HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 20-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Monday February 20, 2023 - 08:55:39 in Wararka by
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 20-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan oo ballan-qaadyo muhiim ah ka helay Ruto kadib kulan ka dhacay Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad kulan doceed kula yeeshay M/Addis Ababa ee dalka Ethiopia dhigiisa dalka Keny a Md.William Ruto.

Kulankan ayaa waxaa loo ga hadlay xoojinta xiriirka lab ada dal, dagaalka Al-Shaba ab iyo dadaallada ku biirida Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo xaaladda gobolka.

Madaxweyne Xasan ayaa la wadaagay dhigiisa dalka Kenya dadaallada DFS ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dha fka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhankiisa sheeg ay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan kamid no qoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoona tilmaamay in dalkiisa ay saa meyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida gobolka.

2da Madaxweyne ayaa sidoo kale iska xog-wareys tay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyada oo madaxweyne Xasan uu u sheegay dhigiisa dalka Ke nya in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, Dunid ana heshiis la’ah.

Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in DFS ay mudnaan gaar ah siinayso yareynta khilaa faadka iyo xasillooni darrada gobolka.

Madaxweyne Xasan ayaa M/Add is Ababa ee dal ka Ethiopia u jooga ka qeyb-galka shirka meertada 36-aad ee Midowga Afrika, isaga oo Dorraad ka jeediy ay khudbad taariikhi ah, oo la xiriirtay xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka.

Hanti-Dhowraha Cusub Ee Qaranka Guut aale Oo Xilka Si Rasmi Ah Ula Wareegay

R/Wasaare Ku Xigeenka XFS Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Hanti Dhowraha cusub ee Qaranka Md.Axmed Ciise Guutaale iyo Ha nti Dhowrihii hore Md.Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)

R/Wasaare Kuxigeenka ayaa til maamay in Xafiiska Hanti Dhow rka uu laf dhabar u yahay han naanka, isla-xisaabtanka &daa h-furnaanta maalliyadda dalka, qayb waynna uu ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee hadda ay xukuu madda Dan-Qaran gacanta ku hayso.

Md. Saalax ayaa uga mahad celiyey Hanti dhowri hii hore sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Hanti-dhowraha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Ba ngiga Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamad da Sare iyo masuuliyiin kale.

hanti-dhowraha cusub ee qaranka guutaale oo xil ka si rasmi ah ugala wareegayhanti-dhowrihii hore ee qaranka Md. Afgooye

DF oo shuruud cusub ku xirtay Shabaabka isku soo dhiibaya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay in weli fursad haystaan horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha kooxda Al-Shabaab, xilli ay ho wl-galo xooggan ka socdaan qeybo ba da oo dalka.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soo maaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Ca daala oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in go’aankan uu yahay mid siyaasadeed oo dalka u dagsan, islamarkaana ay ku xiran yihiin shu ruudo dhowr ah. "Dadka fikirkaas (Shabaabnimada) ka noqda oo dambiyo iyo xaalado gaar ah aan loo ha ysan waa soo dhaweynaysaa dowladda, albaabkana waa u furan yahay, wayna socotay maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu yiri Al-Cadaala.

"Sida Madaxweynaha JFS, R/Wasaaraha & xuk uumadda marar badan ku cel-celiyeen, DFS waxay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso dadka la marin-ha baabiyey ee Khawaarijta ahaa marka ay ka gadaal fikirkaas kasoo noqdaan.”

Wasiir Al-Caddaala marnaba ma carrabaabin ma gacyadda xubnaha ka reeban liiska isa-soo dhiibaya asha, marka laga soo tago in shuruudaha loo fiirina yo Shabaab-ka ay qaabileyso dowladda inay yihiin kuwo dambiyo iyo xaalado gaar ah aan loo haysan.

Madaxda sare dalka ayaa hore dhowr jeer ugu baa qay dhalinyarada weli ku harsan kooxda Al-Shabaab in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan.

Si kastaba, Hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shaba ab ee xiriirka la’leh al-Qaacida ayaa waxaa qaarkood madaxooda dul-saaran malaayiin dollar, ayada oo loo haysto inay ku lug leeyihiin weeraro ka dhacay dalka iyo kuwa deriska.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga XFS oo la kulm ay Wasiirada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Itoob iya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada ha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo qe yb ka ahaa wafdigii Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sh.ee dalka Itoobiya, ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalkaasi Md. Axmed Shide, dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhex-galka Gob alka Sidoo kale Mr. Gebremeskel Chala iyo W/daw laha Ganacsiga ee dalka Itoobiya Mr.Mekonnen Habtewold, waxaa na ay ka wada-hadleen iskaashi ga dhinacyada ganacsiga iyo dha qaalaha labada dal.

2da dhinac, ayaa waxay ku dhee raadeen muhiimadda xoojinta xiri irka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal, fududeynta iyo yareynta caqabadaha ganacsiga iskaga gudba xu duudaha oo ganacsatada Soomaalidu dhib kala kul mi jirtay inay wax u dhoofiyaan gudaha dalka Itoobi ya, wax-is-dhaafsiga badeecadaha kala duwan ee 2da dal sida Kaluunka iyo Kofeega iyo weli ba sidoo kale dhammeystirka heshiis ganacsi oo rasmi ah oo mustaqbalka dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya

Puntland iyo Galmudug oo gaaray iskaashi cusub oo ka kooban afar qodob (Aqriso)

Dolwad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ay aa sii xoojiyey iskaashiga dhinaca amniga, xili uu dal ka ka socdo dagaal ka dhan ah koo xda Al-Shabaab. Nabadoonada iyo odayaasha 2da maamul ee Puntla nd iyo Galmudug ayaa kulan isugu yimid, kaasi oo uu shir-guddoomiy ey Faysal Sh.Cali oo ah Gud/ Gobolka Mudug.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa tali yayaasha qaybaha booliska G/Mudug ee Puntland & Galmudug, waxgarad, saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Waxaa looga hadlay kulankan oo muddo saacada socday xoojinta nabada, ka hortaga xirmaysiga dhul ka ka caagan deegaamaynta iyo sidii loo sii amba-qa adi lahaa wada-hadaladii horay u socday ee labada dhinac.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo baxay bayaan ka ko oban afar qoddob, kuwaasi oo kala ah;

1. In la isu celiyo hantida ku kala maqan labada dhi nac sida Xoolaha iyo Dhulalka loona balamo wakhti cayiman.

2. In la fududeeyo lana dadajiyo bixinta magahii hor ay loogu heshiiyey loona balamo wakhti rasmiya.

3. In ay mamnuuc tahay xirmaysiga dhul daaqsimeed ka ay ka caagan tahay deegaamaynta.

4. In wacyi-galin bulsho loo sameeyo bulshada iyo xo ola dhaqatada deegaanada bariga M/Gaalkacyo si loo xoojiyo nabada iyo wada-jirka bulshada. Ugu dambeyntiina waxay dhinacyadu isla qaateen in kulamo kale la isugu yimaado si go’aano iyo heshi is looga gaaro xukunka la marsiinayo dhulka ka caag an deegaameynta.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo booqday maga alo xeebeedka Chioggia ee dalkan talyaaniga

Wasiirka W/Kalluumeysiga &Dhaqaalaha Buluug ga ah ee XFS Md. Ahmed Hassan Aadan ayaa bo oqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan taly aaniga isaga oo la kulmay duqa magaalada, Md.Ma uro Armelao iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka M/Yurub marwo Rosanna Conte taas oo laga soo do orto deegaankan.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta uu la kulmay in Soomaaliya ay dan eynegso in ay soo ceshato saxii badeeda soojireenka ah islam arkaana ay diyaar u tahay in aq basho maalgashi shisheeye si gaar ah dhinaca Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah.

Marwo Rosanna Conte oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka M/Yurub waxa ay sheegtay inay ku fa raxsan tahay in ay la kulanto W/Kalluumeysiga ee So omaaliya maadaama ay tahay xildhibaan si gaar ah uga warhaya arrimaha Kalluumeysiga ee Baarlama anka M/Yurub, waxa ay u sheegtay wasiirka inay ball an qaadeyso in baarlamaanka dhexdiisa uga ololeyn doonto horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.

Duqa M/Chioggia Md. Mauro Armelao oo soo xir ay kulankan ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay inuu magaaladiisa ku martiqaado wasiirka Kalluume ysiga & Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ma adaama magaaladu ay tahay magaalo xeebeed kall uumeysiga ku horreysa.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa booqday suuqa Kallu unka iyo dekadda Kalluumeysi ee magaalada isaga oo duqa magaalada Xildhibaannada iyo duqa magaal ada kala qeybgalay qado sharaf ay u sameeyeen.

G/hay’adda Maaraynta Masiibooyinka oo xafiiskii sa ku qaabilay madaxa xarunta dhexe IGAD ee laqabsiga cimilada iyo ilaalinta Deegaanka

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyin ka Maxamuud Macalim ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamal Maxamed Xasan madaxa xarun ta dhexe IGAD ee laqabsiga cimilada iyo ilaalinta Deegaanka.

Ambassador Jamaal ayaa hay’ adda la wadaagay warbixin ku sa absan shaqada xarunta iyo sidii ay u wa da shaqayn lahaayeen ha y’adda iyo guud ahaan qeybaha kale ee IGAD ee la xariira maareynta musiibooyinka, cimila da , adkeysi ga aafooyinka, iyo sidii loo xoojin lahaa loogana faa ideysan lahaa khibradaha kala duwan ee IGAD iyo tayeenta shaqaalaha hay’adda.

Dahabshiil oo 2 milyan oo Lira ugu deeqday dad kii dhibaatadu kasoo gaartay dhul-gariirkii Turk iga

Shirkada Dahabshiil ayaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo qe ybo kamid ah Siiriya ugu deeqday lacag dhan laba milyan oo Lira ah oo u dhiganta in ka badan boqol iyo lix kun oo doll arka.

Maamulaha guud ee Dahabshiil Cabdirashiid Dah abshiil oo wareysi siiyay idaacadda VOA, ayaa ugu baaqay shirkadaha kale ee Soomaaliyeed inay ka qe yb qaataan gurmadka walaalahooda Turkiga ee dhibaatadu gaartay.

"Dhibaatada Turkiga soo gaartaa waa mid nasoo gaartay, haddaanu nahay Dahabshiil. Turkishku waa dad xiriir badan la lahaa dadka Soomaaliyeed boqol aal sano. Markay dhibaatada ka jirtay Soomaaliyana, Turkigu wuxuu ahaa mid si weyn baahida jirtay uga qeyb qaatay,” ayuu yiri Cabdirashiid dahabshiil.

Maamulaha Dahabshiil wuxuu sheegay Dahabshiil inay ka qeyb qaadato meel kasta oo ay dhibaato ka dhacdo, isagoo tusaale usoo qaatay caawinaadii ugu dambeeysay ee dadkii ku barakacay colaadda Laas caanood oo ay ugu deeqeen $200,000.

Odayaasha Dhaqanka Garxajis oo dagaalka Laas-Caanood ku eedeeyay Xukuumadda Muuse Biixi

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay war ku saabsan dagaalka magaalada Laas-Caanood ee Xar unta gobolka Sool, iyaga ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay Xukuumadda Somaliland ee uu Madax weynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi.

Kulan ay Magaalada Hargeysa ku yeesheen Wa xgaradka, Isimadda dhaqanka beelaha Garxajis ee Somaliland ayay ka soo saareen Warmurtiyeed ka kooban lab Bog oo looga hadlay xaaladda Laas-Ca anood iyo qaban qaabada wada-hadallada ay wado Xukuumadda Somaliland.

Waxay sheegeen in uu horey u fulin waayay go’a amo iyo heshiisyo ay wada galeen Bulshadu, iyaga oo cadeeyay in aysan qeyb ka aheyn xubno (Ergo) u shaqeynaysa Madaxweyne Biixi oo ay sheegeen in loo diray gobalka Sool.

Sidoo kale waxaa ay cambaareeyeen dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanod iyo dilalka loo ge ysanayo dadka Shacabka ah, iyaga oo sidoo kale ku baaqay in ciidamada Somaliland laga dulqaado mag aalada, lana geeyo meel aan xabaduhu iska gaare yn, taas oo ay diiday Xukuumadda Somaliland.

Qodobada ugu muhiimsan ee kasoo baxay Kulan kii ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad ka beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa waxaa ka mid ah:

Waxa ay si xoog leh u canbaaraynayaan dagaalka ka socda Laascaanood iyo dilka shacabka aan huba ysnayn; Waxa leh masuuliyadda waxa ka dhacay La ascaanood xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Beesha Garxajis waxa ay go’aansatay in aan ay ka qaybgelin kana mid ahayn ergada uu sheegay Mu use Biixi inuu u dirayo Laascaanood sababta oo ah ma qaadi karno kalsoonida inuu aqbalayo go’aama da ay ergadu gaarto annaga oo ku xisaabtamayna dhaqankii hore looga bartay; iyo in magaalada Laas caanood ay ka socoto xabad oo aanu jirin jawi naba deed oo lagu wada hadli karo.

Waxa aannu tacsi u diraynaa dadkii ku dhintay La ascaanood ehelkooda iyoqaraabadooda.

Go’aankani waa mawqifka rasmiga ah ee beesha Garxajis mana jirto cid kale oo ku hadli

karta magaca iyo afka reerka ama kaga qaybgeli karta shir magaca iyo afka reerka.

Ugu dambeyn Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgar ad ka beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa soo jee diyay

1-In si run ah loo joojiyo xabadda;

2-In ciidamada la kala fogeeyo oo la geeyo meel aan xabaddu iska gaari karin si xabad joojintu u hirgasho.

3-In la joojiyo hadalada xanafta leh ee wax kala foga ynkara.

4Xukuumaddu waa inay ciidankeeda gayso meel aan xabaddu iska soo gaari Karin islamarkaana waa inay si dhab ah u xakamayso ciidankeeda si xabad jooji ntu u hirgasho.

Garaadada, gudida, culimada iyo waxgaradka bee sha Dhulbahante waxa aannu ugu baaqaynaa inay qayb ka qaataan fullinta xabad joojinta iyaga oo ka qaadanayadoorka kaga beegan ee ah xakamaynta ciidanka.

5-Inaan wax caqabad ah lagu samayn kaalmada ban ii’aadantinimo ee la gaarsilinayo shacabka ku baro-kacay dagaalka sokeeyo iyo dadka dhaawucu soo gaaray.

Sheekh Shariif oo war kasoo saaray go’a anka beesha Garxajis

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweyna yo bayaan ka soo baxay beesha Garxajis oo ku sa absanaa xiisadda ka taagan M/Laascaanood. Sh. Shariif ayaa bogaadiyey go’aannadii kasoo baxay be esha, isagoo aad u amaanay talooyinka lagu soo jeediyey war-murtiyeedkii beesha Garxajis.

"Dorraad oo taariikhdu ay tahay 19-ka Feb. 2023 waxaan si buuxda u soo dhawaynayaa war-murtiye edka ka soo baxay Salaadiinta, odayaasha iyo wax garadka beesha Garxajis, waxaana bogaadinayaa go’aannada iyo talooyinka ay soo jeediyeen,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Qoraalka Shariifka ayaa intaas ku sii daray, "Go’ aanada ka soo baxay beesha Garxajis waxay tusaale cad u yihiin in beelaha walaal aha ahi doonayaan inay nabad kuwada noolaadaan, sidaa aw geed waxaan ku kalsoonahay go’aanada iyo talooyinka ay beeshu soo jeedisay inay fursad siinayso nabadda iyo wada-noolaansh aha dadka walaalaha ah.”

Sheekh Shariif ayaa dhinacyada ay ku dagaalam aya Laascaanood wuxuu ugu baaqay inay maqlaan oo u hoggaansamaan go’aanada ka soo baxay sala adiinta beesha Garxajis, isagoo xusuusiyey fadliga bi laha lagu jiro iyo dhibaatadacolaada.

"Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ay qusayso in ay maqlaan baaqa salaadiinta, odayaasha iyo waxg aradka beesha Garxajis, ayna baajiyaan daadashada dhiiga iyadoo lagu jiro bilaha xurmada leh ee diintee nu adkaysay xaaraantinnimada daadinta dhiigga qof ka Muslimka ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Beesha Garxajis ee Somaliland oo Dorraad baya an soo saartay ayaa dagaalka Laascaanood ku eede ysay Muuse Biixi, iyadoo sheegtay in aysan qaadi ka rin masuuliyadda waxa uu Muuse Biixi ka wado Laascaanood.

"Beesh Garxajis waxa ay go’aansatay in aysan ka qaybgelin, kana mid ahayn ergada uu sheegay Mu use Biixi inuu u dirayo Laascaanood sababta oo ah ma qaadi karno kalsoonida inuu aqbalayo go’aama da ay ergadu gaadho, annaga oo ku xisaabtamayna aanu jirin jawi nabadeed oo lagu wada-hadli karo,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha Garx ajis.

Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan M/Laascaanood ayaa Dorraad war cusub ka soo saaray wada-hadalka ay ku baaqday Somaliland iyo ergada Isimida ah ee uu maamulka Muuse Biixi u dirayo.

Garaadada dhaqanka ee L/Caanood ayaa sheeg ay inaysan u imaan karin ergo ka socota Somaliland, iyagoo soo dhaweeyey go’aanadii Dorraad kasoo bax ay beesha Garxajis ee ku sheegeen inay ka baxeen ergada Muuse Biixi uu sheegay in uu Laascaanood u dirayo.

Wasiirka Dhalinyarrada XFS oo booqasho ku tag ey xarruunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DFS, Md. Maxamed Barre Maxamuud ayaa Dorraad booqasho ku tagay safaaradda Soomaaliya ee Serbia, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen danjiraha Soom aaliya u fadhiya Serbia iyo howlwadeenada Safa aradda.

Amb.Maxamed Cabdullaa hi safiirka Soomaaliya ee Serbia ayaa wasiirka warb ixin ka siiyey howlaha mu hiimka ah ee ay safaa rad du u heyso ummadda Soomaaliyeed.Wasiir Maxamed Barre ayaa safiirka iyo howlwadeen ada safaaradda ku bogaadiyey shaqada mugga weyn leh ee safaaradu u heyso shacabka Soomaal iyeed iyo shaqada adag ee lagu dhisayo xiriirka isk aashi ee u dhexeeya labada dal.

Booqashada wasiirka ayaa ka mid ah safar shaqo oo uu ku joogo dalka Serbia, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowl adda Serbia Dahabshiil oo 2 milyan oo Lira ugu dee qday dadkii dhibaatadu kasoo gaartay dhul-gariirkii Turkiga Shirkada Daha bshiil ayaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dhul ga riirka ku dhuftay Turkiga iyo qeybo kamid ah Siiriya ugu deeqday lacag dhan laba milyan oo Lira ah oo u dhiganta in ka badan boqol iyo lix kun oo dollarka.

Maamulaha guud ee Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil oo wareysi siiyay idaacadda VOA, ayaa ugu baaqay shirkadaha kale ee Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka walaalahooda Turkiga ee dhibaatadu gaartay.

"Dhibaatada Turkiga soo gaartaa waa mid nasoo gaartay, haddaanu nahay Dahabshiil. Turkishku waa dad xiriir badan la lahaa dadka Soomaaliyeed boqol aal sano. Markay dhibaatada ka jirtay Soomaaliyana, Turkigu wuxuu ahaa mid si weyn baahida jirtay uga qeyb qaatay,” ayuu yiri Cabdirashiid dahabshiil.

Maamulaha Dahabshiil wuxuu sheegay Dahabshiil inay ka qeyb qaadato meel kasta oo ay dhibaato ka dhacdo, isagoo tusaale usoo qaatay caawinaadii ugu dambeeysay ee dadkii ku barakacay colaadda Laa scaanood oo ay ugu deeqeen $200,000.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay sark aal kale oo Al-Shabaabnimo lagu helay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Dorraad soo gabagabeysay dhageysiga dacw ad cul us oo ka dhan ah Xidigle Cab dicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah Macallin tababare ah oo ka tirsan Kul iyadda Ja alla Siyad ee Xogga dalka Ninkan oo 63 sanno jir ah ayaa wa xaa lagu helay in uu si hoose ula sha qeynayay Shabaab, sida ay sha aci say maxkamadda ciidamada oo soo bandhigay caddeymo dheeraad ah.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa shaaca ka qaad ay in ninkan uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare, laakiin xilligii diiwaan-gelinta ciidamada ee dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo loo helay xidig sax ah, waxaana cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Sidoo kale waxay xeer ilaalintu intaasi ku dartay in arrintaas uu caro ka qaaday, kadibna uu sidaas ula la xertay kooxda Al-Shabaab oo uu haatan la shaqe ynayay.

Intaasi kadib hay’adaha baarista amniga iyo xafii ska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay ogaadeen in Xidigle Cabdicasiis Xuseen uu xoga ha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga tababarka uu la wadaago xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadeynta Xidigle Cabdicasiis Xuseen ayaa soo socotay tan iyo 22 kii January ee sanadkan 2023-ka, ayada oo ay maxkamaddu kiiskiisu ka yee latay fadhiyo kala duwan

Ugu dambeyn maxkamadda Ciidamada oo go’aan kasoo saartay dhageysiga kiiskan ayaa Xidigle Cabdi casiis Xuseen Nuur Musral ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhowaaqay guddoomiy aha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Ma’aha sarkaalkii ugu horreeyay ee la soo taago Maxkamadda Ciidamada, laguna helo Al-Shabaab nimo, waxaana ka horreeyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo isna ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, kaas oo horay dil toogasho ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Waxaa sidoo kale ka dambeeyay Kabtan Shariif Max amed Barkhadle (Ayaanle) oo Al-Shabaab qaraxy ada usoo gelin jiray Muqdisho, kaas oo isna lagu xuk

umayo toogasho.

Ciidamada ammaanka oo nin hubeysan ku toogt ay duleedka MUQDISHO

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya how lgal qorsheysan oo ay Shalay ciidamada amm aanka ka sameeyeen duleedka M/ Muqdisho. Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Ta beelaha Sheekh Ibraahim ayaa wa xaa lagu toog tay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska G/Banaadir.

Warka kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu she egay in ninka la toogtay uu hubeysnaa, isla-mark aana uu qor sheynayay inuu dilo askari ka ti rsan ciidamada Can shuura ha oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uu qorsheynayay ninkan, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.

"Dhagar qabahaan ayaa ciidanku ku toogteen is goos ka Xaafada Tabelaha Sheekh Ibrahim, isaga oo qorshee nayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Bo oliska ee deegaanka gaar ahaan kuwa aruuriya can shuuraha ee dowladda Hoose, waxaana xogta dhag arahaan sahash ay wada shaqeenta Ciidanka Boolis ka iyo Dadka Dee gaanka oo ah mid wanaagsan” ay aa lagu yiri qoraalka Booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda, isaga oo ka dalb aday in wixii ay ka shakiyaan ay lasoo xiriir aan lambar ka gaaban.

"Muwaadin la shaqeey ciidanka Booliska oo soo wac lanbarka gaabaan ee 991 hadii aad dareento cu lus Amnni.” ayaa lagu yiri farriinta Booliska Sooma aliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowlad da, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda ay aa kor dhiyay howlgallada ay ka wadaan degmooyin ka gob olka Banaadir.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoog an soo saartay, kadib markii lagu jabiyay inta badan dagaal lada ka socdo gobollada dalka oo ay iska kaa shanay aan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deeg aanka

Koonfur Galbeed oo shaacisay lacagta ay kaga qayb qaadaneyso gurmadka Turkiga

`Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Dorraad shaaciyay in lacag dhan boqol kun oo dollar ($100,000) uu kaga qayb qaadanayo gurma dka socda ee loo fidinayo dadka dalka Turk ga, ka dib masiibadii bani’aadani mo ee ka dhalatay dhulgariirka 6-dii bish an ku dhuftay koonfurta dalkaasi iyo waqo oyi galbeed Suuriya.

Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed Macalin, Kusim aha Madaxweynaha ahna Kusimaha Gudoomiyaha Baa rlamaanka Koonfur Galbeed oo Warbaahinta kula hadl ay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa ku dhawaaq ay cadadkan lacageed, ee ay ugu talag aleen dadka Tur kiga ee ku waxyeeloobay masii badaasi.

R/ Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ayaa Ar ba cadii magacaabay guddi qaran, kaasoo la faray in uu ka shaqeeyo, sidii loo muujin lahaa taageerada shacabka iyo D/Soomaaliyeed ay la garab taagan yih iin D/ Tur kiga iyo shacabkeeda.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari Oo Lagu Dhaa wacay Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, Cabdul qa adir Jaamac Dirir ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad dhexmaray shacab careysab iyo ciidamad da amaanka. Is-rasaas eyn ka dhalatay duminta guryo u dhowdekedda Boosaaso ayaa ka dhacday Boosaa so, iyadoo ciid amadda ay iska caabin kala kulmeen shac ab ka careys an duminta guryohooda oo ay shee gay aan in loo maray sifo aan sharci eheyn. Arrintan ayaa ku soo beegantay iyada oo maalma han ay xukuumada Deni duminaysay guryaha laga dhisey aga-gaarka xar um aha danta-guud.taliyaha booliska gobolka bari oo lagu dhaawacay magaalada boosaaso

Askar ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray Eret ariya oo Shalay wiil arday ah ku dilay Muqdisho

2 askari oo la sheegay iney ka mid yihiin ciid ankii lagu soo tababaray dalka Eretariya ayaa Dorraad Wiil ardey ah ku dilay Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho. Dilka wiilka ardayga ah ayaa yimid kadib markii labada askari oo saarna Mooto Bajaaj ay fureen rasaas la tilmaamay iney doonayeen askarta iney wad ada ku furtaan, waxaana rasaastaasi ay haleeshay wiil ka ardayga ah oo la sheegay inuu markaasi ka soo bax ay Jaamacad. "Askartaan dhibaato weyn ayay nagu hayaan ma ahan kuwa dulqaad yar leh oo waxay raba an meel walba iney sidii diyaara dii ku maraan jaam yar hadey kuso aadaan rasaas ayay dadka ku furayaan, wa xaasna mahan wax loo dulqaa dan karo ee dowladda sidaan wax haka badasho" ayuu yiri qof ka mid ah dad ka goob joo ga u ahaa dhacdada Dorraad lagu dilay wiil ka ardayga ahaa.

Dilka wiilka ardayga ahaa kadib dadka ku ganac sa da hareeraha wadada Isgoyska Baar Ubax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in askarta dowladda ay ku qabaan dhibaatooyin joogta ah oo ay ka mid yihiin rasaasta aysan u meel dayan iyo dhac.

"Maalin walba sidaan dhac ayay nagu hayaan Qa adka ayay naga boobaan oo waan ka ganacsan la'n ahay marka dowladda askartaan talaabo haka qaa do, waan ku dhibtoonay dilalka iyo boobka ay nagu hayaan" ayay tiri haweeney ka mid ah dadka Qaadka ku iibiya Isgoysga Baar Ubax.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa iyadoo Dorraad duh urkii ay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaal iya ay isku rasaaseeyeen Isgoyska Siinaay ee M/ Muqdi sho, islamarkaana rasaastaasi ay ku dhaawacan tay ha weeney qaad ku iibineysay Isgoysga Siinaay.

Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo howl gal culus ka sameeyay Waaberi

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal cu lus oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliska Soo maa liya iyo kuwa Nabad Sugidda ee qaybta Waliyow Cadde oo Habeen hore laga sameeyay gudaha degmada Waa bari ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa ma amullada degm ooyinka ee qaybta Waliyow Cadde, sida Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Xamarjajab ee gobolka Bnaadir.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid la gu xaqiijinayay amniga degmada Waabari oo ay horay uga dhaceen fa lal amni darro, kuwaas oo ay kamid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Howlgalkan ayaa waxaa loogu magac daray (Garan-waa), waxaana lagu beegsanayaa xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Muq disho.Inta uu socday howlgalka waxaa lagu soo qab-qa btay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood ay horey u wateen ciidamada ammaanka, halka ku wii la hubiyeyna lasii daayay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Waabari, Max amed Sheekh Sayid Cali oo la hadlay warbaah inta ka dib howlgalka ayaa ka warbixiyay ujeedkooda, wuxuuna shaaciyay in la baadi gaabayay dadka sam eeya falalka ammaan darrida ee ku sugan gudaha degmadaasi.

"Dorraad waxaan halkan u joognaa inaan soo sa ar no garan waaga ku dhex dhuumanaayo degmada Waa bari iyo doolka halkan dadka ku u gaarsanaayo,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in howlgall adu ay sii socon doonaan, isla-markaana la gaarsiin doono dhammaan waaxaha ay ka kooban tahay deg mada Waabari."Cawada kaliya ma’ahan waa la sii wadi doo naa maalinba waax ayaa la tegi doonaan,” ayuu hadalk iisa sii raaciyay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socday howlgallo ay ka wadeen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ee dowl adda Soomaaliya, kuwaas oo looga hortagayo wee rar ada Al-Shabaab, burcadda iyo kooxaha ciyaal weerada.

Turkiga oo ku dhawaaqay in la soo afjaray gurma dkii samatabixinta, 2 goobood mooyee

Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ee dalka Turk iga ayaa gelinkii dambe ee Dorraad soo geba-gabee yay ho wlihii samatabixinta ee dalkaasi ka socday, ku dhawaad laba toddobaad ka dib dhulgariirkii is xigxi gay ee ka dhacay koonfurta dalkaasi iyo waqooyi galbeed Suu riya. Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Tu rkiga, Yunus Sezer ayaa ku dhawaaqay in la soo geba-gabeeyay inta badan howlihii baadigoobka ee ka socday goboladaasi dalkaasi.

"Qaar badan oo ka mid ah gobolad eena, waxaa la soo geba-gabeeyay dadaalada goobidda iyo samatabixin ta.” Ayuu yiri Madaxa Hay’adda Maar eynta Masiibooyi nka ee dalkaasi.

Yunus Sezer oo Warbaahinta kula hadlay Caas imad da Ankara ayaa xusay in howlaha gurmadka ay ka sii socon doonaan Kahramanmaras iyo Hatay.

Sezer ayaa tirada dhimashada ee dalkaasi laga diiwa angeliyay ku sheegay 40,642 qof, balse ma sheegin tir ada inta qof ee la la’yahay, waana xilli ay jiraan dad far a-badan oo la la’yahay.

"Waxaan hor joognaa malaha masiibadii ugu weyn eyd ee na soo marta taariikhda.” Ayuu yiri Sezer.

Waxaa aad u yar rajada fursadaha lagu heli karo inay jiraan dad weli nool, taas oo loo aaneynayo mu ddada laga joogo, xilliga ay masiibadu dhacday.

Sabtidii, kooxaha samatabixinta ayaa burburka ho ostiisa ka soo saaray saddex qof oo nool, inkastoo mid ka mida uu markii dambe isbitaalka ku geeriy ooday.

Dadkan ayaa ahaa qoys Suuriyaan oo deganaa Magaalada Antakya ee dalkaasi Turkiga. Kooxuhu waxay sheegeen inay soo badbaadiyeen aabe, hoo yo iyo canug yar oo ay dhalleen, isla-markaana uu ca nugu yahay kan mar dambe geeriyooday.

Illaa iyo hadda kiisaska dhimashada ee laga xaqii jiyay dalka Suuriya ayaa ah 5,800 oo qof. Tiradan ay aana is bedelin dhowrkii maalmood ee ugu dambey say. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay qiyaastii 26 milyan oo qof, oo ku kala nool Turkiga iyo Suuriya inay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo.

XAALADDA madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka oo laga walaacsan yahay

Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, islamarkaan alagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel caafimaad "waqtigiisa harsan”, sida ay Sabtidii sheegtay xarunta samafalka ee uu aas-aasay ee the Carter Center.

Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool, wuxuuna mar ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Wuxuu deggan yahay Plains, ee gobolka Georgia, isaga iyo xaaskiisa, Rosalynn. Tuuladaas oo ah meeshii uu ku dhashay, oo uu ka ahaa beerrey lows tacbada, kahor inta aanu noqon guddoomiyaha gobolka Georgia, isaga oo markii dambe halkaas ka billaabay ololihiisa musharaxnimada madaxweynaha ee xisbigaDimuqraadiga.

"Kadib dhowr jeer oo si kooban isbitaalka loo dhigay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, maanta wuxuu go’aansaday inuu waqtigiisa u haray guriga kula qaato qoyskiisa oo uu helo daryeel caafimaad halkii uu ka heli lahaa dabiib caafimaad oo dheeri ah,” ayay Xarunta Carter ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Sannadihii lasoo dhaafay, Carter, waxa uu helayay daaweyn isbitaal oo kala duwan, oo ay ku jiraan markii uu shaaca ka qaaday bishii Agoosto 2015 in uu qabo kansarka maskaxda oo uu sheegay in laga daaweynayo.Intii uu madaxweynaha ahaa, Carter, waxa uu sameeyay ballanqaad ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada. Labadii sano ee hore ee xukunkiisa wuxuu ahaa mid loo riyaaqay, waxaana waxqabadkiisii ka mid aheyd dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Masar oo loogu magac daray Heshiiskii Camp David.

Laakiin maamulkiisa waxa uu la kulmay caqabado badan – kuwaas oo ay ugu cuslayd afduubkii la haysta yaashii Maraykanka ee Iran iyo isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu badbaadiyo 52 maxbuus oo Mar eykan ah sannadkii 1980kii.

Bishii Nofembar ee sanadkaas, musharaxa xisbiga Ja mhuuriga Ronald Reagan ayaa uga adkaaday Carter codbixinta doorashadii madaxweynaha, taasoo keentay inuu xilka hayo hal xilli...Isha: VOA


SOOMAALIYA IYO TURKIGA: 12 SANO KADIB XAALKU WAA SIDEE?

Inta aan u guda galin dulucda qormada aan marka hore dib u jaleecno Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiye, waa xiriir diblomaasi ee u dhexeeya Soo maa liya iyo Turkiye, kaasi oo ah mid taariikhdiisa fog tahay ama fac weyn tahay.

Waxaa ku soo xasuusan ka rnaa dawladii Cusmaaniga oo uu hogaaminaye Cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka So omaaliya, taasi oo aheyd dowl ad islaam ah oo ka dhisneed dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa dawladaan ayaa soomaaliya ka talineyse ku dhawaad 300 oo sano.

Xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Turkiga iyo dalka waxa uu daciifay kaddib markii ay burburtay da wladii Cusmaaniyiinta lana aasaasay jamhuuriyaddii Tur kiga sannadkii 1923.Turkiga waxa uu markii ugu horr eysay xafiis siyaasadeed ka furtay Soomaaliya 1979, waxa uuna shaqeynayay ilaa iyo markii uu qarankii So omaaliyeed bur-buray sanadkii 1991-kii.

Mar kale ayuu xiriirku soo laabtay, waxay aheyd goor dalka dhibaato badani ka jirtay abaar iyo colaad bi shi July sannadkii 2011-kii Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in macluuli ka jirto gobolada koonfureed ee Soomaaliya Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Markii dambe abaartu waxay ku fiday gobolo kale si da Shabeelada Dhexe, Dawladda dalka ka jirtay waxay aheyd ku meel gaar, awoodeeda inay ka jawaabto maca luusha ayaa iska xadidneyd, caasimadda qeybo ka mid ah waxaa ka socday dagaal toos ah, badi gobalada sii ba meelaha abaabrtu aadka u saameysay waxaa gacan ta ku hayay Alshabab.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turki ge oo xilligaas Ra’iisulwasaare ahaa ayaa ku dhiiraday inuu ka soo dego Muqdisho oo loo arkayay meel halis ah, waxa uu xeradooda ugu tagay dhibbenayaashii abaarta.

Waxa uu ahaa ficil dareenkiisa leh, imaantinkiisu wax ay furitaan u aheyd xiriirka labada dal, dhinaca kale waxay kalsooni siisay dawladihii ka didsanaa Soomaal iya, waxaana durba bilowday in Dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain iyo China ay bilaab aan inay xiriir diblomaasi la yeeshaan Soomaaliya.

Sidaa darteed dawladda Turkiye waxay geed-qaa day kayntii cabsida ee ku dadneyd dalka, iyadoo Quwad aha dunida kama qarsooneyn dhibaataas, hase ahaatee kuma aysan soo deg degin wax ka qabashada dhibaata daasi, balse mar qura waxaa lagu baraarugay dawladda Turkiga oo hawlo samafal ah ka bilowday dalka.

Haddaba markii uu ka dhacay dhulgariirkii aadka u daraa Dalkaasi Turkiye ayay dunidu u gurmatay, gacan ka geysashada dhibaatadaasi ka dhacday Dalka gaar ahaan Gobolada Dalkaasi qaarkood, sidaasi awgeed So omaaliya Masuuliyiinteeda ee uu ugu horreeyo Madax weyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Shacbiga iyo Mad axda Dalkaasi u diray dhambaallo tacsi ah, iyagoo u muujiyay sida ay uga xun yihiin waxa ka dhacay halk aasi, "waana la qeybsaneynaa murugada” ayay ku yira ahdeen Dhambaaladooda, waxaana dhawaan la bila abay dhaqaale ururin la doonayo in lagula garab istaago Walaaaha Turkiye ee waxyeeladu ka soo gaartay dhu lgariirka.

R/Wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre ayaa da ah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.

Waxaa kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddi ga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaa bay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasi iro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bu lshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay maga alada Muqdisho.

R/Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay la cag dhan 1 Milyan oo Dollar oo DFS ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhi baatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, gana csatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qayb aha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawl aha gurmadka deg-degga ah.

Waxaa kale oo uu soo jeediyey madaxda dowlad gob aleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadan ayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Masuuliyiinta kale ee ka hadlay dhibaatada ku dhac day dalka Turkiga waxaa ka mid ah Wasiir Waxbarash ada XFS Md. Faarax Sheekh Abdulqaadir oo ka hadlaa yay kaalinta uu dalkaasi ka soo qaatay gurmadka Shac biga Soomaaliyeed ayaa yiri:- "Dalka Turkiga waxa uu noo galay abaal weyn waxaana shacabka Soomaaliyed looga bahanyahay abaal midkii lamid ah.

Guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyay Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaada karaan gurmadka oo lacagaha ay ku soo diri karaan, kaasi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Md. Xamse Cabdi Barre, waxaana bilowday ololaha dha qaale uruurinta oo Xukuumadda Soomaaliya ay ku bilow day hal Milyan oo Dollar.

Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale Habeen hore ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, wa xaana Dorraad Masaajidda magaalada Muqdisho ka sii socday ololahaan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka bilowdo magaalooyinka waaweyn ee goboll ada dalka.

Halka Maamulka Gobolka Banaadir na uu yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dah abshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah laca gta Dalka Turkiye iyo dadka walaalaheen ee ku waxyee loobay dhulgariirkii ka dhacay türkiye oo u dhiganta 106,005.20 United States Dollar, sidoo kale ayay Jaamc adda ZamZam ugu deeqday Dalkaasi lacag dhan 50 kun oo dollar.

Safiirka Dowladda Turkiye u fadhiya Soomaaliya ay aa u mahad celiyay Dowladda iyo Shacbiga Soomaal iyeed, wuxuuna yiri "Waxaan u mahadcelineynaa intii ka qeybqaadatay taakuleyta , isla markaana ka tacsiyadey neysay dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, isla markaana si wanaagsan uga qeyb qaada tay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka”.

Safaaradda waxay uga mahadcelinaysaa is garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u fidisay dhiban ayaashii dhulgariirkii ka dhacay Turkiga, oo uu hindisay H.E. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha JFS iyo H.E.Xamza Cabdi Barre R/wasaaradaha Xukuumad da. DFS waxay Dowladda Turkiye ugu yaboohi doo ntaa lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha wa xyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada dalkaasi.

Waxaa mar kale bilaaban doono wajiga labaad ee la cag ururinta, kaasi oo ay ka qeybqaadan doonaan dham maan Shacbiga Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka dib addiisa iyo gudahiis aba, taasi oo la filaayo inay ka badn aato lacagta hadda la qoondeeyay. 

By:-Cabdullaahi Ruush

Nin hubeysan oo dad ay xaaskiisa ku jirto ku dilay Mareynkanka

Recharddale cru oo ku hubeysnaa saddex qori ay aa toogasho ku dilay xaaskiisii ​​hore iyo shan qof oo ka le, xilli uu weerar ku qaaday dad ku sugnaa magaalo yar oo miyi ah, oo ku taalla gobolka Mississippi ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku shee geen.

Booliiska ayaa 52-jirkan oo ah dad deegaan ka ku soo oogay dacw ad dil darajada koowaad ah, wax aa lagu hayaa xabsiga degmada. Dhibanayaa sha ayaa waxaa lagu dilay dhowr goobood, oo ay ku jiraan bakh aar iyo labo guri oo ku yaalla deega anka Arkabutla, oo ah beel ay degan yihiin in ka yar 300 oo qof. Ma cadda sababta ka dambeysa weerarkan, wa xaana socda baa ritaan ay wadaa Booliska oo ku aadan dhacdadan, Tu hmanaha ayaa la rumeysan yahay inuu ku kacay wax alle iyo wixii maskaxdiisa guracan ay far tay, ayuu yiri barasaabka Mississippi, ee Tate Reeves.

Maamulka JOE BIDEN oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Ruushka

Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay "dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii la gu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxig eenka dalka Kamala Harris.

Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dac wad ooge ay tiri "xa aladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halb eegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah ba ni’aadaminimada.”

Harris ayaa intaas raacisay "Waxaa nan u sheegayaa dhammaan kuwa da mbiyadan geystay iyo madaxdoo da oo ku daawanaya, in lala xisaabt ami doono.”

Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xa gga sharciga ah oo ay sameysay Was aaradda Caddaa ladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda so cda.

Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrin tan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxwe yne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto da daalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cuna qabateynada.

Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiy eyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan mag aalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeya an xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaal kii Labaad ee Adduunka.

Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay in uu galay dambiyo dagaal.

Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay "dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii la gu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalka mala Harris.

Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge ay tiri "xa alada ha falalka Ruushka ee Ukraine wax aan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegya da sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dam biyo ka dhan ah bani’aadaminimada.

”Harris ayaa intaas raacisay "Waxaanan u sheega yaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxd ooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”. Go’ aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku kee nin doonin dagaalka hadda socda. Hase yeeshee, Wa shington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geys an karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisa abtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkama daha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada. Had alka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Mu nich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasar addii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.


"WUXUU DHASHAY XILLI UU DHULGARIIR DHACAYAY, 23 SANO KADIB AYUU DHULGARIIR KU DHINTAY”

Osman Enes

XIGASHADA SAWIRKA,ANADOLU AGENCY

Qoraalka sawirka, Osman Enes

Dadka ku dhintay dhulgariirkii 6-dii Febaraayo ka dha cay Koonfurta Turkiga waxaa kamid ah Osman Enes.

Warbaahinta Turkiga ayaa si gaar ah u tebisay geerida Os man, maadaama uu dhashay 1999, maalin uu dhulgariir xo og gan ka dhacay magaalada Golcuk ee gobolka Gaziantep.

Hooyadii Asiye Basturk ay aa weriyayaasha u shee gtay in Osman iyo walaalkii Emirhan ay hal qol wada jii feen markii uu dhacayay dhulgariirka.

"Waxa uu ahaa geesi. Markii uu dhulgariirka dhacay, wa xa uu badbaadin rabay walaalkii ka yar, balse isagii ayaa meesha ku geeriyooday,” ayay tiri.

"Waxa uu dhashay maalin uu dhulgariir dhacayay, waxaana uu ku dhintay dhulgariir. Aad baan uga naxay geerida wiilkeyga,” ayay weriyayaasha u sheegtay hoo yada murugaysan.

Walaalkii Emirhan ayaa ku dhaawacmay burburka gurigooda. Waxa uu ka warramay cabsida soo wajah day marka uu arkay guryaha ruxmaya.

"Markii aan arkay guryaha dumaya, aad baan u naxay oo xitaa daqiiqado ayaan miyir daboolmay. Jugta gury aha burburaya ayaa aad u xooganeyd. Waxaa dhinaca yga yaallay walaalkay oo meyd ah,” ayuu yiri Emirhan.

Waxa uu sheegay in hooyadii iyo aabihii oo ku jiray qol kale ay si joogta ah ula socdeen xaaladdiisa.

"Waxa ay hooyaday i weydiisay xaaladda Osman, waxaana u sheegay in uu dhulka yaalla oo aanu dhaq-dhaqaaqeyn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Qoyska ayaa saddex maalin ka hor dhulgariirka ku soo guuray guriga.

Emirhan ayaa sheegay in maadaama ay maalmo dhan hagaajinayeen guriga cusub, uu habeenka dhul gariirka seexday xilli hore.

"Salaad ayaan u soo toosay saddexii saqda dhexe, waxyar kadibna waxaa dhacay dhulgariirka,” ayuu weri yayaasha u sheegay aabaha qoyskaas Mehmet Bas turk.

Waxa uu tilmaamay in gurmad uu ka helay dadka mee sha ka ag dhawaa uu horseeday in la soo badbaadiyo xaaskiisa iyo Emirhan.

Dad la soo badbaadiyay

XIGASHADA SAWIRKA,ANADOLU AGENCY

Dad si mucjiso ah u badbaaday

Kooxaha samata bixinta ee Turkiga ayaa saddex nin ka soo saaray burburka hoostiisa, kadib 11 maalmood oo ay halkaa ku go’doonsanaayeen dhulgariirkii dalkaas ka dhacay awgii.

Hakan Yasinoglu ayaa 278 saac adood ku hoos jiray dhismo gebi ahaanba dumay, waxaana Jimcihii laga soo badbaadiyay gobolka Hayat oo ah meesha uu khasaaraha ugu badan ka dha shay.

Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Osman Haleb iye iyo Mustafa Avci oo 34 jir ah ayaa laga soo badbaad iyay burburka ka dhacay gobolka Antakya.

"Waan ka rejo belay. Tani waa arrin mucjiso ah,” ayuu yiri Mustafa Avci aabihii oo la hadlay wakaaladda warar ka ee Reuters.

Kooxaha gurmada ayaa ka rejo dhigay inay helaan dad kale oo nool, maadaama uu jirka bani’aadanka ma almo kooban u adkeysan karo biyo iyo cunno la’aan.

Dowladda Turkiga ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga fal celisay musiibada, iyadoo su’aal la geliyay sida ay ugu diyaargarowday dhibaato xajmigan leh.

Madaxweyne Erdogan ayaa qiray in gurmadka hore u uku bilowday qaab gaabis ah, hase yeeshee waxa uu ugu baaqay shacabkiisa in aanay dhegaysan kuwa dan aha siyaasadeed ka dhex arka musiibadan

XIGASHO:BBC

EMMANUEL MACRON: "MA DOONEYNO IN LA MAQUUNIYO RUUSHKA”

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu rabo in Ruushka looga adkaado dagaalka Ukraine, balse aanu dooneyn in la gaarsiiyo heer u uku burburo waddankaas dullaanka qaaday.

Macron oo la hadlayay warbaahinta Faransiiska ku had asha ayaa ugu baaqay waddamada Galbeedka inay kor dhiyaan taageerada milateri ee ay siiyaan Ukraine, is agoo sheeg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip