gudoomi yaha gobalka Galgaduud, iyo mas uuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Wasa arada Beeraha iyo Waraabka Galmudug oo kasoo dha laashay howshii loo igmaday.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa ku amaanay how lwadeenada mashuurca biyoole howsha baaxada leh oo aay ka qabten dib u dhiska wasaaradda iyo kaabay aasha kala duwan ee Dowladda Galmudug.

Munaasabad lagu xusay maalinta afka hooyo ayaa Dorraad lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay maalinta afka hooyo ay aa Dorraad lagu qabtay xarruunta Akadee miye Gobole edka Afka Soomaaliga AGA. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Mamulka G/Banaadir, aqoon yahano ku xeel dheer Afka Soo maaliya

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xus een Sheekh oo ka hadlay Munaasabadda ayaa adk eeyay in ilaalinta Af Soomaaliga in uu ku jiro Horm arkeena iyo jiritaankeenna Ummadda.

Sidoo kale, Mas’uuliyiin iyo aqoon yahoo kale oo ka hadlay kulanka ayaa isku raacay in loo baahan yahay sidii loo dardar galin tayeynta Afka soomaaliga.

Sanad kasta 21 bisha Febraayo waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Afka hooyo si sare loogu qaado ku hadalka afafka badan ee dunida ka jira..

Maalintaan caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saa bsan kala duwanaanshaha xagga luqadaha , dhaqan ka iyo guud ahaan horum arinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta afafka oo dhan.

Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah wax aa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey’adda UNE SCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqan ka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday San nadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sana dihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan lagu aqoonsanaayo maalintaasi.

Waxay noqon kartaa sawirka qoraal odhanaya 'ECOBOLECO.OR AGA Akademiye Goboleed ka Af So omaaliga (AGA) Intergovernmenta Academy of Somali Language Xuska maalinta caalamiga ee afka hooyo Dar dargelinta iyo tayaynta dib u adeegsiga Af Soomaaliga ee maamulka iyo waxbarashada 21-ka Febraayo'

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi u saaray degaannada ay go’doomisay dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Ma xamed Nuur ( Madoobe) ayaa Caawa Guddi u saaray degaannada kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud oo la sheegay inay go’doomisay dowladda Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xildhibaan oo katirsan Golaha Shacabka ayaa laga sugayaa inay u kuurgalaan xaaladda amni iyo midda nololeed ee degaannada kuyaalla Bariga Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xubnaha Guddiga iyo waajibaadkooda Shaqo.

DFS oo sheegtay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe in lagu dilay 42 ka tirsan AS

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda FS ayaa lagu sheegay in ka badan 42 ka tirsan dagaalamay aasha AL-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa deegaanka iyo Saaxiib ada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Cadal ay oo hoostaga D/Mahadaay ee Gobolka Shab eellaha Dhexe.

Warka ka soo baxay Dowladda kaas oo lagu faafi yay Warbaahinta ku hadashay Afka Dowladda ayaa la gu yiri "Howlgalkaan oo socday in ka badan 30 saacad ood ayaa waxaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo mal eeshiyaad Khawaarij ah oo isku abaabulayay deeg aankaan” "27-ka mid ah meeshiyaadka la laayay waxaa Habeen hore lagu dilay hal goob, halka 15 kalana Dorraad lagu dilay goob kale oo ay godad ka qoteen oo ku taala isla deegaankaan Cadalay. Ciidanka Qaranka iyo geesiyaa sha dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Ca dalay, waxaana gacanta lagu dhigay Hubkii ay lahaaye en Khawaarijta iyo Saanad ciidan.” Sida lagu yiri Warsa xaafadeedka ka soo baxay DFS.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Howlgalkaan uu daba socday howlgal maalmo ka hor ka dhacay deegaannada Iji iyo Afcad kuwaasi oo lagu dilay boqolaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

 

Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay inay leedahay hab dhaqankii dowladii Kacaanka

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xus een Cabdi, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay leedahay hab dhaqankii dowladii Kacaanka marka la eego siday uga jawaabtay mudaharaadadii Somaliland ka dhacay.

Khadar oo ka hadlayay xuska maalinta dhagax-tuurka, ayaa sheegay in maalin tani anay macno samaynayn madaama oo xukuumada hada joogtaa ay dishay dad badan oo u mudaharaadayay xuquuq dooda siy aasadeed iyo nololeed.

"Mudaharaadkii Siyaad Barre waxa ku dhintay arday iyo macalin, maalin kali ah ayay 7 qof ku dhimatay 11 Augost, su'aasha markaa aad is waydiinaysa waxay tah ay xuska maalintani macno noocee ah ayuu kuu sama ynaya, dhaqankii aad maalintaa diiday haduu wali jiro" Ayuu yidhi Khadar.

Xukuumada madaxweyne Biixi ayuu ku eedeeyay in ay leedahay hab dhaqankii Siyaad Bare, marka la eego sida ay uga jawaabtay mudaharaadkii Laascaanood, isa ga oo sheegay in dadka reer Laascaanood anay sabab la'aan u kicin.

"Hab dhaqankii Siyaad Bare in aanu dhimanin waxa kamid ah dagaalka Laascaanood, waa dagaal sokeeye oo ka dhexeeya Somaliland gudaheeda ... maaha dag aal sabab la'aan u dhacay, 32 sanno oo Somaliland jir tay dadka reer Sool qalbigooda way hanan kari wayday" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu xukuumada ku eedeeyay in anay u cadaa lad falin dadka reer Sool, oo nidaamka wax qaybsiga Somaliland ay cadaalad ka waayeen, isla markaana iyada oo taasi jirto ay xukuumadu wax garowshiyo ah muujin wayday.

Waxa uu sheegay in la fulin waayay heshiisyadii ay xukuumadi Siilaanyo la gashay Khaatumo, isla markaa na dhahaha laga furaystay Cali Khaliif Galaydh mudadii uu Hargaysa ku sugnaa ilaa oo uu ka geeriyooday.

Waxa uu sheegay in xukuumadu ku fashilantay in ay dadka reer Sool nabadgalyo siiso, kadibna markii haldo or koodii maalinba mid la dilay ay kaceen.

Soomaaliya oo wajihi karta in laga mamnuuca cayaaraha caalamiga ah

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa laga yaabaa inuu go’aansado in Soomaaliya laga mamnuuco Ciyaaraha Caalamiga ah.

Arrimahan ayaa loo sababaynyaa muran joogto oo hareeyay xiriirka kubada cagta Soomaaliya iyo sidoo kale fara galin lagu eedeeyay wasiirka dhallinyaradu in uu ku hayo arrimaha Kubadda Cagta ee dalka.

"Faragelinta wasiirku ku hayo ciyaaraha waxay si cad u jebin aysaa dastuurka FIFA oo she egaya in dawladda laga saaro ciyaaraha," ayuu yiri Xuseen Abkow oo ah qabiir kubadda cagta ah, isagoo la hadla yay warbaahinta The Africa Report.

"Haddii xaaladdu ay sii ahaato mid fowdo ah sida hadda oo kale oo uu sii socdo khilaafka SFF, waddanku wuxuu wajihi karaa mamnuucida FIFA, taas oo u badan tahay inay hoos u dhigto kobaca kubbadda cagta ee dal ka,”ayuu hadalkiisa ku daray Abkow.

Xiisada ka dhex aloosan xiriirka Soomaaliyeed ee kub ada cagta ayaa soo bilaabatay sanadkii 2022 kadib shir aan caadi aheyn oo xilka looga qaaday gudoomiyihii xir iirka Soomaaliyeed ee xiligaas Cabdi Qani Saciid Carab kadib markii lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed.

Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan Soom aaliya ay ku guuleysatay tartanka 17-jirada ee Bariga Afrika, kaasoo ahaa kii ugu horreeyay ee taariikhda kubadda cagta dalka ee Soomaaliya.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ka socoda Gobolka Mudug

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka milatariga Soom aaliya oo gacan ka helayay kuwa daraawiishta Galmu dug iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada huwanta ah ayaa wararku sheegayaan in ay qaadeen howlgal balaaran ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deeg aanno katirsan koonfurta gob olka Mudug oo wali gacanta Al Shabaab ku jira. Sida aan wararka ku helnay dagaa lka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Qaycad dulee dkiisa, waxa ayna ciid amada halkaasi ku weerareen fariisimo Al Shabaab lahaayeen .

Dagaalka ka dhacay gobolka Mudug ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasdho iyo dhaawac, waxaana saraakiisha ciidanka doewladda hoggaamineysa guulo ka sheegteen dagaalka ay la galeen Al Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa doonaya in dagaal kula wareegaan dee gaannada Al Shabaab wali ka maamulaan gobolka Mud ug gaar ahaan deegaannada Caad iyo Camaara .

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay israsaa seeyn ka dhacday M/Garowe.

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarun ta maamulka puntland ayaa sheegaya in israsaaseeyn sababtay khasaare dhaawacyo ah ay ka dhacday hal kaas . Is-rasaaseynta ayaa la sheegay in ay dhexmar tay ciidamo ka tirsan Saldhiga Booliska Puntland ee Garowe. 3 Ruux oo shacab ah iyo Askari ka tirsan ciidanka boo liska puntland ayaa ku dhaawac may israasseeynta puntland iyo Ciidamo uu xukumo Jeneraal Muxiyadiin Axmed Mu use oo ah taliyihii hore ee ciidan ka booliska puntland . Ssaraaseeynta Habeen hore ka dhacday magaalada Garowe ayaa Socotay in ka badan 15-da qiiqo waxaana ay sa babtay in lagu kala cararo Aaga barxada oo ka mid ah Goobaha ugu mashquulka badan isu-socodka iyo Gan acsiga magalada Garowe sida ay iadaacdda Risaala u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sug an kahla ay wax ka dheceen . Lama oga waxa keenay isku dhacyada lab ada ciidan.

QM oo Somaliland saartay cadaadis xoogan oo ku aadan DAGAALKA Laascaanood

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Dorraad kulan xasaasi ah la qaatay Joseph Katuramu oo ah Madaxa Amniga ee Qaramada Midoobay (UN Security Cheif). Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasaaradda arrimaah gudaha ayaa waxaa lo oga wada-hadlay xaalada guud ee amniga Somaliland, horumarka iyo wada-shaqeynta hay’addaha QM iyo xukuumadda Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayay wasiir ka, agaasi maha guud ee wasaaradda arima ha gudaha Maxamed Yuusuf Isma aciil, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Sida ay ogaatay Sheegtay Caasim ada Online, kulan kan ayaa sidoo kale waxay labada dhinac uga wada-ha dleen dagaalka ka socda magaalada Laascaan ood, ka asi oo galay toddobaadkii saddexaad.

Madaxa Amniga ee QM ayaa u sheegay wasiirka arri maha gudaha in Somaliland laga rabo inay xal naba deed ku wajahdo xiisadda Laascaanood, sida ay Caas imada Online u sheegeen illo wareedyo ka agdhawa kulankaan.

QM ayaa dhawaan ugu baaqday mas’uuliyiinta Soom aaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah isl amarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

"Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta inay sameey aan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhex-dhexaad ah oo ku saabsan isku dhacyada si loo go’aamiyo cidda mas’uulka ka ah oo lagula xisaabtamo maxkamadeyn caddaalad ah, oo ay qeyb ka tahay burburka lasoo shee gay ee guryaha,” ayuu yiri Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk.

Xukuumadda Somalinad ayaa hore u sheegtay dhan keeda inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisadda dagaal ee Laascaanood, taasi oo ti mid kadib cadaadisyo horleh oo beesha caalamka ku sa areen dagaalka socda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ergo dhaqameed u dirayo gobolka Sool, si ay ula soo fari istan Isimida ku sugan Laascaanood, wallow ay arrin ta as ku gacan sayreen garaadada SSC oo ayagu sheeg ay in aysan jirin cid xiriir kala soo sameysay wada-hadal iyo waan-waan laga galayo xiisadda taag an.

Xarardheere oo Bandow la saaray – Maxaa soo kordhay?

Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobo lka Mudug ayaa sheegaya in degmada lagu soo rogay bandow, kadib kulan ay yeesheen saraak iisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

Kulankan ay yeesheen saraakii sha amniga ayaa waxaa

lagu go’aamiyay in habeenkii laga bil aabo lixda fiidnimo illaa waabe riga la joojiyay dhamaan isku socodka iyo dhaq-dhaq aaqyada bulshada.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada ku sugan gudaha degmada lagu amray inay ka baxaan oo ay ku laabta an xeryahooda, marka laga re ebo kuwa sida gaar ah ugu xil-saaran sugida amniga.

Saraakiisha amniga ee Xarardheere ayaa waxa kale oo ay go’aamiyeen in dad ka kusoo laabanay degmada ee horay uga barakacay ama raacay kooxda Al-Shab aab inay soo maraan sal dhiga booliska kahor inta aysan usoo gudbin gudaha degmada, si loo marsiiyo baaritaan amni.

Arrimahan ayaa looga dan leeyahay sidii loo xoojin lahaa amniga Xarardheere oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo ay marin muhiim ah u aheyd howlahooda argagixiso,

Tallaabooyinkan ay qaadeen saraakiisha amniga ay aa sidoo kale looga hortagaya weeraro gaadmo ah oo kooxda ay kusoo qaado degmada, si kal hore ka dhac day deegaano muhiim ah oo laga qabsaday.

Si kastaba, tan iyo markii uu dagaalka Al-Shabaab ka billowday deegaanada maamulka Galmudug, waxaa kooxda gacantooda ka baxay laba kamid ah saddexdii magaalo ee ugu waaweyna ee ay Galmudug ka haysa tay waa Xarardheere iyo Ceeldheer.

Ninkii weeraray Salman Rushdie oo la gudd oon siiyey abaal marin

Urur Iiraani ah, ayaa sheegay in ninkii weeraray qoraaga Salman Rushdie ee bishii August ee ina dhaaf tay ee sanadkii 2.022-ka, uu u heli doono dhul ku yaalla Iran abaal marin ahaan.

Ururka Fatwa ee Imaam Khume yni, ayaa sheegay in qofka weerar ka geystay oo ah nin da’yar oo Mu slim-Maraykan ah, (Hadi Matar) la siin doono kun mitir oo isku wareeg ah oo dhul beereed gaaraya.

Qoraaga shan iyo todobaatan jirka ah ee qoray buu gga Aayadaha Shaydaanka iyo Carruurta Saqda dhexe, ayaa ka naafoobay il iyo gacan, kadib markii lagu wee raray munaasabad suugaaneed oo ka dhacday gobolka New York ee cariga Mareykanka.

Iran ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarka.

(Rushdie ayaa waxa uu muddo dheer soo food saar aysay hanjabaad dil ah, tan iyo markii Ayatollah Khome ini uu soo saaray fatwo sanadkii 1989-kii, kadib markii uu daabacay qoraaga buugii Aayadaha Shaydaanka, oo Muslimiinta qaar ay u arkeen in aflagaado.)

Ku dhowaad 14000 Macallin ayaa dalbatay Shaqada Macallinimo ee Wasaaradda Waxbarashada XFS

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa Dorraad soo bandhigtay liiska u soo gudbay imtixaanka qoraalka ah ee codsiga jagada macal linimo, oo horay Wasaaradda u shaa cisay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 3,000 oo macalin ay qaadaneyso gu ud ahaan Dalka, kuwaas oo ka hawlgali doona dhamma an Dugsiyada ku yaal Dowlad Gobale edyada; Galmu dug, Hirshabee lle, Koo nfur Galbeed, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa shaacisay tirada tabarayaasha codsiga dhiibtay, kuwaas oo gaaraya guud ahaan 13,187 macalimiin, waxaana shuruudaha laga rabay buuxiyay 7,581 oo u fadhiisan doona Imtaxaanka Wasaaradda.

Macalimiinta la qaadanaya ayaa kala ah; Xanaano, Dugsiga Hoose, Dugsi Dhexe, Dugsi Sare iyo Dugsiga Farsamada, Tababarayaasha ugu badan ayaa waxa ay iska diiwaan galiyeen Gobolka Banaadir kuwaas oo tirad ooda lagu sheegay in ay gaarayaan 3,799.

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa sheegtay dhama an Musharaxiinta usoo gudbay imtixaanka qoraalka ah waxa ay imtixaanka ku geli doonaan goboladdii ay soo doorteen markii ay soo codsanayeen shaqada.

Liiska ay Dorraad shaacisay Wasaaradda Waxbara shada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriy adda Fed eraalka ee Soomaaliya ayaan ka soo muuqan Dowlad Gobaleedka Puntland, xilli dhammaan Maamul Gobale edyada Dalka ay ka soo muuqdeen, balse Wasaaradda ma sheegin sababta

MAXAA KU QORNAA WARQADDA 100 SANO KA DIB SOO

 GAARTAY HALKII AY KU SOCOTAY?


Bogga hore ee bashqadda

Dhambaal la qoray bishii Febraayo ee sanadkii 1916-kii ayaa gaadhay aqal ku yaalla koonfurta London in ka badan 100 sano ka dib.

Bashqadda oo ku shaabadeysan (1P) oo ah shilinkii xilligaas la isticmaali jiray oo u u ku sawiranyahay boqor George-kii shanaad ee Ingiriiska, ayaa soo gaadhay guriga uu daganaa Finlay Glen oo ku yaal waddada Ha mlet ee xaafadda Crystal Palace, 2021-kii.

Wuxuu yiri: "Dabcan filan waa ayey nagu noqotay waxaannu la amakaagnay halka ay taallay in ka badan boqol sano.”

Shirkadda Royal Mail ayaa sheegtay in aan " la xaqiiji Karin waxa dhacay”.

Warqadda ayaa la diray laba sano ka hor inta aan lagu dhaqaawin sahayda dagaalkii kowaad ee aduunka iyadoo Boqor George-kii shanaadna uu kursiga ku fa dhiyo shan sano.

Harold Wilson iyo Sir Edward Heath oo labuduba ray sal wasaare ka noqon doona Ingiriiska ayaa labaduba dhashay dhamaadka sannadkaas.

FINLAY GLEN, Ninka warqadda hadda haya

Inkasta oo ay dembi tahay inaad furto warqad aan adiga kuu soconin, sharciga adeegga boostada 22 2000-kii, agaasimaha masraxa ayaa sheegay inuu dareemay inay iska caadi tahay inuu furo ka dib markii uu ogaaday inay ahayd 1916 ee aanay ahayn 2016.

27-tan jirkan ayaa intaa ku daray ”Hadii aan dembi ku dhacya, raali gelin umbaan ka bixin karaa.”

Waxay warqaddu ku socotay "katie-tayda qaaliga ah”, xaaska Oswald Marsh, sida lagoo xigtay Stephen Ozf ord oo ah tifaf-tiraha joornaalka maxalliga ah ee Norwo od oo saddexdii biloodba hal mar soo baxa.

Oswald Marsh waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid ka dillaaltama shaamabadaha waraaqaha rasmiga ah la saaro oo loo yeeran jiray marka laga shakiyo rasmi aha anshaha shaabadaha saaran waraaqaha.

Waxaa qoray gabadh qoyska la saaxiib ahayd oo la oran jiray Christabel Mennel, oo ah gabadh ka dhalatay qoys hantiile ah oo ka ganacsada caleenta shaaha ee Henry Tuke Mennell, mar ay dalxiis ku joogtay Bath.

Waxay dhambaalka Ms Mennell ku sheegtay, "yaxyax ayaan dar eemayaa ka dib markaan shee gay waxa aan sameeyay,” iyo in ay dareemayso " silac halkan oo aad u qabow”.

Warqadda 1916 kii la qoray oo furan

XIGASHADA SAWIRKA,FINLAY GLEN

Qoraalka sawirka,

Waxay dhambaalka Ms Mennell ku sheegtay, "yax yax ayaan dareemayaa ka dib markaan sheegay waxa aan sameeyay,”

Mr Oxford wuxuu yiri: "Waa wax aan caadi ahayn oo runtii aad u xiiso badan marka dib loo eego hogaanka taariikhda deegaanka iyo dadkii ku noolaa Norwood, taas oo ahayd meel aad ugu caan ahayd qoysaska la dan ee heerka dhexe dhamaadkii 1800-meeyadii.

"Crystal Palace waxa ay abuurtay dad aad u hodan ah oo aad u badan, sidaas darted inaad ogaato qof halk an ugusoo guuray isla babtaas awgeed ayaa ah mid aad u xiiso badan."

Joseph Chandler Marsh

XIGASHADA SAWIRKA,THE ANNUAL MONITOR

Qoraalka sawirka,

Oswald Marsh waxa uu ahaa wiilka Joseph Chandler Marsh

Mar la weydiiyey waxa uu sameyn lahaa hadii ay la soo xiriiraan qoyska qofka warqadda soo diray amaba kuwii loo diray wuxuu Glen ku jawaabay: " waa qayb caj iib ah oo ka mid ah taariikhda qoyskooda oo soo baxday hadii ay u baahanyihiin way ii imaan karaan.” Sheekada ayaa markii u horeysay kasoo muuqatay joornaalka ko onfurta London Arbacadii aanu soo dhaafnay. Af-hayeen u hadlay Shirkadda boostada ee Royal Mail ayaa yiri: " Dhacdadan oo kale marar badan ayey dhac daa mana cadeynkarno waxa dhacay ..

" Waan ku faraxsannahay in ay dadka xiiso galiso taar iikhda warqaddan ka timid 1916-kii balse ma haynno wax xog ah oo ku saabsan sida ay wax u dheceen.”XIGASHO:BBC

 

DHUL-GARIIR labaad oo ku dhuftay dalka TURKIGA iyo wararkii ugu dambeeyay

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dhul-gariir lab aad oo markale ku dhuftay dalka Turkiga, waxaana haa tan kooxaha gurmadka ay baadi goobayaan dadka ku hoos jira dhismooyinka ku burburay dhul-garirka ka dha cay dalkaasi.

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 6.4 iyo 5.8 ayaa ku dhuftay koofur-bari oo u dhow xadka Suuriya, halkaas oo lixdii bishan ay ku dhufteen labo dhulgariir oo labadaba dalba saameeyay.

Dhulgariiradii hore ayaa 44,000 oo qof ku dilay Turkiga iyo Suuriya iyadoo tobnaan kun oo kalena ay hoy la’aan noqdeen.

Dhismooyinbka ay hore u jilciyeen dhulgariirrada ee labada dal ayaa dumay.

Hay’adda musiibada iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay dalkaas abbaaro 20:04 xilliga dalkaas (17:04 GMT), waxaana saddex daqiiqo kaddib xigay mid kale oo lagu qiyaasa 5.8.

Saddexda dhimasho ayaa ka dhacday Antakya, Defne, iyo Samandag, sida uu sheegay wasiirka arrima ha gudaha, Süleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay inaysan gelin dhismooyinka khatarta ku jira.

Soylu ayaa sheegay in 213 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Musiibadan labaad ayaa timid maalin ka dib markii ay hayadda musiibooyinka ee Turkiga ku dhawaaqday in lasoo afjaray howlihii gurmadka ee ka socday dalkaas marka laga reebo labo gobol.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa si aan kala joogsi lahayn u shaqeynayay labadii isbuuc ee lasoo dhaafay iyagoo burburka hoostiisa kasoo saaray dad saacado badan ku xannibnaa dhul gariirka ka dib.

Si kastaba, inta uusan imaan dhul-gariirka labaad wax aa raadinta dadka laga waday gobollada Kahraman maras iyo Hatay, sida uu sheegay madaxa hayadda qa ran ee musiibooyinka.

Ugu yaraan 50 askari oo lagu dilay dalka Burkina Faso.

Ciidamada Burkina Faso ayaa haatan sheegay in in ka badan 50 askari lagu dilay weerar ay kooxo loo male ynayo maleeshiyaad Islaamiyiin ah ay ka geysteen waq ooyiga dalkaas. War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in ilaa hadda la helay meydadka 51-askari hal ka wali la la’yahay dhowr askari, waxaana goobta uu we erarka ka dhacay laga qaaday saddex askari oo dha awac ah. Militariga ayaa goor sii horeysay sheegay in 8 askari ay ku dhinteen weerarka kaasoo

ay ku tilmaameen dagaal xoogganaa oo ka dhacay gobolka Oudalan. Waxay ku andacoodeen inay dileen in ka badan 100 ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, in kastoo aan tiradaas si madax bannaan loo xaqiijin karin. Sanadkan waxaa sare u kacay weerarada ka dhaca waqooyiga Burkina Faso, iyadoo in ka badan 100 qof ay ku dhinteen lixdii toddobaad ee ugu horreysay ee isla sanadka. Guuldaradda ku saabsan in la joojiyo dhiigga daadanaya kaasoo horseeday laba afgambi oo ka dhacay dalkaa sannadkii hore iyo soo afjaridda haw lgalkii milatari ee Faransiiska ka waday halkaas.

Dhacdadan ayaa la soo wariyay iyadoo Faransiiska si rasmi ah u soo afjaray hawlgalladiisii ​​millatari ee uu ka waday waddankaas oo ay askarta Faransiiska ku sug naayeen tan iyo 2015-kii si ay gacan uga geyst aan ​​la dagaallanka kooxaha maleeshiyaadka.

Shaqaalaha dowladda hoose ee dalka Koo nfur Afrika oo dul seexda xabaalaha

Qaar kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ee dee gaan katirsan dalka Koonfur Afr ika, ayaa wajahaya da cwad la xiri irta inay ku dul seexdaan xabaa laha.

Maamulka dowladda hoose ee deegaan kani, ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah shaqaalahooda ay ku soo oogi doonto fal anshax xumo, kaddib markii baraha bul shada lagu baahiyay sawirro muujinaya iyaga oo fa dhiya, ama dul seexanaya qabuuro dushooda.

Shaqaaluhu ayaa waxay ka socdeen waaxda beeraha ee dawladda hoose – oo u xilsaaran nadiifinta jardiino oyinka iyo goobaha dadweynaha, sida ay sheegtay war baahinta maxalliga ah.

Ma cadda goorta sawirada la qaaday.

Bayaan ay soo saartay, degmada Msunduzi, ee gobolka Kwa-Zulu Natal ee dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu sheegay inay ka warqabto maamulka degmada waxa noqon karaya "sawirro abuuraya khalkhal”.

"Dawladda hoose ma aqbali doonto hab-dhaqanka noocaas ah, waxayna qaadi doontaa hab-raacyo lagu soo oogayo shaqaalahani dacwad la xiriirta anshax-xu mo, iyo inay sumcad-xumo usoo jiideen degmada,” ayaa lagu yiri bayaanka

Somaliland oo sheegtay in lasoo weeraray ciidama deeda ku sugan Laascaanood

Kadib dagaal Dorraad ka dhacay Laascaanood, xuku umada Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda lasoo weeraray xili lagu guda jiro dadaalo nabad lagu raad inayo.

Warsaxaafadeed ay baahisay Wasaa rada Arrimaha Guddaha Som aliland, ayaa lagu sheeg ay in kooxo hubay san oo ka soo horjeeda in nabad laga dhaliyo ma gaalada, ay weerar ku soo qaadeen ciidama da, xili salaadiin nabad doon ahi ay kusii jeed aan magaalada Laasca anood.

"Si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joo jinta ayay Dorraad kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuu riyadda Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaano od, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday".

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay is difaaceen iyaga oo fulinaya xabad joojintii ay xuk uumadu ku dhawaaqday, kadib markii weerarka lagu soo qaaday.

"Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iya goo fulinaya xabad joojintii xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed waxay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka Qaranku weerar maaha".

Ciidamada Somaliland oo ay hore xukuunadu u shee gtay in ay ku suganyihiin xeryahooda, ayaa muuqaal dhawaan laga soo duubay waxa uu caddeeyay in ay ku suganyihiin qaybo badan oo magaalada kamid ah.

Garaadada Laascaanood ku sugan ayaa codsaday in ciidanka magaalada laga fogeeyo si xabad joojintu u hirgasho, xukuumada ayaa dhankeeda sheegtay in ay magalaada joogaan kooxo nabad diid ah oo aan ka amar qaadan garaadada.

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin oo Amray

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa Dorraad sheegay in uu ka warqabo qorshe uu mara ykanku ku doonayo in uu ku tijaabiyo hubka cusub ee Nukliyeerka, wuxuuna Putin faray wasaaradda difaaca ee Ruushka in ay isku diyaariso tijaabinta Nukliyeerka Ruushka, si ay uga jawaabto tillaabada maraykanka.

Madaxweyne Putin wuxuu intaas ku daray in ciidamada Maraykanku ay Ciidanka Ukraine u soo aru uriyeen xog ku saabsan xarumaha istiraatii jiga ah ee militariga Ruushka, si ay u weer araan, taasina ay tahay mid khiyaano ah.

Putin ayaa yiri: "Waxba ma tijaabin doono, laakiin haddii Maraykanku tijaabiyo hubkiisa Nukliyeerka, annaguna sidaas oo kale ayaan samayn doonnaa”.

Sanadkii 2010, dalalka Maraykanka iyo Ruushku waxay kala saxiixdeen heshiis la dhaho START, kaas oo ku saabsanaa xakameynta hubka Nukliyeerka.

Heshiiskaas waxaa shan sano oo cusub loo kordhiyay sanadkii 2021, waxaana ujeedada heshiisku yahay in la xakameeyo, lana dhimo ciidamada istaraatiijiga ah ee nukliyeerka ee ay isticmaalaan dalalka Maraykanka iyo Ruushka

MAXAAD KA TAQAANAA 10 KA DAL EE DADKO ODU U GU CIMRI DHEERYIHIIN?


Qoys Muslimiin ah oo faraxsan

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee farxadda iyo cimri dheerarka badiya waxaa ka mid ah la noolaanshaha dad kale

Lucile Randon waxay ahayd qofka ugu da'da weynaa adduunka (ee la diiwaan gali yo) markii ay dhimatay bishii Janaayo ee sannadkan iyadoo 118 sano jir ah.

Waxaa loo yaqaannaa ‘Sister André’, haweenaydan Fara nsi iska ah waxay goob joog u ah ayd labadii dagaal ee add uunka, fuulistii aadanaha ee dayaxa, iyo xilligan casriga ah ee teknoloojiyadda.

Sheekadeeda ayaa ah mid cajiib ah, marka la eego in cel celiska cimriga adduunka uu yahay 73.1 oo sano.

Hase haatee malin walba oo inna dhaafta cimri dhe erarka ayaa kor usii kacaya iyada oo da’da cimriga ee dadka la filayo in celcelis ahaan uu dhaafo 77 sano ba dhtamaha qarnigan aan ku jirno, sida ay saadalisay Qarama Midoobey.

Sida cimri dheerarka uu kor ugu kacayo si la mid ah waxaa hoos u dhacaya dhal ashada caruurta, taas oo inaga dhigaysa bulsho gabow ah.

Waxaa hadda qudheeda adduunka ku nool dadka 65 sano jirka ka sareeya oo ka badan kuwa shan sano jirka ka hooseeya, inkasta oo ay xaaladdu u kala duwan tahay waddamada.

Lucile Randon waxay geeriyootay bishii Janaayo ee sannadkan iyadoo 118 sano jir ah.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Lucile Randon waxay ahayd qofka ugu da'da weynaa aduunka (ee la diiwaan galiyo) markii ay dhimatay bishii Janaayo ee san nadkan iya doo 118 sano jir ah.

Halka dalka Monaco celeliska cimrigiisu uu yahay 87 sano, waddanka Jaad oo ah dal sabool ah oo ku yaal bartam aha Afrika ayuu celceliska cimriga dadkiisu si dirqi ah ku gaarayaa 53 sano.

Monaco oo ah dalka dadkiisu ugu cimriga dheeryahay waxaa soo raaca Magaalada Shiinaha ee maamulka gaarka ah leh – Hong Kong iyo Macao, kaalinta afraad na waxaa ku jira Japan oo ah waddanka ugu cimriga dheer marka la eego dalalka quwadda leh ee caalamka.

Inta soo hadhay liiska waxaa buuxiyey waddamada, Lie chtenstein, Switzerland, Singapore, Talyaaniga, koo nfurta Kuuriya iyo Spain, sida lagasoo xigtay warbixinta Qaramada Midoobey ee saadaasha da’da.

Ka sokow faafaha Covid19 oo nafta dhaafiyey dad badan qaar kalena halis galiyey, haddana celceliska da ’da dadka ayaa sii kacaysa labadii qarni ee u dambee yay, waxaana loo saadinayaa sameynta iyo hormarinta tallaallada, dawooyinka, nadaafadda, cuntada iyo xaaladda nololeed ee aadanaha.

”Go’aamada xeeladaysan”

Inkasta oo hidde-sidaha uu yahay mid ka mid ah qodobbada go'aamiya cimri dhererka, hadana da’da oo weynaata ayaa inta badan sidoo kale lala xiriiriyaa xaal adaha nololeed ee qofka, halka uu ku dhashay iyo go'aanadooda shakhsi ahaaneed.

Ma aha oo kaliya in la helo nidaam caafimaad oo wa naagsan iyo cunto wanaagsan, laakiin sidoo kale waxay khubaradu ku magacaabaan "go'aamo caqli-gal ah" mar ka la eego qaadashada cunto dheellitiran, seexashada hurdo fiican, xakamaynta heerarka walwalka ama sam eynta jimicsi.

Waddamada kaalmaha hore kaga jira rajada cimri dheerarka nolosha waxay ka siman yihiin hal wax ay wa daagaan: dakhli heersare ah. Laakiin waxaa jira wax ka le oo iyaga mideeya: waana baaxadda.

Patrick Gerland, oo madax ka ah Waaxda Q/ Midoo bay ee Qiyaasta Dadweynaha iyo Qaybta Saadaa sha, ayaa ka digaya in ay jiraan waddamo liiska ku jira sida Monaco ama Liechtenstein, maadama ay baaxad ahaan yaryihiin, in aanay matalin ummado kala duwan.

Maxay ka simanyihiin dadkani

Wariye Dan Buettner ayaa isku dubba riday koox khubaraha si ay u raadiyeen una darsaan bulshooyinka cimri dheerarka lagu tuhmo. Buettner iyo kooxdiisu wa xay heleen habab caadi ah oo bulshooyinka la daraa seeyey kuwaas oo aragti ahaan sharxi kara sababta ay dadkaasi u leeyihiin cimri dheer iyo nolol tayo le oo ka wanaagsan inta kale ee adduunka. Waxaana ka mid ah kuwan:

Waxay nolosha ka leeyihiin ujeedo: "ikigai", oo ah er ay afka Japan-ka ah oo loo isticmaalo in lagu tilmaamo "sababta" ama sababaha aan subax kasta usoo kacno.

Waxay dhisaan xidhiidhka qoyska.Waxay yareeyaan walbahaarka iyagoo kala gooyay ha wlaha caadiga ah ee maalinlaha ah si ay u sameeyaan fursad ay ku qabtaan hawlaha kale ee qayb ka ah caado oyinka bulsheed ee caadiga ah.

Cuntada ma badsadaan: waxay cunaan kaliya 80% awooddayada wakhti kasta qofku cuni karo.

Waxay leeyihiin cunto dheeli tiran oo ay ku jiraan khud aar badan, digir, iyo miro.

Waxay si yar u isticmaalaan ama iskaba dayaan kham riga.

Waxay sameeyaan dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah iyada oo qayb ka ah hawl maalmeedka, sida socod ka.

Waxay leeyihiin dareen xoogan oo bulsho waxayna ka qaybqaataan wareegyada bulsheed ee kor u qaada dabeecadaha caafimaadka.

Waxay qayb ka mid yihiin kooxaha leh iimaanka ama diinta

Waxaas oo dhan waxaa wehliya waxyaabo ay ka mid yihiin, jawi xasilloon, dabeecad wanaagsan, cunto caafimaad leh oo dhadhan fiican leh oo la heli karo, nolosha bulshada, ka fogaanshaha xarumaha waaweyn ee magaalooyinka.

Kali ha noqon

laba waayeel oo faraxsan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

"Waxay u muuqdaan waddamo aan caadi ahayn. Ma aha kuwa ka kooban dadka sida ka dhacda qaybaha kale ee adduunka."

"Waxa ay wadaagaan waa nolol heersare ah, helitaan caafimaad iyo adeegyo waxb arasho oo wanaagsan, laakiin maaha doorasho aan toos ah ayn," ayuu yidhi Gerland oo la hadlaya BBC Mundo.

Waxaa la arki karaa kala duw anaanshiyaha u dhexeeya dalalka iyo sidoo kale guda ha hal waddan. Marka ay jirto sinnaan la'aan badan, far qiga rajada nolosha ee u dhexeeya kooxaha bulshada ayaa kordha.

"Qaar badan oo ka mid ah wadamada Scandin avian-ka, tusaale ahaan, waa bulshooyin sinaan leh oo laga filayo nolol sare," ayuu raaciyay.

Marka laga soo tago xannibaadaha dhaqaalaha ama na qshaddaada hidde-sideyaasha, qaar ka mid ah furayaa sha la helay dareenka yar, khubaradu waxay yiraahde en, waa sida loola xiriiriyo dadka kale oo loo helo ujeedo nololeed.

Tani, oo laga yaabo inay u muuqato mid fudud, waa mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee kuwa xiiseyn aya inay helaan nolol tayo wanaagsan leh muddo dheer.

Khabiirada sida Luigi Ferrucci, oo ah agaasimaha sayniska ee machadka qaranka ee gabowga, ayaa ku doodaya in dadka waaweyn ee caafimaadka qaba ay u muuqdaan inay jidh ahaan firfircoon yihiin, wakhti ku qaataan bannaanka oo ay xidhiidh adag la yeeshaan asxaabta iyo qoyska.

Meesha ay khubaradu ku heshiin waayeen ayaa ah inta ay le'eg tahay hidde-sideyaasha iyo qaab nololeed ka qofka ee saameeya cimriga dheer.

Cilmi-baadhisyada qaarkood waxay soo jeedinayaan in hidde-sideyaashu ay qiyaastii 25% ka yihiin cimri dhe rerka, halka inta soo hadhay ay la xidhiidhaan arrimo ay ka mid yihiin halka uu qofku ku nool yahay, waxa uu cu no, inta jeer ee uu jimicsigu sameeyo, iyo habka taage erada ee saaxiibbada ama qoyska.

Si kastaba ha ahaatee, miisaanka bakhtiyaanasiibka hidaha ee nolosha dheer iyo caafimaadka weli waa arrin dood ka taagan bulshada sayniska. XIGASHO:BBC

Deg Deg: Jesiirada Sicily ee dalka Talyaa niga Dhul-gariir ka dhacay.

Xarunta La-socodka Dhul-gariirka ee Europe iyo Badda Mediterranean ayaa soo werisay inuu Dhul-gariir ka dhacay meel ka baxsan Jesiirada Sicily ee dalka Talyaaniga. Dhul-gariirkaasi oo Halbeegiisu ahaa 4.5 Richter Scale ayaa waxa uu dha cay 01:11 daqiiqo ee Saqdii Dhe xe ee Habeen hore ee xilliga dalkaasi. Xu ddunta Dhul-gariirka ayaa waxa uu ahaa meel 94 KM dhanka W/Bari kaga toosan M/Palermo

oo ah Caasimadda Gobalka Jesiirada Sicily oo ku taalla Badda Mediterranean waa mid ka mid ah 20-ka Gobal ee uu ka kooban yahay dalka Talyaaniga. Gobalka Jes iirada Sicily (Regione Siciliana) oo ku taalla Koonfurta Talyaaniga waxaa ku nool 5 milyan oo qof. Lama soo werinin wax khasaaro Nafeed ama Qalab oo uu geystay Dhul-gariirkii Habeen hore ka dhacay jesiiradda Sicily.

Dhanka kale, Jesiiradaasi waxaa horey uga dhacay Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 7.5 Richter Scale bishii December 28-dii ee sanadkii 1908-dii oo ah, waxaana ku dhintay in ka badan 100,000 oo qof. Muddo daqiiqado kadib, Dhul-gariirkaasi lagu le’day waxaa ku xigt ay Sunaami ku dhuftay Xeebaha la deriska ah Jesiirada Sicily, iyadoo ay 93% Dhismooyinkii ku taallay Messina at ku burbureen, iyadoo ay ku dhinteen Ku-dhawaad 70,000 oo qof. Dhul-gariirkaasi waxaa loo aqo onsaday mid ka mid ah Dhul-gariiradii ugu ballaa rnaa ee ka dhaca dalka Talyaaniga, waxaana Dhul-gariirk aasi loo yaqaanaa Dhul-gariirkii Messina (The Messina earthquake)

OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA



CAMEL


 

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee kore (CAMEL STYLIZED) is the property of JAPAN TOBACCO INC. of 2-2-1 Toranomon, Minato-ku, Tokyo, Japan iyo in calaamad ganacsi oo isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

fasalka 34: tubaakada; cayriin ama la soo saaray, maqaallada sigaarka cabba, taraq.

OGAYSIIS WAXAA KALE OGEYSIIN IN JAPAN TOBACCO INC. ay sheegato dhammaan xuquuqaha laxiriira sumadda ganacsiga ee aan kor kusoo xusnay ee Soomaaliya waxayna bilaabaysaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan haddii kale ay ku xad gudubto xuquuqdeeda.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip