Daraasad: 'Dawooyinka ay qaatan ragga ee uurka looga hortago guul bay keeneen'
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Baahida loo qabo kaniiniyada ka hortagga uurka ay ragga qaatan ee aan xiriirka la laheyn hormoonka ayaa laga yaabaa inay soo hooyaan guulo isla markaana horseedaan suurtagalnimada ah inay ka hortaggaan in shahwada ay ku dhex dabbaalato gudaha ilmo galeenka hooyada.
Daraasado lagu sameeyay jiir ayaa tilmaamaya in kaniiniga uu xakamaynayo shahwada ugu yaraan dhowr saacadood - si looga hortago in ay gaarto ugxanta.
Waxaa la qorsheeyay in baaritaanno iyo tijaabooyin badan lagu sameeyo arrintan, waxaa dawadan la siin doonaa bakeylaha ka hor inta aan lasoo gaarsiin banii'aadanka.
Wuxuu qorshaha yahay in baaritaan buuxo lagu ogaado arrintani si loo ogaado waxtarka dawooyinka ragga ka hor istaaga inay wax uureeyaan.
Fikradda ayaa ah in ragga ay qaadan karaan kaniiniga saacad ka hor galmada.
Qaabka uu u shaqeeyo kaniiniga
Si ka duwan kaniiniga ay dumarka qaataan ee ka hortagga uurka, kan ragga kuma lug yeesho wax hormoonno ah.
Saynisyahanada waxay sheegeen in tani ay tahay mid ka mid ah faa'iidooyinka kaniiniga oo ay baarayaan - meesha kama saari doono maadada testosterone isla markaana wax saameyn ah kuma yeelan doono yareynta hormoonka ragga.
Taa baddalkeeda, "Dabbaasha ay sameyso shahwada" waxay weecisaa inta badan unugyada astaanta ah ee beegsada borotiinka ee loo yaqaanno adenyl cyclase ama sAC, kaniinigan loogu talagalay inay qaataan ragga si aysan wax u uureyn wuxuu xanibayaa maadada SAC.
Daraasad hore oo lagu sameeyay jiirarka, oo ay maalgaliyeen machadyada caafimaadka ee Mareykanka taasoo lagu daabacay joornaalka Nature Communications, hal xabbo oo daawadan ah, oo lagu magacaabo TDI-11861, ayaa xannibtay dabbaasha shahwada xilliga iyo ka dib galmada.
Saameynta dawadan waxay socotay ilaa saddex saacadood. Ilaa 24 saacadoodna, waxay u muuqatay mid gebi ahaanba jirka kasii baaba'ayso.
Mid ka mid ah saynisyahannadaas, oo lagu magacaabo Dr. Melanie Balbach oo ka socota machadka Weill Cornell Medicine oo ku yaalla magaalada New York, ayaa sheegtay in kaniinigan si fudud loogu adeegsan karo ka hortagga uurka.
Haddii ugu dambeyntii uu kaniinigan wax tar u noqdo banii'aadanka, ragga waxay qaadan karaan mar kasta, waxay go'aan ka gaari karaan xilligga ay wax dhali karaan.
Khuburrada waxay ka digeen in dawadan aysan ka hortagin cudurrada lagu kala qaado galmada.
Professor Allan Pacey, oo ah barafasoor ku takhasusay cudurada ku dhaca ragga oo ka tirsan Jaamacadda Sheffield, ayaa sheegay: "Waxaa jirta baahi weyn oo loo qabo in la helo kanini ay ragga qaataan oo wax ku ool ah, oo macquul ah, in kasta oo sanadihii lasoo dhaafay la sameeyay baaritaanno dhowr ah oo ku aaddan arrintani, hadana mana jirto daawo lagu guuleystay oo suuqa laga heli karo".
"Habka halkan lagu sharraxay, ayaa ah in enzyme-ka muhiimka ah ee shahwada laga saaro, waa fikrad gebi ahaanba cusub. Laakiin Xaqiiqda ah in ay wax ka qaban karto, oo dib loo rogi karo, si dhakhso ah waa mid aad u xiiso badan.
"Haddii tijaabooyinkaas lagu sameeyay jiirka si lamid ah loogu sameeyo banii'aadanka lana ogaado waxtarkeeda, waxay dawada noqon kartaa in ragga ay u isticmaalaan inay kaga hortaggaan uurka, waana guul in muddo ah la raadinayay".
Daraasad: 'Dawooyinka ay qaatan ragga ee uurka looga hortago guul bay keeneen'
.