Ciyaaryahan Christian Atsu oo meydkiisa la helay dhulgariirkii Turkiga kadib

1
Saturday February 18, 2023 - 14:38:20 in Wararka by
  • Visits: 1721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Christian Atsu oo meydkiisa la helay dhulgariirkii Turkiga kadib

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee u dhashay dalka Ghana, oo 31 jir ah, ayaa waqtiyo la soo qaatay kooxaha Premier League Ingiriiska ee Everton, Chelsea iyo Newcastle.

Atsu ayaa la la’aa tan iyo 6-dii bishan Febraayo dhulgariirkii sababay burburka guri, uu ka deganaa magaalada Hatay.

Naadigiisa Hatayspor, ayaa markii hore sheegay in la soo badbaadiyay "isagoo dhaawac qaba,” laakiin maalin ka dib booskaas ayaa isbedelay.

"Waa sida ugu cuslayd ee qalbiyada ay tahay inaan ugu bishaareeyo dhammaan dadka wanaaga jecel, in si murugo leh meydka Christian Atsu la helay saaka,” wakiilka Atsu, oo la yiraahdo Nana Sechere, ayaa Twitter ku soo qoray Sabtidii.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskiisa iyo eheladiisa, waxaan jeclaan lahaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan qof walba uga mahad celiyo ducada iyo taageerada.”

Atsu ayaa ku biiray kooxda heerka sare ee Turkiga ee Hatayspor bishii Sebtembar ee sanadkii 2022-kii, wuxuuna dhaliyay goolkii guusha ciyaar Super Lig ah 5tii Bishan Febraayo.

Dhulgariirka ka dhacay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, ayaa inta la og yahay haatan dhimashadu waxey gaareysaa in ka badan 40,000 oo qof.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip