HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 21-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Tuesday February 21, 2023 - 08:20:58 in Wararka by
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 21-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Golaha Wasiirada EAC oo ka fiirsan do ona warbixinta xaqiijinta Soomaaliya si ay uga mid noqoto ururka EAC

Xoghayaha Guud ee dallada bulshada bariga Afrika ee EAC, Peter Mathuki ayaa wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka wada hadleen Shirka Midowga Afrika.

Mathuki ayaa uga warbixiyay mad axweyne Xasan halka uu marayo codsiga Soomaaliya ee ku aadan ka mid noqoshada ururkan iyo arr imo kale oo gobolka ah.

Golaha wasiirada ee dallada EAC ayaa ka fiir san doona warbixinta xaqiijinta Soomaaliya si ay uga mid noqoto EAC. Dabayaaqadii bishii ho re, koox khubaro ah oo ka socda dalalka ay bah wadaagta yihiin EAC ayaa si rasmi ah u bilaab ay howlgalka xaqiijinta ee lagu qiimeynayo sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay ka mid noqo shada urur goboleedka.

Kooxdu waxay qiimeeyeen xeeladaha iyo qo rshayaasha horumarineed ee Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jiraan kaabayaasha, tamarta, waxbarashada & sayniska, nabadda iyo amniga, iyo iskaashi ga caalamiga ah.

Kooxdu waxay sidoo kale dib u eegis ku sam eeyeen maqaamka Soomaaliya ee sharciga ca alamiga ah waxayna dejiyeen diyaargarowga dalku ugu jiro ka mid noqoshada Midowga dalla da EAC.

Haddii la ogolaado, Soomaaliya waxay ku bi iri doontaa 7-da xubnood, waxayna noqon doon taa siddeedda waddan ee EAC

R/W. Barre oo furay shirka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha

RW/asaaraha Xukuumadda Federaalka, Xa mse Cabdi Barre ayaa Shalay Magaalada Mu qdisho ka furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, oo lagu soo ban dhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka hor yaalla.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in cadd aaladdu ay tahay unug isku xiran, oo ay lagama maarmaan tahay in si halmar ah la isla saxo, is la-markaana aan waxba laga qaban karin amn iga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, had dii aan la hagaajin.

R/Wasaare Xamse Cabdi Xasan ayaa ku baaqay in bulshada So omaaliyeed laga wacyigeliyo dha qamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno.

R/Wasaare Barre ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali karin xilligan dagaalka lagu la jiro kooxaha Khawaarijta ah in maalin walba muw aadin Soomaaliyeed oo aan waxba Shalaysan la gu dilo jidadka, isagoo faray hay’adaha caddaal adda in ay qaadaan tallaabooyin lagula xisaabt amayo kooxaha dilalka gaysanaya.

Shir Sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soom aaliyeed ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Xeer Ilaaliyeyaasha Dowl ad Goboleedyada, Safiiro iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo tallaabo qaaday kadib xildhibaanno loogu hanjabay aragtidooda siyaasadeed

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shac abka ayaa sheegay in lagu handaday aragti ay ka dhiibteen sharciga hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo maalmahaan ay do odiisu ka socotay golaha.

Arrintaan guddoonka golaha shacabka ayaa deg deg u soo fara-geliyey, wuxuuna guddoom iye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in caga ju gleyntaas raali gelin laga bixiyey, islamarka ana lagu balamay inaysan soo no qon.

Mid ka mid ah xildhibaanadii lasoo wacay ee loo hanjabay markii ay ar agtidooda ka dhiibteen sharciga cu sub ee hey’ adda Socdaalka ayaa sheegay in ra ali gelin kal iya aan lagu qanci karin oo loo baah an yahay in ficil la sameeyo, maadaama xildh ibaano loo han jabay.

"Xildhibaankii ku qancay raali gelin sharaftee na ayuu meel uga dhacay, arrintaan waxbaa ka soo noqon kara, guddoomiye iyo xildhibaano arr intaas sharciga wixii uu ka qabo hala marsi iyo, xildhibaanada inta lasoo wacay ayaa lagu yiri baarlamaankaa igala dagaalantaye banaan ka ayaan kaala dagaalamaa, arrintaas waa gef weyn, sharciga in lagu xaliyo ayaan rabnaa arr intaas,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed oo ka tirs an golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka shir guddoominayey ayaa islamarkiiba arrintaan ka hadlay wuxuuna dalbaday in xiisadda la dej iyo, maadaama raggii hanjabaada sameeyey ay raali gelin bixiyeen.

"Arrintaas xildhibaanadii ay ku dhacday waa loo yeeray, waa lala fariistay, waana laga raali geliyey, waa dhamaatay, hadda kadib qofkii is ku dayana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa oo raali gelin lagama aqbali doono, marka wala alihii ay arrintaas kala gaartay waa iska raali ge liyeen, laakiin xildhibaanka cid fikirkiisa ku cola adi karta ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Lama shaacin cidda u hanjabtay xildhibaan ada dalbaday in qodobada qaar ee sharciga he y’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dib loo saxo, kaas oo maalmahaan ay xildhibaanadu ka doo dayeen.

Sharcigaan oo ah kii ugu horeeyey oo hey’ daan ay yeelaneyso ayaa waxaa golaha u soo gudbiyey agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi, waxaana dood dheer kadib anxisiyey xildhibaa nada golaha shacabka.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaad ir oo daah-furay tartanka cayaaraha degmooyinka gobolka

Kusimaha Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna G/miye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Ma amulka G/Banaadir Md.Maxamed Axmed Diiri ye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arri maha Bulshada ee Maamulka Gobolka ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan ee kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Furitaankan tartankan oo ka dhacay garoon ka Stadium Eng Yariiso ow ayaa waxaa goob jo og ka ahaa Wasiiro& Xil dhibano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeen ka arrimaha bulshada Maamulka G/Ban aadir iyo boqolaal dadweyna ah oo ka kala soc da qeybaha Muqdisho.

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka G/Banaadir oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanad kaste mar la qabtaa, kaas oo ay usoo da awasha tagaan kumanaan dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Gobolka.

Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Deg mada Dharkeenley ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow ku soo bandhigay ciyaar xiisa badan. Iyadoo guusha ay ku raacday Kooxdii u ciyaareysay De mada dharkeynleey oo 3 keensatay iyo Balcad oo waxba dhalinin

RW Xukuumadda oo xarigga ka jaray Xarun ta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Raysal Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Ba rre ayaa Shalay xarigga ka jaray Xarunta Wasa aradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa, isagoona sheegay in Gol aha Xukuumaddu ay ka sugayaan wasaaraddaasi soo gudbinta siyaasadda qaran ee lagu badbaadinayo xoolaha Soomaali yeed.

R/Wasaaraha ayaa xusay in dalku uu ku jiro mid ka mid ah abaarihii ugu dabo-dheeraa gob olka, haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinayo xoolaha Soomaaliy eed ay sanadaha dhow dabar go’ayaan.

R/Wasaare Barre ayaa dul istaagay ahmiyadda xooluhu ay u leeyihiin nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, xukuumadduna ay mudn aan siineyso, sidii xal waara loogu samayn la haa dhibaatooyinka soo food-saara xoolo raac atada, oo ay ugu horreyaan dalag yarida iyo biyo la’aanta.

Munaasabadda xarig jarka Xarunta Wasaa radda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa waxaa ka qaybgalay Was iiro ka tirsan XFS,Xildhibaanno iyo Danjiraha Midowga Yur ub ee dalka, Tiina Intelmann.

Wasaaradda amn iga oo beenisay warar laga f/fiyey barnaamijka dha qan celinta dadka kayimaada Khawa arijta.

Wasaaradda amniga gudaha XFS ayaa be enisay jiritaanka warar laga faafiyey barnaamij ka dhaqancelinta dadka ka soo goosta Khawaa rijta ama gacanta lagu dhigo, kaas oo dib u hab ayn lagu sameeyey, iyada oo la gu salaynayo siyaasadda xuku umadda.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa si faahfaahsan looga hadlay marxaladda uu barnaamijkan marayo iyo xuquu qda hawl wadeenadiisa


Daah furka warbixinta sahanka miisaan iyadda qoysaska Soomaaliyeed ee 2023 oo lagu qabtay M/Muqdisho.

Daahfurka warbixinta sahanka miisaaniyadda qoysaska Soomaaliyeed ee 2023 ayaa Shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda furitaanka wax aa ka soo qaybgalay, Ra’ iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaa mac, Wasiirka qorshe ynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiir ka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nu ur, mad ax ka socotay Bangiga adduunka iyo kuwo socd ay hay’adaha caalamiga ah.

Xogtan ayaa ah mid laga sameeyey dalka oo dhan, waxayna qayb ka tahay himmilooyinka dowladda federaalka ee yaraynta saboolnim ada, sidoo kale waxay qayb ka tahay barnaamij ka deyn cafinta dalka

Shirka Wasaaradaha Dekedaha dowlada fed eraalka iyo dowalad goboleedyada oo war murtiyeed laga soo saaray

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Dekadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada ha xubnaha ka ah Dowlada fedraalka Soomaal iya ayaa waxa uu ka qabsoomay Maalada Mu qdisho..

Shirka waxaa soo qab an qaabisay Wasaarad da Dekadaha iyo Gadiid ka Badda DFS,Waxaana Shir-gudoomiyey Was iirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Ba dda Soomaaliya Amb. Cabdulaahi Axmed Jaa mac oo ay wehlinayaan Wasiiru Dowlaha Was aarada Md. Maxamed Cabdulqadir Dhucle iyo wasiir ku xigeenka Wasaarada Md.Saadam Ma xamud Cabdi, waxaana ka soo qayb galay Was iirada Dekadaha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiid ka Badda ee Galmug ,W/Dakadaha &Gaadiidka Badda ee Hirshabeelle,W/Dakadaha & Gaadiid ka Badda ee K/Galbeed& Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jubaland.

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Dakada ha DFS iyo D/Gobaleedyada ayaa ujeedadiisu ahayd xoojinta wadashaqeynta wasaaradaha iyo gorfaynta hawlaha hortabinta leh ee dakad aha iyo xeebaha Soomaaliya.

Gunaanadkii waxaa Shirka ka soo baxay qo dobadaan hoos ku xusan:-

Shirku wuxuu bogaadinayaa kacdoonka ay is ka kaashanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada qalabka ee cadowga khawaarijta loo ga xoraynayo dalka, waxa uuna xoojinayaa in deegaanada laxoreeyey wasaaraduhu ay geey aan adeegyada ay bixiyaan gaar ahaan dhanka xeebaha.

Shirku waxa uu ku heshiiyey in wasaaradu hu ay yeeshaan wadashaqeyn joogta ah, shirka madasha wasaaradaha Dakadaha DF&D/Gobal eedyadana uu joogto noqdo. Shirku waxa uu ku heshiiyey hormarinta dekada ha jira iyo uqar eemida dowlad gobaleedyada aan dekadaha lahayn. Shirku waxa uu ku heshiiyey iIlaalinta xeeba ha iyo ka hortagida wasakhaynta badda.

Shirku waxa uu ku heshiiyey dhamaystirka xeerarka hortabinta leh ee dakadaha iyo gaadi idka badda iyo dhaqangelinta xeerarkii la ansixi yey sida Xeerka Gaadiidka Badda Soomaaliy eed. Shirku waxa uu ku heshiiyey xoojinta tabab arada howl wadeenada dekadaha iyo kor u qaa dida xirfadahooda

Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray xar unta hay’adda maaraynta masiibooyinka

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa Shalay booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaran ka ee SoDMA, iyidoo uu xar unta ku soo dhaweeyey gu doomiyahaHay’adda Md. Maxamud Maca llin Cabdul le &gudoomiye ku xigee nka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan.

Kulanka ayaa waxaa wasiirka arrimaha gud aha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi lagu siiyey Warbixin koo ban oo ku saabsan Howlaha ay Hay’adda SO DMA qabatay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee Arrimaha Gargaarka Abaaraha, Xasilinta, Gur madkii Musiibadii Zoobe 2 iyo u Gurmashada dadka ku waxyeeloobay shaqaaqadii L/caanod.

Wasiirka ayaa bogaadi yay shaqada culus ee Hay’adda heyso mudadii koobaneed ee ay shaqeyneysay, asigoo ku am aanay Guddoomi yaha Hay’adda dadaalka u geli yay shaqooyi nka hortabinta u leh Hay’addaKulanka Gudoom iyaha iyo Wasiir Fiqi ayaa waxaa goobjoog ka ah aa Agaasime waaxeedyada,& La-taliyayaa sha Hay’adda.

Bandow Xiliga Habeenkii Ah Oo Lagu Soo Rogay Magaalada Xarardheere

Saraakiisha ciidamadda xoogga dalka ayaa soo saaray awaamir culus oo la xiriirta sugida amniga magaalada Xarardheere oo dhawaan la ga saaray kooxda Al-Shabaab.

Sida ku cad go’aano ka soo baxay shirka ay isugu yimaadeen saraakiishan, waaxaa la isku raacay in habeenkii laga bilaabo lixda maqribn imo illaa waaberiga la joojiyay dhammaan isku socodka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada ee ma gaalada. Dadkii hore u raacay Shabaab ee haa tan doo naya iney dib ugu soo laabtaan magaal ada ayaa lagu amray iney taga an saldhigga bo oliska, si baaritaan amni loo mar siiyo.

Marka laga reebo ciida madda u xilsaaran sugida amnigaee magaala da, dhamaan ciid amadda kale ayaa la faray iney is aga baxaan guda ha magaalada oo ay dib ugu laabtaan talisyadoda.

Saraakiisha ayaa sheegtay in talaabooyin kan ay uga gol leeyihiin sidii ay uga hortagi lah aayeen weeraro Shabaab ay la damacsan yihiin Xarardheere oo ay xogtooda heleen, waxaana shacabka loo diray fariin ah iney feejignaan dhe eri ah muujiyaan.Xigasho:Jowhar.Com25 ka mid ah dagaalyahanada Al-shab aab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ho wlgalo qorsheysan ka sameeyay inta u dhaxey sa deegaanada Ceel bacad iyo Ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgaladooda ku bartilmaam eedsaday fariisimo kooxda Al-shabaab ay ku la hayeen inta u dhaxeysa labadaasi deegaan oo la tilmaamay iney ahayeen Saldhigyo waa we yn.Gaashaanle Aadan Jeele Cali oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgaladan qor sheysan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney ku dileen howlgalka 25 ka mid ah dagaa lamayaasha Ururka Al-shabaab, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen.

G/aashaanlaha ayaa sidoo kale sheegay in how lgalkooda ay ku burburiyeen Saldhigyo waa weyn oo ay kooxdu ka sameeysatay ha lkaas oo ay ku dhibaateyn jir tay dadka shacabka ah.

Deegaanada Ruunirgood iyo Ceel bacad ee G/S/Dhexe ayaa ka mid ah deegaanadii ay hor ay uga talin jireen mudada dheer kooxda Al-sha baab, iyadoona dhawaan ay si buuxdo ula ware egeen gacan ku heynta deegaanadaas ciidama da dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.

PUNTLAND oo sheegtay in amiirka Al-Shab aab uu arrin caafimaad u joogo Hargeysa

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka qayb-galay dood lagu qabtay Twitter Space ayaa eedeyn culus u jeediyay So maliland, wuxuuna sheegay inay si buuxdo u taageerto Al-Shabaab, isla-markaana ay gacan siiso.Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in hoggaamiyaha guud ee ko oxda Al-Shabaab uu haa tan xanuunsanayo, islama rkaana lagu daa weynayo magaalada Hargeysa si doo kalena ca rruurta Al-Shabaab & qoysaskooda ay dagan yi hiin gud aha magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sirdoonka So maliland ay koonfurta usoo gudbiyeen Aadan Suni oo uu carabka ku dhuftay in la rabo in lagu beddalo hoggaamiyaha xanuunsan ee Al-Sha baab Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda) oo isna horay u beddalay Axmed Godane.

"Hadda u dambeysee Aadan Suni Hargeysa ayey ka soo kaxeeyeen sirdoonkoodu illaa ay geeyeen Jilib, waxayna u wadaan in hoggaami yaha Al-Shabaab uu bedallo, ninka hadda xan uunsanayo ee Hargeysa jiifo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray "Al-Sha baab la sheegayaa waa xukuumadihii Somalil and ee kala dambeeyay weeye sidiisaba ee So omaaliya ka jira”.

Caydiid oo sii hadlaya ayaa ku baaqay in lala dagaalamo xukuumadda Somaliland, isla-mark aana go’doon lagu galiyo Hargeysa, isagoo she egay la waayi doono Al-Shabaab.

"Haddii xukuumaddan lasoo afjaro oo lagu soo oodo inta ay Isaaq dagan yahay waxaan ku u caddeynayaa in Al-Shabaab la waayi doono” Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay 82 akoon uga furan tahay Somalil and, gaar ahaan Hargeysa, isla-markaana ay u gu soo dhacaan lacagaha ugu badan.

"Akoonada marka la baarayay ee Al-Shaba ab wax loo mariyo waxaa la helay 82 akoon oo Hargeysa ka furan oo ah kuwa ugu badan ee ay lacagta u marto,” ayuu markale yiri. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland, balse eedeyntan ay aa ku soo aadeyso, ayada oo horey xukuumada Hargeysa ay u sheegtay Puntland & Al-Shabab ay ka dagaalamayaan M/Laascaanod G/Sool

Booliska Muqdisho oo war kasoo saaray dilal ay askari ka geysatay 3 degmo

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay aa Shalayeyd faahfaahin ka bixiyay dilal ay dad shacab

u geysteen askar ka tirsan ciidam ada dowladda, kuwaasi oo Dorraad ka dhacay M/Muqdisho. Afhayeen ka Booliska Soomaaliya Sadiiq Do odishe oo shir jaraa’id ku qabtay M/Muqdisho ayaa sheegay in dilalkan ay ka kala dhaceen is la Dorraad 3 degmo oo kala ah; Howl-wadaag, Xamar-Weyne &Hodan, waxaana dhamaantood ay ahaayeen rasaas ay ciidamo ka tirsan dowla dda ku furanayeen wadada oo jaam aheyd.

Doodishe ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay inta badan askartaasi dadka shacab ah ku dilay 3da, ka dib markii ay si dhaqsa leh u ga howl-galeen CBS & kuwa NISA, halka ku wa kalana ay ku raad-joogaan, sida uu sheegay.

"Howl-wadaag 19-kii February 2023 ayaa 3 shaqsi oo ku lebisan dharka ciidamada qalabka sida oo marayay Masaajidka Nasru-diin waxay rasaas ku fureen dad shacab ahaa oo goobta ka ag-dhawa iyaga oo ku macneynaya inay wa ddo ku furanayeen taasi oo haba-yaraate qalad ah. Waxa ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo goob ta marayay laguna magacaabi jiray AUN Shar maarke Cabdixakiin Diiriye,” ayuu yiri Afhayeen ka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe.

"Waxaa umadda Soomaaliyeed ogeysiineyna in dhacdadaasi qofka marxuumka ah ku eedeys na ciidankii ku eedeysna gacanta lagu dhigay oo sida ugu dhaqsaha badan waxay kasoo hor-muuqan doonaan maxkamadda awooda u leh si cadaalada u maraan.”

Isla Dorraad degmada Xamar-Weyne, gaar ah aan agagaarka Afar-Iridoodka waxay 3 Askari oo ku lebisnaa direyska ciidanka dowladda ay rasaas ku fureen waddo saxmad ah, taais oo ku dhaawacmay Yuusuf Cabdi Xuseen, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

"Yuusuf ayaa waxa gargaar u fidiyay ciida mada amaanka oo goobta ku baxay, waxaana lagu simay goobaha caafimaadka haddana xaal adiisa waa wanaagsan tahay.”

Dhacdada 3aad ayaa isla Dorraad iyaduna Askar ka tirsan ciidanka dowladda ay ka geyste en degmada Hodan, taasi oo rasaas ay jid ku fu ranayeen ku dhaawacantay haweenay goobta ka ag-dhweyd oo lagu magacaaba Saciido Isa aq Aadan. "Gabadhaas ku dhaawacantay ayaa waxay gargaar caafimaad u fidiyay ciidamada amaanka. Dadkii ku eedeysna falkaasi wey xir an yihiin intooda kalena waa lagu raad-jooga, waxaana socota baaristooda.”

Dhacdooyinkan ayaa waxa laba kamid ah ge ystay sida aan hore u baahinay askar ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dhawaan lagu soo celiyey M/Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Shalay xukun dil toogasho ah ku riday laba askari

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee do wladda Soomaaliya ayaa Shalay xukun dil too gasho ah ku riday laba askari oo ka tirsana cii danka dowla dda oo lagu kala magacaabo Cali Cumar Axmed iyo Muuse Cali Nuur, kuwaas oo horay dil qorsheysan ugu geystay marxuum lagu mag acaabi jiray Yuusuf Cabdi Axmed. Lab ada as kari ee Shalay xukunka lagu riday ayaa 19-kii bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay ku di lay marxuumka beertiisa oo ku taala deegaan ka Nambar konton ee G/Sh/Hoose.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in labadan nin markii ay dileen marx uum Yuusuf Cabdi Axmed ay ka qaateen lacag gaareysay $17,300 oo doolar.

Maxkamada waxaa sido kale la horkeenay marqaatiyaal uu ka mid ahaa Darwalkii Moota da ku geeyay labadan askari beerta lagu dilay marxuumka iyo rag kale oo marxuumka shaqa ale u ahaa ayna qaraaba hoose ahayeen, kuw aas oo Maxkamada ka hor sheegay 15-kii bish an Febraayo in dilka ay wada gaysteen labadan askari.

Kiiska labadaan askari ee xukunka toogasha da ah lagu riday ayaa soo maray heerar kala du wan, waxayna soo idlaaday maxkamadeyntoo da 15-kii bishan Febraayo Shalay ayaana lagu xukumay Cali Cumar Axmed iyo Muuse Cali Nu ur dil toogasho ah oo ah qasaasta marxuum Yuusuf Cabdi Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay G/le Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkam ada daraj ada 1aad ee CQS Dowladda Soomaaliya.

Gabar Somali ah oo si arxan darro ah loogu dilay Masar

Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil gabar Soomaaliyeed loogu geystay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi ji ray Caasho Abuukar Ibraahim, waxaana ay ka mid ahed ardayda Soomaaliy eed ee wax ka barata gudaha waddankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dil ka gabadhan uu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaas oo ay ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen ciida mada Booliska ee ka howlgala Qaahira.

Dilka aayaa ka dhacay guri ay marxuumad da ka daganeyd halkaasi, waxaana la sheegay in ceeji lagu dilay, kadibna biyo lagu dhex riday, taas oo xanuun ku reebtay ehellada.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-Faraj ee magaalada Muqdisho, isla-markaana ay horay uga soo baxday marxuum adda ayaa ka tacsiyeeyay geerida gabadha.

Maamulka ayaa sheegay in marxuumad Caa sho ay dalka Masar u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah.

"Bahda Al-Faraj oo isku duuban waxa ay Tac si Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Qaraab ada ay kabaxday Drs Caasha Abuukar Ibraa him Hasan (Abuukar Dheere) oo ku geeriyootay wadanka Masar oo ay u joogtay diyaarinta Mas ter caafimaad ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-faraj ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu maamulku alle uga bara yey marxuumadda inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyske eda iyo qaraabadeeda.

"Waxaan Alle ugu baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Familka iyo qaraabada ay ka geeriyootayna Samir iyo iimaan Alle ka siyo. Iyada qabriga ilaah ha uga dhigo beer ka mid ah beeraha janada,” ayaa markae lagu yiri war saxaafadeed ka Iskuulka Al-Faraj.Ma’aha dilkii ugu horreeyay ee muwaadin Soo maaliyeed loogu geysto Masar, waxaana jira dhacdooyin hore oo ka dhacay dalkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan.

Madaxii maaliyadda iyo madaxii tababarada Shabaab ee gobolka Mudug oo la sheegay in la qabtay

Gudoomiyaha degaanka Bajeela oo 120km u jirta degmada Hobyo gobolka Mudug, Maxa med Shuuke ayaa sheegay in horjoogayaashii ugu sareeyey dhanka maaliyadda iyo tababarra da ee kooxda Alshabaab la qabtay.

Isagoo la hadlayay warb aahinta Dowladda, ayuu she egay in horjoogayaa shan la qabtay, xilli ay ku dhuumaal eysanayeen koonfurta G.Mudug.

Wuxuu sheegay ciidanka dib u xoraynta iyo kuwa Danad inay iska kaashadeen in gacanta lagu soo dhigo madaxii maaliyadda iyo cansh uuraha Alshabaab iyo madaxii tababarada.

Shuuke wuxuu sheegay in lasoo qabtay xilli ay la socdeen gaari Leyla Cawaali ah oo u saar naa raashin uu sheegay inay dad shacab ah ka soo qaateen.

Wuxuu ka gaabsaday inuu magacyadooda shaaciyo sababa la xiriira baaritaan ku socda.

Wuxuu sheegay inay kusii jeedeen deegaanka Camaara, si ay sahay ugu geeyaan Shabaabka ku go’doonsan dhulka la hareeyeeyay

Barkhad Batuun: Garaadadayda waxan ka codsanayaa in Shalay caqligooda lagu kala baxo

Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil. Barkhad Jaamac Batuun, ayaa garaadada Laascaanood ku sugan, ka codsaday in ay nabada qaataan, isaga oo sheegay in xukuumadu dab shidayso.

Xil. Batuun ayaa garaadada ka codsaday in caqligooda iyo cil migooda lagu kala bad baado "Waxan codsanayaa in Shalay caqligiina iyo ci lmigiina, aad ku bad baadisaan dalka iyo dadka, in aydun calanka nabada qaadataan, waxan qi rsanahay in aad tihiid dad ku suntan halgan iyo gobonimo".

Waxa uu sheegay in xukuumadu ay sidato dab ololaya, oo ay doonaysay in ay Boorama ku gubto, lakiin reer Boorama fahmeen, markii danbena ay Burco iyo Sanaag la tagtay, ka dibna ay Hargaysa keentay oo ay dad badan ku laysay, kadibna ay gaysay Sool.

Waxa uu sheegay in dhibaatada xukuuma da Biixi u gaysatay Somaliland anay ahayn dhib Laascaanood oo kali ah ku kooban, lakiin ay ta hay dhibaato gaadhay shacabka Somaliland oo dhan, isla markaana ay luntay aaminadii lagu qabay xukuumadu.

Batuun ayaa ugu danbayntii yidhi "Ugu da nbayn, waxan garaadadayda sharafta leh ka co dsanayaa in Shalay caqligooda lagu kala baxo caqligii xukuumada waa lagu kala bixi waayee

SHAN ARRIN OO MUHIIM AH OO KU JIRAY KHUDBA DII XASAN SHEEKH EE ADDIS ABABA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay meertada 36-aad ee shirka madax da qaa rada Afrika ee ka socda mag aalada Add is Ababa. Xasan oo ah madaxweynihii ugu ho re eyay ee Soomaali ah ee laba jeer xafiiska loo doorto ayaa khudba diisa ku bilaabay sida ay arr intaas isaga fursad ugu tahay iyo dhinaca kale sida ay sharaf u ta hay in dalkaaga laba jeer ma daxweyne aha an ugu adeegtid adiga oo doora sho ku yimid.

Warbixintan waxaa kusoo koobeyna shantii dhinac ee ugu muhiimsana khudbadii madaxw eyne Xasan Sheekh ka jeediyay magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo kala ah;

1.Rejadiisa: Madaxweynaha Soomaaliya wu xuu madaxda Afrika u sheegay in dalkiisa uu dhib badan soo maray, balse dadkiisu yihiin kuwa adkeysi badan, hal-abuur leh oo deeqsini mo ku caan ah.

Wuxuu sheegay in subax walba uu lasoo to oso rejo fiican oo ah in dalka uu ka bixi doono marxalada adag, uuna taas ku shaqeeyo.

2. Dagaalka Al-Shabaab: Xasan Sheekh wu xuu madaxda Afrika u sheegay in dagaalka arg agixisada uu yahay bartilmaameedkiisa 1aad.

Natiijada iyo horumarka laga gaaray dagaal ka ka dhanka ah argagixisada ayuu waxyar ka taabtay, isaga oo dhinaca kale sheegay in dow ladiisa ay sii xoojin doonto dagaalka iyo hadaf ka ah in kooxaha argagixisada laga cirib-tiro So omaaliya, Afrika iyo guud ahaan caalamka.

3. Siyaasad loo dhan yahay: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku dheeraaday ahmiyada siyaasad loo dhan yahay inkasta uusan wax ga ar ah carabaabin, haddana waxa uu sheegay in siyaasada loo dhan yahay ay wadato fursad dhaqaale iyo kalsooni bulsho, uuna arrintaas xo ogga saari doono ayna kamid tahay qorshoo yin kiisa u muhiimsan.

4. Daadajinta adeega dadweynaha: Iyada oo meel xasaasi ah marayo dagaalka Al-Shabaab, dhul badan kooxda laga saaray dowladduna aanay deegaanadaasi weli wax adeeg ah ka qa ban ayuu madaxweynuhu madaxda Afrika ee ku shirsan Addis Ababa u sheegay inuu maamu lkiisa ku howlan yahay gaadhsiinta dadweynaha ee adeega dadweynaha.

5.Afrika iyo midnimada: Madaxweynaha So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ma daxda Afrika xasuusiyay in loo baahan yahay iskaashi iyo wada-shaqeyn Afrika oo dhan. Du nida waxa uu sheegay in aanay Shalay jirin qo lo si gaar ah u guuleysan karta, wuxuu ku baa qay guul la isla baadi-goobo oo qaarada Afrika oo dhan ah.

By:-Abdullahi Osman Farah

DIB U MILICSO: LABA SANO KA HOR ISKU-DAYGII DIL EE KHATAR GALIN GAARAY SOOMAALIYA

Dib ugu laabo maalmaha, habeen hore oo kale laba sano kahor laba madaxweyne oo So omaaliya soo maray ayaa hoteelkii ay degan aayeen lagu weeraray, waa Xasan Sheekh Max amuud iyo Shariif Sh.Axmed oo lagu weeraray hoteelka Maa’ido ee M/ Muqdi sho.Saacada lagu aadiy ay weerarka waa xilli ay badi dadka Magaalada ay hurdeen oo la ami nsana in mad axweynayaashu gurmad fiican heli karin. Ilama ahan inaad Shalay is-wey diineyso yaa weerar ay iyo qorshuhu dil miyuu ahaa.

Dabcan halka aad deg an tahay markii sab ano oo ciidan dabaabad ku hu beysan loo ade egsado, waano iyo wada-hadal ma ahan eewaa doonista in lagu soo afjaro.

Labo sano kadib madaxweynihii loo diray inay ciidanka dowladda soo khaarajiyaan ayaa Shalay dalka xukuma oo ku adkaaday door ashadii dhacday 15-kii May ee 2022.

Kani waa Xasan Sheekh Maxamuud, darsi weyn ayaa halkan ku jira oo la yiraahdo adk eyso ha ka joogsan doonistaada iyo xukun qa adashada khatar badan ayaa ka sokeysa.

Weli wax u eg aargoosi ma uusan sameyn mana ka muuqato Xasan Sheekh astaamaha nin eryanaya ragii isku dayay inay dilaan.

Lama yaqaano waxa uu fali doono gunaa nadka muddo xileedkiisa, iyada oo la xasuusto waxa uu Farmaajo ku kacay dhamaadka muddo xileedkiisa.

Haddii habeenkaas labada madaxweyne la dili lahaa lama qiyaasi karo waxa uu noqon lah aa mustaqbalka dowladeed ee Soomaaliya iyo amniga caasimada.

Soomaaliya oo ah dal weli dowlad ahaan jili csan, qabaa’ilka weli hubeysan yihiin, wadaniy adu ayna xooganeyn, argagixiso dhex jiifto ay aa halis gali karta marwalba oo Villa Somalia uu qabsado hoggaamiye aaminsan siyaasad hube ysan, in la kala adkaado ama tirsanaya taba shooyin hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh Shalay waxa uu haysta cashiro ku filan oo u sheegaya in wax walba dalkaan macquul ka yihiin, sidaas darte edna uu ku qasban yahay nabadooneyn, dad is ku wad, aargoosi la’aan iyo ilaalinta sharciga qoran ee dalka.

Isla Dorraad 19-kii Febraayo ee 2021, nidaam kii madaxweyne Farmaajo waxa uu weerar hub eysan ku qaaday banaanbax ay hogaaminaye en ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, hoggaamiyihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dalkan waxa uu kasoo baxay gacanta hog aamiye aaminsan siyaasad hubeysan oo aan dan ka laheyn xasilooni siyaasade ed, mid bul sho, Al-Shabaab oo laga adkaa do iyo in aan la damqin boogaha qabiilka.

Waxaa la eegaya halka uu Xasan Sheekh dhi go dhamaadka muddo xileedkiisa oo ah 15-ka May 2026.

By:-Abdullahi Osman Farah

Beelaha Somaliland oo ku kala qeybsa may dagaalka iyo go’aan cusub oo lasoo saaray

Shir ay Shalay isugu yimaadeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa si adag looga soo horjeestay go’aamadii ay Dorraad ku dhawaaqeen garab kale oo kasoo jeeda bee shan. Odayaashan Shalay ku shiray Hargeysa ay aa waxay ku eedeeyeen gar abkii Dorraad soo saaray baya anka looga soo horjeeday Muuse Biixi in ay yihiin kuwa ay soo saareen guddida Gacan Libaax ee Garx ajis ee xisbiga Waddani.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka garab kan kale ee beesha Garxajis u qabsoomay ay aa waxaa lagu sheegay in ay ka raali-gelin ayaan umadda Somaliland qoddobadii Dorraad lagu soo saaray magaca beesha.

"Salaadiinta Cugaasha iyo Waxgaradka Beel aha Garxajis ee Sama-taliska ahi waxaay ka raali gelinayaan umada reer Somaliland qodaba dii ay soo saareen Gudida Waddani iyagoo ade egsanaya magaca Garxajis ee ay kaga soo ho rjeedeen xal u raadinta dagaalka sokeeye ee ka soda magaalada Laascaanood.”

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedkan "Shirku wuxuu u cadaaynayaa shacabka reer Somaliland in aanay guddidaasi ku metelin bee laha Garxajis qodobada ay soo saareen.”

Waxay sheegeen inay garab taagan yihiin cid kasta oo ku hawlan sidii loo joojin lahaa dag aalka ka socda Laascaanood, islamarkaana ka shaqeynaysa sidii nabad buuxana loogu soo dabaali lahaa.

"Dadweynaha ku Abtirsada Beelaha Garxa jis dagaalka ka socda Laascaanood, waxay ka la mid yihiin Umada Jamhuuriyada Somaliland iyo cid kasta oo nabada jecel. Waxaanu shacab ka iyo cid kasta oo danaynaysa nabada gobolka as u xaqiijinaynaa in aanu qeyb ka nahay erga da nabada ee ka kooban madax-dhaqameedka Jamhuuriyada Somaliland, ee isu xil-qaamay da riiqo kasta oo dagaalkaasi ku istaagayo.”

Sidoo kale waxay sheegeen in garabkii Dorraad soo saaray bayaanka ay yihiin xisbiga Waddani, sidaa darteedna wi xii gef iyo meel ka dhac ka yimaada eedeynt oo da dusha loo saarayo xisbiga Waddani, sida ay ku yiraahdeen war-saxaafadka ay soo saareen Shalay.

"Salaadiinta Cuqaasha yo Waxgaradkani wa xay Tacsi u dirayaan intii ku dhimatay dagaalk aas (Laascaanood), waxayna u ducaaynayaan inta dhaawacu ka soo gaadhay Rabi ha u boo ga dhayo Aamiin Aamiin.”

Ugu dambeyntiina waxay guul u rajeeyeen ergo ay sheegeen inay isu xil-qaantay xal u heli da nabaada, oo sheegeen in ay qayb ka yihiin beelaha Garxajis, oo sida la fahamsan yahay ah ku kooban garabkan ka tirsan beesha ee Shalay qabtay shirka jaraa’id.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in shirka jaraa’id ee Shalay qabteen odayaashan uu ka dambeeyo Muuse Biixi "oo si weyn u taabteen” go’aamadii Dorra ad ka soo baxay garab kamid ah beesha Garx ajis. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku guuleyst ay in uu kala jebiyo beeshan, isaga oo garabka ka soo horjeeda "ku shaanbadeynaya” xisbiga Waddani, oo kal hore heshiis kula galay madaxt ooyada, si jawi nabdoon loogu dhameeyo xiisa dda ka taagan Laascaanood.

Muuse iyo xukuumadiisa ayaa dhowr jeer sheegay in xiisadda Laascaanood ku wajahaya an wada-hadal, islamarkaana ay u dirayaan er go dhaqan oo lasoo fariisata Isimida ku sugan Laascaanood, inkasta oo garaadada SSC ay sheegeen "in aysan jirin” wax ay ka ogy ihiin erg ada uu sheegay maamulka Muuse Biixi

Afwerki oo si yaab leh uga hadlay ciidankii lagu soo tababaray Eritrea iyo siyaasadda Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Eretria Asias Afwerki ayaa wareysi soconayay 4 saacadood siiyay talefishinka qaranka ee dalkaas ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada So omaaliya iyo faragelinta shisheeyaha

Ku dhawaad 30 daqiiqo oo wareysigaas ka mid ah ayuu xaaladda Soomaal iya kaga hadlay, gaar ah aan dhismaha ciidamada iyo amniga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan loogu tiirsanaan karin ciidammo maleeshiyo ah oo uu ula jeedo ciidamada deegaanka ee dhaw aan hubka qaatay, si ay ula diriraan Al-Shab aab.

Waxaa uu ka hadlay faragalinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo iyo dib u dhiska cii damada, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, "Soomaaliya waxaa looga baahanyahay inay dhisato hay’ado ay u madax bannaan tahay ma adama ay tahay waddan xor ah, tan ugu horey sa waa in uu dalku isku dubba rido ciidamadiisa difaaca, ma aha in lagu tiirsanaado maleeshiy aad, waana in isticmaalka maleeshiyaadka laga saaro hannanka dib u dhiska ciidanka”.

"Si taas loo hir geliyo waan in la helo dawlad Soomaaliyeed oo ku taagan cagaheeda, isla markaana dejisa oo hubin karta istiraatijiyadda dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo difaaca dalka,” ayuu sii raaciyey Afwerki.

Baahida ciidanka difaac ee Soomaaliya

Isaga oo ka hadlaya baahida ciidamada difaaca ee Soomaaliya inta ay la egtahay ayaa waxa uu Afwerki sheegay in marka la eego baaxadda dhulka iyo badda ee Soomaaliya aanay ku filna yn shanta kun ee ciidanka ah ee ay dhawaan Eretria u tababartay Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu faahfaahiyay sida ay So omaaliya u dhisan karto ciidan qaran oo awood leh, isaga qudhiisuna uu diyaar u yahay in arrim ahaas uu ka caawinayo Soomaaliya. Balse wux uu ka digay in faraglin kasta oo shisheeye ay dib u dhac u keeni karto guusha ciidamada Soo maaliya.

Afwerki oo aaminsan in Soomaaliya ay qabto baahi ciidan oo baaxad leh ayaa sheegay in " Soomaaliya ay baahan tahay ciidan ay gaar u leedahay oo tiro ahaan gaaraya 140 kun illaa 160 kun,”.

Faragelinta shisheeye iyo ciidanka Soom aaliya Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidankaas loo dhiso qaab ay ku ilaalin karan jir itaanka Soomaaliya, iyaga oo aan ka amar qaa daneyn dad ajaaniib ah.

"Waa in loo dhisaa ciidankaasi qaab ay ku ilaalin karaan jiritaanka Soomaaliya, ma aha in ay ka amar qaataan dad ajaaniib ah ama ay ka soo jeedaan maleeshiyaad ka kooban qabiillo kala duwan, ama in ay rumaysan yihiin afkaaro kala duwan, waa in ciidanka uu ahaado hay’ad u adeegta midnimada iyo horumarka Soomaa liya, yoolkaasina laguma gaarI karo adeegsiga maleeshiyaadka,” ayuu yiri Asaias Afwerki Ma daxweynaha Eretria. Afwerki oo ku sheegay in waxa Soomaaliya curyaamiyey ay tahay faragelinta shisheeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in si loo fara galiyo Soomaaliya lagu marmarsiyoodo dhibaatada aragagixisada, taas oo uga sii darta xaaladda dalka. "Waxaa uga sii daraya xaaladda Soom aaliya faragelin kasta oo uga timaadda gacma ha shisheeye iyada oo lagu marmarsiyoonayo dhibaatada argagixisada ama Al-Shabaab,” Ayuu yiri Afwerki.

Hadal kEVWORKa madaxwenaha Eretria ayaa kusoo aadaya xilli dagaalka ciidamada dawladda Soomaaliya oo garab ka helaya male eshiyo beeleedyo la magac baxay macawisley da ay kula jiraan ururka Al-Shabaab uu meel xa saasi ah marayo.

Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Zimba bwe Robert Mugabe oo lagu xiray magaal ada caasimadda ah ee Harare

Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Zim babwe Robert Mugabe ayaa lagu xiray magaa lada caasimadda ah ee Harare kadib markii la gu eedeeyay in uu waxyeello u geystay baa bu ur yaallay goob ay ka socotay xaflad, sida uu ku warramay wargeyska dowladda ee Herald.

Waxay u badan tahay in Robert Mugabe Junior lagu soo oogi doono dacw ad ah in uu burburiyay ha nti, sida uu sheegay warg eyska.

Wiilka Mugabe iyo qareenk iisa kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto warar madaxbanaan oo xaqiijinayo arrintani.

Madaxweyne Biden oo booqasho lama filaan ah ku tegay caasimada Ukraine

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah Shalay ku tegay caas imadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guu rada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas.

Biden oo booqashadan ay u aheyd tii ugu ho rreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxw eynahaUkraine Volodymyr Zelensky.

Isaga oo ka dhinac hadlay madaxweyne Zelensky ku na sugan Madaxtooya da Mariin sky, Biden ayaa dib u xusay cabsidii sanad ka hor la qabay ee aheyd in ciidam ada duul aanka ee Ruushka ay qabsan doonaan caasim adda Ukraine.

"Sanad kadib Kyiv weli waa ay taagan ta hay. Sidoo kalena Ukraine waa ay taagan tah ay. Dimoqraadiyadda waa ay taagan tahay. Da dka Mareykanka iyo Dunidana waa ay idin dhi nac taagan yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Bid en. Madaxweynaha Mareykanka ayaa wacad ku maray "taageero aan la loodin karin” oo Mar eykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dho waaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

"Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hub ka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo du qeynta,” ayuu yiri Biden.Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyey booqashada hoggaamiya ha Mar eykanka ee Kyiv, oo uu ugu yeeray inay astaan u tahay sii socoshada taageerada Mareykanka sanad kadib duulaankii Ruushka.

"Joseph Biden kusoo dhowow Kyiv. Booqasha daada waxay astaan aad muhiim u ah ugu ahay taageerada dhammaan shacabka Ukra ine,” ayuu yiri madaxweyne Zelensky.

Ujeedada booqashada Biden ee Kyiv, oo timid ka hor safar la qorsheeyey inuu ku tago caasim adda Poland ee Warsaw, ayaa ah inuu hoosta ka xariiqo in Mareykanka uu diyaar u yahay in uu garab taagnaado Ukraine "muddada ay do onto ha ku qaadato” in la iska caabiyo ciidama da Ruushka.

Waxay imaneysaa xilli codbixino ra’yiga ah oo la qaaday ay muujinayaan in aragtida shac abka ee ku aadan in Mareykanka iyo xulufadiisa ay hub iyo taageero dhaqaale siiyaan Ukraine ay hoos u dhacday.

Kuuriyada Woqooyi oo tijaabisay dhowr gantaal,xilli ay jiraan digniin dagaal

Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo ku wa ridada gaaban ah ku ridday xeebaha bari ee gacanka, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfure ed, laba maalmood ka dib markii Pyongyang ay dib u bil lowday mamnuucista dhaqdhaqaaqyada tijaab inta gantaallada ballistic-ga ee isaga gudba qaa radaha.

Milatariga ayaa sheegay in ay si adag u ca mbaareynayaan labada weerar,iyagoo ku tilm aamay fal daandaansi ah.

Gantaaladaasi,waxaa laga tuuray magaalo xeebeedka galbeed ee waqooyiga caasimadda Kuuriyada Waqooyi subaxnimadii Shalay, sida ay bayaan ku sheegeen madaxda isku dhafka ah ee shaqaalaha Kuuriyada Koonfureed.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ay aa sheegtay in gantaaladaasi ay yihiin kuwo loo gu talagalay in lagu naafeeyo garoomada diyaa radaha ee cadowga, wakaaladda wararka dowl adda ee KCNA ayaa tiri.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay ka hor tgtay gantaaladaasi,isla markaana ay Shalay soo rideen laba gantaal oo ballistic ah,waxaana tijaabinta gantaaladaan la sheegay in ay dhaca yaan,xilli Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya ay sameynayaan dhoolas ciidan.

Wariye mucaarad ku ah dowladda Koonfurta Sudan oo lagu la yahay Kenya

Qoyska wariye caan ah oo u dhashay dalka Koonfurta Sudan, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in lagu afdu ubtay xubinta qoyskooda dalka Kenya, oo si qasab ah loo ggu soo celiyo koonfurta Sudan.

Morris Mabior Awikjok Bak, ayaan la arag tan iyo markii lagu xiray magaalada Nairobi ku dhawaad ​​saddex toddobaad ka hor, rag ku labisan dare eska booliiska Kenya.

Mabior Awikjok, oo ah nin dhaleeceeyay ma daxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, ay aa magan gelyo siyaasadeed weydiistay dowl adda Kenya.Dowladda Koonfurta Suudaan, ayaa lagu eedeeyay inay caburiso mucaaradke eda.zix wariye ayaa la xiray bishii hore, ku waasoo lala xiriirinayo baahinta muuqaalo u m uuqday mid muujinaya Kiir oo dharkiisa hoose ay qoyan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip