
War cusub oo laga soo saaray caafimaadka madaxweynaha Mareykanka ee 80 jirsaday
Warkan ayaa soo baxay ka dib markii ay dhakhaatiirtu Khamiistii Biden ku sameeyeen baaritaan caafimaad oo qaatay saddex saacadood.
Madaxweynaha Mareykanka oo bishii November 80 jirsaday ayaa xaaladdiisa caafimaad lagu eegay isbitaal ku yaalla magaalada Washington.
Waa markii labaad oo baaritaan qota dheer lagu sameeyo Biden tan intii uu qabtay xilka bishii January ee sanadkii 2021.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Baaritaanka madaxweynaha lagu sameeyay Khamiistii ayaa sharraxaad ka bixiyay xogtiisa caafimaad ee hore iyo xaaladda uu hadda ku jiro.
Hase ahaatee waxba lagama baarin caafimaadkiisa dhinaca maskaxda.
"Madaxweynaha wuu u caafimaad qabaa gudashada waajibaadkiisa, si buuxda ayuuna u dhammeystiraa dhammaan shaqooyinka ay mas’uuliyadda ka saaran tahay,” ayuu Dr Kevin O'Connor ku yiri qoraal uu kasoo saaray baaritaanka madaxweynaha.
Sida ku xusan warqadda xogta, Mr Biden waxaa hadda laga daweynayaa wadne garaac qeyrul caadi ah. Sidoo kale waxaa madaxweynaha laga daweynayaa Kolastaroolka oo sare u kacsan, aashito mararka qaar caloosha ku kacda, xasaasiyad xilliyo ku waqtiyeysan, xanuun dhinaca lafdhabarka ah iyo xanuun fudud oo uu ka qabo neerfaha lugaha.
Laakiin dhammaan dawooyinka xaaladahan ayuu si caadi ah ula falgalayaa madaxweynaha, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.
Dr O'Connor ayaa intaas ku daray in baaritaanka u uku ogaaday in aashitada ku kacda madaxweynaha "ay tahay mid ku timid marka uu dhuunta nadiifinayo xilliga uu hadlayo iyo qufaca" kuwaasoo lagu arko mar walba oo uu khudbado jeedinayo.
Waxa uu sidoo kale xusay in Madaxweynuhu uusan lahayn wax calaamado ah oo u uku reebay xanuunka Covid-19 ee ku dhacay xilligii xagaaga.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Dib u eegista xaaladda caafimaad ee Biden waxaa qeyb ka ahaa "baaritaan qota dheer oo lagu sameeyay neerfaha" kaasoo aan lagu arkin wax cillad ah, sida astaamo muujinaya xanuunka faaligga iyo cudurro kale.
Xilli uu Mr Biden isku diyaarinayo ololaha siyasadeed ee dib-usoo doorashada, ra’yi aruurin la sameeyay ayaa muujisay in siyaasiyiinta xisbigiisa Dimuqraaddiga badankood aysan ku taageereyn inuu u tartamo afar sano oo kale.
Dad badan oo fikirkooda dhiibtay ayaa sheegay in da’da Biden oo aad u sarreysa ay abuureyso walaac aasaasi ah.
Waxa uu noqonayaa 86 jir marka uu dhammeysto labada xilli ee madaxweynenimada, haddii dib loo soo doorto.
Markii ugu horreysay waxaa xubinnimada Aqalka Sare oo u uku matalayay Delaware loo doortay sanadkii 1972.
Madaxweynaha ayaa siyaasadda Mareykanka ku dhex jiray muddo ka badan nus qarni.
XIGASHO:-BBC
War cusub oo laga soo saaray caafimaadka madaxweynaha Mareykanka ee 80 jirsaday
..